You are on page 1of 3

Guulaha la gaaray iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed ayaa loogu

dabaaldegay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Qeybta Badda

TRT: 7:53
SOURCE: UNSOM Strategic Communication and Public Affairs Group
(SCPAG)
RESTRICTIONS: This media asset is free for editorial broadcast, print,
online and radio use. It is not to be sold on and is restricted for other
purposes.
All enquiries to
CREDIT REQUIRED: UNSOM Strategic Communication and Public Affairs
Group (SCPAG)
LANGUAGE: ENGLISH/SOMALI/NATURAL SOUND
DATELINE: 18 MAY 2023 - MOGADISHU, SOMALIA

Guulaha la gaaray iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed ayaa loogu dabaaldegay Maalinta
Caalamiga ah ee Haweenka Qeybta Badda

Muqdishu, 18 Maajo 2023 – Guulaha la gaaray iyo karaanka haweenka Soomaaliyeed ee


waaxda badda ayaa maanta lagu xusay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee
Haweenka Qaybta Badda.
“Tani waa maalin loo dabaaldegayo haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadanaya
‘dhaqaalaha buluugga ah’. Dowladda hadda jirta waxa ay soo garwaaqsatay qiimahooda
(haweenka), waxaana ka go’an inay haweenka siiso fursado siman oo waaxda badda ah,” ayey
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Khadiija Diiriye, ka
sheegtay furitaanka munaasabadda xuska oo ka dhacday caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
Kulanka ayaa isu keenay daneeyeyaal kala duwan oo ka socday qaybta badda Soomaaliya, sida
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,
saaxiibada caalamka, Waaxda ganacsiga gaarka loo leeyahay, aqoonyahano, ururrada bulshada
rayidka ah iyo Qaramada Midoobay.
"Dabaaldegga noocaan oo kale ah waxa uu muujinayaa in haweenka ka hawlgala guud ahaan
badda wadanka la siiyo muuqasho iyo fursado siman si ay uga qaybqaataan ugana
faa'iidaystaan waaxda badda," ayey hadal-jeedinteeda ku sheegtay, Ku xigeenka ergeyga
Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki
Gbeho.
“Daah-furkii dhawaantan ee Soomaaliya ee istaraatiijiyad ‘Dhaqaalaha Buluugga ah’ oo uu
yoolkiisu yahay sare u qaadida haweenka ee dhammaan dhinacyada badda wadanka ayaa
tusaale u ah muhiimadda sii kordheysa ee Soomaaliya ay siineyso ka qayb-qaadashada
haweenka ee mustaqbalka buluugga ah ee dalka,” ayey sii raacisay.
Munaasabada ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta
Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taageero ka heleysa
Hawlgalka Awood-dhiska Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia) iyo Hawlgalka
Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Iyada oo leh xeeb ballaaran oo qiyaastii 3,300 kiiloomitir ah, kuna taal meel istaraatiiji ah oo
dhacda marinnada maraakiibta caalamiga ah ee muhiimka ah, waaxda badda ee Soomaaliya, oo
leh kheyraad biyood badan, ayaa loo arkaa inay leedahay awood dhaqaale oo aad u weyn..
Qorshe-howleed
In kasta oo ay jirto awoodda waaxda badda, waxa jirta yaraanta khibrad ku filan dhanka badda,
taas oo ay ugu wacan tahay awoodda hay’adeed iyo waxbarasho oo liidata. Intaas waxaa dheer,
sinnaan la'aanta jinsiga ee aan laga guul gaarin, taas oo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed
ka xayuubinaysa xuquuqaha lagama maarmaanka ah iyo fursadaha sida helitaanka
waxbarashada badda iyo ka qaybgalka dhaqaalaha.
Si wax looga qabto caqabadahan, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bishii Febraayo
2023, daah-furtay Qorshe-howleedka Qaran ee Haweenka ku jira Waaxda Badda (WiMS).
Qorshe-howleedka waxaa looga golleeyahay in kor loo qaado laguna awoodsiiyo haweenka
Soomaaliyeed waaxda badda dalkooda, iyadoo loo marayo kordhinta fursadahooda, lana
guudmarayo guulaha ay gaareen. .
Hannaanka oo ay Soomaalidu hoggaamiso ee Qorshe-howleedku waxa uu soo billaabmay 2019-
kii, waxaana lagu diyaariyay hab loo wada dhan yahay oo ay ka qayb-galeen wasaarado kala
duwan oo ka kala socday dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda
Faderaalka ee dalka, iyagoo taageero ka helaya EUCAP Somalia iyo UNSOM.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi
Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda ayaa guudmaray baahida loo qabo in
haween badan ay helaan xirfadda badda, waxa uuna bogaadiyay dadaalka haweenka
Soomaaliyeed ay gacanta uga gaysanayaan.
“Waxaan ku ammaanayaa haweenka Soomaaliyeed shaqada heerka sare ah ee ay qabteen.
Waa kuwa ugu muhiimsan ee qoysaska intooda badan biila, iyagoo dakhli ka hela beeraha,
kalluumeysiga ama ka ganacsiga hilibka. Waxay inta badan ragga kaga fiicnaadeen wax-soo-
saarka dhaqaale, waxayna mudan yihiin taageero dheeraad ah,” ayuu yiri.
Sheekooyinka Haweenka
Marka laga soo tago khudbadaha, sidoo kale waxa ay ka qaybgalayaashu haween Soomaaliyeed
ka dhagaysteen, iyagoo ka sheekeeyay qisooyinkooda iyo guulaha ay ka gaareen dhanka badda.
“Waxa aan abaal weyn u hayaa dumarkii igula taliyay waaxda badda. Waxa aan raacay
taladooda, waxaanan billaabay ganacsi guulaystay ee habaynta kalluunka, anigoo kaashanaya
carruurtayda,” Milkiilaha shirkadda kalluumaysiga Hiba ee fadhigeedu yahay Muqdisho,
Malyuun Sheekh Xaydar, ayaa sidaas ku tiri muuqaal la sii duubay.
"Waxa aan ku faraxsanahay inaan arko haween dhallinyaro ah oo ku biiraya waaxda badda.
Waxaan u baahannahay jiil na bedela oo nagala wareega, isla markaan horumariya dalka, kana
faa’iidaysta kheyraadka ka soo baxa xeebaheenna baaxadda leh” Agaasimaha Maamulka Badda
Soomaaliya Faadumo Jilicow, ayey ku tiri muuqaal la sii duubay.
Ku darid ka ballaaran
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa sidoo kale hadal-jeedinteeda ku
sharaxday muhiimada ay leedahay in la yaqiinsado sinnaanta jinsiga ee guud ahaan haweenka,
iyadoo xustay in loo baahan yahay in looga guuleysto dhammaan dhinacyada dhaqanka
Soomaaliyeed.
"Qodobka 3.5-aad ee dastuurka ayaa qaba in haweenka si wax-ku-ool ah loogu daro dhammaan
hay'adaha qaranka, waana in aan ka shaqeynaa sidii arrintan looga dhabeyn lahaa," ayey tiri
Marwo Khadiija.
Iyada oo ka falcelinaysa dareenkan, Marwo. Gbeho waxay dib u xaqiijisay ka go’naanta
Qaramada Midoobay ee inay taageerto dadaalka Soomaaliya ee lagu awoodsiinayo haweenka
dhammaan waaxyaha kala duwan ee Soomaaliya.
“Ka Qaramada Midoobay ahaan, waxa aan ballanqaadeynaa in aan sii wadno in aan Soomaaliya
ku wehelinayno qorshihiinna dowlad-dhisidda – safar uu soo galayo ka qaybgalka buuxa ee
haweenka ee qaybta badda iyo safar ku dhammaanaya nabad, xasilloon, iyo Soomaaliya oo
barwaaqo ah, halkaasoo iyadoo ay haweenku ku jiraan, aan cidna laga tegin,” ayey tiri
mas’uulka Qaramada Midoobay.

You might also like