You are on page 1of 3

Caynu jaaluut waxaa isku wajahay Ciidamadii tataarka oo ahaa quwaadii ugu awooda badneen

mudadadii u dhexeysay qarni qarnigii 13 io 14aad waxaana hogaaminayey holaako io kataqaa iyo
ciidamadii muslimiinta oo iska soo abaabulay dalka masar waxaana hogaaminayey boqorkii
maamaaliikta ee xilligaas ahne Sayfu diin qudus

Tataarku waxa asolkoodu ka bilaabmeen mangolia, waxa ay ahaayeen ciidan kibir badan soona ba'saday
dhulalal fara badan waxa ay ku fideen waqooyiga aasiya ilaa galbeedka kadibne waxay lugta marisay
wadamadii loo aqoon jiray ‫ بالد ما وراء النهر‬waxaana halkaa ku yiilay dowlado farabadan oo islaam ah,
waxa ka mid ahaa dowladii khawaarizim yada,ee uu boqorka ka ahaay khawaarizim shaah, sidoo kle
waxa ku yiilay osbakistaan, kazakisjaan. Kadib intaas waxay uso tilaabtay dhulkii faaria ama barzia
waxayka ku burburiyeen dowladdii cabaasiyiinta oo ka mid eheed dowladiihi islaamka soo maray
kuwooda ugu waaweyn, halkaasne waxay kaga takhaluseen jirdil farabadan io silac ka dib amiirkii
cabaasiyiinta ee ahaa al- mustacsim billah. Dhanka kle qeyb baa waxay ka dagalamayeen dhanka europe
o waxa ay qabsadeen rasia iyo kuwadhaad lix wadan oo ka tirsan europe. Dhulalka islaamka waxa ay ka
adeejiyeen dhiigya cabkii weynaa ee holaako ahne wiilka uu awoowaha u yahay aasaasihii mangoolka
ama tataarka ee jankis-khaan, holaako waxa uu burbur u geystay dawladihii islaamka, xasuuqiisii ugu
weynaa waxa uu ka geystay baqdaad oo uu ku laayey dad farabadan oo cadadooda lasoo koobi karin,
kadib waxa uu soo gaaray shaam sidii baqdaad uu u galay si lamid ah buu u galay oo dadkeedii buu
laayey magaaladiine dhiig qulqulaya buu ka dhigay.

Intaa ka dib holaako waxa uu sii tabaabushaysanayaa sii uu u qabsan lahaa masar, waxana masar ka
talinayey mrkaas boqotooyadii loo aqoon jiray mamaaliikta, waxan mrkaas boqor ka ahaay sultan sayfu
din qudus, oo ahaa boqor raganimo geesinimo hogaamin sax ah dagaal yahan dhamaan sifaadkaas kulan
saday,

Seyfu diin qudus magaciisa saxda ah waxa uu ahaay maxamuud ibnu mamduud ibnu khuwarizim shaah
waxuu kasoo jeeday qoys boqor tooyo oo waxaa awoowe u ahaa boqorkii khawarizimyada, ee ahaa
khawarizim shaah, boqortooyadaasne waxaa cagta mariyey mangoolkii, caruurtii kharizimyadane waa ay
kaxeesteen, sayfu diin qudus waxa uu ka mid ahaa caruurtii la qafaashay, waxayna geeyeen suuq lagu
kala iibsado adoomaha ee ku yaala dimishiq wax iibiyeen ninkii iibsadayne ninkle ayuu ka iibiyey illaa
ugu dambeyntii laga iibiyey nan lagu magacaabi jiray cizidiin ibnu eybak ninkaas ayaa barbaariyey waxa
uuna ka dhigay qaaid aad ugu fcn dagaalka io khidadiisa howlkarne ah, sayfu diin quduz waxa uu noqday
ku xigeenka cizi diin ibnu eybak, muddo ka dib waxaa geeriyooday cizidiin ibnu eybak, boqortooyadii e
waxa la wareegay wiilkiisii oo markaa ahaa wiil yar, lkn talada waxa haya sayfu diin qudus kaliyah inanka
yar ee uu cizzi diin u dhalay xillka wuu ku magacaban yahay howsha waxa kla wado waa sayfu diin
qudus.

Holaako oo tataarkii hogaaminyey kuna sugnaa shaam ayaa warqad soo diray afar nin ayuuna usoo
shiibay waxaana warqadda ku qornaay hadal kibir ka muuqdo waxana ka mid ahaay " waxan nahay
ilaahay ciidamadiisa, waxan nalaga abuuray carada rabbi, waxa nalagu saliday dadka ay carada rabbi ku
dagtay, isi soo dhiiba, uma naxariisano kan ooya, umana qalbi jileecno kan noo calaacala,waad
maqasheen inaan waddamo badan furanay, dadkiine mucdamkooda aan baabi'inay, waxaa idinku wajiba
cararitaan, anaguna waxa nagu waajiba eryasho, dhulkee idin hooyi doono, dariiqee ku badbaadi
doontaan, wadankeese ku nabad galidoobtaan, quluubteenu waa aida buurta, cadadeenuna waa sida
ciida, safaheena lagama badbaado, dhufeys yadune wax nagama celiyaan .....ku bishaareysta dullinimo
io daciifnimo" hadalkii warqadda ku qornaay nuxurkiisu sidaa buu ahaa,

Seyfu diin qudus markii uu aqriyey warqadda waxa uu amray in afarta nin kurka laga gooyo, waxa asne
uu diray warqad markii ay aqriyeen dhabada ay la qabsadeen warqad ay ku dareemeen argagax io cabsi
sultan seyfu diin quduz waxa uu warqadda ku qoray "waxaad sheegteen in ilahay idinka abuuray
caradiisa, aydnan u naxariisan ku ooya, una qalbi jilcin ku idiin cabta, rabbi quluubtiina ayuu ka saaray
naxariista, taasine waa ceebtiina ugu weyn waa sifaatu shayaadiin, ma ahan sifaatu salaadiin, kitaab
kasta la idinku lacinay, xumaan walbane waa la idinku sifeeyey, sidaad sheegateen gaalo ayaad tihiin,
qur'aanka anaga ayu nagu so dagay, wana xaqiiqsanay, waxan garanay ta'wiilkiisa, naarti baa la idiin
abuuray, jismigiina ayaana lagu huriyey, waxaa layaab ah in doofaar in lipx loogu goodiyo, nalama cabsi
galiyo, haddaan idin caasino taasi waa cibaado, hadaa idin dilnane shaqo iyadaa u nicma lahaatay,
haddaa na dishaane anaga io janada saacad baa ino dhaxeysa, waxaad dhahdeen quluubteenu waa soda
buurihii tiradeenuna waa sida ciida, balse xaabada tirada badan waxaa ku filan dhibil kaliyah, ma geeri
baan ka carareynaa oo dulli qaadaneynaa, sidaad wax u xugmineysaan baa xune, adduunyo baan ka
carareynaaye geeri ka carari meyno, haddaan noolaaneyno sharaf baan ku nolaneynaa, hadaa
dhimaneynane shahiidnimo ayaan ku dhimaneynaa".

Sultan sayfu diin quduz waxa uu go'aansaday in uu tataarka ka hor tago uusan sugin inta ay ka soo
gaarayaan dhulka uu xakumo ee masar, waa uu dhaqaaqay waxa uuna sii maray caka oo ahay magaalo
saliibiyiintu ay heestaan waxa uu la galay heshiis ah in muddo dhowrsano ah aysan dagaalin ka dhex
oogmin, cuntada ay ka iibsadaa io wixii ay u baahdaan inta ay falastiin joogaan iyagane waxa uu u ballan
qaaday haddii uu tataarka ka guuleysto in uu ka 8ibin doono fardaka uu kasoo qafaasho tataarka, way
aqbashay caka, qudus waa uu ka sii gudbay ilaa uu ka gaaray caynu jaaluut oo ah goobta uu dagaalka ka
dhici doono.

Caynu jaaluud waa goob banaan waxaa ku hareereysan buuro, buurahaasne keyn baa ka dambeysa,
sultan sayfudiin quduz waxa uu baroorzinka dhigtay caynu jaaluut waxa uuna ka war helay in ciidankii
tataarku uu kala jabay qeyb waxa ay raacday holaako oo u laabtay dhimashada walaalihii, halka intii soo
hartayne uu hogaam uga dhigay katbuqaa, oo asne ahaay dagaal yahan halistiisa wata, quduz waxa uu
adaagsaday khidad dagaal oo cajiiba, ciidankiisa buu kala qeybiyey horin horin buna ka dhigay, waxa uu
sameeyey qeyb muqadamo ah oo uu hogaamiye uga dhigay beybras oo asne ahaay dagaal yahan
rugcadaay ah, barxaddii banaaneyd ayuuna uga tagay, halka intii soo hartay kaynta uu ku qariyey,
ciidankii mangoolka uu hogaaminayo katbuqaa, ayaa soo galay, katbuqaa waxa uu arkay horintii
muqadamada eheyd ee beybras, waxa uuna iska dhaadhiciyey in ciidanka muslimiintu intaas yihiin,
awoodiisa dhan ayuu saaray beybras wax uu iska dhigay qof jabay oo wax yar buu gadaal u gurtay waxa
uuna uga dan lahaay in mangoolku saaxadda so wada galo, kadibne albaabka ay ka soo galeen la xiro
iyagane la baabi'iyo, qudus waxa uu diyaariyey koox kle oo albaabka caynu jaaluud ka dagaal gasha,
mangoolkii waaga baa ku baryey waxa dhaxda ka galeen labo koox oo u soo baxay guul ama geeri,
guutooyin badane way sii dhiman yihiin dagaalkii baa hilboobay, seyfu diin quduz ciidankii keynta ku
jiray dhan buu daagaal galiyey asne dhinac buu ka galay dagaalka isga oo iska siibay koofidii birta eheed
ee madaxa ugu jirtay, isaga oo ficilkaas ku dhiira galinayey ciidanka islaamka, intaas waxa usii dheereyd
in faraskii uu ku dagaalamayey gammuun lala eegtay, wuxuu dagaalka socdaba hogaamiyihii mangoolka
katbuqaa ayaa la dilay, ciidankiisiine halkaas baa lagu jabiyey, waxa uu ahaay jabkii ugu horeyey ee
tataar loo geesto.

You might also like