You are on page 1of 96

AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

1
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Tusmada buuga

2.Mahadnaq…………………………….…………………………………………………………………………4
3.Hibayn………….……………………….……………………………………………………………………..…5
4.Weedha qoraaga………………………………………………………………….…………………….....6-7
5.Hordhaca buuga…………………………………………………………………...……..………….…….8-9
6.Ku xidhnaashaha ilaahay………………………………………………………………………....…..12-20
> camal saalixa………………………...………………………………………………………….…..13-14
> daacadnimo…………………………………………………………..……………………..………14-15
> qiso tusaale uh ku xidhaashaha ilaahay……………………………………………….…16-20
7.Isbadal…………………………………………………………………………………………………………21-34
> badalida goobta aad ku badantay……………………………………………………….…23-24
>badalida saaxibka…………………………………………………………………….………..…..24-26
> badalka habdhaqankaaga………………………………………………………….………….26-28
> dabeecadaha isbadalka……………………………………………………………….…..……28-29
> qiso tusaale u ah isbadalka……………………………………………………………………29-34
8.Maaraynta wakhtiga………………………………………………………………………………….…36-51
> lumiyayaasha wakhtiga ee taban…………………………………………………………..37-39 >
dawada lumiyayaasha wakhtiga ee taban……………………………………………..39-40

> dhibaatada wahsiga………………………………………………………………..…………….40-41


> dawada wahsiga……………………………………………………………………………………42-43

2
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

> astaamaha dadka aan wakhtiga ka faa idaysan…………………….…..…........…43-46


> dabeecadaha guusha iyo kalsoonida nafta ……………………………………………46-49
> qiso tusaale u ah maaraynta wakhtiga……………………………………….………….49-51

9.Ka fogaanshaha mukhaadaraadka…………………………………………………..……………....53-63


> cunista qaadka iyo dhibaatadiisa …………………………………………………....……..…53-55
> aafada qabyaalada…………………………………………………..…………………..……..…….55-56
> dhibaatada jahliga…………………………………………………………..…………………..…….60-61

> sigaarka iyo dhibaatadiisa caafimaad…………………………………………………..…....61-62


> habkee ayaynu uga fogaanaa mukhaadaraadkan……………………………………….63
10.qeex yoolkaaga………………………………………………………………………………….…….………65-75
> waa maxay yoolku?.........................................................................................66-69
> noocyada yoolka………………………………………………………………….……….….…………69-74
> side baynu u qeexi karnaa yoolkeena ?..........................................................74-75
11. Dadaalka ……….………………………………………………………………………………….……………77-86
> waa maxay dadaalku?.....................................................................................78
> noocyada dadaalka………………………………………………………………….……….…………78-80
> side baad u dadaali kartaa ?............................................................................80-86

3
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waa kuma qoraagu?

Waa maxamed aamiin ibraahim awcali oo ku dhashay magaalada hargeysa


hillaadii 1998kii.waxa uu ku soo barbaaray kuna koray isla magaalada
hargeysa,waxa uu malcaamad qur’aankii ugu horeeyay ka bilaabay ubaya
binu kacab , oo ahayd malcaamad qur,aan ku taalay

xaafad kamida xaafadaha magaalada hargeysa.

waxa uu iskuulka ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe


ee qudhac dheer oo ku yaala hargeysa.waxa uu ka
soo baxay fasalka 8aad ee dugsigaas,sanad
dugsiyeedkii 2014/2015.

Isla markaas oo uu dugsigii sare ka bilaabay


Maxamuud Axmed Cali oo uu isla wakhtigan arday
ka yahay.

Hadaba waxa uu maxamed aamiin isku dayaa ama uu wakhtigiisa ugu


badan ku bixiyaa, in uu daraaseeyo ama dib uraadin(research) ku sameeyo
cilmiga tamarta aadamaha (energy of human being).

4
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waa shakhsi marwalba u heelan, inuu ku baraarujiyo, hilinka toosan


dadka uu haysto amakaaga noloshu isla markaana u baahan aragti fog oo
mustaqbal. Waxa uu u heelan yahay, in bulshada uu ku dhex noolyahay
saamayn (positive) ah ku yeesho, walaw ay jiraan duruufo yar-yar, iyadoo
ay tii ilaahayna meel tahay.

Mahadnaq

mahad oo dhami waxay u sugan tahay ilaaha naxariista , naxariista guud


iyo ta gaar ahaaneedba. Intaa ka dib waxaan u mahad celinayaa, labadayda
waalid oo dadaalkooda ugu badan ku soo bixiyay, sida aan halkan ku soo
gaadhi lahaa haday noqoto xag korineed iyo xag dhiiri galineedba .

mar saddexaad waxaan umahad celinayaa qof walba oo igu dhiiri galiyay
inaan buugan qoro ama alifo oo uu kamid yahay Eng Khaalid Yuusuf
Jaamac oo iga caawiyay samaynta iyo qaabaynta in badan oo buugan
kamid ah.

Waxa kale oo aan umahad celinayaa shabakada ( ink of knowledge ) oo


aan ka helay dhiiri galin iyo aqoon korodhsi aad ubadan,intii aan ku gudo
jiray qorista ama alifida buugan.

Ugu danbayn waxaan umahad celinayaa ugu horeyna aan u mahad celiyay
ilaahay(subxaana waa tacaala) ii fududeeyay inaan buugan idin soo
gudbiyo ama aad ila wadaagtaan.waxaan ilaahay ka baryayaa intaan

5
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

aduunkan guud joogno cilmi waasica, iyo risiq xalaala aakhirana waxaan
waydiisanaynaa (janatul firdawsa).

…………………………………..
Hibayn

Buugan aynu ugu magic darnay ama aynu ugu wanqalnay amakaag
nololeed iyo aragti mustaqbal, waxaan si gaara ugu hibaynayaa
walaashay oo aad iigu qaaliya waa faadumo ibraahim awcali.

Si guudna waxaan ugu hibaynayaa dadka uu hayso amakaaga noloshu isla


markaana doonaya aragtida fog ee mustaqbal.

6
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

…………………………………..

Weedha qoraaga

Marka hore waxaan ku bilaabayaa salaan ku socota akhristahayga


sharafta badan . intaa ka dib waxaan jecelahay inaan kugu booriyo,
inaanad marnaba ka daalin inaad akhrisato buugaagta ka warama
cilmiga tamarta aadamaha( energy of human being ).

Sababtoo ah waa waxyaabaha kaliyaatee aad ka helaysid dhiiri galinta ugu


badan ee guushaada aduunyada iyo ta aakhiraba. Run ahaantii waxaad
heli doontaa niyad dhisan iyo kalsooni aad naftaada ka qabtid, hana niyad
jabin.

Waayo niyad jabku waa shayga kaliyaatee kaa ridi kara ama kaa tuuri kara
biriishka aad u maraysid buurta guusha.

7
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Dadka inta badan guulaystaana waa dadka badanaa iska ilaaliya niyad
jabka naftoodana kalsoonida ku qaba. Tusaale ahaan anigu markaan
bilaabay qorista buugan, waxaan aad uga niyad jabsanaa inuu dhamaan
doono, maxaa yeelay naftayda kumaan kalsoonayn.

Waxaan ka cabsanayey inay dadku mar walba igala horyimaadaan waxba


ma qori kartid,waad yartahay,suuro gal maaha iwm.

Balse laakiin dhag umaan dhigin maxaa yeelay waxaan lahaa hadaf. Hadaf
kaygaasoo ahaa inaan qoro bug aan ku dhiiri galiyo, dhamaan dhalinyarta
ama cid walba oo uu amakaag noloeed haysto.
Haddii aad leedahay hadaf iyo himilo nololeed niyad jabku waxa uu ku soo
wajihi doonaa, in kabadan inta uu dadka kale soo wajaho.

Waxaan weedhayda ku soo gabagabaynayaa ku noolow hadaf iyo himilo


hana noqon doon ku dhex khalkhashay badwayn.

8
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

…………………………………..

Hordhaca buuga

Buugan sida magiciisa ka muuqata waxa uu taabanayaa dhinacyo badan oo


nolosha ah, xag maskixiyan iyo xag ficliyanba. Wax uu ku tusinayaa inaad
marwalba noqoto mid noloshiisa tix galiya isla markaana aan rajo dhigin oo
hadaf iyo himilo ku noolaada.

Waxa uu ku barayaa sida aad noloshaada guul uga gaadhi lahayd, qodob
qodob ayuu ukala saarayaa siday ukala horeeyaan ee ay ukala muhiimsan
yihiin.

9
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Tusaale ahaan qodobka koobaad waa ku xidhnaashaha ilaahay , inaad


ilaahay ku xidhnaataana waa mid marwalba ugu horeysa wax walba oo
aad qabanaysid si uu ilaahay kuugu fududeeyo waayo ilaahay il
libiqsigeed kama maarmaysid .

Buugani waxa uu muhiim u yahay haday noloshu kugu cakiranatahay isku


buuqna kugu dhasho waxa uu kugu boorinayaa inaad samaysid
qodobadan,halkii aad ka rajo dhigi lahayd. Waliba sida ay ukala horeeyaan.
Dhanka kale buugan waxa uu kaa caawinayaa arimo yar-yar oo ku soo
wajaha oo aad xal u laadahay.

Buugani waxa uu si guud u sharaxayaa, isla markaan akala qaad qaadayaa


waxyaabo badan oo ku saabsan
Tamarta aadamaha.oo uu macneheedu yahay inuu aadamuhu samayn
karo wax kastoo ilaahay u sahlo haday tahay cilmiga kawnkan iyo ka
waxyigaba .

hadaba cilmiga tamarta aadamuhu isagoo aad u balaadhan ayaa waxaynu


ka soo qaadanaynaa oo uu buugani koobsanayaa qodobo dhawra oo ku
taxaluqa nolosha bulshada soomaalida.

Waxa kale oo uu buugani kugu dhiiri galinayaa inaad samayso waxyaabo u


badan ficilo iyo waanooyin, haddii aad siduu ukala horeysiiyay ukala
horeysiisidna waxaad gaadhi doontaa guusha aad doonayso inaad gaadho
ama hadafka aad nolosha ka leedahay.

10
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hadaba ugu danabayn waxaa loo baahan yahay inaad buugan sida ugu
munaasibsan aad uga faa,idaysato. Waa laga yaabaa inuu qoraagu ka tagay
waxyaabo muhiima oo maskaxdaada ku jira, laakiin ogow waxaynu nahay
bani aadam, aqoonta iyo cilmigana midkeenba badh ayuu hayaa.waxa uu
bani aadam sameeyo ama uu qabtana dhaliil lagama waayo.

© Xuquuqda buugani way dhawrsan tahay lamana ogola in dib

loo daabaco, loo copy gareeyo iwm

11
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Qoraa: Mohamed/amin Ibrahim aw Ali


Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xidhiidh
Tell: 063657568 ama 0659961004
Email: Maxamedaamiin996@gmail.com

12
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Qodobka koobaad:
Ku xidhnaashaha ilaahay

13
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

1.1 Ku xidhnaanshaha ilaahay

Markaynu ka hadlayno ku xidhnaashaha ilaahay, macneheedu waxa weeye


inaynu iftiimino sida aanay marnaba suurto gal u noqonayn aragti
mustaqbal inagoon ilaahay ku xidhnayn.

Waayo waxa uu ilaahay inoo abuuray inaynu isaga kaligii caabudno oo


aynaan u shiriik yeelin.waxaanu ilaahay qur,aankiisa ku yidhi.

(jinka iyo insigaba umaanaan abuurin inay na caabudaan


mooyaane).

14
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Iyadoo ay sidaa tahay runtu ayaa dad badan oo kamida bulshada aad ku
dhex nooshahay iska indho tiraan iyagoo
Doonaya araggti fog oo mustaqbal. hadaba akhristahayga sharafta
badanoow waydii naftaada haddii aad leedahay aragti mustaqbal side ayey
suurto gal ku noqonaysaa, inaad ilaahay xidhiidh dhaba la yeelato?

Waxa taa suurtogal kaaga dhigi kara, laba qodob oo muhiima ah oo aad
samayso waxaanay kala yihiin

 Camal saalixa iyo


 Daacadnimo

1.2 Camal saalixa

Inaad samayso wax walboo ku sugan qur,aanka iyo sunada eeaad awood u
leedahay , si aad aakhiro iyo aduunba guul u gaadho ayaa camalkaaga oo
dhan ka dhigaya mid saalixa ama wanaagsan sida salaada, soonka,
sakada iyo xajka hadii aad awood uleedahay.

Waa kuwa kaa dhigi kara qof ilaahay xaggiisa laga jecelyahay, haddii
xagga ilaahay lagaa jeclaadana, xagga bani aadamkana waa lagaa
jeclaanayaa.tusaale ahaan salaadu waa xidhiidhka ugu way nee ka
dhexeeya adiga iyo ilaahay,haddii aad salaada wanaaajisid, ilaahay iyo
umadiisaba raali ayey kaa noqonayaan.

15
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hadaba akhristoow waan in manta laga bilaabo boodhka iska tuntaa oo aad
fadhiga ka kacdaa, oo aad u
Udhaqaaqdaa sidii aad uga dhabayn lahayd dhamaan camaladan
qabashadooda iyadoo ay salaadu tahay ta ugu horaysa, waayo, salaadu
waa (madaxa cibaada).

1.3 Daacadnimada

Daacadnimadu waa in aad bulshada ka noqoto qof aaminimo lagu


tilmaamo, soomaaliduna waa tii hore ugu maahmaahday (daacadi ma
hungawdo).

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa ay hadan daacadnimadu qofka.waayo waxa uu


qofku sharaf iyo karaamaba yeelan karaa, marka uu noolaha iyo deegaanka
ku xeeran uu daacad u noqdo sida dadka aad ku dhex
nooshahay,qoyskaaga,asaxaabta iskuulka,iyo waliba saaxiibka kuugu
muhiimsan nolloshaada.

Haddii aynu eegno dhinaca deegaanka deegaanka aad ku dhex


nooshahay , waxaad daacad ugu noqon kartaa, adigoo ka ilaaliya
waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara ee ay kamidka yihiin qashin qubka
liita, jarida dhirta faa idada lahayn, iyo dhibaatooyinka kale ee
khatarta ku keeni kara deegaanka .

16
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Taa badalkeeda waxaad samayn kartaa adigoo daacada inaad ilaaliso intii
awoodaada ah deegaanka aad ku nooshahay .taana waxa sababi kara
daacadnimada
Waayo dacadnimadu waa furaha sharaftaada iyo dadnimadaada iyo waliba
deegaankaaga. Imika kadib isku day inaad noqoto qof daacad u ah
naftiisa,waayo, haddii aad naftaada daacad u noqotid, bulshadaadana
daacad ayaad unoqonaysaa waxaanad can ku noqon doontaa
daacadnimada,sharafta iyo wanaaga.

Haddii aynu intaa kaga nimaadno labadaa qodob ee muhiimka ah ku


dhaqankoodana ay ku xidhan tahay dariiqa aad kaga baxaysid amakaaga
nolosha, kuuna suurto galinaya aragtidaada fog ee mustaqbal, waxaanu
shaki ku jirin in ku xidhnaanshaha ilaahay uu yahay qodobka koobaad ee
suurto gal ka dhigi kara aragtida mustaqbal.

Akhristahayga sharafta badanoow aynu tusaale u soo qaadano sheeko


hadda ka hor ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka turkiga.

Shirkad uu leeyahay nin diinta kiristaanka haysta ayaa wax aka shaqayn
jiray nin haysta diinta islaamka ,waxaanu shirkada ka ahaa
sakrateri(secretory).

Waxa uu faylasha iyo waraaqaha u qaadi jiray maamulaha shirkada


maalin walba. Maalin maalmaha kamida ayuu u soo galay isagoo
murugsan maamulihii waxa uu ka adkaysan waayay dhibaatada ba’an ee

17
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Ee haysata maamulaha waxa uu waydiiyay sababta ka danbaysa


murugadiisa xaddhaafka noqotay.

Waxa uu ku amray inuu u raaco goob jawigeedu ka duwan yahay halkan ay


joogaan , waxaanay qaateen baabuurkii maamulaha waxay gaadheen
maqaaxi badda afka ku haysa oo ku taalla biriishka kala badha labada
daamood ee Istanbul hoostiisa.

Waxa hadalkii bilaabay adoonkii muslinka ahaa oo lagu magacaabi jiray


hakan

Hakan: waa maxay sababta aad halkan inoo keentay maamule?

Maamule:waxaan rabaa inaan kaaga jawaabo su,aashii ahayd waa maxay


murugada wajigaaga ka muuqata.

Hakan: laakiin maamule ma jecli inaan shakhsiyadaada wax kaa


waydiiyo.iga raali ahow hadaan xadkaygii soo dhaafay.

Maamule: haka baqan waxba inaga xumaan maayaan , imika laga bilaabo
waxaynu uwada dhaqmaynaa sidii saaxiibo muddo dheer is yaqaanay.

Hakan: waad mahad santahay maamule waayo waxaad fursad ii siisay


inaad iisheegto sababta ka danbaysa murugadaada waa hagaag ma ii
sheegi kartaa sababta

18
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Aad maalin walba u murugsantahay.

Maamule: waad ogtahay waxaan ahay nin taajira (milioner), waxaan


leeyahay shirkado, baabuur badan, dhismayaal badan, waxaanan ahay
nin magaalada Istanbul ka caan ah waxaanan ku caan baxay guushaan
ka gaadhay aragtidaydii mustaqbal.hadana naftaydu waxay dareemaysaa
inaanan wax guula haba yaraatee gaadhin managaranayo sababta.
Hakaan: ma xagga xaaskaaga iyo caruurtaada ayay dhibaatadu
kaahaysataa

Maamule: maya xaaskaygu way iqadarisaa waanay I xush maysaa


waxaanay jeceshy inay marwalba idajiso.

Caruurtaydu waa saddex mid wuu yar yahay labana wakhti badan ba
umahelo oo aanku arko waxay waxkabartaan dalka maraykanka.

Hakaan: ma xagga shaqada ayaad culays badan kala kulantaa oo isku


buuq dhalinkarta.

Maamule: maya waxa shirkadahayga ka shaqeeya in kabadan 300 oo qof


kaliyaata waxaan dib u dajin ku sameeyaa kaliyaata faa iidada soo gasha
shirkadahayga kaliyaata intaas Ayaan qabtaa .

Hakaan waxa uu ahaa nin maskax badan ,waa uu fikiray hadda ka hor
waxa uu ogaa inuu maamulaha shirkadani ahna mulkiilaha shirkada

19
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

uusan haysanin diinta islaamka balse ay noqon karto dhibaatada


haysataa xaga diinta .

maamule: hakaan,waad fikiraysaa mawaxaad haysaa xalkii dhibatadan


ihaysata

Hakaan: waxaan kaacodsanayaaa maamule inaanad ku gacan saydhin


arintaan kuu soo bandhigo, waxaana kuxidhan aakhiradaada iyo
aduunkaagaba sababta kadanbaysa murugadaada waa diintaada aad
haysatid imika.
Maamule: oo maxaaa diin tayda ka khaldan waxaan rumaysanahay inuu
ilaahayga ciise ibad baadin doono maalinta aakhiro.

Hakaan: maamule inaad ifahanto ayaa qurux badan taasi waakhalad ciise
waxa uu ahaa nabi uu ilaahay umad hore usoo diray, waxaanu ahaa adoon
ilaahay, laakiin xaqiiqda dhabtii waxa weeyaan inaad tijaabiso diinta
islaamka hadii ay kaa hadhi waydo dhibaatadu waxaad doontid igu ganaax.

Maamule: hadii ay noqon waydo sida aandoonayo ogow waxaad waayi


doontaa shaqadaada, laakiin halkee ayaa iigu dhaw oo aanka baran karaa
diinta aad sheegayso .

Hakaan: waxaad samaysanaysaa fiisaha wadanka sucuudiga, kadib


waxaan lahad layaa saaxiibkay oo mudo kunoolaa riyaad isaga ayaa
kudajinaya huteel.

20
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Maamule: waad mahad santay hakaan .

Muddo labo sano ah kadib, Ayaa maalin maal maha kamida waxa soo
dhacay talefoonka guriga hakaan cabaar,markuu dhacay ayaa hakaan
oomar kaa soo toosay waxa uu layaabay qofkan wakhtigan salaada hore ah
soo wacaya waxa uu qabtay talefoonkii.

Hakaan: waakuma qofka hadlayaa ?

Maamule: asalaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatu .


Hakaan: wa calaykuma salaam .

Maamule: waa anigii hakaanoow waa maamule joon biikoon (john becon).

Hakaan ayaa inta uu naxdin farxay ku jawaabay.

Hakaan: maamule xaaladaada ka waran hadda, muddo badan ayaad


maqnayd waa side xaalkaagu.

Maamule: waa fiican waan bartay diinta islaamka hadda waxaan ahay qof
muslin ah aad baan ufarax sanahay, run ahaantii diinta islaamku waa
naxariis iyo qabaw .

21
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxaanan imanayaa isniinta fooda inagu soohaysa waxaanan kuugu


mahadcelinayaa wanaaga iyo dariiqa dhabta ah ee aad iisheegtay,waanan
kuu abaalgudi doonaa markaan istaan buul yimaado.

Hakaan: waad mahad santahay maamule qofkastoo islaama waxa ku


waajiba inuu waxa uu naf tiisa la hecelyahay lajeclaado walaalkii. waan
ku salaamayaa ilaahay haku nabad keeno .

telefoon kii ayaa uu dhigay hakaan waxa kasoo wareegtay afar maalmood
waa subax isniin ah. Waxa maamulaha madaarka uga hor tagay hakaan iyo
dhaw shaqaale ah oo arinta wax ka ogaa.

Waxa kasoo dagay diyaaradii dad aad ufaro badan waxa ayna ka dhex
garan waayeen maamulihii shirkada,waxa ay umaleeyeen nin khamiis
xidhan oogadh wayn oohadana Turkish/ameerikaan ah, moddo yar kadib
markii uusoo dhawaaday ayaa waxay ogaadeen inuu yahay maamulihii
shikada.

Aamus naan yar kadib waxa xaggii maamulaha shirkada udhaqaaqay


hakaan oo laabta gali yay maamulihii,waxa yaab iyo ama kaag ka soo
hadhay shaqaalihii kale oo aqoon saday inuu ninkanu aadka u quruxda
badani uu yahay maamule (john becon).

22
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa uu kamid noqday dadka tirade yar ee buurta guusha Figta

ugu saraysa gaadhay.

Haddaba ilaahay ku xidhnaanshihiisu waa qodobka koobaad ee suuro gal


ka dhigi kara mustaqbalkaaga. Akhriste waxaad ubaahantay inaad fahantid
, qodobka labaad ee suurogal ka dhigi kara aragtidaada mustaqbal kaana
kaxaynaya amakaaga nolosha.

23
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2
Qodobka koobaad:
Isbadal

24
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2.1 Isbadal

isbadalku waxa uu ka yimaadaa inaad saluugto ama aad ka biyo diido


nolosha ama xaalada aad hadda ku sugan tahay oo aad u doorbidid inaad
mid ka fiican ku noolaato.

Hadaba akhristoow waxa muhiima inaad fahaantid qodobkan isbadalku


muhiimada uu uleeyahay noloshaada iyo sida uu uga qayb qaato
aragtidaada mustaqbal, si aad uga baxdid amakaaga nolosha .

25
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa jira dhawr qodob oo noloshaada ka dhigi kara mid qaabkeedii hore ee
aad saluugtay iska bedesha, isuna bedesha mid sharaf iyo karaamo leh
waxaana kamid ah qodobadaas.

 Badalida goobta aad ku noolayd


 Badalida saaxiibka iyo asxaabta aad la noolayd iyo
 Badalida habdhaqankaaga

2.2 badalida goobta aad ku badnayd

Waa qodob hoosaadka ugu muhiimsan kaalinta koobaadna kaga jira


isbadalka naftaada, waxa uu qodobkani iftiiminayaa sida ay saamayn
kuugu leedahay deegaanka aad ku nooshahay iyo bulshadiisuba.

Tusaale ahaan haddii aad ku dhex nooshahay bulsho ay dhalinyarteedu u


badan tahay kuwo mukhaadaraadka isticmaalaa waxay ubadan tahay
inaad iyaga dhaqankooda yeelatid haddii aad muddo ku dhex noolaatid.
Waayo aroor walba, duhur walba iyo habeen walba waxaad arkaysaa iyagoo
jidadka xaafada kolba dhinac umaraya oo isticmaalaya mukhaadaraaka ah
sida sigaarka, koolada,qaadka iwm.

Wakhtiga ugu horeeya waad diidi doontaa, naftaadana waxaad ka


dhaadhicin doontaa, inaanad marnaba samayn Karin dhaqamadan xunxun
ee ay iyagu samaynayaan.wakhtiga labaadna dhaqankooda ayaad ku

26
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Siqi doontaa si aayar aayar ah. Wakhtiga saddexaadna adiga ayaa adigoon
is ogayn samayn doona dhaqankooda
Waayo qofka dhaqankooda sameeya ayaa iyaga xaggooda sharafka ka leh.

Hadaba akhristoow waxaad naftaada ka badali kartaa, goobta ay


xiisaynayso markaad samaysid (muxaasabu nafsi) ama inaad la
xisaabtantid naftaada . soo toos wakhtiga aad soo toosi jirtay wakhti ka
duwan . tusaale ahaan hadaad soo toosi jiratay todobada ilaa sideeda
subaxnimo, toos salaada subax tuko salaada, ilaahay dartiina u cibaadayso
qur,aan akhriso ama camal kale oo fiican same inta ka hadhay wakhtigii
aad toosi jirtay. Ha tagin manta goobtii aad tagi jirtay ee asxaabtaada
tabani(negative) ku noolaayeen, tag goob kale oo fiican xataa haday nataadu
karaahsanayso. Waa run naftaada ayaa soo xiisaynaysa goobtii aad hore u
tagi jirtay, tag kaliyaata wakhti danbe goobtaadii hore , waayo wax walba
marka ugu horeysa lama badali karo ee talaabo talaabo ayeynu qaadaynaa.
Laakiin maalinta labaad ha tagin goobtaadii hore , waxaad bookhataa
todobaadkii hal mar, bookho hadana bishii hal mar. imika laakiin wax xiisa
ah uma haysid goobtaadii hore waanad badali gartaa ee isku day inaad
badashid, hana quusan oo ha rajo dhigin

27
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2.3 badalida saaxiibka

Saaxiibku waa mid kamida saamaynta ugu way nee noloshaada iyo
habdhaqankaaga . waayo markaad doonaysid inaad qof habdhaqankiisa
eegtid , waxaa la eegaa qofkka ugu dhaw ee uu agtiisa ku badan yahay.

Hadaynu hoos ugu daadagno qodobkan waxa uu muhiim uyahay da da


waxbarashada dugsiaga ilaa heer jaamacadeed. Waa run saaxiibkaaga xuni
waxa uu ku odhan doonaa waynu is raacaynaa mana diidi kartid,waayo,
naftaadu waxay aaminsantahay inuu yahay saaxiibkaa oo wax fiican kula
doonaya, laakiin arintu sidaad moodayso way ka duwan tahay waxa uu
kuu gaynayaa asxaabtiisii dhaqanka xumayd, waa ay kaa maadaysan
doonaan waanay kugu qosli doonaan, waxaanay kugu odhan doonaan ereyo
ay kamid yihiin kani waa badaw ama wuu ka danbeeyaa magaalada iwm.

Ugu yaraan isagu waxa uu ugu jawaabi doonaa, iska dhaafa wuu la qabsan
doonaaye. Dhaqankiisii ayaad yeelan doontaa habka uu dadka ula dhaqmo
ayaad ula dhaqmi doontaa waa haddii uu kaa awood maamul badan yahay,
waayo labadiina midkiin uunbaa saamayn lagu yeelan doonaa ama adigaa
wanaaga usoo jiidan doonaa ama isagaa xumaanta kuu jiidan doona.

waxa uu ku odhan doonaa ku odhan doonaa manta waa ciid waa maalin
farxadeed, waynu iska qayili doonaa, maya ayaad ugu jawaabi doontaa ,

28
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

marka labaad ayuu ku fahansiin doonaa farxada mala’awaalka eeuu


murugada iyo isku buuqu ka danbeeyo, waa run imika ma diidi doontid.

Hadaynu xagga kale eegno, saaxiibka wanaagsani waxa uu ku odhan


doonaa waxaynu ubaxaynaa misaajidka,iskuulka iwm. Waa run waad
saluugi doontaa dhaqankiisa laakiin waxa uu kuu gayn doonaa, bulsho
dhexdeeda uu sharaf ka leeyahay qofka aqoonta leh ama ardayga
dadaalaya.
Waa run waad isku dayi doontaa inaad sidooda oo kale samayso, laakiin
way kugu adkaan doontaa marka hore.

Laakiin marka labaad waad samayn doontaa wax kamida waxa ay


samaynayaan, ugu danabayn waad samayn doontaa waanad la qabsan
doontaa, waxaanad fahmi doontaa inay sharafta dhabta ahi ay tahay ta
lagu dhex yeesho bulshada sharafta leh.

Ugu danbayn akhristoow is waydii imika waa side saaxiibkaaga kuugu


dhaw ma qof xunbaa mise waa qof wanaagsan oo ilaahay u cibaadaysta .
haddii aanu dhaqankiisu ku cajabin badal imika, oo badal oo isku day .
waayo tani waxay ku xidhan tahay mustaqbalka noloshada

29
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2.4 badalida habdhaqankaaga

Tani waa naftaada waa ta adiga kugu jirta, laba mid uunbay noqon, ama
way kaa awood badan, ama adigaa ka awood badan.

Hadaad ka awood badatid wax walba waad ku amri kartaa, balse haday
iyadu kaa awood badato way ku bahdili doontaa waxayna ku ciyaari
doontaa sharaftaada. Markaad doonaysid inaad habdhaqankaaga badashid,
horta dib ufiiri markii hore side ayaad ahayd,se laakiin imika side ayaad
tahay,side ayaanad doonaysaa inaad noqotid. Ka dib ayaad xadidi kartaa
hadafkaaga ku wajahan badalida habdhaqankaaga.

Hadda ka hor mar aan la kulmay mid kamida asxaabtayda, waxa uu ii


sheegay inuu saluugay habdhaqankiisa oo uu doonayo inuu badalo
habdhaqankiisa. Waan u sheegay waxaanan kula taliyay inuu xadido
hadafkiisa, ku wajahan isbadalka habdhaqankiisa waxaanan u
calaamadiyay qodobo dhawra oo ay kamid yihiin, u fiirsasho, go’aan,
Barasho, weelayn, ku celcelin joogto ah iyo joogatayn.

Oo uu dhamaantoodba Dr Ibraahim AlFiqi ku xusay, buugiisa


( Maaraynta nolosha ).

Hadaba akhristoow xalkaagu waxa weeye ama uu noqon

30
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Karaa, markii hore habka aad u labisatid ayaad saluugtay, waayo


surwaalka ayaad isku dhejisaa ama habab kale oo diinta islaamka lid ku ah
ayaad u labisataa, waxaad doonaysaa inaad badashid, hadana wax ayaa ku
hortaagan, waxaasina waa dib udhigista ee iska jir , waayo dib udhigistu
waa cadawga ugu waynee dadka hanka sare leh u fadhiista wadada guusha
.

Waa inaad naftaada ka dhaadhicisaa inaanay dib waxba udhigin, ku


dhaqaaq oo same ficilka imika haka yeelin inay naftaadu kaa awood badiso
kadib talaabo talaabo ayaad u badali doontaa habdhaqankaaga. Hadaba si
aad u badashid oo aad u samaysid qodobadan aan kor ku soo xusnay,
ilaahay waxa uu kugu manaystay maskax iyo garaad aad saxa iyo
khaladka ku kala saari kartid. Waxa waajib kugu ah inaad isticmaashid
nimcadan alle kugu galladay ee uu kaaga duway noolaha kale waa
waxgarashada.
Waxa weeye inaad udhoolo cadaysid dhibaatooyinka yar-yar ee kusoo
wajaha,waayo, wadada guusha ee dhibaatada badan waxa mara qof
usamri kara caqabadaha ka hor yimaada , waxaanad la kulmi doontaa
ereyo ay kamid yihiin maya, masamayn kartid, iwm, oo kaaga imanaya
saaxiibkaa, dadka aad la shaqaysid iyo waliba Bulshada aad ku dhex
nooshahay.

31
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2.5 dabeecadaha isbadalka

Dabeecadaha isbadalka ayeynu ka xusi doonaa qodobo dhawra, oo uu


astaan u leeyahay qofku marka uu gaadho, ujeedadiisa isbadal. Waxaana
kamid ah qodobadaas.

1) Kalmad dadka kaaga timaada oo ku odhanaysa “waad isbadashay”.

Macneheedu waxa weeye marka aad gaadhid hadafkaaga ujeedo ee isbadal,


bulshada aad ku dhex nooshahay ayaa kaa dareemi doonta, kadibna mar
walba waxa lagu odhan doonaa ( waad isbadashay, sidaadii hore ma tihid,
niyow kiiba ma tihid ee maxaa beryahan kugu dhacay iwm.).

2) Usoo boholyoobid.

Waxa weeye inaad u soo xiisootid noloshaadii hore, waayo, imika waxaad
samaysay isbadal wayn oo lagaa dheehan karo haday tahay xag maskixiyan
iyo xag jidheedba.
3) Ku guulaysiga hadafyada yar-yar.

Markaad isbadashid dhamaan hadafyadii yar-yaraa ee ee suuro gal kaaga


dhigayay aragtidaada mustaqbal

32
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Kaana kaxaynayay amakaaga nolosha way kuu dhamays tirmi doonaan


insha’alah.waayo si yaroo aanad fahmayn ayaad uga gudbi doontaa hadaf
walba oo aad lahayd.

4) Farxad marwalba qalbigaaga ku soo noq-noqota

Waxaad dareemi doontaa farxad aad uwayn markasta oo aad naftaada gaar
ula faqdid. Waad is waydiin doontaa sababta ka danbaysa farxadaada,
kadibna waxaad xasuusan doontaa guushaada isbadal ee aad gaadhay
waana wax ilaahay loogu mahad naqo.

Hadaba ogoow akhristoow sharaftaadu waa noloshaada,noloshaaduna waa


sharaftaada. Oo macneheedu yahay haddii aanad bulshada aad la
nooshahay sharaf ku dhex lahayn, aanad wax nolola ku dhex lahayn
waayo dhagaxa ugama duwanaanaysid. Kamana qayb qaadan kartid
hawlaha bulshada dhexdeeda xataa haddii aad goobta ku sugan tahay cidi
waxba ku waydiin mayso, hebel kale oo maqan ayaa adigoo taagan la
odhan doonaa “ hebel ayaa hawshan u imanaya ee isaga u daaya “ .

Hadaba bal aynu soo qaadano qiso tusaale inoogu noqon doonta
qodobkeenan isbadalka.

Hadda ka hor ayaa arday dugsi sare ka barta mid

33
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

kamida magaalooyinka soomaalidu degto ayaa waxay bulshadu ku


tilmaami jirtay, wax matare saaqid ah oo aan waxba ku filnayn oo wax
barashadana khasaare ku ah.

Macalimiinta iskuulka wax ka dhigtaana , adigu maskax maal matihid ee


muruq maal ayaad tahay ee orod waxbarashada iskaga tag oo magaalada
shaqo ka raadso.

Sidoo kale dhalinyartay isku heerka ahaayeen, waxay kaga maadaysan


jireen marka uu iskuulka la joogo, waa kan kii cabdi saaqid iwm. Cabdi
maalin maalmaha ka mida ayuu sidii caadada u ahayd, goor danbe
iskuulkii yimid. Maalintaa waxa iskuulka joogay gudi kormeera oo ka
socotay dawlada gaar ahaan bahda waxbarashada. Kadib markuu soo
dhaafay albaabkii waynaa ee gaydhka iskuulka, ayaa isagoo socodkiisa
caajisnimo ka muuqato, oo buugaagta far iyo suul ku laalaadsanaya,
shaadhkana labada badhan ee sare ay u furan yihiin, feedhashana iyada
hadalkeedaba daa, ayaa waxa u yeedhay mid kamida gudidii kormeerka.
Waxa uu ahaa nin aad u da’wayn waxa uu waydiiyay sababta ka
danbaysa sidan uu dhaqankiisu yahay, waxa uu ugu jawaabay sidii
caadadiisa isagoo madaxa hoos u foorarinaya “magaranayo”. Kormeerkii
ayaa isagoo yaaban wiilka sidan ah u yeedhay mid kamida macalimiintii oo
xafiiska

Hortaagan, waxaanu waydiiyay wiilkan akhlaaqda xun iyo arimihiisa bal


inuu wax ka og yahay.

34
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa uu ugu jawaabay macalinkii “ waa kii cabdi saaqid oo hadda ka hor
maamulaha ayaa dhawr jeer eryay hadana waalidkii ayaa soo celiyay
waxba ma dhigto waa mid saaqid ah oo dhago adag” intuu macalinkii ku
jawaabay ayuu inta uu buugaagtiisii qaatay uu u dhaqaaqay dhinicii
galaaska uu xiisada u lahaa.

Kormeerkii oo inta uu yaab udhamaaday afka gacanta saaray ayaa wiilkii u


sheegay inuu u raaco oo uu la fadhiisto xafiiska iskuulka. Cabaar markay
waanu socotay ayaa waxa soo galay maamulihii dugsiga o u sheegay cabdi
inuu ka baxo xafiiska isagoo cod dheer oo kulu ku qaylinaya, kormeerkii
ayaa u sheegay inuu isagu ugu yeedhay xafiiska “waayahay bal haday
waanadaadu wax u tarayso” maamulihii ayaa ku jawaabay isagoo xafiiska
kasii baxaya. Hadalkii waanada ahaa ayuu halkii ka sii watay kormeerkii
isagoo kolba cabdi qiso uga sheekaynaya ku saabsan arday sidiisa oo kale
ahayd oo intay isbadashay hadana nolosha guul wayn ka gaadhay .

“waayahay” ayuu cabdi sidii caadadiisa ahayd kolba ugu jawaabayay


kormeerka isagoo dhib sanaya hadalkiisa.

Markii uu cabdi soo dhamaystay nolol maalmeedkiisii ay

Ay murugada iyo sharaf dhacu ka buuxay ayaa uu habeenkii seexday cabdi,


kadib waxa uu ka soo baxay albaabkii guriga dhamaan dadka xaafada ku
nooli way u hambalyaynayeen, kuwii ka maadaysan jiray iyo kuwii kalaba,
dariiqii iskuulka uu umari jiray ayuu qof walba ugu hambalyaynayey yaab

35
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

iyo amakaag ayaa cabdi ka soo hadhay waxba isagu wakhtigaa muu
fahmin, socodkiisa ayuu iskasii watay haweenay da’wayn oo wiil ay ayeeyo
utahay cabdi isku galaas ahaayeen ayuu cabdi ka soo horbaxay isagoo is
leh sidii caadada ahayd ayey hadaladii foosha xumaa kugu odhanaysaa,
ayey ku tidhi kalmad uu layaabay “hooyo cabdoow hambalyo”, waad
guulaysatay mar walba waan kuu ducayn jiray hambalyo, hambalyo.

Isagoo cabdi maskaxdiisa ku leh malaa maanta caadi ayaad uga dhigtay,
ayuu soo gaadhy albaabkii dugsiga oo dhalinyaro iyo haween aad ubadani
ka daawanayaan xaflad abaal marino lagu gudoonsiinayo ardaydii iskuulka
dhinicii xaflada .

Mar qudha ayaa waxa soo wada eegay dadkii ku sugnaa goobtii ay xafladu
ka dhacaysay oo ay ka mid ahaayeen macalimiintii, maamulihii, iyo waliba
marti sharaf aad ubadan oo kasoo qayb gashay xaflada, kadib maamulihii
oo ku dhawaaqaya waakan ardaygii ugu sareeyay

Iskuulka iyo dadkii oo sacab jiibta isla helay ayaa cabdi amakaagii horeba
kaga sii yaab badatay.

Isla markiiba waxa uu maamulihii ugu baaqay inuu usoo dhaqaaqo dhinaca
fagaaraha xafladu ka dhacaysay si uu abaal marintiisa u gudoonto , waa
uu dhaqaaqay cabdi isagoo sacab lagu sii galbinayo ilaa intii uu gaadhay
fagaarihii, cabdi waxa uu ka dhex arkaa dad ka dhexdooda arday ay isku
fasal ahaayeen oo ka dhex muuqda dadka sacabka utumaya, markii uu

36
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

gudoomay abaalmarintii ayaa waxa u hambalyeeyay macalimiintii,


maamulihii iyo waliba dadkii kale oo koox koox ugu imanaya.

Inyar kadib cabdi waxa uu maqlay qaylo aad u dheer “waar kac caajisyohow
waa xilli danbee iskuulkii ayaad ka habsaantee” cabdi hooyadii ayaa sidaa
tidhi.

Inta uu cabdi yaab iyo amakaag ka soo hadhay ayuu ogaaday inay wixii
dhacay oo dhami riyo ahaayeen iskuulkii ayuu usoo baxay, maalintaas cabdi
waxay u ahayd maalin noloshiisa oo dhan wax ka badasha, waxa uu la soo
toosay fikir ka duwan kii uu lasoo toosi jiray, waxa uu iskuulkii soo galay
isagoo foorara oo aan cidna la hadlayn waxay ardaydu la yaabeen waxa
maalintaas cabdi ku dhacay. Waxa uu ka soo laabtay dugsigii intii uu

Dhexda ku soo jiray waxa uu galay fikir dheer waxaanu isbarbar dhigay,
maalintaa uu ku riyooday siday ufarxada badnay iyo nolosha uu hadda ku
jiro ee shidada iyo sharaf dhaca badan. Waxa uu go,aan ku gaadhay inuu
isbadal nololeed sameeyo, waxa uu bilaabay wadadii uu umari lahaa
isbadalkiisa, waxa uu utagay wiil ay isku fasal ahaayeen oo hadda ka hor
waano iyo wanaag kala quustay. Waxa uu waydiiyay halka uu wax ka
bilaabi lahaa, wiilkii kale oo aad ula yaaban ficilada aadka u wanaagsan
ee cabdi samaynayo, ayaa uu u sheegay inuu si wayn ugacan qaban doono
oo uu wixii uu u tari karo u qaban doono.

37
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa uu raacay cabdi wiilkii, waxaana ka soo wareegatay muddo afar


bilood ah mudadii ay cabdi noloshiisu isbadashay. Waxa uu kamid noqday
ardayda ugu cadcad iskuulka, uguna saraysa.

38
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3
Qodobka saddexaad:
Maaraynta wakhtiga

39
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3.1 Maaraynta wakhtiga

Markaynu u nimaadno qodob ahna deeqda ugu qaalisan ee ilaahay siiyay


bani aadamka waa wakhtiga. Hadaba waxa bani aadamka oo dhani ka
siman yahay ama wadaagaa 24 saacadood, laakiin waxay ku kala duwan
yihiin sida qof walba oo nooli uga faa’idaysto ama u maareeyo.

40
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hadaba akhristoow waxaad iswaydiisaa sidee ayaad wakhtiga uga


faa’idaysataa? Ma waxaad ku dhamaysataa la qosolka ama la fadhiga
asxaabtaada? Mise waxaad ku
Ku dhamaysataa hurdo iyo raaxaysi? Mise waxaad ku qaadataa balwad iyo
mukhaadaraad? Mise waxaad ku dhamaysataa daawashada tvga internet
iwm?.

Waxaynu qodobkeena maaraynta wakhtiga ku lafa guri doonaa, qodobo ay


kamid yihiin.

 Lumiyayaasha wakhtiga ee taban


 Dawada lumiyayaasha wakhtiga ee taban
 Dhibaatada wahsiga
 Dawada wahsiga
 Astaamaha dadka aan wakhtiga ka faa’idaysan

3.2 lumiyayaasha wakhtiga ee taban

Iyadoo waxyaalaha lagu waydiinayo maalinka qiyaame ay ka mid yihiin,


wakhtiga iyo waxa aad uga soo faa’idaysatay ayeynu qodob

hoosaadkeenan ku xusi doonnaa qaybo kamida lumiyayaasha wakhtiga ee


taban oo ay kamid yihiin, mukhaadaraadka, daawashada filimada iyo
ciyaaraha, ciyaarista laadhuuda turubka iwm.

41
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Mukhaadaraadka: waa qodob aad u baaxad wayn oo aynu kaga hadli doono
qaybaha danbe ee buugeenan, laakiin waxaynu waxyar ka taaban doonaa
sida kaalinta koobaad uu uga galay wakhti lumiyayaasha taban.

Noocyada ay kamid yihiin khamriga iyo shiishada Ayaan ahayn qaar aad
Ugu badan bulshada soomaalida dhexdeeda islamarkaana ay la tacaalaan
dawladaha wakhtigaa xukunka haya.

Laakiin aafada ugu wayn isla markaana ugu isticmaalida badan bulshada
ayaa ah qaadka ama jaadka. Wax isticmaala inta dad tiro badan oo isugu
jira rag dumar iyo dhalin yaro aad u tiro badan. Waa maskax naafeeye ay
culimada daraasaysay ku sheegeen khatar aad ubadan. Hadaba aynu soo
qaadano tusaale waxa uu shaqeeya maalinta oo dhan ilaa casarka, marka
uu shaqada ka soo baxo waxa uu qaataa qaad, wuxuu fadhiyaa ilaa
habeenka badhkiisa, wuxuu yimaadaa gurigiisa/gurigooda wax war ah
kama hayo, waxa la toosiyaa salaada hore si uu u shaqo tago, waxa
halkaa ku seega wakhti uu wax badan uga faa’idaysan lahaa xataa waxa
dhici karta inaanu salaada u kicin sida inbadan dhacda, hadduu
tukadana waxa uu tukadaa salaad aanu wax war ah ka hayn oo uu ku
dul tukaday isla goobtii uu qaadka la fadhiyay.

42
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Daawashada filimada ama ciyaaraha: waa dhibaato kale oo haysata


bulshada soomaalida gaar ahaan dhalinyarta waxay wakhtiga inta ugu
badan ku lumiyaan daawashada filimada wadamada shisheeye sida kuwa
reer galbeedka, waayo filimka ugu yari waxa uu socon karaa 1:40 ( hal saac
iyo afartan daqiiqo ), sidoo kale waxa dhalinyarta iyo qaar kamida dadka
waawayn dhibaato ku haya daawashada ciyaaraha kala duwan ee reer
yurub. Waxaad marwalba arkaysaa goobaha ciyaaraha lagu daawado oo
camiran, kadibna iyadoo dhalinyartu koox-koox u falanqaynayso waxyaabo
ku saabsan siday ciyaartu ahayd.Turubka iyo laadhuuda ayaa iyaguna ah
qaar kamida waxyaabaha caanka ah ee lumiyayaasha wakhtiga taban .

3.3 Dawada lumiyayaasha wakhtiga ee taban

Ma isticmaalayno kiniin iyo sharoobo laakiin dawada ugu

Wayn ee lagula tacaali karo lumiyayaasha wakhtiga ee

43
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Tabani waa( la xisaabtanka nafta ). Waa inaad naftaada kaga awood


roonaataa amarrada isla markaana aad fulisaa si awooda, adigoo
samaynaya xarako (action).

Waxay naftu isticmaalaysaa xeelado aad ubadan iyadoo qiil ka dhiganaysa


waxyaalo yar-yar oo dhalanteeda, oo kugu boorinaysa inaad sii ahaatid mid
ku dhex jira lumiyayaasha wakhtiga ee taban. Tusaale ahaan waxa kuu
taala shaqo aad qaban lahayd muddo 30 daqiiqo ah, waxaad ka doorbiday
inaad daawatid filim soconaya wakhti dhan 1:30 hal saac iyo badh, ka fikir
haddii aad shaqadan qaban lahayd waxa kuu soo hadhi lahaa halsaac.
Hadaba akhristoow haka fikirin inuu kaa fog yahay lumiyayaasha wakhtiga
ee tabani waxa uu noqon karaa saaxiibkaa qoyskaaga iyo waliba bulshada
aad ku dhex nooshahay sida aynu kor ku soo xusnay dawada ugu caansan
ee lumiyayaasha wakhtiga tabani waa la xisaabtanka nafta. Hadaba sidee
ayeynu ula xisaabtami karnaa nafaheena? Waa jawaab aad ufudud laakiin
ay aad u adagtahay ku dhaqankeedu. Waa inaad naftaada si awooda uga
hor istaagtaa hawada ay jeceshahay iyo waxyaalaha ay jeceshahay inay
samayso.

Waa inaad mar walba kala hor tagtaa kalmada (maya) si ay iyaduna uga
daasho samaynta lumiyayaasha wakhtiga

Ee taban. Run ahaantii waxaad maarayn doontaa wakhtigaaga, waxaanad


xal uheli doontaa khalkhalka iyo cidhiidhiga kaa haysta xagga wakhtiga

44
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3.4 Dhibaatada wahsiga

Wahsigu waa inaad isticmaasho ama caado ka dhigatid kalmadaha, mar


danbe Ayaan qaban doonaa,goor dhow Ayaan dhamaynayaa,wakhti
danbe Ayaan qaban doonaa iwm.

Sidoo kale wahsigu waa dib udhigis uu caajis aad uwayni ka


muuqdo,waxaanu kamid yahay cadawyadaada ugu waawayn ee safarka
noloshaada. Markaynu ka hadlayno wahsiga waxa markaba maskaxdaada
ku soo dhacaysa qof caajisa,hamaansanaya oo aan waxba qaban Karin,
laakiin arintu sidaad moodayso maaha ka wahsanaya ama wax dib
udhigaya waa adiga haa, waa adiga. Imika ka kac fadhiga oo u dhaqaaq
hawsha kuugu muhiimsan ee maskaxdaada ka dhex guuxaysa, markaas
ayaad ogaan doontaa dhibaatada wahsiga ee aad ku sugnayd intay
leegtahay .

45
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Aynu tusaale usoo qaadano waa sheeko saddex nin ayaa ku murmay anaa
kaa wahsi bada, mayee anaa kaa wahsi badan iyo labadiinaba anaa idinka
wahsi badan. Midkii koobaad ayaa hadlay waxaanu yidhi “anigu inta aan

Maalin geed hoos seexday ayuu hadhkii dhanka kale u rogmaday,


waxaanan ka wahsaday inaan qoraxda ka kaco”. Midkii labaad ayaa
hadlay oo yidhi “anigu maalin Ayaan geed hoos seexday waxa soo da’ay
roob, ilaa uu iqaadi gaadhay daadkii waxaanan ka wahsaday inaan ka kaco
daadka iyo roobka da’aya”. Midkii saddexaad ayaaba inuu hadlo ka
wahsaday, waxaanu taagay fartiisii isagoo ku ishaaraya heerka uu
wahsigiisu taagan yahay.

Fg: sheekadan gaaban waxaan ka qoray buuga kaydaka xikmada


soomaalida oo uu qoray (sacad maxamud haddi).

3.5 Dawada wahsiga

Dawada ugu way ee wahsigu waa adigoo iska ilaaliya dib udhigista. Aynu
cadayno side ayaa dib udhigista iskaga ilaalin karnaa?. Way fududahay
haddii aad leedahay dareen aad uwayn oo xamaasadaysan oo ka dhan ah
arinta aad doonayso inaad qabato. Tusaale ahaan macalinka kuu dhiga
dugsiga ama jaamacada ayaa si lama filaana, shaaca uga qaaday inuu berri
qaadayo imtixaan. Sawiro am aka fikir side ayuu noqonayaa diyaar
garawgaagu? Waa run, si aada iyo aada ayaad udiyaar garoobaysaa xataa

46
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

heer aad gaadhid inaanad habeenkaa wakhtigii aad hore useexan jirtay
aanad seexan.

Aynu dhinaca kale ka eegno, ka waran haddii macalinkaagu ku sheegi


lahaa inuu imtixaanka todobaad kadib qaadayo, maxaad samayn
lahayd?intee ayuu diyaar garowgaagu noqon lahaa?. Waa run waxaad
lumin lahayd ayaamo kamida todobaadka adigoo adeegsanaya dib udhigis.
Sidaa darteed ayey in dib udhigista la iska dhaafaa tahay dawada ugu
muhiimsan ee wahsiga . markaynu isbarbar dhigno labadan wakhti ee
aynu ka soo hadalnay, marka hore waad dareensantahy sida aad
imtixaanka ugu xamaasadaysantahy. Hadaba maxaa kaa hor taagan
inaad noloshaada sidaa ugu xamaasadaysnaato? Adiga ayey jawaabtu ku
hor taalaa aan idiin kala baxo adiga iyo maskaxdaada.

Mar aan akhriyayay buuga (creative living skills) waxa uu odhanayaa (


life is sailing) oo uu macneheedu yahay noloshu waa shiraacasho.
Waxaad is waydiinaysaa waa maxay shiraacasho? Shiraacashadu waa
marka ay doontu u diyaar garoobayso inay ku safarto badwaynta ee ay ka
dhaqaaqayso goobta ay ku xidhan tahay. Waxay kala bixisaa shiraaca wayn
ee dusheeda ku yaalla si ay dabayshu ugu dhaqaajiso goobta ay ku
safrayso.

Markaa waa inay marwalba noloshaadu shiraacnaataa oo

47
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Aad diyaar garawga iyo dadaalkaba saaxiib la ahaataa, aan mar labaad ku
xasuusiyo dawada ugu wayn ee wahsiga, waa adigoo iska ilaaliya dib
udhigista.

3.6 astaamaha dadka aan wakhtiga ka


faa’idaysan
Quruumaha uu ilaahay ku uumay kawnkan, waxay leeyihiin farqi kala
duwanaasho oo aad uwayn, kama hadlayno xagga muuqa iyo midabka,
balse laakiin waxaynu ka hadlaynaa dareenka,feejignaanta,iyo ka
faa’idaysiga wakhtiga. Markaynu u daadagno qodob hoosaadkeenan,
waxay leeyihiin astaamo dhawra dadka aan wakhtiga ka faa’idaysan, oo
ay kamid yihiin.

 Kuwo niyad ahaan aaminsan inaanay marwalba wakhti ku filan


haysan: waxa uu iska dhaadhiciyay marwalba oo uu isyidhaahdo hawl
qabo inaanu wakhti ku filan haysan. Ma aamin santahay qofka 30 jis ee
qur aanka xifdiyay iyo kan ku talax tagay cilmiga kimistarigu ay kula
wadaagaan 24 saacadood, haa ayaad iigu jawaabaysaa markaa maxaad
iskaga dhaadhicinaysaa inaanad wakhti kugu filan haysan.

Qadar dhan laba daqiiqo soo qaad gacmahaaga kadib labadaada dhafoor
saar, haye iswaydii maxaad adigu wakhtigaaga uga faa’idaysan
la’dahay?iyagu may kaa fiican yihiin?miyay kaa maskax wayn yihiin?

Haye aan idiin kala baxo adiga iyo maskaxdaada

48
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

 Kuwo u adeegsada wakhtigooda dhinaca taban: waxaynu hore


ku soo xusnay lumiyayaasha wakhtiga ee taban, sida balwada ama
mukhaadaraadka iwm. Hadaba haddii aad aragtid qof kale oo kuwan
isticmaalaya, ogow waa astaan kale oo ay leeyihiin dadka aan wakhtiga ka
faaidaysan. Waxa uu marwalba is arkaa, isagoo ay hawl aad uwayni ka
qabyo tahay, oo ay sabab u yihiin isticmaalida lumiyayaasha wakhtiga ee
taban. Waxa uu naftiisa ka dhaadhiciyaa hawshan aad qabanaysaa waa
mid kuu oolaysa, laakiin filimada ama ciyaartu waa mid ku

Dhaafaysa, balk aba soo qaad waxaad daawatay filim oo sidiisaba ka


sheekeeya waxyaabo xaqiiqada ka fog waad dhamaysay, kadib balk a fikir
maxaad ka faa’iday?

 Kuwo aan aaminsanayn awooda naftooda: inaad naftaada


aaminto waxay ku xidhantahay ,hadba inta ay leegtahay kalsoonida aad
naftaada ka qabto.

Hadaba waa maxay kalsoonida aad naftaada ku qabtaa? Waa inaad


aaminto awooda iyo waxyaabaha ay naftaadu qaban karto. Hadda ka hor
Ayaan waydiiyay arday aan meel imtixaan kuwada galaynay waxaan
usheegay inaan wax ka badan 10,000 oo erey oo luuqada ingiriisiga ah aan
qaybay, kadib waxay ku noqotay wax maskaxdiisa ka wayn waxaanu igu
celceliyay goormaad qaybtay?sideed uqaybtay?wakhti intee leeg ayey kugu
qaadatay?.

49
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxaan waydiiyay miyaanad adigu qaybi Karin hadaad yeelatid niyad


xamaasadaysan oo aad ficilna ku dartid waxa uu iigu jawaabay maya!
Maya! Isagoo layaaban. Waxaan halkaa ka fahmay inaanu naftiisa
kalsooni buuxda ku qabin iyo awooda ay leedahay.

Hadaba aragtida guud ee aad naftaada ka leedahay waxay ku xidhan tahay


saddexdan qodob.

1)khibrada aad leedahay intay leegtahay: haddii aad khibrad buuxda u


leedahay hawsha aad qabanaysid waxaad noqon doontaa mid naftiisa ku
kalsoon inay hawshan qabanayso.

2)waxay dadku kugu yidhaahdaan “waa tahay”: bulshada iyo deegaanta


aad ku nooshahay waa kuwo ka qayb qaata aragtida guud ee aad
naftaada ka haysato. Tusaale ahaan waxaad qabatay hawl ku saabsan
laydhka(electricity) bulshada aad hawshaa u qabatay waxaad kala kulmi
doontaa ereyo ay kamid yihiin (waxaad tahay mid ku fiican hawsha aad
qabatay,run ahaantii anigu waan u khushuucay sida aad hawsha u
qabatay iwm). Waxaad naftaada ka dhaadhicin doontaa ama aaminsiin
doontaa mid hawshan aad ugu fiican, sidaa darted ayeynu uleenahay
waxay dadku ku yidhaahdaan waa tahay ama waad ku fiican tahay, inay
ku taxaluqdo ama la xidhiidho, aragtida guud ee aad naftaada ka
leedahay.
3)waxaad naftaada ku tidhaahdo: adiga iyo naftaada, maalin walba ,saacad
walba,minit walba, iyo ilbidhiqsi walba waad kulantaan adigoo kula

50
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

noqonaya ama kala tashanaya arin kaaga timi deegaanka aad ku


nooshahay.

Waxay kugu tidhaahdaa waxaasaad ku fiican tahay,adiguna waad ku


raacdaa xataa haday ku tidhaahdo

Waxaad tahay mid daciifa oo aan hawshan qaban Karin, adiguna waad
aqbashaa, waayo lama xisaab tami Karin ama lama doodi kartid, maxaad
ugu odhan la’dahay “nafyahay maxaad u dafiraysaa, arin hebel iyo arin
hebel markaan dhameeyay ama xaliyay miyaanan ahayn mid ku fiican
hawshaa”?. Haa ayey kuugu jawaabi doontaa, markaas ayaad naftaada ka
aamini doontaa inay tahay mid qaban karta wax walba oo aadanaha ilaahay
u fududeeyay. Markaa maynaan odhan Karin waxaad adiga iyo naftaadu
kuwada hadashaan, waxay ku xidhan tahay aragtida guud ee aad naftaada
ka haysato. Markaa isku kalsoonow oo noqo mid marwalba awood leh.

3.7 dabeecadaha guusha iyo kalsoonida nafta


Dabeecadaha guusha

Waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa shan dabeecadood oo ay guushu


leedahay oo kala ah.
1) si aad ugaadho wadada guusha dhamaadkeeda , waa inaad u
dhoolo cadaysaa guuldarooyinka yar-yar iyo caqabadaha kaa hor yimaadda

51
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

2) jidka guusha waxa mari kara qof Samir iyo adkaysi badan leh
waayo waxa lagaala hor iman karaa waxyaabo badan oo lid ku ah
hayaankaaga nololeed.

3) Waa inaad adkaysi iyo dulqaad u yeelataa diidmo kasta oo aad la


kulanto waxaanay kaaga iman kartaa saaxiibkaa,dadka aad la
shaqaysid,iyo waliba bulshadaada.

4) Haddii aad leedahay han sare niyad jabku waxa uu kula soo dersi
doonaa in ka badan inta uu dadka kale soo wajaho.

5) Guushu waxay u baahan tahay qof u dhoolo cadeeya dareemada


xunxun ee uu wajihi doono .

52
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Kalsoonida nafta

Kalsoonidu waa inaad aaminto awooda ay naftaadu leedahay, adigoo ka


haysta aragti guud iyo mid gaara oo togan(+) . kalsoonidu waa shayga qofka
ku dhaqaajiya ama ku amra inuu hawlo badan qabto isagoo u
xamaasadaysan.

Hadaba waxaynu hoos ku xusi doonaa dhawr qodob oo keena kalsooni


la’aanta qofka, waxaana kamid ah

 Guuldarro uu qofku hore ula kulmay: oo uu macneheedu yahay


inaad ka cabsatid in aad mar labaad hawshan ku guul daraysatid, waa

53
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

shayga ugu wayn ee dila kalsoonida uu qofku naftiisa ku qabo eek u


wajahan hawshaa uu qabanayo
 Inuu qofku naftiisa u arko mid aan waxba qaban Karin: waa
arin kale oo keenta kalsooni la’aanta nafta, waa inaad naftaada ka
haysatid aragti ah inaanay waxba qaban Karin ama aanay u dhaqaaqi
Karin ficilada ay dadka kale qabanayaan.

Hadaba haddii ay sidaa tahay, sideebaad udhisi kartaa kalsoonida


naftaada? Run ahaantii waa su’aal xasaasi ah

Oo aynu jawaabteeda hoos ku xusi doono iyadoo aynu isticmaalayno


qodobo dhawra oo lagu dhiso kalsoonida nafta. Bal hadda waa kuwan ee ila
eeg

 Habarbar dhigin naftaada dadka kale: waa meel ka dhac ama


godob aad uwayn oo aad ka galaysid naftaada marka aad gaadhsiisid heer
aanay taagnayn. Ama dad aanay isku heer ahayn, inkastooy fiican tahay
inaad raacdid ama la socotid dad kaa aqoon ama cilmi sarreeya. Hadana
markaad shay amah awl qabanaysid ha barbar dhigin naftaada dadka
kale, waayo waxa laga yaabaa inuu qofkaasi hawshan kaaga waayo
aragsan yahay taasina waxay dhisi doontaa kalsoonida naftaada.  Ku
dhaqaaq hawsha isla imika kuu taalla: waxay si aad uwayn oo baaxad
leh udhisi doontaa kalsoonida naftaada, markaad aragtid naftaada oo
fikirkii iyo ficilkiiba is raacinaysa

54
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

 Si togan(+) ula hadal naftaada: waa shayga kuugu dhaw ee aad


ka helaysid fikradaha, kuguna boorinaya hawsha aad qabanaysid adigoo u
xamaasadaysan. Hadaba naftaada oo aad ula hadashid si togan ama fiican
waxay dhisi doontaa kalsoonida naftaada aad ku qabto.
 Qurxinta labiska iyo muuqaalka: qurxinta aad Naftaada
qurxisaa ama aad ku labisato dhar nadiifa waxay naftaada siin doontaa
xamaasad iyo farxad aad uwayn waxaanay farxada iyo qosolku dhisaan
kalsoonida nafta.

Hadaba akhristoow waa inaad isku daydaa inaad samayso qodobadan aan
kor ku soo xusnay si aad amakaaga nolosha uga baxdid una gaadhid aragti
fog oo mustaqbal.

Hadaba aynu soo qaadano sheeko tusaale inoogu noqon doonta


qodobkeenan maaraynta wakhtiga.

Muuse waxa uu ku noolaa magaalo kamida magaalooyinka ay soomaalidu


degto, waxa uu galinka hore rootiga ku wareejin jiray magaalada dhexdeeda,
galinka danbana waxa uu wax ka baran jiray bareefad

(institute), balse waxa layaab ahayd sida uu wakhtigiisa u maareeyay. Waxa


uu hadda ka hor waalidkii iyo caruurtoodii uga soo tagay baadiyaha waxa
aanu balan ugu soo qaaday inuu usoo shaqayn doono.

55
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Muuse waxa shaqadiisa iyo hawl karnimadiisa ka yaabay mulkiilihii


moofada uu rootiga u gadi jiray, ilaa heer uu gaadhsiiyay maamul sare.
waxa kaliyaata oo uu wakhtigiisa oo dhan ku bixin jiray shaqadiisa iyo
waxbarashadiisa, waxa uu gaadhay heer ay shaqaalihii kale ku
sheekaystaan oo ay isaga ku daydaan, waxa uu

Ahaa nin ilaahay ku xidhan oo camalkiisa oo dhami yahay mid wanaagsan.


Hadda waxa uu muuse haystaa shahaado ingiriisi iyo xisaaba. Waxa
jeclaaday maamulkii bareefadka uu wax ka dhigan jiray. waxay ugu balan
qaadeen inuu iyaga la shaqayn doono. Waxa uu maamul sare ka noqday
moofadii rootiga, illeen wax walba oo wanaagsani xaasid ma waayee waxa
tiraba dhawr jeer shirqool u abaabulay shaqaalihii kale ee uu ugu yimi
meesha ee uu heerkaa ku dul gaadhay . hadda waxa uu muuse u diyaar
garoobay inuu aqoontiisa sii kobciyo waxa uu go’aan ku gaadhay inuu
barto saxaafada, waanu kaga dhabeeyay waxa uu go’aan ku gaadhay
inuu ka tago shaqada moofada ka dib markii war ka helay maamulkii
bareefadka oo sheegaya inay shaqadii u diyaar tahay, waxa uu kamid
noqday shaqaalaha bareefadka ilaa heer uu ka gaadhay maamulka sare,
waxaanu waxaa soo dhan ku mutaystay maaraynta uu mareeyay
wakhtigiisa isagoo uga faa idaystay si fiican. Hadda muuse waxa uu ku
guulaystay noloshiisii waana saxafi iyo bare labadaba.

56
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4
Qodobka afraad: Ka
fogaanshaha mukhadaraadka

57
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4.1 ka fogaanshaha mukhadaraadka

Ka fogaanshaha mukhaadaraadka markaynu iftiimino, waxa weeye inaynu


ka fogaano waxyaabaha khatarta ku ah nafeheena iyo waliba bulshada
aynu ku nool nahay dhamaanteed. Markaynu leenahay kalmada
mukhaadaraad waxa markaba maskaxdaada ku soo dhacaysa qaad,
sigaar, khamri oo kaliya, balse laakiin kalmadani waxay koobsanaysaa
dhamaan waxyaabaha khatar ah ee ay ka midka yihiin aafada qabyaalada
iyo jahliga iyo wax walba oo hor istaagi kara horumarka bulshadeena.

Hadaba waxaynu hoos ku xusi doonaa dhawr qodob oo ay kamid yihiin

 Cunista qaadka iyo dhibaatadeeda


 Aafada qabyaalada
 Jahliga
 Sigaarka iyo dhibaatadiisa caafimaad
 Habkee ayeynu uga fogaanaa mukhaadaraadkan.

58
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4.2 cunista qaadka iyo dhibaatadiisa

Waa dhabar jabiyaha,curyaamiyayna kala badh dhaqaalaha iyo dhalinyarta


soomaalida. Waxa uu leeyahay

Khasaare nafeed iyo mid bulsheedba, waxa wax laga qoray ama la
daraaseeyay qarnigii 13aad ilaa 14aad. Waxa markii ugu horeysay wax ka
qoray aqoonyahano carbeed oo uu kamid ahaa ibnu fadlulaahi al caamiryi
oo ku tilmaamay inuu waxyeelo wayn ugaysto maskaxda,cuntada uu
yareeyo,hurdada uu

yareeyo,awooda raganimadana uu hoos udhigo. Waxaanu kabaxaa


wadamo ay kamid yihiin yemen,itoobiya,kiiniya,yugaandha iyo
soomalida oo uu naadir ku yahay. Iyadoo ay sidaa tahay ayey hadana
bulshada soomlidu caadaysatay inay iska dhago mariyaan dhibaatooyinka
cadaanka ah ee ay ku sheegaan dhakhaatiirtu, marka somalida la eego

59
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

dhaqaale aad ubadan ayaa kaga baxa sanad walba oo kasoo gala dhinaca
itoobiya inta ugu badan. Hadaba sidaynu kor ku soo xusnay waxa
dhibaatooyinkiisa kamida, cunto badan oo aanad cunin ama amateed
xumo kugu dhacda. Dhanka kale waxa uu keenaa hurdo la’aan xad dhaafa
sida la sheego waxay dadka isticmaalaa aanay mararka qaarkood seexan
muddo shan maalmood ah iyo shantoodii habeen.
Hadaynu eegno xagga awooda raganimada, waxa yaraada awoodii uu ninku
ugu tagi lahaa lamaanihiisa taasina waa dhibaatada ugu wayn ee uu ku
keeno kuwa isticmaala

Hadda ka hor mar aan dhagaystay qiso ku dhacday mid kamid ah kuwa
qaadka isticmaala wuxuu yidhi “waxaan fadhiyay gurigayga, waxaanan u
fadhiyay qaad muddo kadib Ayaan isku dayay inaan u kaco kaadi, waanan
awoodi kari waayay, isla inyar kadib waxaan labadayda hareerood ku
arkay doox(bohol) wayn, ka dibna waxa niyadayda ku soo dhacday
dooxanba iskaga kaadiba, waa sax Ayaan naftayda ka dhaadhiciyay ka
dibna waa kaajay ilaa aan dareemay qoyaanka kaadida oo goobtii aan
fadhiyay buuxshay” waa layaab, waxaa soo noq noqda ama aad marar
badan maqashaa sheekooyin noocaas oo kale ah. Markaa wuxuunbaynu
inagu uga danleenahay inaynu sheegno dhibaatada uu leeyahay ee maaha
inaynu ka maadaysano ama aynu isku madadaalino.

60
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

4.3 Aafada qabyaalada

Ilaahay waxa uu qur’aankiisa ku yidhi:

“waxaanu idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu garataan”.

Ilaahay ayaa inoo abuuray inaynu isku garano oo kaliya, balse aadamaha
badankiisu waxa uu u adeegsaday dhinaca taban. Hadaynu unimaadno
dhibaatada ay bulshada soomaalida ku hayso qabyaaladu, waa mid aan la
qiyaasi Karin ilaa heer ay gaadhay markaad shaqo
Raad sanaysid marwalba iyo meel walba lagu waydiiyo cidaada iyo
caynkaaga.waxay dhabar jab wayn ku noqotaa qof hayaan iyo masiir
waxbarasho lahaa, kadib marka la shaqaalaysiiyo kii uu ka aqoonta badnaa
iyadoo loo eegay reer,waji iwm.

Waxay bulshadu qabyaalada u adeegsadaan si aan xishood lahayn marka la


fadhiyo goobaha qaxwaha iyo baraadka laga cabo. Waxay xididadeena u
raacday sida uu dhiigu u maro wadnaha iyo sambabada marka uu
samaynayo habdhiska dhiig wareega . hadaba akhristoow bal ka fikir inta
dhibaato ee ay qabyaaladu ku hayso bulshadeena soomaalida, intaan kor
ku soo xusnay iyo inbadan oo maskaxdaada ku jirta. Waxay inaga reebtay
aduun waynahan hore u talaabsaday iyo bulsho wayntan caalamka ee uu
qof waliba ku fikirayo sidii wax cusub u keeni lahaa.

61
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Bal aynu soo qaadano qiso tusaale inoogu ah qodob hoosaadkeenan aafada
qabyaalada.

Hadda ka hor ayaa mid kamid ah ardayda wax ka barata jaamacad ku


taala magaalo kamid ah magaalooyinka soomaalida oo lagu magacaabi jiray
Rooble waxay isku fasal ahaayeen xidhiidh aad uwayn oo saaxiibtinimana
ka dhexeeyay, arday lagu magacaabi jiray Cali. Cali waxa uu ahaa arday
sidiisaba iska caajis badan kana dhashay qoys magac iyo maamuus ku leh
bulshada ama magaalada.

Rooblana waxay magaaladaba ku lahaayeen cooshad yaroo hoy u hayd,


isaga, laba caruura oo ay walaalo ahaayeen iyo hooyadii oo iska qof wayn
ahayd, aabihiina haba sheegin waxa uu mootan yahay afar sanno. Wax dad
ahna waxa magaalda dagan nin ay aabihii xagga hooyo ka walaalo yihiin oo
lagu xaman jiray inuu yahay, bakhayl aan waxba uqaban caruurta uu
walaalkii ka dhintay .

Aragtida labadan nin ee mustaqbal, waa mid uu farqi aad wayni u dhexeeyo
waana kaaf iyo kala dheeri iyadoo tii ilaahayna meel tahay. Waxa uu rooble
si fiican u caawin jiray saaxiibkii cali oo aan waxba ku fiicnayn haba
yaraatee, nusaacaha iyo shaaha mooyaane. Muddo markay sidaa ku
socotay ayaa waxa soo dhawaaday wixii sanadahaa badan wax loo soo
baranayay oo ah inay anfacdo nafta qofka iyo ta qoyskiisaba xag dhaqaale
iyo xag maamusba . berri waxa la qaban doonaa xafladii qalin jabinta ee
ardayda jaamacada ee ay kamid ahaayeen cali iyo rooble. Cali aad ayuu u

62
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

farax sanyahay sababtoo ah hadda ka hor ayuu aabihiii u balan qaaday


inuu shaqo aad u fiican ka siin doono shirkada dhismaha ee uu leeyahay,

Isla markaana gabadh ina xaaji hebel dhalay loo guurin doono.

Balse rooble intay dadkoo dhami farax sanaayeen habeenkaa ay berri


xafladu dhacayso isla markaana ay diyaar garoobayeen, isaga waxa isugu
yimi fikir aduun oo dhan, waxaabad moodaa in dhulka lagu soo yareeyay,
waxa uu fadhiyaa meel gaara kaligii, waxa uu dhafoorada saaray labadiisa
gacmood waxa uu naftiisa waydiinayaa halkee ayaad u shaqo tagi
doontaa, ileen magaalada ehel iyo xididtoona kuma lihid,e balse hooyadaa
iyo caruurtiinii ku sugaysay intaasoo sanno maxaad u qaban doontaa waxa
uu habeenkii la seexday war war iyo walbahaar aan laqiyaasi Karin.

Waxa beryay waagii isla markaana libdhadii(qorraxdii) ayaa godka ka soo


baxday waxay dadku ku labisan yihiin dirayskii qalin jabinta isagu
wadhaaba ma hayo oo weli wuu fikirayaa. Waxa soo dhamaatay xafladii
qalin jabinta, waxay ku soo dhamaatay isu hambalyayn iyo is dhun
dhunkasho aad u faro badan, waxa uu rooble ka soo cago jiiday xafladii
isagoo shahaadadii far iyo suul ku laalaadinaya. Waxa uu ayaamo kadib
war ka helay saaxiibkii cali oo shaqo fiican ka shaqeeya isla markaana loo
guuriyay gabadhii ina xaaji hebel, oo uu aduun isugu

63
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Dubo dhacay. Waxa sii xumaatay arintii waxa rooble ku sii kordhay fikirkii
waxaana jabtay muraayadii qalbiga oo ahayd rajadiisii mustaqbal ee uu
naftiisa ka lahaa.

Waxa uu arinta rog rogaba waxa uu go’aan ku gaadhay inuu bilaadkan


iskaga tahriibo, cidna lamuu tashan haba yaraatee waxa uu qaatay go’aan
isaga khaas ku ah. Waxa uu udiyaar garoobay halka hawsha tahriibta uu
ka bilaabi lahaa waxa uu ka war helay dhalin yaro iyaguna diyaar u ah
inay wadanka ka tahriibaan oo dhamaantood ka rajo dhigay nolosha ay
wadanka ku nool yihiin waxa dhalin yartan kamid ah cabdi fataax oo
ahaa wiil dhib law ah oo muddaba dhawr jeer laga soo qabatay jidka loo
maro tahriibta, khibrad buuxdana u leh goobta ama marinka ay ku nabad
galayaan.
Rooble talo ayaa ku cadaatay oo dhalin yartii kale waa diyaar habeen danbe
ayaabay baxayaanba. Waxa uu

Go’aan ku gaadhay inuu u tago adeerkii oo uu waydiisto xoogaa lacaga oo


uu dhar iyo kabo siisto adeerkiina aad buu usoo bahdilay. waxa uu kasoo
cago jiiday gurigii adeerkii habeenkii isagoo aad u murugsan, markii uu
waagii baryay ee falaadhihii caska waagu dhulka ku soo dhaceen, ayuu
huradada ka booday waxa uu go’aan ku gaadhay inuu u dhaqaaqo xaggaa
iyo saaxiibkii cali, muddo kadib waxa uu soo gaadhay gurigii loogu
tilmaamay inuu saaxiibkii cali degan yahay, waa uu garaacay albaabkii
guriga, waxa ka furtay bidhiidho oo ahayd gabadh dhawaan ka timi
baadiyaha oo guriga cali ka shaqaysa , waxa uu u sheegay inuu yahay

64
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

rooble oo hadda ka hor ay cali isku fasal ahaayeen jaamacada, soo


dhawoow ayey ku tidhi rooble, nuura xaaji gudaha ayey ku jirtaa, waayo
nuura xaaji ayuu waydiiyay, waa gabadha cali ayey ku jawaabtay
bidhiidho iyadoo sii hor socota rooble. Reerku mafiican yahay ayuu
waydiiyay rooble, nuura oo ku jirta qolka hurdada, haa ayey ku jawaabtay
iyadoo haabhaabanaysa malkhabadii iyo masarkii “naa qolka fadhiga
fadhiisi bidhiidho waa saaxiib ay cali isku dheer yihiine” nuura ayaa tidhi .
cabbaar markuu fadhiyay ee uu sharaab cabay ayey nuuri u sheegatay
inuu cali soo laaban doono duhurka, waa sax ayuu ugu war celiyay.

Saacadoo ka dib ayuu cali soo galay

Guriga nuura ayaana u sheegtay inuu rooble sugayay, xaggii qolka fadhiga
ayuu u dhaqaaqay, rooble ayey si fiican isku gacan qaadeen, waxaanay isla
galeen waraysi dheer kadib ayaa rooble uga waramay cali xaaladu halkay
marayso iyo wixii ka soo gaadhay adeerkii, waxaanu ka codsaday inuu siiyo
qadar lacaga. Cali oo aad uga naxsan waxa saaxiibkii soo gaadhay, ayaa u
sheegay in haddii uu hayn lahaa shaqo banana siin lahaan balse isaguba
aanu wali si fiican ubilaabin shaqada, waxaanu siiyay lacag intii uu
ubaahnaa rooble, waxaanay isku macasalaameeyeen hawraarsan iyo
hawraarsan.

Waxa uu rooble usoo dhaqaaqay dhinicii gurigii yaraa ee ay daganaayeen


waa 2:30 duhurnimo dhalin yartii ay balantu ka dhaxaysay waxay
baxayaan 7:00 fiidnimo ee caawa, waxay soo gaadhay wakhtigii la bixi

65
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

lahaa, waxa uu cali soo gaadhay goobtii ay balantu ahayd, waxaanay


bilaabeen socdaalkooddii.

Waxa haatan ka soo wareegtay muddo saddex bilood ah wakhtigii uu


tahriibay rooble, waxa muddaba dhawr jeer la soo sheegay in rooble dhintay
isla markaana been noqotay. Waxa uu rooble ku noolaa meel aad u dhibaato
badan oo ku taalla liibiya muddo bil iyo badh ah, ugu danbayn waxa uu
rooble u dhintay xanuun nafaqo xumo.

4.4 Dhibaatada jahliga

Waa mid kaloo kamid ah waxyaabaha khatarta ku haya bulshadeena, waa


jahliga. Hadaba waxa akhristoow fiican inaad ogaatid jaahilka dhabtii kuu
yahay, waxa hubaala in dadkeenu ay jaahilka u haystaan qof baadiyaha ku
nool ama ka yimid, jahligu waa cudur halis ah hase ahaatee daawo
leh, daawadiisuna waa cilmiga. Jahligu qofka waxa uu galiyaa nolol mugdi
ah miisaanka wax lagu qiyaasana wuu ka lumiyaa.

Waa kuma jaahilku?

Jaahilku shayga mudan in laqiimeeyo ma qiimeeyo, waxaan qiimo lahayna


aad ayuu u qiimeeyaa. Qofka jaahilka ah isagoo nolol barwaaqo ah ku jira
ayuu hadana ka gaajaysan yahay, waxa u roon iyo waxa u daran Makala
garto. Qofka jaahilka ahi ma qiimeeyo wakhtiga kamana faa’idaysto
maalinta dhalataana tan kale waxba ugama duwana. Jaahilku isagaa mar

66
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

walba isla gar leh, lagamana gar helo, muranka iyo dooduna waa awooda
kaliya ee uu leeyahay.

4.5 Sigaarka iyo dhibaatadiisa caafimaad

Waxa la sheegaa in qarnigii 9aad ay qabiilo kamid ahaa beelaha daganaa


waqooyi ameerika, sida qabiilka loo yaqaano maaya iyo Aztecs ay isticmaali
jireen buuriga ama tubaakada sigaarka laga sameeyo.

Waxay ahayd qarnigii 17aad markii buuriga sigaarku gaadhay yurub,


halkaas oo lagu farsameeyay qaabka caadiga ah ee aan maanta u naqaano
sigaarka. Hadaba waxa sida laga war qabo sigaarka intiisa badan aduunka
gaadhsiiyay gumaysigii reer yurub.

67
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Hadaynu eegno xagga dhibaatadiisa caafimaad waxa uu sanad walba dilaa


650,000 oo qof sideed iyo labaatan wadan oo ka tirsan yurub. Waxa ku jira
maadooyin sun ah

Oo ay kamid yihiin, ammonia oo lagu nadiifiyo suuliyada ama musqulaha ,


sidoo kale waxa ku jirta acetone oo ah waxyaabaha lagu dhalaaliyo
xamuuradda ay haweenku cidiyaha marsadaan, waxa kale oo ku jirta
toluene oo ah milme warshadaha lagu isticmaalo, ugu danbayn waxa ku
jirta acetic acid oo lagu daro khalka.

Hadaynu eegno xagga dhaqaalaha, shiinaha ayaa ah wadanka dhaqaalaha


ugu badan ku bixiya. Hadaynu eegno dhinaca afrika waxa lagu qiyaasaa in
ay cabaan, 29% raga iyo 4% oo dumar ah.

4.6 habkee ayeynu uga fogaanaa


mukhaadaraadkan

Akhristoow waxa muhiima inaad ogaatid, shay walba hadaad niyad


xamaasadaysan u haysid, ficil iyo dadaalna aad ku dartid inaad gaadhaysid
hadaf walba oo aad u calaamadiso noloshaada. Hadaba markaynu ka
hadlayno mukhaadaraadkan aynu kor ku soo xusnay waxaad uga fogaan
kartaa, adigoo ka dheeraada dhamaan goobaha iyo cidda loogu yimaado.
Tusaale ahaan haddii aad doonaysid inaad iska jirto aafada qabyaalada,
waxa muhiima inaad ka fogaatid dadka isticmaala, meelaha lagaga

68
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

sheekeeyo iyo waliba wax walba oo ku saabsan. Sidoo kale haddii ay ku


haysato dhibaato jaahilnimo oo

Aanad lahayn aqoon sidaa usii badan, waa inaad ka fogaataa dadka
aqoonta iyo caqligaba kaa hooseeya oo aad raacdaa dadka kaa cilmiga
badan, waayo tani waxay suurto gal kaaga dhigaysaa inaad ka baxdid
dhibaatadii jaahilnimada oo aad noqotid qof caqli ahaan iyo maskax
ahaanba kora.

Ugu danbayn waa inaad isku daydaa inaad ka dheeraato goobaha,meelaha


iyo waliba cidda haysa dhamaan mukhaadaraadkan aynu kor ku soo
xusnay, waxaana biyo kama dhibcaana inaad noqon doontid qof sharaf iyo
cisi ku dhex leh bulshada uu ku dhex nool yahay

69
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

5
Qodobka shanaad:
Qeex yoolkaaga

70
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

5.1 Qeex yoolkaaga

Wali ma aragtay ama ma daawatay, nijaar ama makaanik oo kala


dooranaya qalab si uu ugu qabto shaqooyin kala duwan, sababtuna tahay
faa,idada uu qalabku leeyahay.

Hadaba shaqaaluhu way yaqaanaan qalabka ay ubaahan yihiin sida


nijaarka ama makaanigu udoortay, qalabka ku haboon shaqada, adiguna
waxaad u baahantahay inaad doorato hab kaa caawiya inaad samayso
go’aan ama aad xaliso dhibaato ku soo wajahday, hadaba hadaad

71
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

hababkan ku celcelisid marka labaad waxa uu kuu noqon doonaa mid


dabiiciya. Hadaba hadaynu usoo daadagno dulucda qodobkan qeex
yoolkaaga waxaynu ku eegi Doonaa qodobadan hoos ku xusan

 Waa maxay yoolku?


 Noocyada yoolka
 Sideebaad u qeexi kartaa yolkaaga
 Qiso tusaale u ah qeex yoolkaaga

5.2 Waa maxay yoolku?

jawaabta ugu fiican ee su’aashan kor ku xusan waa natiijada


rabitaankaaga ama rabitaanka macquulka ah ee qofku doonayo inuu
gaadho.

Hadaba markaynu faahfaahino waxa weeye inaad diirada saartid ama aad
beegsatid iyadoo aanu meer meeraysi kugu jirin ama aan cabsanayn shayga
kuu calaamadsan inaad gaadhid. Yoolku waxa uu u qaybsamaa laba
qaybood dadkuna badanaa ay isku khaldaan waxaanay kala yihiin hadaf
iyo qasdi ( goal and objective ) waxaana u dhexeeya farqi aad uwayn,
hadaynu kala cadayno waxay noqonayaan sidan.

Hadaf: waa himilada fog ee aad doonaysid inaad mustaqbalkaaga gaadho


ama aad doonaysid inaad xaqiijiso, iyadoo hadafka ugu wayn ee aan
unoolnahay uu yahay inay diinteena iyo akhlaaqdeenu inoo

72
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

dhamaystiranto, maadamaynu nahay umad islaama. Waxa kale oo kamid


ah hadafka inaad doonaysid inaad
Noqoto diktoor,ingineer,wasiir,siyaasi iwm.

Qasdi: waa waxqabad yada yar yar ee aad dajisatid si’aad u gaadho
hadafkaaga. Tusaale waxaad qorshaysay baratid neeraska ama dawooyinka
si ay kaaga caawiso mustaqbalka diktoornimadaada, ama waxa aad
habeenkii ku seexatay inaad bari booqatid laybareeri oo aad akhridid buug
kamida buugaagta yaalla, kadib waad xaqiijisay oo waad tagtay, haa waa
kaa qasdigu.

Hadaba akhristoow aynu tusaale usoo qaadano mid kamida dadka tirade
yar ee hadafkoodii ama yoolkoodii rumeeyay waa isxaaq niyuutan(Isaac
newton), waxa uu bishii janaayo ee 1643kii ku dhashay tuulada
woolsthorpe waxaana uu dhashay dhimashadii aabihii saddex bilood
kadib, waxa uu ahaa qof aad u hagaasa waayo kuma uu dhalan wakhtiga
dadka caadiga ahi ay ku dhashaan. Markii uu saddex jir noqday ayey
hooyadii guursatay, waxaana Isaac kafaalo qaaday ayeydii oo lagu
magacaabi jiray Margery ayscough. Isxaaq waxa uu necbaa hooyadii oo uu
ku nacay ninka ay guursatay, taana waxa uu kaga waramay buug uu ugu
magac daray (khaladaadkii aan galay xilligii ay da’daydu ka yarayd 19
jirka) kitaabkaas oo aad u caan noqday. Intii udhaxaysay da’diisa 12 jirka
ilaa 17 jirka waxa uu wax ka bartay king’s schools ,kaas oo uu

73
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Ilaa haatan ka muuqdo saxeexii uu ku dhigay mid kamid ah daaqadaha


iskuulkaas.
Markii uu dhameeyay iskuulkii waxa uu dib ugu noqday tuuladiisii
sanadkii 1659kii. Kadib ayaa marlabaad hooyadii ninkii qabay dhintay,
hooyadiina waxay la jeclayd inuu beero fale noqdo, isaguna shaqadaa aad
ayuu unecbaa. Isxaaq waxa aad u jeclaa nin bare ka ahaa dugsiga
boqorka kaasoo, isxaaq hooyadii ku qanciyay inay dugsiga ku darto,
muddo ka dib waxa uu noqday arday aad u fiican oo soo jiitay indhihii
barayaasha iyo maamulka iskuulkaba. Sanadkii 1661kii waxa uu ku
biiray jaamacada kamberag(cambrige university) isagoo isla wakhti
gaaban ka dib ka noqday arday caawiye ah, taasoo ka saaciday inuu helo

74
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

khibrad aad ubadan.

Kadib markii uu qaatay shahaadada jaamacada, ayaa si ku meel gaadha loo


xidhay jaamacadii iyadoo laga baqo qabo inuu faafo xanuun

Daacuun ah oo wakhtigaa bulshada saameeyay. Labadii sano ee ay


jaamacadu xidhnayd, waxa uu bilaabay inuu gurigiisa hoostiisa ku
sameeyo tijaabooyin. Waxa uu horumar wayn ka gaadhay aragtidiisa sida

75
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

qaanuunka aragtiyada iyo xisaabinta cilmi falaga iyo xidigiska iyo


waliba qaanuunka lagu qeexo soo jiidashada.

Waxay aaminsan yihiin badi ragga taariikhda baadhaa ee u tilmaameen


ama caalamka tuseen xisaabta loo yaqaano infinitesimal ee lagu qiyaaso
waxyaabaha aadka uyar yar.

Sidoo kale waxa uu noqday saynisyahanka ugu saamaynta badan


dunida, maxaa yeelay waxa uu soo saaray xeerka cufusjiidadka dhulka(
) iyo saddexda xeer ee socodka(motion).

5.3 Noocyada yoolka

Yoolka ama hadafka waxaynu uqaybin doonnaa saddex qaybood inagoo ku


dabaqayna caqiidada aynu aaminsanahay maadamaynu nahay umad
islaama, waana sidan soo socota
1- Yool dhalanteed ah: hadaynu marka hore ku horeyno ama aynu
iswaydiino macnaha kalmada “dhalanteed” waa humaag dhalaalaya oo
qofka isku qurxiya isla markaana aanay ka danbayn wax dheef ah.

Aynu ku daadagno macnaha qodob hoosaadkan, waa yoolka ay hiigsadaan


ama ku hamiyaan dadka aan caqiidada islaamka rumaysnayn, waana
xumaan iyo danbi uu qofku ku dhacayo, isla markaana ilaahay kala
xisaabtami doono maalinka danabe(qiyaame) sida fanaanka iwm. Hadaba

76
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

aynu tusaale usoo qaadano mid kamid ah dadka aan aaminsanayn


caqiidada islaamka oo dhigatay ama calaamadsaday hadaf lid ku ah raali
ahaanshaha ilaahay, waxaana lagaaga baahan yahay inaanad marnaba
ahdaafta ilaahay raali ahaanshihiisa lidka ku ah aanad dhigan ama aanad
ku hamiyin.

Waa maikal Jackson waxa uu dhashay august 29 1958kii, qoyskiisu


waxay ahaayeen xoogsato ku nool guri laba qola, aabihii waxa lagu
magacaabi jiray joe Jackson hooyadiina Katherine Jackson, waxa uu la
dhashay saddex caruura, waxa uu kasoo muuqday, muuq-baahiyayaasha

isagoo 11 sano jir ah. Wakhtigay


da’diisu ahayd 14 sano jir waxa
uu sii daayay albankiisii ugu
horeeyay. Muddo ka dib 1983kii
waxa uu iibiyay albankiisii ugu
badnaa oo ahaa 45 milyan oo
koobi dhamaan caalamka oo
dhan.

Xirfadihiisa waxa kamid ahaa heesaa ama fanaan,qoraa


heeseed,ganacsade iyadoo yoolka kaliyaata ama hadafka kaliyaatee uu
aduunka u joogay ahaa inuu noqdo qof jaaska heesaha iyo muusikadaba
loo daba fadhiisto ilaa muddo kadib lagu magacaabay boqorka muusiga

77
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

kulul(the king of pop) , waxa uu guursaday 1994kii gabadha lagu


magacaabo lisa marie Presley.

Wuxuu soo jiitay dhamaan indhaha caalamka sanadihii u dhexeeyay 1964


ilaa 2009kii. Intii uu ku gudo jiray inuu ka dhabeeyo hadafkiisa
dhalanteedka waxa badalay dhamaan qaabkii wajigiisa, markaas oo uu
qalniin isku sameeyay.

Bishii juun sanadkii 2009kii ayaa wadnuhu istaagay, isagoo gurigiisa


jooga, waxaana lagu dhawaaqay inuu dhintay, laba saac ka dib markii la
geeyay isbitaalka UCLA ee magaalada los angles ee gobolka California,
wakhtigaas oo uu damacsanaa inuu u duulo magaalada London, halkaas
oo uu bandhigiisii ugu danbeeyay ku qaban lahaa.

Hadaba ujeedada kaliyaata ee aan ka leenahay ninkan xagga sare ku


sawirani waa, inuu hadafka ama yoolka dhalanteedka ah uu ka baxsan
yahay caqiidada islaamka,
waxaana lagaaga baahan yahay
inaanad marnaba ku hamiyin wax
ilaahay raali ahaanshihiisa lid ku
ah.

2- Yool aduunyo: qof walba oo ku


sifoobay caqli saliima waxa uu
ogyahay, inay nolosha aduunyadu

78
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

tahay mid yar oo aan waxba ahayn, waa kuwii soomaaliduna hore u yidhi
“waa maadays aduunyadu dadkuna way matalayaan”. Iyadoo ay sidaa
tahay ayey hadana waxay dad badan oo hadaf aduunyo leh iska ilaabaan
nolosha lagu waarayo ee tan ka danbaysa. Hadaba iyadoo ay wanaagsan
tahay inaad ku hamidid hadaf ama yool aduunyo, ayaa hadana waxa
lagaaga baahan yahay inaad marwalba xasuusnaato nolosha danbe. Bal
hadaba akhriste aynu tusaale usoo qaadano mid kamid ah kuwa hadafka
aduunyada lahaa oo ka dhabeeyay yoolkiisii

Waa cabdilmalik binu marwaan oo ahaa mid kamida kuwii ka talinayay


dawladii umawiyiinta. waxa ay maalin wada fadhiisteen cabdi laahi binu
cumar binu khadaab iyo dhawr nin oo taabiciyiina, ka dib waxa ku
heshiiyeen inuu nin walba tamaniyo ama sheego hadafka naftiisa ku jira,
waxaana uu nin walba tilmaamay hadafkiisa iyagoo ay

U badnaayeen hadaf aduunyo, marka laga reebo cabdilaahi binu cumar oo


hadafkiisa ku sheegay inuu janada yahay oo uu aduunkanba ka saahiday.
Waxa uu cabdil malik tamaniyay inuu islaamka u atalin doono wakhti
kamida wakhtiyada soo socda, waxa uu geed gaaban iyo geed dheerba u
fuulay siduu hadafkiisa uga dhabayn lahaa ilaa uu gaadhay heerkii uu
doonayay balse waa aduunyo oo kaliya hadafkaasi, waana hadaf sidiisaba
fiican laakiin waxa ka baaxad wayn kana mudan hadafka ama yoolka aan
hoos ku xusi doono.

79
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

3- Yool waaraya: waa yoolka kaliyaata ee aan dunidan u joogno, maxaa


yeelay aduunyadu waa daarta imtixaanka aakhiro, markaa waa inuu
hadafkeena ugu wayni noqdaa sidii nafaheena iyo nafaha walaaleheen
khayrka u waafajin lahayn, hagaag hadaba aynu akhriste tusaale u soo
qaadano mid kamida ah dadka, kuwa ka dhabeeyay yoolkoodii aduunyo iyo
aakhiraba.

Waa Dr.Zakir Naik, 18 october 1965 ayuu ku dhashay magaalada Mumbai


ee wadanka hindiya. Waxa uu galay kishinchand chellaram college kadib
waxa uu galay jaamacada (Mumbai university) halkaas oo uu ku
diyaariyay shahaadada bachelor-ka qaybta caafimaadka iyo qalniinka.

Waa shaqsi ku sifoobay aftahanimo isla markaana takhasus ku ah habka


masrax ka hadalka(puplic speak), waa daaci fidiya ama fahansiiya
bulshada xaqiiqnimada diinta islaamka, sidaa darteed waxa uu aasaasay,
barnaamijka isbarbardhiga diimaha (comparative religions) kaa soo ka
baxa talafiishanka Peace Tv waxaana fiirsada ama ku xidhan inkabadan
100 milyan oo qof. Sidoo kale xaaskiisa oo lagu magacaabo Farhat Naik
waxay iyaduna sidoo kale ka shaqaysaa fidinta diinta islaamka gaar ahaan
xagga gabdhaha.

Waxa uu jeediyay khudbado ama muxaadirooyin badan ilaa lagu qiyaaso


2000 ilaa 4000 oo khudbadood kuwaas oo uu ka jeediyay meelo badan oo
aduunka kamid ah. Khudbadihiisa ama barnaamijyadiisa caanka noqday
waxa kamid ah slamka iyo sayniska cusub,islaamka iyo kiristaanka iyo
kuwa kale.i

80
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Waxa uu bookhday meelo badan


oo dunida kamid ah sida

Australia,Wales,UK,Canada,Gambia, iyo Malaysia oo uu bookhday 2016.


Waxa uu takhasuskiisu gaadhay darajada MBBS, waxa uu

caawiyaa dhalinyarta fuqarada ah kaas oo

Ka bixiya wax barashada, markaa haddii aynu waxqabadyada iyo guulaha


uu gaadhay Dr.Zakir Naik is nidhaahno waraaqo ku soo kooba, ilaa dhawr
buuq ayeynu ka diyaarin lahayn, sidaa darteed waxaynu tusaale ugu

soo qaadanay oo kaliya, sida uu uga dhabeeyay hadafkiisii aduunyo iyo


aakhiraba.

5.4 Sidee baynu u qeexi karnaa yoolkeena?

Hadaynu si guud mara uga jawaabno su,aashan kor ku xusan, waxaynu


uqeexi karnaa yoolkeena inagoo marka hore fahana maxaynu aduunkan u

81
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

joognaa? waa mida koobaad waa ta labaade waa inagoo ogaana waxaynu ku
fiicanahay?.

Markaynu ka jawaabno labadan su,aalood waxa inoo soo bixi doonta


inaynu qeexi karno yoolkeena. Su,aasha hore shayga aynu aduunyada u
joognaa waa inaynu ilaahay kaligii caabudno sunaha

suubanaheenana(N.N.K.H) aynu raacno, si aynu aakhiro iyo aduunyadaba


guul u gaadhno.

Su,aasha labaad waa inagoo ogaana waxaynu ku fiicanahay, tusaale ahaan


haddii aad ku fiican tahay xisaabta waa inaad ogaataa inaad si fiican
ubaran kartid qaybaha kala duwan ee injineerinka.

82
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

6
Qodobka lixaad:
Dadaalka

83
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

6.1 Dadaalka

Markaynu ka hadlayno dadaalka, waxa markaba maskaxdaada ku


soo dhacaysa, in wakhti badan lagu bixiyo wax akhris aad u badan
iwm.

Balse laakiin arintu sidaa maaha, dadaalku waa inaad naftaada qorshe
u dhigtid isla markaana aad ku dhaqantid sida ugu macquulsan
hadaba qodobkeenan waxaynu ku arki doonaa qodob hoosaadyo ay
kamid yihiin

Waa maxay dadaalku

Noocyada dadaalka

Sideebaad u dadaali kartaa

84
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

6.2 Waa maxay dadaalku


Dadaalku waa inaad joogtayso ama aad u adkaysatid shay, ilaa inta
aad aad ka dhamaynayso. Hadaba iyadoo ay sidaa tahay, ayaa waxay
bila aadamka ku abuuran samir xumi taas oo uu ilaahay qur’aankiisa
inoogu sheegay.

Markaynu u daadagno dulucda qodob hoosaadkeenan waa maxay


dadaalku, ayaa waxaad ku ogaan kartaa inay bulshadeena inteeda
badani aanay fahamsanayn ama aanay is waydiin su’aalo ay kamid
yihiin,waa maxay dadaalku? iwm.

Waayo shayga markaad su’aalo iska waydiiso ee aad meel gaara


intaad fadhiisatid aad naftaada kala faqdid, waxa kuu soo baxaya,
wixii uu ahaa shaygani, faa’idadiisii,iyo xog kale oo intaas ka sii
badan. Hadaba markii la sameeyay cilmi baadhiso badan ayaa waxa
lagu ogaaday, in jawaabta ugu macquulsan ee su’aasha kor ku
xusani ay tahay (Dadaalku waa inaad joogtayso ama aad u
adkaysatid shay, ilaa inta aad aad ka dhamaynayso ).

6.3 Noocyada dadaalka


dadaalka oo aynu qeexidiisa ama faahfaahintiisa xagga sare ku soo
aragnay, ayaa waxaynu u qaybin doonaa laba qaybood inagoo ku
dabaqayna xaalada hadba qofku ku jiro iyo marxalada hadba uu
marayo . waxaanay kala yihiin

 Inaad dajiso hadaf


 Iyo inaad qabato shaqadii looga baahnaa inaad ku gaadho hadafkaas.

85
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Inaad dajiso hadaf


Markaad dajisid ama aad noloshaada qorshe u samaysid, ogow waxaad
samaysay qaybtii koobaad ee dadaalka, waayo inaad wax qorshayso
ama aad jadwal noloshaada u samayso waxay ku xidhan tahay,
dadaalka ama joogtaynta aad joogtayso inaad marwalba ka fkirtid
qorshaha noloshaada iyo sida aad wakhtigaaga ugu dabaqdid xaalada
aad ku sugan tahay.

Hadaba akhriste waxaad ogaataa in haddii aad noocyada kala duwan


ee jadwalka aad noloshaad u dhigtid aad gaadhaysid marxalada labaad
ee dadaalka.

Noocyada jadwalka.

1) Jadwal maalmeed ( shaqo maalmeedka,akhrinta xiisadaha


iskuulka iwm.)
2) Jadwal totobaad ( diyaarinta mashruuc, qaybista mid kamid
ah maadooyinka iskuulka iwm.)
3) Jadwal bileed iyo ( dib u dajinta miisaniyad,diyaarnta
mawduuc aad rabto inaad waxka baratid sida DNA, iwm)
4) Jadwal sanadeed ( dhamaynta mashruuc dhisme, barashada
luuqad sida Arabic,English iwm.)

Inaad qabato shaqadii looga baahnaa inaad ku gaadho hadafkaas

Hadaba hadaynu ka nimaadno marxalada koobaad ee dadaalka, waxa


iyana jirta marxalad labaad taas oo ah inaad qabato shaqadii aad
hadafkan u soo dajisay, waanay ka hawl badan tahay, tii hore ee

86
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

aynu soo sheegnay , maxaa yeelay iyada waxa lagaa rabaa inaad
samaysid wax walba oo aad uga baahntahay shaqadan si aad u
gaadhid, cidhifka ugu sareeya ee shaqadan.
Tusaale ahaan, waxaad doonaysaa inaad baratid kubada basktet
ballka, hadaba si aad u noqotid mid ku takhasusa kubadan, waa
inaad qabataa shaqo kastoo ay kaaga baahan tahay sida, inaad
samayso alamito(ku cel celin)joogto ah, inaad daawato ciyaaraha
kubada noocan ah, iyo inaad la tashato dadka ku takhasuska ah
kubadan.

6.4 Sidee baad u dadaali kartaa?


Way fududahay inaad afka kaga jawaabtid balse waxa aad u adag
ama mashaqo badan inaad samaysid ama ku dhaqantid jadwalkii aad
noloshaada u dhigtay

Hadaba hadaynu si guud mara uga jawaabno su’aashan kor ku xusan


, waa inagoo joogtayna camalada aynu qabano inagoo ku darayna
dareen xamaasadaysan .

Waayo haddii aad leedahay dareen xamaasadaysan hawl walba waxaad


uqaban doontaa sidii loogu tala galay iyo wakhtigii loogu tala galay.

Hadaba hadaynu soo qaadano qisada mid kamid ah kuwa dadaalay waa
asxaabigii wanaagsanaa salmaan alfaarisi (R.C)

( Haddii iimaanka la geeyo xidigaha waxaa gaadhi lahaa rag kamid


ah raggan) sidaas waxa yidhi nabi muxamad (N.N.K.H).

Qisadan aan ka sheekaynayno waa qisadii ninkii xaqiiqda


raadinayay, isagoo ka doonayay xagga eebbe si uu u helo diin xaq
ah. Hadaba aan isaga u dayno booskana ubanayno haynooga
sheekeeyo sidii wax u dheceene.

87
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Maxaa yeelay dareenkiisa ayaa aad u sareeya , soo tabintiisuna aad


ayey u macaan tahay. Salmaan wuxuu yidhi “waxaan ahaa wiil yar
oo reer faaris ah deegaan ahaana Asbahaan, gaar ahaan tuulo
layidhaahdo Jayaan. Wuxuu aabahay madax ka ahaa magaalada,
wuxuuna kamid ahaa dadka ugu hodansan uguna sharafta badan
magaaladaas. Aabahay aad ayuu ii jeclaa ilaa markii aan dhashay.
Jeclaantaydu waa kusii badanayay aabahay maalinba maalinta ka
danbaysa ilaa uu guriga igu hayo, sidii gabadh gashaanti ah, isagoo ii
baqaya aniga.

Waxaan si fiican u bartay Majuusiyada oo ah diinta dadka dabka


caabuda, ilaa aan noqday ruuxa maamula dabka aan caabudno oo
masuul guud ka ah , si uusan u damin habeen iyo maalin midnaba.

Aabahay wuxuu lahaa beer wayn oo uu dalaga nooga soo guro, isagaa
ka shaqayn jiray beerta ,midhahana ka guri jiray.

Maalin ayuu ka bixi waayay magaaladii, mashquul qabsaday daraadii.


Wuxuu igu yidhi aabhay “waxa beerta igu mashquuliyay waxa aad
aragto. Aad beerta oo ka soo shaqee anigana imatal manta.

Waan baxay aniga oo u socda beertayadii. Markii aan dhexda sii


marayo, ayaan soo ag maray kaniisad kamid ah kaniisdaha
kiristaanka. Waxaan maqlay codkooda iyagoo tukanaya.

Dareenkaygii ayey soo jiiteen. Waxba kama aqoon diinta kiristaanka


iyo mid kale midna, waxaana iigu wacnaa aqoon la’aanta diimaha
kale, sidii aan bulshada uga xidhxidhnaa iyo sidii aabahay guriga
iigu xanibay, dadka oo dhana iiga fogeeyay. Hadaba markii aan
maqlay codkooda ayaan usoo galay, si aan u fiirsado waxay
sameynayaan . markii aan u fiirsaday salaadooda aad ayaan ugu
helay, waxaan jeclaystey diintooda. Waxaan idhi “wallaahi tanaa
kafiican tii aad haysateen. Ilaaheybaan ku dhaartee inaanaan ka

88
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

tagin kiniisadii iyo dadkeedii ilaa qorraxdii kadhacdey, anoon wali


beertii gaadhin.

Waxaan waydiiyay dadkii kaniisada joogay :diintan asalkeeda meesha


uu jiro ama ay ka timid ? waxay iigu jawaabeen: dhulka sham.
Markii habeenkii dumay, ayaan ku laabtay gurigayagii.
Aabahay ayaa I waydiiyay, wixii aan manta soo qabtay. Waxaan ku
idhi: aabe waxaan arkay dad kaniisad ku tukanaya. Waxaan
layaabay diintooda, waan la joogay ilaa hadhii madoobaaday.
Aabahay wuu ka xanaaqay wixii aan sameeyay, wuxuuna yidhi:
wiilkaygiiyow diintaasi wax khayr ah ma leh, diintaada iyo diinta
aabayaashaa ayaa ka fiican.

Waxaan ku idhi: maya, ilaahaybaan ku dhaartaye diintooda ayaa ka


fiican diinteena. Aabahay cabsibaa gashay, wuxuuna iiga baqay
inaan diintayda ka laabto. Wuxuu xadhig igu xidhay guriga
dhexdiisa. Waxaan raadiyay fursad, markii aan helayna waxaan fariin
u dirsaday nasaaradii anigoo ku leh “haddii safar sham tagaya baxo
isoo ogaysiiya”.

Wakhti yar ka dib waxaa yimid safaray u socota sham. Waa I soo
ogaysiiyeen, waxaan iska furay xadhigii, waxaan raacay socotadii
anigoo is qarinaya ilaa aan ka gaadhay dhulka shaam. Markii aan
sham gaadhnay ayaan waydiiyay: dadka diintan haysta ruuxa ugu
fadliga badan?.

Waxay I dheheen : Al Usquf waa darajo kamid ah darajada nimanka


kaniisadaha haya,waan u imid, waxaan ku idhi: anigu waxaan
jeclaystay diinta nasaarada, waxaan doorbidayaa inaan kula joogo oo
aan kuu adeego, waxna kaa barto oo aan kula tukado . wuxuu yidhi:
soo gal.

Waan ugalay, waxaanan bilaabay u adeegistiisii. Markii aan wax yar


la joogay waxaan ogaaday inuu yahay nin xun. Wuxuu dadka

89
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

raacsan fari jiray inay sadaqo iyo wax la baxaan. Wuxuu jeclaysiin
jiray abaal marinta ay ka heli doonaan sadaqada ay la baxaan, haddii
ay eebbe dartii u bixiyaan, isaga ayaa kaydsan jiray. Fuqarada iyo
masaakiintana waxba ma siin jirin, ilaa uu buuxsaday todoba weel oo
waawayn oo dahab ah.

Wixii aan ku arkay darteed waxaan u cadhooday cadho daran, aniga oo


aan wakhti badan la joogin ayuu dhintay. Nasaaradii ayaa isugu yimid
si ay u aasaan, waxaan ku idhi: ninkan nin xun ayuu ahaa, wuxuu
idin fari jiray sadaqada waana idin jeclaysiin jiray, haddii aad wax la
baxdaana waa kaydsan jiray oo masaakiinta waxba ma siin jirin .

Waxay dheheen: maxaad ku ogaatay ?

Waxaan ku idhi: aan idin tuso kaydkiisa?

Waxay dheheen, haye na tus, waxaan tusay kaydkiisii, waxayna ka soo


baxsheen todoba weela oo ay ka buuxaan dahab iyo qalin. Markii ay
arkeen ayay yidhaahdeen: ilaahbaan ku dhaaranee aasi mayno, way
daldaleen dhagaxna way ku garaaceen maydkiisii, wakhti yar ka dib
waxay booskiisii u magacaabeen mid kale. Waan lajoogay. Waligayna
ma arag nin ka aakhiro jecel, kana cibaado bada. Aad ayaan u
jeclaaday, waxaanan la joogay waqti dheer.

Markii sakaraadkii qabtay ayaan ku idhi : yaad ii dardaarmaysaa oo


aad igula talin lahayd inaan la joogo? Wuxuu iigu jawaabay:
wiilkaygiiyow magaranayo ruux haysta diinta saafida ah ee aan haysto
marka laga reebo nin Mawsil jooga. Waa ninka hebel layidhaahdo
diinta waxba kama leexan waxna ma badalin, ninkaas u tag.

Markii uu dhintay saaxiibkay, waxaan u tagay ninkii Mawsil joogay,


waxaanan uga waramay qisadaydii, waxaan u sheegay in uu ninka
hebel la odhan jiray ii soo diray markii uu dhimanaayey, iina sheegay

90
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

inaad tahay nin haysta xaqqii uu haystay. Wuxuu igu yidhi ila joog,
waan la joogay, waxaanan ogaaday inuu yahay nin khayr badan. Wax
yar ka dibna wuu dhintay. Markii sakaraadkii qabtay ayaan ku idhi :
hebelow waxa kuu yimid waqtigii alle, anna waad I ogtahay yaad ii
dardaarmaysaa oo aad ileedahay u tag?.

Wuxuu yidhi wiilkaygiiyoow , walaahi inaanan garanayn nin haysta


diintii aan haysanay, marka laga reebo nin jooga Nasiibiin. Waxaan u
sheegay ninkii qisadaydii iyo in la isoo diray inaan utago. Kiina waxa
uu igi yidhi ila joog, waan la joogay kiina waxaan ogaaday inuu yahay
nin khayr badan. Wakhti gaaban ka dib waxa u yimid mawdkii
markii sakaraadkii qabtay ayaan ku idhi: waad la socotaa xaaldayda
ee yaad ii dardaarmaysaa inaan u tago?.

Wuxuu igu yidhi: wilkaygiiyoow, walaahi ma ogi qof ku hadhay wixii


aan haysanay, nin Cammuuriya jooga mooyaane, waa hebel ee
isaga u tag. Waan u tagay waanan u sheegay qisadaydii, waxaanu
igu yidhi ila joog. Waanan la joogay, ilaahaybaan ku dhaartayee
wuxuu haystay diintii ay saaxiibadii haysteen. Intii aan la joogay
waxaan shaqaystay in lo ah iyo xayn adhi ah. Ninkii waxaa u yimid
wixii saaxiibadiis u yimid (geeri). Waxaan ku idhi waad la socotaa
arintayda ee yaad ii dardaaarmaysaa inaan aado? Maxaad se I
faraysaa?.

Wuxuu iigu jawaabay : wiilkaygiiyoow , walaahi inaanan ogayn ruux


dunida saaran oo haysta waxaan haysanay. Hase yeeshee waxaa soo
dhawaaday xilligii uu dhulka carabta ka soo bixi lahaa, Nabi la lasoo
diri doono diintii nabi ibraahim (C.S). ka dibna wuxuu ka
hijiroondoonaa dhulkiisiisa waxaanu u hijiroondoonaa dhul timir leh
oo dhagax madaw leh. Wuxuu leeyahay calaamado aan qarsoomayn

 Wuxuu cunaa hadyadda


 Sadaqada ma cuno

91
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

 Garbaha dhexdooda waxa uga yaalla “khaatamu anubuwah” . calaamada


nabinimada.

Haddii aad awoodid inaad tagto dhulkaas tag. Intaas ka dib waxa u
timid geeridii. Waxaa iska joogay cummuuriya wakhti dheer, ilaa ay
igu soo mareen ganacsato carbeed oo reer kalbi ah. Waxaan ku idhi
haddii aad ii kaxaysaan dhulka carabta, waxaan idiin siinayaa
lo’dayda iyo adhigayga, waxay I dhaheen haye, waanu ku
kaxaynaynaa. Waxaan siiyay adhigaygii iyo lo’daydii waanay I
kexeeyeen.
Haseyeeshee markii aan gaadhnay wabiga layidhaahdo Quraa way I
khiyaameeyeen, waxayna iga iibiyeen nin yuhuudi ah. Ninkaas baan
u adeegi jiray ilaa uu naga soo booqday ina adeerkii oo reer Qureytha
ahaa ninkaas ayuu iga iibiyay, wuxuuna ii wareejiyay Yathrib.
Waxaan arkay geedihii uu saaxiibkaygii cummuuriya ii soo
tilmaamay, madiina waxaan ku aqoonsaday tilmaantii uu iigu
tilmaamay. Ninkii ayaan la joogay.

Nabigu (N.N.K.H) xilligaas wuxuu diinta ugu yeedhay qoomkiisiii makka


dhexdeeda, balse ma maqal anigu, sababtuna waxay ahayd waxaan
ahaa adoon. Isla ayaamihiiba waxa Yathrib u soo hijrooday
rasuulka(SCW). Allaah baan ku dhaartayee waxaan fuushanaa geed
timireed baarkii, halkaas oo aan

Oo aan shaqo uga hayey sayidkayga, iyadoo uu sayidkayguna fadhiyo


hoostayda . markii uu noo yimid ina adeerkii oo uu sayidkaygii ku
yidhi: ilaahay halaayo reer Qayla( Aws iyo Khasraj), walaahi waxay
hadda ku shir san yihiin Qubaa, waxayna u kulmeen ninka maanta
makka ka soo galay oo sheeganaya nabinimo.

Markii aan maqlay hadalkiisaas waxaa isaaqday qandho, waanan isku


dhexyaacay ilaa aan ka baqday inaan ku soo dul dhaco sayidkaygii.
Halhaleel ayaan geedkii uga soo dagay, waxaanan ninkii ku idhi
maxaa tidhi?.

92
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Warkii iigu celi. Waxaa carooday sayidkaygii, waana I dhirbaaxay ,


dhirbaaxo naxariis darro ah. Wuxuu igu yidhi maxaa adiga kaa galay ku
laabo shaqadii aad haysay.

Markii galabtii ay gaadhay waxaan qaaday timir aan aruursaday,


waxaanan abaaray meeshii (SCW)ku soo dagay, waana u soo galay.
Waxaan ku idhi waxaan maqlay inaad tahay nin wanaagsan ay kula
socdaana saaxiibadaa oo qariib ah baahanna, timirtan waa sadaqo
aan hayay, waxaan u arkay ina aysan jirin cid idiinkaga haboon,
waan usoo dhaweeyay, wuxuu ku yidhi saaxiibadiisii, cuna, isna
gacmuhuu ka laabtay, oo waxba kama cunin. Waxaan naftaydii ku
dihi: tan waa tilmaantii koobaad. Waan laabtay anigoo aruurshay
timir kale.

Markii suubanuhu ka soo wareegay quba ee uu yimid madiina ayaan


u imid oo ku idhi: waxaan ku arkay inaanad cunin sadaqada, tan
waa hadyad aan kugu sharfay adiga, waxbuu ka cunay
saaxiibadiisna waxa uu faray inay la cunaan. Waxaan naftayda kula
sheekaystay tanna waa tilmaantii labaad.

Markii xigtay waxaan u imid rasuulka (SCW) oo Baqiic jooga, waxna


ka aasaya mid kamid ah asxaabtiisii oo geeriyooday. Waxaan arkay
isagoo fadhiya laba go’na xidhan. Waan salaamay, waana la
wareegay anigoo fiirinaya dhabarkiisa bal inaan arko khaatimkii uu
ii tilmaamay saaxiibkaygii cammuuriya.

Markii nabigu I arkay inaan eegayo dhabarkiisa, wuxuu fahmay


ujeedadayda. Wuxuu go’ii ka qaaday dhabarkiisa, waan eegay waxaan
arkay khaatimkii, waanan aqoonsaday, waan ku foorarsaday si aan u
dhunkado, waanan ooyay . wuxuu yidhi rasuulku maxaad ahayd?

Waxaan uga sheekeeyay qisadaydii. Wuu layaabay, wuxuuna jeclaystay


inaan saxaabada maqashiiyo, anna waan uga shekeeyay, way

93
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

layaabeen, layaab midka ugu daran waxayna farxeen farxad aad


saraysa.

Salmaan alfaarisi ilaahay raali haka noqdo maalinta uu xaqqa


raadinayay, maalintii uu xaqqa helay, maalintuu dhintay iyo
maalinka la soo saari doono.

Waxaynu odhan karna aa waakaas dadaalka dhabta ahi waxaanu goostay


midhihii dadaalkiisa.

Dhamaad

94
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

Raadraac

i. Inkofknowledge.com
ii. Shabakada waxka barro
iii. Muxaadirada qeex yoolkaaga (sh.almis sh.yaxya)
iv. Muxaadirada sigaarka (sh.mustafe x.ismaaciil haaruun)
v. Shabakada Wikipedia
vi. Iyo buugaagta ibahim al fiqi oo uu turjumay ( ismaciil tukaale cige)

95
AMAKAAG NOLOLEED IYO ARAGTI MUSTAQBAL

96

You might also like