You are on page 1of 10

saraynata sharciga

 Hadaba saraynta sharciga markaan ka hadlayno waxaan dib u milicsanaynaa si Aan wax
badan uga ogaano Taariikhda gaaban ee wadanku soomaray sida Boqrtooyadii xayle silaase
badi lahayd shuruuc da wadanka taala waxaa ku qornaa sharciga in ay boqortooyadu ka
sarayso sida mac naheeduna maqaban jirin sharcigu hadii ay dambi galo ruux
boqortooyada ka mid ah
 waxaa soo maray dalka dastuurada laga waramo (Ayna sooqaa teen macalimiinta ) waxaa
uu ahaa kii soo baxay 1923 ee ay boqortooyada soo saartay waxaana dib loo habeeyay
markii uu soobaxay baaqii xuquuqda in saanka ee 1947 qaybtii xuquuqul iin saanka ayay
ku soo dareen dastuurkii uyaalay boqortooyada
 kadibna dawladii militariga dhargiga ayaa waxay qortay matkii ay samaynaysay (raasgisgi
xisbigii shaangoo ayay samaysay dastuurka 213/1974 xeerkan waxaa loo badalay si
aamusan oon toos ahayn wakhtigii xisbigii EB RDF markii uu ka tuuray dhargigii
waxaana la sameeyay ( jaatarkii ) oo matalayay (Dastuurkii )
 intaas kadib ayay quruumihii iyo qoomiyaadkii iyo shucuubta dalka itoobiya ayay wakiilo
ay soo dirsadeen taariikhudu marakay ahayd 29/ hidhaar 1987 ansixiyeen dastuurkan
laguna soo saaray bayaankan 1/1987 waxaa uuna dhaqan galay sane 15/1987 waxaana
saxiixay madax waynihii (nagaasu gidhaadhuu )
 Dasturkani waa dal ahaan sharciga ugu sareeya sida ku cad qodobka .9
 Dastuurkani waa sharciga ugu sareeya wadanka
 Qaaanuun kasta ha ahaato Xeer dhaqameed qaraaro ay gaadheen hay ado dawladeed ama
Go’Aan masuul dawladeed kama hor imaan karo
 Dhamaan muwaadiniinta hay adaha dawlada ururada siyaasadeed ururada kale iyo
madaxdoodaa waxaa xil kasaaranyahay hirgalintan dastuurkan
 1 dhamaan heshiisyada caalamiga ah ay itoobiya ansixisay waxay kamid yihiin shuruucda
dalka
 qodobka 10 aad xuquuqda aadamiga iyo xurmayn tiisuba waa mid k= qof waliba dabeecad
ahaan uleeyahay oo aan laga xayuubin Karin
 2 waana in la xurmeeyo xuquuqda aadamiga iyo ku wooda dimuqraadiyadeed
 sidaas darteed waxa uu kunoqday sharciga ka ugu sareeya dalka

1. habka loo soo saaro wuxuu maraa maswado


2. wuxuu soo maraa oo kale afti dadwayne oo laga soo dodo
3. baar laman isga loo soo xulo oo ansixiya

2- habka wax kabadalidiisa

1. dhamaan golayaasha deegaanka wadanka sadex meelood labo markay isku raacdo in wax
laga badalo
2. dhamaan labada gole ee fadaraalka markay iyaguna sadex meelood laba isku raacdo codka
in wax lagabadalo oo kali ah ayaa labadalayaa sida ku cad qodobka 105 ee isla dastuurka
QEEXITAANKA DASTUURKA
 sida ugu dhibyar ee loo qeexi karaaye waxay tahay in uu yahay
 waa sharciga cadeenaya xiriika ka dhexeeya dawlada iyo muwaa diniita
 sidoo kale waa xiriirka udhexeeya haayadaha dawlada
 waxaa kale oo lagu qeexi karaa waa awooda kala hagaysa hay adaha dawlada

waxaakale oo sharcigan hortiisa waaloo simanyahay sida uu dhigayo qodobkiisa 25 aad

dhamaan dadku qaanuunkan hortiisa way usimanyihiin waxayna leeyihiin xaq isku mid ah oon
sinaba look ala takoori Karin loogumana kala ee xan karo

 sinjiyadiisa
 qaran nimadkiisa
 qoomiyad nimo
 midabkooda
 jinsiyadooda
 diintooda
 aragtidooda siyaasadeed
 ama bulshada ay kasoo jeedaan
 hantidooda
 dhalashadooda

silamid ah waxaa xeerinaya qodobka xeerka ciqaabta qodobkiisa 4 aad ee sinaanta sharciga hortiisa
iyada oon wax farqiah lahayn dhinacyada

 qofka heerkiisa nololeed


 faraciisa
 qoomiyadiisa
 jinsiyadiisa
 luuqadiisa
 diintiisa
 ama afkaartiisa

waxa uu sisiman ugu fulayaa cid kasta danbi falayaasha dhexdooda farqi loo ma sameen karayo
sida oo kale bayaanka xuquuqul in saanka caalamaiga ah ee soobaxay sane 2005 qodobkiisa 7 aad
dhamaan dadku sharciga hortiisa way usiman yihiin si aan kala sooc lahayn xaq bayna uleeyihiin in
si siman loo ilaaliyo
hadii dalka lagu soo ragay xaalad dagdag ah sida ku cad qodobka 93 qaybtiisa 4aad xarafkiisa (J)
wuxuu leeyahay
golaha wasiiradu mudada ay hawshooda dhaqan galinayaan awooda xaalada loo siiyay dag daga ah
sinaba uma hakin karaan xuquuqaha lagu cadeeyay qodobka 1 aad ee dastuurka
2 ka 18 aad ee xaqa badbaadada aadamiga
3 qodobka 25 aad ee xaqa aan soo sheegnay ee sinaan shaha sharciga hortiisa
4 xaqa 39 aad qaybtiisa 1aad iyo labaad ee xaqa qoomiyaadku uleeyihiin xaqa aayo katalin tooda
qodobadan sina uma saamayn karayo
Xuquuqaha bani aadamka ee dastuurkani qeexayo

dastuurkani wuxuu sugayaa xuquuqda aadamiga ama mu waadiniinta waana arin ay wadaagaan
dhamaan dastuurada aduunka oo idil qaybo aad ubadan ayaa kahadlaya

xaquuqda bani aadamka iyo ku wooda dimuqraadiyadeed dastuurka oo kali ah ma aha in uu qeexo
xuquuqahaa balse waxaa loo baahanyahay in uu cadeeyo habka loo sugi karana marka xad gudub
lagu sameeyo waa in uu jiraa hab raac

waxaana halkaa soo galaya kaalinta maxkamada iyo hay adaha kale sida komishinka xuqququl in
saanka iyo hay adaha cabashooyinka dad waynaha oo ay waajib ku tahay in ay kaalin wayn
kacayaaraan hir galinta xuquuqahaas

hadaba xuquuqda bani aadamka waa mid aan lagu xad gudbi Karin

waxaana waajib ah in la ixtiraamo

waxaana ugu horeeya xaqa nolasha qofka uu uleeyahay in uu unoolaado sida ku cad qodobka 15
aad oo sheegaya in qof waliba xaq uleeyahay in uu noolaado lagamana xayuubin karo xaqiisa
nololeed hadii uuna ku mu taysaniin ciqaab culus oo fal danbiyeed uu sharcigu xeerinayo

sidoo kale qodobka 16 aad oo dhigaya xaqa nabad qabka jidhka qofkasta wuxuu xaq uleeyahay in
jidhkiisa laga ilaaliyo in wax yeelo loo gaysto

sidookale qodobka 17 aad waxa uu isna kahadlayaa xaqa xoriyada qofka

qofna xoriyadiisa loo gama xayuubin karo si kabaxsan shuruudaha iyo nidaamka sharcigu dhigayo

qofna looma haysan karo si kabaxsan nidaamka uu sharcigu dhigayo lamana xidhi karo iyada oon
dacwad lagu soo oogin ama aan laba xukumin

Waa jibaadka xafiiska nabad galyada iyo anshaxa xubnaha maleesiyaanka

Hadaba maadaama ay tahay nabad galyadu lafdhabarta deegaanka marwalba waxaa loo
baahanyahay in sicad loo qeexo waa jibaadkeeda waxna ay kabartaan qaab shaqeed ka xafiis ka ay
sitoos ah ay uhoos tagaan waxaaana laga maar maan ah in ay xubnaha malesiyanku ku baraarug
sanaadaan anshaxa laga rabo qofka hawshaa uquminkara qaran ka

Hadaba anagoo taa wax katilmaamayna ayaan halkan ku soo koobnay shaqada utaala nabadgalyada
iyo anshaxa dad ka kaqayb qaadanaya

WAAJIBAAD KA XAFIISKA NABAD GALYADA

 Wuxuu qaabilaa oo maamulaa dadka kasoo xarooda nabad diidka


 Wuxuu hubiyaa dhawritaanka amaanka iyo nabad galyada bulshada ku nool gobolka isga
oo sibalaadhan oga qayb galiyo dad waynaha
 Si aan fal danbiyeed loo galin isga oo kahortagaya ayuu difaacaa amniga iyo nabad galyada
gobolka si arintaas looga miro dhaliyo waxa uu suurta galiyaa in ay bulshadu kaqayb qaadato
kahortaga danbiyada sidoo kale bulshada ayuu kacaa wiyaa sidii ay usugi lahayd amniga iyo nabad
galyada
 Waxa uu abuuraa sidii nidaam nabadeed loogu xalin lahaa khilaafyada iyo is af garanwaaga
ka dhexdhaca gobolka gudihiisa xal waara si loo ga gaadhana wuxuu darsaa khilaafyada isaga oo
cidii ay khu sayso iskaashi shaqo layeelanaya ayuu xalin tooda ku dadaalaa
 Waxa uu ururiyaa dabagalaana cabashooyinka iyo tabashooyinka la xiriira maamulka ee
kabaxsan awooda hay adaha ka shaqeeya maamulka cadaalada iyo ku wa kale is lamarkaana in tuu
baadho ayuu xaliyaa
 Waxa uu kashaqeyaa sidii ay hay adaha sharci fulinta aragtidooda dimuqraadiyadeed u
kobcin lahaayeen isla markaana kor loo gu qaadi lahaa aqoonta ay uleeyihiin xuquuqaha aas aasiga
ah iyo kuwa dimuqraadiyadeedba
 Waxa uu xaqiijiyaa dhawrista xuquuqda dimuqraadiyadayd iyo kuwa aas aasiga ah ee
shacabka gobolka kunool wuxuuna abuuraa in ay nabad iyo is afgarad kunoo laadaan shacabka
kunool deegaanada uu xuduuda laleeyahay gobolku
 Waxa uu xulaa, habeeyaa, tababaraa, islamarkaana hawl galiyaa xooga maleesiyada xeerar
ka kala gadisan laga dhisayo isga oo raacaya awaamirta iyo shuruucda dawlada udajisan
 Waxa uu dabagalaa in ay xooga maleesiyada gobolka laga dhisay ay si feejigan oga
shaqeeyaan si aan fal danbiyeed gobolka oga dhicin ama aan laga dhex fulinin
 Xubnaha maleesiyada marka ay hawl galada iyo gudashada waajibaadka shaqo uu dhib
kasoo gaadho ayuu diyaariyaa qaabkii lagu taageeri lahaa xubnahaas iyo qoys saskooda

ANSHAXA

Sida uu dhigayo bayaanka tirsigiisu yahay 49/1996


Anshax xumo :-waxaa loola jeedaa hab dhaqan ama dabci kasta oo kahor imanaya nidaamka
dawliga ah
Asluub daro :- xubinka waxaa looga baahanyahay In uu ilaaliyo asluubtiisa , dhaqankiisa ,
labiskiisa, haybadiisa, karaamadiisa, sharaftiisa waana muraayad ay shacabku isku dhawraan oo
aan looga baahnayn wax wasakh ah
Waji garasho :- xubinka waa in uu kamadax banaanaadaa waji garasho bulshada waa in uu si
siman ugu fuliyaa adeega uu hayo
Xigta nimo:- xubinka waa in uu kamadax banaanaadaa xigtanimo, nin jeclaysi , kooxaysi,
gurubaysi, iyo IWM
Mukhalas nimo :- xubinku waa in uu kamadax banaanaadaa mukhalas nimo isga oo ka
dhamaynaya ujeedo uu danaynayo masuuliyiinta kasaraysa iyo ku wa kalaba
Diin :- xubinku waa in uu kamadax banaanaadaa in uu gacan saar iyo wada shaqayn layeesho
kooxaha dii meed ee isugu ururay habka xag jir nimada ,
Qabiil :- xubinku waa in uu kamadax banaanaada qabyaalada macaamiishana ay u sinaadaan
qabyaaladana wax bay dumisaa e waxba madhisto
Gabagabo:-xubinka waa in aynan kamuuqanin karti daro jilicsanaan waana in uuna ku xad gudbin
mabaadiida aas aasiga ah asluubta ,iyo waa jibaad yada kale ee anshaxa iyo galida khaladaad kahor
imanaya sharciga
Sida uu dhigayo bayaanka tirsigiisu yahay 49/1996 qofkasta oo itoobiyaan ah una dhashay
deegaanka oo maleesiyaan noqonaya waa in uu buuxuyo shuruudahan soosocda
1. Waa in uu noqdaa mid uhogaansan dastuurka dawlada iyo sharciyada kale ee dalka iyo ku
wa deegaan kaba
2. Waa in uu buuxiyaa heerarka aqoonta looga baahanyahay, caafimaad qab, muu qaalka
jidhkiisuna buuxo
3. Waa in uu anshax iyo asluub fiican leeyahay
4. Waa in aanu lahayn rikoodhdh danbiilanimo
5. Waa in aanu da,diisa kayareen 18 jir
6. Waain uu raali ka yahay in uu maleesiyaanimo ku adeego
WACYI GALINTA MUSUQA
1. Tabaha ladagaalanka musuqa
1- Tababar iyo wacyi galin
2- Kahortag
3- Sharci marin
2. Dhaqanka iyo dabeeca ugaarka ah musuqa
1- Qaab socodka tabaha fulinta
2- Jiritaan la aanta cid dareen lahaansha leh
3. Laaluushka waxaan ukala qaadi karnaa 2 qaybood oo kala ah
1- Laaluush ay qaataan xubnaha dawlada ama ku wa xilka loo magacaabay
2- Laaluush qaadashada lagu fuliyo qaab kabaxsan dawlada ee ay fuliyaan shakhsiyaad ama
kooxo is habeeyay oo maafiyo ah
4. Noocyada musuqa
1- Musuq fudud adeeg bixinta shaqaalaha dawlada
2- Musuqa aadka usareeya
3- Heshiiska mashaariicda
4- Bangiga __ canshuur uruuriyaasha
5. Bobka

Qofka shaqaalaha dawlada ah hadii hanti dawladeed oo loo awood siiyay in uu maamulo ama
shaqo dawladeed ku fuliyo haduu u adeegsado danihiisa gaar ahaaneed ama faa iidayn cid kale
falkaasi waxaa lagu tilmaami karaa in uu fuliyay

6. Muuqaal taariikheedka musuqa itoobiya ee xiligii xayl salaase


 Umagacaabida gudoomiyaha heer dagmo waxaa laga qaadi jiray 3000 birr
 Gudoomiyaha heer gobol 5000 birr
 Xilal ka intaas kawayna 10,000 bir

Asbaabaha musuqa
7. Hoosaynta anshax xumada
8. Xiligii dhargiga
 Waxa uu ahaa xiligii ugu xumaa ee uu sida wayn uqalalay anshaxa hanaanka adeeg bixinta
ee bulshada

Sida uu qabo bayaanka tirsigiisu yahay 48/1996 ee go aaminta canshuurta

Iyada oo ay dawlidnimadu tahay dakhli uu bixiyay muwaadin ayaa waxaa xooga maleesiyaadka
looga baahanyahay in ay ka halgamaan sida aysan ubaaqan lahayn dakhli ku go ay mu waadin oo
dawlada usoo xaroon lahaa

Ujeedada xeerka ciqaabta loo sameeyay

Qodobka 1aad

Danbi micnaheedu waa wax samee lagu yidhi oo aad samayn wayday ama wax ha samaynin
lagu yidhi ood samaysay

waxaa looga dan leeyahay danta guud waxayna tahay xaqiijinta iyo ilaalinta danaha iyo xaqiiqaha
nidaamka danbiyada iyo dabagalada dad waynaha kunool deegaanka iyo dibadaba iyada oo yoolka
xeer ka ciqaabta uu yahay ka kahortaga danbi samaynta ayaa waxaan sidan usamaynay anagoo
marka uhoraysa digniin kabixinayna danbiyada iyo ciqaabtooda marka ay digniinta ku filnaan
waydana anaga oo samaynayna in danbiilayaasha lagu ciqaabayo ay ka gaabsadaan samaynta
danbi kale iyada oo kuwa kalana cashir unoqonaysa
sida uu sheegayo qodobka 797
ayaa waxay tahay xuquuqaha wax lagu qasbi karo ee xadeed oo la dhaafiyo sikabaxsan xaalada uu
ciqaabta sharcigu danbi gaar ahaanayd.
sida ku cad qodobka 422 ilaa 424 oo ah guryaha marka lafatashayo ama labaadhayo ama lala
wareegayo in wax hadii lasharoo teeyo ama lajaro ama meel sharoo taysan qabashada xadhiga ama
baadhista loo gaysto shakhsiyadeedka in ladiwaan galiyo xogta dadka ma wixii lamid ah si kale uu
hawl ufuliyay qofkana sharcigana masuuliyad dawladeed kasaaran yahay ama waa jibaadkiisa
shaqo ee gaar ahaaneed hadii uu ufuliyo si naxdin leh ama si guracan oo kabaxsan dhaqamada
wanaagsan hadii uu awoodiisa ku tagri falo waxaa lagu ciqaabi karaa xadhig ama ganaax
sida iyana uu dhigayo qodobka 798 xaqdaro qof kasta oo shaqaale dawladeed ah si kabaxsan
xaaladaha lagu ciqaabayo qodobka 411 ilaa qodobka 419 ee sharciga xeerka danbiyada isga oo ku
tagri falaya awood masuuliyadeed haduu xaq daro gaysto waxaa lagu ciqaabi karaa xadhig ama
ganaax
qodobka 799 ee eexda qof kasta oo kamid ah shaqaale dawladeed oo si kabaxsan xaaladaha la isku
ciqaabayo ee sharciga xeer ka danbiyada
sida ay dhigayaan qodobada 408 ilaa 409 iyada oo qodobka 414 isga oo ilaalinaya danbiyada
gaar ka ah hadii ee xasho ku caawiyo qof uu isgu dan gaar ah karabo ama hoosyimaada
masuuliyadiisa ayaa waxaalagu ciqaabi karaa xadhig aan kabad nayn 3 ama ganaax
qodobka 800 waraaqaha kasoo baxa xafiisyada dawlada oo si habsami la aan ah loo bixiyo ayaa
iyana waxaa lagu ciqaabi karaa xadhig aan kabadnayn 3 bilood ama ganaax

XEERKA LAGU FULINKARO XUBINKA CIIDANKA MALEESHIYAANKA EE XAD


GUDUB LAYIMAADA

Sida uu dhigayo qodobka (795) ayaa waxay tahay xeerka mid lagu fulinkaro ciidamada booliska
iyo maleeshiyaadkaba marka ay ku dhex jiraan gudashada waa jibaadkooda shaqo waxaa kale oo
xeerka lagu fulinkaraa xaalada ha quseeya aamin sanaan tooda
sida uu dhigayo xarafka 2aad ciidamada maleeshiyaanka marka ay shaqooyinkooda gudanayaan
sida shaqaalaha dawlada oo kale qodobada khu seeya waxay ahaanayaan ku wo sidooda utaagan

Qodobka 2aad (796) lid ku ah waa jibaadka shaqooyinka dawliga ah iyo ku tagri falid awoodayd
ee uu ugaysto xubinka shaqaalaha dawladeed shacabka ama shaqadaba

sida uu dhigayo qodobka 407 ayaa waxaa lagu ciqaabi karaa ganaax ama xadhig

MEEL KAGA DHACYADA YAR YAR IYO CIQAABTA LAGU ANSHAX MARINAYO

Qofkasta oo shaqaale dawladeed ah markuu ku guda jiro shaqada hadii uu gayso meel kaga dhac
hoose maxkamadu haday u aragto danbi dhacay in uu mid lagu xalinkaro talaabi ku haboon oo
anshax ah sida uu xeerinayo sharciga ciqaabta ku xusan waa la iska dhaafi karaa maxkamadu
waxay qoraysaa in arintaa go aan laga qaatay anshax marin ah waxaana loo gudbinayaa qaybtiisa
maamul xafiisayd ka uu ka tirsan yahay
qodobka 806 masuuliyada oo ladiido in la caawiyo ama la aqbalo qofkasta
sida ku cad qodobka 440 xaalada ku xusan ee la isku ciqaabi karo si kabaxsan qof shaqaale ah oo
ku guda jira gudashada waa jibaadkiisa shaqo kaas oo utaagan in uu fuliyo ujeedooyin gaar ka ah
sida nabad galyada shacabka in aan danbi lafulin ama in uusan baxsan danbiile qofka hawshaas ku
hawlan sidaas ah in gacan lasiiyo qofka uu uyeedho in uu gacan siiyo ama uu way diisto qofka
diida gacansiintaas isga oon kala kulmin wax awooda kabaxsan oo is hortaagi kara hadii uu yeelo
gacan siinta loo ga baahnaa mid keeni karta dhibaato isga oo si gaar ah ama ayna hantidiisu kujirin
waxaa lagu ciqaabi karaa xadhig aan kabad nayn 3 bilood ama ganaax
Qodabka 23aad danbiyada :-

danbigu waa fal lamamnuucay oo ciqaab sharcina lagu mutaysto ,xeerkan dhexdiisa falku wuxuu
kakoobnaanayaa ,galida iyo samaynta ,wuxuu sharcigu mamnuucay ,ama ka baaqsiga wuxuu
sharcigu amray
faldanabiyeed wuxuu dhamaystirmaa kaliya markii la helo sharci lajabiyay shay alaaba ama ficil
fikir iyo natiijo

iyadoo wax tix galin ah la siinaynin firqada (2 aad ) ee qodobkan shaqsiga ah qofnimo sharci oo
dhalanted ah (juridical person ) wuxuu masuul kanoqonayaa danbiga uu galo laguna ciqaabayaa

Sida kucad xaalada lagu xusay qodobka 34 aad ee xeerkan


danbiga waxaa la isu ciqaabi karaa markii ay maxkamadu ogaato in danbiga lacadeeyay una qalmo
in ciqaab lagu riday

qodobka 24aad xiriirka ka dhexeeya sababta iyo natiijada

1. marka kasta oo galitaanka fal danbiyeedka tahay in uu keeno natiijo cayiman waxaa
lagusoo qaadayaa inaan wax danbi ah lagalin ilaa iyo natiijadu uu keenay falkaasi ay tahay
saamayn ka dhalatay fal ama ka baaqsiga qofka eedaysanaha ahi ke eedayasanyahay xidhiidhka ka
dhexeeya sababata iyo natiijada waxaa loo arkayaa inuu jiro falkan markaa qodobada sharciga
dhexdiisa lagu xusay uu sida caadiga yahay mid keeni lahaa natiijada lagu soo eedeeyay
2. marka ay jiraan sababo horeeyay oo kusoo beegmay ama soo dhex galay ha noqoto fal qof
03aad sameeyay ama dhacdo dabiici ah ama lama filaan ah oo kabaxsan falkan eedaysanahan
xidhiidhkan sababta eedaysanaha iyo natiijada masii jirayo hadii sababta sharciga ahi ay keeni
karto natiijada
hadii xaaladan mid lamid ah falkan eedaysanuhu ke eedaysanyahay uu yahay danbi wuxuu
mutaysanayaa ciqaabta loo qoondeeyay danbigaas
3. xidhiidhka sabab iyo natiijo ka dhexyeeya waxaa loo arkayaaa inuu ka dhex jiro sabab
kasta oo lagu dhex xusay farqada ( 2aad )ee sare iyo natiijada ka dhalata marka ay natiijadu ka
timaado saamaynta sababaha iskaalmaystay xataa hadii sabab kasta kaligeed keeni Karin natiijada

qodobka 25 aad goobta iyo wakhtiga danbiga

1. goobta iyo wakhtiga lagu tiranayo in danbiga lagalay waxaa ay noqonayaan meesha iyo
xiliga uu danbiiluhu ku fuliyay ama uu ku guul daraystay in uu kufulilyo falalka hore ee noqon
kara isku day
fal danbiyeedla goos gooska ah ee falka iyo natiijada danbiiluhu ayna isla socdaan waxaa loo
arkayaa in danbiga lagu galay goobta falka sharciga kabaxsan lagu fuliyay iyo in natiijada
falkaasi uu keenay ka dhacdayba sidoo kale waxaa isku day loo arkaa in lagu sameeyo goobta
uu danbiiluhu isgu dayay inuu danbiga kasameeyo iyo goobta uu ugu talo galay in natiijadiisa
laga helo arinta khusaysa halka dacwada loo soo gudbinayo awooda garsoorka kutaala halkii
natiijada laga helay waxaa lagu koobayaa tan kutaala goobta danbiga laga sameeyay
 waxaana halkaa soo galaya kaalinta maxkamada iyo hay adaha kale sida komishinka
xuqququl in saanka iyo hay adaha cabashooyinka dad waynaha oo ay waajib ku tahay in
ay kaalin wayn kacayaaraan hir galinta xuquuqahaas
 hadaba xuquuqda bani aadamka waa mid aan lagu xad gudbi Karin
 waxaana waajib ah in la ixtiraamo
 waxaana ugu horeeya xaqa nolasha qofka uu uleeyahay in uu unoolaado sida ku cad
qodobka 15 aad oo sheegaya in qof waliba xaq uleeyahay in uu noolaado lagamana
xayuubin karo xaqiisa nololeed hadii uuna ku mu taysaniin ciqaab culus oo fal danbiyeed
uu sharcigu xeerinayo
 sidoo kale qodobka 16 aad oo dhigaya xaqa nabad qabka jidhka qofkasta wuxuu xaq
uleeyahay in jidhkiisa laga ilaaliyo in wax yeelo loo gaysto
 sidookale qodobka 17 aad waxa uu isna kahadlayaa xaqa xoriyada qofka
1. qofna xoriyadiisa loo gama xayuubin karo si kabaxsan shuruudaha iyo nidaamka
sharcigu dhigayo
2. qofna looma haysan karo si kabaxsan nidaamka uu sharcigu dhigayo lamana xidhi
karo iyada oon dacwad lagu soo oogin ama aan laba xukumin

You might also like