You are on page 1of 2

Soomaaliya oo xarigga ka jartay qabyo-qoraalka siyaasadda Xeerka Badda .

Muqdisho, 10 Luulyo, 2016 Dukuminti qabyo-qoraal ah oo ku aaddan siyaasadda Badda


Soomaaliya oo looga gol leeyahay horumarinta Xeerka Badda Soomaaliya ayaa taageero ka
helay hayadaha muhiimka ah ee dalka u qaabilsan arrimaha badda iyo hayadaha qaabilsan
horumarinta.
Qabyo-qoraalka siyaasadda ayaa lagu daahfuray munaasabad heer sare ah oo maanta lagu qabtay
amgaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiiin sare oo ka tirsan Dowladda
Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday maamul-goboleedyada, iyo Hayadda IMO ee ka
shaqeysa sharciyiada ilaalinta Xeebaha Caalamka iyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada
Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Xeerka dib-u-eegista lagu sameeyay ee badda ayaa dabooli doona arrimo la xiriira badbaadada
badda, wasakhaynta badda iyo xeerka ganacsiga ee badda.
Soomaaliya waxaa hor yaalla fursado waa-wayn, balse waxay sidoo kale wajahaysaa caqabado
waa-wayn. Waxaan isu diyaarinaynaa inaan si buuxda uga faaiidaysanno khayraadka dalkeenna
xeebaha leh. Waxaan kaloo rajeyneynaa hayadda IMO inay naga caawiso inaan ka
faaiidaysanno fursadahan, iyadoo sidoo kalena naga caawinaysa caqabadaha la xiriira
xirfadaha, ayuu yiri Raysul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carteh oo
guddoominayay daahfurka sharciga dib loo darsay.

Waxaa daahfurkan xigi doona madal ka dhici doonta caasimadda Rwanda ee Kigali laga billaabo
12-ka Luulyo ilaa 15-ka Luulyo, 2016, taas oo lagu lafaguri doono sharcigan, oo gacanta lagu
hayay muddo afar sano ah, Dib-u-hubinta ayaa looga gol leeyahay iin Xeerka Badda Soomaaliya
ee la qoray 1959, kaas wax laga baddalay 1988, in la waafajiyo Xeerka Caalamiga ah ee Badda.
Wasaaradda iyo guud ahaan Dowladda Federaalka ayaa ku faraxsan inay aragto sharcigan oo la
waafajiyay xeerarka caalamiga ah ee badda, wasiirka badda iyo gaadiidka badda, Nuur Faarax
Xirsi ayaa sheegay.
Iyadoo la kaashanaysa Hayadda IMO ee ilaalinta xeebaha caalamiga, Soomaaliya waxay yeelan
doontaa masuuliyado dheeraad ah oo ay ku dhaqangelinayso sharcigan si ay u sugto ammaanka
xeebaheeda.
Maanta waa maalin muhiim ah maadaama aan daahfurayno Sharciga Badda Soomaaliya ee
1959 ee dib loo darsay, kaas oo wax laga baddalay 1988, si loo waafajiyo Xeerka Qaramada
Midoobay ee Badaha (UNCLOS) iyo hab-dhaqannada kale ee wanaagsan ee caalamiga ah si ay
Soomaaliya awood ugu yeelato inay maarayn karto badaheeda oo dhan ee aagga dhaqaalaha
gaarka ah, ayuu yiri sarkaal sare oo UNSOM u qaabilsan arrimaha badda, Eric Brandenburg.
Kiruja Micheni oo ka socday IMO ayaa yiri: Hannaankan waa mid taageero ka helayo
Hayadda Caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha badaha ee IMO oo iyadu codsi ka heshay

Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidaad ka war qabtaan, dalkan wuxuu leeyahay mid ka mid
ah xeebaha ugu dheer Afrika, oo ay ka buuxaan khayraad dhaqaale oo mug wayn leh oo ku jira
badda. Xaqiiqdii, waxaan ku tilmaami karaa Soomaaliya dal hodon ku ah khayraadka badda, si
aad uga faaiidaysataan khayraadkan, waa inaad xaqiiqdii leedihiin nidaam sharci ah oo degsan,
sidoo kale waa inaad leedihiin nidaam hayadeed si fursadahan looga faaiidaysto.
Hayadaha UNSOM iyo IMO waxay taageero farsamo ah ka siinayaan Dowladda Federaalka
Soomaaliya dib u hubinta Sharcigeeda Badda taas oo qeyb ah dadaallada dib u dhiska hayadaha
dowliga ee Soomaaliya.
Dhammaad

You might also like