You are on page 1of 33

PREPARED BY U.

MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUB KA 1AAD - CILMIGA JIYOOLOJIGA - SU,AALO & WAABO

1. Qeexidda waxa loola jeedo cilmiga jiyoolojiga.

Cimiga jiyooloojiga waa aqoonta ama cilmiga la xirlira barashada ama daraaseynta
isbeddellada iyo diinaamikida (dhaqdhaqaaga) dhulka iyo ilaha tamarta ee dhulka ku
dhex jira.

2 .sheeg ama tilmaan laamaha cilmiga jiyooloojiga?

• Jiyoolojiga bay,adag ( deegaanka)

• Jiyoolojiga handasada

• Jiyoolojiga waxbarashada

• Jiyoolojiga saliida iyo dhaqaalaha.

3. Cadde ama Tilmaan xilliyada jiyooloojiga.

• Waaga kambiriyan ka horreeya

• waagii baaliyosooiga ( paleozoese)

• waaga labaad ( waagii mesoosoik)

• waaga sedexaad ( kinozoi)

• waaga cusub

4. Sheeg muhiimadda waayadii Jiyoolojiga?

In ay sharaxaad inaga siiyaan wax badan oo muuqaallada dabiiciga ah kuwaas oo


aysan suurtagal ahaan laheyn asal ahaan halka ay kayimaadeen haddii aan
ladaraaseynin waayadii Jiyoolojiga.

5. Falanqeynta ahmiyadda dhaqaale ee xilliyada jiyooloojiga.

Ahmiyadda dhaqaale ee waaga kambiriyam ka horreeye.

Dhulka sameysmay ama dhadhaabyada waagani waxay ka kooban yihiin macadain


aad qali u ah sida dahabka, qalinka, maarta, sinkiga, birta, karoomka, niikalka, tinka,
balanmbamka iyo qaar ka mid ah macaadinta shucaaca bixisa, waxaa intaa dheer
macaadinta shiil cadka iyo garanaytka.

Ahmiyadda dhaqaale ee waaga baaliyosooiga.

Dhadhaab sameysanka xilligaan wuxuu ka kooban yahay caydhiinka macaadinta birta


iyo maganiska, sidoo kale waxaa laga helaa faar dhuxul ah waxay ku filiqsan tahay
meelaha laga qodo dhuxushaan meelo ka mid ah Yurub, Shiinaha, dalalka midowgii
Soofiyeetigi hore iyo Koonfur Afrika, sidoo kale waxaa laga helaa xaddi aad u yar
meelo ka mid ah dhulka carabta sida Yaman lyo Sacuudi carabiya.

W
1 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

Ahmiyadda dhaqaale ee waaga labaad:

Saliidda waxay ka mid tahay macdanta sameysantay waagan gaar ahaan xillga
kiritaasiga (Chalk) taa oo lagutiriyo isha ugumuhiimsan tamarta maanta dunida laga
isticmaalo, sidoo kale waagani waxaa sameysmay birta caydhiinka ah foosfaytka iyo
dhadhaabta loo yaqaan balestarka.

Ahmiyadda dhaqaale ee waaga saddexaad:

Muhiimadda dhaqaale ee waagan waxaa sabab u ah sameysanka dhagaxa nuuriyada


iyo dhagaxa dhoobada ah, oo loo adeegsado soo saarista sibidhka ama shamiindada
iyo isticmaalka basaltiga kaa oo loo adeegsado dhinacyo badan, sidoo kale ahmiyadda
waagani waxaa ka mid ah sameysanka salfarka caydhin,sinkiga. balambamka iyo
saliidda.

Ahmiyadda dhaqaale ee waaga cusub:

Waxaa loo adeegsadaa faarkiisa (sediment) gaar ahaan kuwa sibsibka ah, qururuxa,
carrada iyo dhoobada in lagu simo waddooyinka iyo sameynta lebenka, faarka wabiga
waxaa loo adeegsadaa carrada beeraha oo aad ka u sarreeyo carro sannimadeeda.

6. Sheeg xilliyada jiyooloojiga da,da mid walba?

• waaga labaad ( waagii mesoosoik) da, diisu waa 160 milyan oo sano

• waaga sedexaad ( kinozoi) da,diisu waa 63 milyan oo sano

• waaga baaliyosooiga da,diisu waa 2 milyan oo sano

• waaga cusub da,diisu waa 1 milyan oo sano

7. Muujinta kaalinta muslimiinta ee la xiriirta cilmiga jiyooloojiga.

Cdda muslimiinta waxay ku dhiseen cilmiga jiyoolojiga qaab maangal ah oo aadna u


haboon, taa oo ka duwan qaabkii ay cilmiga jiyoolojiga ku dhiseen Garigga kuwaa oo
cilmiga jiyooloojiga u cuksaday hab ku dhisan khuraafaad iyo sheeko
baralley,sanadka markuu ahaa 210 hijriga ee ku beegan 825CD muslimiinta waxay
sameeyeen iney cabbiraan dhexroorka dhulka,sidaa oo kale waxay cabbireen
wareegga dhulka, natijada ka soo baxdayna waxay aad ugu dhoweyd natijooyinka ay
soo saareen saynis yahannada casriga ah. Saynis yahanka weyn ee lbni Siinaa wuxuu
kaga sheekeeyay buugaagtii uu qoray qaarkood cilmiga dhulka sida buuggisii Al-
Shifa, halkaa oo qeybta macaadinta iyo raadadka sare uu kaga sheekeeyay dhulgarirka,
noocyadiisa iyo waxyaabaha dhulgariirka dhaliya,waxaa intaa dheer in uu ahaa saynis
yahankii ugu horeeyey ee ka hadla waxa loo yaqaan dhul go'a iyo qar dunka wuxuuna
ka mid yahay sababaha foolkaanaha,sidoo kale wuxuu tilmaamay caalimkaan in
dhulgariirku uu sabab u noqon karo ilo biyo ah oo dhulka dushisa ah,wuxuu kaloo

W
2 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
2
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

tilmaamay sameysanka buuraha ay sabab u tahay waxyaabaha carro guurka iyo


dhaqdhaqaaqa dhulka gaar ahaan kor u soo kaca.

8. Imisa ayaa loo qeybiyaa da,da Dhulka?

Afar waa

9. Sheeg qiyaasta da,da Dhulka iyo da,da qalfoofta Dhulka?

Da,da Dhulka waxaa ugu qiyaasaa 2000 milyan oo sano halka qalfoofta Dhulka
da,deeda lagu qiyaaso 1500 milyan oo sano

10. Qeex qaab dhismeedka Jiyoolojiga ah ee Dhulka Soomaaliya?

Qaab dhismeedka jiyooloojiga Soomaaliya waxa ay ka timid sagxaddii hore ee Afrika,


waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin dhadhaabyada ugu horreeyay ec qolofta dhulka,
sagxaddani waxa ay qeyb ka aheyd qaaradda junduwana land.

11: Tilnaan xilliyada jiyooloojiga ee dhuika Soomaaliya.

Xilliyada jiyooloojiga ee dhulka Soomaaliya waa:

A. Waaga koowaad ama (Xilliga Tirisik)

T- waaga labaad ama xilliga Juraasik.

J. Waaga saddexaad ama xilligaAyuisiin

X- afaraad (Xilliga Baaliyoosiin)

12: Falanqee dhaqdhagaaqyada gilgilka iyo saameyntooda ee dhulka Soomaaliya?

Dhaqdhaqaaqyada gilgika iyo saameyntooda ee dhulka Soomaaliya dhaqdhagaaqa


gilgilka guud wuxuu la xiriiraa sameysanka Gacanka Cadmeed (laga soo bilaabo
dhanka galbeed ilaa dhạnka bari), sidoo kale saameynteeda waxey ka-muuganayšaa
dhanka jeexa Badda Cas laga soo bilaabo waqooyigalbeed ilaa koonfur bari ee dhulka
Soomaaliya.

13. Caddee noocyada carrada Soomaaliya.

Noocyada carrada Soomaaliya waa:

1. Carrada bannaan xeebeedka.

2. Carro lakabeed ka kooban nuurad iyo bataax.

3.carro nuuriyad

4. carro foolkaano

5. carro dhoobada madow

W
3 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
3
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

13. maxaa ka dhigay carrada soomaaliya mid kala nooc ah?

Waxaa ka dhigay kala duwanaanta cimilada iyo dhadhaabta

14. Wax ka qor dhibaatooyinka carrada dhulika soomaliya?

Dhulka soomaaliyeed guud ahaan waxaa heysta dhibaatooyin ay ka mid tahay carro
burburka oo ay sababayaan waxyaabaha keena carro guurka haka yimaadaan xagga
dabeysha ama xagga biyaha, dhirta oo aad u yar, dadka oo aad ugu howllan jaridda
dhirta si ay dhuxul uga dhigtaan.

Dooro jawaabta saxda ah dhammaan weedaha soo socda:

1. waxaa lagu qiyaasaa da'da dhulka ku dhawaad:

B) 3000 milyan oo sano

T) 2000 milyan oo sano

J) 4000 milyan oo sano

X) 5000 milyan oo sano

2. waxaa lagu qiyaasaa da'da qolofta dhulka ku dhawaad

B) 1500 milyan oo sano

T) 1600 milyan oo sano

J) 2000 milyan oo sano

X) 1800 milyan oo sano

3. waaga ugu dheer waayada jiyooloojiga waa

B) waaga labaad (miisoosawii) ama waaga nolosha dhexe

T) waaga koowaad ( baaloosawii) ama waaga nolosha hore

J) waaga sadaxaad ( kaayoonusawi)

X) waaga afaraad ( waaga cusub)

W
4 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
4
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUBKA 2AAD- NOLOLEYDA (BIOSPHERE) SU,AALO & JAWAABO

1- Waa maxay nololey ?


Nololey waa dhamman nololeyda ama noolaha laga helo ogada sare ee
dhulka .
2- meqaa loo qaybiya gibillada dhulka ?
waxa loo qaybiya seddax qaybood oo kala ah :-
 gibilka ogada
 gibilka biyoodka
 gibilka hawada .
3- wax ka sheeg astaamaha Nololeyda ?
waxa ka mid ah in ay tarmaan dhaman nololeyda xaaladaha ku haboon.
Sidoo kale waxa ka mid ah isdhaafsi CO2 oo u dhaxeya nololeyda iyo gibilka
hawada .
in ay isla fal galaan noolaha iyo ma noolaha
4. Tix waxa uu ka koobanyahay gibilka nololeyda ?
Gibilka nololeyda waxa uu ka koobanyahay dhamman :
• Carrada
• Dhirta
• Xayawaanka
• Aadanaha.
5. waa maxay ama qeex carro ?
carro waa dhagax burburay kaa oo ay ku dhacday isbedello kiimiko ah, ayna ku
milmeen waxyaabo orgaanik ah , noqotayna mid ku habbon in ay dhirtu ka baxdo .
6. Tiri nuucyada carrada?
• Carro madow
• Carro gaduud
• Carro hurdiga.

W
5 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
5
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

7. waa maxay nuucyada carada tan ugu wanaagsan berashada halkeena laga
helaa ?
tan ugu wanaagsan waa carro madow, waxaana laga hela meelaha foolkanaha iyo
hareeraha wabiyada .

8. Halke laga helaa carro gaduud ?


waxay ku filiqsan tahay carradaan gobollada kulaaleyda, badhaalaha iyo
kulaaley xigeenka .
9- Halkee laga helaa carro hurdiga ?
Waxa laga helaa meelaha lama dagaanka ah .
10. wax ka sheeg ahmiyada carrada u ledahay noolaha ?
carrada wax tarkeeda waxa kamid ah :-
• Carrda dhulka waxay ku haysaa xididdada dhirta taa oo ka qayb qadato
kobaca dhirta
• Carradu waxay dhirta iyo cawska siisaa biyaha iyo macadinta milixda
( cusbo )
• Waxay burburisaa waxyaabaha organiga ah halkaa oo ay ka shaqayneyso
dib ugu soo celinta xalada dabiciga ah.
11. sheeg waxyaabaha ay ka kooban tahay carrada ?
carrada waxay ka koobantahay maadoyin badan waxa ka mid ah :-
• Walxo macdaneed
• Huyuumas
• Biyo
• Hawo
12.maxa ka qaybqato samaysanka carrada ?
waxa ka qaybqato waxayabo badan waxana ka mid ah:-
• Carro guurka
• Dhagax burburka
• Tuulimaad

W
6 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
6
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

13. maxa keena carro guurka ?


carro guurka waxa inta badan keena dadka , xoolaha ,
biyaha iyo dabaysha .
14- Tiri qaybaha dhirta dabiciga ah ?
waxa loo qaybiya dhirta dabiciga ah
• kaymaha
• Harame
• caws.
15.Halkee ka baxaan kaymaha ugu weyn uguna muhiimsan qaybaha dhirta ?
waxay ka baxaan meelaha laga helo biyo isla markaana carrda iyo heerkulka ay
ku haboon tahay .
16. halkee laga helaa harame ? Imisa loo qaybiyaa haramaha ?
waxa laga helaa meelaha oo ku da'o xaddi roobaad yar oo aan ogolanen in ay ka
baxdo geedo waaweyn. Waxana loo qaybiyaa haramaha laba nooc oo kala ah :-
• Safaanaha: waa caws dhadheer oo adag
• Istibsi: waa harame gaagaaban oo jilicsan
18- waa maxay caws ?
waa dhir gaagaban oo kala jaad ah taa oo ka baxdo meela kala duwan oo
dunida kamid ah .
19- Tiri waxyaabaha sameeya dhirta dabiiciga ah ?
• Carada
• Kala sareynta dhulka
• Heerkulka iyo iftiinka
• Xaddiga da' aaga ( roobka )
20. qodobee ahmiyada iyo waxtarka dhirta dabiiciga ah ?
waxa kamid ah waxtarka iyo ahmiyada dhirta dabiciga ah :-
• Waxay ilaalisaa qoyaanka carada , waxay noolaha siisa oksijiinka lama
huraanka u ah noolaha.
• Waxay yareesa xaalufka ama in uu dhulku lama degaan isu bedelo
( desertification )
• Waxa loo adeegsan karaa il tamar ama shidaal
21.qodobee dhibaatoyinka haysta dhibaatoyinka kheyraadka dhirta dabiciga ah ?
• Isticmaal xumida aadanaha ee la xiriirta dhirta dabiciga ah
• Gubashada kaymaha
• Isbeddelka xun ee ku dhacay deeganka dhirta
22.wax ka sheeg sameynta oo ku yeesho aadanaha deeganka ?
Aadanaha inta uu ku jiro howlihiisa kala duwan wuxuu saameyn weyn ku
yeesha deegaanka : Hagaajinta dhulbeeredka , dhismooyinka daaraha ,
waddo jeexidda macdan qodoshada .

W
7 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
7
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

23.Tilmaam qaybaha xayawaanada ?


• Il-maragto
• Cayayaan
• Ugaarsade
• Baalaley ( shimbiro )
• Daaqayaal
24. Tiri waxayaabaha sameeya filiqsananta xayawaanada dhulka oo gadiisa ?
waxa saameyn ku leh waxyaabo badan waxaana ka mid ah :-
• Dhirta dabiciga ah
• Cimilada
• Kalsareynata dhulka ( Rleif )
25. cadee waxa loola jeedo gobol dabiici ah ?
Gobol dabiici ah waxa loola jeedaa goob dhulka kamid ah oo leh astaamo is kumid
ah marka laga eego xagga cimilada iyo dhirta .
26. Tilmaam gobolada dabiiciga ah ee dunida ?
• Gobolada kulaaleyda kulul
• Gobolada dhiirimaad dhaxdhaxaadka ah
• Gobolada qaboobaha dhaxdhaxaadka ah
• Gobolada qaboobaha cirifyada
• Gobolada buuralaydaa
27. isbarbardhig astaamaha gobolada kulul iyo kuwa qabow ee dunida ?
Astaamaha gobolada kulul waxa ka mid ah :-
• Heerkulka oo sareeya sanadkoo dhan
• Faraqa heerkulka maalintii oo aad u weyn
• Faraqa heerkulka sanadeedka oo yar

Astaamaha gobolada qabow waxa ka mid ah:-


• Xagaa qabow ah oo aad u gaaban
• Jiilaal qabow oo aad udheer
• Roobab qaab baraf ahaana u da'aaya
29. sheeg gobolada soomaaliya katirsantahay?
soomaaliya waxay ka tirsantahay gobollada kulaalayda ah.
30. Halkee ay ku badantahay dhirta soomaaliya ?
dhirta soomaaliya waxay ku badan tahay gobolada koonfureed
31. maxaa sababay dhirta in ay ku yaarato gobolada waqooyi iyo kuwa dhaxe
marka la barar dhigo kuwa koonfureed?
sababtuna waxay tahay gobollada waqooyi iyo kuwa dhaxe waxaa aad ugu yar
roobka marka la barbar dhigo kuwa koonfureed, sidoo kale waxaysan lahayn wabiyo
joogta ah.

32. maxa horseday in ay ku badato cufnaanta dhirta dabiiciga ah ?


• Saamiga heerka huurka oo aad usareeya ( humidity )
• Roobabka oo badan
• Dhulka oo carro san ah dhumucdeeda oo aad usareeysa

W
8 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
8
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

33.Tiri waxa keenaya dhulka inoo isku badalo dhul lamadagaan ah oo qalalan ?
• Isticmaalka aan loo meel dayin ee xoolo dhaqatada
• Isticmaalka maxaliga ah ee kala duwan sida dhuxusha iyo dhismaha
• In la soo saaro dhuxusha dhirta laga sameeyo si loogu geddis geeyo
seyladaha dibadda
• Daaqsiga xad dhaafka ah.

34. wax ka sheeg waxtarka dhirta dabiiciga ah ?


• Dhirta waxa loo tix galiyaa inay ka mid tahay ilaha ugu muhiimsan ee calafka
soomaaliya
• Dhirtu waxay carada ka ilaalisa carro guurka iyo xarfashada
• Dhirtu carrada waxay siisa waxyaabaha orgaanigga ah

35. dhirtu imisa ayey mataleysa ilaha calafka soomaaliya ?


dhirtu waxay matashaa 98% wadarta ilaha calafka ee dalka
36- waa imisa hektar badka dhulka daaqsinka ah ee soomaaliya ? goormuu
balaarta ?
Bedka dhulka daaqsinka ah ee soomaaliya waxa uu gaaraya ku dhawaad 28.65
melyan oo hektar badkaani wuu balaaranaya sanadaha oo roobku badan yahay
wuxuuna gaari karaa ilaa 36 malyan oo hektar
37- imisa ayaa lagu qiyaasa duunyada soomaaliya ?
waxa lagu qiyaasa 39.64 malyan oo neef .
38. sheeg maxa lagu qiyaasa xoogsatada soomaaliya ?
waxa xoogsada ku dhawaad 60% dadka soomaaliya

W
9 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
9
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

ka dooro jawaabta saxda ah dhammaan weedhaha soo socda


1. noocyada carrada tan ugu bacrinsan waa:
B) carrada cawlan
T) carrada gaduudan
J) carrada madow
X) carrada ramaadiga ah
2. waxaa lagu magacaabaa cawska meelaha dhex-dhexaadka ah
B) kirisasemum
T) saafaana
J) istibsi
X) tundura
3. gobolka kulaaleyda wuxuu fidsan yahay inta u dhaxeysa:
B) 15o waqooyiga kulaalaha koonfureed iyo koonfurtiisa
T) 5o - 23.5o waqooyiga dhul baraha iyo koonfurtiisa
J) 4o - 5o koofurta kulaalaha koofureed
X) 5o - 23.5o waqooyiga dhul baraha
4. roobabaka gobolka badhaalaha waxay da'aan sanadkoo dhan
iyagoo kordhayo xiliyada:
B) guga iyo jiilaalka
T) Deyrta iyo Xagaaga
J) Guga iyo Dayrta
X) Jiilaalka iyo Xagaaga

W
10 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
10
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUBKA 3AAD - DADKA IYO DEEGAANKA - SU,AALO & JAWAABO

1.Qeex kala duwanaashiyaha deegaanka sheegna muhiimaddiisa?


waxaa loola jeedaa kala duwanaashiyaha noolaha, sida qaab
dhismeedka hido sidaha dhirta iyo xoolaha iyo kala duwananta hab
dhaqanka .
Muhiimaddiisuna waa sare u kicidda cimilada.

2.maxaa sababa kala duwanaashiyaha deegaanka ?


Dabargo ka dhasha si xun u adeegsiga ilaha dabiiciga sida isticmaalidda
kiimakaalka laaya cayaanka si looga ilaaliyo dalagga iyo wasakheynta biyaha
wabiyada iyo badahaIntaas waxaa dheer dhismaha iyo warshadaha.
3. Sheeg sababaha keena burburka deegaan ee keymaha dunida ?

Shaqadii uu qaban jirey deeganka dabiiciga ah ayaa hoos u dhac kuyimid sida,
bacraminta cayayaanka ee dalagga iyo awoodda quudin ee carrada iyo
awoodda ay kaymaha ulahaayeen yareynta kaarboonka .
4. Falanqee dhibaatada deegaanka iyo saameynta ay ku leedahay
maalgashiga ilaha dabiiciga ah .?
Dhibaatada deegaanka kuma eka wasakhoobidda deegaanka iyo
dhibaatooyinka ka dhasha ee waxaa intaa dheer in kafaa'ideysiga ilaha dabiiciga
ah ay taabaneyso, tusaale biyaha macaan inta badan dunida waxaa gaaray
wasakhoobidd waxaase intaa udheer in si aan wanagsaneyn loo isticmaalo
5. Sheeg khatarta deegaan ee ugu badan oo Aadanaha waxyeelleyn karta ?

Wasakhowga iyo isbeddelka cimilada waxay horseedeen musiibooyin ka dhaca


dunida aynu kunoolnahay, iyadoo hadda ay taagan tahay cabsi xagga deegaanka
ah oo ay kamid tahay wasakhowga iyo isbaddelkacimilada. Dhibaadooyinka kale
ee Aadanaha waxyeelleyn karta waxaa ka mida:
• Roob Aashatida wada
• wasakhowga hawada iyo

• fididda deegaanka

• wasakhowga ilabiyaha

6. Sheeg noocyada wasakhowgadeegaanka?

1. Wasakhowga hawada 2.Wasakhowga biyaha


3. Wasakhowga carrada 4. Isbeddelka cimilada
5. isbadalka cimilada 6. heerkulkadunida oo kordha
7. kaymaha oo la baabi'yo 8. isbadalka hidaha
9. saameynta noolaha badda

W
11 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
11
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

7. sheeg maxaa loola jeedaa wasakhowga hawada ?


Wasakhowga hawada – waqti badan ayay ubaahan tahay si looga soo kabsado
wasakhowbista hawada, biyaha iyo qiiqa gawaarida ay sii daayaan ayaa ah suntan ugu
badan.
8. maxaa keena wasakhowbista biyaha ?

waxaa keena Haraaga warshadaha iyo beeraha waxaana ka dhasha wasakhowga


goobo nafto ah oo lagu arko biyaha dushooda iyo roobab aashita wata iyo
deegaanka oo fida.
9. maxaa sababa waskhowga carrada ?

waskhowga carrada: wuxuu keenaa burburka dhulka ayadoo ficilada aadanaha uu


sabab u yahaysida macdan qodiddahar aaga warshadaha iyo xaalufka kaymaha.
10. waa maxaay adeegsiga Heerkulka dunida oo korodha ?

adeegsiga shidaal dhulka laga qodo iyo gaaska hawada lagu sii daayo ayaa sababaa
kuleylka oo sii kordha ,taasoo horseedi karta isbeddel deegaan ku yimaada.

11. sheeg qaababka wasakhowga hawada ?

waa walxo adka ah oo hawada gala, sida qiiqa, carrada, suufka,shamiintada iyo sunta
cayayaanka.
12. Waa maxay xaalufin?

waa hoos u dhac ku yimaado carrada dhulka qallalan iyo dhulka biyaha leh,taasoo
ka dhalatay isbeddelka cimilada iyo howlaha aadanaha ka sameeyandeeganka.

13. Goormuu dhacay,xaguusa ka dhacay shirkii 1aad ee looga hadlay arimaha


Deegaanka ?

Waxaa uu ka dhacay magaalada istookhom sanadkii 1972-dii.


14 .Sheeg wax yaabaha sababa xaalufka ?
Waxaa sababa waxyaabo dabiici ah iyo kuwo aadanaha la xariira.
15.Sheeg sababaha dabiiciga ee xaalufinta?
waxaa ka mid ah :
• xiddigaha roobka oo yaraado, iyo abaaro isdaba jooga ah.
• carra guur ka dhasha dabeysha iyo daadadka .

16.Sheegsababaha Aadanahaeexaalufinta?
• cadaadiska deegaanka kaga imaanaya dadka .

• qaab beerashada aan saxneyn.

• si xun u adeegsiga ilaha dabiiciga ah.

W
12 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
12
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

17. Maxaa ka mid ah si xun u adeegsiga ilaha dabiiciga?


waxaa ka mid ah:-

• in la baabi'iyo khayraadka dhulka hoostiisa ku jira iyo carrada.

• baabi'inta xoolaha daaqa iyo wasakhaynta biyaha muuqda iyo kuwa


dhulka hoostiis ku jira.

18. sidee u xalin karnaa xaalufida?

waxaan u xalin karnaa qaabab badan waxaana ka mid ah:-

• in la joojiyo hab beerashada deegaanka khatarta ku ah.

• adeegsiga tamarta cusboonaata halka laga adeegsado xaabada dhirta


taa oo ilaalinaysa dhirta.
• adeegsiga nidaam ilaalin kara ilaha biyaha.

• faafinta wacyi deegaankaxafida.

• sameynta seero deegaan oo la ilaaliyo.

19.sidee looga hortagi karaa carro guurka?

waxaa looga hortagi karaa qaabka Makaanikada iyo qaabka kiimikada


20. waa maxay xarfashadacarrada?

carradu waa dahaarka kore ee meeraha dhulka ,waxayna ka sameeysan tahay


burburka dhagaxyada kala duwan ,taasuna waa sababta ay carradu u kala
duwantahay oo mid waliba ay u leedahay astaamo tan kale ka duwan oo waafaqsan
hadba dhagixii ay asalkii ka dhambalantay.

21. maxaa keena xarfashada Carrada?

waxaa keena afarsabab:-


• waxyaabha carra guurka keena sida roobka iyo dabeylaha.

• Baabi'inta dhirta hakin lahayd bacaadka .

• Daaqa oo aan loo meel dayin oon si wanaagsan loo maarayn.

• Habdhaqanka Aadanaha guracan ee u adeegsiga carrada dhismaha .

22.sheeg noocyada xarfashadacarada?

• Xarfashada ay dabeysha keento.

• Xarfashada ay Biyaha keenaan .

W
13 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
13
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

23. sidee loo yareen karaa xarfashada carada?


• in la sameeyo cilmi baaris buuxda oo ku aadan sababaha xarfashada iyo sida
looga hortagi karo.
• in la sameeyo bacaad celin iyada oo la samaynayo dayr lana celinaayo bacaadka.

• in meel lagu aruriyo biyaha iyo daadadka loogana faaidaysto lana xakameeyo
iyadoo la dhisaayo barkado iyo biyo xireeno si loo yareeyo awoodda biyaha.
• In la beero dhir korna loo qaado dhireenta.

• in la joojiyo si xun u isticmaalka carrada.


• in la yareeyo dhibaatada dhulka janjeera iyadoo la dhisaayo jaran jarooyin.

• in la sameeyo meel lagu xannaaneeyo ariga iyo lo'da lana baro beeralayda
qaab falidda ku habboon iyo waqtiga ku habboon.
24. Sidee loo xakameen karaa daadka si loo ilaaliyo dadka iyo hantida?

in laga hortago khatarta la fili karo lana raaco habraaca digniinta hordhaca ah iyo in la
diraaseeyo.
25. waa maxay dhibaatooyinka daadka ka dhasho ?

• khasaarooyin naf iyo maalah.

• dhulka oo go'o.

• dhul beereedka iyo xoolaha oo waxyeello soo gaarto.

• carro guur.

• shaqada oo caqabad ay ku timaado.

33.maxaa sababaDaadka?

• In Carada awoodi wayso in ay dhuuqdo biyaha xad dhaafka ah.

• In Tubbooyinka biyaha qaada ciriiri noqdaan ama dayac ku yimaado.

• burburka wadooyinka iyo haraaga qalabka dhismaha .

• Dayactir la'aan biya mareenada .

34. sheeg talaabooyinka looga hortagi karo Daadka?


• In la sameeyo Tira koob meelaha daadka khatarta ugu jira.

• daryeelka goobaha daadka u nugul.

• illaalinta magaalooyinka.

• in dadka loo jiheeyo ka faaidaysiga dhul beereedka.

• in la helo agab bixiya digniin xilli hore .

W
14 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
14
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

35. Sheeg dhibaatooyinka deegaankasoomaaliya?


• Jaridda dhirta
• Duugista wax yaabaha haraaga ah ee kiimikada.

• Abaaraha

• daadadka oo soo laab laabta .

36.maxaa ka dhalan kara jariddadhirta?

• nabaad guur

• abaaro iyo roobyari


37. Sheegdhibaatooyinaugubadaneekeenawasakhowgabiyaha,carradaiyo
hawada?

kiimikada iyo haraaga warshadaha ayaa ah dhibaatooyinka ugu badan ee keena


wasakhowga biyaha , hawada iyo carrada .

38. Sheeg dhibaatada ugu badan ee deegaanka dabiiciga ee soomaaliya ?


dhibaatada ugu badan ee deegaanka dabiiciga ee soomaaliya waa (wasakhowga).
39. Qeex waxa laga wado Abaar ?

Abaartu waa xaalad ka dhaladay hoos u dhac ku yimaada roobka mudo dheer.

W
15 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
15
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUB KA 4AAD - JUQURAAFIGA SOOMAALIYA - SU,AALO & WAABO


1. Caddee Halka ay dhacdo jamhuuriyada soomaaliya falaki ahaan?
Waxa ay dhacdaa loolka 2o koonfurta iyo loolka 12o waqooyi dhul baraha, taa oo ka
dhigaysa mid ku fidsan 14 lool. sidoo kale waxey dhacdaa dhigta 51o ilaa 35o ee
baiga gariinwijka.
2. Caddee halka cimilo ahaan ay dhacdo somaaliya?
Waxa ay u dhaxeysaa soomaaliya goobaha badhaalaha iyo goobaha kuleeleyda.
3. sheeg hawlaha dadka soomaaliyeed?
waxey isugu jiraan ganacsato, xoolo dhaqato, beeraley iyo kaluumeysato
4. tilmaan saameynta dariska juqraafi ahaaneed ee dalka soomaaliya?
soomaaliya iyo dalalka dariska la ah wuxuu ka mid yahay xuduudaha afrika kuwa ugu
xasaasisan uguna dhibaatooyinka badan sababtuna waxey tahay loolanka ka dhexeeya
soomaaliya iyo labada dal ee itoobiya iyo kiinya ee ku saabsan gobolka soomaali
galbeed ee raacsan itoobiya iyo gobolka waqooyi bari ee raacsan kiinya.
5. Sheeg dalalka ay xuduud la leedahay soomaaliaya?
• Waqoyi waxa ay xuduud gaareysa 58 km kala leedahay Jabuuti
• Koonfur waxa ay xuduud gaareysa 678 km kala leedahay Keenya.
• Galbeed waxa ay xuduud gareysa 1590 KM kala leedahay Itoobiya.
6. Sheeg baaxada dhulka soomaaliyeed? Iyo dhererka xeebteeda?
Soomaaliya Baaxadda dhul keedu waa 637,657 km2 . halka dhererka xeebteedu uu
yahay 3333 km.
7. Sheeg waxyaabaha soomaaliya u horseeday in ay noqoto goob istaraatiiji ah?
• Waxa ay dhacdaa marinka dabiiciga ah ee bartamaha afrika
• Waxa ay ku taal meel bartamaha u ah dunidi hore.
• Waxa la rumaysan yahay in somaliya ay tahay halka islaamku ka soa galay
baratamaha & bariga afrika.
8. tix gobolada soomaaliya iyo magaala madaxdooda?

GOBOLKA MAGAALO GOBOLKA MAGAALO


MADAX MADAX
1 Awdal Boorama 10 Sh. dhexe Jawhar
2 Sanaag Ceerigaabo 11 Bakool Xudur
3 Nugaal Garoowe 12 J. Dhexe Bu,aale
4 Hiiraan B/weyne 13 Togdheer Burco
5 Sh. Hoose Marko 14 Bari Boosaaso
6 Gedo Garbahaareey 15 Galgaduud dusmareed
7 W.galbeed Hargeysa 16 Banaadir muqdisho
8 Sool Laascaanood 17 Baay Baydhabo
9 Mudug Galkacayo 18 K. Hoose Kismaanyo

W
16 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
16
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

9. Qor muuqaallada oogada sare ee dhulka soomaaliya?


Jiidda dulaha ah, jiidda banaanada iyo jiidda buuraleyda ah.
10. Sheeg buurta ugu dheer soomaliya?
Waa buurta suurad taa oo joogeedu gaaraayo ku dhawaad 2800 m. joogga badda
10. Sheeg waxyaabaha saameynta ku leh cimilada soomaalia?
• Xilliga ay cadceedu dul istaageeso
• Filiqsanaanta biyaha iyo berriga iyo Cufnaanta dhirta.
11. Sheeg qaar kamida abaarihi kadhacay soomaaliya?
• Abarihi dhacay 1953 dii kaas oo galaaftay 3 meelood meel duunyada
somaliay.
• Abaarahi dhacay inti dhaxeysay 1974-1975 kaas oo galaaftay 25%.
12. Sheeg waxyaabah sababa abaaraha iyo daadadka?
Dhibaatooyin dabiici ah, kuwo dhaqaale, bulsho iyo kuwa deegaanka la xiriira.
13. Sheeg caqabadaha hor taagan in lahelo tirada dhabta ah ee shacabka
soomaaliya?

• Xasilooni darada dalka ka jirta


• Khibrad yarida la xiriirka habka iyo agabka tiro koobka dadka
• Wacyiga iyo hanaanka diiiwaan galinta dadka oo aad u yar.
14. Imisa ayay gaareysaa tirade dadka soomaliyeed tira-koobki ugu dambeyay?
12 malyan.
15. Sheeg cufnaanta guud ee soomaliya iyado loo eegayo hanaanka
cabirada cufka calamiga ah?
In ay 5 qof ay ku nooshahay 1 ki KM 2 marka lala barbardhigo dalalka kale.
16. Sheeg qaab dhismeedka dhaqaale ee bulshada soomaaliya iyada oo loo
egayo meharadahooda?
Xoolo dhaqato 65%, Beeraley 14%, Xirfad layaasha 8% kalumeysato 1 % iyo
dadka adeegyada kale ka shaqaysta 12 %.
17. Sheeg dhibaatooyinka haysta dhirta dabiiciga ah ee soomaliya?
• Abaaraha iyo biyo yari dabiiciga ah.
• Aqoon yarida la xiriirta hababka xoola dhaqashada casriga ah.
18. Sheeg noocyada gaadiidka?
Gaadiidka berriga, gaadiidka, badda iyo gaadiidka cirka.
19. Sheeg noocyada dalxiiska?
• dalxiis madadaalo
• dalxiiska meelaha qadiimiga ah
• dalxiiska Xeebaha
• dalxiiska meelaha joogga sare
• dalxiiska carwooyinka xayawaanaadka
• dalxiiskailo biyoodyo dabiici ah

W
17 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
17
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

20. Sheeg noocyada kalluunka soomaliya?


Noocyada kalluunka soomaaliya waa kala jaad kuwa oo garaya 17 nuuc waxana
kamid ah: abu shanab, durak, shaar, faris, tuna, bayad, shadiya, carabi iyo kuwa kale.
21. Tilmaan dhulka ku haboon beerashada, saamiga laga faa,iideystay iyo habka
waraabka soomaaliya?
60 kun oo fadaan waxaa loo beertaa habka waraabinta dabiiciga ah
60 kun oo faadaan waxaa loo beertaa qaab waraab sanaaci ah
880 kun oo fadaan waxaa lagu beertaa qalabka roobabka

dooro jawaabta saxda ah ee weedhaha soo socda:


soomaaliya waxey dhacdaa:
B) Bariga qaaradda aasiya
T) Bariga qaaradda Ameerikada
J) Bariga qaaradda Afrika
X) Bariga qaaradda Yurub
• Soomaaliya waxey dhacdaa
B) mid ka mid ah qaaradaha dunidii hore
T) mid ka mid ah qaaradaha dunida cusun
J) dhammaan

W
18 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
18
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUBKA 5AAD - JUGRAAFIGA DADKA - SU,AALO & JAWAAB

1. Qeex waxa loola jeedo filiqsanaan dadka dunida?


Waxaa loola jeedaa filiqsanaanta dadka dunida waa dadka dunida ku nool dhulka
dushiisa waxay ugu filiqsan yihiin qaab aan isla ekeyn ama isku mid ahayn.
2. Tilman ilaha daraseynta dadka?
 Ilaha daraaseynta dadka waa
 Tirokoobka dadka.
 Tirokoobyada muhiimka ah (Vital statistics) iyo diiwaangelinta socdaallada.
3. Falanqee ahmiyadda daraseynta dadka?
Ahmiyadda daraaseynta dadka waa in lala socdo korarka dadka ee joogtada ah, iyo in
laga war hayo waxa loo yaqaan taran fahaha (Population explosion) iyo helitaanka xal
ku haboon dhibaatada ilaha dhaqaale ee yar kuwae daboola baahiyaha dadka sii
kordhaya kaa oo uu sababay taran fataha.
4. Falanqee qodobada dabiiciga ah ee saameeya baahsanaanta tirada dadka?
Qodobada dabiiciga ah ee saameeya baansanaanta dadka waa cimilada qodobada kala
duwan ee cimilada waxay Saameyn ku leeyihiin baahsanaanta dadka, Kala sarreynta
dhulka, kheyraadka macdanta kheyraadka ilo biyoodyada.
5. Tilmaan qodobada Aadanaha la xiriira ee saameeya baahsanaanta tirada
dadka?
Qodobada aadanahala xiriira baahsanaanta tirada dadka waa:
 Heerka dhalashada iyo dhimashada.
 Soodaalada (Hijrada)
 Xirfadda (Mehradda)
 Colaadaha iyo dhibaatooyinka siyaasadeed.
6. Tilmaan xirirka ka dhexeeya qodobada dabiciga ah iyo kuwa Aadanaha la
xiriira ee saameeya baahsanaanta tirada dadka?
Xiriirka ka dhexeeya qodobada dabiiciga ah iyo kuwa aadanaha la xiriira ee saameeya
baahsanaanta tirada dadka waa cimilada, kheyraadka ilo biyoodyada inta badan
dadkuna waxay ku badan yihiin goobaha kulaalayo ilo biyoodyada ama meelaha u
dhow waxaana u sabab ah cimilada oo dhexdhexaad ah iyo kheyraadka biyaha oo
halkaa laga heli karo.

7. Qeex waxa loola jeedo cufnaanta tiradatdadka ?


waxaa loolajeedaa saamiga dadka marka loo eego baaxadda dhulka waxay daliil u
tahay heerka ay gaarsiisan tabay aqbalaadda aadanaha ee deegaanka uu ku nool yahay.

W
19 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
19
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

8. Kala sooc dalalka dunida adigoo u eegayo cufnaanta tirada dadka?


Cufnaanta tiada dądkace dalalka dunida waa sida soo socota:
 Gobol cufnganta tirada dadka ay aad u sarreyso: meelahani cufnáanta tirada
dadka waxay ka sarreysaa 100 qof halkii kitloomitir ee laba jibbaaran sida dalka
Bangaladhesh.
 Gobol cufnaanta tirada dadka ay sarreyso: meelahani cufnaanta tirada dadka
waxay u dhexeysaa 50 ilaa 100 qof halkii kiiloomitir oo laba jibbaaran sida dalka
Boortaqiiska.
 Gobol cufnaanta tirada adka ay dhex-dhexaad tahay: cufinaanta tirada dadka
waxay u dhexeysaa 25 ilaa 50 qof halkii kiiloomitir oo laba jibbaaran sida dalka
Masar.
 Gobol cufnaanta tirada dadka ay hooseyso: meelahani Cufnaanta tirada dadka
waxay ka yar tahay 10 ilaa 25 gof halkii kiiloomitir oo laba jibbaaran sida dalka
Soomaaliya.
 Gobol cufnaanta tirada dadka ay aad u hooseyso: meelahani cufnaanta tirada
dadka waxay ka yar tahay 10 qof halkii kiiloomitir oo laba jibbaaran sida dalka
Usturaaliya.

9. Tilmaan qaabka loo xisaabiyo cufnaanta tirada dadka?


Qaabka loo xisaabiyo tirada dadka waa sida soo socota:
cufnaanta tirada dadka = tirada guud dadka meel dhul ka mid ah ÷ Baaxadda guud ee
dhulkaas (Km).
10. Tilmaan tirada dadka Soomaaliyeed?
Tirada dadka Soomaalıya waxay gaareysaa sida lagu xusay tirokoobkii ugu
dambeeyay ee la soo saaray sanadkii 2014CD 10.5 malyan, Soomaaliya kama jirto
tirokoob rasmi ah ama tirokoobyada muhimka ah.

11. Falanqee baahsanaanta dadka iyo cufnaanta tirada dadka Soomaaliyeed?


baahsanaanta tirada dadka soomaaliyeed Ugama filiqsana dhulka dushiisa si siman,
dadku waxay ku badan yihiin magaalo madaxda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee
waaweyn, sidoo kale dadka waxay ku badan yihiin hareeraha wabiyada shabeelle iyo
jubba, Cufnaanta tirada dadka goobahani waxay noqotay mid sarreysa marka loo eego
meelaha kale, dadku way ku yar yıhiin meelaha miyiga ah iyo tuulooyinka.
12. Caddee waxa loola jeedo tirokoobka juqraafi?
Tirokoobka juqraafi waxaa loola jeedaa waa cilmiga la xiriira soo ururinta xogaha,
nidaamintooda iyo soo bandhigidooda iyadoo loo marayo hannaan aqoon ku dhisan.

W
20 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
20
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

13. Falanqee noocyada tirokoobka juqraafi ?


Noocyada tirokoobka juqraafi wuxuu maraa dhowr maryaladood oo kala ah:
1. in la arko ama la ogaado.
2. In la sameeyo hilaadin (Hypotheses) iyadoo ujeedku yahay in la fasiro muuqaalka
ama wixii la arkay.
3. Hubsashada ama la xaqiijiyo jiritaanka ama dhab ahaanta hilaadintii la sameeyey
ee loo cuskaday fasiraadda muugaalka waxayna keenaan labo nooc oo tirokoob
ah:
 Tirakoob tilmaan ah
 Tirakoob falaqeyn ah
14. Tilmaan ilaha xogaha tirokoobka?
 Matabadda.
 Ilaha dheceriga ah ee xogaha juqraafiga.

15. Sheeg aragtida tirokoobka iyo Qur,aanka ?


Aragtida tirokoobka waa xisabinta muddo, iyadoo la isticmaalayo halbeegyo tira
badan, oo la micna ah in wax walba ay leeyihiin dhowr shay oo halbeegyo oo lagu
tiriyo, tirokoobku wuu ka duwan yahay tirinta. Tusaale: Ardayda dugsiga oo gaarayo
400 arday, waa wax la tirin karo, waxaa kale oo dhihi karnaa ardayda waxay iskuulka
joogaän maalin kasta shan saac, waxaynu
ku soo koobeynaa muddada ay iskuulka joogeen oo ah shan saac, saacadaha waa la
tirin karaa halka muddada ama xilliga aan latirin karin ma oraneyno (ardada kooba)
balse waxaynu orareynaa ardada tiriya.
Halka Qur,aanka Sida Eebe inooga Caddeeyayba Suurada Al-jinni aayada 28aad
Eebbe wuu koobay wax kasta tiro ahaan, taasi oo micneheedu tahay in Eebbe uu ka
dhigay tiro kasta ama muddo kasta mid lagu xisaabiyo halbeegyo waqtiyeed oo badan,
Eebbe wuxuu ka dhigay xisaabinta muddada baaqi ahaanshaha wax kasta halbeeg
badan sida sanado, bilo, maalmo, saacado, daqiqado iyo ilbirigsi.
16. Qeex erayada soo socda?
1. Tirokoobka dadka.
Waa habka guud ee tirinta shaqsiyaadka iyo sidii lagu ogaan lahaa xaaladahooda
dhaqaale.
2. Tirokoobyada muhiimka ah.
Waa diwaan gelinta tirada carruurta dhalaneysa, diiwaan gelinta tirada dadka
geeriyoonaya iyo dhammaan xaaladaha guurka iyo furiinka.

3. Taran fatah.
Waa kororka tirada dadka heer ay ka saro mareyso ilaha dhaqaale ee dabiicigaah
4. Cufnaantatirada dadka.
Cufnaanta tirada dadka waxaa loola jeedaa saamiga dadka marka loo eego baaxadda
dhulka, waxay daliil u tahay heerka ay gaarsiisan tahay aqbalaadda aadanaha ee
deegaanka uu ku nool yahay.

W
21 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
21
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

5. Hijrada gudaha.
Waa socdaalka halka dal dhexdiisa ah sida dadka oo ka soo hijrooda miyiga una soo
hijrooda magaalooyinka.
6. Hijrada dibadda.
waa socdaalka dadku ay kaga tegayaan dal iyagoo u socdaalayo dal kale.
7. Cilmiga tirokoobka.
waa cilmiga la xiriira soo ururinta Xogaha, nidaamintooda iyo soo bandhigidooda
iyadoo loo marayo hannaan aqoon ku dhisan.

8. Bulshada tirokoobka.
Bulshada tirokoobka waxaa loola jeedaa koox (shaqsiyaad, tiro, walxo, cabbirro) oo
leh astaamo guud oo ka dhexeeya kaa oo daraasadda tirokoobka ay ku wareegeyso.
17. Qor warbixin ku saabsan waxyaabaha saameeya baahsanaanta tirada dadka
dunida?
Wayaabaha saameeya baahsanaanta tirada dadka waxaa ka mid ah cimilada waxay
saameyn ku leeyihiin baahsanaanta tirada dadka waxaa kaloo ka mid ah kheyraadka
macdanta, kala sarreynta dhulka, kheyraadka ilo biyoodyada kuwaasi aan soo
sheegnay saameynta ay ku leeyihiin baahsanaanta tirada dadka.

18. Isbarbar dhig saameynta colaadda iyo cimilada baahsanaanta dadka iyo
cufnaanta tiradooda?
Colaadda waa dhibaato ay ka cararayaan dadka tusaale goobo ay ka jiraan dagaallo
waxay door bidayaan goob kale oo ay nabadi ka jirto balse saameynta cimilada goobo
cimilo ahaan isu eg waxaana laga yaabaa in ay ku kala duwan yihiin xagga
baahsanaanta tirada dadka waxeynu tusaale u soo qaadan karnaa: goobaha badhaalaha
ah ee dhammaan Afrika (saxanka kongo) iyo amerikada koofureed (saxanka Amazon)
waxay ku dhaw dahay in ay tahay meel dadku ka maran yihiin sidaas awgeed dadku
waxey door bidayaan in ay ku noolaadaan meelaha bannaanada ah marka loo eego
dhulka buuraleyda ah waxaana sabab u ah arimahaan soo socda:
 Waa meelo si fudud loo gaari karo
 Waxey ku haboontahay in la dhisto oo guryo laga sameysto
 Waa dhul ku haboon beerashada
 Bannaan fatahyada waa meelaha ugu dadka badan dunida

W
22 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
22
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUBKA 6AAD-DEEGAANNADA MAGAALOOYINKA-SU,AAL &


JAWAAB

1. Sheeg sababaha keena in loo hayaamo magaalooyinka ?


Sababaha keena in loo hayaamo magaalooyinka way badan yihiin waxaan soo qaadan
doonnaa qaar ka mid ah:
 Nolosha miyiga oo aan ahayn mid laga maqsuudo waayo waxay ka liidataa
adeegyada caafimaad waxbarashada iyo biyaha la cabbo.
 Dakhliga qofka reer miyiga ah oo aad u hooseeya.
 shaqa la'aanta ka jito miyiga iyo dhalinyarada oo aanan helin shaqo ay
noloshooda ku maareeyaan.
 Qoysaska reer miyiga ah oo ka soo socdaalaya miyiga si ay ubadkooda ugu
helaan waxbarasho sare, waayo miyiga lagama helo adeegyo waxbarasho sida
jaamacad, gaar ahaan haddi qoyska carruur dhowr ah u gaareen da'da waxbarasho
 Dhibaatooyin soo kala dhex gala qoysaska miyiga ku nool, taas oo keenta in ay
qaar ka mid ah ka soo hayaamaan miyiga. Sidoo kale hoos u dhac ku yimaada
dakhliga beeraleyda.
2. Falanqee astaamaha bulshada magaala joogga ah?
Astaamaha bulshada magaala joogga ah waa:
 Tirada dadka magaalada oo aad u badan.
 Isdhexgalka dadka oo aad u hooseeya.
 Xiriirkau dhexeeya oo aad u hooseeya.
 Heerka nolosha oo aad u sarreysa (qaali ah) marka loo eego tan miyiga.
 Tirada ragga oo ka badan tan dumarka
3. Soo jeedi xal ku habboon dhibaatooyinka ka jira degmo magaaleedka?
Waxaa lagu xalin karaa in dhalinta shaqo abuur loo sameeyo si ay u horumariyaan
deegaanka ay ku nool yihiin iyo in la sameeyo goobo lagu wacyi gelinayo dadka
loona sheegayo degmada uu kunool yahay iney uga baahan tahay horumarin.
4. Sheeg shagooyinka magaalada ee kala duwan ?
Shyaqooyinka magaalada ee kala duwan waa:
Magaalodiimeed. Magaalo maamul. Magaalo aqooneed.
Magaalo ganacsi. Magaalo warshadeed. Magaalo ciidan.
5. Falanqee dhibaatooyinka magaalada?
Ciriiriga waddooyinka, dhibaata ka taagan xagga helitaanka baahiyaha maalinlaha ah,
biya la'aanta oo ah dhibaatada uga daran oo soo wajahda, iyo wasakhowga deegaanka.
6. ka hadal magaaloyinka Soomăaliya?
Soomaaliya waxay leedahay ilaa 22 magaallo oo waa weyn oo mid waliba dadka ku
nool ay ka badan yihiin 5000 oo qof, magaalada Muqdisho ayaa ah magaalada ugu
weyn oo ah Caasimada dalka waxaana ku xigta magaalada Hargeysa oo ah magaala
madaxda labaad iwm.

W
23 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
23
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

7. Falanqee kaalinta socdaalka uu ku leeyahay kala duwanaashiyaha kobaca


gobollada?
Kaalinta socdaalka uu ku leeyahay kala duwanaashiyaha kobaca Magaalooyinka waa
xoolo dhaqatada oo had iyo jeer u hayaama magaalooyinka si ay u baadi goobaan
nolol dhaanta tan ay ku jiraan oo ay ka heli karaan adeegyada caafimaad, waxbarasho
iyo gaadiid.
8. Sheeg waxa ay Ku kala duwan yihin magaalooyinka Soomaaliya?
Magaalooyinka wax badan kuma kala duwana deegaanka dabiiciga ee magaalooyinka
way isu eg yihiin waxaana loo qeybiyaa Magaalooyin ganacsi iyo Magaaloqyin
Maamul IWM.
9. Qeex micnaha magaalo.
Magaalo waa deegaan ay kumoolyihin dad farabadan, waxayna leedahay astaamo
badan ay kaga duwan tahay deegaannada kale.
10. Maxaa loola jeedaa degmo magaaleed?
Waa fiditaanka magaalooyinka ee dunida waa arrin muuqata, waxay tilmaamaysaa
xog ururin la sameeyay in tirada reer miyiga ay hoos u sii dhacayso si joogto ah
dunida oo idil.
11. Isku xir magaalooyinka soo socda iyo shaqadooda:
Magaalada Shagada magaalada
1. Okisfor (3) ganacsi
2. Mugdisho (2) maamul iyo siyaasad
3. Dubay (1) waxbarasho
4. Riyaad (5) Diineed
5. Maka al Mukarama warshado (4) warshado

12. Mid ka mid ah astaamaha soo socda ma aha astaamaha magaalada:


1. Tira badnida dadka xiriirka dadka ka dhexeeya oo liita.
2. Ragga iyo dumarka oo aan isla ekeen.
3. Caadooyinka iyo dhaqanka oo saameyn ku leh dadka.
13. Tusaale u keen waxyaabaha soo socda:
1. Magaalo waxbarasho.
Waxaa tusaale u ah oxford oo boqortooyada Ingiriska ku taalo iyo magaalada
Calaykara oo ku taal dalka Hindiya.
2. Magaalo ganacsi
Waxaa tusaale u ah Newyork, London, Tokyo, Dubai. Magaalooyinkaan oo dhacaan
meel istiraatiiji ah oo wadooyin ganacsi ay ku kulmaan.
3. Magaalo warshadeed.
Waxaa tusaale u ah magaalada Diitarot ee dalka Mareykanka iyo Liyoon oo
Faransiiska ku taallo waxaa la mid ah magaalada Jubayl oo dalka Sacuudiga ku taal.
4.Magaalo diimeed.
Waxaa tusaale u ah Mako, Madiino, Qudus.

W
24 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
24
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

14 Maxaad ku micneyn lahayd:


1. Warshadaha oo ku badan mágaalada Muqdisho.
Waxaan ku micneyn lahaa warshadaha oo ku badan magaalada Muqdisho waa talaabo
wanaagsan oo loo baahan yahay sababtoo ah waxay sare u qaadeysaa dhaqaalaha
waxaana shaqo ku helaya dhalinyarada oo dhan.
2. Kaalinta furdooyinka ay ku leeyihiin ganacsiga.
waxaan ku micneyn lahaa.Kaalinta furdooyinka suuq badeecadaha laga iibsado isla
markgana wax laga dhoofiyo waxaa kale oo aan ku micneyn lahaa xarumo ganacsi
xiriir la leh furdooyinka kale ee dunida.

15. Ka samee erayadan xog juqraafi.


1. Miyiga - fursado shaqo - magaalooyinka - dadka -
adeegga aasaasiga ah - socdaalka.
Sababaha socdaalka dadka reer miyiga waa si ay daboolaan adeegyada asaasiga ah ee
qoysaskooda sida waxbarasho sare, iyo si ay fursado shaqo ay uga abuurtaan
magaalooyinka.

2. Ciriiriga waddooyinka dhibaatooyinka taagan-wasakhowga magaalada.


Ciriiriga wadooyinka iyo wasakhowga waa mid ka mid ah dhibaatooyinka heysta
magaalada.

W
25 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
25
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUBKA 7AAD - ILAHA DHAQAALE - SU,AALO & JAWAABO

1. Qeex waxa loola jeedo sanaaca?


Waxaa loola jeedaa Sanaacada ama warshadaha waa in maadooyinka caydhiinka laga
beddelo qaabkoodii dabiiciga ahaa loona beddelo qaab kale, taa oo ay kordheyso
qimahooda iyo faa'iidada ay u leeyihiin aadanaha, waxayna ku tiirsan tahay
maadooyinka caydhiinka ah sida dhirta, xayawaannada iyo macaadinta
2: kala sooc noocyada warslhadaha?
 Warshado qadiimia
 Warshadaha fudúd.warshadaha noocani waxaa laga helaa goobaha laga helo wax
badan maadooyinka caydhiinka.
 Warshadaha waxsoosaarka.
 Warshadaha wax beddelo.
 Warshadaha casriga ah: waa warshadihii soo if baxay kadib kacdoonkii
warshadaha iyo markii ay ballaaratay adeegsiga awoodda uumiga (Steam Power)
maamulidda aaladaha, warshadahaan waxaa lagu tiriyaa xilligaan aynu ku jirno
warshadaha ugu muhiimsan dunida.

3. Tiri kaabayaasha warshadaha?


1. Alaabta Ceeriin (Raw materials)
2. Ilaha Tamarta.
3. Helitaanka Gaadiid.
4. Saylad (Suug).
5. Ra'sal maal (Capital)
6. Shaqaale.

4. Tilmaan goobaha Warshadaha dunida?


Goobaha warshadaha.duuida waa:
1. Galbeedka Yurub
2. Bariga Ameerikada Waqooyi.
3. Koonfur Bari Aasiya.
5. Maxaa loola jeedaa tamar?
Tamarta waa awoodda lagu qabto shaqo ama hawl.

6. kala sooc ilaha tamarta ?


Ilaha tamarta waxaa loo kala saaraa labo qeybood oo waa weyn waxayna kala yihiin:
Ilaha tamarta aan la cusboonaysiinyihiin: sida saliidda, dhuxusha, gaaska dabiiciga
ah, yuraaniyamka.
laha tamarta oo dib loo usboonaysiin karo: sida tamarța cadceedda, tamarta dabaysha,
tamarta biyaha, iyo tamarta bayoomaaska.

W
26 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
26
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

7. Kala sooc tilmaamaha tamarta cusboonaata iyo tamarta aan cusboonaan?


 Tamarta cadceedda.
 Tamarta dabaysha.
 Tamarta biyaha (Hydropower)
 Tamarta bayoomaaska (Biomass energy).

Tamarta aan la cusboonaysiin karin waa:
 Saliidda (Bitroolka)
 Dhuxusha
 Gaaska dabiciga ah.
 Yuraaniyamka (Tamarta nukliyeerka).
8. Qeex waxa loola jeedo gaadid ama isgaarsiin?
Gaadiidku waxaa lagu qeexaa inuu yahay daabulidda dadka iyo badeecadaha iyadoo
laga qaadayo meel lana geynayo meel kale.
9. Kala sooc noocyada gaadiidka?
Noocyada gaadiidka waa:
 Gaadiidka dhulka (Berriga)
 Gaadiidka xagga badda.
 Gaadiidka cirka.
10. Caddee ahmiyadda gaadiidka ?
Ahmiyadda gaadiidka waRaa ka mid ah ballaarinta xiriirka dhaqaalaha, is-
weydaarsigaganacsiga, soo bixitaanka shirkadahaku šhaqada leh gaadiidka iwm.

11. Kala saar astaarnajia noocyada gaadiidka?


Astaamaha noocyada gaadiidka waxaa ka mid ah daabulid'gaarah kharashaadka oo
yar marka loo eego gaadiidka kale ee cirka, jiritaanka khadad maraakiib iwm.
12. Maxaa loola jeedaa geddis?
Geddiska waa badeeco in laga soo daabulo ama laga soo qaado goobaha wax
soosaarka lana geeyo goobaha lagu isticmaalo ama Sayladaha (Suuqa).

13. Falanqee waxyaabaha saameeya dhaqdhaqaaqa ganacsiga?


Waxyaabaha saameeya dhaqdhaaqa ganacsiga ayaa lagu soo koobi karaa qodobadaan
soo socda:
 Nooca xirirka siyaasadeed ee ka dhexeeya dalalká.
 Nooca iyo tirada waxsoosaarka, kala duwanaanta waxsoosaarka (Beeraha,
warshadaha)
 Soo bixitaanka heshiisyada ganacsi ceu dhexeeya dalalka dunida.
 Fududaanta howlaha ama adeegyada bangiyada.
 Soo bixitaanka siyaasadaha ganacsiga qaarkood sida xorriyadda ganacsiga

W
27 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
27
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

14. Qeex maxaa loola jeedaa dalxiis muxuuse muhiim u yahay ?


Dalxiis waa xaalad bulshada iyo aadanaha la xiriirto oo kusaleysan in qofku uu ka
socdaalo halkii uu degganaa una socdaalo meel kale si uu u dego iyadoo ujeedku
yahay madaddaalo. Wuxuuna muhiim u yahay kordhinta dakhliga dalka.

Ku qor calaamadda (/) weedha saxda ah iyo (x) weedha qaldan:


1.(/) Kala duwannaanta wax soo saarka waa mid ka mid waxyaabaha aasaasiga u ah
ganacsiga,
2. (x ) Dalxiis deegaaneedka waa mid ka mid ah hababka maalgashiga suubban ee
waaxyaabaha is cusbooneysiiya.
3. (x ) Dhuxul gaxa waa isha tamarta ee laga faa,ideysan karo qashinka beeraha iyo
haraaga xoolaha.

Geli ereyo ku habboon meelaha bannaan ee soo socda:


1. Sanaacidda waa in alaabta cayriinka ah laga beddelo muuqaalkoodii dabiiciga ahaa,
loona beddelo qaab kale.
2-Geddisku waa in badeecada laga soo daabulo meelaha laga soo saaray lana geeyo
goobaha isticmaalka.
3.-Dalxiiska Waa dhaqdhaqaaq diinaamiki ah oo ku xiran dhinacyada bulshada, hab-
dhaqanka iyo ilbaxnimada Aadanah.

W
28 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
28
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

CUTUBKA 8AAD - JUQRAAFIGA SIYAASADDA - SU,AALO & JAWAABO

1. Qeex micnaha sohdin siyaasadeed?


Sohdin siyaasadecdku waa muuqaal dunida ku baahsan, waayo dadka ayaa sameeya si
ay u ilaaliyaan danaha dhaqaale, tan militari iyo tan siyaasadeed.
2. Sheeg laba astaan oo ay ku kala duwan yihiin sohdin iyo jiid?
Sohdin waa wax is beddeli kara marna baabi’i kara. Jiid isma beddesho marnaba
duruuf walba oo timaada. Sohdin ila dabiici ah kama muuqdaan ihta Badan. Inta
badan waa dabiici sida buro, kaymo ama biyo iyo IWM.
3. Caddee heerarka qorsheynta sohdin siyaasadeedka?
Heerka qorsheynta sohdin siyaasadeedka heerkan markii la marayo waxaa la
caddeeyaa heshiiska lagu abuuray sohdinta, heshiiskaas oo ku kooban tilmaamidda
sohdinta iyo goobta ay mari doonto, mar walba oo ay tilmaanta caddaatana waxaa
yaraanayo isku dhaca dhexmara dowladaha.
4. Sheeg shaqooyinka sohdin siyaasadeedka?
 Kala soocidda labo dowladood.
 Ilaalada iyo nabadgelyada.
 Ilaalinta dhaqaale.
 howlaha sharci iyo tan siyaasadeed ee sohdinada.
5. Cadde muhiimadda sohdin siyaasadeedka ?
Muhiimadda sohdin siyaasadedka waa ilaalinta isku dhaca labo dowladeed ama labo
wadan iyo ka hortagidda xadgudub iyadoo ciidamo la dhigayo goobaha xadka ah.
6. Sheeg waxyaabaha dowladaha xaq u siiyay in ay ilaaliyaan amniga
qarankooda?
Waxyaabaha dowladaha xaq u siiyay inay ilaashadaan amniga qarankooda waa
heshisyadii ay wada galeen dowladaha kaas oo looga kala saaray dowlad walba
sohdinteeda iwm.
7. Kala sooc xuduudaha siyaasadeed ee dunida?
Xuduudaha siyaasadeed ee dunida waa xuduudo dabiici ah iyo xuduudo aadanaha la
xiriira. Waxayna kala yihiin.
Kuwa dabiiciga ah waa:
 Xudduud buuro ah.
 Xudduud haro ah.
 Xudduud wabi ah.
 Xudduud bad ah.
Xudduudaha dabiiciga ah qababkoodii kala duwanaanta Xudduudda buuraha waa
muuqaal dabiici ah oo la arki karo Isla markaana ballaaran, qaab ahaana dhib badan
dadka degganna ay aad u yar yihiin.
Halka xuddudaha webiyada la xiriira waxay yeelan karaan qaabab dhowr ah oo ay ka
mid yihiin:
 Wuxuu la soconayaa labada daan ee wabiga
 In la waafajiyo qoto dheerida marsada
 Waxay raacdaa khadka dhexe.

W
29 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
29
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

8. Sheeg tusaalooyin ku saabsan xudduuda siyaasadeed ee dunida?


Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa sohdinada qaarada yurub oo awal ahaan jiray
buuro iyo kaymo ka dhignaa jiid u dhexeysa dowladaha markii kaymahaas la jaray
ayay dowladihii isaga soo dhowaadeen kadibna waxaa qasab noqotay in xariiqmo
kala sooca dowladaha la sameeyo.
9. Qeex dhammaan erayada soo socda:
1. Biyaha gudaha..
Biyaha gudaha waa qaababka biyaha ee la xiriira badda waxayna ku taal meel ka
sarreysa dhul engegan ee dalka, waxayna ka kooban yihiin harooyinka xeebaha,
afaafyada webiyada.
2. Biyo goboleed.
Biyo goleedka waxaa soo hoos gelayo jiid badeedka fidsan laga bilaabo khadka
xeebta waxaana lagu xaddidaa dhinaciisa bannaanka dhanka badda xadka siyaasadeed
ee badda dowladda.
3.Biyaha dheeriga ah.
Waxay fidsan yihiin laga bilaabo halka ay ku dhammaadaan biyo goboleedka ilaa laga
gaaro fogaan aan ka badnayn 12mayl.
4. Biyaha dhexdhexaadka.
Waa goobta ku sii dheggan biyaha dhameystirka ee dhanka bạdda
5. Biyaha caalamiga ah
Waa goobaha badda oo u furan dhammaan dalalka kuwaa oo aan meelna ku
xaddidnayn, majiro dal sheegan karo lahaanshahooda, majiro dal xaq u leh inuu
farageliyo Xuriyadda bad-maax ee goobahaan.
6. Raso qaaradced.
Waa fidsanaanta dhulka qallalan ee badda ka hooseeyo, wuxuu ka bilaabanayaa
khadka xeebta ilaa laga gaaro qoto 100 joog ah (180cm).
9. Muuji qiimaha xuduudaha siyaasadeed ay u leeyihiin ilaalinta amniga iyo
jiritaanka dalka?
Qiimaha ay u leyihiin waa ka hor tagga khataraha, dhaqaalaha, maxaa yeelay amniga
waa shaqada ugu muhiisan dunida haddii aysan amni jirin waxaa meesha ka baxaya
dhammaan dhaqaalaha.

10. Raad raac ku samee halka ay salkaku hayso astaynta xudduudda Soomaaliya?
Waxay salka ku heysaa heshiisyadii ay wada galeen gumaystayaashii Faransiska
Ingiriiska, Talyaaniga taasi oo aan tix gelineyn xaaladaha juqraafi iyo tan siyaasadeed

11. Muuji mowqifka dadka Soonaaliyeed ee ku aaddan dhulka maqan iyo dib ula
midoobidda Soomaaliya?
Mowqifka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhulka maqan iyo dib ula midoobidda
Soomaaliya waa mid ka go,an umadda Soomaaliyeed waxaan Sooqaadan karnaa
tallaabooyinkii ay qaaday dowladdii dhexe oo ay ku koob naayeen Sadex tallaabo taa
oo loogu gol la haa in did loo soo celiyo dadka iyo dhulka ka maqan Soomaaliya kaas
oo uu kala qaybiyay Gumaystaha.

W
30 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
30
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

12. Tilmaan baaxadda ama bedka dhulka Soomaaliyeed ee raacsan dalalka


Itoobiya iyo Kiinya?
Baaxadda ama bedka dhulka Soomaaliyeed ee raacsan Kiinya waa 128,000km2
Itoobiyaan waxaa raacsan Dhul dhan 1590 km.
13. Fallanqee xiriirka ka dhexeeya isticmaarka iyo jiritaanka mashaakilka
siyaasadeed ee Soomaaliya?
Xirirka ka dhexeeya isticmaarka iyo mashaakilka jira waa qaybintii ay kala qaybiyeen
sameeyeenna xuddudo Abuuraya khalalaaso iyo nabadgelyo la,aan.
14. Caddee kaalinta juqraafiga siyaasadeed uu ku leeyahay fahamka siyaasadda
caalamka?
Kaalinta uu ku leeyahay waxaa ka mid ah ilaha dabiiciga ah iwm.

15. Falanqee asalka mashaakilka Kashmiir?


Asalka mashaakilka Kashmiir waxaa sabab u ah gumaystihii dalalkaas xukumayay
waxa uu asteeyay sohdimo kala geybiya ama xudduudahaas oo loo arko inay yihiin
kuwo sababa,xiisad iyo xasilooni darro, colaado iyo dirir soodaalaabta.

16. Falanqee qalalaasaha ka taagan xuduudda Soomaaliya ay la leedahay


dowladaha deriska la ah?
Dhibaatada ka dhexeysa soomaaliya iyo dalalka deriska ah waa muran ka dhashay
xudduud siyaasadeed oo ka dhexeeya dalalkaas, in kastoo muranka uu san aheyn
Xudduud kaliya oo waxaa maqan dad soomaaliyeed oo loo kala qaybiyay Itoobiya iyo
Kiinya.
17. Qoraal kooban ka samee asalka dhibaatada ka taagan gobolkaKashmiir?
Asalka dhibaatada ka taagan gobolka Kashmiir waa dhibaatooyjnkii ay reebeyn
gumaystihii Ingiriiska kaas oo u kala qeybiyay laba qeybood.

W
31 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
31
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

Weedha soo socda hortooda ku qor (/) ama (x)


1.(/) Sohdin siyaasadeedka xariqimaha ah waxa uu ku sameysmay heshiis dowladaha
galeen.
2.(/) Soo ifbixidda hubka casriga ah wuxtu meesha ka saaray aragtida sohdinta
amaanka ah
3.(x ) Sohdin siyaasadeedka waa goobo juqraafi oo dherer iyo ballac leh.
4. (/) Keymaha iyo buuraha waxay ahaan jireen jiido kala qeybiya dowlaha reer
Yurub
5. (/) xuddaudda handasiga ah waxay martaa meelo dadku ku firirsan yihiin
kheyraadka dabiiciga ahna uu ku yar yahay
6. (X) Dowlad waliba faragelin way ku sameyn kartaa Xuriyad u maridda biya
goboleedka
7: (/) Dowladaha qaarkood waxay sheegtaan qaybo kala duwan oo badaha ah in ay ku
jraan dhulka ay maamulaan.
8: (x ) Biyo goboleedka meesha ay ka bilowday ayaa u ah dowlad waliba sohdin
siyaasadeed.

W
32 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
32
PREPARED BY U. MUSTAF ABDULLAHI AHMED ( KARAAMA)

Dooro jawaabta saxda ah jawaabaha hoos ku qoran:


1. Waxaa la adeegsadaa khariiradda faahfaahsan si loo sawiro sohdinta marka
lamarayo heerka:
b) Tilmaamidda sohdinta.
t) Qeexidda iyo qorsheynta.
j) Xadeynta.
x) Maamulka sohdinta.
2. Jiid waxaa lagu tilmaamaa:
b) Muuqaal sharci.
t) Muuqaal bulsho.
j) Muuqaal sugan oon isbeddel lahayn meel walba.
x) Muuqaal isbeddello

3. Heerka.koowaad ee qorsheynta sohdinta waa:


b) Maamulka sohdinta.
t) Tilmaamidda sohdinta.
j) Qeexidda iyo qorsheynta.
x) xadeynta.
4: Waxyaabaha soo socda waa astaamaha sohdinta siyaasiga ah:
b) Muunal juqraafi.
t) Miuuqaal sharci.
j) Way is bed beddeshaa.
X) kama muuqato ilo kheyraad.
32: Maxaad ku micneyn laheyd:
1. Ilaalinta ammaanka:
Waa shaqada ugu muhimsan iyadoo ujeeddada ugu muhiimsan ee sohdinta ay tahay
nabadgelyada iyo ka hortagidda xadgudub.
2. Sohdinta siyaasiga ah waxay ilaalisaa dhaqaalaha dalka.

DHAMMAAD

W
33 /Q: U MUSTAF ABDULLAHI AHMED (KARAAMA)
33

You might also like