You are on page 1of 4

BOOQASHO AAN HORE LOO SII SHAACIN OO UU MUQDISHO

YIMID, WAXA UU MADAXA QM KU BAAQAY “TAAGEERO


CAALAMI AH OO AAN LOO KALA HARIN” OO LOO FIDIYO
SOOMAALIYA

SOURCE: UNSOM Strategic Communication and Public Affairs Group (SCPAG)


RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial broadcast, print, online
and radio use. It is not to be sold on and is restricted for other purposes.
All enquiries to
CREDIT REQUIRED: UNSOM Strategic Communication and Public Affairs Group (SCPAG)
LANGUAGE: SOMALI
DATELINE: 11 APRIL 2023 - MOGADISHU, SOMALIA

BOOQASHO AAN HORE LOO SII SHAACIN OO UU MUQDISHO YIMID, WAXA UU


MADAXA QM KU BAAQAY “TAAGEERO CAALAMI AH OO AAN LOO KALA HARIN” OO
LOO FIDIYO SOOMAALIYA

Muqdisho – Isaga oo sii wata dhaqankiisa ah samaynta booqashooyin garab-istaag ah oo uu ku


tagayo dalalka muslimiinta ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa uu
madaxa Qaramada Midoobay maanta soo gaaray Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay
baahida wadashaqeynta caalamiga ah si dalka looga samata-bixiyo xaaladda daran ee
beni’aadanimo loona taageero dadaallada dowlad-dhiska.

“Waxa aan sidoo kale halka u joogaa inaan ka shanqariyo baahida loo qabo taageero caalami ah
oo ballaaran, taageero caalami ah oo ballaaran oo loogu baahan yahay xaaladda adag ee
beni’aadanimo darted, taageero beni’aadanimo oo ballaaran oo la xiriirta dhismaha awoodda
amni ee Soomaaliya, taageero beni’aadanimo oo ballaaran oo la xiriirta xasilinta iyo
horumarinta dalka,” ayuu sheegay Xoghayaha Guud ee QM ka António Guterres oo ku sugan
caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

"In kasta oo Soomaalidu aanay wax gacan ah ku lahayn isbeddelka cimilada, haddana
Soomaalidu waxay ka mid yihiin dhibbanayaasha ugu badan. Ku dhawaad shan milyan oo qof
ayaa la kulma heerar sare oo cunto yari aad u daran ah.
Dabcanna, sare u kaca sicirka ayaa ka sii daraya. Markaa waxaan ugu baaqayaa deeq-
bixiyeyaasha, iyo beesha caalamka inay xoojiyaan taageeradooda,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Madaxa Qaramada Midoobey ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u wada
qabteen isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ka dhacay
xarunta madaxtooyada Soomaaliya, wax yar kaddib markii uu ka soo degay magaalada
Muqdisho. Markii ugu dambaysey oo uu Soomaaliya booqday waxay ahayd lix sano ka hor.

Malaayiin ayaa baahan

Gelinkii dambe ee Talaadadii, isagoo uu wehliyo Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadminnimo ee


Soomaaliya, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale ah Xigeenkiisa Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya,
ayuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey waxa uu indhihiisa ku arkay qaar ka mid ah
dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee dalka ka dhacay
xilli uu booqasho ku tegay xero ay ku jireen dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada
Baydhabo ee xarunta u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Laba qoys oo uu kula kulmay xerada ADC.

Qoyska koowaad ayaa waxa ay socdaaleen masaafo dhan 105 KM oo lug iyo gaari-dameer ah si
ay usoo magangalaan magaalada Baydhabo sanadkii hore kaddib markii ay dhamaan xoolihii ay
dhaqanayeen ay ku dhamaadeen abaaraha socda. Qoyska labaad ayaa sidaas oo kale sameeyey
kaddib markii ay xoolihii ka dhinteen, waxayna u safreen ilaa 70 kiiloomitir si ay gargaar u
raadsadaan.

“Waxaa la joogaa waqtigii beesha caalamku ay abaabuli lahayd taageero badan, taageeridda
Soomaalida si loo dammaanad qaado ammaanka dadkooda iyo la dagaallanka argagixisada, in la
taageero Soomaalida si loo xalliyo mashaqooyinka bini'aadminnimo ee aan ka marqaatiga uga
nahay xeradan oo kale. Iyo in Soomaalida lagu taageero sidii loo abuuri lahaa xaalado ay ku
dhisaan adkaysiga dadkooda iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa waddo
horumar ay ku gaaraan,” ayuu yiri Md Guterres kulammada kaddib.

"Bisha barakeysan ee Ramadaan," ayuu ku sii daray, "waxaan u baahannahay inaan gacan
deeqsinnimo ka helno beesha caalamka taasoo aad muhim ugu ah badbaadinta dadkan aan ku
soo arkay xeradan, oo ku nool duruufo aad u daran."

Hadda, ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed – 8.25 milyan oo qof – waxay u baahan yihiin
gargaar beni-aadannimo oo naf-badbaadin iyo kaalmo ah taasoo ay ugu wacan tahay
jahawareerka cimilada, kuwaas oo ay ku jiraan shan sano oo xiriir ah oo roob-yaraan ah, iyo
colaado daba-dheeraaday, sida laga soo xigtey Xafiiska Isku xirka Arrimaha Bini’aadminnimada
ee Qaramada Midoobey (OCHA).

Dadkaas, ilaa 3.8 milyan ayaa ku barakacay dalka gudihiisa, ku dhawaad shan milyan oo qofna
waxaa soo wajahay heerar sare oo cunto yari ah. Ku dhowaad 1.8 milyan oo carruur ah ayaa
waxaa haysa nafaqo-xumo ba'an, siddeed milyan oo qofna ma helaan biyo ku filan, fayadhowr
iyo nadaafad. Saddex meelood labo meel dadka ku nool meelaha ay abaaruhu saameeyeenna ma
helaan daryeel caafimaad oo asaasi ah.

Qorshaha gurmadka beni’aadannimo ee 2023-ka si loo daboolo baahiyaha Soomaaliya waxay u


baahan tahay $2.6 bilyan oo Doollar si loo caawiyo 7.6 milyan oo qof - laakiin maalgelinta uu
helay waxay taagan tahay qiyaastii 15 boqolkiiba, illaa hadda.

Kulankii hore ee uu warbaahinta kula hadlay Muqdisho, madaxa Qaramada Midoobey wuxuu
beesha caalamka ugu baaqay inay "si deg deg ah u maalgeliyaan" Qorshaha.
"Dadka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in beesha caalamku ay garab istaagto, wayna mudan
yihiin in laga hortago nafaqo-xumada iyo barakaca, si loo badbaadiyo nolosha, loogana hortago
macluusha," ayuu yiri.

Taageerada dowlad-dhisidda

Shirka jaraa’id ka hor, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la kulmay Madaxwaynaha
iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada iyo la-taliyeyaasha, isagoo kala hadlay arrimo kale oo ay ka
mid yihiin yoolalka dowlad-dhisidda ee ballaaran, iyadoo ay wehlinayso Xigeenkiisa Ergayga
Gaarka ah ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho oo sidoo kale ah ka mas’uul ah Howlgalka Kaalmaynta
Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM).

"Madaxwaynaha iyo anigu waxaan ka wada hadalnay dadaallada qiimaha leh ee ay dowladdu
ay ugu jirto sidii ay wax uga qaban lahayd argagixisannimada, horumarinta nabadda iyo
ammaanka qof walba, waxaana hoosta ka xarriiqnay muhiimadda ay leedahay wadashaqayn
xooggan oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo [Maamullada]," ayuu yiri Md. Guterres.

"Mas'uuliyiinta Federaalka iyo [Maamullada Federaalku] waxay ku tashan karaan


taageeradeenna dhismo dowladeed oo horumarsan," ayuu sii raaciyey, "waxaana si gaar ah noo
dhiirrigeliyay heshiiskii dhawaan la gaarey ee la xiriirey arrimaha kala duwan ee awood
qaybsiga."

Madaxa Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay xoojiyaan
taageerada ka baxsan dhanka beni’aadanimada, si ay uga caawiyaan Soomaalidu “inay awood u
yeeshaan inay billaabaan hannaan cusub oo xasilinta iyo horumarka dalka ah islamarkaana ay u
dhisaan awooddooda si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyaga oo leh hufnaan kasii badan
marka loo eego waqtiyadii la soo dhaafay.”

Bilihii la soo dhaafay, Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya oo ay xoojinayeen malleeshiyaad


degaanka ah, ayaa fuliyey howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka wadeen
Maamullada ka tirsan Dowladda Federalka ee Hirshabelle iyo Galmudug, waxaana la filayaa inay
si tartiib tartiib ah ugu sii gudbaan Gobollada dalka Soomaaliya.

La kulanka bulshada rayidka


Sidoo kale Talaadadii, madaxa Qaramada Midoobey wuxuu la kulmay wakiillo ka socdey ururrada
bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya arrimaha haweenka iyo awoodsiinta, isbeddelka
cimilada, dadka naafada ah, dhalinyarada iyo kooxaha la haybsooco si uu dhagihiisa ugu maqlo
howlohooda iyo sida hay’adaha caalamiga ihi ay awood ugu yeelan karaan taageero la siiyo iyaga.

Qaybihii dambe ee fiidnimada isagoo ay wehliyeen xubno ka socdey Dowladda Federaalka iyo
wakiillo ka socdey beesha caalamka, ayuu ka qaybgalay afur, oo ah cunnada loo diyaariyey
qorrax dhaca kaddib si ay ugu afuraan dadka muslimiinta ah ee soomman inta lagu guda jiro
bisha Ramadaan.

Madaxa Qaramada Midoobey ayaa billaabay dhaqankiisan ah in uu sameeyo booqashooyin


garab-istaag ah - taasoo ay ku jirto isaga oo sidoo kale soomaya - inta lagu guda jiro bisha
Ramadaan, markii uu ahaa Wakiilka Sare ee Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey, kahor
inta uusan qaban xilka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobey 2017-kii. Waxa uu horay u sheegay
in la soomidda Muslimiinta ee bisha Ramadaan, sannado badan, ay tustay isaga "wejiga dhabta
ah ee Islaamka."

Shirkiisii jaraa’id ee uu maanta ku qabtay Muqdisho, waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka


muuqato “farriinta aan dhicin ee rajada iyo cusboonaysiinta ee bisha Ramadaan.”
"Waqtiyadan adag, waxaan rabaa inaan idinku ammaano tamartiinna iyo adkaysigiinna oo aan
ku celiyo taageerada aan kala go'a lahayn ee Qaramada Midoobey," ayuu yiri Md. Guterres.
"Waxaan u taagannahay taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya –
dhanka nabadda, amniga iyo horumarka waara."

*End*

You might also like