You are on page 1of 4

STORY: Dib-u-heshiisiinta Marka: dad shalay Cadow isku

ahaa oo saaxibay kana sheekaynaya dhabbihi nabadda


SOURCE: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS AND
PUBLIC AFFAIRS GROUP
RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial
broadcast, print, online and radio use. It is not to be sold on
and is restricted for other purposes. All enquiries to
thenewsroom@auunist.org
CREDIT REQUIRED: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 21/SEPTEMBER/2020, MOGADISHU, SOMALIA

Dib-u-heshiisiinta Marka: dad shalay Cadow isku ahaa oo saaxibay kana


sheekaynaya dhabbihi nabadda

Muqdusho, 21 Sebtembar 2020 – Horraantii 2012, dagaal xooggan ayaa ka qarxay


magaalada taariikhiga ah ee Marka ee gobolka Shabeellada Hoose oo 90 km dhanka
koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho. Dagaalkan ayaa wuxuu ahaa mid ka
mid ah colaadihii ugu muddada dheeraa ee dalka ka dhaca isagoo u dhaxeeyay
beelaha Habargidir iyo Biyomaal oo ka mid ah beelaha ku dhaqan Gobolka
Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa socday muddo lix sano ah, iyadoo kumanaan ruuxna ay ka barakaceen
guryahoodi iyo dhul beereedkoodi, ka dib, burbur iyo dhimasho badan oo u gaystay
dagalku. Waxaa la aaminsanyahay in daraasiin dad ah ay ku geeriyooden colaaddaas.
Magaalada Marka, oo mar ahaan jirtay magaalo dakadeed barwaaqo ah, ayaa isku
badashay goob ay saameyeen qas, saboolnimo iyo fowdo.

Ariintaas ayaa waxa ay ahayd mid aad uga duwan sumcaddi iyo sharaftii lagu
yaqaanay Marka oo ku astaysnayd magaalo nabadeed oo ganacsiga caan ku ah.

Daganaansho isku rogay colaad

Ka hor iska-horimaadkii beelahaas, iyo guud ahaan dagaalkii sokeeye ee burburiyay


dalka, magaalada Marka waxay caan ku ahayd soo saarista iyo ka ganacsiga moos
tayadiisu aad u sarayso oo mar ahaan jiray badeecadda ugu muhiimsan ee ay
Soomaaliya dibadda u dhoofiso. Deeganka ku hareereysan magaalada Marka, ayaa
caan ku ahaa beeraha mooska iyo liinta.
Suldaan Ibrahim oo ah Ugaaska beesha Biyomaal ayaa sharaxaya in labada beelood
ay bilaabeen in ay ku dagaallamaan gacan ku haynta dhul beereed hodan ah oo ku
yaala gobolka Shabeellada Hoose, oo hoos yimaada Dowlad Goboleedka Koonfur
Galbeed Soomaaliya loona arko inuu yahay dhul ay inta badan cunta ahaan
Soomaaliya aad ugu tiirsantahay

"Biyomaal waxay aaminsanaayeen inay dhulkan leeyihin, Habargidir na aysan xaq u


lahayn inay ku noolaato," ayuu yiri Suldaanku isagoo xasuusanaya silicii iyo argagaxii
ay colaadu sababtay.

“Waxaa xirmay iskuulladii maadama waalidintu ay ka cabsanayeen inay carruurtooda


banaanka u diraan” ayuu yiri “Guryaha waa la faarujiyay mana jirin wax xarun
caafimaad ah oo shaqaynaysay.”

Dad fara badan oo ay ku mid ahaayen dumar iyo carruur ayaa lagu qasbay inay
deegaannadooda ka qaxaan, iyagoo u cabsanaya naftooda iyo hantidooda.

Baarliin Cabdullaahi Maxamed oo ka soo jeedda magaalada Marka ayaa noqotay qof
u dhaqdhaqaaqa nabadda, waxayna ka sheekeynaysaa silicii ay soo mareen dumarka
iyo tacadiyadii ay u soo joogtay. Waxay dagaalka ku waysay gabar ay habaryar u
tahay oo ummul ahayd una geeriyootay xabad wadnaha kaga dhacday.

“Haddii aan nahay haweenka gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan soo marnay
waqtiyo aad u adag. Waxaannu dagaallada iyo colaadda ku waynay wiilasheennii iyo
raggeennii,” ayay tiri “Waxaa dhacday in haweeney ay ku umushay geed hoostiis una
geeriyootay dhiig bax ka dib markii ay waysay daryeel caafimaad,”

Sida ay tilmaameen odayaasha deeganka, xaaladda waxaa kaga sii daray Al-Shabaab
oo doonayay in ay ka faa’iidaystaan colaadda.

“Dagaalka ayaa qarxay muddo dheer na socday, waxaana labada dhinac ku dhex
jiray Al-shabaab. Waxaa ay damacsanaayeen in ay ka faa'iidaystaan colaadda taasina
dabkii ayay baasiin ku shiday,” ayuu yiri Ugaas Ibraahim.

Cabdul Cilmi Xasan oo ah Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Habargidir ee


Shabeelada Hoose ayaa fikirkaas la qaba Ugaaska Biyomaal.

"Markii ay gobolka dawladda dib ula wareegtay," ayuu yiri, "Al-Shabaab waa laga
saaray waxayna isku dayeen inay colaad ka dhex oogan labadeena beelood,”

Dagaalki oo isu bedelay wadahadal

Ka dib sanado badan oo ay colaadu socotay, aragtida dagaalka ee labada dhinac ayaa
dabacday. Odoyaasha labada beelod ee Habargidir iyo Biyomaal ayaa waxaa kulan
iskugu keenay saaxiibo indheergarad ah, oo waydiiyey su’aal fudud oo ah: ‘Maxaad
ku dagaallamaysaan?’ Su’aashaas waxay sababtay in uu isbeddel dhaco.
“Waxaan garwaaqsanay inaysan jirin waxaan ku dagaalaanno. Waxaan isku raacnay
in annagoo ah Odayaasha Dhaqanka aan marka hore heshiinno inta aanan u gudbin
xallinta colaadda. Waxaa noo caddaatay in aysan jirin sabab aan isku dilno iyo inaan
wax walba ku xalin karno wadahadal,” Ayuu yiri Nabaddoon Xassan.

Bishii Maarso 2017, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee


Soomaaliya ayaa taageertay dadaallo dib-u-heshiisiineed oo rasmi ah oo looga gol-
lahaa in lagu sii wado wadahadallada laguna gaaro Isfahan. Odayaasha dhaqanka,
taliyayaasha maleeshiyaadka iyo dadka nabadda u dhaqdhaqaaqa oo ka socday
Habargidir iyo Biyomaal ayaa ku kulmay hoteel ku yaalla Muqdisho si ay wada jir ugu
raadiyaan xal lagu soo afmeero colaadaha.

"Waxaan ku heshiinay saddex arrimood: joojinta colaadaha, in magaalada Marka


lagu qabto shir nabadeed oo ballaaran oo taageera ka haysta Xukuumadda
Federaalka ah ee Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyo in maleeshiyaadki
dagaalamay la qarameeyo," ayuu yiri Ugaas Ibrahim.

Wadahadal iyo heshiis

Waxa xigay waxa ay ahaayeen dood iyo wadaxaajood qaatay muddo bilooyin ah una
dhexeeyay nabaddoonada, siyaasiinta, haweenka, dhalinyarada iyo ganacsatada isku
fikirka ah ee ka soo jeeda labada beelod. Arrintii waxaa ay ku biyo shubatay, in
Biyomaal iyo Habargidir, oo muddo ku dhow 10 sano ah dagaalamayay, ay
heshiiyaan nabadna ku wada noolaadaan. 26 Maarso, 2018, hanaankii wada
xaajodka waxaa lagu gaaray heshiis nabadeed oo si wadajir ah ay u saxiixeen
odayaasha dhaqanka ah ee labada beelod iyadoo heshiiskaas ay taageerayeen
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ah.

Dadweynaha magaalada Marka ayaa hadda ku naalloonaya mirihii nabadda.


Noloshu caadi ayay ku soo noqotay: iskuulladu way furan yihiin, ganacsigu wuu
socdaa, dadkuna waxaa ay ku laabteen guryahoodii. Magaaladu waxaa ay mar kale
hanatay maqamkeedi ahaa in ay tahay magaalo Soomaaliyeed oo nabdoon, oo ay ku
noolyihin bulsho nabadda jacel, waxayna mar kale tusaale u noqotay in ay
wadaxaajod nabad ku gaari karan dad isku maan ah.

“Waxan gaarnay nabad macaan oo ay dani ugu jirto gobolka Shabeelaha Hoose.
Maanta, ma maqlaysid dhawaaqa rasaasta mana arkaysid beelo dagaallamaya,” ayay
tiri Baarliin Maxamed, “Dadkii shalay dagaallamay hadda nabad ayay ku wada
noolyihin, hal weel ayayna wax ku wada cunaan.”

Maalinta Nabadda ee caalamiga ah


Sannad kasta Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxaa laga xusaa adduunka oo
dhan 21 Sebtembar. Sanadkii 1981, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku
dhawaaqay in maalintan loo aqoonsaday mid lagu xoojiyo qiyamka nabadda iyadoo
la dhowrayo 24 sacaadood oo rabshad la’aan iyo xabad joojin ah. Halkudhigga 2020
ee maalinta nabadda ee caalimaga ah ayaa ah “qaabaynta nabadda si wadajir ah.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa fariin uu maalintan


ugu talagalay wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaaha
meel kasta oo ay aduunka ka joogan in ay hubka dhigaan kana shaqeeyaan sidii
nabadda lagu gaari lahaa, wuxuuna intaasi raaciyay, “Maadaama cudurka saf
mareenka ah ee COVID-19, uu culeys badan ku hayo adduunka, baaqani wuxuu
leeyahay muhiimad ka ballaaran tii hore… Adduunku wuxuu wajahayaa cadow mid
ah: Fayris dilaa ah oo keenaya xauun baaxad leh, burburinaya nolosha, horseedaya
xasarado caalami ah oo kaga sii daraya caqabadihii amniga iyo nabadda adduunka oo
mar horeba ahaa kuwa aad u nugul.”

You might also like