You are on page 1of 42

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA


April, 2017 Md. Cabdulqaadir Maxamed Sheekh

@UN Joint Rule of Law Programme Somalia

Supported by UN Joint Rule of Law Programme Generoulsy Funded by

EUROPEAN UNION � �
**
* **
* * ��
** **
*
Supporting the Somali New Deal
UKaid
from the British people
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Tusmo
ARAR........................................................................................................................................................2
Cutubka 1aad XUQUUQDA EEDAYSANAHA.....................................................................................3
Waa maxay laga-shakiye?.......................................................................................................................4
Waa maxay eedaysane?...........................................................................................................................5
Mabda’a isu-gaynta iyo kala saaridda labada awoodood ee eedaynta iyo baarista.............................5
Mabda’a kala saaridda labada awoodood ee eedaynta iyo baarista......................................................5
Mabda’a isu-gaynta labada awoodood ee eedaynta iyo baarista..........................................................5
XAQA 1AAD: Mabda’a Danbi-laawenimada:......................................................................................6
XAQA2AAD: Dammaanadaha eedaysanaha inta lagu guda jiro tallaabooyinka xakamaynta.........8
Waa maxay xarig?....................................................................................................................................9
XAQA 3AAD: Xaqa eedaysanahu u leeyahay in xariggiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa:.. 18
XAQA 4AAD: Xaqa eedaysanuhu u leeyahay inuu isdifaaco oo uu qareen qabasado:.....................18
XAQA 5AAD: Ilaalinta karaamada eedaysanaha:.................................................................................21
XAQA 6AAD: Xaqa eedaysanuhu u leeyahay maxkamadayn caddaalad ah:......................................22
XAQA 7AAD: Xaqa eedaysanuhu u leeyahay maxkamadayn degdeg ah:..........................................23
XAQA 9AAD: Xaqa eedaysanaha ee qaadashadda racfaanka..............................................................25
Qeexidda xaqa duridda xukunada:.........................................................................................................26
WAYDIIMO:...........................................................................................................................................27
Cutubka 2aad XUQUUQDA DHIBBANAHA........................................................................................28
GOGOLDHIG..........................................................................................................................................29
XAQA 1AAD: Kaalintadhibbanaha ee gudbinta ashkatada:...............................................................30
XAQA 2AAD: Xuquuqda dhibbanaha (dacwoodaha madaniga ah) uu u leeyahay inuu dacwadda
soo dhexgalo:............................................................................................................................................34
XAQA 3AAD: Xaqa dhibbanaha ee gudbinta dalabaadka...................................................................34
XAQA 5AAD: Xaqa dhibbanuhu u leeyahay inuu la socdo baaritaanka............................................35
XAQA 6AAD: Xaqa dhibbanuhu u leeyahay in tabasho toos ah uu garsooraha u gudbiyo.............36
WAYDIIMO............................................................................................................................................38
GUNAANAD...........................................................................................................................................39
TIXRAACYO..........................................................................................................................................40

1
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

ARAR
Waxaan shaki ku jirin, in siyaasadda xeer-dajinta ciqaabta ah looga gol-leeyahay, ilaalinta Xuquuqda
Aadanaha, oo ah xuquuq dastuuri ah, saldhigna u ah, samaysanka dawladda, oo ujeedada ugu
muhiisan ee loo samaysto dawladi waa in ay ilaaliso xuquuda muwaadiniinteeda.
Haddii siyaasadda xeer-dajiyaha ciqaabta guud uu saldhig u yahay raadinta danbiilayaasha iyo
ciqaabiddooda, waa ay ka duwantahay siyaasadda xeerdajiyaha habka ciqaabta oo waxaa saldhig u
ah, ilaalinta xuquuqda dhinacyada dacwadda ciqaabta ah.
Waxaa xusid mudan in xeerdajiyaha xeerka habka ciqaabtu uu xoogga saaray, ilaalinta xuquuqda
eedaysanaha oo uu aad uga taxadaray in qof aan danbi lahayn loola dhaqmo sida qof danbiile ah,
waana arin halis ku ah haddii ay dhacdo Xuquuqda Aadanaha si guud, iyo xuquuda muwaadiniinta
si gaar ahba.
Maadaama oo ay suurtagaltahay in, awoodda dawladda ee ah raadinta danbiilayaasha si loo ilaaliya
xuquuqda bulshadu u leedahay inay hesho ammaan guud, sixun loo isticmaalo oo lagu dulmiyo
dad aan fal-danbiyeed ciqaab ah aan galin, waxaa muhiim noqotay inaan si gaar ah uga hadalno
xuquuda eedaysanahu uu leeyahay, si looga ilaaliyo xadgudubka awoodda dawladda, waana midda
uu Dastuurka Federaalka ah uu xoogga saaray oo qodobbo gooni ah ugu kali yeelay xuquuqda
eedaysanaha.
Hadaba waxaan si faahfaahsan u sharrixi doonnaa xuquuda eedaysanaha ee ku soo aroortay
Dastuurka, Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya, inta lagu guda jiro Dacwadda
ciqaabta oo uusan xukun kama danbays ahi ka soo bixin, markaas oo uu eedaysanuhu isku baddalayo
danbiile, oo ah mawduuc ka baxsan diraasaddeenna.
Sidoo kale waxaan ka hadli donnaa xuquuqda dhibbanuhu leeyahay inta lagu guda jiro dacwadda
ciqaabta ah, waxaa muuqanaysa in xeerdajiyaha Dastuuriga ah uusan siinin mudnaan lamid ah
midda uu siiyay eedaysanaha.Maxaayeelay qodobbo gaar u ah dhibbanaha kuma uusan soo aroorin
Dastuurka, sida uu ugu soo arooray qodobbo gaar u ah eedaysanaha.
Haddaba waxaan sharrixi doonnaa Xuquuqda dhibbanaha ee ku soo aroortay Xeerka habka ciqaabta
iyo xeerka ciqaabta, inagoo kaashan doonna xeerarka ciqaabta dalalka kale marka ay timaaddo
xuquuq dhibbanuhu leeyahay oo uusan xeerkeennu qeexin, si xeer-dajiyaha ay ugu noqoto fariin
iyo tilmaan uu ka faa’iidaysto marka ugu horraysa ee uu wax-ka-badal ku samaynayo Xeerka
Ciqaabta iyo kan habkaba.
Waxaa xusid gaar ah mudan, in inta aan ku gudajirnno cashirada buugga aan isticmaali doonno eray
cilmiyeedyada kala ah: “Eedaysane” iyo “Dhibbane”, waxaa eray cilmiyeedyadan soo hoos galayo, lab
iyo dhaddig, taas oo ka dhigan in eedaysanuhu noqon karo, qof dumar ah sida uu u noqon karo qof
rag ah.
Eray cilmiyeedyada aan isticmaalaynno oo u dhawaaqma sida labka, ayaa waxa ay keenaysaa in
qoraalku uu u muuqdo mararka qaar in nimanka oo kaliya uu buuggu lahadlayo, masa aha sidaas.
Isticmaalka labadan eray cilmiyeed oo uu xeerdajiyaha Soomaaliya isticmaalay ayaan buuggana ku
isticmaali doonnaa hadduu Alle idmo.

2
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Cutubka
1aad

XUQUUQDA
EEDAYSANAHA

3
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Cutubkan waxaan si faah-faahsan uga hadli doonnaa xuquuqda dastuurka iyo xeerka ciqaabta guud
iyo midka habka ciqaabtu ay siiyeen eedaysanaha inta dacwaddu socoto, inaga oo caddaynayna
mabaadi’da guud ee la xiriirta ilaalinta xuquuqda eedaysanaha.
Waxaan sidoo kale caddaynaynaa farqiga u dhaxeeya eedaysane iyo Laga shakiye.
Ujeedooyinka Cutubka:
Barashada cutubka 1aad waxaan uga gol’leenahay:
1. Intababartaha lagu baro xuquuqda eedaysanuhu leeyahay dhamaan xeerkarka kala gadisan
ee eedda, laga soo bilaabo baarista ilaa dhamaadka dacwadda ciqaabta oo ah marka laga so
saaro xukun kama danbays ah.
2. Tababartuhu inuu si gaar ah u ogaado xuquuqda Dasruuriga iyo midda xeerka ciqaabta guud
iyo xeerka habka ciqaabtu ay siinayaan eedaysanaha.
3. In uu ogaado ahmiyadda xeer-dajiyuhu siiyay xuquuqda eedaysanaha
4. Inuu ilaaliyo xaquuqda sharci ee eedaysanaha inta ay dacwaddu socoto.
5. Marka uu tababartuhu dhamaysto cutubkan waxaa uu baran doonaa:
6. Farqiga u dhaxeeya laga-shakiye iyo eedaysane
7. Xuquuqda eedaysanaha inta lagu hayo xayiraad shaksiyadeed
8. Xuquuqda dhibbaha inta maxkamadayntu socoto
9. Xuquuda dhibbanaha kadib xukunka maxkamadda darajda koowaad.

Waa maxay laga-shakiye?


Culumada qaanuunka waa ay kala saareen eedaysanaha iyo laga-shakiyaha, waxayna siiyeen qeexid
ka gadisan midda ay siiyeen eedaysanaha, sidoo kale waxay sharaxeen marxaladda (heerka) uu qofku
ahaanayo laga-shakiye oo ah marxaladda xog aruurinta bilawga ah ee lagu raadinayo caddaymaha
tusinaya qofka ka danbeeyay fal-danbiyeedka.
Qeexitaanadaasi waxaa kamid ah qeexitaanka Dr. Maxmded Maxda uu ku qeexay laga-Shakiyaha
inuu yahay: “qofka wajahaya baaritaan bilaw ah oo ujeedadiisu tahay xog aruurin, kadib markii
tilmaamo tusinaya inuu fal-danbiyeedka galay la helo, walina aan dacwo ciqaabeed lagu soo oogin”.
Sidaas darted, shakigu ma saamaynayo xorriyadda qofka inta shakigu iskaga badalayo eed, oo
uu ka noqonayo eedaysane, markaas ayay xaaladiisa qaanuuneed is badalaysaa oo uu wajaahayaa
tallaabooyinka baarista, laakiinta inta uu wajahayo xog aruurin iyo su’aalo waydiin bilaw ah, waxa
uu ahaanayaa laga-shakisane.
Haddaba, waxaa halkaasi kaaga muuqanaysa in qofku u kala gudbayo marxalado kala gadisan oo is
daba yaalla, marka koowaad waxa uu noqonayaa laga-shakiye, kadib waxa uu isku badalayaa haddii
caddaymaha shakigu xoogaystaan eedaysane waa marka dacwadda lagu soo oogo, ugu danbays
waxa uu noqonayaa qof la xukumay.

4
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Waa maxay eedaysane?


Culimada qaanuunku siyaabo kala duwan ayay u qeexeen eedaysane, waxayse intabadan ku soo
aruursamayaan in eedaysanuhu yahay qof kasta oo dacwo ciqaab ah lagu soo oogay, kadib markii la
helay caddaymo tusinaya inuu yahay qofkii faldanbiyeedka gaystay.
Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya waxa uu ku qeexay eedaysane qofkasta oo lagu soo qabtay awood
garsoor, ama la soo gaarsiiyay yeeritaan maxkamadeed oo sheegaya inuu yahay eedaysane.
Guud ahaan eedaysane waa qofka loo soo jeediyay eed, isla markaasna dacwo ciqaabeed lid ku
ah lagu furay. Sifada eedaysane waa ay la soconaysaa dhammaan marxaladaha kala gadisan ee ay
dacwdu marayso ilaa xukun maxkamadeed oo kama danbays ah ka soo baxayo.
Mabda’a isu-gaynta iyo kala saaridda labada awoodood ee eedaynta iyo
baarista
Dhammaan xeerarka caalamku waxa ay isku waafaqsanyihiin in hay’ad gaar ah loo xilsaaro baarista
danbiyada, laakiin waxa ay isku khilaafsanyihiin xadididda hay’adaasi, qayb kamid ah waxay
hawshan u xilsaareen garsoorayaal wax baara (‫)ﻗﻀﺎﺓ ﺍﻟﺘﺤﻘﻴﻖ‬, kuwa kalana waxay u xilsaareen xeer-
ilaalinta ayada oo ay u sii dheertahay hawsheedii ahayd eedaynta iyo oogista dacwaddaha danbiyada
ciqaabta.
Arintan marka laga hadlayo waxaa jirta labo nidaam oo ay xeer-dajiyayaashu kala raaceen,
kankoowaad waa in labo hay’adood lookala qaybiyo eedaynta iyo baarista. Kan labaadna waa in hal
hay’ad loo xilsaaro baarista iyo eedayntaba, mid kastana xujadiisa ayuu leeyahay iyo sababo keena
in la qaato.
Mabda’a kala saaridda labada awoodood ee eedaynta iyo baarista
Kooxda qabta in la kala saaro awooodda eedaynta iyo midda baarista waxa ay daliishanayaan in ay
tahay labo shaqo oo kala duwan. Shaqada eedayntu waa socodsiinta dacwadda ciqaabta ah iyo la
socoshadeeda marxaladaha kala gadisan ee ay marayso ilaa xunkunka laga fuliyo. Laakiin shaqada
baaristu waa raadinta caddaymaha ha ahaadaan kuwo eedda sugaya ama kuwo eedda burinaya, iyo
inay qiimeeyaan go’aanna ka qaataan in caddaymuhu ku filan yihiin in eedaysanaha loo gudbiyo
Maxakamadayn, nuxurka shaqadaBaaraha waa in uu raadiyo xaqiiqada hadday rabto ha noqoto mid
eedaysanaha dani ugu jirto ama mid lid ku ah.
Sababta loo kala saaray waa cabsi laga qabo xeer-ilaalinta inay iska raacdo qanaacadii ay ka
qaataday eedaysanaha waa haddii baaritaankana ayada ay leedahay, arintaasna waxay keeni kartaa
in waxyeello soo gaarto xaqa isdifaacidda ee eedaysanuhu leeyahay, sidaas darteed kala saaridda
shaqada baarista iyo eedaynta waxa ay u suurta galinaysaa eedaysanaha inuu si buuxa u helo xaqiisa
isdifaacidda ah. Kala saariddu waxa ay xaqiijinaysaa dhexdhexaadnimo iyo inay abuurto xasilooni
uu helo eedaysanuhu.
Mabda’a isu-gaynta labada awoodood ee eedaynta iyo baarista
Fikradani waxay ku taagantahay mabda’a ah in la mideeyo awoodda eedaynta iyo baarista ee
dacwadda ciqaabta ah, taas oo hal hay’ad siinaysa awoodda oogista dacwadda iyo socodsiinteedaba
iyo awoodda danbi-baarista, mabda’ani waxa uu xeer-ilaalinta isugudarayaawoodda eedaynta iyo
baarista labadaba.

5
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Qaybta fikradan qaadatay oo uu kamid yahay xeerdajiyaha Soomaaliya, waxa ay ku sababaynayaan


arimo badan, oo ay kamid tahay in aan cabsi laga qabin xeer-ilaalinta in loo igmdo labada
awoodoodba (eedaynta iyo baarista). Maxaayeelay waa dhinac dhexdhexaad ah oo shaqadiisu tahay
eedaynta danbiilaha iyo bariyeelkka (bad-baadinta) qofka aan danbiga lahayn, haddii ay noqoto
dhinac ka tirsan dacwaddaciqaabta ah waa marka ay xaqiiqsatay inuu yahay qofkii danbiga galay.
Sidaas darteed, kooxdani waxa ay leeyihiin baahida shaqada iyo waajibnimada in hawsha la dadajiyo
waxay keenaysaa in xeer-ilaalinta loo dhiibo hawsha baarista iyo eedaynta labadaba.
Waxaan shaki ku jirin in haddii hawsha baarista danbiga ciqaabta loo dhiibo hay’ado kala gadisan
ay keenayso dib u dhac ku yimaadda habsami u socodka baarista iyo dacwo oogista ciqaabta ah, iyo
inay hallawdo (hagaagi waydo) danta dadka, xorriyadoodana la xaddido.
Sidaas darted, ayay inta badan xeerdajiyayaashu qaateen mabda’an, waxayna sii raaciyeen in haddii
ceebta uu leeyahay mabda’an uu yahay in awooddii baarista iyo eedaynta hal meel la isugu geeyay,
taasi waxaa xal u ah, in xeer-ilaalinta oo dhan la siiyo xasaanad ah inaan la casili karin (xilka laga
qaadi karin) si ay howshooda ugu gutaan si madaxbanaani ah oon lahayn cadaadis iyo cabsi galin.

XAQA 1AAD: Mabda’a Danbi-laawenimada:


Mabda’an waxa uu ka dhigan yahay in qof kasta oo ku eedaysan danbi – inta uu doono ha la ekaado
danbigaase- inay waajib tahay in loola dhaqmo sida qof aan danbiga galin ilaa danbiga lagaga sugayo
xukun maxkamadeedkama danbays ah, waana sida ku cad qodobka 13aad ee Xeerka Habka ciqaabta
Soomaaliya iyo qodobka 35aad ee Dastuurka Federaalka ah.
Waxaa lawada ogsoonyahay in dacwadda ciqaabta ah ay u keenayso qofka lagu soo oogay ee
eedaysanaha ah laba khatar. Tan koowaad oo ah in si khalad ah eed loogu soo oogo. Iyo khatarta
labaad oo ah in si khaldan loo xukumo oo ciqaab lagu rido asga oo aan danbi lahayn.
Inkastoo khatarta koowaad ay ka fududahay midda labaad, hadana qofka si khaldan eed loogu soo
oogo khatar ku filan ayuu wajahayaa, taas oo ah talaabooyin baaritaan ah oo taabanaya waxna u
dhimaya xorriyaddiisa shaksiyadeed, ama xadidaya sida in la qabto oo la baaro asaga ama hantidiisa
gaarka ah (guurto iyo ma guurtaba), ama in la xiro si kumeel gaar ah, dhibkaas soo gaaray oo ah in
ay hoos u dhacdo kalsoonidiisi uu bulshada ku dhexlahaa oo aysan tirtiri karin in xukun sii dayn ah
oo cadaynaya inuusan danbi galin ka soo baxo maxkamadda.
Arinta la xiriirta khatarta labaad oo ah in xukun ciqaabeed lagu rido asag oon danbi lahayn, inkastoo
la rabo inaysan dhicin, ama ayba yartahay inay dhacdo, hadana mustaxiil ma aha in qof aan danbi
lahayn xukun ciqaabeed lagu xukumo. Inay dhici karto arintan waxaa sugay xeerdajiyaha, waxaana
daliil u ah, jiritaanka qodobada qeexaya in xukunada garsoorka ee maxkamadda darajada 1aad dib
u eegis lagu samayn karo, qodobadaas oo ay qeexayaan dhamaan xeerarka habka ciqaabta ee casriga
ah.

6
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Hadaba, si looga bad-baado khatartan lammaanaha ah, taasoo ku dhici karta qof kasta oo muwaadin
ah, waxa ay xeerarka habka ciqaabta ee dawladuhu sugeen mabda’a sheegaya in qofkasta oo
eedaysane ah loo la dhaqmo sida asagaoon danbi lahayn, ilaa xukunka danbiga ku sugaya uu ka
noqdo mid kama danbays ah oon racfaan lahayn.
Sidaas darted, mabda’ani waxa uu asaas u yahay dhamaan xeerarka habka ciqaabta, waxaana la
dhahaa waxaa fiican in qof danbiile ah uu fakado (baxsado) halka laga ciqaabi lahaa qof aan danbi
lahayn. Waana sida uu rasuulku (SCW) uu sheegay oo ah in qofka imaamka ah uu ku khaldomo
cafiska ayaa uga khayr badan inuu ciqaabta ku khaldamo.
Mabda’an oo ah midka ilaalinaya xoriyadda qofka bani’aadamka ah, laguna tiriyo inuu yahay xaqa
ugu horeeya ee uu qofku leeyahay marka laga soo tago xaqa nolosha, waxa uu sidoo kale damaanad
u yahay xoriyadda qofka uu u leeyahay in laga ilaaliyo xadgudubka dawladda marka ay gudanayso
–dawladdu- xaqeeda ah inay ciqaabto danbiilayaasha.
Waxaaxusid mudan haddii xeerka ciqaabta ee gaarka ah – ee qeexa falalka danbiga ah iyo ciqaabtooda
– uu yahay xeerka danbiilayaasha, xeerka habka ciqaabtu waa xeerka dadka aan danbiilayaasha
ahayn ee sharafta leh. Maxaayeelay eedaysanuhu waxa uu hortagayaa dhammaan hay’adaha
garsoorka ah, asagaoo aysan saarnayn inuu caddeeyo inuusan danbi lahayn, sababtoo ah waxaa asal
ah inuusan danbi lahayn. Haddiise ay qasab noqoto in qofkii la xiro si loo baaro, waxa ay arintan
noqonaysaa mid laga soo reebay mabdi’ii guud ee ahaa inuusan danbi lahayn oo uu xoryahay, waana
in laga taxadaraa shaksiyadda qofka in la dhibaateeyo, lagana ilaaliyo in si xadgudub ah loogu fuliyo
qodobada habka ciqaabta.
Xaqiiqada Mabada’a:
Mabada’an oo ay qeexeen inta badan dastuurada dawladaha, waxa uu ka dhiganyahay, in qofka
babi’aadamka ah uu soo dhasho asaga oon danbi lahayn, waxaana laga soo qaadayaa in arintan ay
jirayso oo uu danbi la’aan ahaanayo inta uu noolyahay oo dhan, ilaa maxakamadi ay kaga riddo
xukun kama danbays ah oo ay u cuskatay caddaymaha ay soo jeedisay hay’adda eedaynta iska leh.
Mabada’ani waa uu jirayaa dhamaan heerarka kala duwan ee ay dacwaddu marayso ilaa uu xukun
kama danbays ah oo eedda sugaya ka soo baxo, xukunkaas ayaana mabdi’ii burinaya oo qofkii
danbiile ka dhigaya.
Asalka mabda’an waxa uu ka dhiganyahay in qofka eedaysanaha ah loola dhaqmo sida dadka aan
danbiga lahayn oo kale, taas oo uu macnaheedu yahay in eedaysanuhu uu leeyahay dhammaan
xuquuda iyo xorriyadaha uu dastuurku dammaanad qaaday xeerarkuna ay nidaamiyeen.
Inkastoo qodobadda dastuurku ay yihiin kuwo is dhamaystiraya oo uuna kafaalo qaaday xorriyadda
shakhsiga uu leeyahay, sidoo kale waxa uu qeexay oo uu kafaalo qaaday in eedaysanayaasha la
maxkamadeeyo danbiilayaasha la ciqaabo. Hadaba xeerka habka ciqaabtu si uu u yeeshao sharciyad
dastuuri ah waa inuu isku miisaamo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha shakhsigu leeyahay iyo
waajibnimada in tallaabo laga qaado eedaysanaha Si waafaqsan sharciga iyo xeerarka dalka u yaala.

7
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Xeerku waxa uu nidaaminayaa xorriyada shakhsiyadeed ee eedaysanaha inta lagu guda jiro habsami
1. 1
u socodka dacwadda, waxa uuna kafaalo qaadayaa ilaalinta xorriyadaas ilaa xukun ka soo baxayo.
Xeerku waxa uu sidoo kale qeexayaa inay waajib tahay in la aqbalo caddaymaha inta tallaabooyinka
garsoorka lagu jiro si waafaqsan xeerka, oo aan ka hor-imaanaynin cadaaladda, laguna xad-
gudbaynin karaamada eedaysanaha iyo Markhaatiyada, sidoo kale waxa uu xeerku mamnuucaa in
qof lagula dhaqmo si ka hor imaanaysa Karaamadiisa.

XAQA2AAD: Dammaanadaha eedaysanaha inta lagu guda jiro tallaabooyinka


xakamaynta
Waxaan ula jeednaa “Tallaabooyinka Xakamaynta” tallaabo kasta oo looga gol’leeyahay in
eedaysanuhu uusan baxsanin ama fakanin. Maxaayeelay waxay saamayn ku leedahay caddaymaha
iyo eedaha loo haysto eedaysanaha, sidaas darted, waxaa lagu qasbayaa inuu horyimaaddohay’adda
awoodda baarista iska leh.
Maadaama soo qabashada iyo xiritaanka kumeelgaarka ahba ay yihiin tallaabooyin halis ku ah
xuquuqda aadanaha, waxaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay tallaabooyinka danbi baarista. Xeerarka
dawladaduhu waxa ay ku hareereeyaan dammaanado suurto galinaya ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Waxaa dammaanadahaas kamid ah sida xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobkiisa 24aad
sheegayo inaysan banaanayn in qof la qabto, fatasho, ama la xiro, marka laga reebo xaaladaha uu
xeerku qeexay(1).
Waana sida ku cad qodobka 6aad ee baaqa Afrika ee xuquuqda aadanaha iyo shucuubta oo oranaya:
“qof kasta waxa uu leeyahay xorriyad iyo shakhsiyadeed, mana bannaano in qofka laga mamnuuco
xorriyaddiisa, marka laga reebo xaalado uu xeerku horay u xaddiday, waxaana marnaba banaanayn
in qof ka xayiraad la saaro si gardarro ah”.
Xariggu waxa uu keenayaa dood u dhaxaysa xorriyadda qofku uu leeyahay iyo xaqa dowladdu u
leedahay ilaalinta bulshada iyo ciqaabidda danbiilayaasha. Maxaayeealay ilaalinta xorriyadda qofka
waxa ay keenaysaa in aanan la xirin oon xorriyaddiisa la xadidin, sababtoo waxaa lagu tirinayaa
inuusan danbi lahayn dhammaan marxaladaha dacwaddu marayso ilaa xukun kama danbyas ah ka
soo baxo. Dhanka kale haddii aan la xirin eedaysanaha loo hayo caddaymo ku filan oo tusinaya inuu
faldanbiyeedka dhacay ka danbeeyay, arintani waxay ka hor imaanaysaa xaqa dawladdu u leedahay
ilaalinta bulshada, sababtoo ah faldanbiyeedku waa dhacdo halis ah oo gilgilaysa tiirarka amaanka
iyo daganaashaha bulshada, kuna beeraysa dadka argagax iyo cabsi.
Sidaas darteed, xeerdajiyuhu waa inuu soo dhexgala si uu dheelli tir ugu sameeyo labadaas xaq,
waa ilaalinta xorriyadda qofka iyo ilaalinta amaanka bulsahda, waana inuu xarigga eedaysanaha ku
hareereeyaa oo uu xanydaab uga dhigaa dammaanado badan oo keenaya in xariggu ku koobnaado
xaaladaha lagama maarmaanka u ah amaanka bulshada.

1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 26(4):” Marka lagu jiro wakhtiga baadhitaanka ee loo arko inay lagama maarmaan
tahay amar xidhitaan ama mid fatashaadeed ama mid xayiraadeed, sarkaalka booliiska ee fulinaya baadhitaankaasi waxa uu ka
codsanayaa Maxkamadda awooda u leh amarka noocaas ah, waxaanu isla markaasi ogaysiinayaa Xeer Ilaaliyaha Guud”.

8
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Waa maxay xarig?


Qaabab kala gaddisan ayay culimada qaanuunku u qeexeen “xarig”, waxaa kamid ah qeexitaanadaas
kuwan soo socda:
“waa tallaabo lagu xadidayo xaqa dhaqdhaqaaq ee eedaysanaha muddo kooban kadib markii la helo
caddaymo sheegaya inuu yahay qofka galay faldanbiyeedka, ujeedkuna waa in uusan baxsanin inta
baaritaanku ka dhammaanayo”.
Shirwaynihii shanaad ee qaramada midoobay, kuna saabsanaaa ka hortagga danbiyada iyo hab
la dhaqanka danbiilayaasha ee lagu qabtay Jineefa 1975 waxa uu ku qeexay “ xarig” inuu yahay:
“Tallaabo kamid ah tallaabooyinka baarista ee dacwadda ciqaabta ah, oo ah in qof la qabto lana
ilaaliyo muddo kooban, amar sharci ahna lagu qabto, si loo hor geeyo hay’adda ay khusayso, si ay u
amarto in la sii hayo, ama la sii daayo”.
Isku soo duuboo, xarig waa tallaabo sharcigu xaddiday, siiyayna hay’ad gaar ah, tallaabadaas oo u
suurto galinaysa inay xadiddo dhaqdhaqaada eedaysanaha muddo kooban si loo horgeeyo hay’addii
iska lahayd baarista, ugana dalbato eedaysanaha la soo qabtay inuu ka jawaab celiyo su’aalaha la
waydiiyo, si loo ogaado in arintu ay keenayso in la sii hayo, ama la siidaayo”.
Hay’adda iska leh amarka xiridda
In qof la xiro haba yaraato muddada lahynayee waa arin taabanaysa xorriyadda qofku uu leeyahay,
waana tallaabo kamid ah tallaabooyinka danbi baarista oo uu xeerku si gaar ah u baneey inta lagu
guda jiro Baaritaanka.
Sidaas darteed, waxaa waajib ah in dammaanad adag lagu xiro, si aan qof xorriyaddiisa meel looga
dhicin, loona xaqiijiyo xikmaddii uu ka lahaa xeerdajiyuhu bannaynta Xarigga, dammaanadahaas
waxaa ugu horreeya in arinta xarigga loo igmado hay’ad madaxbanaan oo karti u leh hawshaas, una
suurta galinaysa eedaysanaha inuu isdifaaco.
Sida ku cad qodobka 12aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaliyeed faqradiisa 4aad(1), hay’adda iska
leh baarista waa booliska oo ku shaqaynaya kormeeridda, hagidda iyo la socoshada Xeer-ilaalinta,
taas waxay u suurta galinaysaa booliska inay soo xiraan qofka ay caddaymuhu sheegayaan inuu yahay
qofka faldanbiyeedka galay, waa marka ay ka helaan amarka qabashada garsooraha awoodda u leh,
lana socodsiiyaan xeer-ilaaliyaha sida ku cad qodobka 24aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliya.
Xaaladaha qaar boolisku waa ay soo xiri karaan eedaysanaha iyaga oon sidanin amar garsoore sida
ku cad qodobka 38aad ee xeerka habka ciqaabta(2).
1

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 12(4): “Baadhitaanka iyo xakamaynta waxa fulinaya booliska, iyaga oo raacaya awaamiirta
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud”.
(2) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 38(a): “Haddii xaalad lagama maarmaan ah oo degdeg ahi jirto, marka ay jiraan caddaymo la
rumaysan karo in:
i) qofka la xidhayaa uu galay ciqaabtiisa ugu badani tahay xadhig ka badan 2 sano ama ciqaab ka culus;
ii) xiligaasna aan la heli karin amar Maxkamadeed oo xidhitaan ah;
iii) sidoo kale marka ruuxa ay tahay in la xidho aan la heli doonin haddii aan si degdeg ah loo xidhin;”

9
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

eedaysana laba xalad ayaa amar la’aan la xiri karaa, marka 1aadwaa marka ay jirto xaalad daruuro ah
(degdeg) uuna arko sababo keenaya:
1. In qofkan uu qabanayo yahay qof gaystay faldanbiyeed ciqaabtiisu ka badantahay labo sano,
sida ku cad qodobka (38)
2. Ama amarka qabashada aanan la heli karin waqtiga munaasab ka ah
3. Ama ay 2suurta gal tahay in eedaysanaha aan la heli karin, haddii aanan si dhaqso ah loo
qaban.
Marka 2aad, qofka eedaysanaha ah waa la qaban karaa amar la’aan sida ku cad qodobka 50aad
ee xeerka habka ciqaabta, marka uu diido in uu bixiyo macluumaad sharcigu ka dalbanayo inuu
bixiyo sida inuu booliska u sheego macluumaad isaga ku saabsan ama goobta oo daganyahay, ama
uu bixiyo macluumo boolisku u arko inay tahay mid been abuur ah sababo macquul ah dartood(1).

Dammaanadaha eedaysanaha inta uu xiranyahay


Waxaa waajib ah in xeerku ilaaliyo xuquuqda uu leeyahay eedaysanaha inta uu xiranyahay, waxaana
xuquudaasi kamid ah:
Sababaynta amarka xarigga
Waxaan shaki ku jirin in sababaynta go’aanka xarigga uu xadidayo hay’adda soo saartay go’aanka,
uuna dammaanad qaad u yahay in aanan wax loo dhibin xorriyadda eedaysanaha sabab la’aan, si
looga dhawrsado in qof lagu xiro hubsasho la’aan.
Sida ku cad qodobka 40aad ee Xeerka habka ciqaabta(2), waxaa shardi ah si garsooraha awoodda u
leh, ama gudoomiyaha maxkmadda awoodda u leh u soo saaraan go’aan xarig, in ay jiraan sababo
loo qaateen ah oo muujinaya in:
1. Faldanbiyeed dhacay
2. eedaysanuhu yahay qofka faldanbiyeedka dhacay geeystay Tani waxa ay keenaysaa in
eedaysanaha aan si dhayal iyo ka fiirsi la’aan ah aan xorriyaddiisa looga qaadin, waana
dammaanad muhiim u ah xorriyadiisa.
3

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 50(1): “Sarkaalka Booliska ahi wuxuu fulin karaa isgoo aan wadan amar xidhitaan qof kasta
oo si sharci ah looga codsaday in uu sheego macluumaadkiisa shakhsi oo faahfaahsan sida ku cad farqada hore, kaasoo:
a) diida in uu sheego faahfaahinta dhamaystiran oo macluumaadkiisa shakhsi ah oo uu ku jiro cinwaankiisu;
b) sheega macluumaad Sarkaalka Booliska ah ee ka codsaday si la rumaysan karo ugu arko in ay been yihiin.

(2) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 40(1): “Amarka qabasho waxa la soo saari karaa marka ay jiraan sababo la rumaysan
karo oo ah:
a) In denbi dhacay

b) In eedaysanuhu yahay kan ga galay”.

10
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Gaarsiiinta eedaysanaha sababta loo xirayo:


Waa xaq uu leeyahay eedaysanaha in loo sheego sababta loo xirayo, waana xaq ay sugeen xeerarka
dawladaha iyo axdiga caalamiga ah ee xuquuqda madaniga iyo siyaasadeed qodobkiis 14/3/a “In
(eedaysanaha) la ogaysiiyo si deg-deg ah oo faah-faahsan waliba loogu sheego luqad uu fahmi karo,
eedaha loo haysto waxa ay yihiin…”).
Waana xaq uu qeexay Xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed qodobka 44aad(1), waxa uuna ku
waajibinayaa qodobkaasi sargaalka boolis ee fulinaya amarka Xiridda inuu qofka uu soo xirayo la
socodsiiyo go’aanka xiridda waxa uu yahay iyo waxa loo haysto. Taasi waxa ay Edaysanaha siinaysaa
in uu iska difaaco oo uu u diyaar garoobo baarista.
Xadididda mudada xarigga
Xeerka habka ciqaabta waxa uu ku salaysanyahay inaan lagu xadgudbin xorriyadaha shakhsiga ah
ayada oo aysan jirin wax keenaya in xorriyadda qofka la xadido, sidaas darteed xeerka habku waxa
uu xadiday muddada qofka la soo xiray lahaynayo.
Waxaa xusid mudan in xeerka habku uu labo u kala qaaday dadka la soo xiro, waxa uuna u kala
qaybiyay dad lagu soo xiray amar garsoore ka soo baxay, iyo dad aan lagu soo xirin amar garsoore.
4

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 44(4)(a): “Sarkaalka Booliska ah ee fulinaya amarka qabashada waxa uu ku wargeliyaa
qofka la xidhayo nuxurka amarka qabashada”.

11
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Haddaba eedaysanaha lagu soo xiray amar garsoore, Xeerku waxa uu waajib ka dhigay in isla marka
la soo xiro la horgeeyo sida ku cad qodobka 45aad(1):
3. Garsooraha awoodda u leh,
4. Ama garsoore ka tirsan maxkamadda ugu dhaw, waa marka maxkamadda awoodda leh
(ikhtisaaska) ay ka fogtahay goobta qofka laga qabtay 50 km.
Haddaba waxaa qodobka 45aad ka muuqata in eedaysanaha la soo xiray, horay looga geeyo garsoore,
oo aanan la sii hayn karin, waana arin muhiim u ah ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada qofku uu
leeyahay oo lagu xafiday (dhawray) mabda’a oranaya qofka eedaysanaha ah waa danbi laawe inta
xukun maxkamadeed oo kama danbays uu danbiile ka dhigayo.
Eedaysanahaaanan lagu soo xirin amar xarig, waxaa waajib ah sida ku cad qodobka 39aad ee Xeerka
habka ciqaabta Soomaaliya in muddo aan marnaba ka badaan karin 48 saacadood gudahood lagu
horgeeyo garooraha ikhtisaaska(awoodda) leh, ama garsoore ka tirsan maxkamadda ugu dhaw, waa
marka aysan fududayn in garsooraha awoodda leh lagu horgeeyo mudadaas gudaheeda(2).

Waxaa muuqata in xeerka habka ciqaabta uu muddo la hayn karo u xadidayeedaysanaha lagu
soo qabtay amar xarig la’aantiis si waafaqsan qodobadda 35, 36, iyo 38 ee xeerka habka ciqaabta,
mudadaas oo ah mid ku kooban
48saacadood, inkastoo ay ka sii fiicnaan lahayd in mudadaas uu intaasi ka yareeyo sida xeerarka
habka ciqaabta ee dalalka kale ay sameeyeen oo uu ka dhigo 24saac.
Laakiin waxa uu xeerdajiyuhu ku ammaanan yahay in qofka amar xarig ah oo garsoore ka soo baxay
lagu soo xiray aan la iska haynkarin asaga oon garsoore la horgaynin.

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 45(1): Haddii aan lagu sii dayn dammaanad waafaqsan farqada 2 ee Qodobka 62,
qofka lagu qabto amar qabasho, waa in, dib u dhac aan loo baahnayn la’aantii, lagu horgeeyaa:

a) Garsoore awood u leh;


b) Garsooraha Maxkamadda ugu dhow goobta lagu xidhay, haddii Garsooraha awoodda u
lihi uu joogo meel u jirta 50km goobtaas”.
(2) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 39(1):” Qofka la xidhay amar Maxkamadeed la’aantii waa in isla markaba iyo xaalad
kasta waqti aan ka badnayn 48 saacadood, marka laga soo bilaabo wakhtigii xidhitaankiisa, lagu horgeeyaa Maxkamad awood u leh,
amase Maxkamadda ugu dhow goobta lagu xidhay; iyadoo waqtigaa la sheegay ee 48 saacadood ah aanu ku jirayn waqtiga loo kala
soconayo goobta xadhigu ka dhacay iyo goobta Maxkamaddu ku taal”.
12
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Dammaanada xabsi ku haynta kumeelgaarka ah


Xarigga kumeelgaarka ah, waa meelaha ay sida cad uga muuqanayso, iska hor-imaadka u dhaxeeya
ilaalinta xorriyadda qofka iyo xaqa dawladda ee ciqaabta. Eedaysanuhuwaa danbi-laawe inta xukun
maxkamadeed oo kama danbays ah danbiile ka dhigayo, sidaasi darteed waxa uu xaq u leeyahay in
xorriyaddiisa loo ilaalsho. Dhanka kale danta guud ee Xeerka habka ciqaabta waxa uu keenayaa in
xorriyadda qofka eedaysanaha ah la xadido oo xabsi kumeelgaar ah la galiyo.
Hadaba halkan waxaan ku falanqayn doonna:
• Qeexidda xabsi ku haynta kumeel gaar ah
• Xuquuqda eedaysanaha inta uu xabsiga kumeelgaark ah ku jiro
• Mudada xabsiga kumeelgaar ka ah
• Siidaynta kumeelgaar ka ah

Qeexidda xabsi kumeelgaar ah


Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya waa uu ku qeexay waxa laga wado “Xabsi kumeelgaar ah”
qodobka 46aad, waxa uuna yiri “waa tallaabo ka soo baxda garsoore ama maxkamadda ikhtisaaska
(awoodda) leh oo ka kooban:
1. In eedaysanaha lagu hayo xabsi, ama meel kale
2. In la hor keeno maxkamadda si waafaqsan shuruudaha amarka.
Xaqiiqada sharciyeed ee xabsi ku haynta kumeelgaark ah
Markaan ka hadlayno xaqiiqada sharciyadeed ee xabsi ku haynta kumeelgaarka ah, waa inaan ka
hadalno sadex arimood:

Midka 1aad: Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah iyo Mabda’ Danbi-


laawenimada
Mabda’a danbi-laawenimada waxa uu ka dhiganyahay in eedaysanuhu uusan danbi lahayn inta
xukun maxkamadeed oo kama danbays ah danbiile ka dhigayo, taasi macnaheedu waa in Eedaysaha
aan laga rabin inuu xaqiijiyo inuusan danbi lahayn, ee Laga rabo Xeer-ilaalintu inay xaqiijiso eedda
ay u soo jeedinayso eedaysanaha.
Maadaama Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah uu taabanayo xorriyadda iyo xuquuqda Eedaysnaha,
taasoo u keeni karta inuu la kulmo dhib nafsi iyo mid jidheedba, una diidaysa xuquuqdiisa asaasiga
ah sida inuu qoyskiisa la joogo, iyo inuu qabsado hawlihiisii shaqo mudada uu ku jiro xabsiga
kumeelgaarka ah. Arimahaas oo dhan waxa ay ka hor-imaanayaan mabda’a Danbi-laawenimada ee
uu xeerku siiyaya eedaysanaha. Sidaasi waxaa qaba culimada qaanuunka qaar kamid ah.
Sidoo kale qaar kale ayaa qaba in xabsi ku haynta kumeelgaarka ah aysan ka hor-imaanaynin mabda’a
Danbi-laawenimada, maxaayeelay waa in la isku dheeli tiraa labada xaq ee ay kala leeyihiin dawladda
iyo eedaysanaha oo ah in la ilaaliyo xorriyada eedaysanaha iyo in la dhawro amniga bulshada.

13
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Midda 2aad: Xabsi ku haynta kumeelgaarka iyo tallaabooyinka baarista


Tallaabooyinka baarista waxaa lookala qaybiyaa laba nooc: nooc ujeedadiisu tahay raadinta
caddaymaha faldanbiyeeka dhacay si loogu cuskado eedaynta eedaysanaha sida: in goobta falku ka
dhacay la tago, fatashaadda iyo wixii lamid ah. Iyo nooc kale oo ujeedadiisu tahay in laga hortago
in eedaysanuhu baxsado ama caddaymaha la saameeyo, sida amarka qabashada, xabsi ku haynta
kumeelgaarka ah, iwm.
Hadaba, xabsi ku haynta kumeelgaarka ah waxa ay ka tirsantahay tallaabooyinka baarista ee taabanaya
xorriyadda shakhsiga ah ee eedaysanaha, sidaasi darteed Xeerka habka ciqaabta ayaa nidaaminaya
shuruudaha la xiriira tallaabooyinkaas, maxaayeelay waa xeerka ilaaliya xorriyadda dadka, waana
xeerka caddeeya awoodda dawladda ay u leedahay inay xadiddo xorriyadaas si sharciga waafaqsan.

Midda 3aad: Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah ciqaab ma ah


Ciqaabtu macnaheeda guud waxa uu yahay xanuunka ay tahay inuu dhadhamiyo qofka danbiilaha
ah ee khilaafay amarka ama diidmada Xeerka, si loo toosiyo hab-dhaqanka qalloocsan ee Danbiilaha,
loona cabsi galiyo kuwa kale eeku dayan kara danbiileha. Sidaas darteed, ciqaabtu waa xanuun u
jeedadiisu tahay toosinta danbiilaha iyo cabsi galinta kuwa kale.
Hadaba, Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah ma aha ciqaab, isku u jeedana ma aha, ee waa tallaabo
tilmaan gaar ah leh, oo ay danta danbi baaristu keenayso, waa tallaabo baaris ee ma aha tallaabo
maxkamadayn.
Inkastoo farqigaas uu u dhaxeeyo ciqaabta iyo xabsiga kumeelgaarka ah, hadana xiriir ayaa ka
dhaxeeya labadooda, xiriirkaas oo ah in ay waajib tahay in muddada uu sida kumeelgaarka ah u
xirnaa laga jaro haddii ciqaab lagu xukumo oo uu Danbiile noqdo.
Sababha Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah:
Waxaa inta badan culimada qaanuunku isku raaceen in xorriyadda qofka aan la xadidi karin,
marka laga reebo in uu faldanbiyeed galo kadibna lagu xaqiijiyo inuu faldaniyeedkaasi galay xukun
maxkamadeed oo kama danbys ah. Laakiin xeerarku waxa ay si gaar ah u qeexeen in la xadidi karo
xorriyadda qofka asaga oon danbiilenimo lagu xukumin sida in xabsi kumeelgaar ah lagu hayo,
arintaas waxa ay ku sababeeyaan culimada qaanuunku dhawrkan arimood ee soo socda:
1. Xabsi ku haynta kumeelgaarka waxa ay dammaanad u tahay fulinta
ciqaabta:
Qayb kamid ah culimada ayaa arka in ujeedada xabsiga kumeelgaarka ah ay tahay in la dammaanad
qaado fulinta ciqaabta, maxaayeelay Eedasanuhu waa uu baxsan karaa cabsi uu ka qabo in xunkun
danbiile ka dhigaya uu soo baxo, sidaasi darteed xabsi ku haynta kumeelgaarka ah, waxay keenaysaa
in laga hortago in Eedaysanhu ka baxsado ciqaabta.

14
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Laakiin culimada qaar way duraan sababtan, maxaayeelay waxa ay ka soo qaadeen in qofkasta oo
xabsi ku meelgaar ah ku jira uu Danbiile yahay, waxa ayna meesha ka saareen mabda’a dastuurada
iyo axdiyada dawliga ahiba ay wada qeexeen ee ah Danbi-laawenida eedaysanaha. Dhanka kale
marka laga fiiriyana arinta ku saabsan in laga hortago baxsashada eedaysanaha, waa arinta ka hor-
imaanaysa xaaladda dawladaha casriga ah ay ku suganyihiin oo ah in ahmiyadda ay saareen booliska
iyo hay’adaha ku shuqul leh dabagalka danbiilayaasha baxsada, sidoo kale waxaa faafay oo batay
heshiisyada laba geesoodka ah, iyo kuwa goboleedka ah, iyo kuwa caalamiga ahba, ee qeexaya in la
isku soo celiyo danbiilayaasha.
Haddaba duriddan waa mid uusan dalkeenu hadda gaarin, oo ma lihin hay’ado sidaas u hormarsan
oo aanan laga baxsan karin.
2. Ilaalinta nidaamka guud:
Sababaha ugu muhiimsan ee Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah, waaa ilaalinta nidaamka
guud, maxaayeelay xabsiga kumeelgaarka ah, waxa uu eedaysanaha ka hor-istaagaya
inuu dib ugu noqdo inuu danbiyo cusub galo. Dhanka kale waxa uu raalli galin u yahay
dareenka guud ee kacsan oo uu fal-danbiyeedku sababay.
3. Ilaalinta caddaymaha fal-danbiyeedka:
Xabsi ku haynta kumeelgaarka waa tallaabo kamid ah tallaabooyinka baarista,
taasina waxa ay danbi baaraha u suurta galinaysaa in waqti kasta uu jawaab celin ka
dalbado eedaysanaha, markhaatiyadana horgeeyo, taas oo qaby ka qaadanaysa fulinta
tallaabooyinka ciqaabta suurta galinaysana in xaqiiqda si dhakhso ah loo gaaro, sidoo kale
waxa uu ka hortagayaa in eedaysanuhu saameeyo markhaatiyada caddaymaha taasi oo is-
hortaagi karta xaqiiqada, waxa uuna ka hortgayaa inuu qariyo caddaymaha ama caddaymo
been abuur ah la yimaaddo.

Dammaanada eedaysanaha inta uu xabsi kuhaynta kumeelgaarka ah ku jiro


Xabsi ku haynta kumeelgaarka ah, waa tallaabo ay qaataan hay’adaha awoodda u leh, si ay ugu
suurtagasho inay dhamaystiraan baarista, waana tallaabada ugu halista badan ee taabanaysa
xurriyadda shakhsiyadeed ee ay dastuuradu iyo xeerarka caalamiga iyo kuwa dawladuhuba qeexeen.
Sidaasi darteed xeerarku waxa ay ku hareereeyeen shuruudo muhiim ah oo dammaanad u ah in la
isku dheeli tiro xaqa dawladdu u leedahay inay raadsato danbiilayaasha iyo xuquuda iyo xorriyadaha
qofku leeyahay. Dammaanadahaasiwaxaa kamid ah:

15
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

1. Amarka xabsi ku haynta kumeelgaar ka ah waa inuu ka soo baxaa


hay’addii awoodda u lahayd inay soo saarto:
Hay’addaasi waa garsooraha ama maxkamadda ikhtisaaska (awoodda) u leh (qodobka
46aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliya)(1).
Halkaasi waxaa ka muuqata in xeerdajiyaheennu uu siiyaya awoodda xabsi ku haynta
kumeelgaarka ah garsoorka oo kaliya, garsoorkuna waa ilaaliyaha xorriyadaha iyo
xuquuqda, waana midka lagu aaminay saraysiinta xeerka iyo xaqa. Taasina waa
dammaanad wayn oo ka hortagi karta si xun u isticmaalka awoodda dawladda.

2. Xadididda mudada xabsiga kumeelgaarka ah:


Maadaama amarka xabsiga kumeelgaarka uu ku dhacayo qof laga yaabo inuusan danbi
lahayn, uuna yahay tallaabo kumeelgaar ah oon joogto ahayn, oo ay keentahay maslaxadda
danbi baarista, waxaa waajib noqonaysa in shuruudo iyo dammaanado badan lagu
xiro, waxaana ugu mhumiisan dammaanadahaas xadididda mudadiisa, taasina waxa ay
keenaysaa in la xadido awooadda jihada iska leh amarka xabsiga kumeelgaarka ah.
Sidaasi darteed Xeerdajiyaha Habka Ciqaabta Soomaaliya waxa uu qodobka 47aad ku
qeexay mudooyinka xabsi kumeelgaar ah lagu hayn karo eedaysanaha(2).

3. Siidayn kumeelgaar ah:


Haddii ay meesha ka baxdo eeddii loo soo xiray waxaa waajib noqonaysa in qofkaasi la
siidaayo, su’aasha meesha taalla ayaa ah yaa iska leh inuu qadarro ama gaaro go’aanka sii
daynta ah, taasi jawaabteedu waxa ay noqonaysaa Baaraha ayaa ah qofka iska leh arintan,
oo sheegi kara in tuhunkii qofkan loo haystay uu meesha ka baxay iyo in uu wali jiro.

(1) Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya qodobka 46: “Amarka qofka lagu amrayo in xabsiga lagu sii hayo ee ay soo saarayo
Garsooraha ikhtisaaska u leh ama Maxkamadda ikhtisaaska u leh, eedaysanaha:
a) Waxaa lagu xidhayaa xabsiga ama meel kale
b) Waxaa la horkeenayaa Maxkamadda, si waafaqsan shuruudaha amarka.
(2) Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya qodobka 47(1): “Haddii aanay Maxkamaddu amrin dhegaysiga dacwada si waafaqsan
Qodobka 75 faqrada b) xubintiisa (i), eedaysanaha waa la sii daynayaa marka wakhtiga xidhigiisa ay kor u dhaafto:
a) 90 maalmood, haddii gu noqdo ikhtisaaska garsoor ee qaybta Tashiga ee Maxkamadda Gobolka, kaasoo
ciqaabta sharcigu u dhigayaa tahay Dil ama xabsi daa’in.
b) 60 maalmood, yada kale ee hoos yimaada ikhtisaaska qaybta tashiga ee Maxkamadda Gobolka;
c) 45 maalmood, ga hoos yimaada ikhtisaaska garsoor ee qaybta Caadiga ah ee Maxkamadda Gobolka;
d) 15 maalmood, marka gu hoos yimaado ikhtisaaska garsoor ee qaybta ciqaabta ee Maxkamadda Degmada;
16
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Ku siidaynta damiinka:
Waxaa loola jeedaa dammaanad ku siidayn, in la joojiyo amarka xarigga ah ee lagu amary in
eedaysanaha lagu soo qabto, ama la siidaayo eedaysanaha la xiray, waana sida uu qeexayo qodobka
59aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliya(1).
Sida ka muuqata qodabkani waxa uu siinayaa eedaysanaha in xarigga laga siidayn karo marka la helo
dammaanad dhiniciisa ka imaata, ama qof kale uu dammiinto, ama in lagu siidaayo dammaanad ay
qaadeen asaga iyo dad kale inuu hor imaanayo maxkamadda(2).

Jihada bixin karta Damiin ku siidaynta:


Jihada iska leh siidaynta waa jihadii amartay soo xiridda, waxa ayna leedahay inay siidayso
eedaysanaha xilli kasta ha ahaato ka hor mudada xabsi ku haynta kumeelgaarka ah ama marka ay
dhamaato mudadaasi.
Sida ku cad qodobka 60aad ee Xeerka habka ciqaabta, waxaa iska leh bixinta amarka dammaanad
ku siidaynta:
a) Garsooraha la hor keenay ruuxa xiran, ama garsoore awood u leh xilliga dhegaysiga
dacwaddu ka bilaabanto, maxkamadda derejada kowaad.
b) Gudoomiyaha maxkamadda awoodda u leh dhegaysiga dacwadda marxalad kasta oo kale.

Duruufaha ay tixgalinta siinayso hay’adda iska leh siidaynta, waxaa ugu muhiimsan inuu eedaysanuho
hadda kahor danbi galay iyo in kale, taasi oo ka dhigan hadii uu horay danbi u galay isla markaasna
markale ku soo noqday, oo ciqaabtii hore aysan ka hor istaagin inuu mar kale danbi galo, xaaladdan
oo kale waxaa adkaanaysa in damiin lagu siidaayo. Laakiin haddii uu yahay qofka xiran mid aan
horay danbi u galin, waxaa fududaanaysa in damiin lagu siidaayo.

(1)Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya qodobka 59(1):Ku siidaynta damiinku waa:


a) Ka joojinta qofka xidhan ama eedaysanaha Amar Qabasho Maxkamadeed iyadoo loo tixraacay
farqada 2 (a) ee Qodobka 60;
b) Siidaynta qofka sifo sharci ah loo xidhay
(2)Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya qodobka 59(2): Siidaynta damaanadeed waxa lagu waajibin karaa:
a) Fulinta hanti dabar looga dhigay
i. ruuxa eedaysanaha ah, ama
ii. dad kale, ama
iii. labadaba, qofka eedaysanaha ah iyo dad ka kale wadajir ahaan, muhiimad gaar ah awgeed si loo
hubiyo in eedaysanuhu hor imanayo Maxkamadda awooda u leh.
b) Shuruud kasta oo kale oo Maxkamad u aragto in ay ku filan tahay.
17
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Sidoo kale, duruufaha la tixgalinayo waxaa kamid ah, xaaladda caafimaad ee qofka la soo xiray. Iyo
duruufaha la xiriira danbiga loo haysto qofka eedaysanaha ah ee xiran, waxaana kamid ah nooca
danbiga loo haysto. Haddii uu yahay danbi yar (‫)ﺟﻨﺤﺔ‬, waxaa asal ah in damiin lagu siidaayo, haddiise
danbiga lagu soo eedeeyay uu yahay mid wayn, waxaa adag ama yar ina la siidaayo eedaysanaha
ayada oo la fiiranayo dhibka weyn ee danbigani ku leeyahay bulshada iyo nidaamka guud ee dalka.

XAQA 3AAD: Xaqa eedaysanahu u leeyahay in xariggiisa la gaarsiiyo


qoyskiisa ama eheladiisa:
Eedaysana laga qaaday xorriyaddiisa waxa uu xaq u leeyahay in xayiraadiisa la ogaysiiyo qoyskiisa
ama eheladiisa, waana xaq dastuuri ah oon la jabin karin.
Waxaa meesha ka baxaysa oo mamnuuc ah in qof xayiraad la saaro oo xorriyaddiisa laga qaado,
islamarkaasna aanan lala socodsiinin qoyskiisa. Haddii hay’adda baarista leh qariso xayiraadda
eedaysanaha oo aysan la socodsiinin qoyskiisa ama eheladiisa waxa ay noqonaysaa mid jabisay
dastuurka iyo xeerka dalka u yaalla. Maxaayeelay xaqani waxa uu ku cad yahay qodobka 35(2) ee
dastuurka federaalka ah, waxa uuna oranayaa sidatan:
“Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama
eheladiisa”.

XAQA 4AAD: Xaqa eedaysanuhu u leeyahay inuu isdifaaco oo uu qareen


qabasado:
Eedaysanuhuwaxa uu xaq u leeyahay in loo ogolaado in uu qabsado qareen - sida ku cad qodobka
15aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya (1)- ka difaaca eedaymaha loo soo jeediyay, waana xaq
asaasi ah oo lagama maarmaan u ah, xaqiijinta cadaaladadda. Waana xaq uu sugay baaqa Afrika ee
aadanaha iyo shucuubta qodobkiisa 7(1) oo leh: “qofku waxa u xaq u leeyahay inuu isdifaaco iyo
inuu qabasado qareen difaaca”.
Sidoo kale, in qareenku goobjoog ahaado inta lagu guda jiro baaritaanka iyo maxkamaynta waxa
ay xoojinaysaa bad-qabka habka loo marayo dacwo oogista ciqaabta ah, iyo inaan la adeegsanin
habab khilaafsan sharciga, waxa ayna arintan ka qayb qaadanaysaa dejinta xaaladda eedaysanaha iyo
inuusan walwal ku abuurmin inta baaritaanku socodo ama lagu guda jiro maxkamadaynta.

Haddii loo ogolaado eedaysanaha in uu qabsado qareen u dooda, waxa ay ka kaalmaynaysaa in


(1)Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya qodobka 15(1): “Eedaysanaha waxa difaaci kara Qareen kali ah ama dhowr Qareen difaac”.
18
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

si deggan oo aysan cabsi iyo walwal ku jirin uga jawaabo su’aalaha baaritaanka lagu waydiinayo.
Sidoo kale joogista qareenka waxa ay keenaysaa in uu la socda su’aalaha uu baaraha waydiinayo
eedaysanaha iyo inuusan baaruhu isticmaalin habab sharciga khilaafsan iyo su’aalo khiyaamo iyo
marin habaabin ku salaysan.
Marba haddii la ogolyahay in eedaysanuhu naftiisa difaaco, waxaa meesha ka cad in uu qabsado
qareen uga xeeldheer arimaha sharciga inuu xaq u leeyahay.
Ahmiyadda ay leeday in eedaysanuhu qareen qabsado isla markaasna uu goob joog ka ahaado
xilliga barista waxa ay dawladaha intooda badan ku qeexeen dastuuradooda, xeerarka iyo hesiisyada
caalamiga ahna waxa ay sugeen in eedaysanuhu uu leeyahay xaqa noocan oo kale ah.
Shareecada Islaamka ayaa xeerarka ka hor qeexday xaqan, oo waxa ay siisay dhinacyada dacwada
inay isdifaacaan oo la dhagaysto. Xadiis ayaa sheegaya in Nabigu (SCW) uu Cali bin Abii-Daalib u
diray Yamen, waxa uuna ku yiri Rasuulku (SCW) Cali hadal micnihiisu yahay: “ haddii labo qof oo
is haysta kuu yimaadaan, ha kala xukminin adigoon midka kale dhagaysanin sida midka hore aad u
dhagaysatay, maxaayeelay waxay u badan tahay in garsoorku kuu caddaado”(1)

1. La socoshada qareenka ee habka baarista ka hor su’aal waydiinta


eedaysnaha:
waa arin iska cad si qareenku uga difaaco eedaysanaha in uu ogyahay sida ay wax u socdaan
iyo eedaymaha lagu haysto iyo caddaymahoodaba, si uu u diyaarsado wixii uu ku difaaci lahaa
eedaysanaha, iyo qaabkii uu u fasiri lahaa caddaymaha eedda loo haysto qofka uu wakiilka ka yahay.
Arintan waa damaanadda ugu muhiimsan difaaca eedaysanaha waana in loo ogolaadaa Qareenka
inuu la socdo halka baaritaanku marayo markasta.

2. Xaqa eedaysanaha ee joogista tallaabooyinka baarista


Dhinacyada dacwadda waxay xaq u leeyihiin inay joogaan dhammaan tallaabooyinka baaristu inta
ay socoto, marka laga reebo xaalado gaar ah, sida xaaladda deg-degga ah ama daruuradu (‫)ﺍﻟﻀﺮﻭﺭﺓ‬
ay jirto, markan oo kale baaruhu waxa uu xaq u leeyahay dhinacyada oon joogin inuu baaritaanka
sameeyo, laakiin waxa ay dhincayada xaq u leeyihiin in la tuso tallaabooyinka la qaaday ayaga oon
joogin oo maqan.

9
Waxaan shaki ku jirin in eedaysanaha ay maslaxad ugu jirto in baarintaanka la sameeyo asaga oo
.316:‫ ﺹ‬،‫ﻡ‬1993/‫ﻫـ‬1413 ،‫ ﺩﺍﺭ ﺍﻟﺤﺪﻳﺚ‬،1‫ ﻁ‬،8‫ ﺝ‬،‫ ﻧﻴﻞ ﺍﻷﻭﻃﺎﺭ‬،‫( ﻣﺤﻤﺪ ﺑﻦ ﻋﻠﻲ ﺍﻟﺸﻮﻛﺎﻧﻲ‬1)
19
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

jooga si uu u ogaado waxa socoda oo uu u gudbiyo difaaciisa xilli munaasib ah oo habboon. Waana
xaq uu siinayo Dastuurka federaalka ah qodobkiisa 35aad, faqradiisa 8aad(1).

3. Xaqa eedaysanaha ee jawaab-celinta


Jawaab-celintu waa in lagala hadlo eedaysanaha faah-faahinta eedda loo soo jeediyay ee ah in uu
danbi galay, looguna yeero inuu ka jawaab bixiyo caddaymaha la hayo ee sheegaya inuu danbi galay
taas oo noqonaysa inuu beeniyo ama aqbalo.
Jawaab-celintuwaa ay ka duwantahay su’aalo waydiin maxaa yeelay su’aalo waydiintu kuma jirto in
lagala doodo faah-faahinta iyo ka fal-celinta caddaymaha eedda, ee waxa ay ku koobantahay in lala
socodsiiyo eedda iyo caddaymaha kadibna la dhagaysto warkiisa.
Waxaana badan in Jawaab-celintuay raacdo is-hor-fariisad oo macnaheedu yahay in halmeel la
iskugu keeno laba eedaysane ama eedaysane iyo markhaati, si uu midkasta hadalkiisa u soo gudbiyo
midka kale oo maqlaya asna uu ka jawaab celiyo, waana tallaabo khatarteeda leh, oo uu xeerdajiyuhu
ku hareereeyo inta badan dammaanado adag.
Jawaab-celintawaxaa looga gol’leeyahay labo arimood:
Midda koowaad waa tallaabo xaqiiqo raadin ah si loo xoojiyo caddaymaha eedda.
Middda labaad waa tallaabo difaac ah, oo u suurta galinaysaeedaysanaha in uu ka doodo buriyana
caddaymaha eedda, waxaana suurta gal ah in baaruhu ku qanco difaaca Eedda isla markaasna uu
go’aansado in caddaymuhu aysan ku filnayn in dacwo lagu oogo.
Jawaab-celintu(‫ )ﺍﻻﺳﺘﺠﻮﺍﺏ‬waa tallaabo kamid ah habka baarista, sida asalka ah tallaabadan waa mid
banaan oo baaruhu marka uu rabo raaci karo markuu rabana iska dayn karo, laakiin waxa ay waajib
noqonaysa laba xaaladood:
A. Ka dib qabashada eedaysanaha, taasna waxaa sabab u ah, in loo suurta galiyo eedaysanaha
inuu burriyo caddaymaha keenay in la soo qabto, si loo siidaayo markaas kadib.
B. Ka hor inta uusan soo bixin amarka xabsi ku haynta ku meel-gaarka ah.

10
Hadaba si baaritsuaysan meel uga dhicin xaqa eedaysanaha waxaa uu xeer-dajiyuhu ku dammaanad
qaaday arimahan soo socda:
1. Tilmaamaha qofka samaynaya baarista: baarista waxaa samaynaya hay’addaawoodda u
lehbaarista oo ah booliska oo ku shaqaynaya hagista iyo amarka xeer-ilaalinta (qodobka
24aad ee Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya).

(1) Dastuurka Federaalka ah qodobka 38(8): “Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa”.
20
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

2. U yeerista Qareenka eedaysanaha marka baaristu (xaqiijintu) socoto: waxaan u banaanayn


baaraha inuu Jawaab-celin ka dalbado eedaysane aan qareen lahayn (qodobka 15aad ee
Xeerka habka ciqaaabta), si loo dajiyo xaaladda dareen ee eedaysanaha.
3. In loo suurta galiyo qareenku inuu arko xasuus qoraaleedka baarista inta aysan dhicin
tallaabada Jawaab-celinta si uu u guto kaalinta sharcigu u igmaday.
4. In la kafaalo qaado xorriyadda eedaysanaha inta ay socoto Jawaab-celinta, eedaysanuhu
waxa uu xor u yahay inuu ka jawaabo su’aalaha iyo inuusan ka jawaabin, baaruhuna xaq
uma leh inuu ku qasbo inuu jawaab celiyo, waxaana sidoo kale banaanayn in diidmadiisa loo
fasiro in eeddu sax tahay uuna aqbalay cadaymaha. Waxaan marnaba banaanayn qaadashada
tallaabo saamayn ku leh go’aankaeedaysanaha, sida in la qasbo, ama la siro, taas oo burinaysa
tallabada Jawaab-celinta.
Burinta jawaab-celinta:
Waxay Jawaab-celinta ku burtaa, buritaan dhamaystiran(‫ )ﻣﻄﻠﻖ‬marka ay khilaafsantahay nidaamka
guud, sida in qof aan sifo sharci ah u haysan uu baaritaanka sameeyo. Burintu waxa ay noqon
kartaa mid qayb (‫ )ﻧﺴﺒﻲ‬ah, waa hadii ay la xiriirto dano (masaalix) muhiim u ah eedaysanaha sida
in Qareenkiisu uusan joogin marka Jawaab-celinta socotay, ama aanan lala socodsiinin eedda loo
haysto, markan oo kale maxkamadda iskeed uma burinayso haddii uusan eedaysanuhu soo codsanin.
Fiqiga islaamka waxa uu siiyay eedaysanaha in uu ka jawaab-celiyo eedda loo haysto, waxaan
arintan ka dheehan karnaa axaadiista rasuulka (SCW), iyo garosoork Nabiga (SCW) iyo asxiibtiisa
ay qaadeen, xaqan oo siinaya eedaysanaha inuu difaaco naftiisa, xukunna ma soo baxayo ilaa jawaab-
celintu dhacdo. Waxaa waajib ku ah garsooraha inuu waydiiyo tusaale ahaan, eedaysanaha lagu soo
oogo dacwo sino/dhilaysi ah haddii eedaysanuhu qirto- qofka uu ka sinaystay, meesha iyo waqtiga,
inuu nikaax soo maray, sidaas si lamid ah danbiyada kalena uu yeelo garsooruhu.

XAQA 5AAD: Ilaalinta karaamada eedaysanaha:


Sida qodobka 10aad dastuurka Fedraalka ah ku cad(1), qofkasta waxa uu xaq u leeyahay in loo la
dhaqmo si waafaqsan karaamada bani’aadamnimo ee Eebbe ku mannaystay, qofkaasi ha ahaado
eedaysanae ama qof caadi ah, awoodda dawladana looma isticmaali karo meel uga dhicidda
karaamada Aadanaha.
11

(1) Dastuurka Federaalka ah qodobka 10aad: “Karaamada Aadanaha


1. Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda
aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
2. Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan.
3. Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada Aadanaha”.

21
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Waana xaq sidoo kale uu qeexay baaqa Afrika ee xuquuqda aadanaha iyo shucuubta qodobkiisa 5aad
oo leh: “ qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in loo ilaaliyo karaamadiisa lana aqoosado shakhsiyaddiisa
qaanuuneed, lana mamnuuco dhammaan noocyada ka faa’iidaysiga, dullaysiga, iyo addoonsiga, iyo
jirdilka iyo ciqaabta iyo habdhaqanka foosha xun ee bani’aadamnimada ka baxsan”.
Waxaa mamnuuc ah ama aan banaanayn in qofka dhib loo gaysto jidhikiisa ama dareenkiisa ama in
loola dhaqmo qaab meel ku dhac ku ah karaamadiisa bani’aadamnimo.
Waana xaq u sugnaaday bani’aadamka oo dhan, sida ku cad Aayadda quraanka kariimka ah ee
Suuratul-Israa
((70) ً‫)ﻭَﻟَﻘَﺪْ ﻛَﺮَّﻣْﻨَﺎ ﺑَﻨِﻲ ﺁَﺩَﻡَ ﻭَﺣَﻤَﻠْﻨَﺎﻫُﻢْ ﻓِﻲ ﺍﻟْﺒَﺮِّ ﻭَﺍﻟْﺒَﺤْﺮِ ﻭَﺭَﺯَﻗْﻨَﺎﻫُﻢْ ﻣِﻦَ ﺍﻟﻄَّﻴِّﺒَﺎﺕِ ﻭَﻓَﻀَّﻠْﻨَﺎﻫُﻢْ ﻋَﻠَﻰ ﻛَﺜِﻴﺮٍ ﻣِﻤَّﻦْ ﺧَﻠَﻘْﻨَﺎ ﺗَﻔْﻀِﻴﻼ‬.
Sidaa darteed ma banaana in meel looga dhaco karaamada qofka, waana mamnuuc in jidh dil loo
gaysto.
Waana xaq kamid ah xuquuqda eedaysanuhu leeyahay, sinaba uma banaana in meel looga dhaco
karaamada eedaysana leeyahay, xeerkuna waa reebay in qofka la jidh dilo taas oo ka dhigan in aysan
banaanayn in la garaaco, la liido oo lagu dhaho ama lagu sameeyo fal ama tilmaan meel ku dhac ku
ah karaamadiisa, waxaana reebban sidoo kale in lagu ciqaabo in loo diido cabitaanka iyo cunnada.

XAQA 6AAD: Xaqa eedaysanuhu u leeyahay maxkamadayn caddaalad ah:


Garsooraha waxaa ku waajib ah inuu raaco tallaabooyin koox ah oo dammaanad qaadaya in
eedaysanuhu helo maxkamadayn caddaalad ku salaysan oo ah xaq dastuuri ah kuna cad qodobka
35aad ee dastuurka federaalka ah(1).
Dammaanadahaasi waxaa kamid ah in si dhakhso ah loo soo afjaro dacwadda iyo inuu la socodsiiyo
dhammaan eedaymaha lagu soo eedeeyay, waana laba arin oo xiriir ka dhaxeeyo, waana arinta aan
ku caddayn doono qaybahan soo socda:
Waa xaq uu Eebbe (SW) ku qeexay Quraanka kariimka ah, waxa uuna amray in caddaalad la
sameeyo waxa uun Eebbe yiri:
.‫“( ﺳﻮﺭﺓ ﺍﻟﻨﺤﻞ‬90” َ‫)ﺇِﻥَّ ﺍﻟﻠَّﻪَ ﻳَﺄْﻣُﺮُ ﺑِﺎﻟْﻌَﺪْﻝِ ﻭَﺍﻹِْﺣْﺴَﺎﻥِ ﻭَﺇِﻳﺘَﺎﺀِ ﺫِﻱ ﺍﻟْﻘُﺮْﺑَﻰٰ ﻭَﻳَﻨْﻬَﻰٰ ﻋَﻦِ ﺍﻟْﻔَﺤْﺸَﺎﺀِ ﻭَﺍﻟْﻤُﻨْﻜَﺮِ ﻭَﺍﻟْﺒَﻐْﻲِ ۚ ﻳَﻌِﻈُﻜُﻢْ ﻟَﻌَﻠَّﻜُﻢْ ﺗَﺬَﻛَّﺮُﻭﻥ‬
Halkaasi waxaa ka cad in eedaysanuhu xaq u leeyahay inuu helo caddaalad oo aanan la dulminin.
Sida qof kasta uu xaq ugu leeyahay in loola dhaqmo si caddaaladi ku jirto.

12

(1) Dastuurka Federaalka ah qodobka 35(7): “Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u
leeyahay garsoor caaddil ah”.
22
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

XAQA 7AAD: Xaqa eedaysanuhu u leeyahay maxkamadayn degdeg ah:


Xeerdajiyuhu waxa uu sharciyeeyay tallaabooyin badan oo u dammaanad qaadaya eedaysanaha inuu
helo maxkamadayn caddaalad ku salaysan, laakiin tallaabooyinkaas waa seef laba afle ah, inkastooy
eedaysanaha ilaalinayaan oo ay ku kaalmaynayaa sidii uu xaqiiqada ku gaari lahaa, una xaqiijin
lahaa inuusan danbi lahayn, hadana waxaa suurta gal ah in oofinta iyo raacidda tallaabooyinkaasi
oo dhan ay ku qaadato eedaysanaha waqti dheer oo culays ku ah, gaar ahaaan haduu yahay mid
xoriyadiisa laga qaaday oo xabsikumeelgaar ah ku sugan, sidoo kale waxaa suurta gal ah daahitaanka
tallaabooyinkaas oo kuwada xiran muddo sharciyeed ay tirtiraan raadkii danbiga iyo caddaymihiiba.

Nuxurka maxkamadaynta degdegga ah:


Dareenka uu dareemayo eedaysanuhu in tallaabooyinka maxkamadayntu ay si tartiib ah oon
dhaqso ahayn ku socoto, waliba marka uu xiranyahay, waxay suurto galinaysaa in uu dareemo in
la dulminayo, taas waxa uu xeerdajiyuhu ku xalliyaa in la dadajiyo maxkamadaynta. Sidaas darteed,
waxaan isku dayaynaa inaan qeexno waxaan ka wadno Dadajinta Maxkamadaynta.

Qeexitaankamaxkamadayn degdeg ah:


Maxkamadayn degdeg ah waxaa loola jeedaa maxakamadaynta ku dhammaata muddo macquul ah,
oon ahayn mid aad u yar oo keeni karta in eedaysanuhu uusan waqti ku filan u helin inuu isdifaaco.
Xaqani waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid mawduuci ah oon ahayn mas’alo qaanuuni ah, maxaayeelay
waxaa waajib ah si xaqan loo hirgaliyo in la ogaado mudada ay dacwaddu socotay, iyo in la raadiyo
sababaha keenay inay daahdo, arimahaas oo dhan waxaa iska leh qadaridooda (qiimayntooda)
maxkamadda, waxaana ku kormeeraya arinta maxkamadda sare oo fiirinaysa sababaytu inay
saxtahay oo ay keentay inay dacwaddu daahdo.

Waxaa xusid mudan in eedaysanuhu uu laf dhabar u yahay Xaqa maxkamadaynta deg-degga ah,
maxaayeelay asaga ayay maslaxad (dan) ugu jirtaa, taasina kama dhigna in xaqani uusan ka qayb
qaadanaynin habsami u socdda wanaagsan ee caddaaladda.

Ciqaabta daahitaanka maxkamadaynta:


Si cad uma qeexin Dastuurka Federaalka ah in eedaysanuhu xaq u leeyahay maxkamadayn deg-
deg ah, laakiin waxaa lagala soo dhex bixi karaa xuquuda badan ee qodobka 35aad ee Dastuurka
federaalka ah lagu siiyayeedaysanaha.
Si loo xaqiijiyo maxkamadayn deg-deg ah, xeerarka qaar waxa ay qaateen inay soo saaraan
tallaabooyin ka hortagaya in maxkamadayntu dheeraato, sida in gudoomiyaha maxkamadda la
badalo, iyo in la qaato tallaabooyin keeni karo in maxkamadaynta la dadajiyo, sida maraykanka oo
kale oo qaatay in haddii daahitaanku saamayn wayn ku yeesho difaaca eedaysanaha ay maxkamaddu
23
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

burinayso go’aanka eedaynta, haddiisa daahiddu tahay mudada xarigga kumeelgaarka ah oo


dheeraada, waxay maxkamadda sare soo saaraysaa amar ku socda maxkamadda kiiska gacanta ku
haysa in maxkamaddu soo afjarto maxkamadaynta ama ay siidayso eedaysanaha.

XAQA 8AAD: Xaqa la socodsiinta Eedayanaha eedaha loo soo jeediyay


In eedaysanaha lala socodsiiyo eedda loo soo jeediyay, waxay ka dhigan tahay in la hubiyo waxa
ay ka koobantahay eeddu iyo in la dareen siiyo qiimaha sharciyeed ee ay leedahay. Maxaayeelay
in eedaysanuhu iska difaaco eedda waxay u baahantahay inuu fahmo dhacdooyinka iyo saamaynta
ay caddaymuhu ku yeelan karaan qanaacada garsooraha oo sabab u ah inuu soo saaro xukun kala
goynaya dacwadda.
Garsooruhu waxa uu la socodsiinayaaeedaysanaha eedaha loo soo jeediyay, iyo caddaymahooda,
waxa uuna siinayaa fursad uu ku dhiibto aragtidiisa iyo inuu ka dhaho waxa uu doono, si eedaysanaha
ay ugu suurta gasho inuu naftiisa difaaco oo sugu inuusan danbi lahayn.
Xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed qodobkiisa (39aad) waxa uu qeexayaa in ay waajib ku tahay
garsooraha inuu la socodsiiyo eedaysanaha nuxurka eedda loo soo jeediyay, iyo inuu xaq u leeyahay
inuu ka jawaab-celiyo.
La socodsiinta eedda micnaheedu ma aha lasocodsiin oo kaliya, ee waa in loo sheegaa dhammaan
cadaymaha lidka ku ah, tallaabadani waxa ay muhiim u tahay difaaca eedaysanaha, maxaayeelay waa
tallaabo keenaysa inuu nidaamsado difaaciisa si xaqiijinaysa dantiisa, sababtoo ah haddii aan lala
socodsiinin eedaymaha lagu haysto ma u suurtoobayso inuu diyaarsado difaaciisa waana hadafka la
rabo in la xaqiijiyo.
Eedaysanuhuwaxa uu xaq u leeyahay in loo sheego oo lala socodsiiyo eedda loo soo jeediyaya iyo
danbiga lagu tuhmay, looguna sheego si cad iyo waliba luqad uu fahmi karo waana xaq uu caddeeyay
dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 35aad faqrada 2aad(1).

Sidoo kale waa in la tusiyaa caddaymaha muujinaya inuu danbigan ka mas’uulyahay, waana in loo
raaciyaa awaamirta loo cuskanayo baarintaankiisa iyo su’aalo waydiintaba.
Waxaa sheegis mudan in culimada fiqiga islaamku ay isku raacsanyihiin in eedaysanuhu xaq u
leeyahay in loo sheego eedda loo haysto, taas waxay u soo daliishadaan axaadiis badan oo uu kamid
yahay xadiiska ka hadlaya islaantii lagu tuhmay sinada/dhilaysiga, waxa uu Rasuulka (scw) amray
in la ogaysiiyo in sino lagu tuhunsanyahay.Markiiloo sheegay eedda, waa ay beenisay jiritaanka
eeddan sinada, waana la iska dhaafay maadaama aan caddaymo ku filan loo haynin, waxaa xadkii
sinada lagu fuliyay ninkii qirtay inuu ka sinaystay islaantaas inkirtay Eedda(2).

13

(1) Dastuurka Federaalka ah qodobka 35(2): “Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa
dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo”.
(2) .‫ﻡ‬1986/‫ﻫـ‬1407 ،‫ ﺩﺍﺭ ﺍﻟﺮﻳﺎﻥ ﻟﻠﺘﺮﺍﺙ‬،‫ ﻓﺘﺢ ﺍﻟﺒﺎﺭﻱ ﺷﺮﺡ ﺻﺤﻴﺢ ﺍﻟﺒﺨﺎﺭﻱ‬،‫ﺃﺣﻤﺪ ﺑﻦ ﻋﻠﻲ ﺑﻦ ﺣﺠﺮ ﺍﻟﻌﺴﻘﻼﻧﻲ‬
24
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

XAQA 9AAD: Xaqa eedaysanaha ee qaadashadda racfaanka


Waxaan shaki ku jirin in xukunku uu noqdo mid aqbalaya racfaan ay kamid tahay dammaanadaha
ugu muhiisan ee lagu xaqiijiyo maxkamadayn caddaaalad ku dhisan, maxaayeelay waxay suurta
galinaysaa inuu soo baxo xukun caddaalad ah, waana tallaabo uu caddeeyay xeerka habka ciqaabta
Soomaaliyeed qodobkiisa 209aad(1).
In xukunada la duri karo waxaa ku jirta danta bulshada oo uu eedaysanuhu ku jiro, sababtoo ah
cidina dan uma aha in ay soo baxaan xunkunno khaldan.
Inkastoo diididda duridda xukunnada ay taageerayso ama ay keenayso kali talisnimo, hadana in lagu
sii xeeldheeraado duridda xukunada oo ay soo afjarmi waayaan waxay halis ku tahay daganaansho
sharciyeed in la helo, sidaas darteed siyaasadda xeer dajinta xukunada ku saabsan waxay isku
miisaamaysaa labadaas arrimood.
Waana in durista xukun kasta la ogolaadaa isla markaasna la xadidaa wadooyinka racfaan loo
qaadanayo oo ay ugu muhiimsantahay in la xadido tallaabooyinka iyo mudada xukunada lagu duri
karo si aad u cad oo qeexan.
Racfaan qaadashada waxaa loo sharciyeeyay si loo saxo xukun khaldan, si loo xaqiijiyo caddaaladii
la sugayay. Waxaa suurta gal ah in xukunku si khaldan danbiile qof uga dhigo, ama faldanbiyeedku
uusan u dhicin sida ku soo aroortay ama lagu cadeeyay warqadda eedda, ama qof kale oon ahayn
qofka la xukumay uu falka gaystay, ama eedaysanaha loo maxkamadeeyay sikhilaafsan sida uu
sharcigu qabo.
14

(1)Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 209: Racfaanka eedaysanaha:


1. Eedaysane waa u racfaan qaadan karaa shakhsi ahaan ama iyadoo ay u qaadayaan wakiiladiisa gaarka ahi.
2. Marka la soo saaro xukun Dil ah, qareenka eedaysanaha dacwada ka difaacayay, wuu u qaadi karaa racfaan, isagoo aan
haysan igmasho gaar ah, xataa haddii aanu sidaa doonayn qofka la xukumay.
3. Waalidka caruurta yar-yar iyo wakiiladooda qaanuuneed ee xanaanooyinku, xataa haddii aanay lahayn xaqa gaadhsiinta
xukunka way u qaadi karaan racfaan.
4. Marka laga reebo xaalada faqrada 2aad ee qodobkan, eedaysanuhu waa tirtiri karaa racfaan uu u qaaday qof kale isaga
dartii, isagoo ogaysiinaya Maxkamada in aanu rabin in racfaankaas loo qaado. Haddii eedaysanuhu yahay caruur ama
qof karti laawe ah, waalidka ama wakiilka qaanuuneed ayaa bixinaya, ogolaanshaha saxnimada racfaanka.
5. Haddii qofka eedaysanaha ah ama qof kale ogolaado sidan, oo si waafaqsan tilmaamaha qodobka loo gudbiyo racfaano,
kuwaas oo midkood noqdo mid aan sax ahayn, kan saxa ah iyo asbaabtiisa ayaa lagu dhaqmayaa, haddii khilaaf ka soo
dhex baxo racfaanada la gudbiyay kan eedaysanuhu gudbiyay ayaa mudnaanta leh.

25
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Qeexidda xaqa duridda xukunada:


Dhinacyada dacwadda ciqaata ah waxay wada leeyihiin inay ka faa’iidaystaan xaqa duridda xukunada.
Xaqa duridda xukunada waxaa loola jeedaa suurtagalnimada dib u eegista xukunada garsoor ee soo
baxay si waafaqsan qaabka sharcigu qeexay.
Sidoo kale xaqa durista xukunada waxaa lagu qeexay inuu yahay fursad u ogolaanaysan dhinacyada
dawcadda inay soo saaraan ceebaha ku jira xukun ka soo baxay maxkamad, ayna ka codsadaan
maxkamad awood u leh inay buriso ama wax ka badal ku samayso ayna ka saarto ceebaha uu
xukunku lahaa.
Waxaa durista xukunada lagu tiriyaa inuu yahay mid kamid ah qaababka loo kormeero ama loo
saxo xukunada ka soo baxa garsoorayaasha oo waliba isku dayaya inay ilaaliyaan tallaabooyinka ka
dhigaya xukunkooda inuu sax noqdo, si aan loo burinin xukunkooda, ama aan wax looga badalin,
maxaayeelay waxa ay ogyihiin in maxkamadda ka saraysa la horgayn doono.
Ujeedada laga leeyahay burinta xukunada waan in la saxo khaladaadka suurta gal ka ah ee
garsoorayaasha ka dhaca, sidoo kale waxa uu dammaanad u yahay xaqa eedaysanaha uu u leeyahay
inuu iska hor difaaco heerar maxkamadeed oo kala duwan.

26
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

WAYDIIMO:
1. Qeex eray Cilmiyeedyada soo socda:
A. Eedaysane
B. Laga-shakiye
C. Xarig
D. Xabsi ku hayn kumeelgaar ah
2. Sharax Mabaadi’dan soo socota:
A. Mabda’a danbi-laawenimada (Barii’nimada)
B. Mabda’a kala saaridda labada awoodeed ee eedaynta iyo baarista
C. Mabda’a isu-gaynta labada awoodeed ee eedaynta iyo baarista
3. Sheeg dammaanadaha Xuquuqda eedaysanaha inta uu xiranyahay.
4. Tax xuquuqda eedaysanaha ee cutubkan ku soo aroortay

27
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Cutubka
2aad

XUQUUQDA
DHIBBANAHA

28
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Ujeedada cutubkan:
Cutubkani waxa uu hadafkiisu yahay in tababartaha uu ogaado:
1. Ahmiyadda xuquuqda dhibbanaha ee uu sharicigu siiyay
2. Kaalinta Dhibbanuhu ku leeyahay dacwadda ciqaabta ah
3. Oo uu ilaaliyo xuquuda dhibbanaha ee xeerka ciqaabta guud iyo kan habkaba qeexeen, si
maxkamadayn caddalad ku salaysan loo helo.
Natiijada barashada Cutubkan:
Tababartuhu waxa uu baranayaa:
1. Xuquuqda dhibbanaha marka lagu guda jiro baarista
2. Xuquuqda dhibbanaha marka maxkamadayntu bilaabato
3. Xuquuqda dhibbanaha ee uu xeer-dajiyah ciqaabta Soomaaliya ka aamusay xeerarka kalana
ay qeexeen.
4. Kaalinta dhibbaha ee dacwadda ciqaabta ah.

GOGOLDHIG
Qofka bani’aadanka ah waa udub dhexaadka xeerka ciqaabta qofkaasi ha ahaado mid danbiile ah,
ama mid dhibane ah.
Hadaba horumarkii uu sameeyay xeerka ciqaabta waxaan ka dheehan karnaa in uu eedaysana siiyay
xuquuq badan oo u suurta galin karta inuu helo maxkamadayn caddaalad ku salaysan, iyo haddii
danbiile uu noqdo fulin ciqaabeed aan wax u dhimaynin karaamadiisa iyo bani aadamnimadiisa
midna, halka inta badan ay xeerarka ciqaabta iyo habkoodaba aad moodid inay iska indha tireen
xuquuqda uu leeyahay Dhibbanuhu, ama aysan siinin mudnaanta ay siiyeen eedaysanaha, taas oo
laga rabey xeerdajiha ciqaabta inuu siiyo dhibbanaha xuquuq isana u suurta galin karta inuu helo
tallaabooyin degdeg ah oo keenaya inuu helo magdhaw kabaya dhibka ka soo gaaray danbiga.
Inkastoo eedaysanuhu helay xuquuq tiro badan, hadana inta badan xeerdajiyayaasha dawladaha
maysan muhiimad gaar ah siinin dhibbanaha si uu u helo xuquuqdiisa asaasiga ah, hay’adaha
caddaaladda ciqaabta hortooda.
Sidaas darteed, in badan ayay dhibbanayaashu ka maqnaayeen maanka sharci dajiyayaasha,
maxaayeelay inta badan waxaa xoogga la saaray xuquuqda eedaysanaha iyada oo laga cabsi qabo in
qof aan dabi lahayn danbi lagu oogo, oo inta badan kitaabada laga qoray xuquuqda eedaysanaha way
ka badan yihiin kuwa laga qoray dhibbanaha, taasina waxaa qayb ka ahaa dadaalada ay sameeyeen
dhaqdhaqaaqyada u dooda Xuquuqda bani’aadamka.
Laakiin marka ay badatahay dhibaatada danbiilayaashu ay u gaysanayaan dhibbanayaasha ee kala
gaddisan, noocyada badanna leh, dhibaatooyinkaas oo ay kamid yihiin kuwo jidhka soo gaara, kuwo
dhaqaale, bulsho iyo nafsiyadeedba, waxaa bilawday in muhiimad gaar ah la siiyo dhibbanayaasha
ilaa uu ugu danbayn ka soo baxay cilmi gaar ah oo loo yaqaanno “Cilmiga dhibbanayaasha”
“Victimology”.

29
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Maadaama xaqa dhibbanuhu ka soo bilaabanayo marka uu danbigu dhaco, waxaa waajib ku
noqonaysa fiqiga ciqaabta casriga ah in dib u eegis ay ku sameeyaan aragtida guud ee danbiga iyo
ciqaabta, waana inuu isku dheelitiraa xuquuda eedaysanaha iyo dhibbanaha.
Xeerarka habka ciqaabta inta badan dawladaha, waxay u jihaysteen inay muhiimad siiyaan
xuquuqda dhibbanaha inta ay socoto tallaabooyinka dacwadda ciqaabta ah, muhiimadda iyo
dadaalka xeerdajiyaha ciqaabta kuma ekaanin oo kaliya xuquuqda eedaysanaha oo ah dhinaca labaad
ee wajahaya dawladda oo ah dhinaca hagaya dacwadda ciqaabta ah, ee waxaa sidoo kale xoogga la
saaray waayadan danbe xuquuqda uu leeyahay dhibbanaha inta ay dacwaddu socoto ilaa xukun
kama danbays ah ka soo baxo.
Waxaan shaki ku jirin dadaalka lagu xaqiijinayo xuquuqda dhibbanaha iyo fursadda la siinayo si
uu uga qabyqaato tallaabooyinka dacwadda ciqaabta ah, inay faa’iido badan keenayso, maxaayeelay
waxaadhibbanaha u suurta galaysa inuu kontoroolo shaqada ay qabanayso ha’aydda baarista iyo
dacwa oogista leh, iyo inuu difaacdo danihiisa dhibku ka soo gaaray danbiga dhacay, sidoo kale
waxaa xusid mudan kaalinta mugga weyn leh ee uu ka gaysanayo sugitaanka danbiga dhacay iyo in
la helo qofkii fal-danbiyeed ka gaystay.
Haddaba si Dhibbanuhu uu kaalin uga qaato tallaabooyinka dacwadda waa in loo suurtagaliyaa inuu
joogo marxaladaha ay dacwaddu marayso dhammaantooda ama qayb kamid ah, lalana socodsiiyo
tallaabooyinka dacwadda loo maray, waliba inta uusan goob joogga ka ahayn, waana arinta ay inta
badan xeerarka ciqaabtu qeexaan si loo xoojiyo xuquuqda dhibbanayaasha ee ka qayb qaadashada
tallaabooyinka dacwadda ciqaabta ah.
Xuquuda dhibbanaha kuma koobna marxaladda baaritaanka, ee waxa uu leeyahay xuquuq
badan marka baaritaanku dhammaado ee dacwadda maxkmadda ka horfuranto, waxaa kamid
ah xuquuqdaasi inuu soo dhexgalo dooda ciqaabta ah, sidoo kale waxa uu xaq u leeyahay in uu
dacwadda ciqaabta ah socodsiiyo asaga oo dalbanaya in eedaysana maxkamadda la horkeeno, xaqa
danbe ee dhibbanaha la siiyay, waxa uu ka dhiggan yahay in uu kormeerayo ama ilaalinayo (‫)ﺍﻟﻤﺮﺍﻗﺒﺔ‬
xeer-ilaalinta.
Waxaa xusid mudan in Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya uusan caddaynin xaqa dhibbanuhu u
leeyahay inuu goob joog ka ahaado tallaabooyinka danbi-baarista, laakiin waxa uu xaq u siinayaa
inuu gudbisto tabasho ku saabasan khasaaraha madani ee ka soo gaaray fal-danbiyeedka.
Sidaas darteed, waxaan ka hadli doonnaa xuquuda uu Dhibbanuhu leeyahay labada marxaladba,
inta lagu gudajiro baarista iyo inta ay socoto dacwo qaadistu:
XAQA 1AAD: Kaalintadhibbanaha ee gudbinta ashkatada:
Qofka koowaad ee danbigu dhib ka soo gaarayo waa dhibbanaha, haddaba tallaabada ugu horaysa
ee uu dhibbanuhu qaadayo si dacwadda ciqaabta ah loo dhaqaajiyo waa inuu ashkato gudbiyo.

30
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Waxaa xusid mudan in dhibbanuhu uu xeer-ilaalinta xaddidi karo oo aysan dacwadda ciqaabta ah
furi karin danbiyada qaar oo uu xeer-dajiyuhu ku xiray Ashkatada dhibbanaha. Waana danbiyo
inta badan dhibka maxkamadaynta ka soo gaaraya dhibbanaha ay ka wayntahay dhibkii fal-
danbiyeedka ka soo gaaray, xaaladahan oo kale waxay dantu ku jirtaa in furitaanka dacwadda loo
daayo dhibbanaha hadduu rabo waxa uu soo gudbinayaa Ashkato haddii uusan rabinna wuu iska
aamusayaa.
Ashkato waxaa lagu qeexaa inay tahay “in dhibbanuhu gaarsiiyo xeer ilaalinta ama sargaal boolis ah
in faldanbi oo dhacay uu dhib ka soo gaaray, kana dalbado in tallaabooyinka ku habboon laga qaato
si loo ciqaabo qofkii danbiga galay” ashkatadu waxay ku koobantahay oo kaliya danbiyada qaar oo
uu xadiday xeerku.
Waxaa iska cad in danbiga ashkatada laga soo gudbiyay uu kamid noqdo danbiyada xeer-dajiyuhu
ku xiray dacwo oogista xeer-ilaalinta Ashkatada dhibbanaha, maxaayeelay sida caadiga ah xeer-
ilaalinta ayaa iska xaqa oogista dhammaan dacwaddaha ciqaabta ah iyo tallaabo sharci ka qaadisata
dadka fal-danbiyeedka gaystay, ayadoo la kaashanayo booliska danbi baarista iyo macluumaad
aruurinta sameeya.

Shuruudaha ashkatada:
Ashkatadu waxay leedahay shuruudo asaasi ah, oo la xiriira sifada, ujeedada, iyo jihada loo
gudbinayo. Marka laga fiiriyo sifada qofka soo gudbinaya ashkatada waxa uu qeexay xeerdajiyaha
Soomaaliga ah sida xeerdajiyayaasha kalaba, in Ashkatadu ay tahay xaq uu leeyahay dhibbanaha,
qof aan asaga ahaynna uusan soo gudbin karin, wayna ka gaddisantahay gaarsiinta caadiga ah ee uu
qofkasta uu soo gaarsiin karo in danbi dhacay.
Ashkatada waxaa soo gudbinaya dhibbanaha hadii uu kaligiis yahay, haddiise dhibbanayaashu
bataan, ashkatada hal kamid ah dhibbanayaasha ayaa ku filan in dacwadda la bilaabo.
Dhibbanuhu waxa uu noqon karaa qof dabiici ah, ama qof macnawi ah (‫)ﺷﺨﺺ ﻣﻌﻨﻮﻱ‬, sidoo kale
xeerku waxa uu sharidiyaa in dhibbanaha soo gudbinaya Ashkatada uu yahay mid ahliyad (‫)ﺍﻷﻫﻠﻴﺔ‬
leh, xilliga uu soo gudbinayo Ashkatada.
Dhibbanuhu kuma qasbana in uu isaga soo gudbiyo askhatada ee waxa uu u wakiilan karaa qof
kale, waxaana shardi ah in wakiilashadu ku khaas noqoto Ashkatada, sidoo kale haduu dhibbanuhu
yahay qof aan ahliyad (‫ )ﺍﻷﻫﻠﻴﺔ‬lahayn, waxaa u gudbinaya qof wilaayadiisa leh.
Haddii danbiga ashkatada lagu xiray uu xiriir la leeyahay danbi kale oon Ashkato lagu xirin, xeer-
ilaalinta waxay xaq u leedahay in tallaabo sharci ah ka qaaddo dhaqaajinta dacwaddaas, oo aysan
sugin kuna xirnaanin ashkatada.

31
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Hay’adda loo gudbinayo ashkatada:


Waxaa waajib ah in ashkatada loo gudibiyo garsooraha, xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, ama
sarkaalkasta oo boolis, waana sida ku xusan qodobka 17aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed
(1)
.
Waxaana banaanayn in loo gudbiyo qof aan ikhtisaas u lahayn qabashada ashkatooyinka, haday
dhacdo in loo gudbiyana dacwaddu ma furmayso.
Haddii dhibbanuhu uu furto dacwo toos ah asaga oo dalbanaya xuquud madani ah oo kaga
dhibaatowday faldanbiyeedka ciqaabta ah ee dhacay, warqada uu ku dalbanayo in eedaysanuhu
maxkamadda horyimaaddo ayaa lagu tirinayaa oo laga soo qaadayaa inay tahay oo ay u dhiganto
ashkato, laakiin hadii Ashkatadiisa u gudbiyo jiho kale sida hay’adda uu ka shaqeeyo, tallaabadaasi
ma noqonayso ashkato.

Ujeedada ashkatada:
Waxaa waajib ah si ashkatadu u noqoto mid sax in ujeedada ah in uu dalbanayo maxkmadayn ay
tahay mid cad, haddiise uu shardi ku xiro furitaanka dacwadda, waxa ay Ashkatadu noqonaysaa
mid burtay oon jirin, haddii xiitaa uu sharidigii xaqiiqoobo, maxaayeelay marba hadii dhibbanahu
ashkatada shardi ku xiray waxay ka dhigantahay in wali uusan go’aan rasmi ah ka qaadanin
maxkamadaynta eedaysanaha. Waxaa ku filan si ashkatadu ansaxdo in uu dhibbanuhu xaddido
dhacdada dalbadana in la maxkamadeeyo qofkii ka danbeeyay fal-danbiyeedka hadduu rabo yuusan
magacaabin eedaysanaha.

Raadka ka dhalanaya ashkatada:


Waxaa ka dhalanaya soo gudbinta ashkatada in xayiraadda laga qaado xeer-ilaalinta oo ay awood u
yeelato inay furto dacwo ciqaabeedka xeerdajiyuhu ku xiray furitaankeeda ashkatada dhibbanaha.
Waxayna horay xeer-ilaalintu ka bilaabaysaa tallaabooyinka eedaynta ayada oon wax kaalmo ah ka
sugin dhibbanaha, marba hadduu soo gudbiyay Ashkato.
Haddii marba dacwaddu ay furanto, waxay u dhaxaynaysaa eedaysanaha iyo xeer-ilaalinta,
dhibbanuhu waxa uu ku ekaanayaa magdhawyada uu ka hor dalbanayo maxkamadda ciqaabta ah,
asaga oo furanaya dacwad (tabasho) madani ah oo la socota midda ciqaabta ah sida ku cad qodobka
130aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya(2), ama ka hor dacwoonayo maxkamad madani ah si
uu u dalbado magdhawga dhibka ka soo gaaray faldanbiyeedka ciqaabta ah.
1

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 17aad: “Warka, ashkatooyinka iyo warbixinada waxa lagu hagaajinayaa Garsooraha,
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ama Sarkaalkasta oo Booliis”.
(2) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 130(1): “ Marka eedaysanaha lagu helo si waafaqsan Qodobka 123, Maxkamaddu
haddii dhinaca dhibanuhu waydiisto khasaaraha madani oo lid ku ah eedaysanaha si waafaqsan farqadaha 2 iyo 3 ee Qodobka 14,
waxay go’aan ka gaadhaysaa tabashada, haddii kale waxay ku dhawaaqaysaa in aanla aqbalin tabashadaa si waafaqsan farqadaha soo
socda”.
32
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

Sidaas darteed, kaalinta dhibbanaha waxay ku ekaanaysaa soo gudbinta Ashkatada, laakiin waxa
uu leeyahay dhibbanaha u dacwoonaya xaq madani ah inuu kaalmeeyo xeer-ilaalinta si loo sugo in
eedaysanuhu galay danbiga.

Dhicitaanka ashkatada:
Ashkatadu waxay ku dhici kartaa sababaha soo socda:
1. Dhimashada dhibbanaha, maadaama ashkatadu tahay xaq shakhsi ah oo uu leeyahay
dhibbanaha, xaqaasi waa uu dhacayaa haddii uu dhinto sida ku cad qodobka 145aad ee Xeer
Ciqaabta Soomaaliya(1), haddiise inta uusan dhiman u gudbiyo jihadii iska lahayd qabashada
ashkatooyinka, kadibna uu dhinto, ashaktadaasi ma dhacayso.
2. Ka tanaasul: waa tallaabo sharci ah oo uu ku muujinayo dhibbanuhu rabitaankiisa ah in la
joojiyo raadka sharciyeed ee ashkatadiisa, oo ka dhigan in la joogiyo socoshada dacwadda
sida ku cad qodobka 85aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya(2). Tanaasulku waa xaq shakhsi
ah, sidaas darteed qof aan dhibbanaha ahayn lagama aqbalayo, dhaxaltooyadiisana uma
gudbayso haddii uu dhinto, waxaana tanaasulka loo shardiyaa in dhibbanuhu miyir kiisu
fayawyahay, haddii uu wax soo gaaro maankiisa, wakiilkiisa sharciga ah ayaa u tanaasulaya.
Ka tanaasulka waa uu banaanyahay xilli kasta marka uu yahay mid ka danbeeya dhicitaanka
faldanbiyeedka, haddiise uu ka hormaro ma ansaxayo.

Xaqa ashkatada ay la socoto sheegasho madani ah


Waxaa ka dhalan kara fal-danbiyeedka dhib soo gaara qof, waxa uuna xaq u yeelanayaa qofkaas
dhibka soo gaaray inuu dhaqaajiyo dacwo ciqaab ah, taas oo ka bilaabanaysa inuu ashkato wadata
dalbashada xaq madani ah u soo gudbiyo jihada baarintaanka iska lahayd, uu uguna sheegayo in
fal-danbiyeed ku dhacay uu dhib ka soo gaaray, uuna sheeganayo xaquuq madani ah, dalbnayana in
magdhaw laga siiyo dhib kii soo gaaray.
Taasi waxay faa’iidaynaysaa in dhibbanuhu uu dhaqaajin karo dacwo ciqaab ah, si uu u soo gudbisto
dacwo madani maxkamad ciqaab ah horteed xataa hadii xeer-ilaalinta ka gaabiso dacwo oogista
ciqaabta ah.
2

(1) Xeerka Ciqaabta Soomaaliya qodobka 145aad: “Xaaladah Dembiyada lagu dhaqaajiyo dalabka dhibanaha, marka laga reebo in
xukunku kama danbays noqdo, ka noqoshada ashkatada ama dhimashada dhibanuhu waxay dhamaynaysaa Dembiga”.
(2) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 85(1): “Xaqa samaynta ashkatada lama adeegsan karo, marka si cad ama si dahsoon
uga talaasulo qofkii lahaa xaqa samaynta ashkatada. Xaqa waxaa si dahsoon looga tanaasulay marka qofkii lahaa samaynta xaqa
ashkatada uu u dhaqmo si u muuqata rabitaan la’aanta ashkatada”.

33
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

XAQA 2AAD: Xuquuqda dhibbanaha (dacwoodaha madaniga ah) uu u


leeyahay inuu dacwadda soo dhexgalo:
Dhibbanuhu waxa uu xaq u leeyahay in dacwadda ciqaabta oo socoto soo dhex galo, kadibna uu
maxkamadda ka codsado in magdhaw laga siiyo dhibkii ka soo gaaray faldanbiyeedka dacwadiisu
socoto sida ku cad qodobka 14aad faqradiisa 2aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya(1). Waxaa
xaqan lagu tiriyaa inuu dammaanad u yahay dhibbanaha la soo daahay inuu dalbado xaqiisa.
Waxaa noo muuqanaysa in sharci-dajiyuhu u banneeyay qofkasta oo sheeganaya in uu dhib ka soo
gaaray faldanbiyeedka dacwadiisu socoto, inuu dacwo madani ah ka furto maxkamadda ciqaabta ah
horteeda, ha ahaado dhibbanaha ama qof kale.
Dhexgalka waxaa la ogolyahay oo kaliye inta gar-naqa dacwaddu socoto, laakiin haddii la siiyo
hadalka xeer-ilaalinta si ay u soo gudbiso dalabaadkeeda ku aaddan ciqaabta, waxay ka dhigatahay
in la xiray gar-naqii dacwadda waana sida uu qeexayo qodobka 14aad faqradiisa 3aad ee Xeerka
Habka Ciqaabta Soomaaliya(2).

XAQA 3AAD: Xaqa dhibbanaha ee gudbinta dalabaadka


Haddii aan soo sheegnay in dhibbanuhu uu xaq u leeyahay inuu goob joog ka ahaado inta baaritaanku
socdo, waa inuu xaq u yeeshaa inuu su’aalo waydiin karo markhaatiyada eedaysanayaasha,
khubarada iyo qof kasta oo xiriir la leh danbiga. Sidookale, wuxuu xaq u leeyhay inuu hay’adda
baarista samaynaysa ka dalbado inay samayso baaritaan uu muhiim u arko, dalabaadkasi waxaa
kamid in la keeno khubaro, markhaatiyo iyo dad kale oo ku lug leh danbiga, iyo in baaruhu tago
goobta falku ka dhacay fatashaadna ku sameeyo.

XAQA 4AAD: Xaqa dhibbanaha ee duridda go’aanada baarista


Garsooruhu inuu ahaado dhexdhexaad waxay dammaanad qaad u tahay in caddaalad la helo,
xuquuqda muwaadiniinta la ilaaliyo. Mabda’a guud waxa uu yahay in garsooruhu dacwadda ku
dhammaynayo sida xeerku qabo, ee uusan u eexanaynin dhinac kamida dhinacyada is haysta,
si arintaas loo xaqiijiyo xeerarku waxay qeexeen in garsooruhu qaadi karin dacwadda haddii ay
jiraan wax dhibaatayn kara dhex-dhexaadnimadaas, waxaana xusid mudan in jihada baaritaanka
samaynaysa ay yihiin dad bani’aadam ah oo khaldami kara, waxaana caddaalada u fiican in la
duri karo go’aannada ay qaataan, maxaayeelay arintaasi waxay xaqiijinaysaa laba arimood, midda
koowaad oo ah in jihada baaritaanka samaynaysa ay culays saarto, oo ay dadaal dheeraad ah bixiso
si ay u xaqiijiso sharciga. Midda labaad waa in duriddu ay dacwadda u wareejinayso maxkamad ka
saraysa middii dacwadda waday, taas oo keenaysa inuu yaraado khaladka.
3

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 14(2): “Dhinaca dhibanaha ahi wuxuu ka codsan karaa Maxkamadda in eedaysanuhu
ka magdhabo khasaarihii masuuliyada madani ee isaga denbiga ka soo gaadha”.
(2) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 14(3): “Codsiga ku xusan farqada 2 ee Qodobkani waxa loo gudbin karaa Maxkamadda,
qoraal ahaan ama hadal ahaan, ka hor intaanay bilaabmin gebagebaynta xeer-ilaalinta ee dacwada eek u xusan qodobka 119”.
34
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

XAQA 5AAD: Xaqa dhibbanuhu u leeyahay inuu la socdo baaritaanka


Xuquuqda ay xeerarku u dammaanad qaadeendhibbanaha waxaa kamid ah, xaqa inuu goob joog
ka ahaado tallaabooyinka Baaritaanka, iyo in uu daalacdo (akhristo) hadal-qoraaleedka (Maxdarka)
baaritaanka, waa marka tallaabooyinka qaar ay dhacaan asaga oon goob joog ahayn oo maqan.
Sidaas darteed, waxaan ka hadalka arinta u kala qaadaynaa laba qaybood oo ah sida soo socota:
1. Xaqa dhibanaha ee ah inuu goobjoog ka ahaado baaritaanka:
Muhiimad gaar ah ayay siiyeen xeerarka ciqaabta in dhibbanuhu goob joog ka ahaado tallaabooyinka
dacwadda ciqaata ah, sida tallaabooyinka baadhitaanka, taasina waa dammaanad u keenaysa
dhibbanaha inuu la socdo halka ay baaristu marayso, si uu uga dhiibto faalooyinkiisa iyo difaaciisa
taas oo ah inuu keeno caddaymo meesha ka saaraya diidmada eedaysanaha ee ah inuu qarinayo
xaqiiqda. Waxayna arintani keenaysaa in dhibbanaha aan lagu kadinin caddaymo lid ku ah xilli
aan munaasab ahayn oo ay markaasi ku adkaato inuu iska difaaco. Waxaa kale oo ay keenaysaa in
baaraha uu ahaado mid dhexdhexaad ah oo ku xadidan xeerka.
Intaasi waxaa sii dheer, in dhibbanayaashu ay goob joog ka ahaadaan baaritaanka waxay xoojinaysaa
kalsoonida ay ku qabaan hay’adda baaritaanka samaynaysa.
Tusaale xeerdajiyaha Masar waxa uu dhibbanaha xaq u siiyay inuu goob joog ka ahaado dhammaan
tallaabooyinka baarista waliba asagoo ah dhinac ah.
Xeerarku waxa ay diidaan mararka qaar in dhibbanaha goob joog ka ahaado xilliga baaritaanka,
laakiin waxa ay xaq u siiyaan in la tusiyo hadal-qoraaleedka (maxdarka) hawsha asagoo maqan la
qabtay.
2. Xaqa dhibbanaha uu u leeyahay inuu daalacdo xusuus qoraaleedyada
baarista
Xaqa uu dhibbanahu u leeyahay in la tuso xusuus qoraaleedka baaruhu sameeyay ee hawsha la
qabtay dhibbanaha oon joogin, waxa uu raaacsanyahay xaqa hore een ka soo hadalnay. Xeerka
habka ciqaabta ee Masar waxa uu qeexayaa in dhibbanaha iyo eedaysanahaba ay xaq u leeyihiin inay
dalbadaan in nuqul laga siiyo warqada baarista.
Culimada qaar ayaa waxay qabaan in xaalad daruuro (‫ )ةرورضلا‬ay keenayso in dhibbanaha iyo dad
kalaba loo diido inay goob joog ka ahaadaan baarista iyo inay helaan hadal-qoraalka, maxaayeelay
marba haddii dhibbanaha loo diiday inuu goob joog ahaado waxaa ka dhalanaya in loo diido inuu
arko waxii qabsoomay inta uu maqnaa isla sababtii loogu diiday inuu goob joog ka ahaado baarista
ayaa loogu diidayaa inuu helo nuqul kamid ah maxdarka.

3. Xaqa Dhibbanuhu u leeyahay in la ogaysiiyo nuxurka dacwadda


Dhibbanuhu waxa uu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato tallaabooyinka dacwadda ciqaabta ah,
asaga oo difaacaya danihiisa madaniga ah, sugayana khaladka eedaysanaha iyo dhibka uu gaysta
iyo sababka ka dhaxeeya labadaas. Sidaas darteed, waxa uu xaq u leeyahay in eedaysanaha uu eedo
u jeediyo dalbadana magdhaw, taasina ma imaanayso haddaan la siinin xaqa inuu soo gudbiyo
dalabaad.

35
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

In lala socod siiyo dhibbanaha nuxurka dacwadda waa mid kamid ah dammaanadahu ugu muhiimsan
ee xeerdajiyuhu siiyo dhibbanaha, maxaayeelay waxay keenaysaa in dhibbanuhu uu la socdo halka
ay wax marayaan.

XAQA 6AAD: Xaqa dhibbanuhu u leeyahay in tabasho toos ah uu garsooraha


u gudbiyo
Sida ay xeerarka ciqaabta ee dalalka qaar qeexaan xaqa tabashada tooska ah, waa in fursad loo siiyo
qofka dhibku ka soo gaaray fal-danbiyeedka in dacwa toos ah uu furan karo asagoo dalbanaya
magdhaga dhibkii soo gaaray, taas oo loo marayo in warqad lagu amarayo eedaysanaha in uu
maxkamadda horyimaado la soo saaro. Waxaa ka muuqanaysa xaqan, in dhaqaajinta dacwadda
ciqaabta ah la siiyay jiho aan xeer-ilaalinta ahayn, sidaas darteed waxay meel ku dhac ku tahay
xaqii ay xeer-ilaalintu u lahayd dhaqaajinta dacwadda ciqaabta ah, dhanka kale haddii laga fiiriyana
waxa ay noqodaysaa waddo ama tallaabo ku xadidan oogista dacwo madani ah oo lagu dalbanayo
magdhawga dhibika faldanbiyeedku gaystay maxkamad ciqaab ah horteeda. Waxaa tallaabadan ka
dhalanaya in dacwadii ciqaata ahayd iyana iskeed iskaga furanto.
Xaqa dacwadda tooska ah, waxaa uu jabinayaa xayndaabii xeer-ilaalinta u xirnaa ee ahaa in
ayada uun ay leedahay dhaqaajinta dawacada ciqaabta ah. Dacwoodaha madaniga ah waxa uu
xaq u leeyahay inuu dhaqaajiyo dacwadii xeer-ilaalinta oon soo faragashanin. Arintani ah in labo
dacwo oo ciqaab iyo madani kala ah laga hor furo maxkamadda ciqaabta, waxay keenaysaa inay
soo gaabataan tallaabooyinka dacwadda, iyo in loo dhibyareeyo dacwoodayaasha lana ilaaliyo
midnimada garsoorka.

Sifada dacwoodaha xaqa madaniga ah iyo gudagalka tabashada madaniga ah:


A. Sifada dacwoodaha xaqa madaniga ah:
Xeerdajiyuhu waxa uu sifada docwoodaha xaq madani ah siiyaay qofka uu dhib ka soo
gaaro faldanbiyeed dhacay, inta badanna waxa uu noqdaa dhibbanaha, waana sida ku cad
qodobka 130aad ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliya(1).
Sababta loogu kali yeelay xaqa dacwadda tooska ah qofka dhibku ka soo gaaray
faldanbiyeedka, waa in dacwadda ciqaabta ah aan la dhaqaajin karin in xiriir la leedahay
dacwo madani ah mooyaane oo asaaskeedu yahay dhib ka soo gaaray faldanbiyeedka qofka
dacwadda furanaya.
4

(1) Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya qodobka 130(1): “Marka eedaysanaha lagu helo si waafaqsan Qodobka 123, Maxkamaddu
haddii dhinaca dhibanuhu waydiisto khasaaraha madani oo lid ku ah eedaysanaha si waafaqsan farqadaha 2 iyo 3 ee Qodobka 14,
waxay go’aan ka gaadhaysaa tabashada, haddii kale waxay ku dhawaaqaysaa in aanla aqbalin tabashadaa si waafaqsan farqadaha soo
socda”.

36
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

B. Shuruudaha dacwaddatooska ah:


Xaqiiqada dacwaddan waxay noo suurta galinaysaa inaan kala soo dhexbaxno shuruudaha ay
waajibka tahay in la helo ka hor inta aan dacwadda noocan ah la furin, maxaayeelay xeerka habka
ciqaabta si cad uma qeexayo shuruudaha. Waxaase xadida fiqiga iyo garsoorka.
Shuruudahaasi waxay la xiriiraan:
1. Nooca fal-danbiyeeka oo loo sharidiyo inuu yahay danbi fudud. Maxaayeelay danbiyda
waawayn dacwadooda lama soo oogi karo ayada oo aysan ka hormarin baaritaan waqti
dheer qaato kadib, sababtoo ah waa danbi halis ah, oo ciqaab adag leh, sidaas darteed
waxaan macquul ahayn in qof laga yaabo inuusan danbi lahayn maxkamad ciqaab ah lagu
horkeeno codsi uu qof caadi ah uu ku furtay dacwo, waxaana dhici karta in yeeristan ay ku
sababto dacwaysanaha dhib badan oon loo kabi karin, middaas ayaana ah midda fasiraysa in
xeerdajiyuhu oogista dacwadda danbiyada waawayn uu ku xiray warbixin eedayn ah kadib
baaritaan dheer oo faah-faahsan.
2. Aqbalidda dacwadda ciqaabta iyo midda madaniga ahba:
3. Waa in dacwadda ciqaabta ah ay tahay mid maqbuul ah, maxaayeelay ikhtisaaska
maxkamadaha
4. ciqaabta ay u leeyihiin dacwadda madaniga ah waa mid gaar ah (‫)يئانثتسإ‬, oo raacsan
dacwadda ciqaabta ah. Waxaa laga wadaa aqblidda dacwadda ciqaanta inuusan jirin wax is-
hortaagaya oogista dacwadda ciqaabta ah, sida in ay ku xirantahay Ashkato, walina aan la soo
gudbinin ashkatadiii, ama dhacdadu inaysan ahayn faldanbiyeed, sidoo kale in furitaankeeda
loo maray tallaabooyin aan sharci ahayn.
Sidoo kale, waa in dacwadda madaniga ah la aqbalaaa, maxaayeelay waa wadada kaliya ee dhibbanaha
u suurta galinaysa in dacwo ciqaab ah uu ka furo maxkmadda ciqaabta horteeda, haddiise dacwadda
madaniga ah aan la aqbalin sababtoo ah waxaa soo oogay qof aan sifadii oogista dacwaddamadaniga
ah aan lahayn, waxaa ka dhalanaysa in dacwadii ciqaabta iyana ay noqoto mid aan la aqbalaynin.
Haddaba dacwadda tooska ah waxaa ka dhalanaya in ay furanto dacwadda ciqaabta ah. Sidaas darteed,
waxaa la yiraahdaa: dacwadda madaniga ah waxay furtaa oo ay dhaqaajisaa dacwadda ciqaabta ah,
kadibna gadaal ayay martaa oo waxay dabakacdaa dacwadii ciqaabta ahayd ee ay dhaqaajisay ama
furtay.

37
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

WAYDIIMO
1. Qeex eray Cilmiyeedyadan soo socda:
A. Dhibbane
B. Ashkato
C. Tabasho toos ah
2. Ashkatada waa xaqa ugu muhiimsan ee dhibbanaha uu xeer-Dajiyaha Soomaaliya siiyay
dhibbanaha. Sidaas darteed, waxaaad caddaysaa arimahan soo socda:
A. Jihada dhibbanuhu ashkatadiisa u gudbinayo
B. Ujeedada ashkatada
C. Raadka ka dhalanaya ashkato gudbinta
D. Dhicitaanka ashkatada.
3. Tax xuquuqda dhibbanaha ee ku soo aroortay cutubkan.

38
XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA

GUNAANAD
Inta aan ku soo guda jirnay waxaan soo caddaynay xuquuda uu leeyahay eedaysanaha inta lagu
guda jiro baarista iyo dacwo oogista ilaa xukun maxkamadeed oo kama danbays ah laga soo saaro
dacwadda.
Waxaan sheegnay in xuquuda ugu muhiisan ay yihiin
1. Mabda’a danbi-laawenimada:
2. Dammaanadaha eedaysanaha inta lagu guda jiro tallaabooyinka xakamaynta
3. Xaqa eedaysanuhu u leeyahay inuu isdifaaco oo uu qareen qabasado:
4. Ilaalinta karaamada eedaysanaha:
5. Xaqa eedaysuhu u leeyahay maxkamadayn caddaalad ah:
6. Xaqa eedaysanuhu u leeyahay maxamadayn degdeg ah:
7. Xaqa la socodsiinta eedayanaha eedaha loo soo jeediyay
8. Xaqa eedaysanaha ee qaadashadda racfaanka
Sidoo kale waxaa ka soo hadalnay xuquuda uu leeyahay dhibbanaha, oo ah tiir muhiim u ah dacwadda
ciqaabta, waana dhinnac uu ilaalinayo xeerdajiyaha ciqaabta, maxaayeelay qofkasta waxa uu xaq u
leeyahay inuu ammaan u helo naftiisa, milkiyaddiisa, iyo dareenkiisaba, dawladuna waxaa waajib
ku ah inay ilaaliso xuquuqda bulshada kana hortagto fal-daniyeedyada ciqaabtana danbiilayaasha.
Waxaa xusid mudan kaalinta dhibbanaha ee dacwo ciqaabeedka ay xaddidantahay, oo inta badani
xeer-ilaalinta ay tahay midda mas’uuliyadda dacwad oogista leh, haddana dhibbanuhu waxa uu
xeerku siiyay xuquuq badan inta danbi-baaristu socoto, iyo inta lagu guda jiro maxkamadayntaba.
Waxaa ugu waawayn xuquuqda dhibbanaha in dacwo qaadista ciqaabta ee danbiyo badan lagu xiray
ashkatada dhibbanaha, sidoo kale waxaa loo ogolyahay inuu tabasho u gudbiyo garsooraha inta
dacwaddu socoto tabashadaas oo uu ku dalbanayo in magdhaw laga siiyo khasaaraha ka soo gaaray
faldanbiyeedka ciqaabta ah ee dhacay.
Waxaan soo jeedinaynaa in xeer-dajiyaha ciqaabta uu dib ugu laabto siyaasadd ciqaabta iyo danbiga
uuna dheelitir ku sameeyo xuquuqda eedaysanaha iyo dhibbanaha, si loo helo maxkamadayn
caddaalad ku salaysan oon dhinacna dulminaynin.

39
‫‪XUQUUQDA EEDAYSANAHA IYO DHIBBANAHA‬‬

‫‪TIXRAACYO‬‬
‫‪Xeerar:‬‬
‫ ‪1-‬‬ ‫‪Dastuurka Federaalka ee kumeelgaarka ah, 1 August, 2012.‬‬
‫ ‪2-‬‬ ‫‪Xeerka ciqaabta Soomaaliya, 1962.‬‬
‫ ‪3-‬‬ ‫‪Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya, 1963.‬‬
‫ ‪4-‬‬ ‫‪Baaqa Afrika ee xuquuqda aadanaha iyo shucuubta, 1981.‬‬

‫‪Txraacyo Af-Carabi ah:‬‬


‫‪ -1‬ﻋﻤﺮ ﺧﻠﻔﻲ‪ ،‬ﺿﻤﺎﻧﺎﺕ ﺍﻟﻤﺘﻬﻢ ﻓﻲ ﻣﺮﺣﻠﺔ ﺍﻟﻤﺤﺎﻛﻤﺔ‪ ،‬ﺭﺳﺎﻟﺔ ﻣﺎﺟﺴﺘﻴﺮ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﻘﻮﻕ‪ ،‬ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ‬
‫ﻣﺤﻤﺪ ﺧﻴﻀﺮ‪-‬ﺑﺴﻜﺮﺓ‪2015 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -2‬ﻋﻤﺎﺩ ﺃﺣﻤﺪ ﻫﺎﺷﻢ‪ ،‬ﺿﻤﺎﻧﺎﺕ ﺍﻟﻤﺘﻬﻢ ﺃﺛﻨﺎﺀ ﻣﺮﺣﻠﺔ ﺍﻻﺳﺘﺠﻮﺍﺏ‪ ،‬ﺭﺳﺎﻟﺔ ﻣﺎﺟﺴﺘﻴﺮ ﻓﻲ ﺍﻟﻘﺎﻧﻮﻥ ﺍﻟﺠﻨﺎﺋﻲ‪ ،‬ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ‬
‫ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ ﺍﻟﻌﺎﻟﻢ ﺍﻷﻣﺮﻳﻜﻴﺔ‪2006 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -3‬ﻃﻪ ﻣﺤﻤﺪ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻠﻪ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ ﻋﺮﺍﻗﻲ‪ ،‬ﺿﻤﺎﻧﺎﺕ ﺍﻟﻤﺘﻬﻢ ﻓﻲ ﻣﺮﺣﻠﺔ ﺍﻟﺘﺤﻘﻴﻖ ﺍﻻﺑﺘﺪﺍﺋﻲ ﻓﻲ ﻧﻈﺎﻡ ﺍﻻﺟﺮﺍﺀﺍﺕ‬
‫ﺍﻟﺴﻌﻮﺩﻳﺔ ”ﺩﺭﺍﺳﺔ ﻣﻘﺎﺭﻧﺔ‪ ،‬ﺭﺳﺎﻟﺔ ﻣﺎﺟﺴﺘﻴﺮ ﻓﻲ ﺍﻷﻧﻈﻤﺔ ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ ﺍﻟﻤﻠﻚ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻌﺰﻳﺰ ‪2006‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -4‬ﺷﻬﻴﺮﺓ ﺑﻮﻟﻴﺤﺔ‪ ،‬ﺍﻟﻀﻤﺎﻧﺎﺕ ﺍﻟﺪﺳﺘﻮﺭﻳﺔ ﻟﻠﻤﺘﻬﻢ ﻓﻲ ﻣﺮﻛﺔ ﺍﻟﻤﺤﺎﻛﻤﺔ‪ ،‬ﺃﻃﺮﻭﺣﺔ ﺩﻛﺘﻮﺍﺭﺍﻩ ﺍﻟﻌﻠﻮﻡ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﻘﻮﻕ‪،‬‬
‫ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ ﻣﺤﻤﺪ ﺧﻴﻀﺮ‪-‬ﺑﺴﻜﺮﺓ‪20016 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -5‬ﺃﺣﻤﺪ ﺳﻌﺪﻱ ﺳﻌﻴﺪ ﺍﻷﺣﻤﺪ‪ ،‬ﺍﻟﻤﺘﻬﻢ ﺿﻤﺎﻧﺎﺗﻪ ﻭﺣﻘﻮﻗﻪ ﻓﻲ ﺍﻻﺳﺘﺠﻮﺍﺏ ﻭﺍﻟﺘﻮﻗﻴﻒ “ ﺍﻟﺤﺒﺲ ﺍﻻﺣﺘﻴﺎﻃﻲ“‬
‫ﻓﻲ ﻗﺎﻧﻮﻥ ﺍﻻﺟﺮﺍﺀﺍﺕ ﺍﻟﺠﺰﺍﺋﻴﺔ ﺍﻟﻔﻠﺴﻄﻴﻨﻲ ”ﺩﺭﺍﺳﺔ ﻣﻘﺎﺭﻧﺔ”‪ ،‬ﺭﺳﺎﻟﺔ ﻣﺎﺟﺴﺘﻴﺮ ﻓﻲ ﺍﻟﻘﺎﻧﻮﻥ ﺍﻟﻌﺎﻡ‪،‬‬
‫ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ ﺍﻟﻨﺠﺎﺡ ﺍﻟﻮﻃﻨﻴﺔ‪2008 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -6‬ﺛﺎﺋﺮ ﺃﺑﻮ ﺑﻜﺮ‪ ،‬ﺿﻤﺎﻧﺎﺕ ﺍﻟﻤﺘﻬﻢ ﻓﻲ ﻣﺮﺣﻠﺔ ﺍﻟﺘﺤﻘﻴﻖ ﺍﻻﺑﺒﺪﺍﺋﻲ‪ ،‬ﺍﻟﻬﻴﺌﺔ ﺍﻟﻔﻠﺴﻄﻴﻨﻴﺔ ﺍﻟﻤﺴﺘﻘﻠﺔ ﻟﺤﻘﻮﻕ‬
‫ﺍﻟﻤﻮﺍﻃﻦ‪ ،‬ﺳﻠﺴﻠﺔ ﺍﻟﺘﻘﺎﺭﻳﺮ ﺍﻟﻘﺎﻧﻮﻧﻴﺔ )‪،(61‬‬
‫‪ -7‬ﺭﻣﻠﻲ ﺣﺸﺎﻧﻲ‪ ،‬ﺣﻘﻮﻕ ﺍﻟﻤﺠﻨﻰ ﻋﻠﻴﻪ ﻓﻲ ﺍﻟﺪﻋﻮﻯ ﺍﻟﻌﻤﻮﻣﻴﺔ‪ ،‬ﺭﺳﺎﻟﺔ ﻣﺎﺟﺴﺘﻴﺮ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﻘﻮﻕ‪ ،‬ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪،‬‬
‫ﻣﺤﻤﺪ ﺧﻴﻀﺮ‪-‬ﺑﺴﻜﺮﺓ‪2014 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -8‬ﺑﻮﺟﺒﻴﺮ ﺑﺜﻴﻨﺔ‪ ،‬ﺣﻘﻮﻕ ﺍﻟﻤﺠﻨﻰ ﻋﻠﻴﻪ ﻓﻲ ﺍﻟﻘﺎﻧﻮﻥ ﺍﻟﺠﻨﺎﺋﻲ ﺍﻟﺠﺰﺍﺋﺮﻱ‪ ،‬ﺭﺳﺎﻟﺔ ﻣﺎﺟﺴﺘﻴﺮ ﻓﻲ ﺍﻟﻘﺎﻧﻮﻥ ﺍﻟﺠﻨﺎﺋﻲ‪،‬‬
‫ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ ﺍﻟﺠﺰﺍﺋﺮ‪2002 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪ -9‬ﻗﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﻮﺩ ﺣﺴﻦ ﺍﻟﺤﻴﺎﺻﺎﺕ‪ ،‬ﺣﻘﻮﻕ ﻭﺿﻤﺎﻧﺎﺕ ﺍﻟﻤﺠﻨﻰ ﻋﻠﻴﻪ ﻓﻲ ﺍﻟﺘﺸﺮﻳﻌﺎﺕ ﺍﻟﺪﺍﺧﻠﻴﺔ ﻭﺍﻟﻤﻮﺍﺛﻴﻖ ﺍﻟﺪﻭﻟﻴﺔ‪،‬‬
‫ﺍﻃﺮﻭﺣﺔ ﺩﻛﺘﻮﺭﺍﻩ ﻗﺎﻧﻮﻥ ﻋﺎﻡ )ﺟﻨﺎﺋﻲ(‪ ،‬ﻣﻨﺸﻮﺭﺓ ﺇﻟﻜﺘﺮﻭﻧﻴﺎ‪ ،‬ﺟﺎﻣﻌﺔ ﻋﻤﺎﻥ ﺍﻟﻌﺮﺑﻴﺔ ﻟﻠﺪﺭﺍﺳﺎﺕ ﺍﻟﻌﻠﻴﺎ‪2007 ،‬ﻡ‪.‬‬
‫‪Tixraacyo Af-Ingiriis ah:‬‬
‫ ‪1-‬‬ ‫‪Office of Victim Services, The Rights of Crime Victims in New York State.‬‬
‫ ‪2-‬‬ ‫‪U.S Department Of Justice, National Institute of Justic, The Rights of Crime Victims-‬‬
‫‪Does Legal Protection Make a Difference?, December 1998.‬‬

‫‪40‬‬

You might also like