You are on page 1of 3

SamSung || Sheekada Guusha SamSung !

SAMSUNG marka aad maqasho magacan waxa hubaal ah in maankaga kusoo


dhacayo Telephone ka aad hada ka daawanaysid Mawduucan , sidoo kale
waxaad maskaxda gashanaysa inaan ka hadlayno sheekada shirkad kamida
shirkadaha ugu baaxada wayn dunida xiligan .. laakin akhriste wali ma is waydiisay sida aad
maanta ugu faantid dhalin yarada facaaga ah ee wata telefan aan ahayn telefanada shirkada
samsung uu ahaa bilowgiisu , see dhayahagu ma maqleen sheekada shirkadi ka bilaabmatay
tukaanka sonkorta iyo bariiska lagu ibin jiray maantana noqotay mid kamida labada shirkadood
ee ugu baaxada wayn aduunka uguna saamaynta badan maalin walbana ay u shaqo tagaan
shaqaale kor u dhaafaya 650 ,000 Shaqaale

Sanadkii 1938 ayay ahayd markii uu LEE BYUNG CHUL furtay tukaan yar oo
xiligaasi uu bariiska iyo sonkorta uu ku ibin jiray kaaso oo ugu magac daray
samsung oo laga wado korea ahaan 3 xidigood taaso uu uga jeeday 3 mabda’ oo
u dajiyay ganacsigisan cusub kuwaso ah inuu noqdo ganacsi balaadhan sidoo
kalana awood badan noqdana mid waara …

Sanado kadib ayuu u badalay tukaankiisi Yaraa xarun ka shaqaysa Electronica sanadkii 1969
BYUNG oo xiligaasi ka faa’idaysanaya kobacii xawaaraha sare ku socday ee aaladaha
Technologyada xiligaasi ku socdeen ayuu yagleelay shirkad samaysa aaladaha Electronics

Sida : Qasaaladaha , TV , Talagadaha … wuxuuna Raacay BYUNG wado ka duwanayd tii ay ku


socdeen shirkadihii lamidka ahaa ee xiligaasi Jiray isagoo hal_abuuray Nidaamka maanta lagu
shaqeeyo oo ay in tartiib tartiib macaamisha isaga bixiyaan lacagta shayga ay ibsadaan

Guushasi aadka u wayn ee ay ku gartay shirkada samsung kamay dhigin mid shaqadeeda ku koobta
aaladaha Electronica ah balse waxay bilowday inay is balaadhiso bilowdana ka shaqaynta
isgaadhsiinta

Waxayna sanadkii 1988 soo Ban dhigtay mobile keedi ugu horeyay ee ay
samayso , taaso albaabada u furtay guulo badan oo isdaba joog ah oo ay ka
gaartay horumarinta Telephonada .. sido kale waxay ka dhigtay shirkadan ku
cusub ssaxada is-gadhsinta mid halgan adag la gasha shirkadihii laga lahaa
merecan ka ee xiligaasi ahaa kuwa ugu horeeya samaynta telephonada

1
Set By = Hasan Abdikadir “ Be Development Person Progressive”
SamSung || Sheekada Guusha SamSung !

Samsung Maanta :
Magaloyinka samsung|| marka aynu ka hadlayno shirkad ay u shaqo tagan
350,000 shaqaale waxa hubaal ah intaaso shaqaale aysan ku shaqayn Hal
Xafiisa oo kaliya .. shirkada samsung waxay leedahay 8 Magaalo oo la dhaho
magaaloyinka samsung kuwaaso ay u dhamaystiran yihiin dhamaan adeegyada
asasiga ah ee magaalo laga Rabo Sida : Hospital , Hotels, Studium, Banks

Waxaana ku yaala schools private ah oo aad u tayo sareeya ee ay leedahay shirkadu waxna ay ka
bartaan caruurta ay dhaleen shaqalaha shirkadu

Cilmi Baadhayasha SamsunG :


Ma malysan kartaa akhriste in shirkada samsung ay u shaqeeyan in ka badan 50,000 Cilmi
Baadhe cilmi-baadhayashedu waxay ka badan yihiin Cilmi baadhaysha sida masar u Baaxada
wayn sidoo kalana waxay 4 Jibaar Ka badan yihiin cilmi-baadhayasha dalka saudi Arabia

Cilmi- badhayashan aya ku shaqeeya xarumo ad loo ilaaliyay , xarumahaasu oo lagu tiriyo kuwa ugu
ilaalada adag aduunka si aan gacanta loogu dhigin cilmi-baadhisyada laga dhex samaynaayo
xarumahaasi gudahooda oo u dhigma balaayiin dollar

Marka aad maqasho samsung waxa laga yaaba akhriste in is dhahdo waa shirkad soo saarta
telephone ka Glaxy Ah oo Kaliya laakiin shorkada samsung waxa ka farcama ilaa 5 shirkadod
oo aad u baaxad wayn samaynta telephonaduna waxay ka tahay mid kamida shirkadahasi

Shirkadaha Hoos yimaada ayaa kala ah :

shirkada Dhismaha ee samsung : oo lagu tiriyo mid kamid ah shirkadaha


dhisme ee ugu baaxada wayn aduunka waxaynay kamid ahayd shirkadihi
dhisay daarta aduunka ugu dheer ee dhacda magaalada DUBAi ee la
yidhaahdo BURJ_KHALIFA

2
Set By = Hasan Abdikadir “ Be Development Person Progressive”
SamSung || Sheekada Guusha SamSung !

shirkada gawaadhida ee samsung : oo ah shirkad sanad walba soo


saarta Gawaadhi aad u tayo sareeya

sidoo kale waxa ka farcama shirkada samaynta aaladaha waawayn sida


maraakiibta

samsung Electronics : oo ka shaqaysa samayta Qasaladaha ,Tv,


Talaagadaha, Computers , Telephons, Lamps , Desktop, iyo qaar
kaloobadan

“ ugu Danbayn akhriste noqo is badalkad la rabto aduunkan in aad ku aragto waa hal-ku dhiga
BYUNG Asaasaha shirkada samsung uu u badalay waaqac la taaban karo waxa laga yaaaba inaan
anigu iyo adiguba garanayn ninkan horeyna aanan u aqoon , laakin waxa hubaal ah in aaladaha uu
sameeyay uguna horeeyo Telephone kan aad hada ka akhrisanaysid mawduucaN La’aantiis aysan
sahal ahaan lahayn noloshenu maanta

samsung waxay maanta kamid tahay shirkada labaad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka uguna
baaxada wayn aduunka halka shalay ay ahayd tukaan yar oo lagu ibiyo sonkorta .. Bilowga maaha
waxa lagu qiimeeyo Nolosha balse dhamaadku waa tan qiimaysa Guushaada “

Copy Right Owner = @Hasan Abdikadir

Telegram= https://t.me/PostFiles

“ I’m Proffesional Writer Documents | Lecturer | Blogger |Let’s Inspire TogetheR ..

3
Set By = Hasan Abdikadir “ Be Development Person Progressive”

You might also like