You are on page 1of 55

CUTUBKA – KOBAAD

HANNAANKA MAAMULIDA DOORASHADA – HEER DEGMO &


GOBOL

1 JADWALKA DEGMOOYINKA & GOBOLADA (TIMELINE)

 Xafiisyada Gobolada iyo Degmooyinku waxay ku shaqeyn doonan Jadwal


shaqooyinka heer Gobol iyo Degmo u gaar ah iyo Jadwalka Guud ee KDQ iyo
Jadwal ka kooban 4 maalmood ee ugu danbeeya doorashada ee shaqooyinka
ugu badan dhacayaan (28 May -31 May 2021).

 Doorka iyo masuuliyada shaqaalaha Gobolada iyo degmooyinka


 Waxa jira lix xafiis goboleed mid kastaana waxa uu ka kooban yahay
 Gudoomiyaha Doorashada ee gobolka
 Gudoomiye-ku xigeenka gobolka
 Xog-hayaha gobolka
 Xidhiidhiyaha gobolka

 Shaqaalahani waxay ka kooban yihiin 4 shaqaale ah gobol kasta wadarta guud


ee heer qaran waxay noqonaysa 24.
 Waxa kale oo iyaguna jira 22 degmo doorasho. Degmo walbana waxa ka
shaqaynaya ;-

 Gudoomiyaha doorashada ee degmada


 Gudoomiye ku-xigeenka doorashada ee Degmada
 Xoghayaha doorashada ee degmada
 2 tiriye
 1 qof oo hubiye ah.

 Wadarta guud ee shaqalahani waxay noqonaysa 22 degmo oo mid kasta ay ka


shaqaynayaan 6 shaqaale ah wadartooduna waxay noqonaysa 132 shaqaale
ah.

 Waxa muhiim ah in ay shaqaalaha gobolada iyo degmooyinku si dhaw u wada


shaqeeyan si ay u gutaan wajibaadkooda shaqo. Gudoomiyiye yaasha
degmooyinku waxay si dhaw ula shaqayn doonan godoomiyaasha gobolada
halka kuwa degmooyinkuna ay si dhaw ula socondoonan hawsha goobaha
codaynta iyo shaqaalaha goobaha.
 Masuuliyadaha shaqaalaha degmooyinka iyo gobolada;-

 Diyaarinta goobaha cod-bixinta


 Diyaarinta goobaha tababarka
 Diyaarinta shaqaalaha goobaha codbixinta( Gudoomiye ku xigeen
(saf-hage) iyo Hubiye (khadeeyaha)
 Diyaarinta bakhaaro farsamo ahaan iyo amni ahaanba ku haboon
shaqada doorashada iyo kala dirista shaqaalaha.
 Kormeerida shaqada wacyo-gelinta cod-bixiyeyaasha
 Taageerida xalinta muranada doorashooyinka ( waxa degmo walba
joogi doona la-taliye sharci)
 Diyaarinta iyo kala dirista ciidamada amaanka.
 La-wareegista,kaydinta iyo kala dirista alaabta doorashada ee
xasaasiga ah iyo tan aan xasaasiga ahaynba.
 Diyaarinta goobaha cod-tirinta
 Taageerida maamulida natiijooyinka doorashada iyagoo la
shaqaynaya shaqalaha ka shaqaynaya goobaha cod-bixinta .
 Kala dirista shaqaalaha doorashada
 Ka warbixinta maalinta doorashada
 Ka qayb-qaadashada diyaarinta casharada laga barankaro
doorashada iyo wixii mustaqbalka u baahan in wax laga bedalo.
 Xidhida iyo soo gebogebaynta xafiisyada gobolada.

 Godoomiyeyaasha degmooyinku iyaga ayaa komishanka u matali doona


degmooyinka qaban doonana shaqada ka dhacaysa goobaha codbixinta sida
daraaded waa inay helaan awooda iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay
hawshooda u gutaan.

1.1 Jadwalka Guud


Jadwalka Guud wa (Timeline)ka xarunta dhexe ku shaqeynayso, kaas oo
Gobolada iyo Degmooyinkana wixi ka khuseeya ay haboontahay in ay
raacaan.

Jadwalka Guud oo faah-faahsan ka eeg Lifaaqa 1aad.

1.2 Jadwalka heer Degmo & Gobol


Jadwalka heer Gobol & Degmo wuxu si faah-faahsan u qeexaya shaqooyinka
ka dhacaya Gobolada iyo Degmooyinka mudada ka horaysa doorashada.

Jadwalka Gobolada & Degmooyinka oo faah-faahsan ka eeg lifaaqa 2aad.

1.3 Qorshaha maal-maha shaqada ugu badan (SOP-72 Hours)


Qorshaha 72 saacadood waa Jadwal- kooban oo 4 maalmood ee
shaqooyinka ugu badan ay dhacayaan, ujeedadiisuna wa in degmada iyo
gobolku haystaan jadwal tusinaya shaqada maalinkasta iyo saacad kasta
taagan 4 ta maalmood ee u danbeya.

Jadwalka 72-sacadood oo faah-faahsan ka eeg lifaaqa 3aad.

2 HABKA IS-GAADHSIINTA (COMMUNICATION)


 Muddada ay u socoto shaqada Doorashooyinku xarunta dhexe ee KDQ iyo
xafiisyada Gobolada iyo Degmooyinku waxay yeelan doonan xidhiidho joogta
ah, waxa la wadaagi doona warbixino, awamiir, wargelin, macluumaad iwm,
kuwaas oo iskugu jira AF, Qoraal iwm.

 Hadaba si aanay u iman is-fahan waa, baylah iyo war la’aan isla markaana loo
hubiyo in dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka dalku si isku wada mid ah u
helaan wararka iyo macluumadka shaqadooda u muhiimka ah KDQ wuxu
dajiyey habraac lagu wada xidhiidho iyo hannankii wararka iyo macluumaadka.

2.1 Habka go’aamada, awamiirta, warbixinaha iwm loo gaadhsiinayo


DEO/REO
 Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku Gaar ahaan komishenerka
jooga gobolkaas wuxuu si dhaw ula shaqayn doona shaqalaha Gobolada
iyo Degmooyinka si loo hubiyo in ay dhacdo doorasho xor iyo xaalal ah oo
ku soo dhamaata si guul ah.

 Shaqaaalaha gobolada iyo degmooyinku waxa kale oo ay heli doonan


tababar, waxaana xooga lagu saari doona masuuliyadaha looga baahan
yahay Gobolada iyo degmooyinka xiliga doorashada iyo hanaanka loo
maamulaayo najiitooyinka doorashada iyo sida loo xafidayo alaabta
xasaasiga ee doorashad kahor iyo kadib doorashada .
 Waxa kale oo loo sameeyay xubnaha gobolada iyo degmooyinka WhatApp
group kaas oo u furan in ay si fudud ugu soo diri karaan waxyaalaha ay
u baahan yihiin si dhakhsa ah na looga soo jawaabi doono. Maamulka
Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa u isticmaali doona in uu ugu
gudbiyo xubnaha Goboldada iyo Degmooyinka wixii awaamiir, iyo
macluumaad ee ku saabsan u diyaar garawga qabashada iyo soo saarista
najiitada.

 Shaqaalaha gobolada iyo degmooyinku waxa kale oo mar kasta heegan


ugu jiri doona xarunta isgaadhsiinta waa in ay garaacaan numberka 316
ama 318 ama telfoonka madaxa xafiiska is-gaadhsiinta Mr. Xuseen
0634185580
 Wixii macluumaad dheerada ee laydiin soo diraayo ama aad soo diraysan
waxaad laydinku soo diri doona ama ugu soo diri kartaan emailada hoos
kuqoran ee xafiiska hawl-galinta iyo agaasimaha guud oo wixi xisaabad
ama maaliyad la xidhiidh aad u soo gudbinaysaan.
 Cisman20@hotmail.com
 abdishakurismail45@gmail.com
 ashour143@gmail.com

2.2 Habka degmooyinku warbixinaha, su’alaha, iyo xogahay u bahan


yihiin u soo dirayaan
 Shaqaalaha gobolada iyo degmooyinku waxa ay warbixintooda si toosa ugu
soo dirayan numberka WhatAppka iyagoo sigaara midwalba ugu soo
diridoono fariintiisa madaama oo aanu isagu WhatAppka waxba soo dhigi
karin. Si aad warbixin u soo dirto SAVE garayso Numberka kadibna si toos
ah u soo dir si aanay xubnaha kale u arkin fariintaada.

 Waxa kale oo ay la soo xidhiidhi karaan xafiiska isgaadhsiinta iyo ciwaanada


iyo ciwaanada agaasimaha guud iyo xafiiska hawl-galinta.

2.3 Cida maamulaysa wada xidhiidhka


 Wada xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka waxa maamuli doona xafiisaka
hawl-galinta (operatation department), waxaana xidhiidhiye ka noqonaya
Cabdishakuur Ismaciil.
3 GOOBAHA CODBIXINTA (POLLING STATIONS)

 Shaqaalaha gobolda iyo degmooyinka waxay soo sahamin doona goobaha


codbixinta soona kireeyn doonan, waxaana la hubin doona in ay yihiin meelo
ku haboon codbixinta farsamo ahaan, amni ahaan islamarkaana u
dhamaystiran yihiin dhammaan qalabka looga baahan yahay sida kuraasta
iyo miisanta ,laydhka iyo dhammaan agabka u mihiimka ah.

 Marka ay shaqaaluhu soo dhameeyaan kormerka iyo diyaarinta goobaha


waxa xarunta dhexe u soo dayn doonta liiska kama dambaysta ah ee
goobaha codbixinta iyo liistooyinka kirooyinka.

 Wixii isbedal ku yimaada goobaha waa in ay si dhakhso ah ugu soo


gudbiyaan xafiiska dhexe madaamo oo ay saamayn ku yeelan karto
isgaadhsiinta ,gadiidka ciidamada amniga iyo qorshaha guud.

4 SHAQAALAHA (H.R)

4.1 Qorista shaqaalaha goobaha (Non- core)


 Xafiisyada gobolada iyo degmooyinka waxa looga baahan yahay in ay soo
qoraaan gudoomiye ku xigeenka iyo hubiyaha.

 Waa in ay soo qoraan dad xilkas ah oo dhexdhexaad unoqon kara


xildhibaanada iyo musharixiinta raacan habraaca xafiiska shaqaalaha (HR).

 NB. Waxa lagula talinaya in ay ku dadaalan in ay u qaatan shaqaale goobaha


danta guud ee ay isticmaalayaan shaqaalahooda sida macalimiinta iskuulada
iwm.
4.2 Dejinta shaqaalaha Gobolada kale uga imanaya (Core Staff)
 Shaqaalaha gobolada iyo degmooyinka waxay masuuliyadi ka saran tahay
in soo ambabixiyaan shaqaalaha ka safraya gobolkooda ee tagaya gobolada
kale islmarkaana qaabilan shaqaalaha ka imanaya gobolada kale.

 Waa in ay mudnaan gaara siyaan shaqaalaha hablaha ah madaama oo ay u


baahan yihiin caawimoyiin dheerad ah.

4.3 Dejinta shaqaalaha Natiijada iyo Kormeerka


 Waxa kale oo ay iyana masuuliyad ka saran tahay dejinta iyo hagida
shaqaalaha kormeerka ka shaqeynaya (TOTs) iyo shaqaalaha natiijada
(Computer Operators) si ay hawshooda ugu gutaan si hufan.

4.4 Hawl-gelinta Shaqaalaha Goobaha Codbixinta


 Waxa muhiim ah in shaqalaha doorashadu ku gaadhan goobaha codbixinta
wakhtigii ku haboona sida daraadeed waa in lakala diraa wakhtiga ku
haboon iyadoo laga taxadarayo in goob kasta u dhamaystiran yihiin
dhamaan shaqaalihiii iyo agabkii loo baahna in ay doorashadu ku qabsoonto.
 Kala dirista shaqaalaha waxa aad u mihiima in ay jirto goob hubineed oo
adag (strong quality control station) si looga hortago in ay goobta ka baxaan
shaqaale ama agab kala dhiman.

4.5 Soo noqoshada shaqaalah Goobaha Codbixinta


 Soo noqoshada shaqaalaha goobaha codbixintu waxay noqonaysa hawlaha
ugu culus ee u yaala shaqalaha goobaha iyo degmooyinka , madaama ay
sidaan alaab iyo warbixino xasaasi ah inta badana ay socondoonan wakhti
habeena , sidaa daraadeed waa in ay shaqaaluhu heegan ugu jiraan la
wareegida agabka, najiitooyinka iyo dhamaan wixii ay sidaan.

5 GAADIIDKA (TRANSPORT & LOGISTICS)

5.1 Qorshaha Gaadiidka


Qorshaha gaadiidka waxa dejin doona waaxda Saanada iyo Kala dirista ( logistics
department ) oo kaashanaysa shaqaaalaha Gobolada iyo degmooyinka.
Madaama oo ay tahay xili roobaad wakhtiguna kooban yahay dibu dhac kasta
waxa uu keeni kara khatar sidaa daraadeed waa in ay shaqaalaha degmooyinku
xl weyn iska saran sidii ay u hubin lahaayeen in shaqalaha iyo agabka
doorashadu gaadho wakhtigu ku gaadho oo ay diyaar sadaan gadiid u diyaara in
ay la tacaalan wixii cilad farsamo ah.

5.2 Shirkada Gaadiidka


 Shirkadaha gaadiidka ee inala shaqayn doona waa Amal Transport
Company oo ka hawl gali doonta Awdal, Togdheer iyo Sool iyo Caalami
KFG Transport company oo ka hawl gali doonta Maroodi-jeex, Saaxil iyo
Sanaag
5.3 Dejinta qorshaha goobaha is-raacaya
 Wax ka wada shaqayn doona dejinta sida ay goobahu isu raacayaan waaxda
logisikada iyo shaqaalaha degmooyinka.

6 AGABKA DOORASHADA (ELECTION MATERIAL & WAREHOUSES)

6.1 Tirsashada iyo hubinta sanaduuqda codbixinta


 Qalabka doorashada waa mid fara-badan oo inteeda badani ay tahay alaab
xasaasi ah, alaabooyinka ay ka mid yihiin waraaqaha codbixinta, liiska
codbixiyeyaasha , shaambada warqada codbixinta, khadka iyo foomamka
najiitooyinku waa in ay cadaata cida masuuliyadeeda gacanta ku haysa
islamarkaana la qoro oo la xafido lingaxyada ku xidhan markasta oo lala kala
wareegayo.

6.2 La wareegida iyo rarashada sanaduuqda codbixinta

 Gudoomiyeyasha degmooyinku waxay ka qaadan doonan alaabta


doorashada ee xasaasiga ah iyo tan aan xasaasiga ahaynba xarunta
bakhaarka dhexe. Tirade waraaqaha codaynta. Shaanbadaha waraqaaha
codaynta. Khadka iyo lixgaxyada ay qaadan doonan waxa ay ku salaysnan
doonan tirida goobaha codbixinta ee degmadaas, tirada dadka iska diwaan
galiyay goob kasta.

 Shaqaalaha bakhaarada ee xarunta dhexe ayaa diyaarin doona oo u


dhamaystiri doona sanduuq walba agabkiisa, gudoomiyeyaasha
degmooyinku waa in ay ka tirsadan shaqaalaha bakhaarada in ay u dhan
yihiin dhammaan agabkii uu u baahna in lagu wareegiyo, intaa kadib waxa
uu saxeexi doona formka hala wareejinta (Handover form) oo muujinaya in
ay alaabtii u dhan tahay. Nuqul kamida Formka Handover form waxa la
hadhaya shaqaalaha bakhaarada halka ka kale uu qaadan doono
gudoomiyaha degmadu.

 Alaabtu marka ay gaadho degmooyinka waa in lagu kaydiyo meel ku haboon


amni ahaan islamarkaana si buuxda u xafidi karta agabka doorashada. Waxa
taxadar dheerad ah u baahan khadka in lagu guro baco aanu kasoo dhex
baxi karin oo lingaxan si aan khadku ugu daadan alaabta doorashada.

6.3 Diyaarinta Goobta Degmadu ku haynayso sanaduuqda

 Ka hor maalinta doorashada waa in ay diyaariyaan shaqaalaha degmadu


goobaha lagu tirin doono codadka. Xafiisyada lagu tirinayo codadka ee
degmooyinku waa in ay noqdaan qaar u qalabaysan in codadka lagu tirin
karo isla markaana lagu kaydin karo alaabta muhiimka ah ee doorashada.

 Waa in lagu kaydiyo najiitooyinka degmo doorasho computerada iyo


barnaamika loogu talo galay in lagu xisaabiyo najiitada ugu dambayna la
galiyo formka D2 sida uu sharcigu dhigayo.
6.4 Ku wareejinta sanaduuqda Guddoomiyayaasha Goobaha
 Ka hor maalinta doorashada waa in ay diyaariyaan shaqaalaha degmadu
goobaha lagu tirin doono codadka. Xafiisyada lagu tirinayo codadka ee
degmooyinku waa in ay noqdaan qaar u qalabaysan in codadka lagu tirin
karo isla markaana lagu kaydin karo alaabta muhiimka ah ee doorashada.

 Waa in lagu kaydiyo najiitooyinka degmo doorasho computerada iyo


barnaamika loogu talo galay in lagu xisaabiyo najiitada ugu dambayna la
galiyo formka D2 sida uu sharcigu dhigayo.

6.5 La wareegida sanaduuqda maalinta codbixinta kadib


 Goobta cod tirinta ee degmadu waxa ay u qabaysnan doonta afartan
qaybood.

1. Hubinta alaabta( quality control) laba shaqaale ah ayaa kala wareegi


doona alaabta goobta codbixinta gudoomiyaha goobta. Shaqaalahani
waxay hubin doonan in ay u dhan yihiin isla markaana dhamaystiran
yihiin dhamaan agabkii. Haddii ay alaabtu u dhamaystiran tahay waxa ay
najiitada goobta ku kaydin doonan foomka D2 iyaga oo gacanta ku
kaydinaya. Haddi ay goobta wax ka dhiman yihiin am ka qaldan yihiin
waxa loo diri doona goob si gaara oo loogu tala galay baadhitaanka.
2. Goobta baadhista : kooxda baadhistu waxa ay dib u eegis ku samayn
doonan sanaaduuqsa ay u arkaan kooxda hubintu in ay wax khaldan
yihiin, foomamka qaldan and cabasho ama muran ka jiro. Tani wax ay
marmarka qaarkood u baahan doonta in la furo sanduuqa lakiin wa in ay
taagnaadan goobta sanduuqa lagu furayo gudoomiyaha goobta,
wakiilada xisbiyada , goobjoogayaasha doorashada. Haddii xaaladu wali
sii taagnaato oo xal laga gaadhi waayo waxa ay kooxda badhitaanku gaar
u saari doonan sanduuqaas waxa aanay u gudbin doonan gudoomiyaha
degmada si badhitaan dheerada loogu sameeyo.
3. Kaydinta xogta iyo scan garaynta foomamka: marka goobta codbixintu
ay soo dhaafdo dhamaan marxaladahaas kor ku xusan. Kooxda najiitada
kaydinaysa waxa ay waxa ay computer ku kaydin doonan najiitada si loo
dadejiyo kaydinta najiitada. Warbixintan waxa computerka la galinayaa
iyada oo ay joogan gudoomiyaha goobta, wakiilada xisbiyada iyo
kormeerayaasha doorashadu si loo hubiyo in najiitadii saxda ahayd ee ku
qornayd formka la galiyay computerka.

4. Kaydka: madaama oo ay goobo badani soo celinayaan najiitooyin,


foomam iyo waraaqo codbixineed habeenka doorashadu dhamato,
gudoomiyaha degmadu waxa uu u baahan doona qol balaadhan oo la
qufuli karo iyo qol kale oo balaadhan oo lagula wareego alaabta.

 Qolka kayda waxa ay tahay in lagu xafido alaaboyinkan iyo wixii kale ee
muhiima:

 Faylalka ay ku jiraan foomamka rasmiga ah ee D1ee najiitadu ku


daysan tahay.
 Sanaaduuqda lingaxan ee ay ku jirto alaabta xasaasiga ah ee
doorashada ee sida waraaqaha codaynta.
 Sanaaduuqda lagu muransanyahay ee aan wali xal laga gaadhin.

 Shaqaalaha degmadu waa in ay u qabiyaan qolka kaydka afartan qaybood


isla markaana ay diyaariyaan qol ku filan.

6.6 Documents laga saxeexayo marka sanaduuqda lala kala wareegayo

 Shaqaalaha bakhaarada ee xarunta dhexe ayaa diyaarin doona oo u


dhamaystiri doona sanduuq walba agabkiisa, gudoomiyeyaasha
degmooyinku waa in ay ka tirsadan shaqaalaha bakhaarada in ay u dhan
yihiin dhaman agabkii uu u baahna in lagu wareegiyo, intaa kadib waxa uu
saxeexi doona formka Handover form 1 oo muujinaya in ay alaabtii u dhan
tahay. Nuqul kamida Formka Handover form 1 waxa la hadhaya shaqaalaha
bakhaarada halka ka kale uu qaadan doono gudoomiyaha degmadu.
6.7 Agabka doorashada – dheeradka ah ee Guddomiyaha Degmadu la
wareegayo iyo habka u u maamulayo
 Guddoomiye degmo kasta marka uu la wareego agabka goobaha codbixinta
waxa kale oo uu la wareegi doona sanduuq ay ku jiraan agab dheerad ah
oo haday goobaha ka go’aan loo geyn doono, kuwaas oo uu kala siin doono
shaqaalaha kormeerka si ay goobaha u gadhsiiyan hadi loo boohad.

7 AMNIGA (SECURITY)

 Dawlada Somaliland ayaa ka musuul ah aminga nidaamka doorashada,


komishanka Dooroshooyinka Qaranka , Wasaarada Arimaha Gudaha iyo
laamaha amniga ayaa waxay soo sari doonan hab lagaga hawl-galayo sidii
loo sugi lahaa aminga goobaha doorashooyinka, iyadoo la eegayo baahiya
iyo xaaladaha amni eek a jira gobol kasta.
 Gobolkasta waxa uu xooga saari doona
 Isu-socodka alaabta doorashada iyo shaqaalaha ka shaqaynaya
doorashada
 Aminga bakhaarada iyo agabka kale
 Aminiga goobaha codbixinta
 Amniga goobaha cod-tirinta
 Amniga xarunta komishanka

7.1 Amniga Xafiiska Degmada


 Degmo kasta waxa ay yeelan doonta taliye ka masuula amniga degmadaas.
Sidaa daraadeed waxa gudomiyeyaasha degmooyinka looga baahan yahay
in xidhiidh joogto la yeeshan taliyaha u xil saran aagas islamarkana ka
warhayaan sidii doorashada ugu dhici lahayd si amni.
 Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinku waxa ay hubin doonan in
habka aminigu waafaqsan yahay qorshii guud ee loogu tala-galay amniga
(in meel walba la geeyo tirade ciidamada amniga ee looga baahan yahay
wakhtiga saxda ah).

 Waxyaalaha ay tahay in ay si dhaw ugala shaqeeyan laamaha amniga waxa


kamida isu socodka alaabta doorashada ee xasaasiga ah iyo isku bedalka
asarta ee goobaha( in aan ciidamada loo dirin deegamada ay ka soo
jeedan).

 Haddii ay wax ka qaldmaan wada shaqaynta gudoomiyaha Degmada iyo


Gobolada iyo ciidamada amniga waa in aad si degdega ula soo xidhiidha
xarunta dhexe ama komishaneerka ka hawl-galaya gobolkaa.

7.2 Amniga Goobaha Codadka lagu tirinayo


 Shaqaalaha degmooyinku waa inay diyaariyaan goob ku haboon helida,
kaydinta iyo kala dirista alaabta dooroshoyinka. Madaama alaabtan inteeda
badani tahay alaab xasaasi ah una baahan in aad loo ilaaliyo waa in ay
goobta joogan ciidan amni oo ku filan islamarkaana ku haboon kaydinta
alaabtan.

7.3 Amniga Goobaha Codbixinta


 Shaqaalaha gobolada iyo degmooyinku waa in ay diyaariyaan qorshaha
ciidanka amni ee ilaalinaya goobta codbixinta iyadoo la raacayo shaxda guud
ee loogu talo galay amniga ee heer qaran mudo shan cisho ah kahor
maalinta doorashada.

 Waa in ay hubiyaan in goob kasta oo codbixineed u dhan yihiin ciidamada


amnigu isla markaana la xidhiidhan wixii caqabad ee ka a yimada xarunta
dhexe ee komishanka gaar ahaan qaybta securitga.
8 WAKIILADA XISBIYADA (POLITICAL PARTIES AGENTS)

8.1 Wakiilada Xisbiyada ee heer Degmo


 Xisbi kasta wuxu ku yeelan doona degmooyinka wakiilo u qabilsan arrimahan
hoose;-
o Rarista muraqibiinta xisbiyada
o Matelida xisbiga ee arrimah degmda
o Gudbinti wixi dacwado ah
o Matelida xisbiga xiliga tirinta codadka
o Saxeexida nuqulada natiijada doorashada.

8.2 Hawl-gelinta Wakiilada Xisbiyada ee Goobaha Codbixinta


 Guddoomiyaha degmada ayaa kala diraya wakiilada xisbiyada iyaga oo
raacaya gaadiidka qaaday KDQ shaqalaha goobaha, koox-kasta oo baxaysa
wa inay la socdan wakiilada xisbiyada – arrinta waxay degmooyinku kula
xidhiidhayo wakiilada xisbiyada ee degmada qaabilsan

8.3 Wakiilada Xisbiyada u joogaya Goobaha Tirinta Codadka


 KDQ ayaa kaadhadhka aqoonsiga soo siinay wakiilada xisbiyada u
qabilsanaanay tirinta codadka, waana in gudoomiyaha degmadu u ogolada
inay ka qayb gelaan tirinta codadka.

9 ARRIMAHA SHURUUCDA (LEGAL)

9.1 La-taliyayaasha sharci


 Degmo kasta waxa ka hawl-geli doona hal la-taliye sharci oo degmada ka
caawinaya arrimaha xalinta dacwadaha iyo arrimaha la xidhiidha sharciga.

9.2 Hannanka loo maamulayo Cabashooyink


 KDQ wuxu dejinaya habraac gaar ah oo aad u faah-faahsan kaas ayaana loo
raacaya dhammaan arrimaha la xidhiidh cabashooyinka.

HAWL-GALKA DOORASHADA, DIYAARINTA NAJIITOOYINKA IYO SOO


XIDHISTA GOOBAHA
 Shaqaalaha gobolada iyo degmooyinku marka ay dhamaystan tababarka ku
saabsan maaraynta naajiitada, qorshe hawleedka doorashada diyaar
garawgeeda, hawlaha doorashada iyo dib u soo celinta alaabta doorashada
ee degmooyinka ee xarunta dhexe iyo arimaha sharci ee laga maarmaanka
u ah doorashada waxay si toosa u guddo gali doonan la wareegida alaabta
doorashada ee xasaasiga ah iyo ta aan ahaynba.
 Bisha may shaqaalaha degmooyinku waxay qaadan doonan tababarkii u
dambeeyay eee u diyaar garawga arimaha, la wareegida alaabta
doorashada, qabashada doorashada iyo soo xidhida iyo soo gebgebaynta
xafiisyada doorashada.

Si ay kaaga caawiso qorshahaga fadlan hoos ka eeg talaabooyinkan koobkooban


ee aad raaci doonto:

Qaadida iyo soo cilinta alaabtu waxa ay u dhici doonta shantan taalaabo ee soo
socda

1. Bakhaarka xarunta dhexe- ilaa xafiisyada degmada: gudoomiye yaasha


degmadu waxa la wereegi doonan alaabta doorashada oo ay kaga tirsan
doonan alaabtooda maamulka bakhaarada ee xarunta dhexe.
2. Gudoomiyeyaasha goobaha ayaa alaabta kula wareegi doona xarunta
degmada ka hor intaan lakala dirin shaqaalaha.
3. Marka ay codbixintu dhamato alaabta doorashada waxa ay
gudoomiyeyaasha goobuhu ku soo xarayndoonan isla habeenka xarunta
degmada
4. Xafiisyada degmadu waxay alaabta u soo rari doonan xafiiska gobolka waxa
kale oo iyana soo karayn doona shaqaalaha maaraynaya najiitada.
5. Xafiisyada gobolada iyo degmooyinka marka ay dhameeyan tirinta
najiitooyin iyo xalinta wixii khilaafaad ah waxa ay alaabta dib ugu soo
celinayaan bakhaarka xarunta dhexe
Wada shaqaynta degmada iyo shaqaalaha najiitooyinka
Xarunta dhexe ee komishanku waxa qaadan doonta shaqaale u tababaran in ay
najiitooyinka galiyaan nidaamka lagu maaraynayo najiitada( results management
system). Waa hub computer la adeegsanayo si gaara loogu sameeyay in lagu
degdejiyo gudbinta najiitooyinka, hufnaantooda iyo dib u eegista najiitada.
Shaqalahani waxay iman donan degmada muddo ka hor inta aanay doorashadu
dhicin si ay u diyaarsadaan agabka u mihiimka ah shaqadooda sidaa daraadeeded
waa in ay shaqaalaha degmadu ka caawiyaan wixii arimo maamul ah e ku saabsan
sidii ay u heli lahaayeen meel shaqada ku haboon.

Shaqada ugu mihiimsan ee shaqaalaha najiitadu waxa ay noqon doonta in ay


diryaarsadaan meel ku haboon shaqada islamarkaana hubsadan in dhamaan
nidaamku u shaqaynayo sidii loogu talo galay.

Kala dirista shaqaalaha ee maalinta doorashada ka hor

Shaqaalaha degmadu waxa ay la shaqayn doonan shaqaalaha gobolka iyo kuwa


xarunta dhexe sidii loogu diri lahaa shaqaalaha goobaha maalin ka hor doorashada
isla markana diyaar ku ahaadan goobta. (meelaha aad u fogfog waa in la diraa
wakhti ka horeya maalinta).

Shaqaalaha degmadu waa in ay hubiyaan in dhamaan shaqaalihii goobohoodii ku


gaadheen si nabada islamarkana ka hawl galaan wixii dibi dhac keeni kara farsamo
ahaan.

Kormeerka wacyo-gelinta iyo ololaha doorashada

KDQ waxa uu fulin doona wacyo-gelin si loo hubiyo in muwaadiniintu ku


dhaadanaadan goorta iyo goobta codaynta islmarkana ka cawiya sidii ay si sax ah
ugu codayn lahaayeen maalinta codaynta.

Barnaamujka wacyo-galintu waxa uu noqon doona sidan:

Wacyo-galin guud oo ku saabsan sidii nidaamka guud ee doorashada kaas oo


warbixn ka siin doona muwaadiniinta habka doorashada inta ka horaysa
doorashada
Mid gaara oo loogu talo galay gobolka ama degmada oo xooga saari doona
meelaha ay dadku ka codayn doonan gobolka ama degmada iyo sidii ay si saxa
ugu codayn lahayeen.

Si loo hubiyo in fariimuhu gaadheen dhamaan bulshada, waaxda wacyo-gelintu


waxa ay isticmaali doonan hab kasta oo muwaadiniinta lagu gaadhsiin karo
warbixinta waxaanay soo saari doonan fariimo kala duwan oo bulshada
qaybaheeda kala duwan lagu gaadhsiin doono fariimaha muhiimka u ah sidii ay u
codayn laheeyeen islamarkaana si sax ah ugu codayn lahaayeen.

Shaqaalaha gobolada iyo degmada waxa xil weyni ka saran yahay in ay hubiyaan
in fariintu u gaadhay muwaadiniinta sidii saxda ahayd iyo wakhtigii saxda ah.

Kormeerka olahala doorashada

Ololaha doorashudu waxa uu noqon doona 9 ilaa 15 cisho oo dalkoo dhan ah


waxana ku xigi doona 48 saacadood oo aan wax olole ah aanu jiri doonin.

Gudida anshaxa ayaa hubin doonta in sadddexda xisbi qaran iyo dhamaan
musharixiintu ay raacayaan xeerka anshaxa.shaqaalaha degmadu waa in ay la
shaqeeyan kana cawayan gudida anshaxa wixii ay ugu baahdaan degmadooda.
Lifaaqa 1aad

2021 KEY ELECTION DATES


Task Dep Dur Start Date End Date
REOs & DEOs
Polling Station Assessment - Urban (Regional Capitals) DEO 7 25-Apr-21 1-May-21
Polling Station Assessment - Rural & DEOs DEO 7 15-May-21 21-May-21
Prepare and set-up DEO & REO Tally centers REO/DEO 5 24-May-21 28-May-21
Deploy Polling Station staff DEO 2 29-May-21 30-May-21
Arrival of staff/materials and set up of polling station DEO 1 30-May-21 30-May-21
DEO/PEOs report progress/issues with polling setup DEO 1 30-May-21 30-May-21
Announcement of Results - Local Council Election DEO 1 3-Jun-21 3-Jun-21
Transmission of HOR Results to Regions DEO 1 3-Jun-21 3-Jun-21
Announcement of Results - House of Rep Election DEO 1 5-Jun-21 5-Jun-21
Human Resource
Recruitment of DEO/REO legal advisors HR 14 22-Apr-21 5-May-21
Recruitment of RMS Computer Operators HR 10 23-Apr-21 2-May-21
Recruitment of sensitive material - packaging staff HR 7 24-Apr-21 30-Apr-21
Recruitment of Polling Station Staff (Core staff) from Public
HR 20 25-Apr-21 14-May-21
Universities
Political Parties submit the list of Agents HR 10 5-May-21 14-May-21
Recruitment of Regional and District Polling Staff (Non-core) HR/DEO 15 25-Apr-21 9-May-21
Swap Plan for PS staff OPS 5 1-May-21 5-May-21
Polling Staff Travel to Polling Stations to DEO of assignments HR/LOG 3 26-May-21 28-May-21
VR/IT
Develop RMS software IT 30 1-Apr-21 5-May-21
Production of Final Voter List IT 1 25-Apr-21 25-Apr-21
Install, Test and and prepare DEO RMS Kits IT 10 5-May-21 14-May-21
Training of Computer operators on Result Management System IT/TRN 5 18-May-21 22-May-21
Testing DEO tally center connectivity & RMS computers IT 4 26-May-21 29-May-21
Legal
Review election complaint process LEG 14 15-Apr-21 28-Apr-21
Results Challenge period LEG 30 5-Jun-21 4-Jul-21
Submission of Results to Regional & Supreme Court NEC/LEG 1 8-Jun-21 8-Jun-21
Training of Judges on election complaint management LEG 2 16-May-21 17-May-21
Training of Political Party Agents on election complaint management LEG 2 20-May-21 21-May-21
Transport & Logistics
Develop Election - Transportation and logistic plan Log 10 20-Apr-21 29-Apr-21
Prepare Transport contracts and schedules LOG 5 1-May-21 5-May-21
Prepare PS Mapping and routes for lorries Log 10 1-May-21 10-May-21
Finalize District transport plan Log 10 10-May-21 19-May-21
ELECTION MANAGEMENT & OPERATIONS
Accreditation for CSOs, Media and international observer groups NEC 7 15-May-21 21-May-21
Electoral Campaign Period (15 days ) NEC 15 15-May-21 29-May-21
Electoral Campaign Silence NEC 2 30-May-21 31-May-21
Briefing local observers for election procedures OPS 2 20-May-21 21-May-21
Briefing International observers for election procedures Ops 2 25-May-21 26-May-21
Technical Briefing of Party Task-Force on Election Procedures Ops 1 19-May-21 19-May-21
Mock Election to determine number of voter per Polling Station OPS 1 1-May-21 1-May-21
ELECTION TALLYING AND RESULTS
Counting at Polling Station PS 1 31-May-21 31-May-21
Delivery of PS result forms (D1) to DEO PS 1 31-May-21 31-May-21
Tally votes at DEO tally center DEO 3 1-Jun-21 3-Jun-21
Announce provisional district election results DEO 1 3-Jun-21 3-Jun-21
Delivery of HoR results to REO DEO 1 3-Jun-21 3-Jun-21
Tallying HoR votes at REO REO 2 3-Jun-21 4-Jun-21
Announce provisional House of Rep election results REO 1 5-Jun-21 5-Jun-21
Election Security
Training of polling centre security officers Sec 1 28-May-21 28-May-21
Security Officers assigned (and dispatched) to polling centre Sec 1 30-May-21 30-May-21
Training
Develop Training Material (booklet) for Security Trn 1 20-Apr-21 20-Apr-21
Develop Election Training Plan Trn 5 18-Apr-21 22-Apr-21
Review & Update of PS Training manual, forms & procedures TRN 30 10-Apr-21 9-May-21
Prepare training guideline for PS-Staff Trn 7 1-May-21 7-May-21
Procurement of Training Materials: Trn 10 1-May-21 10-May-21
Print new training manuals Trn 7 10-May-21 16-May-21
Conduct TOT Training Trn 3 15-May-21 17-May-21
Trainers conduct polling staff training (Chairperson, Secretaries) Trn 4 19-May-21 22-May-21
Development of Local and International Observation Handbooks TRN 14 1-May-21 14-May-21
Development of Training Procedures for REOs and DEOs Trn/OPS 20 20-Apr-21 9-May-21
REOs & DEOs training on Result & Election Complaint management Trm/Leg 4 23-May-21 26-May-21
VOTER EDUCATION for ELECTION
Development of VE Strategy VE 7 18-Apr-21 24-Apr-21
NEC approval of VE concept, program, materials and partners VE 5 25-Apr-21 29-Apr-21
Development & Preparation of Program & materials VE 7 25-Apr-21 1-May-21
Launch VE Campaign VE 1 1-May-21 1-May-21
Election Voter Education Campaign - 30-day VE 30 1-May-21 30-May-21
Warehouse
Warehouse Inventory List and set-up WH 10 10-Apr-21 19-Apr-21
Warehouse Prepare Non-sensitive polling station kit WH 15 25-Apr-21 9-May-21
Receive Sensitive Election Materials in Hargeisa WH 1 9-May-21 9-May-21
Warehouse Preparation sensitive polling Station Kits WH 14 10-May-21 23-May-21
Dispatch of Election Materials from HQ to DEO? WH 5 24-May-21 28-May-21
Dispatch of Election Materials from Districts to Polling Stations WH 3 29-May-21 31-May-21
ELECTION DAY 1 31-May-21 31-May-21
No Shaqooyinka Maalmaha Bilow Dhammaad
1 Sahaminta Goobaha Codbixinta Degmooyinka. 10 5-May-21 14-May-21
Xubnaha KDQ heer degmo & Gobol waxay u soo safrayaan
15-May-
Xarunta dhexe iyaga oo sida foomamkii qiimeynta, Shaxda 1 15-May-21
21
2 kirooyinka iwm.
Tababarka Shaqaalaha Gobolada & Degmooyinka ee KDQ - ee
15-May-
lagu baranayo - Maamulka doorashada, maamulka natiijada 4 18-May-21
21
3 codbixinta, Xeerka Cabashada iyo hannanka doorashada.
Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo kaashanaaya KDQ
Gobolka lana shaqeynaya Xafiiska HR ayaa soo qoraya 20-May-
1 20-May-21
shaqaalaha goobaha ee heer degmo (Gudoomiye ku xigeen iyo 21
4 Hubiye).
Guddoomiyayaasha Gobolada ayaa dib ugu safraaya Gobolada
20-May-
si ay u diyaarshaan tababarka shaqaalaha goobaha ee ka 1 20-May-21
21
5 dhacaaya jaamacadaha.
Tababarka Shaqaalaha Goobaha codbixinta ayaa ka dhici doona
Jaamacadaha 6 Gobol doorasho, waxaana diyaarin doona 21-May-
6 26-May-21
Guddoomiyayaasha Gobolada iyo xidhiidhiyaasha 21
6 Jaamacadaha.
Guddoomiyayaasha degmooyinka ayaa la wareegaya agabka 23-May-
5 27-May-21
7 doorashada degmooyinkooda, kana tirsanaaya warehouse KDQ. 21
Shaqaalaha Xog-gelinta computer-ka natiijada doorashada ayaa
23-May-
iyo Kit ka lagu shaqaynaayo ayaa gudoomiyaha degmada ka 5 27-May-21
21
8 raacaya xarunta dhexe.
24-May-
Diyaarinta Xarunta codadka lagu tirinaayo ee degmada. 5 28-May-21
9 21
shaqaalihi ka shaqeynayay Goobaha ayaa soo gaadhi doona 27-May-
2 28-May-21
10 degmooyinka (Guddoomiye & Xoghaye). 21
Ciidamada amniga ee goobaha codbixinta ayaa soo gaadhaya 29-May-
1 29-May-21
11 degmooyinka. 21
Shirkada Gaadiidka ayaa xafiiska Degmada u gudbinaysa
gaadiidka degmada ka hawlgeli doona - waana in habeenka 29 29-May-
1 29-May-21
May 21 ku xaroodan gaadiidku Bakhaarka Degmada ee agabka 21
12 laga rarayo.
Degmooyinka ayaa kala diraaya gaadiidka, askarta , shaqaalaha 29-May-
2 30-May-21
13 iyo agabka doorashada, una diraaya goobaha codbixinta. 21
Shaqaalaha iyo agabka ayaa gaadhaya goobaha codbixinta 30-May-
1 30-May-21
14 diyaarinaayana xarumaha codbixinta. 21
Gudoomiyayaasha goobaha ayaa diraya warbixinta inay 30-May-
1 30-May-21
15 gaadhen goobihi, diyaarsheen goobti codbixinta. 21
TOT-da la socday shaqaalaha goobaha, Shaqaalaha KDQ ee
heer degmo iyo Gobol iyo shaqaalaha ka yimi xarunta dhexe 31-May-
1 31-May-21
ayaa kormeer ku sameynaaya goobaha codbixinta maalinta 21
16 doorashada.
Shaqaalaha Goobaha ayaa soo tirinaya codadka goobaha - kuna
tirinaaya goobta soona buuxinaya foomamka D1.1 iyo D1.2 ee
17 degmada loo soo gudbinaayo
Soo xareenta Agabka doorashada, foomamka natiijda iyo 31-May-
1 31-May-21
18 shaqaalaha habeenka doorashada ka danbeysa 31 May. 21
31-May-
La wareegida foomamka natiijada, cabashooyinka iwm. 1 31-May-21
19 21
Tirinta codadka, isugeynta natiijada, xalinta cabashooyinka &
Dacwadaha goobaha ka yimi (32 Sacadood) - 2 maalmood oo 2 1-Jun-21 2-Jun-21
20 maalintiiba la shaqeynayo 16 sacadood.
21 Ku dhawaaqida natiijada golaha deegaanka. 1 3-Jun-21 3-Jun-21
Degmooyinka ayaa u gudbinya natiijada degmada iyo ta Golaha
1 3-Jun-21 3-Jun-21
22 wakiilada xafiiska Gobolka.
Degmooyinka iyo ayaa u gudbinta Gobolka agabka computer iyo
foomamka natiijada, iyo haday jiraan cabashooyin rafcaan laga 1 3-Jun-21 3-Jun-21
23 qaatay iyo go'aamadii cabashooyinka laga gaadhay.
Gobolka ayaa marka uu helo 3 June - natiijada degmooyinka isku
geynaya natiijada Golaha wakiilada , go'aana ka gaadhaya 2 3-Jun-21 4-Jun-21
24 cabashooyinka ka soo gudba degmooyinka
Xafiiska Gobolka ayaa ku dhawaaqaya natiijada golaha
1 4-Jun-21 4-Jun-21
25 wakiilada.
Xafiiska Gobolka ayaa u gudbinya KDQ natiijooyinka Wakiilada
iyo Degmooyinka iyo haday jiraan cabashooyin laga qaatay 1 5-Jun-21 5-Jun-21
26 rafcaan.
KDQ ayaa marka uu go'aan ka gaadho wixi racfaano ah ee ka
soo gaadhay Gobolada u gudbinaaya natiijada KMG 6-Jun-21 6-Jun-21
27 Maxkamada sare iyo Maxkamada Gobolka 1
CUTUBKA – LABAAD (2)
HANNAANKA CODBIXINTA
&
HABRAACA GOOBAHA CODBIXINTA

HORDHAC
Nidaamka codbixintu qayb muhiima ayuu ka yahay doorashada, shaqaalaha komishanka
doorashooyinka, codbixiyeyaasha, xisbiyada siyaasada, musharaxiinta, goojoogayaasha, saxafada
dhamaantood waa inay ka war hayaan nidaamka codbixinta doorashada, nidaamka codbixintu
waxaa uu ku saleysan yahay ama uu ku tiirsan yahay shuruucada, qawaaniinta iyo siyaasada
doorashada

1.0 WAXYAABAHA UU SHARCIGA DOORASHADU WAAJIBIYEY

1.1.QAWAANIINTA ASAASIGA

 Dhamaan codbixiyeyaasha waxaa laga doonayaa inay tagaan goobaha codbixita maalinta
doorashadu dhacayso saacadaha u dhexeeya 7:00 Subaxnimo ilaa 6:00 Habeenimo,
Codayntu waxay bilaamaysaa 7:00 Subaxnimo Waxaanay dhamaaneysaa 6:00 Habeenimo
islamaalinta

 Dhaaman codbixiyeyaasha waxaa laga doonayaa in sii qaatan kaadhkooda oo lagu


aqoonsanayo iney goobtan ka codeynayaan, loo ogolaan maayo qof aan sidan kaadhkiisii
codbixinta inuu codeeyo

 Dhamaan Waa in waraaqaha codbixinta ee goobta yaala lawada shaanbadeeya


 Sida loo calaamadinaayo Warqada codbixinta marka uu qofku doonaayo inuu codkiisa
dhiibto, Calaamada X Waxaad dhigeysaa gudaha boxeska yare ee ku xiga magaca iyo
astaanta xisbiga aad dooraneyso, haddii aad u baahanto caawimo marka aad
calaamadineyso warqada codbixinta waxaa ku caawin kara ama ku saacidi kara
gudoomiyaha goobta ama karaaniga goobta codbixinta jooga oo aad wakiilatey.

WAAXDA HAWLGELINTA KDQ(OPERATIONS)


 Saraakiisa Komishanka doorashooyinka ee goobta joogta wax ay calaamadin doonan far
yaradaad marka aad codka dhiibto waxaaney marin doonan khad aan ka go’ayn fartaada
kaas oo cadeynaaya inaad codeysay

 Codbixiye kasta waxaa loo ogol yahay inuu hal mar codkiisa dhiibto, haddii aad isku deydo
inaad hal mar wax ka badan aad codeyso waxaad mutaysan doontaa xidhig iyo dacwada
lagugu soo oogi doono

 Codbixiye kastaa waa inuu goobta codeynta ka baxaa marka uu codkiisa dhiibto
 Codeyntu waxaa keliya oo ay ka dhacaysaa goobta codeynta oo qudha
 Haddii goobta codeynta goor danbe la furo, wakhtiga lumay waxaa lagag daryaa xaga
danbe ee xidhitaanka
 Dadka goor danbe yimaada kuyuuga intaan la gaadhin 6:00 Habeenimo, waxaa loo
ogolaanayaa iney codkooda dhiibtan ilaa inta ay codkooda ka dhiibenayaan kuyuuguna
dhamaanayo
 Codbixiye kastaa waxaa uu ka codeynayaa goobtii uu kaadhka ka qaatay, islamarkaan
kaadhka codbixiyaha waxaa ku yaala goobta uu qofkani ka codeynaayo/ka codeyn doono

1.2. Shuruudaha Cod-Bixiyaha

1. Waa inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay.


2. Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, maalinta doorasha la qabanayo.
3. Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin.
4. Waa in uu yahay cod-bixiye ka diiwaangashan goobta uu ka codaynayo,

1.3. XUQUUQDA COD-BIXIYAHA

Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay: -


1. Wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa goobta uu cod-bixiye ahaan uga diiwaangashan yahay.

2. Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo
tixgeliyo
3. Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.
4. Xubnaha Komishanka doorashooyinku ma laha xaqa cod-bixinta inta ay xilka hayaan.

2.0 GOOBAHA COD-BIXINTA

Ka hor doorashada golayaasha wakiilaa iyo golayaashad deeganka, Komishanka doorashooyinku


waxaa uu diiyar gareynayaa goobaha codbixinta, islamarkaana waxaa uu daabacayaa liistada
goobaha codbixinta

2.1. Goobaha Cod-bixinta

1. Marka la qabanayo golaha wakiilada iyo golayaasha deeganka waxa dalka loo qaybinayaa
gobolo-doorasho (Electoral Regions) oo loo sii qaybinayo goobo-codbixin (Polling
stations) iyadoo la waafajinayo soohdimaha Gobolada dalka JSL.

2. Doorashada Golayaasha Degaanada marka la qabanayo soohdimaha maamulka degmada


ayaa loo aqoonsanayaa Degmo-doorasho (electoral district), waxaana loo sii qaybinayaa
goobo codbixin, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Degaanku.

3. Komishanku waa inuu sameeyo goobaha codbixinta ee degmooyinka/gobolada ugu yaraan


40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta la qabanayo, waxanu Komishanku arrintaas
kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyayaasha Gobolada iyo
Degmooyinka.

4. Haddii degaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo culus ama xaalado aan
saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimeynaaya Komishanka
Doorashooyinka Qaranka iyagoo kala tashanaya Xukuumadda iyo Xisbiyada/Ururrada
Siyaasadda.

5. Goobaha Codbixinta ee ay doorashadu ka qabsoomi waydo, tirada kuraasida loo


qoondeeyay goobahaas waxay Xisbiyadu/Ururradu/musharaxiinta u kala qaadanayaan
saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansaxay ee Degmada.
3.0 TIRADA CODBIXIYEYAASHA EE GOOB KASTA

Goobaha Codbixinta Kale Jabintooda

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxaa uu xadidi doona tirada codbixiyeyaasha goobaha ka


dhiibanaaye codkooda si aan kuyuugu u dheeran dadkuna wakhti fiican u helan oo codkooda ku
dhiintaan, sidaa daraadeed Komishanka doorashooyinka qaranku goobaha dadka badani iska
diiwaangeliyeen waa uu kale jabinayaa si loo sugo in ay codbixiyeyaashu codkooda si fiican u
dhiibtaan maalintaa doorashada
Komishanka Doorashooyinku waxaa uu sameyn doona doorasho la mood tijaabo ah si uu qiyaas
buuxda uga qaato tirada codbixiyeyaasha ee ka codeyn Kara hal goob maalinta doorashadu
dhacayso, Iyadoo la tixraacayo doorashooyinkii hore waxaa la soo jeediyey tirada ugu badan ee
hal goob ka codeyn kartaa ay tahay 400/450 oo codbixiye

4.0 TIRADA DADKA LOO OGOL YAHAY INEY GALAAN GOOBTA CODBIXINTA

4.1 SARAAKIISHA AMINAGA

Goob kasta oo codbixineed waxaa loo qorsheynayaa laba askari oo suga aminga goobta, xiliga
keenida qalabka iyo raristoodaba iyo guudaha amuuraha ku saabsan goobta codbixinta, askartu
waxay ka amar qaadaneysaa gudoomiyaha goobta, askartu waxay joogayaan dibada goobta
codbixinta, laakin marka uu gudoomiyaha goobtu u baahdo gudaha ayey soo galeyaan.

4.2 WAKIILADA XISBIYADA

Kaliya waxaa goobta loo ogolaanayaa wakiilka xisbiga ee sita warqada ogolaansha ha ee gelida
goobta, si uu u goobjooge uga noqdo waxaa goobta ka dhacaaya gudaheeda, wakiilada goobaha u
jooga xisbiyada waxaa soo qorsheynayaa xisbiyadooda si uu war bixin uga soo siiyo xisbiga
goobta codbixinta, dhamaan wakiilada xisbiyadu waa iney xidhaan aqoonsigooda si loo aqoonsado
inuu yahay wakiil xisbi

4.3 GOOBJOOGAYAASHA DOORASHADA

Goobjooyayaasha doorashadu waa kuwo u taagan dhexdhexaad islamarkaan waa kuwo maxliya
iyo kuwo caalamiya, goobjoogayaasha sita warqada ay soo saartay KDQ waxay ka warbixin
doonaan sida ay doorashadu u dhacdey, goobjooge kastaa waa inuu xidhaa aqaansigiisa markasta
oo uu imanaayo goobta codbixinta

4.4 SHAQAALAHA KDQ

Shaqaalaha Komishanka, sida shaqaalaha xarunta dhexe, gudoomiyeyaasha gobolada iyo


degmooyinka waa iney aqoonsadaa islamarkaan u fiirsadaan qaabka ay wax u dhacayaan iyo
dhamaanba arimaha ku xeersan/xeeran qaabka codeyntu u dhacayso

4.5 SAXAFADA

Komishanka doorashooyinku waxa ay saxafada siin doonan aqoonsi ay kaga soo waramaan
doorashada (Accreditional)

5.0 TIRADA SHAQAALAHA GOOB KASTA IYO WAAJIBAADKOODA

Doorka shaqaalaha goobta codeynta waa iney hubiyaan in si fiican ay dadku codkooda u
dhiibanayaan islamarkaan ah codka qarsoodigaa, waana iney ka foogaadan wax kasta oo saameyn
ku leh goobta codeynta ama wax u dhimi kara goobta codeynta.shaqaalah goobta codeyntu waa
iney u shaqeeyan si isku xidhnaan ah ama wadajir ah si ay si fiican shaqadu ugu socoto
islamarkaana waa in qofkasta shaqadiisa loo cayimaa
Dhamaan shaqaalaha goobta codbixinta waa iney si fiican uga soo baxaan waajibka iyo
masuuliyada goobta sida uu dhigaayo sharciga doorashooyinku iyo tilmaaha ay soo saaren KDQ,
Shaqaalaha degmadu waxay kormeeri doonaan goobaha codbixinta.
5.1 Gudoomiyaha Goobta Codbixinta

Awoodaha gudoomiyaha goobta

 Gudoomiyaha goobta waa inuu ilaaliyaa habsami u socodka goobta codeynta,


gudoomiyaha goobtu waxaa uu awood u leeyahay inuu askarta amar ku siiyo iney saran
qofkii goobta rabshaaya ama khalkhal gelinaaya ama isku dayaa inuu meesha soo weeraro.

 Askartu ma galin karaan goobta codeynta ilaa uu gudoomiyaha goobtu amaro iney soo
galaan goobta codeynta
 Askarta goobta, Saraakiisha gobolka, madaxda goobta codeynta, Wakiilada Xisbiyada,
goobjoogayaasha caalamiga, goobjoogayaasha maxaligaa dhamaantood waa iney fuliyaa
codsiyada lana shaqeeyan gudoomiyaha goobta, si ay habsami ugu socoto goobta codeyntu,
islamarkaan looga fogaado inay goobtu rabasha iyo buuq ka dhasho.

5.2 Xoghayaha

 Inuu Caawiyo gudoomiyaha goobta, Islamarkaan uu la shaqeeyo lana soo ururiyo


qalabka doorashada ee goobta ka diban la keeno degmada

 Inuu Caawiyo gudoomiyaha goobta marka uu ka war bixinaayo goobta sida ay u


shaqaynayso

 In qoro ama uu hayo diiwaanka codbixiyeyaasha goobta yimid

 Inuu qoro ama hayo diiwaanka dadka goobta ka codeynaaya islamarkaan caawiyo
dadka goobta ka codeynaaya, sidoo kale uu sheego sababta uu dadka u caawiyey marka
ay codkooda dhiibanayeen(Kuna qoro buuga dhacdooyinka goobta)

 Waa inuu qabtaa shaqooyinka kale ee uu gudoomiyaha goobtu u qorsheeyey inuu qabto
xoghayahu.

5.3 Sakaalka Tiriyaha ah (Tally Officer)

 Inuu goobta codeynta ka caawiyo tirinta codadka

 Inuu Kormeero codbixinta islamarkaan uu hubiyo in waraaqaha codeyntu ay sax yihiin


iyo iney khalad yihin

 Waa in khadka aan go’ayn far yarada bidix laga mariyaa qofka markaa uu dhiibto
codkiisa

 Waa inuu tilmaama dadka codkooda, marka uu qofku dhiibto codkiisa waa inuu ka
baxaa goobta codeynta

 Waa inuu caawiyaa kana caawiyaa gudoomiyaha goobta xiliga tirinta codadka

 Waa inuu gudoomiyaha goobta ka caawiyaa xidhxidhida qalabka doorashooyinka


xiliga goobta la xidho
 Waa inuu qabtaa shaqoyinka kale ee uu u diro gudoomiyaha goobta codbixinta

5.4 Gudoomiye Ku-xigeenka goobta

 Gudoomiye Ku-xigeenka goobta waa inuu ku simaa marka uu gudoomiyaha goobtu


maqan yahay ama uu xanuusado
 Waa inuu hubiyaa in codbixiyahu aanu la hayn khadka codeynta ka hor intaanu codeyn
islamarkaan uu ka eegay faryarada bidix, sidoo kale uu hubiyaa in kaadhkiisu saxan
yahay oo ay go-
 Waa inuu hubiyaa inuu qofka codeynaa buuxiyey shuruudahii codeynta ka hor intaanu
codeyn
 Waa inuu caawiyaa kana caawiyaa gudoomiyaha goobta xiliga tirinta codadka

 Waa inuu qabtaa shaqoyinka kale ee uu u diro gudoomiyaha goobta codbixinta

6.0 QALABKA GOOBTA CODBIXINTA

6.1 Qalabka xaasaasigaa


 Buuga lagu qoraayo diiwaanka goobta(Buuga dhacdooyinnka goobta)
 Khadka aan go’ayn
 Shaanbada goobta codbixinta
 Waraaqaha codeynta
 Lingaxyada lagu xidhaayo sanaaduuqda
 Bushkhada ka dhawrsoon furitaanka
 Bushkhadaha goobta lagu isticmaalyo oo cabirkood yahay B2, (8 Xabo goobtiba)
 Foomka lagu qoraayo natiijada goobta codbixinta (D1.1/D1.2)
 Liistada Kamadanbeysta ah ee codbixiyeyaasha

6.2 Qalabka aan xaasaasigaa ahayn ee goobta


Waraaqaha lagu dhajinaayo goobta codeynta
 Waraaqo Cadad
 Liistada alaabta
 Khadka suulka la saaro
 Maqasyo
 Masaabir
 Softi lagu masaxo qofka marka faryarada laga calaamadiyo
 Foomka Cabashooyinka goobta
 Cinjiro
 Qolka codeynta(Voting Booth)
 Lambado iyo Shamac
 Kabriid
 Mastarado
 Xadhko iyo kale qaybiyeyaal
 Kaadhadhka Aqoonsiga
 Aqoonsiga Wakiilada Xisbiyada
 Aqoonsiga Goobjoogayaasha

7.0 RARIRDA QALABKA GOOBTA IYO SHAQAALAHA

7.1 Qorshaha Logistics Iyo Baabuurta


 Komishanka doorashooyinka qaranku waxay hubinayaan in qalabkii doorashadu sidii iyo
wakhtigii loogu talogelay ay gaadheen goobaha codbixinta

 Shaqaalaha goobaha codbixinta, qalabka doorashooyinka iyo askartu waa iney gaadhan goobta
ugu danbeyn 5:00 subaxnimo ee maalinta doorashadu dhacayso

 Wajig koowaada: Xafiiska degmada waxaa soo gaadhey qalabka doorashada iyo
shaqaalaha doorashada ka shaqeyn doona oo laga qaatay jaamacadaha dawligaa ee gobolka

 Wajiga Labaad: Xafiiska degmada waxaa laga rari doona qalabka doorashada si loo
gaadhsiiyo goobaha codbixinta waxaa sidoo kale laga qaadi doona shaqaalaha ka shageyn
doona goobaha codbixinta maalin ka hore maalinta doorashada

 Wajiga Sadexaad: islamarka la dhameeyo tirinta codadka goobta, shaqaalahu waxay ku


soo guryo noqonayaan xafiiska degmada halkaas oo ay ku wareejin doonaan natiijada
goobta doorashada ee ay ka soo shaqeeyeen iyo qalabkii doorashada ee goobta

 Wajiga Afraad: Marka la dhameystiro tirinta codadka ee degmada islamarkaan la xaliyo


dhamaan arimahii xanibn, gudoomiyaha degmada waxaa uu qalabka doorashada iyo
documentiyada rasimaga ah ee doorashada ku soo celinayaa xarunta dhexe ee KDQ

8.0 Saacadaha Codbixinta


8.1 Wakhtiga Codeynta

 Hawlgalka cod-bixintu waa in la dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:00


saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 fiidnimo.

 Cod-bixintu way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin maayo, haddii ay jiraan cod-
bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin ilaa ay ka dhamaanayaan.

 Marka ay saacadu gaadho 6:00 fiidnimo, askarta ilaalinaysa safku waxa ay calaamadin
doonaan qofka ugu danbeeya dadka taagan safka, waxaanay u ogolaan doonaan in ay
codeeyaan inta safka ku jirta oo kali ahi.

 Komishanka Doorashooyinka ayaa go’aamin doona goobaha xaalado gaar ahi la soo
darsaan maalinta doorashada.

9.0 TALAABOOYINKA CODEYNTA

9.1 Talaaboyinka Codeynta

 Talaanada Koowaad: Ka hore intaanada tagin goobta codeynta waa inaad sii qaadata
kaadhkaaga codeynta, Kaadhka codeynta la’aanti ma codeyn kartid
 Talaanada Labaad: Waa inaad eegtaa kaadhkaaga codeynta xagiisa danbe si aad u
ogaatid goobta aad ka codeyneyso
 Talaabada Sadexaad: Marka aad timaado goobta waa inaad kuyuuga gashaa ka raga ama
ka dumarka waana inaad sugtaa ilaa inta aad codkaaga dhiibanayso
 Talaabada Afraad: Hubiyaha goobta ayaa hubinaaya faryarada bidix in khad marsan
yahay iyo in kale
 Talaabada Shanaad: Waa inaad tustaa kaadhkaaga codeynta xoghayaha goobta si uu u
hubiyo inaad leedahay iyo in kale islamarkaan ay sawirkaaga yahay kan kaadhka ku qorani
sidoo kalena aan hore loogu codeyn, macluumaadkaaga waxaa laga helayaa Liistada saxaa
ee codeyayaasha, intaa ka dib waxaad ku saxeexaysaa suulkaaga bixid
 Talaabada Lixaad: gudoomiyaha goobtu waxaa uu shaanbadeynayaa warqada codeynta,
waa inaad hubisaa inaa hore loo calaamadin, waxaa kale oo aad hubinaysaa iney shaanbadii
ku taalo

 Talaabada Todobaad: Waa inaad qaadataa warqada codeynta islamarkaan la tagtaa halka
lagu soo calaamadinaayo (Qolka warqada lagu soo calaamadinaayo) si saxana u soo
calaamadisaa meesha ka horeysa musharaxa aad dooneyso

Si uu Sax U Noqdo Codkaagu, ha Sameyn Talaabooyinka Soo Socda

- Ha ku qorin magacaaga warqada codeynta

- Ha ku qorin saxeexaaga

- Ha calaamadin wax ka badan hal musharax

- Ha ku ridin sanduuqa codeynta warqad aan calaamadsaneyn

Talabada Sideeda: Isku laalaaba Warqada codeynta islamarkaan ku rid sanduuqa codeynta
Talaabada Sagaalad: Hubiyaha goobta codeynta ayaa khadka marinaaya faryarada bixid ee
codeeyaha

Talaabada Tobnaad: Fadlan Marka aad codeyso ka baxa goobta codeynta

10.0 CALAAMADINTA WARQDA CODEYNTA

10.1 Sida Loo Calaamadinaayo Warqada Codeynta

 Waxaad isticmaasha qalinka goobta codeynta yaala

 Hadii uu si aan ula kac ahayn kaaga khaldanto ama aad u kaag dhacdo meeshi
loogu talo galey meel aan ahayn, waxaad codsan kartaa mid cusub oo uu
gudoomiyaha goobtu ku siinaayo

 Waxaad calaamadisa boxeska yare dhexdiis, waxaanad dhigtaa calaamada(X)


 Waxaad calaamadisaa hal meel oo keliya

10.2 Warqada Ansaxda Astaamaheeda

 Codbixiyahi waxa uu calaamadinayaa hal musharax oo keliya

 Waa inuu codbixiyahu ka taxadiraa marka uu calaamadinaayo warqada


codeynta(Meesha loogu talo gelyna calaamadiyaa)

10.3 Warqada Xumaata Astaamaheeda:

 Codeeyaha oo laba jeer meel isku mid ah ka calaamadiya warqada codeynta

 Warqada codeynta oo aan la calaamadin – madhan meeshi la calaamadinaayey

 Warqada oo madmadow ama la garan waayo calaamada meesha uu ka


calaamadiyey

 Warqada oo uu si ula kaca ah codeeyahu meeshi meel aan ahayn ka


calaamadiyey

 Warqada oo waxyaalo kale oo dheerada ahu ku jiraan ama uu codeeyahu ku


riday

 Warqada oo ka duwan waraaqaha codeynta ee kale

 Warqada codeynta oo bilaa shaanbada ah

 Markaa shaqaalaha goobta iyo wakiilada xibiyada goobta ay ku heshiiyaan in


codkaasi xumaaday – waa cod xumaadey

10.4 Waraaqaha Lagu Muransan yahay

 Waraaqaha codeeyah uu si ulakac ah u calaamadiyey ee aan si cad layskula


fahmin

 Calaamada oo gaadha ama ku dhex dhacada laba musharax, islamarkaan la


kale saari waayo xisbigee ayaa leh codkan

10.5 Waraaqaha Codeynta Xumaada


 Marka Warqada Codeyntu xumaato islamarkaan uu codbixiyahu ku rido
warqada sanduuqa ee uu la soo noqon waayo si looga bedelo

 Marka Warqada codeynta codbixiyahi si khaldan u calaamadiyo


islamarkaan aan calaamadin meeshii loogu talogelay kuna rido sanduuqa
codka.

10.6 Waraaqaha Codeynta aan la tixgelineyn

 Codbixiyaha oo la baxa warqadii codeynta

 Codbixiyaha oo Tuura Warqadii Codeynta

 Codbixiyaha oo aan warqadii codeynta sanduuqa ku ridin


CUTUBKA – SADDEXAAD (3)
HANNAANKA MAAMULIDA NATIIJADA DOORASHADA
– HEER DEGMO & GOBOL

10 HORDHAC
 Buug gacmeedkan koobani wuxu Gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka ku
hagi doona ;
1. Habka iyo hanaanka loo maamulayo isugeynta natiijada doorashada
2. Maamulida xarumaha lagu soo xaraynaayo natiijada iyo agabka doorashada
maalinta doorashada kadib.

11 MAAMULIDA NATIIJADA DOORASHADA GOLHA DEEGAANKA &


WAKIILADA
 Sida uu dhigaayo Xeerka Guud ee Diirashooyinka Doorashooyinka iyo
Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland ee Xeer Lr 91/2020, Xafiiska
Degmada ee KDQ waxa uu isku geynaya natiijada goobaha codbixinta ee hoos
yimaada degmada,
 Xafiiska degmadu sida oo kale wuxu go’aamo ka gaadhi doona codadka lagu
muransanyahay iyo dacwadaha ka yimaada goobaha codbixinta, isaga oo raacay
xeerka doorashooyinka iyo habraaca xalinta cabashooyinka.

 Hadaba iyada oo laga duulayo arintaas kor ku xusan waxa muhiim ah in xafiiska
Degmadu si taxdar leh ugu diyaar garoow sidu ugudan laha shaqadan culus iyada
oo laga duulaya qodobadan hoose ;-
1. In isugeynta codadka ka yimaada goobaha codbixintu noqoto mid sax ah.
2. In wakhtiga ugu gaaban ee suurto gal ah lagu soo saaro natiijada degmada
isla markaan gobolka loo diro natiijada golaha wakiilada iyada oo la raacayo
jadwalka KDQ u dajiyey wakhtiga tirinta codadka.
3. In wakiilada xisbiyada iyo goobjoogayaasha kale ay la socdaan shaqada
isugeynta si daah-furan oo banyaal ah.
4. In go’aamada iyo xalinta cabashooyinka xafiiska degmadu noqdaan kuwo
ku dhisan xaqiiqo isla markaan wafaqsan shuruucda doorashooyinka iyo
xeerka cabashada ee KDQ soo saaray, isla markaana la raaco habraaca
cabashooyinka iyo foomamka loogu talo-galay.
5. In sirta iyo amniga documents iyo macluumadka doorashada la sugo.

12 XARUNTA TIRINTA CODADKA EE HEER DEGMADA


 Maalinta doorashada ka horaysa waa in xafiiska degmadu diyaarsha xarunta lagu
soo xaraynaayo natiijada ee laysku geyn doono (District Tally Center).

 Goobtani waa inay ahaata mid;-


1. Amni ahaan sugan.
2. Baaxad ahaan ku filan gaadiidka iyo shaqaaluhu inay soo galan agabkana
ku wareejiyaan.
3. Leh meelo la dhigo laguna xafido agabka doorashada.
4. Waa in lagu sii rakibo, khadka Intranet ka.
5. Waa in laydhka shaqeynayo si loogu adeegsado computer-da natiijada la
gelinayo.
6. Waa in u yaala mashiin laydh hadii uu laydhka xaruntu tago.

 Xarunta isugeynta natiijadu waxay ka koobnaan doonta sida ka muuqada


Sawirka 1aad 5 Miis/meelood oo kala duwan mid kstaan uu shaqo gaar ah
qaban doono si ay u fuduudato kala socdsiinta shaqada iyo hubinta
khaladaadka dhici kara , si natiijadu goor hore diyaar u noqoto isla markaan
wixi khalad ah oo dhan meesha looga saaro waa in xaruntan si sax ah loo
qabeeya.

12.1 Qaab-dhismeedka Xarunta Tirinta Codadka Degmada

12.2 5 Miis/Gobood waxay kala noqon doonan ;-


1. Miiska 1aad: Miiska hubinta (Quality Control-QC) oo ah miiska ugu horeeya
ee shaqada isugeynta codadku ka bilaabmi doonto.
2. Miiska 2aad: Miiska baadhitaanada (Special Investigation) waa goobta wixi
dacwado ka jiraan, am khaladaad ka jiro lagu baadhi doono laguna sixi doono.
3. Miiska 3aad: Miiska xog-gelinta iyo sawirida foomka natiijada (Data Entry &
Scanning) miiskan waxa computerka la gelinaya natiijada goobta ka timi ee ku
qoran foomamka D1-1 (Deegaanka) iyo Foomka D1-2 (Wakiilada) sida oo
kale waxa la sawiri doona foomamka goobta si loogu soo diro xarunta dhexe.
4. Miiska 4aad: Goobta lagu kaydinaayo sanaduuqda xaniban ee wali aan
dacwadood la qaadin ama loo xanibay sababo leh cadyamo sharci.
5. Miiska 5aad: Goobta lagu kaydinaayo qalabka doorashada ee kale sida sanduuqa
buluuga ah.

13 SHAQOOYINKA LAGU QABANAAYO MIISASASKA KALA DUWAN


 Guddoomiyaha degmadu waa in uu maqribka marka ay soo xidhmaan goobaha
codbixintu uu iskugu yeedha shaqaalaha degmada iyo shaqaalaaha kale ee la
shaqaynaya sida TOTs iyo Computer Operators isla markaan ku wargeliya u diyaar
garowga la wareegida agabka doorashada iyo natiijada goobaha codbixinta.

 Gudoomiyaha degmadu waa inu ku wargeliya masuul kasta miiska ama aaga uu
ka hawlgeli doono iyo shaqada uu qabanaayo habeenkaas.

13.1 Shaqooyinka habeenka doorashada ugu muhiimsan


1. Kala hagida gaadiidka iyo maamulida parking hore ee xarunta codadka lagu
tirinayo.
2. Hubinta foomamka natiijada ee (D1-1 iyo D1-2) (Q.C).
3. Gelinta xogta codbixinta computerka.
4. Xalinta khilafaadka iyo cabashooyinka (Shaqadan subaxa ayaa loo dhiganaya).
5. Kala habaynta iyo rasaynta agabka doorashada.
6. Hubinta inaan gaadiidkuu waxa agabka ah la tagin.
7. Hubinta in Guddoomiye goobkasta wareejiyey agabkii iyo foomamkii natiijada
oo sax ah.
8. Hubinta Guddoomiyayaasha aan xisaabta foomamkoodu saxnaynin inay
subaxnimada hore yimaadan si ay u saxaan.
 Gudoomiyaaha degmadu waa inu wakiilada xisbiyada ku wargeliya xiliga shaqadu
bilaabmayso una diyaarsha halkay fadhiisan lahaayeen.

 Gudoomiyaha degmadu waa inu ciidanka amniga ku wargeliya sugida amniga


xarunta, dadka loo soo daynaayo gudaha goobta, hubinta kaadhadhka aqoonsiga
ee dadka soo geli kara goobta tirinta codadka iyo hannaanka loo sugaayo amniga
iyo habsami u socodka shaqada.

14 TALAABOOYINKA ISUGEYNTA NATIIJADA GOOBAHA EE HEER DEGMO


1. Barxada hore ee xarunta tirinta codadka; Marka shaqaalaha goobaha codbixintu
soo gaadhan xarunta degmadu ugu talo gashay in codadka lagu soo xareeyo, waa in
parking hore gaadiidku istaagayaan ay ku sugnaada ciidanka amniga iyo shaqaale ka
socda xafiiska degmada oo loo xil saaray inay shaqaalah soo hagaan, hubiyaan in
agabkii laga soo wada rogay gaadiidka.
Shaqaalaha Goobta (Gudoomiye & Xoghaye) oo ay la socdaan saddexda muraaqib
waa in gudaha xarunta loo sii daayo si ay u wareejiyaan agabka iyo foomka
natiijada.

2. Miiska 1aad – Hubinta Fooma Natiijada D-1.1 & D-1.2 (QC);-Gudoomiyaha


goobtu waa inu miiskan ku wareejiya agabka oo lingaxan iyo bushqada ka dhawrsan
in la furo (TEB) ee ay ku jiran Documents kani ;-
1. Foomka natiijada goobta nuqulda asalka ah (D-1.1 & D1.2 Form).
2. Diiwaanka codbixiyayaashu saxeexan (Final Voter List).
3. Shambada goobta.
4. Foomamka cabashada (Hadii ay jiraan).

Xarunta tirinta codadka diyaari ugu danbayn 29th May 2021


Dhammaan agabka loo bahan yahay diyaarso inta ka horaysa 30ka May 2021
soona wargelin xarunta dhexe marka aad diyaarisid xarunta tirinta
Tijaabi Laydhka, Intranetka iyo Computers dhamaan inay ku shaqaynayaan
 Masuulka fadhiya miiska hubintu marka uu furo bushqada xafidan (TEB) waa in uu
ka soo saara foomamka natiijada goobta ee D-1.1 iyo D-1.2 isagga oo ka hubinay
in foomamku sidii saxda ahayd loo soo buuxiyay.

Sawirka Bushaqada ka dhawrsoon in la furo (C2)


14.1 Arimaha miiska hubintu uu ka bilaabayo shaqadiisa
Arimaha Miiska Hubinta (QC) hubinaayo : Sax
1.  Hubi in sanduuqa goobta ee la wareejinaayo ku qoran tahay 
magacii iyo lambarkii goobtu, in labada sanduuqba (sanduuqa
buluuga ah & sanduuqayada codbixinta ee cad-cad) saddexduba
lingaxan yihiin.
2.  Hubi inaan lingaxyadu aanay gonayn, hadii waxa go’ani jiraan 
gudoomiyaha goobtu intaanu ka tagin ka hubi sababta.
3.  Hubin in bushqada ka xafidan in la furo (TEC) ay si fiican u 
xidhan tahay, leedahay magacii goobta iyo labarkii isla markaan
saxeexantahay.
4.  Fur bushqada ka dhawrsan in la furo (TEB) adiga oo hubinay 
inay ku jiran intan oo Document;-
o Bushqada E-6: Foomamka Cabashada
o Bushqada E-7: Foomamka Natiijada ee D-1.1 & D-1.2
o Bushqada: Shambada Goobta
o Diiwaanka Codbixiyayaasha Goobta (FVL)
5.  Inta aanu Gudoomiyaha Goobtu bixin fur Bushkada E-7 kana 
soo saar foomamka Natiijada Goobta ee D-1.1 & D-1.2
 Ka hubi arimahan inu leeyahay
o Shambadii Goobta
o Hubi in foomamka D-1.1 & D-1.2 ay wada saxeexen Afart
Xubnood ee KDQ iyo Saddex wakiil ee xisbiyada,
o Hadii saxeexyada qaar maqan yihiin waydii Gudoomiyaha
goobta sababta oo diiwaangeli.
6.  Hubi tirsiga lingaxyada ee ku qoran Foomka D1.1 & D-1.2 inay 
isku mid yihiin kuwa ku xidhan sanduuqa codbixinta.
7.  Hubi xisaabta codadka ee ku qoran foomamka D1.1 & D-1.2 inay 
sax tahay adiga oo qeyb, qeyb u xisaabinaya isugeynta.
 Hadii ay jiraan meel xisaab ahaan khaldan raac nidaamka
sixitaanka foomamka natiijada.
8.  Hadii ay jiraan wax codad lagu muransanyahay u gudbi miiska 
baadhitaanada si loo furo codadkaas loona hubiyo – miisankani
habeenka 31ka May 2021 ma shaqayn doono, subax ayaa la
bilaabaya shaqada la xidhiidha baadhitaanada.
9.  Hubi in diiwaanka codbixiyaasha la saxeexay oo suulasha la 
dhigay, in aan wax bog ah ka maqnayn,
10.  Hubi in buuga dhacdooyinku leeyahay magacii iyo lambarkii 
goobta, la saxeexay, xogtii loogu talo galayna ku taalo.
 Hadaan mid ama qaar kamid ah wakiilada xisbiyadu saxeexin ka
eeg in lagu qoray sababta
11.  Kadib u saxeex foomka wareejinta (Handover Form 3) nuqul ka 
asalka ah la hadh, Nuqulka copy sii Gudoomiyaha goobta marka
aad ku qanacdo in wax kasta dhan yihiin, Foomamka D1.1 & D-
1.2 si fiican loo buxiyey wax khaladani aanay jirin
 Hadii wa khaldan jiran Gudoomiyaha ha fasixin ila la saxaaayo
am warbixin laga qoraayo
Sawirka D-1.1 Foom ee lagu qoraayo Natiijada Goobtu ee doorashada
Golaha Deegaanka.
Sawirka D-1.2 Foom ee lagu qoraayo Natiijada Goobtu ee doorashada
Golaha Wakiilada.

 Masuuliyiinta fadhiya miiska hubintu (QC) marka uu furo bushqada xafidan waa inu
ka soo saara foomamka natiijada goobta ee D1.1 & D1.2 isagga oo ka hubinay in
foomka sidii saxda ahayd loo soo buuxiyay iyada laga hubinaayo arimaaha ku qoran
shaxda sare.
Fiiro Gaar ah: Foomamka D-1.1 & D-1.2 waa ka ugu muhiimsan dhammaan agabka Doorashada
iyo hanaanka maamulida Natiijada.
 Waa in degmadu si taxadar leh u hubisa saxnimada Foomamkan iyo inaan wax khalad ah
ku jirin
 Natiijada Doorashadu waxay ku saxmaysa ama ka khaldamaysa sida foomamkaas D1.1 &
D1.2 loo maamulo.
 Inta aan Gudoomiyaha Goobtu ka bixin xarunta tirinta codadka waa in la hubiya saxnimada
Foomamka D1.1 & D1.2.
 Marka miiska hubintu ku qanco in foomamka natiijada goobtu sax yahay arimah kor
ku xusan wada sax yihiin wuxu u gudbinaya miiska xogta-gelinaaya Computer ka.
 Agabka kale iyaga oo wada lingaxan ayaaa la dhigi doona goobta loogu talo galay in
lagu kaydiyo agabka doorashada.
 Guddoomiyaha degmaduna waa in u diyaarsada filal iyo bushqado lagu xafido
foomamka natiijada iyo documents ka ku jira bushaqada (TEB).
 Marka ay dhammaato hubintu waa in miiska Q.C dib ugu celiya bushqada TEB
Documents hoos ku qoran
1. Diwaanka Codbixiyayaasha (FVL)
2. Shambada Goobta

 Foomamka D-1.1 & D1.2 waxaad ku wareejinaysa miiska xog gelinta.


 Foomamka cabashada waxa file garaynaya guddoomiyaha degmada.

Sanaduuqda

 Sanduuqada buluuga ah ee ay ku jiraan stationery meel xafidan dhig.


 Sanduuqada codbixinta ee cad-cad ee ay ku jiran envelopes iyo waraqihii lagu
codeeyey isagana meel xafidan dhig.

Kadibna iska fasax Gudoomiyaha goobta iyo Xoghayaha

 Hadii goobaha qaar u baahan yihiin dib u tirin am hubin, oo miiska hubinta (QC)
sixi kari waayo, waxa dib loogu dhigaya subaxnimada oo Gudoomiyaha degmada
iyo wakiilada xisbiyadu ayaa isla eegi doonan.
 Isla habeenka doorashadu dhammaato ee gaadiidka iyo natiijadu timaaado waa in
la bilaaba isugeynta natiijada , oo qaybta Computer ku diyaar u ahaadaan inay
habeenka ba bilaaban isu geynta codadka, hadii aanay jirin duruuf kale oo
subaxnimada u riixaysa.

3. Miiska baadhitaanada (Special Investigation Desk);- miiskani wuxu u xil


saaran yahay goobaha ay wax ka khaldan yihiin inu dib u baadho khaladaadka dhici
kara waxa kamid ah;-

1. Muran ka taagan natiijada goobta sida eedo la xidhiidh ku shubasho, xatooyo, ku


tagri fal iwm.
2. Muran ka jira codad laysku haysto (Codad lagu muransanyahay xisbiga ama
musharax leh).
3. Khaladaad xisaabeed oo ka muuqda foomamka natiijada ee D-1.1 & D-1.2 oo
khaldan.
4. Goobta oo aan waxa foomam ah la socon ama aan codadkaba la tirin sababo kala
duwan awadood iwm.
5. Foomamkii oo la wayay.
6. Shaqaalihi goobta oo aan keenin foomamkii.

Miiskani isaga oo raacay habraaca xalinta khilaafadka ee shaqaalaha degmada lagu


tababaray ayuu go’aan ka gaaadhi doona wixi cabasho ama khalad ah ee ka jira.
15 SIXIDA KHALADAADKA FOOMAMKA NATIIJADA ASALKA AH
 Badelida xogta ku qoran foomamka asalka ah ee Natiijada Goobta iyo Sixitaanka
khalaadadka ka dhaca Foomamka D-1.1 & D-1.2 waa mid kamid ah shaqooyinka
ugu muhiimsan ee u baahan taxadarka ugu badan.

 Hadii Xafiiska degmadu marka uu sameeyo baadhitaano ama hubin xogta natiijada
goobta ee ku qoran Foomamka D-1.1 & D-1.2 ay u soo baxdo in natiijada ku
qoran Foomamka asalka ah ee goobta ka yimi D-1.1 & D-1.2 wax laga badelo.

 Khaladaadka u bahaan kara sixitaan ee Foomamka D-1.1 & D-1.2 waxa kamid
noqon kara
1. Isugeynta foomamka oo khaldan.
2. Xisaabta oo aan xidhmaynin kuna jiraan khaldaad xisabeed.
3. Codad musharixiin oo lays daba mariyey.
4. Codad lagu muransana oo markii dib loo egay musharax yeeshay.

Hadaba hadii arimaha sare ama wax kale oo sababa in foomamka asalka ah ee D-1.1
iyo D1.2 ee ka yimi goobta la saxo u baahan dhacanaa wax ka badelida iyo sixitaanada
waa inu mara talaaboyinka

1. Waa in wixi sixitaan ah lagu sameeya foomamka rasmiga ah ee natiijada xagiisa


danbe lagu qora foomkasta oo ah D-1.1 & D-1.2.
2. Waa in line kasta oo kamid ah lines ka Foomamka D-1.1 & D-1.2 ee la saxay xaga
danbe lagu qora tirada danbe ee saxda ah iyada oo foomamka xaga danbe lagu
qorayo line lambarka la saxay.
3. Kadibna waa in ay saxeexan Gudoomiyaha degmada iyo saddex wakiil ee
xisbiyada qaranku, laguna dhufta shambada xafiiska degmada iyo shambadaha
wakiilada xisbiyadana lagu dhufta xage danbe sixitaanka lagu qoray.
4. Foom kasta oo lagu sameeyey sixitaan waa in nuqul ah D1A oo laga daabacay
Computerka oo dheerad ah la daabaca kadibna la siiya xisbiyada.

15.1 Hadii foomamka D1.1 & D1.2 aan la soo buuxinba ama la waayo:
 Mararka qaar waxa dhacaaya in goobaha qaar foomka D1.1 ama D1.2 turaan,
ama aanay buuxin sababo la xidhiidh xaga amniga ama arimo kalaba , haday
sidaasi dhacdo sanduuqas waxa dib u tirin doona shaqaalah degmada iyo wakiilada
xisbiyada ee degmadda waxaana la marin doona hanaanki tirinta codadka ee
Goobta, Degmada ayaana buuxinaysa foomamka D1.1 & D1.2 cusub.

16 CABASHOOYINKA KA YIMAADA GOOBAHA IYO CODADKA LAGU


MARUNSANYAHAY.
 Miiska baadhitaanada - waxay baadhis qoto dheer ku samayn doona
cabashooyinka la socda sanaduuqda codbixinta ee xisbiyadu soo gudbiyeen,
sanaduuqda muranku ka jiro, meelaha tirintu xisaab ahaan khaldanto, warqadaha
lagu muran san yahay.

 Shaqooyinka ugu wa weyn waxa kamid ah; -


1. Waraqaha codbixinta ee muranku ka jiro – Guddoomiyaha degmada iyo
wakiilada xisbiyada iyo shaqaalaha kale ee KDQ ayaa furaaya bushqada ay ku
jiraan hubinayaan in xisbi/musharax leeyahay iyaga oo xeerarka doorashada u
eegaya, - Waraqaha codbixinta ee lagu muran sanyahay marka go’aan laga
gaadho waxa la saxay xisbiga helay, waxaan bushqada dhakadeed la saxeexay
shambada degmadan lagu dhajinaya
2. Hadii warqada codbixinta lagu muran sanyahay la aqoonsado inaan cadayn
waxa laga dhigay invalid ama waraaqo aan ansixin, marka warqaha lagu
muran sanyahay loo kal saaro kuwo ansaxay oo xisbi/musharax helay iyo
waraaqo aan ansixin waxa la badelaya D-1.1 iyo D-1.2 oo qalin cas lagu
qoraayo tirada soo kordhay, Computer ka waxa la gelinaya foomka D-1.1 ama
D-1.2 ka ah ee la saxay.

16.1 Foomamka Cabashada;


 Hadii goob kamid ah goobaha ay la socdaan foomam cabasho oo goobta laga soo
qoray waxa loo kala saaray laba nooc oo kala ah.
1. Cabasho aan la xidhiidhin codadka ama aan saameyn ku lahayn natiijada;
kuwaas dib ay loo dhigaya.
2. Cabasho la xidhiidha codadka iyo natiijada; kuwan deg-deg ayaa miiska
baadhitaanada loogu diraya waana laga go’aan gaadhaya si waafaqsan
hannaanka xalinta cabashooyinka.

 Miiska baadhitaanada iyo xalinta khilaafadku marka uu xaliyo wixi khilaaf ama
sixitaan jira, isla markaana ku muujiyo sidaas foomamka loogu talo galay waxa uu
u gudbinaya Miiska xog-gelinta oo xogta gelin doona Computer ka.

16.2 Goobta Sanaduuqda laysku haysto;


 Si aan shaqadu habsan u gelin wixi khilaaf ka tagan yahay waxa la dhigaya meel
gaar ah, waxaan marka hore la dhamaystiri doona wixi sax ah, kadib ayaa
Gudoomiyaha degmada iyo xubnaha kale degmadu iyaga oo uu raacay habraaca
xalinta khilaafadka iyo xeerarka doorashada isla markaan wixi talo ah la sameyn
doona KDQ heer Qaran iyo Gobolba wixi loo baahdo ay go’aan ka gaadhi doonan.
16.3 Miiska Xog-gelinta iyo Sawirida Foomamka D-1.1 & D-1.2;
 Halkan waxa ooli doona ugu yaraan 2 Computer oo ka koobad loo adeegsan doono
gelinta xogta-natiijada,iyo sawirada foomamka natiijada (Scanning).
 Miiskani sida oo kale wuxu samayn doona Filing, markasta oo xogta Computerka
la geliyo waxa laga daabici doona foom kale oo ah D-1.1A & D-1.2A oo lamid
ah kii asalka ah, waaana laysku dhajinaya waxaaan la gelinaya File loogu talo galay
iyada oo laysku xigsiinaayo sida goobaha Number koodu isku xigaan.
 Marka la dhameeyo dhammaan gelinta xogta Computerka waxa Computerka laga
daabici doona Natiijada heer Degmo oo ah D2.1 Form, taaas oo ah dhamaan isu
geynta goobaha degmada. Foomka D2.1 ee natiijada heer degmo waxa uu sida
xogaha kala ah ;-
1. Dhammaan natiijada goobaha degmadaas ee doorashada deegaanka.
2. Codadka murashaxiinta golaha deeganku kale haleen.
3. Wadarta Guud ee xisbi kasta helay.
4. Tirada kuraast Xisbi kasta ku guleystay.
5. Musharixiinta Xisbi kasta guulaystay.

 Gudoomiyaha degmada iyo xubnaha kale KDQ waxay saxeexi doonan foomka D2.1
waxaanay nuqul siin doona Wakiilada Xisbiyada.

 Kadibna waxa la daabacay foomka D2.2 ee natiijada Golaha Wakiilada ee heer


degmo, foomkan D2.2 wuxu sida xogta natiijada
1. Dhammaan natiijada goobaha degmadaas ee doorashada wakiilada.
2. Codadka murashaxiinta golaha wakiilada gobolkaasi kale haleen.
3. Wadarta guud ee xisbi kasta ka helay doorashada wakiilada degmadaas.
 Gudoomiyaha Degmada iyo xubnaha kale KDQ waxay saxeexi doonan foomka
D2.2 waxaanay nuqul siin doona Wakiilada Xisbiyada iyaga oo nuqulo u diri doona
Gudoomiyaha Gobolka si u isugu geeyo natiijada degmooyinka oo u soo saaro
natiijada doorashada Golaha Wakiilada oo ku qoran foomka D-3.
 Gudoomiyaha Degmadu markaas ayuu dhammaan qalabka natiijada soo qaadi
doona si uu u keen Xarunta Gobolka uguna wareejiyo Gudoomiyaha Gobolka.

Qaybta Xogta galinaysa Computerka isla markaan Scan (ama sawiraysa


foomamka)

 Miiskan waxa Fadhiyayaay;-


1. Gudoomiyaha Degmada
2. Wakiilada Xisbiyada.
3. Shaqaalaha ku shaqaynaya Computerka.
4. Iyo xubnaha kale KDQ ee guddoomiyuhu shaqo uga baahdo.

 Marka Foomka D-1.1 & D-1.2 soo gaadho miiskan waxa loo dhiibaya inanka/inanta
qaabilsan gelinta xogta.
 Waxa foomka D-1.1 & D-1.2 la gelin doona Computer ka marka xogta ku qoran D-1.1
& D-1.2 la wada geliyo Computer ka.
 Waxa la sameyn doona hubin – hadii hubintu sax noqoto waxa la daabacaya
foomamka D1.1A & D1.2 A oo ah foomam lamid ah D-1.1 & D-1.2 asalka ahaa ee
goobta ka yimi.
 Hadii hubinta marka la eego khaldanto, waxa dib loo egaya Foomamka D-1.1 & D-1.2
waxa ka khaldan waxaana wixi sixitaan ah samaynaya Gudoomiyaha degmadda iyo
shaqaalaha kale degmada, waxayna ka saxeexay wakiilada xisbiyada hadii foomka
xogtiisa la badelo iyada oo xaga danbe foomka D-1 lagu qoraayo wixi sixitaan ah.
 Marka wax kasta sax noqdaan ayaa la daabacay Foomka D1.1 A & D1.2 A ee
computerka laga daabacayo.
 Kadibna waxa saxeexi doona Gudoomiyaha degmada & saddex wakiil ee xisbiyada
Qaranka
Fiiro Gaar ah:
Computerka waxba laguma sixi karo, hadii la doonayo in xogta Computerka ku jirta la saxo, waa in
marka hore xogta foomka la saxa,
Xog kasta oo Computerka la geliya waa inay la socota foomkii xogta laga qoray, hadii foomkaas la
waayo waxa ka masuul ah Gudoomiyaha degmada waana arin culus oo faldanbiyeed ka dhalan karo.

 Waxa la sawiri doona Foomka D-1.1 & D-1.2 ee Asalka ah.


 Waxa kadibna laysku dhajin doona labada foom ee D1.1A / D1.2 A iyo D-1.1 & D-1.2
Asalka ah – waxaan saraynaya D1A – waxaan la gelinaya Box File, waxa loo habaynaya
sida Lambarka goobuhu iskugu xigaan.
 Waxa khasab ah in Computerka Xogta la gelinaya ay lamid tahay ta foomka, haday
kala duwanaada waxa masuuliyada qaaday Gudoomiyaha degmada, - waa in aanay
dhicin marnaba in xogta Computerka iyo Foomka D1.1 ama D1.2 kala duwanaadan.

Hadii goob kamid ah natijadeed la tir-tiro ama dib loo dhigo ama aanay doorasho ka
dhicin, waxa la gelinaya dhammaan 000 waxaan la daabacay D1A ah zeros
Gudoomiyaha degmada ayaana ku qoray warbixin (note) ah Sababta sidaasi u dhacday.
17 ALAABTA DEG DEG LOO SOO QAADAY
1. Box File ay ku jiraan foomamka natiijada ee Asalka ah D1.1 & D1.2 iyo kuwa ku
dhagsan ee D1.1A & D1.2A.
2. Foomka Natiijada Degmada D2.1 iyo D2.2.
3. Dhammaan Diiwaanka Goobta Codbixinta Final Voter List.
4. Dhammaan Foomamka Cabashooyinka iyo Foomamka Go’aaamada la gaadhay.
5. Computerada iyo Scanner natiijada laysku geynayay.

 Intaas oo agab ah waa in sida ugu dhokhsaha badan marka natiijada degmada la
dhameeyo loo soo qaada xarunta Gobolka laguna wareejiya Xubinta KDQ ee jooga
Gobolka iyo Guddoomiyaha Gobolka.

 Guddoomiye degmo kasta waxa laga raba in uu dhammaan agabka wareejiyo,


waxaan looga tirsanaya midh midh, markaa waa in aan foom kaliya lumin, ama
aanu ku maqnaanin Goobta ee uu ka wada tirsada.

 Dhamaaan agabka kale waxa iyagana markaas kadib, loo soo rari doona Xarunta
dhexe ee KDQ, sida sanaduuqda codbixinta.

18 XAFIISKA GOBOLKA
 Xafiiska Gobolku wuxu masuul ka yahay;-
1. Hubinta natiijada golaha wakiilada ee degmooyinku u soo gudbiyeen.
2. Xalinta iyo go’aan ka gaadhista cabashooyinka ka soo gudba heer degmo.
3. Isugeynta natiijada degmooyinka.
4. Soo saarista natiijada Golaha Wakiilada ee Gobolka oo ku qoran foomka D3.
5. Ku dhawaaqista xisbi kasta codadka uu helay, kuraasta uu ku guleystay iyo
xisbi kasta musharixiinta guleyasatay.

 Xafiiska Gobolka marka uu helo natiijada heer degmo oo ay la socdaan foomamka


natiijada goobaha D1.2 ee ka yimi goobkasta iyo foomamka laga daabacayo
computerka ee D1.2 A –
 Waxa uu Guddoomiyaha Gobolku isugu yeedhaya shaqaalaha KDQ ee Gobolka iyo
wakiilada xisbiyada si layskugu geeyo natiijada heer Gobol.
 Guddoomiyaha Gobolku inta aanu isku geynin natiijada waxa uu hubinaya inya
jiraan wax dacwado ama cabashooyin ah oo ka soo gudbay ama looga soo racfaan
qaatay Gobolka.
 Marka uu Guddoomiyaha Gobolka iyo shaqaalaha Gobolku ka go’aan gaadhan
dacwadaha soo gaadhay waxay bilaabayaan isu-geynta natiijada heer Gobol.
 Gudoomiyaha Gobolku wuxu marka kadib soo saaray natiijada Gobolka oo ka
kooban
1. Codadka murashaxiinta golaha wakiilada kale haleen.
2. Wadarta Guud ee xisbi kasta ka helay Gobolka.
3. Tirada kuraasta xisbi kasta ku guleystay.
4. Musharixiinta xisbi kasta guulaystay.

19 U GUDBINTA NATIIJDA MAXKAMADAHA


 Marka Gobolada iyo degmooyinku ku dhawaaqan natiijada ku-meel-gaadhka ah ee
degmooyinka iyo gobolada waxa natiijada loo gudbinaya maxkamadaha ku
awooda leh
o Natiijada heer Degmo waxa loo gudbinaya Maxkamada Gobolka
o Natiijada heer Gobol waxa loo gudbinaya Maxkamada Sare
 Waxa gudbinta loo raacaya hannaanka xeerka doorashada jideeyey.

You might also like