You are on page 1of 7

SOMALI ARTICLE: IYAGA OO KA QEYB GALAY XUSKA

MAALINTA CAALAMIGA AH EE QM, AYEY MADAXDA


SARE EE HAY’ADDA CAALAMIGA AH HOOSTA KA
XARRIIQEEN TAAGEERADA IYO WADA-SHAQEYNTA
YOOLASHA SOOMAALIYA

SOURCE: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS


RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial broadcast, print,
online and radio use. It is not to be sold on and is restricted for other purposes.
All enquiries to
CREDIT REQUIRED: UNSOM STRATEGIC COMMUNICATIONS
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 26 OCTOBER 2022, MOGADISHU, SOMALIA

IYAGA OO KA QEYB GALAY XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE QM, AYEY MADAXDA SARE
EE HAY’ADDA CAALAMIGA AH HOOSTA KA XARRIIQEEN TAAGEERADA IYO WADA-
SHAQEYNTA YOOLASHA SOOMAALIYA

Muqdisho 26 Oct 2022 – Iyada oo la xusayo Maalinta Qaramada Midoobay ee sanadkan,


ayaa madaxda ugu sareysa hay’adda caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya waxa ay fursad u
heleen inay hoosta ka xarriiqaan balanqaadkooda iyo wadashaqeyntooda dhaw ee taageeridda
dowladda iyo dadka dalka ee dhinacyo kala duwan ee meelaha istiraatiijiga ah.

"Sida aan ku aragno adduunka oo dhan, iyo sidoo kale halkan Soomaaliya, qiyamka iyo
muhiimadda Qaramada Midoobay weligood may aysan soo ahayn kuwa ka muhimsan,” ayuu
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James
Swan, ka sheegay shir jaraa'id oo khadka internetka ah oo uu ku qabtay Muqdisho.

"Istaraatiijiyadeenna waxaa lagu habeeyay Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada


ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Dukumentigan waxa uu si buuxda ula jaan qaadayaa
oo dhab ahaantiina saxiixay dawladda Soomaaliya.” Ayuu raaciyey “Dukumentigani waxa uu
waafaqsan yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee dawladda Soomaaliya, sidaa darteed wax
kasta oo Qaramada Midoobay ay ka qabanayso halkan, Soomaaliya, waxa loogu talo galay in
lagu taageero oo lagu horumariyo ujeedooyinka ay hore u dajiyeen madaxda Soomaaliya.”
Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah (SDCF) ee daboolaya muddada u
dhaxeysa 2021-2025, waa qorshaha istaraatiijiga sanadaha badan ee QM ee hagaya kaalmeynta
wadajirka ah ee xaqiijinta ajendaha 2030 ee Horumarka Waara iyo Yoolaha Horumarka Waara
ee Soomaaliya. Waxaa loo qaabeeyey hortebino ilaa afar ah oo iskabaya oo waafaqsan tiirka
sagaalaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka: siyaasad loo dhanyahay iyo dib-u-heshiisiin, amni
iyo sharci iyo sarreynta sharciga, horumarinta dhaqaale iyo mid bulsho.

Mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbaahinta kula hadlayay
labo maalmood kadib maalinta Qaramada Midoobay oo sanad walba la xuso 24-ka Oktoobar.

Sannadkii 1945-kii, wakiillo ka socday 50 waddan ayaa ku kulmay magaalada San Francisco ee
dalka Maraykanka, shirka Qaramada Midoobay ee Ururka Caalamiga ah, si ay u dejiyaan Axdiga
Qaramada Midoobay, dukumeentiga lagu aasaasay Qaramada Midoobay.

Axdiga Qaramada Midoobay waxaa la saxiixay 26 Juun 1945 wuxuuna dhaqan galay 24kii
Oktoobar ee sanadkaas, markaasoo ay ansixiyeen aqlabiyadda saxiixayaasha – oo si rasmi ah u
unkay Qaramada Midoobay. Tan iyo markii la aasaasay, howlgalka iyo shaqada Qaramada
Midoobay waxaa soo hagayay ujeedooyinka iyo mabaadi'da ku jira Axdiga.

Shirka jaraa’id, Md. Swan waxaa ku wehliyay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud
ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho; Madaxa Xafiiska Taageerada
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay Lisa Filipetto; Ergayga ahna Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan Cuntada Adduunka (WFP), El-Khidir Daloum, oo sidoo kale ah ku-simaha Isku-duwaha
Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa hadal-jeedintiisa ku guudmadmaray seddex


arrin oo istaraatiiji ah isna kabaya oo diiradda lagu saarayo taageerada Qaramada Midoobay ee
Soomaaliya, kuwaas oo la jaanqaadaya Qorshaha Dowladda Federaalka ah: Dowladnimada iyo
Dowlad-dhisidda, Amniga iyo baahiyaha bini'aadannimo iyo horumarinta.

Dowladnimada iyo Dowlad-dhisidda

Isagoo tixraacaya taageerada hay'adda caalamiga ah ee dowlad-dhisidda Soomaaliya ayuu


Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay inay dhaafsiisan tahay caawinta
hannaanka siyaasadda iyo wadahadalka ee ay Soomaalidu hoggaamiso.

"Waxa kale oo ay ku lug leedahay taageeradeenna dowlad-dhisidda Soomaaliya, sida


horumarinta dhismaha dawladaha hoose, taageerada wasaaradaha muhiimka ah sida xuquuqul
insaanka, taageeridda adeeg bixinta hay'ado badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya," ayuu
yiri Md. Swan.

MW. Gbeho, oo ku hadal xigsatay ayaa waxay guudmartay qaar ka mid ah wadashaqeyntii u
dambeysay ee QM iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la xiriirta dadaallada dowlad-
dhisidda. Waxa ay tusaale u soo qaadatay in ay dhawaan la shaqeeyeen Wasaaradda Haweenka
iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

"Barnaamijyadani waxaa ay kala yihiin, ugu horreyn, barnaamijka wadajirka ah ee xuquuqda


aadanaha. Barnaamijkani dowladda kuma caawiyo oo keliya inay awood-siiso, waxa ay leeyihiin
hor-tebin dhinaca xoojinta qaab-dhismeedyadooda ilaalinta, laakiin sidoo kale waxa ay gacan ka
geystaan ka mid qeybgalinta. Dowladdu aad uma danaynayso oo keliya in ay aragto dadka
maqaawiirta ah, kuwa heerka dhexe, laakiin sidoo kale waxa ay daneyneysaa kuwa heer
deegaan, iyadoo ay ka caawinayaan bulshada rayidka ah iyo ururada kale si ay u fahmaan waxa
xuquuqdoodu tahay, taasi oo ay dheer tahay in ay u ogolaato inay awoodaan inay dalbadaan
xuquuqahaas, " ayey tiri MW. Gbeho.

"Sheeko kale oo guul u ah iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo dawladda, si loo
taageero hor-tebinnadoda, waxay ahayd barnaamijka haweenka, nabadda iyo ilaalinta," ayay
raacisay. “Barnaamijkan waxa uu ku saabsan yahay taageeridda haweenka Soomaaliyeed si ay
uga qaybqaataan geeddi-socodka siyaasadda, si ay qayb uga noqdaan geeddi-socodka go’aan
gaarista, in ay kursi ku yeeshaan miiska wadahadalka ee hore u socoshada.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka hadashay


taageerada la siinayo Soomaaliya ee dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka, dib-u-eegista
dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo xoojinta hannaanka baarlamaanka, iyo sidoo kale dadaallada
muddada dheer ee lagu kordhinayo matalaadda haweenka ee baarlamaanka.

Dadaal lagu doonayay in lagu gaaro ugu yaraan 30 boqolkiiba metelaadda haweenka ee geeddi-
socodkii ugu dambeeyay ma guuleysan, iyadoo kuraasta baarlamaanka ay hoos uga dhaceen 24
boqolkiiba oo ay gaareen 20 boqolkiiba oo keliya.

Amniga

Isagoo tixraacaya taageerada laamaha amniga, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey


wuxuu muujiyey doorka UNSOS, oo si dhaw ula shaqeysa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee
Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamada amniga Soomaaliya.

“Hase ahaatee amnigu, sida iska cad, waa uu ka badan yahay kaliya in la taageero ciidamada
ammaanka – marka waxaan qaybtan ku daraynaa shaqada xasilinta meelaha laga saaray Al-
Shabaab. Waxaan ku daraynaa ka shaqaynta taageerada dadaallada dowladda ee kahortagga
xagjirnimada hubeysan, iyo taageeridda waaxaha garsoorka iyo asluubta,” ayuu yiri.

Intaa kaddib, waxa ay Marwo Filipetto hadaljeedinteeda ku xustay wada shaqaynta dhaw ee ay
UNSOS la leedahay maamullada Soomaaliya.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan taageerno aragtida dadka Soomaaliyeed iyo dowladda ee ah
Soomaaliya nabad ah, oo ammaan ah. Hase ahaatee, waxa kasta oo aan qabanayno, waxaan
dhab ahaantii, si waafaqsan waajibaadkeenna, taageero aan halis ahayn siinnaa ciidamada
Midowga Afrika iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya dhanka dagaalka lagula jiro
argagixisanimada ee Soomaaliya, iyo dadaalladooda ay ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda
dalkan,” ayay tiri Marwo Filipetto.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhawaanahan howlgallo ciidan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab
ka wada gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka
go’an tahay in ay soo afjarto khatarta kooxda mintidka ah.

“Hadda waxaan diiradda saaraynaa waa inaan taageerno howlgallada socda… waxaana runtii
rabaa inaan bogaadiyo geesinimada dhammaan ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sidoo
kale Midowga Afrika iyo bulshooyinka. Waxa aan ku bogaadinayaa geesinimada ay ku
muujiyeen dadaalkan,” ayay raacisay. "Waan ognahay in dagaalku yahay mid adag, wuxuuna u
baahan yahay geesinnimo badan."

Marka laga soo tago inay taageerto ilaa 13,900 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah iyo 19,000
nabad ilaalineed oo ATMIS ah, UNSOS waxa ay sidoo kale taageeraysaa dib-u-habaynta
howlgalka Midowga Afrika si uu u noqdo ciidan dhaqse u dhaqdhaqaaqi kara una guurguur
badan, iyada oo laga jawaabayo sharciyadda ay soo saareen Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey.

Horumarka

Dhinaca saddexaad ee taageerada muhimka ah – waa wax ka qabashada baahiyaha


bini’aadminnimo iyo horumarka mustaqbalka fog ee Soomaalida – Ergayga Gaarka ah ee
Qaramada Midoobey waxa uu tilmaamay xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada qaybood,
kuwaasoo inta badan loo tixraaco xiriiriyaha bini’aadminnimada, nabad-dhisidda iyo dadaallada
horumarineed.

“Waxay isku mar ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay in laga jawaabo baahiyaha naf-
badbaadinta deg degga ah ee Soomaalida, iyo sidoo kale in laga shaqeeyo sidii loo horumarin
lahaa awooddooda mustaqbalka, iyo awoodda uu waddanku u leeyahay inuu soo saaro hanti si
uu wax uga qabto shuruudaha ku hoos jira barnaamijka dalalka qaameysan ee saboolka ah
(HIPC). Waa hindise lagu doonayo in lagu horumariyo waxbarashada caafimaadka iyo qaybaha
kale ee bulshada," ayuu Md. Swan xusay.

Isaga oo ka hadlayey shirka jaraa’id, ayuu Md. Daloum ka hadlay horumarka iyo caqabadaha
dhanka horumarinta Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqay ballanqaadka QM ee
taageeridda waddada dib-u-soo kabashada iyo horumarka waara. Si gaar ah, horumarka ay
Soomaaliya ka sameysay hindisaha dalalka qaameysan ee saboolka ah (HIPC) ayaa la
guudmaray.

Hindisaha HIPC waxaa sanadkii 1996-kii bilaabay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo
Bangiga Adduunka, ujeeddaduna waxay tahay in la hubiyo in waddan sabool ihi uusan la kulmin
culays daymeed oo uusan maamuli karin. Waxay isu keentaa xubnaha beesha caalamka ee
maaliyadda, kuwaasoo ay ku jiraan ururrada caalamiga ah iyo dowladaha, si ay uga wada
shaqeeyaan hoos u dhigista culayska daynta ilaa heerar waari kara marka la eego dalalka
saboolka ah ee daymaha badan lagu leeyahay, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Marka la eego baaxadda horumarka, dalalku waxay u baahan yihiin inay gaaraan waxa loogu
yeero 'Barta Go'aanka', tillaabadaas oo lagu xaqiijinayo u-qalmitaanka waddan u helayo dayn-
cafinta, iyo in xiriirka uu la leeyahay hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si buuxda dib
loogu habeeyo. Soomaaliya ayaa heerkaas gaartey Maarso 2020.Tillaabada labaad waxaa loo
yaqaan 'Barta Dhamaystirka' oo ah in waddanku uu buuxiyo shuruudo gaar ah, oo ay ku jiraan
dib-u-habaynno, kaddib marka uu helo dhimis qaameed buuxda oo aan laga laaban karin ee
daynta la heli karo.

Faallooyinkii ugu dambeeyey ee ay bixiyeen saraakiisha IMF waxay tilmaameen in Dowladda


Federaalka Soomaaliya ay sii wadayso dadaallada ay ku aaddan geeddi-socodka dayn-cafinta ee
barnaamijka HIPC, waxaana Barta Dhamaystirku ay u muuqataa mid ay macquul tahay in la
gaaro dhammaadka 2023.

“Intii ay ku guda jirtay xilliga kalaguurka sanadkii tagay, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya
waxa ay sii waday in ay gaarto ajendaha dib-u-habeenta barnaamijka HIPC ee mugga weyn, kaa
oo ay ku taameyso in ay soo gabagabeyso dhammaadka sanadka 2023. Marxaladdan, waxa aan
arki doonaa cafinta deymo muhiim ah oo ay cafiyaan bulshada caalmaka,” ayuu Md. Daloum
xusay.

Ben’aadanimada
Arrimaha beni’aadanimo ee Soomaaliya, waxaa shirka jaraa’id lagu soo qaaday xaaladda daran
ee ay malaayiin Soomaali ah ku sugan yihiin ee ay sababtay abaartu- taas oo ah tii ugu xumeyd
muddo afartan sano ah, iyada oo ay afar xilli roobaad oo is xig-xiga ay baaqdeen.

Tobannaan sano oo colaado hubeysan, xasillooni darro siyaasadeed, barakac daba-dheeraaday


iyo sidoo kale saameynta ba’an ee isbeddelo degdega ah oo cimilada ah, ayaa malaayiin dad ah
khatar u geliyey macluul.

“ waxa aan, nasiib darro hadda wajaheynaa xilli-roobaadkii shanaad oo baaqda waan in aan
hadda tallaab qaadnaa. Macluul ayaa laga saadaalinayaa koofurta Soomaaliya ka hore
dhamaadka sanadka hadii aanan kaalma beni’aadanimo si deg deg ah loo kordhin loona helin.”
Ayuu yiri Md. Daloum.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee kaalmada u baahan waxa ay ka korortay 3.2 milyan bilawgi
sanadkan iyada oo hadda mareysa 7.8 milyan oo ah ku dhawaan kala bar tirada shacabka
Soomaaliyeed. In ka badan 1.1 milyan oo qof ayaa barakacday.

Dhibaatada abaartu waxay dhaaftay qorshaynta bini'aadannimo ee hore loo qiyaasay. Tani
waxay horseeday in Qorshaha Waxqabadka Bani'aadannimada ee 2022 dhawaan dib loo eego
ilaa $1.1 bilyan oo ah waxa ka haray sanadka 2022 si looga hortago macluul ka dillaacda
Soomaaliya. Markii hore, qiyaastii $1.46 bilyan ayaa loo raadiyay qorshaha sanadka 2022 -
iyadoo dib u eegis lagu sameeyay dhowaan, waxa uu hadda loo raadinayaa $2.26 bilyan.

Muuqaalka mustaqbalka

Gabagada faaladiisa waxa uu mudane Swan sidoo kale ka hadlay dhammaadka soo fool leh ee
shaqadiisa ee ka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ahaan iyo
Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) – kaasoo uu
qabtay in ka badan saddex sano kahor.

Waxa uu ku eegay calaamadaha dhiirigelinta leh ee uu la kulmay inta uu shaqadan hayey.


Waxaa calaamadaha ka mid ahaa dadaallada kordhay iyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda
Federaalka iyo hoggaanka shanta Maamul-goboleed ee dalka ka jira; dareenka gaarka ah ee
siyaasadda muhiimka ah iyo barnaamijyada mudnaanta guud u leh ajendaha horumarinta
dalka, oo ay ku jiraan Hindisaha HIPC; iyo taageeridda xooggan ee la siinayo hindisayaashii ugu
dambeeyey ee Soomaaliya ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku jiraan xasilinta
meelaha ay ka xoreeyeen kooxda argagixisada ah.

“Waxaa aan tagayaa aniga oo rajo weyn u haya Soomaaliya–qeyb ka mid ku rajo wayninkayga
marka aan eego mustaqbalka Soomaaliya, in kasta oo ay jiraan dhammaan caqabadaha ay
wajaheyso, waxaa misna ka mid ah in aan ahay qof dalkan si aan joogto ahayn uga soo
shaqeeyey muddo ku dhow 30 sano si aan u arko horumarka wayn ee tayada
hoggaamiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta muhiimka ah, dhanka dowladda dhexe iyo heer maamul-
goboleedyadaba, kor u kaca kartida, kor u kaca waxtarka, kobcinta xirfadaha, kobcinta isku
kalsoonida, ayuu yiri Md. Swan.

“Run ahaantii aniga qudheyda waxaan si weyn ugu kalsoonahay in kooxdan hogaaminta,
dhallinyarada Soomaaliyeed, Soomaalidii horay khibradda u lahayd ay sii wadi doonaan inay
horumar u sameeyn doonaan dalkan iyo dadkiisa, Qaramada Midoobeyna waxaa weligeed ka
go’an inay taageerto dadaalladaasi.”

You might also like