You are on page 1of 4

Arimaha Guurka iyo Bulshada

Sadex baa laylsku guursadaa


1.Xiise
2.Xoolo
3.Xasabo
Kow midbaa uliita (Mid dabeecadii dadka saartay)
Labana labaa uliita ( Laba is qaba oo warkoodu dibada yaal )
Sadex sadex baa uliita ( sadex dumara oo soo duday oo gurigii Hooyadod wada yimid oo
dharkodi isku qabsaday )
Afarna afarbaa uliita ( waa afar wadaad oo qol wada seexday oo midba mar eedamay mid ba
mar tukatay )

Maahmaahyo
1.Guur aan guunyo lahayni waa geesi aan hub lahayn
2.Guur iyo geediba sahan bay ku wanagsanyihiin
3.Guur waa god mugdi ah oo gacan loo daystay.
4.Guur waa sina dhuuban yahay marka hore marka danbana wuu sino ballaadhaa.
Ragu waa lix

 Nin rag ah
 Nin raga kalkaal
 Rife
 Rife kalkaal
 Udub xajiye
 Ana waykan
Shan arimood oo muhiima inad diyaar unoqoto wakhtiga Guurka
 Mas’uuliyad
 Isbadel
 Kala duwanaansho
 Galdaloolooyin
 Naf-hurid

By Fuaad Huriye
Intaaba hadaad diyaar utahay waxaa tahay qof udiyaara inuu yeesho dul lagu socdo sida
caadiga ah lamaanaha waa inu mid leeyahay dulqaad,Samir iyo adkaysi ka badan midka kale
siiba raga ayuu ku fiicanyahay waana qofka u ku tiirsanyahay dhismaha qoysku inta badan.
Halbeega doorashada lamaanaha
 Fahan diineed oo isu soo dhow
 Isasoo jiidasho laba dhinac ah
 Aduun arag isu soo dhow
 Wax xiisayn isku dhow
 Inaad kala dhaliil duwantihiin
Xoojiyayaasha xidhiidhka Guurka
 Is-ixtiraam
 Daacadnimo
 Buuxinta bangiga jecaylka

Dhaqanada burburiya xidhiidhka jecaylka Guurka.

 Eedayn badan
 Aamusnaan dheer
 Cadhada badan
 Is-xaqiraad
 Shakiga

By Fuaad Huriye
Dhiiri galin ku saabsan nolosha

Aduunyada waxa aynu nimaadnaa inagoon waxba haysan kadib waxaynu isku daynaa inayu
helno waxkastoo dhexdeeda yaala, hadhowna waxaynu ka tagnaa inagoon waxba ka qaadan
Aakhiro markaynu tagno waxaa laynaga xisaabiyaa waxkastoo aan dhexdeeda kusamanay
xumaan iyo wanaagba Allah (SWT) camalada haynoo wanaajiyo jidka toosana haynagu sugo
khaatumadana haynoo wanaajiyo.

Iskaman kiin badalin ee waxaan ka tagay waxkastoo uqalmayn naftayda iyo waxkasta oo aan
garanayn qiimaha naftaydu leedahay,waan aamusay oo maaha inaan raali idinka ahay.
Aamusnida qaar waa isku filaansho ay naftu gaadho,hadana waxaan samaynayaa kaliya inaan
raali galiyo naftayda, macnaha guudna waxa uu yahay inaan kawaynaaday oo ka ilbaxay iska
iibinta iyo raali galinta dadka oo wakhti badan iga qaadanjirtay.

Barashada naftaada
Hadii aan ku idhaa adigu yaatahay waxaa laga laga yaaba inad iisheegto
magacaga,habdhaqankaaga iyo dabeecadahaaga lakin adigu qofkaa matihid Adigu waxaa tahay
hadhaaga kasoo hadhaha guuldarooyin kaaga haadhaaga kasoo hadha dhibaatooyin kaaga
xaaladaha adag nolosha kugu waajaha iyo dhiibaatoyinkaaga waxaa tahay qofka kasoo hadha
duruufaha Dadka badala qofka rasmiga ah ee soo hadha ayaad adigu tahay.

Kuma cadaadin kartid Dadku inay ku jeclaadaan lakin waxa aad ku cadaadin kartaa inay ku
ixtiraamaan.
Hadii aynu dareenkeena xakamayno waynu awoodaynaa inaynu nolosheena xakamayno.

Noloshu maaha mid ka dheeranaysa intii Allah(SWT) igu talo galay si kastoo aad ugu
dagaalaalanto wax kastoo dhexdeeda yaala mana aha mid soo gaabanaysa si kastoo aad
uxasuusantahay waxkastoo kugu dhacay balse aad bay uquruxbadantahay kaliya markii aad
garanayso waxii idiga kuu qalma.!

Saaxiibku waa sadex

By Fuaad Huriye
 Mid waa sida cuntada oo marwalba waad tabaysaa
 Midna waa sida daawada oo marka aad xanunsato ayaad tabaysaa
 Midwaa sida xanuunka oo waligaa uma baahanaysid.

Jeebka madhani cidna libinta kama hor joogsado, lakin garaadka madhani cidwalba wuu ka
horjoogsadaa.
Caajisku maaha inaad laxaadka qaar la’aato ee inaad bilaa hiigsi iyo yool ahaato.!
Wax la maal gashado Nafta ayaa ugu qaalisane samirka iyo aqoonkorodhsiga ku joogtee.
Haku qiimayn dadka qaab dhismeedkooda guud ee ku qiimee anshaxooda iyo qadarinta ay kuu
hayaan.

Yaanu ku murug gallin qof aan qiimahaaga garanayni indhooluhuba hadii uu Dheeman taabto
dhagax ayuu umaleeyaa.

Hadii aad hadal cadaantaada ku waydo qof Libin ayaad gaadhay oo garaadada liita ee muga
yari ma xajiyaan runta.!
Markastoo aad naftaada ka raali noqoto Dadka ayaa kaa raali noqda.

By Fuaad Huriye

You might also like