You are on page 1of 76

Axmed Cabdillaahi Aw Axmed Gufaaco

Buug Suugaameedka Xikmadda Qarniga

Ilaahay midheheena

Muush barbaara ka yeel

Iyo beelo masruura .

Illaahay magaceena

Maqaamkiisa culaa iyo.

Ciliyiinta ku muuji

Illaahay maskankeena

Masnadiisa fardawsiyo

Masaajiidda ka yeel .

Illaahay miyirkeeniyo

Mawjadaa qalbigeena

Murtidiisa ku dooji

Abwaan Axmed C/laahi Aw Axmed

{GUFAACO}

Hor dhac

Gabayada (DIINTA) ah.

Ma ogtahay dubaaxdiyo

Dirka iyo qaraabada

Diimaha illaahay

Inay daw ka bixiyeen

Ooy walaalka diintiyo

Dariskaad la nooshiyo

Riximkaaga dihashadu
Kala darajo roonyiin

Ma ogtahay ducaadiyo

Khayrka daah furkiisiyo

Digniintaada guud iyo

Duxda weedha aakhiro

In dariiqo loo maro

Ooy walaalka diintiyo

Dariskaad la nooshiyo

Riximkaaga dihashadu

Kala darajo roonyiin

Dushuunbaa qof laga yahay

Diirka waynu simanahay

Deeqaha illaahay

Darajada aqoontana

Ninba dawliskii maal

Darkoo loogu wada shuubay

Tiiyoon duudka lagu qaban

Uunku deeqda kula rabo

Waxaan daayin kuu qorin

Dibnahaaga mari waa

miyaan deebta xuladkiyo

Dhimbiishaada daarani

Tiiyoon dariska lagu dhibin

Darxumada dhashaadiyo

Dharyahaagan darabta a

Doolakha ka biinayn
Dayr cadkeena ramadkiyo

Anoo dalawo kuu madhay

Maxaa dala’si kuu galay

Adigoon dilkaagiyo

Dawadaa kala baran

Bal maxaad la duushaa

Doobir taadu badanaa

Dabinada hadoodilan

Adoo dawga suudala

Duuflaal haddaad tahay

Maxaan daabbaddaydiyo

Dushaydaba ku saara

Marbaan dibinta ruugaye

Allaah (swt) waxa uu abuuray maqluuqaad kala duwan oo badan in aynu naqaano oo la ina baray iyo in
alle(swt) uun ogyahay

Inta aynu ognahay waxaa ka mid ah abuurteena basharka ah iyo thaqalaynka (dadka. Jinka.iyo
malaa’iikta) iyo khalaaiiq tiro badan oo aan la soo koobi Karin.

Allaah (swt) waxa uu inoo abuurtay cibaado, cibaadaduna waxa ay ku jirtaa diinta taa aawadeed waxa
waajib ku saran ah in aad barato diinta islaamka

diintu waxa aydagtaa quluubta , quluubtuna waxa ay kala leedahay jaranjarooyin ay wax ku xafido , wax
kastana waxa ay xafidaa inta ay aaminsantahay.

Imaankuna waa sida dhinbiisha ama dhuxul dab ah oo si fiican dabku u qabsaday.

Dhuxusha dabka ahna waxa lagu yaqaanaa in marka ay in door ah baxdo uu dambas fuulo ama qariyo.

Waa in aynu quluubteena banbaska ka afuufnaa si aynaan u dibjirin

Haddaba si aynu iimaankeena dambaska fuulay uga afuufno waxaynu samayn doonnaa baraarujin kala
duwan oo soo jeedisa bulshadeena ku abtirsata diinta macaanka, naxariista iyo bushaarada badan ee
islaamka.inaga oo adeegsanayna wax kasta oo mudaakiro iyo xus inoo kordhinaya.

Baraarujinteenan waxaynu u adeegsanaynaa suugaanta oo fure u ah dareenka


Tusaale (timo,gabay iyo dareen-shacar-shicir-shucuur) intuba waa kalmad qudha oo siiqada odhaahda
ku kala duwan

Buugan waxa aynu ku baran doonnaa magacyada allaah (swt)

Awalan cilmiga asmaa’adu waa aqoontii uu allaah (swt) ku khaliifay abuunaa AADAM (cs)

waayo cidina cid ama shay aanay aqoonsan waxna kama kororsato waxna uma kordhiso

dhakhtarka saldhiga dugsiga iyo meel kasta oo bulsho loogu shaqaynayo inta aan wax kale lagu waydiin
waxa ugu horreeya ee lagu waydiiyo ayaa ah in la aqoonsado magacaaga

shay kasta waxa uu qabto waxa ka turjumaya magaciisa

meel kastana waxa aad ugu tagayso waxa aad ku fahmaysaa magaca loo bixiyey meeshaasi.

Cibaadaduna waa wixiin laguu abuuray

Cimliguna waa waxa lagugu doortay

Waa xaq iyo xil lagaa wada rabo

!Hadaanad aqoon lahayn

Bulshada kama tirsanid

Waxba kuma tartid - waxn kama taransatid - wixii laguu tarayna ma ogin

Xor ma tihid – xorayn maysid – lagumana xoray karo

Horumar ma gaadhaysid

Lagaa badbaadi mayo Lagugu badbaadi mayo

Naftaada dawayn maysid - Tu kale daryeeli maysid

Janadana aqoonbaa lagu galaa _ Cadaabtana jahlibaa ku geeya

GABAYGA ASMAA,DA

Abwaan; axmed cabdilaahi aw axmed

(gufaaco-dariiqo)

Alle (swt) waxa u sugnaaday 99 MAGAC oo wanwanaagsan qofka xafidaana waxa uu galay janada.

Intaa ka bacdi waxan ku tashaday in aan hab suugaamaysan ugu sharxo dadka somalida ah asma,yada
illaahay si ay dadka u soo jiidato.
Qaafiyada gabayga

Qaafiyada gabaygu waxay u dhigantahay qaab cajiib ah

Tusaale; (m g c_a l h) oo u dhiganta sidan oo kale

Magaca_allaah marka lagu daro shibanayaasha yaryar

Qaafiyada miimka ah ama (M)

• Allaahu

Muhashada naftaydiyo

inta aanan miimkiyo

macnihiyo ujeeda

maraqxoorka uga furin

allaan mahad naqiisiyo

ku bilaabay magacii

mudanaa oo nasahanaa

ISAMka koowaad ee ALLAAHU waa ISMUL JALAALE naxwe ahaan sidii aan u fahmay waan iska daayey oo
kumaan macnaynin sidaaa darted waan ku mahadiyey si aanay uga dhalan macnaha fitan islaamiya

Macnaha aan ka tagay. alifka iyo laamka hore (AL) waxay muujinayaan magac ahaanta weedha laamka
iyo ha’da godanina (lahu)waxay muujinayaan sifaha oo ah u sugnaatay marka alifka iyo laamka lagu daro
waxay noqonaysaa AL’LAHU oo macneheedu noqonayo lehe taas oo muujinaysa lahaanshaha uu wax
waliba mulkigiisa ku jiro

• Al raxmaanu

Adigaan macbuudoow

Hadday murugto xaajadu

Raxmadaadu madhanoo
Miciin hagar la’aaneed

Ku macsuuma uunkee

Maayad same raxmaanoow

Mug waynaa gacantaadu

ALRAXMAANU waxay muujinaysaa illaahay raxmadiisa baalaadhan ee wada gaadhsiiyo uunka oo dhan
taasi oo noqonaysa mid uu gaadhsiiyo muslimiinta iyo gaalada xayawaanka daciifka ah iyo xayawaanka
qawiga ah daalinka iyo madluubka cid walbana uu gaadhsiiyo deeqdaasi markay ugu yartahay waxaynu
ka soo qaadan karnaa neecawda hawada ee mar kasta inagu sicota ee meel kasta inoogu timaada

waxa dareemi kara qofka ay oksajiintu ku rakibanyahay ee hawada qaadan kari waaye

• Al raxiimu

Adigaa makhluuqaba

mu’miniinta khaaska ah

gaar uga macsuumee

magac same raxiimoow

madashii rasuulkiyo (scw)

midhihii fardawseed

ku macsuumtay nabiyada(cs)

inta meel la joogteen

ka maqnaanin naga yeel.

ALRAXIIMU waxay muujinaysaa illaahay raxmahiisa khaaska ah ee uu siiyo cida uu doono oo qudha sida
Rususha Anbiyada Mu’miniinta Awliyadiisa oo dhan. `W2Q1 BC IJUHYGFDBHNJM,. C0060

Sidaa darteed anna waxaan inoo waydiiyay janadiisa iyo inaynu la maaqaam noqono rafiiqiisa sarsare
sida Ulul cazmiga rususha oo janada aynu meel ka wada dagno waayo waxa ugu qaalisan janatul
firdawda dhexdeedana waxa ugu qaalisan booska rasuuku scw dagay

• Al malikku

Mulkigiyo lahaanshaha

Hadaytahay makhluuqiyo

Mawdkiyo xayaatada

Maalikyowmudiinoow

Adaa maamulaayooy

Midigtaadu haysaa

Noo miciin miciin oo na magan gali

Allaah swt waxa uu inoogu sheegay qur’aankiisa marar badan in uu yahay malik ay gacantiisa ku jirto
mulki dhamaantii oo uu abuuray geerida iyo noloshaba si uu idiinku imtixaano kiina adiinku camal fiican
waana cazziiz waana qafuur (suuratu mulki)

• Al qudduusu

Maamuuska sharaftee

Magacyada ku dheehani

Milgahaaga weeyoo

Hufnaan magac sareeyiyo

Siyaaxada intaw mudan

Qudduus lagu macneeyoowwa

Anna muhashadoodii

Waanigan mabsuudee

Mawjadaha xasuusteen

U muquurtay khayrkiyo

Miyirkiyo aqoonntaba
Muftaaxooda noo dhiib

Allaah caza wa jala waxa sifaadkiiisa iyo aamaa’adiisa wan wanaagsan ka mid ah qudduus oo ah allaha
dahiran ama hufan taasina allaah oo meelo badan oo qur’aanka kariimka ah ku muujinayaa waxa uu
yidhi

• Al salaamu

Boqorkii mudnaayee

Masaa’iibta guudiyo

Dhibta iyo mushkiladaha

Goortii loo miciinsado

Magantiisa bixiyoow

Muslimbaanu nahayoo

Macaagaanu noqonoo

Calan magacyadaadiyo

Tawxiid ka muuqdoo

Malaa’iigtu dhawrtoo

Adiga kuu macsuumoo

Masanuuntii diintiyo

U mimbera islaamkoo

Xaqa macalinkiisiyo

Waa muraayadiisoo

Waxan ahay madluuboo

Waa ii markhaatiye

Xaajadii murgacataba

Ninka maamulkoodiyo

Milgihii asxaabtiyo
Khulafadii matali kara

Nin masaalka cumarloo

Maamuusa taladoon

muraadkiisa nagu dagin

oon muruqa xoogiyo

ka xistiyin martabadoo

maatida xasilinkara

qarankana midayn kara

mahdiga dhalashadiisiyo

masnadiisa nagu sima

milgahaaga nagu sii

• Al mu’minu

• Al muhayminu

Mu’min sugan mid waaxida

Oo cidi matali Karin

Ma hagrade milgaha sare

Qasnadiisa muushka ah

Isagoon masuugayn

Madhax iyo tudhaal li’i

Awliyada mafsuudka ah

Muftaaxeeda siiyee

Sir ku muunadaystoow

Adigaa muhaymina

• Al cazziizu

• Al jabbaaru
Mawloow caziizoow

Xaajo kaama murugtoo

Muruq kuguma daaloo

Fiiro kaama mudatoo

Adigaa majarihiyo

Qorshahaw mubaaxoo

Marqudhood ahaw tidhi

Makhluuq idil ka yeelaye

Jabbaaroow martabadaa

Mahad kaaga celiyee

• Al mutakabiru

• Al khaaliqu

Dhulka madasha buuxshiyo

Badda amarka maqashiyo

Samadaa muggeediyo

Khaaliqii makhluuqoow

Adigaa mutakabira

• Al baari’u

• Al musawiru

Dhoobada madawee
Aadan laga min guurshiyo

Mani farac ka beermiyo

Midho siidh ka joogoo

Dhirta laga musbaariyo

Fadli maaxsha uunkoon

Nashqadooda meel kale

Aan looga soo madhin

Iyadoo macnawiyiyo

Maadiya la dhugan karo

Ku kastoo muta’amila

Muuminimo ku xeel

Baari’ul musawiroow

Macnohooda garansiiiiii

• Al qaffaaru

Allihii mudnaayee

Muhlak iyo qof mawjado

Mugdi galay minkaw culus

Maqaarsaarka shaydaan

Mukhayalo ku daawada

Adigaan ka maanicin

Makhraj lagu badbaadoo

Irsiq midho ka badan iyo

Sirta ugu miciinee

Yaa qaffaaru yaa maaxi

Faraj macal akhwaaniin


• Al qahhaaru

Ninka maal aduunyiyo

Irsiq madhan ka joogee

Saxal meel ka haystiyo

Naxsi ugu minkowsaday

Adigaa mujiiboow

Codsigiyo maqaalada

Dhibta kaga malmaliyoo

Tu loo maaro waayiyo

Tu markaa na haysaba

Adigaa muquunshoo

Mar kastaba na dhawree

Qahhaaroow ku mahadshee

Naga fayd masiibada

• Al wahhaabu

• Al razzaaqu

Adaa kala mashkixiyoo

Aadamaha maqaam sare

mihiimsiiya sharaftida

muwaahabada dheeftiyo

ceeshka maayadiisana

midigtawga dhiiboo

way ka sii mugwayntahay

suuraha makhluuqee
mucdinaa wahhaaboow

maa lanaa ilayka

mulkan yaa razzaaq

Qaafiyada caynka ah ama (G)

• Al fattaaxu

• Al caliimu

Adaa guusha fureheeda

Garta waliga siiyoo

Adaa gacalka diintaada

Ku galada arwaaxdooda

Fatxi aan gumoobayne

Adaa gun iyo baar kawnka

Sirta nagu gadaanaatay

Cilmigeedu kuu gaaryey

Ciddii aad u garatiyo

Rusushaada lagu gaadhye

Na gargaar fattaaxoow

Noo godol aqoontaada

Guulahay caliimoow

• Al qaabidu

• Al baasidu

cid kaa gaar ahaatiyo

gargarkale ma sugayoo
adaa gacan furnaantaada

gaal iyo islaamkiyo

mid gaffuurka taagaba

ka goynayn masruufkoo

qabashada nin gaadh fiican

guutooyin lagu meershay

gunaanada markaad doonto

gabbashana ku dhaafaynin

waa adiga guuloowe

gurmadkaaga yaa qaabid

galadaa yaa baasid

• Al khaafidu

• Al raaficu

allahayoow guga hooriyo

abaar geedaha leefta

adigaa xilli guurka

gadba meel uga daaroo

khaafid guul ka qarsooniyo

raafic guudka sareeya

carshigiisa ku gaadhoow

guulloow hay qadin maanta

• Al mucizzu

• Al mudillu

adaa kala gunneeyoo

garanwaa cizzeeyo
gob mudnayd duleeyee

yaa mucizzu yaa mudillu

guulloow martabadaa

• Al samiicu

• Al basiiru

gacantaadu furanaa

galaddaadu badanaa

gunta badaha waxa jooga

iyo guudka barrigeena

adaa wada gardaashoo

geeraaradoodiyo

goohooda baxa iyo

dhibta uga garaaboon

kaa gadmayn basiiradu

yaa samiicu yaa basiiru

• Al xakamu

• Al cadlu

• Al ladiifu

• Al khabiiru

• Al xaliimu

gafba dhaafihiiyoow

guddi kulama talisoo

adaw kala gar qaadoo

xukunada u gooyee

yaa xakamu gudoonshoow


cadli gaara weeyoo

lidfi godobta reebiyo

khibradaada nagu gee

gadihii anbiyadioo

na gunnee xaliimoow

Qaafiyada caynka ah ama (C)

• Al cadiimu

• Al qafuuru

inaan ciddi yar samadaa

caadyari ku haynay

cuqalada wax baadhiyo

cilmigay ku sugantoo

daruuraha cartamayiyo

fadad wada camirannoo

cufka biyaha saarani

ku culaysinaynbaad

nagu caawisaayoo

waa cadamadaadee

cafwan caadilkayoow

cindaka qafuuroow

• Al shakuuru

• Al caliyu

inaan dunida ciilkiyo

caddaloolka saxadiyo
mid ay gaajo calaftiyo

dharag lagu cawaysimo

jiilaal curaaftiyo

cawo dhalad gu saac badan

xilliyadan cajiibka ah

isku caabiyeysood

hadba calan u taagtaa

waa cadamadaadee

shukran yaa caliyo

cawnan wa nasran

• Al kabiiru

• Al xafiidu

bal cibaaradoodiyo

allow yaa cirkaba daya

dayax iyo cadceeda

cutinaysa socodkiyo

xidigahan cirjiidhiyo

falagaa canjalada ah

een caajisaynee

cilad li’I sabeeyaa

waa cadamadaadee

caynaankaaga waynoow

cismadaa xafiidoow

• Al muqiitu

• Al xasiibu
ceeryoonka noolaha

coomaade iyo haad

cayayaanka duuliyo

inta ciida socotiyo

badahaa camiraniyo

caleemaha dhiraha iyo

cagaarka iyo doogiyo

curub wada iffaysiyo

calafkooda badanbay

ku casuumanyiinoo

cissigiyo xannaanadu

cisho kama go’aanoo

cabirkiyo xisabtiyo

cadadkooda badanbaa

tiro kuu cayimanoo

waa cadamadaadee

yaa muqiitu yaa xasiib

• All jaliilu

waxan ahay cabiidkii

cibaada la saroo

annagoo ku caasinay

inaad cafis na siisaa

waa cadamadaadee

caadiloow jaliiloow

codka iga ajiiboo

cadaabtaada naga hay


• Al kariimu

cissi sharaf la dheehdiyo

haybad loo cumaamado

kaad calanka saartaa

maamuus cigaalane

karaamadu ha curatoo

waa cadamadaadee

cilmigaaga nagu sii

• Al raqiibu

cidkastaba aduunyada

malaa’iig catiidiyo

codka baxa raqiibaa

xaashiyaha camirayoo

caadkaama saarnee

iyagoon ku caasiyin

cilmi badanihiiyoow

waa cadamadaadee

caffi yaa raqiib

• Al mujiibu
adigaa codkoodiyo

u cawila dhambaalkoo

cabashada adoomuhu

ku culaysinaynoo

waa cadamadaadee

waxan kaa codsanayaa

cilliyiinta sare iyo

qasnadaha camiran iyo

fadli caama oon gudhin

cusri li’I mujiiboow

• Al waasicu

• Al xakiimu

raxmadaada curatiyo

deeqdaadu waa caam

noloshana cubbaad iyo

cussaad dabarka goysaad

labadaba cibaariyo

casharada xayaatada

musaabaqo cajaa’iba

ugu calamo taagtoo

waa cadamadaadee

yaa waasicu yaa xakiim

• Al waduudu
allow caashaqaagaan

citiqaadsanahayoo

waxan kaa codsanayaa

curuuqdiyo lafaha iyo

cadalaadka muruqiyo

wadnaha curiya dhiigaba

caafimaad qabkoodoo

niyyo aad cammiratiyo

qalbi adiga kuu culan

calmashada xuskaagaa

calafkooda noqotoo

waa cadamadaadee

jannada ceerigeediyo

ceelashii fardawsiyo

caanaha durdurayiyo

cadrad xuuralcayniyo

beeraha carfiga badan

inta lagu casuumeen

ku cidloonin naga yeel

• Al majiidu

makhluuqaadka cayntiyo

cirka iyo hawada iyo

ceegaaga baduhuba

col ma daafacaanoo

abaal kuuma celinoo

cissigiyo karaamadu

waa cadamadaadee
waxan kaa codsanayaa

caqiidada hanuunkiyo

calaf waara eeboow

• Al baacisu

• Al shahiid

iyadoo carada iyo

aduunyadu casilantoo

dhirtu xaabo ciirtiyo

caws duuga noqotaad

circa maraqii saarnaa

cisho uga furtaayoo

caasifaadka riixdiyo

cimilada xayaatadu

hadawgii ku ciiriyo

ka rogtaa culayskoo

waa gaddii cusayroo

in dib laysku soo celin

iyadaa calaamiyo

cibro noogu filanoo

waa cadamadaadee

cardigaad abaalada

ciilmoog dulloobiyo

qalbigii cabsoonjiray

ugu kala cadgoyseed

kitaabada u celisaan

farxad kaa codsanayaa


suuratu fusilat(39) suuratu furqaan (48-49) suuratu baqara (259)

• Al xaqqu

cadibkiyo qiyaamaha

maalintaa cakiranee

xaajadeedu culustahay

kuwa cawda loo jaro

gaf kumaad cadabine

adigoo cafiyi kara

waa cadamadaadee

xaqbaa cula quluubtee

allow hay canbaarayn

• Al wakiil

codkii nabi ibraahiim

markii ay ciddiisii

ku daffeen cadaabtee

qaansadu cantuugtee

sida wadhafka loo cudhay

caawintii malaykiyo

markuu ciirsi kale nacay

alluhuu cuskadayee

ciilka uga nusreeyoow

waa cadamadaadee

taladii cakirantaba
faraj noogu caamyeel

• Al qawiyu

• Al matiinu

caad iyo samuud iyo

colaalkii fircooniyo

ciidan dabarka goostiyo

allaha cudud nin sheegtaba

ka cayima arwaaxdoow

quwo laga cabsoodiyo

caaliyadu matiinoow

waa cadamadaadee

gaalkii caweer iyo

duqaad naga colroon iyo

faajirkaan collownaba

adaan kuula cabanaye

allow ciidda hoosmari

• Al waliyyu

ma cabsaso ma ciillana

iimaan cammiranoo

caqiidada illaahay

ku caziimo qaataaa

waa cudud tamaamiya

ciddaad wehelisaayoo
citqi labada daarood

addaa nagu casuumoo

waa cadamadaadee

na cizzee allahayoow

• Al xamiidu

Annagoo cadilanoo

Cuyuuntii aduunyadu

Asnaam caabudaysoo

Cudud laysku sheegtiyo

Cawaj laysku dala’sado

Allaha calanka diintiyo

Carfigii islaamkiyo

Caynaankii rasuulkiyo (scw)

Daaha nagu camirayoow

Waa cadamadaadee

Cizzigiyo mudnaantiyo

Culuwada sarayntiyo

Ciffadaba adaa suggay

• Al muxsii

Camalada adoonkiyo

Cimrigiyo xayaatadu

Way kuu cayimantoo

Caymiskii ayaantaa
Laysku ciirsan maayoo

Aduunbaa cafiyi kara

Ceebtaanu darisnoo

Waa cadamadaadee

Curwatul wuthqaha iyo

Cismadaada nagu dhawr

• Al mubdi’u

• Al muciidu

Curiyaha alkumayee

Cadam aan wax jirin iyo

Cidla madhan aduunyada

Ahaysiiyey ciiddee

Circa iyo hawada iyo

Nuurkawgu culayee

Cisho sida kitaabada

Cidhif cidhif u duubee

U celiya halkeedoow

Waa cadamadaadee

Cidhibtii samaatiyo

Caqli doojis noo yeel

(Suuratu ruum _(27) suuratu

• Al muxyii
• Al mumiitu

Adiga cidaan ahay

Ka abuuray ciiddoo

Candhuuf naga min guurshoo

Calaqada biqlinayoo

Calashiga mudqada iyo

Seedaha cajiibka ah

Cidaamkaw gadiyayoo

Cadka soo huwinayoo

U curiya arwaaxdoo

Cindigaaga barakada

Cajabada abuurkaa

Cibro noogu filanoo

Noloshaa cabiranoo

Cisho xaalku daranyaa

Cardi laysku tubayaa

Cillo dii abuurkiyo

Cufkii diinta weeyoo

Waa cadamadaadee

Cawadkii na deeqiyo

Cafi noogu daahiri

• Alxayyu

• Al qayuum

Wajiyadu calaqanaa

Kala caynad roona

Dulmi kii cantoobshoow


Caloolyowgu daranaa

Camal suubanaantaa

Cabsi kaa dawaysee

Caamilkii dadaalaa

Calafsaday hadhkaagee

Allow caadil sanidaa

Abidkii ma cawdaha

Aan caajisayneen

Cidna mooganaynoow

Waa cadamadaadee

Bankaa ciidda lays tubay

Cidda loo hadheeyiyo

Caruusiinta naga yeel

Suuratu daah (111-112) suuratu baqara (255) suuratu cimraan (2)

Axaadiis

• Al waajidu

• Al maajidu

Allaha culimadiisiyo

Awliyada cafiifka ah

Cududooda koriyee

Caarifiin ka yeeloow

Cuudkaanu dhaqaniyo

Adaa calanka diintaba

Calaf noogu sugayoo

Citimaadka noolaha

Aduunbaa casili kara


Sharaftana cigaaloo

Waa cadamadaadee

Cuyuuntii firdawsiyo

Kuwaad ceelka raaxada

Ku casuumto naga yeel

Qaafiyada alifka ah ah (A)

• Al waaxidu

Alloow alle waaxidoo

Awlaada ka reebanoon

Aabiyo hooyaba lahayn

Ooriyo ka nasahan dacfiga

Awwooda dham ayska tiran

Amarku laxdadii kastaba

Ahaado siduu la rabo

Adaa irkashada khalqigu

Aayaha lagu deexdo iyo

Dantooda aroortay tahay

• Al samadu

Adoon ku adeegashiyo

Abaal ka sugayn khalqiga

Arlada waxa teedsaniyo

Cirkiyo xidigaha ifiyo

Usuusha makhaluuqa iyo

Alwaanta sifaysa iyo


Abuurka dhamayska tiran

Waxaa adawaat ratiban

Qalbigu ma ilduufayee

Allow samadoow raboow

Amuuraha nooga sahal

• Al qaadiru

• Al muqtadiru

Axbaabta hanuunsaniyo

Siday anbiyadu qireen

Ogaal nagu caymiyeen

Looxbaa arimaha xifdiya

Amarka lagu daadahshaa

Iraadshoow qaadiroow

Ahaw mar qudhood tidhaa

Ishoon baalkeedu qaban

Alkuma khalqigaad tahoo

Aqwaasha makhluuqa iyo

Ijaabada khayrka iyo

Irdhada lagu daalacshiyo

sirtaad nagu aamintiyo

Wixii ku aroora qayb

Qalbigu ma ilduufayee

Allow samadoow raboow

Amuuraha nooga sahal

• Al muqadimu
• Al mu’akhiru

Adaa awaliinta iyo

Abkaad naga beertay iyo

Ayaamaha dawliska ah

Eel reeb dumadaw safoo

Sidii awlalkii shinida

Edega maqashii kacdaba

Aasaar kaga daadahshoo

Aroori duntaa xidhoo

Qalbigu ma ilduufayee

Ayiday ku adeecsaniye

Allow samadoow raboow

Amuuraha nooga sahal

• Al awalu

• Al aakhiru

• Al daahiru

• Al baadinu

Ada awwaloo adaan

Hortaa cidi uumanayn

Adaa uunkiyo khalqiga

Oofsada waxa duul alkuman

Adaan axad kaa sarayn

Ogaalo wixii dahsoon

Tu aasani kaa dadnayn

Ayiday ku adeecsaniye
Allow samadoow raboow

Amuuraha nooga sahal

• Al waalii

Adaa u ilhaamo siiya

Awaashiyo daymadeeda

Ukunta diin aga wareega

Ishiyo aragita hanuunsan

Idaarada maamulkiisa

Adaa ku ilaashanayaa

Afkiisa markuu ka liilsho

Abaaraha luunka daysto

Ayaadka hidaayadooda

Iimansaday waynidaadoo

Ayiday ku adeecsaniye

Allow samadoow raboow

Amuuraha nooga sahal

Qaafiyada laamka ah ama (L)

• Al mutacaalii

Xidigaha lalmanayee

Lakabyada sarsare taxan

Liibaanta nabigiyo

Sitraduu labeegtii

Laylkii israha tagay


Laydhii carshiga iyo

Laaxinkiifardawsiyo

Laqan taashku hadhiyoo

Nin ladaabta khayrkoo

Sida laabta xuunshada

Kal laxiima yeeshoo

Libintii acmaashiyo

Laasimkii cibaadada

Liishaantay hoy u ah

Adaa laamahaa sare

Lingaxaw adkeeyee

Noo loog barwaaqada

• Al barru

• Al tawaabu

Laylkiyo cibaadada

Isha libiqsan waydee

Laamadood ka sabirtaay

Afkan luunku gawracay

Laxadaadka soonkee

Laasimay adkaartoow

Lugi faras ma gaadhee

Layli buuba baan ahay

Lagga xuuralcayntiyo

Leexada fardawsiyo

Ladanoow rasuulkoon (scw)

Laasimo agtiisana
Qalbi lahashadeedii

lubigaw habseeyiyo

naftan laaca badisee

looliga ku dagantaay

lil barri wal tawaab dhugo

shar ku loodin maayee

• Al muntaqimu

• Al cafuwu

Leedada sange laydha raaca

Lugtiyo lahashada is wayday

Lur iyo shabakado lugooyo

Laan daaqa ku hoobta looli

Markuu lahashada hungaysa

Ladaabto hamuumyadiisa

Adaa dabinada ku liigan

Liishaanada toobadkeenka

Ku looga caf liisankiisoon

Laxawsiga baaqa diidin

Qaafiyada ha’da ah ama (H)

• Al ra’uufu

Calooshooda hugmaysiyo

Qalbiga hiilka na siiya

Haaneedkaanu dhamayno

Bogeedaan huwanaayey
Naxariista hilaaban

Raxmadaada hadhaysay

Hogaamintooda wanaagsan

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa midaan la hurayne

Allow hoyga fardawsa

Hayin fiican ka sii.

• Maalikul mulki

• Duljalaali wal ikraam

Hantida maalka aduunyiyo

Badwayntaa hirdamaysiyo

Wabiyaal habqabaayiyo

Circa heegada saaran

Meerayaasha habaysan

Cadceedaa hurinaysa

Hirkiyo laaca humaaga

Wakhtiga heenka la saaray

Abaal hoodo ku seeran

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa midaan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii


• Al muqsidu

• Al jaamicu

Haybaddi sharaftiisa

Sayidkaan hadhsanaayiyo

Nuurkaa heegga na saaray

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii

• Al qaniyyu

• Al muqnii

Hadiyad aad u saraysiyo

Hibaaq soo carfanaayoo

Hamuumtii naga reebiyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii


• Al maanicu

Habaaskii nagu raagiyo

Aduunkoo halcanaayoo

Haadda laysu dhigaayo

Sayidkii na hanuunshee

Shaalka noo huwinaayiyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii

• Al daarru

Humaagii dhalanteedka

Hiimadii na asqaysiyo

Hayaaydii dami wayday

Hoodadii ka dambaysiyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii


• Al naaficu

• Al nuuru

Habeenkoo na dabooliyo

Hugii foosha xumaa iyo

Hiiftaankaan damqanayney

Hadyadaa ka dambaysiyo

Hirkaa maanta na deeqay

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii

• Al haadii

Hoottadii dadbanayd iyo

Heelladaan ku dagmaayiyo

Hanuunkaa sumadiisa

Haadigii kala saariyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay
Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii

• Al badiicu

• Al baaqii

Hooraantii laga beermiyo

Halkaa manta la joogo

Kii halbeega ahaa iyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii

• Al waarithu

Gaal habeen kuma seexdo

Sidaa loo haqab beeloo

Qalbigii hadhsan waayey

Hiilkiisu tabayaaye

Hadafkaad dhaxalsiisiyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne


Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka sii

• Al rashiidu

Waa hogaanka badhaadhe

Doontaa loo wada hoydo

Waa hanuunshaha diinta

Seerahaa hanka buuxshay

Hadhiyo waa dugsi hoodo

Hadhuub laysu hambeeyo

Horseedkaa lagu deexdiyo

Haldoorkii rusushaada

Aduunbay hibadaadiyo

Hilaadaadu sugtaayoo

Waa mid aan la hurayne

Waalidkii na hanuunshay

Allow hooyga fardawsa

Hayin fiican ka si

Al sabuuru

Sidaan kuugu hadraayey

Laabtu kuugu hugmaysay

Sidaan kuu hidinaayey

Hurdo kaaga saqaafay

Hamigayga fogaaday

Sidaan kuula hadlaayey


Shucuurtayda hayaantay

Hawraartaada u sooman

Maalintaan ku hor joogo

Halacsi aan wajigaaga

Haybadaada riyaaqo

Adoo hiilka rumeeyey

Hormadii lagu reeyiyo

Xawdkii laysku habaayiyo

Hadhacii rusushaadiyo

Allow hoyga fardawsa

Hantidayda ka yeel

Gabayga ducada ah ee aabo ii tiriyey

Adigaanu kuu baahanee

Boqorkayoow hee dhe

Adigaa na barbaarshee

boqorkayoow hee dhe

Adigaa badbaadada hayee

Barashadii diinta

Qalbigana barbaar shoo

Ilaa

Barashada quraan kiyo

Cilmi baahsan nagu sii

Daahir iyo baadina

Badwayntaa rasuulkiyo

Barakada na qaadsii

Faadumada buurtiyo

Xasan baariga ah iyo


Xuseenkaan u baahnaa

Cilmigooda nagu badi

Basiiradana laabtiyo

Noo buuxi badankaba

Barakada rasuulkiyo

Aala baydka bilanayiyo

Nagu badbaadi diintaba

Bangigaaga diintiyo

Baadin iyo bidaahiiri

Barakadaba noo dhiib

Baytullaahi macmuur iyo

Bil muntahada noo mari

Xamdigaaga baahiyo

Bisinkaaga bilan iyo

Birigaaga nagu dhawr

B da nagu xijaaboo

Balaayada na baal mari

Badihii cilmiga iyo

Boqortooyadaadaan

Ku badbaado doonee

Barakadii rasuulkaan

Kaa baadi doonee

Burhaan aala baydbaan

Kaaga bahanaye

Arjigaaga boodeed

Ahaw uun ku bixisaan

Bicisati ku doonee

Bil salaami anbiyaa

Xamdigaaga baahiyo
Bi, ismil acdamka bidhiqsiga

Boqoroow ku soo beeg

Inankaagan baxarkiyo

Barakadaba lagu dhalay

Ha ka sii bilaabooo

Bad wayntaa ha sii wado

Carshigaaga bilanee

Barakada dhamaanteed

Laga baafiyaabaan

Kursigaa barakada

Kugu soo baryeynaa

Waxan kaaga baahnahay

Ismul acdamka barashada

Qalbigayga buuxsado

Bi aaamiin allahayoow

Gabayga anbiyada (allaah czwj)

calayhim salaam

aadam iyo ululcazmiga

abwaan

axmed c/laahi aw axmed gufaaco

• nabiyulaahi aadam calayhi salaam

asalkaanu lahaynoow

unugii laga beermoow

udubkii lagu joogoow

kii aqoonta la siiyee

loo ibaaxshay sujuudoow


khaliifkuu alle doortee

aduunkoo dhan la siiyoow

assalaamuu calayka

yaa abul basharayni

• nuux calayhi salaam

nabiguu alle doortayoow

nadiirkii u horeeyayoow

nis dambeedka habeenkii

naa’imiinta ka seexday

naadigii u dhawaaqee

maalintii nasan waayoow

kii nasteexada diinta

nimcadeeda la raacshee

naarahawga digaayoow

naftiisii halagamaysay

nuurkii loogu yaboohay

nasteexiisa badbaadiyo

doontii noolaha deeqday

gaaladii nafta wayday

nadaamaduu ku daboolay

markii noole dhamaaday

nudubtii laga beermoow

nabiguu alle doortoow

nuux calayka salaam


• ibraahiim calayhi salaam

oofintintii wacadkiisa

kii aayaadka quraanka

illaahay ku amaanoow

kii awooda kufaarta

naarihii alwanaayey

malaa’iigta adeegta

arxankeeda ka soomee

illaahay ku sabraayee

amniga loogu yaboohoow

nabigii amranaayee

oomankii saxaraha

ooridiisii rumaysiyo

ilmihiisa ku dhaafee

toga looga afjeexoow

kii suxuufta adeegta

akhbaarteeda la siiyoow

aabahayga rumaadeey

isirkuu rabi doortay

abtirsiin ku maraanoow

ilaykuu rabi daaray

kay duntiisu ahaydoow


odxaduu wehelkiisa

amarkii lagu siiyey

ismaaciil birta saaree

wanka oofaha waynle

eebahay ku fardaanshee

aqwaashiisii hufnayd iyo

takbiirtuu afka saaray

lala oogay taxmiidoow

eedaankiisiyo baaqa

arladaa barakaysan

udbahaa kacbadeena

xajarkaa aswadan

asraartaa lagu dayray

ilhaamhuu rabi siiyey

wali ooganyihiinoow

asalaamu calayka

ibraahiimul waffaa

yaa abul fudalaa

• muusaa calayhi salaam

markii awdhalanaayey

maamadii qarinaysay

kii muraadada fiican

illaahay makansiiyoow

kay dartii u madheenee


sanduuqqii lagu moorshiyo

maayaddii lagu qaaday

fircoonkii magligiisa

maatidooda ku laayey

maqaamkuu daganaa iyo

muskiisuum la dul joojee

illaahay ka masruufee

arladii makansiiyee

mija xaabshay kufaartoow

muruqii alle kaabiyo

midigtii la cizzeeyoow

habeenkuu mugdigii

marwadiisa ku dhaafay

milicsiguu dabka mooday

markii nuurku daboolay

maah gartee ku hanuunoow

mucjizaadka la siiyey

ushiisii mirirkiiba

maska looga dhigaayiyo

mulaaxdaa garabkiisa

nuurkii looga maleegiyo

malkaduu daganaayee

masnada looga dhigaayiyo

gaaladaa midhohooda

ayaxii madhiinaayiyo

mawjadii guryohooda
maqiiqnaanta la jiidhiyo

duufaantii lagu miisee

mooraduugay colaalka

kii miizaanka lahaayoow

markii gaadh lagu meershay

baddii loo kala moosayiyo

biyihii kala miirmay

marinkii laga siiyeyey

kii meeleeyay dadkiisee

masaakiinta la dhoofee

fircoon mawjadu qaadoow

allihii makrigoodiyo

muhlikiinta ka soocay

maaxiguu qudus k eenoow

kii maxfuudka duraantee

muslimiinta ku duugan

miciinkuu alle siiyey

isagoon ka masuugin

u masayray dadkiisee

macneheeda la siiyoow

ka mug wayn qirahayga

maqalkii waxyigaagiyo

milgihii lagu siiyay

warkeedaan madhanaynin

inaan meela ka baydho


muusiihii xaqqa maaloow

meersigii ciliyiinta

maqaamkii rusushoo dhan

illaahay ku macsuumay

inaanaan ka maqnaanin

madasheenu ahaato

malayka noogu yaboohdiyo

ergo noogu muraadiyo

mawle hayga ajiibo

maqaalka iyo su’aasha

kii muraadka samaayoow

sidaan kuula muhday

salaantaydu markaaba

meeshaad joogto ha gaadho

• ciisaa calayhi salaam

ciidda dhoobada taaliyo

kaan candhuuf laga saafin

cidaamka iyo jidhkiisee

ruux cullaagu ka uumoow

calooshii lagu beeray

markii ceebta la saaray

cirdigeeda la qoomay

carabkii lagu dhawriyee

sharafteeda cigaaloow
gaaladii cudcudnayd iyo

kay caweer balameenee

cidhibtooda jaraayoow

cawadaanu sugayniyo

cawadkii muslimiintoow

ciirsigaanu tabaynee

caasifaadka lahaayoow

asalamu calayka

ciisihii la kor yeeloow

• muxamed calayhi salaatu wa salaam (sayidkii anbiyada)

Nabigii amaanada

Aayaadka diintiyo

Xaqqa nagu ogaayoow

Axmedkii axbaabtiyo

Uunka loogu deeqoow

Sayidkii anbiyadoow

Asalaamu calayka

Nabiigii mudnaayee

Neefaafkii abaraasaday

U naaxeen dartiiyee

Nuujintii xaliimana

Naaseheeda dararshoow

Nuurkii asraartoow
Asalaamu calayka

muxamed calayhi salaatu wa salaam (carfiga makka)

Muxamadoow rasuulkii

Miyirkiyo xuskaygiyo

Maankiyo quluubtaba

Lagu mayracaayoow

Nabigii mudnaayee

Xaqa muujinaayoow

Asalaam calaykaa yaa rasuulalaahii

Magligiyo bilaawaha

Seefta muruqa jiidhiyo

Dirir madaxa lays jaray

Gaalada muquunshoow

Mudanihii adoomaha

Mimberka looga dhigayoow

Asalaam calaykaa yaa rasuulalaahi

Muxamadoow rasuulkii

Malaa’iiktu jeexdee

Maanka loo sifeeyee

Laga maydhay xumohoow

Rabbi kuu macsuumee

Circa miridh ku dhaaffoow

Assalaamu calaykaa yaa rasuulalaahii

Muxamdoow rasuulkii
Maxsharkiyo qiyaamaha

Wasiilada muggeeda le

Mawluhu aqbalayoow

Miciinkii islaamkee

Sirta loo macneeyoow

Assalaam calaykaa yaa rasuulallaahi

Muxamadoow rasuulkii

Mucjizada la siiyee

Farihiisa malabkiyo

Durdurku maaxanaayoow

Macaankii fardawsiyo

Xawdka mawjadiisoow

Assalaam calaykaa yaa rasuulalaahi

Muxamdoow rasuulkii

Mugga buurahaa culus

Dahab loogu madhayee

Nafta maara galiyoow

Milgihii islaamkee

Murtidaw xambaaroow

Assalaam calaykaa yaa rasuulallaahi

Mawliidkiyo israha iyo

Maqaamkiyo dikriga iyo

Madxigiyo xuskaana

mirir kama maqnaadee

carfigii makkaadee

naftu maaxinaysoow
assalaam calaykaa yaa rasuulallaahi

muhashada naftaadaan

u muhdaa quluubtoo

mawjad iga tanroonbaa

miranaysa laabtoo

hadba maayadeedaa

I muquurinaysee

Midigtaada ii dhiib

Muftaaxii anbiyadoow

Aan muquurto khayrkee

muxamed calayhi salaatu wa salaam (curwatul wuthqaa)

aduunyo ku siisan mayo

adaa uunkaba samaystay

ogoow adigaa ogsoone

aqoon kugu doorsan mayo

aheey ah intaan idhaahdo

adiga kugu eersan maayo

allow ku aqoonsannee

akhlaaq badanoow rasuulka.

ijaabada nooga yeel.

muxamed calayhi salaatu wa salaam (curwatul wuthqaa)

salallaahu calayka yaa cawnal ciliyiin

salallaahu calayka saalixul culamaa

citqunaa fil islaam curwatul wuthqaa


salallaahu calayka

sayidkii ciliyiintoow

suurad’\dii alraxmaanoow

salallaahu calayka

salallaahu calayka

suubanoow nabigiiyoow

sitradii miciraashkoow

salallaahu calayka

salallaahu calayka

saabiqii awaliintoow

samsamkaanu dhamaynoow

salallaahu calayka

salallaahu calayka

siiradii alraxmaanoow

saamigii ajalaynkoow

salallaahu calayka

salallaahu calayka

saxwadii amranaydoow

seefihii idmanaayoow

salallaahu calayka

salallaahu calayka

sayladii darajaadkoow

salallaankii jamirnaayoow

salallaahu calayka
salallaahu calayka

saa’imkii kaba raystoow

suufkii raaxada diidoow

salallaahu calayka

3546792 c/ khaddar

Jamhuuriyada Somali land date 13/05/2014

Ujeedo; codi qiimay gabay diini ah

Aniga oo ka mid ah aftahanka jamhuuriyada Somaliland

Markii aan arkay baahida loo qabo in diinta iyo dacwa la gaadhsiiyo bulshadeena oo ah bulsho diinta
islaamku si mugleh uga muuqato

Isla markaana aad u qiimaysa suugaanta

Markii aan arkay suugaantan danbe oo run ahaantii

U eegaatay dhaqamadii gaalada.

Waxan jeclaystay in aan alifo gabay aan hore soomaalidu u tirin oo ay ku dhanyihiin 99 ka magac ee
ilaahay

Sidaa darteed waxaan wasaarada diinta iyo awqaafta jamhuuriyada Somaliland ka codsanayaa in ay ila
faaqidaan oo ay ila daraaseeyaan gabaygan.

Madaama oo ay ku jirraan magacyadii illaahay (swt)

Allaa mahad le

Gabayada ducada ah

Allaah (swt) waxa uu yidhi (nabi muxamadoow) marka ay adoomadaydu ikaa waydiiyaan anigu waan u
dhawahay waan aqbalayaa

Gabaygan waxa la yidhaa (faraj)

Abwaan; axmed cabdilaahi aw axmed

(dariiqo)
Allaha falaga meeriyo

Xidigaha finiinka ah

Foodsaar ka yeeloow

Fayo dhawr ku saameel

Farsamadan lifaaqa ah

Allaha foosha dihinee

Radiidkeedu faashaday

Nuuga kaga furfurayoow

Faraceeda damalka ah

Abaal fidha ka wada sii

Allaha faxal deeqdiyo

Nimcadaw fatihiyoow

Kuwa faranku daashaday

Nasrigaaga fahamsii

Allaha kala fardaanshee

Tiiyoo galawgu foodhyoo

Faran iyo colaad tahay

Maxabada intuu furo

Kuu rabo fitneeyoow

Faraj calal muslimiin

Allaha faysaskuu xidhay

Ciddii fiishta loo sudho

Nuurkooda fidiyoow

Kuwa fahamka dheeree

Ficilada khawaasta ah
Fulintooda loo diray

Een kaa fitnoobayn

Filka sare na gaadhsii

Allaha filimadiisiyo

Riyadaa falaadha ah

Bushaarada ku fidiyoow

Gaal kaa fitnoobiyo

Faajir baydhay mooyee

Kuwa faa’isiintiyo

Anbiyada ku faylee

Furayaasha diinta ah

Uga fayd basiirada

Gabaygan waxa la yidhaa

(kaligii taliye)

Abwaan; axmed cabdilaahi aw axmed

(dariiqo)

Mid aan kiis qabanaynoow

Kaligii taliyoow

Maadaan keenada haynin ?

Kaligii taliyoow

Maadigaa kari waaya?

Kaligii taliyoow

Kab maadaa huri waaya

Karin laygu habseeyiyo


Kawnkan layga habraystay?

Kaligii taliyoow

Haddaan kobo abuurta

Kuligii waxa uuman

Kii unkee aslanaayee

Kobicii u horeeyey

Kaalintii laga beermay

Iyo taan kas malaynin

Ba‘naantii naga keenayee

Korinteeda lahaayoow

Kaligii taliyoow

Kow mee aan lala koobin

Karaankiisaba uunka?

Kaligii taliyoow

Yaase kaalada oofsha ?

Kadabka yaa na af deeqsha?

Kaligii taliyoow

Yaa kifaayaha diinta

Kuliyadiisa aqoonta

Kadabaa na yidhaahda?

Kaligii taliyoow

Ciddii aan kibrahaynee

Keebka baaska ridaynee

Kas u boobtagahaynee
Kuruskooda damcaybaan

Koorsadaw tabiyaaye

Maxaa koorta I saaray?

Kaligii taliyoow

Aduunbay korsanaayee

Maxaa lay kadiyaa?

Kaligii taliyoow

Kimistayda ha goynin

Kaligii taliyoow

Kaag-gaagaan dhamayaaye

Allow hay kaliyaynin

Kaabayaal I daryeeliyo

Kadab waara I siiso

Kaligii taliyoow

Kash iyo laab nin u xaadhaanaoo

Kaalmadiisu I deeqdoo

Kaydka raadyaha joogoo

Kobcintii sancadiisiyo

Kaalintiisa daryeeliyo

Rafiiq kaalmada sii

Kaligii taliyoow

Koolkooli oo ha dulaynin

Karaankiisa u buuxi

Haday noo kas baxaanoo


Karamallaahu dartaaya

Noo kifaayo dhahaan

Karamallaah wajhahum

Gabaygan waxa la yidhaa

(muush barbaara)

Abwaan; axmed cabdilaahi aw axmed

(dariiqo)

Ilaahay midheheena

Muush barbaara ka yeel

Iyo beelo masruura .

Illaahay magaceena

Maqaamkiisa culaa iyo.

Ciliyiinta ku muuji

Illaahay maskankeena

Masnadiisa fardawsiyo

Masaajiidda ka yeel .

Illaahay miyirkeeniyo

Mawjadaa qalbigeena

Murtidiisa ku dooji .

Illaahay midigteeniyo

Muruqeena ha kaabo .

Illaahay mayalkeeniyo
Raayadaa macneheediyo

Mooraalkeena sarreeyiyo

Maqsadkeena ha xoojo .

Alle haynagu meersho

Junuudiisa malayka

Een muggeeda la koobin .

Gabaygan waxa la yidhaa

(cilaaqaadka sirta)

Abwaan; axmed cabdilaahi aw axmed

(axmed-dariiqo)

Carafaad Axmed Cabdillaahi

Illaahoow cirdigayga

Ku cigaal sharaftaadoo

Mid aan ciirin ka yeel .

Illaahoow cilmigayga

Cilaaqaadka sirtaadiyo

Ladunnaha cindigaagiyo

Caynaankaaga ka yeel .

mIllaahoow cududayda

Caawintii muslimiintiyo

Caabintii keenadiidkiyo

Ciirsi muuqda ka yeel .


Illaahoow calankayga

Jeeroo ciidda la duuboo

Kawnka layska carawshiyo

Illaa caynta fardawsa

Mid caweeya ka yeel .

Illaahoow carrabkayga

Cod ijaaba la siiyiyo

Cawwo laysku manaystiyo

Sifo ceeb ka saliimiyo

Candhuuf dibbi la saariyo

Ceelalyaynta islaamkiyo

Cismadaada ka yeel .

Gabaygan waxa la yidhaa

(juhdi)

Abwaan; axmed cabdilaahi aw axmed

(axmed-dariiqo)

Johoraddii xubigaagiyo

Jamashadii nabigeeniyo

Jacaylkii umaddaadu

May jartaa silcadaadoo

Janno maygu heshaa?

Jibada maanka I saaqdiyo

Jidiinkayga cadaaday

Jibaadkayga baxaayiyo

Jalaadkayga dayaamay

Jaleeco aan ku badbaadiyo


Janno maygu sugtaa?

Juhdigaan bixinaayiyo

Jaahaagaan u hanqaarmay

Jarabkaad I marsiisay

Jawaabtaan sixi waayo

Kol jibriilb ka adeego

Jidka maygu sugtaayoo

Janno maygu heshaa?

Jaahilbaan damac waayin

Jaljaleeca aduunyo

Haday laabtu janjeedho

Naftaydaa ku jeclaatay

Jaho maw noqotaa?

Jeegaagaan madhanayne

Joogtadii camalkaageen

Jirridiisa adkeeyey

Juucjuucii iga seexshiyo

Jeebbadaada I saaran

Jeelka mayga furtaayoo

Xadhiga mayga jartaa?

Sidii jaawida geeloo

Jeelanbaan hugmayaaye

Jirada maanta I qaadiyo

Ilmada jaaha I qoysay

Jidhkaygaa is guraaya
Jahanamoon ka badbaadiyo

Jagadayda fardawsa

Jinaw mayla sugtaa?

Sidaan kuugu janjeedho

Jilaabtaadaa u raadsho

Jidkaad ii dhibyaraysiyo

Jalfistaad iga qaado

Quluubtaad ku jirtaaye

Sidaad iigu jahayso

Jawaabtaada samaatay

Jalla yaa dal culaa

Jalla yaa dul cizzaa

Allahayoow jannada hayga qadin waan ku soo jiraye

Jaahii rasuulkiyo allow jamaca diintaada

Allahayoow johoradaad dhigtiyo xuliyadii joogtay

Jiilkii abraartiyo allow juhadadii gaadhay

Jaarkayga meelsare ka yeel jaamicbaad tahaye

Gabay Alle bari ah (nadaamo)

Abwaan; Axmed Cabdilaahi Aw Axmed

(Gufaaco)

Allahayoow noloshayda

Kuwii nuurka u diiday

Nasteexayga dulaystay

Naftoodaad dabartaaye

Naarahaaga ku daadi
Allahayoow niyadayda

Kuwii nuuxsi u diiday

Nidar soo qaban waaye

Naftoodaad dabartaaye

Naarahaaga ku daadi

Allahayoow nugul ooman

Naf bogeedu harraaday

Nudubtaa godlan wayday

Adigoo naxariistay

Kuwii neefta ku ciilay

Naftoodaad dabartaaye

Naarahaaga ku daadi

Allanahyoow nacabkayga

Nimcadayda qadhaabta

Naxac xaadhka I daarran

Hadaan kuu nabad waayo

Naftaydaa ku rumuysan

Nasrigeeda ha raajin

Gabayada; sarbeeban

Gabaygan waxa la yidha (Xilli guur)

Abwaan; Axmed Cabdilaahi Aw Axmed

(Axmed-Dariiqo)

• Waxa jira gabood cunay wuxuu gaadhka ka ahaaye

• Gonda bahal haddaad guul ku tahay goorsanbaa xigiye

• Iyana waa xiliga guurayiyo Saban gadaashiiye


• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garane

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Durdur guuxay gacan soo rogmaday dooxo galaclaysay

• Oon god oomay goornaba afqoyn galina aan joogsan

• Iyana waa xiliga guurayiyo saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garane

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Gool huruda gama, aan kabixin gaban ku uur jiifa

• Oo gooha iyo reenka damin giida iyo taaha

• Iyana waa xiliga guurayiyo Saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garane

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Doofaar gaddii sumal iha guuto idil saarta

• Oo aan garaadkuba is tabin gucumaduu jiitay

• Iyana waa xiliga guurayiyo Saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garane

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Waayeel xumaatada gudiyey garasho eel reebtay

• Qalbi gudhay xusuus wada gam tidhi garabsalaax daashay

• Indho gigan hamuum aan gudhayn goorisada ooman

• Iyana waa xiliga guurayiyo saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garane

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye


• Ninka gaal u diihaal muteel kaba galiilyoonin

• Iyo garabka diintiyo nasriga geesiyada eebbe

• Waa kala gurkii haadigiyo gulufkii waynaaye

• Gammuunkiyo falaadhuna xaqbay uga guduuteene

• Iyana waa xilliga guurayiyo saban gaddashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garan

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Islaqam goosan goosana xaqoon laysku garabsiinin

• Oo qaa’idkii geeshkii geeshka waday lagu gumaynaayo

• Oo aan garowshiiyo iyo garab la siinaynin

• Iyana waa xiliga guurayiyo Saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garan

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Ninka gaal u diihaal muteen kaba galiilyoonin

• Iyo garabka diintiyo nasriga geesiyada eebe

• Waa kala gurkii haadigiyo gulufkii waynaaye

• Gammuunkiyo falaadhuna xaqbay uga guduuteene

• Iyana waa xiliga guurayiyo Saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garan

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye

• Islaam goosangoosana xaqoon laysku garab siinin

• Oo qaa’idkii geeshka waday lagu gumaynaayo

• Oo aan garawshiiyo iyo garab la siinaynin

• Iyana waa xiliga guurayiyo saban gadaashiiye

• Uunkuba sumuucdaan gadfaco waa dambuu garan

• U gurguuro waayaha gingiman gool jabaad tahaye


• Haddi sabanku gaaleef afliyo gudimo kuu qaatay

• Adba geesinimadaadiibaad gaar u dabarteene

• Godobtayna wada daaranbaad gini ku doontaane

• Is galuubka faalada guracan wiirsi gola keenku

• Haday gool dhashiyo ku ahayd geesinimo doora

• Xagayaga gugoo hooray iyo galayax waalaystay

• Iyo shaadir kugu gaadhanoo go’ay sidiisii’ye

• Gaawaha camiran maalintuu gorofku ceegaago

• Gadhba inaad hormoodkooda tahay gorayo khaakhlaynta

• Oon geedka cidi kaa horayn soow la garan mayo

• Col ku galay dagaal kuu gabaday geeri lagu hoobtay

• Oo goosankeedii saqdhexe gaadhka laga meershay

• Gadh cadaagu duulkuu hawirey gaadadaa miriye

• Nin walaalkii geesaha ka xidhay gawracaa sudhane

• Gaarida haween maalintay gooha damin waydo

• Ganafyada ilmadu daadatiyo gaadadiyo lawga

• Gabanada caruurtaa ku dhaca gaws dambeedyada

• Gadh madoobeheedaa anbada goor xumaatada e

• Waa xaajo kii gudanlahaa goof ku sii ridaye

• Gabal baas inay tahay iyana saw la garan mayo

• Haddii geesi baraduu fadhiyo guuto lagu saaro

• Gogol kuma ladaayee markuu gaadhka sare fuulo

• Eew gumuca baaruuda liyo ganayo liishaanka

• Gad alleetto mooyee inaan guushu ka caraabin

• Oon gamashi dhiiladu ka noqon sow la garan maayo


Gabay guubaabo ah (Kaalo)

Abwaan; Axmed Cabdilaahi Aw Axmed

(Axmed-Dariiqo)

Maxaa kiis adoo galay saq dhexe koolo adag saaray

Kaawaha maxaan soo ratibay koorso lagu daatay

Kadabkaaga mooyee maxaan kaalo kugu biirshay

Kafan duugta mooyee anoo kaymo adag seexshay

Hadduunbay kitaabada safteen kuruskii deebeede

Kadinada hamuumtaw qabaan koorta sudhayaaye

Kawnkiyo anoo lay igmaday kaafka iyo nuunka

Kooraha haddaan saarayaa kaabbihii farase

Kas maleeya hootada sandahan kaafibaan ahaye.

Gabay guubaabo ah (Guri Hooyo)

Abwaan; Axmed Cabdilaahi Aw Axmed

(Axmed-Dariiqo)

Inay nabadu guri hooyo tahay gogoshii kuu talay

Waayeel guyaal badan jiriyo geesinimo doora

Hadaan galalku taawilo sinaan guux horaa jira’e

Nin gafkiisa lagu caydhiyaan gibishu saarnayne

Waa godan barwaaqa ahirman gawe loo sido’e

Kolna waa gabood lagu nastiyo godan la seexdaaye

Kolna waa gasiin lagu qadiyo maal’aan kaa gudhine

Kolna waa gufaacada cirkiyo galihii roobeede

Kolna waa gugoo hooray iyo geedo soo baxaye

Kolna waa gammaankaagii iyo geenyo shaaximane

Kolna waa nimcadii gaaxatoon godol ka maalnaaye


Inyaan cadawgu gogoshaada iman gaadhka feejigo

Afartaa ga’diyo woowga iyo gabayadaydiidhe

Godkaa lagu hubsaday qaarigii guuleheen baraye

Gad yaroon hadeer soo alfiyo gabay horaantii dhe

Anna waan gudoonsaday inaad hooyo guud tahaye

Galad iyo nasteexbaad u tahay gaadhka maatida’e

Godol noo irmaanbaad tahoon gaagaxayn abide

Cirkoo gaadankiisii waqlaha garabka soo buuxshay

Oo hoorimaadkii golaha dhibicu goomaayo

Oo aan gardaamiyo lahay dhaxan ku gawraysa

Adigaa gaddiisii arladu kuu golmoontahaye

Anna kuguma gees maro rabina guusha kuu dhali

Afartaa ga’diyo woowga iyo gabayadaydiidhe

Godkaa lagu hubsaday qaarigii guuleheen baraye

Gad yaroon hadeer soo alfiyo gabay horaantii dhe

Gujisiyo garnayl maaha iyo ganayo sayruukhe

Gumuc iyo rasaas maaha iyo goobta dirireede

Dadkoo kala go’doomiyo ma tihid guluf colaadeede

Aar soo gaoodiyo ma tihid gado unuufeede

Gumaad iyo ma tihid miinadii gaaska loo xidhaye

Godkii lagu xabaaliyo ma tihid gabadinkeediiye

Golxabkiyo bilaawaha ma tihid gorisiyo faashe

Abaar geedo leeftiyo ma tihid dhuxul garaacdiiye

Gaashaanka noolaha baxshiyo gaadh biraad tahaye

Afartaa ga’diyo woowga iyo gabayadaydiidhe


Godkaa lagu hubsaday qaarigii guuleheen baraye

Gad yaroon hadeer soo alfiyo gabay horaantii dhe

Col gaashaaman guutooyin baxay gaasas diriraaya

Afkoon godobta laga dhawrin iyo gumuca oo yoola

Godkii rag isku maadaba haday gubato neecawdu

Oo ay gantaaluhu qarxaan guuli kaa maqan

Aanada ninkii gaystaybaad garab ku siisaane

Shan kastoo wixii guule qoray goobta iman doono

naf waliba waxay galabsataa goodigaw sudhan

Gabay guubaabo ah (Laas)

Abwaan; Axmed Cabdilaahi Aw Axmed

(Axmed-Dariiqo)

Qisada gabayganina waxay ahayd manaam aan kula sheekaystay

Xaaji Cabdi Ismaaciil (Guul Alla) isaga oo igu dardaraaya in qofnimada iyo waxa loo abuuray aad laysku
waydiiyoo

Wuxuu yidhi dalka ciddii ku kibirta ma ka qabataan?

Deeqda ciddii ku ambatay maxaad ka yeeshee?

Daacada maxaad la qabateen?

Kuwii ganaaxnaa ma hagaageen?

Hurdada ma iska nacdeen?

Ka dib waxan ku jaawabay gabaygan oo aan ka xasuustay

Intan yer eek ban.

Libintoodii duudsiyey cabdoow nimankii laalaaye

Hadduu luunku gawracay kuwii laaganaan jiraye

Kuwaad laaxunkoodii jartaan laas u dhurayaaye

Leexada haddaan saarayaa leeddofuul ba’ane

Haddaan gaadhka liishaamayaa sida libaaxiiye


Lil bitaata laamaha saraan leeb u ganayaaye

Kaan luxudka diidayninbaan liif ku xalayaaye

Haddaan kuugu soo loogayaa luuq-qii beeraha e

Ha ligligan ninkii liitaybay laydhu sidataaye

Gabay guubaabo ah (Guuxa Hawlaha)

Abwaan; Axmed Cabdilaahi Aw Axmed

(Axmed-Dariiqo)

Gabaygani wuxuu kamid yahay gabayaada dhacdooyinkiisu aadka ay iigu layaabka badnaayeen, maxaa
yeelay wuuxuu ahaa gabay aan manaam ku tiriyey.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa aniga oo hurda waxa I soo dul fadhiistay nin weyn oo gadh casleh oo
midabkiisu carab yahay .

Run ahaantii aad ayaan u jeclaystay ag fadhigiisa laakiin wax su’aal ah imuu waydiinin cabaar ka dibna
anaa lafahayga u baqday oo waxa niyadayda soo gashay waar malaha waa malagii nafta qaadayey,
waayo aad ayuu mizaan u lahaa juhdigiisu.

Markii aan hurdadii ka toosay ayaan aad isu waydiiyey ninkani waxa uu ahaa.

Aniga oo aad uga warwaraya anuu ahadana ii yimaado ayaan seexday habeenkii 2aad

Ka dib markii aan gamay ayuu yimi laakiinse malintan dambe wuxuu igula hadlayey hadalo sarbeeban oo
aad iigu duxayey iyo tilmaamo faro badan oo aan aad ugu baahnaa,

Xataa mararka qaarkood waxa ay ahaayeen gabayo faro badan.

Marka aan godlado ee aan hadlo aniguna waxa uu ii ishaarayey inta uu afka gacanta saaro inaan aamuso
maxaa yeelay casharada lay siinayey ayaan u baahnay wax hadal ah.

Marka laga reebo gabaygii ugu horeeyey oo markii uu I salaamay aan la boobay ereyada ka dambeeya
tilmaamta iyo araarta tilmaamaya sidii aanu sheekha u kulanay.

Sheekhu markii uu I salaamay gacantiisu aad ayay u qaboobay waxan ka dareemay dabacsanaan iyo
qabaw naxariis ah oo aan aniga oo riyo iyo hurdo ku dhex jira hadana markaa cabaar aan ku lulooday.

Kadib ayaa waxa uu caajiskii iga duuliyey isaga oo hadalka boobaya oo leh

nin lagu seexdoow ha seexan

xilbaad sidaa ha seexan

ka dib waxa afkayga ka so baxday aniga oo ilmaynaya

Awoow raali iga noqo waan kugu seexdaye


Inta uu ilmeeyey ayuu yidhi maxaad igu garatay halkaas ayaan inta aan dhididka iyo ilamada isku darey
ka bilaabay gabayga aniga oo leh sidan

Gabal wacane ruuxaan goblamin waa gadaad tahaye

Ilmadii gufaacada lahayd gacamadii hooray

Naxariistii igu gaaxataan gamay horaantiye.

Cabbaar markaan waday ayuu iigu jawaabay dhawr bayd oo miizaan wayn leh

Hadana waan u celiyey aniga oo isugu darey war iyo wardoon

Markuu iga sii tagayeyna waxa uu iiga tagay lacag aan ahayn lacagtii aan aqaanay waxa kale oo uu ii
xidhay darajo ciidan oo aanan markaa aqoon u lahayn laakiin markii darajada ciidamada la siiyey ayaan
ogaaday inay ahayd darajo aan ciidankaba la siinin.

Ka dibna wuu ila dardaarmay oo wuu iga tagay ana hudadii ayaan ka toosay.

! gabayguna waa kan

Xalay galin dhexaadkii anoo sheekha garab jooga

Gadhka iyo anoo kala dhex maray gaadadiyo laabta

Gogoshaan ku jiifiyo anoon dhaafin golahayga

Garnaqsiga mar aan kula gudiyey ereyo googoosa

Tibaax gaara weeyee bal aan galiyo diiwaanka

Gudoonkiisa reenkiyo markii guuxu naga duulay

Salaantiisan gaarka ah markaan guudka ugu meershay

Gabal wacane ruuxaan goblamin waa gadaad tahaye

Ilmadii gufaacada lahayd gacamadii hooray

Naxariistii igu gaaxataan gamay horaantiye

Gacantaada igu raagtaybaa godoshay laabtiiye

Allihii ku gaashaamaybaa gaaxda noo dhigaye

Gabankaagiibaan ahay hadana guun jiraan ahaye

Garabkii rasuulkaan ahiyo nuurkii gaaddada’e

Godolkii asaraartaan ahiyo guuxii hawlaha’e

Gurmadkaagiibaan ahay haddii guul laguu miyaye


Waxan ahay gugii kaa tagiyo gaaxdii maalmaha’e

Wuxuu yidhi gudoomaye awaw gabankayoow heedhe

Giriyaad habaasliyo adoo gaajo socon waayay

Waxan ahay gasiin iyo anfaco goorsan kuu timiye

Golcastiyo falaadhaha markaad gawla dalandoosho

Guul hadhiye damal aad gashiyo goodi malab joogo

Gal xareedi jiiftaan ahiyo gob iyo dhaameele

Garwaha habeenkii adoo dhaxanta gaylaansan

Waxan ahay gabood lagu nastiyo gama la seexdaaye

Godka iyo xabaashaba haddaan gacal is taageerin

Oow iil ku gaaryahay wuxuu gooyey camalkaagu

Waxan ahay nimaan gamashiyeyn gu iyo jiilaale

Waxan adhi aduunkoo gayaxan lay gadbixi waaye

Gafka iyo tumaatida guracan gaadadiyo shiishka

Gujis iyo garnayl soo dhaciyo golaha baaruuda

Gabagabo dagaal meel rasaas gumuc is waydaartay

Oo maydku gaylaansanyahay haaddu gabax laysay

Waxad tahay gumaadaha kufriga gaaddadaw dhiga’e

Gaaleef xamiiriyo haddii goorisadu yoontay

Garbo aan la riixaynin iyo gaadh biraan ahaye

Gaagaabsan maayoo anaa gigay kufaartiiye

Gawaan laga hayaamiyo anoo geeri go,an joojay


Oo galin dhexaadkii danbana goolku dhalan waayey

Waxad tahay gadayr soo kacdiyo guuto xoog badane

Gal dadliqa nimaan kula gudbini kama gayoodeene

Adaa goofka naga daadahshaye laygu kaa gunud

Wuxuu yidhi gawaanbaa jiriyo guul habeensadaye

Haday taladu googoosantoo iniba gees raacdo

Gondaloolo mooyee haday guushu dhalan waydo

Gawaankeeda yoolkiyo hadduu guuxu dami waayo

Garaad duuble nabadoon guntaday guurti odayaala

Cuqaal geesha gole loo dhanyahay godolka waanwaanta

Ma gorfeeyo xaajada ninkii eel ku gaadhaniye

Geel kiis haday kala noqdeen gacal is doondoonay

Oo qaranku aalaha gambiyey garasho aafawday

Waxad tahay guddoonkii maqnaa goorahaa tagay’e

Aduunbaan garaadada ku sudhay darajadii guude

Ha gabbane tibaaxdawgu godol gaawohoo siman

Abtirsiimadayda

Axmed cabdillaahi aw axmed

xasan cabdile xareed

Sharmarke Xoosh cali

Cismaan abokor Xuseen

daa,uud ibraahim ayuub

Sheekh isxaaq

Binu axmed binu muxamed binu xuseen

Binu cali binuxamsatul mudahar binu cabdilaahi

Binu ayuub binu muxamed binu qaasim

Binu axmed binu cali binu ciisaa


Binu yaxyaa binu muxamed almahdi

Binu xasan al caskari binu cali al naqiyi

Binu muxamed al jawaad binu cali al ridaa

Binu muusaa al kaadim binu jacfar saadiq

Binu muxamed al baakir binu cali zaynal caabidiin

Binu imam xusayn

Cali binu abii daalib faaduma muxamed scw

Cabdil mudalib binu haashim binu cabdi manaaf

Binu qusaay binu kilaab binu murraa

Binu kacab binu lu,aay binu qaalib

Binu fihir binu qaalib binu nadar

Binu kinaana binu khuzayma binu murdika

Binu ilyaas binu madar binu nizaar

Binu macad binu cadnaan

Xadiith nabawi ah ayaa jira oo uu nabigu csw yidhi ab tirsiintayda

yaan la dhaafif cadnaan

lakiin waxa hubaal ah in uu ku abtirsado nabiyo 5 ah

nabiyullaahi ismaaciil calayhi salaam

nabiyullaahi ibraahiim calayhi salaam

nabiyullaahi nuux calayhi salaam

nabiyullaahi idriis calayhi salaam

nabiyullaahi aadama calayhi salaam

You might also like