You are on page 1of 18

Qoraalka Toolmoon

Koorso Gaaban
Soo saar khaladka 1
Xukuumadda Somaliland ayaa war Kasoo saartay dhacdadii huda Xuseen oo
ahayd Gabadh dhalinyaro ah oo muuqaal toos ah iska soo duubtay ku
sheegtay inay doonayso inay is disho.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 ruux oo ka
tirsanaa alshbaaab
Dolwada Somaaliya oo shaaca ka qaaday in ciidmada xoogga ay si buuxda
ula wareegeen Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Ka Tirsan Gobolka
Shabeelaha Dhexe
Khaladka soo saar

Alle ha u naxariistee waxaa manta magaalada muqdisho lagu aasay Wariye


Maxamed Ciise Koonaa oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qarixii ka
dhacay Zoope

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya oo digniin Culus u dirtay


isbitaalada gaarka looleeyey ee lagacagaha ku xujeenaya dadka bixinaya
gurmadka Dhiigga
Soo saar khaladka

Bahda warbahinta madaxa banan ee ku dhaqan magalada Jigjiga ee xarunta


deegaanka somalida ayaa tacsiyadeyay geerida maxamed ciise koona oo u
geryooday qaraxyadii ka dhacay magalada muqdisho

Guud ahaan Dalka itoobiya & Gobalada Deegaanka soomaalida waxaa saaka ka
socda bananbaxyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo 'tageerada waddamada reer
Galbedka ee TPLF
Soo saar khaladka

Siaasiyiin iyo Madaxdhaqameed kasoo Jeeda Maroodi jeex iyo Hawd Ayaa
Taageeray Shirkii Dalwaanje ee Ka Dhacay Burco Qodobadii kasoo Baxay

Shirkadda Hass Petroleum oo kaashanaysa Wasaarada Deegaanka & Haayada


UNDP Oo Qiimadhimista Gaasta Ceerigaabo Ka Daah Furay
Mawaadiicda Kooraskan

Qaabdhismeedka Afka:
Xaraf
Erey
Jumlad
Faqrad
Curis
Qaab-qoraalka qumman ee xarafka, ereyga, iyo jumladda
Qaabdhismeedka Qoraalka
Xaraf

Erey

Jumlad

Faqrad

Curis/Maqaal/Warbixin
Qoraalka Af-Soomaaliga: Xeerar Guud

Af- Soomaaliga waxaa loo qoraa sida loogu dhawaaqo iyada oo codadka lagu
metelayo astaamo u taagan (xarfaha higaadda).

Xeerkaas waxaa laga soo reebaya arrimahn:


- Marka la hadlayo ereyada waa la soo gaagaabiyaa, qaarna waa la isku
xidhaa; qoraalka ereyga asalkiisa ayaa la qoraa
- Tus: Waar Jaamow/jaacow, waa maxay/ waa xay

Qoraalka saxda ahi waa in ereyga sida naxwe ahaan u jiro loo qoro oo loo
celiyo asalkiisi. Fudaydsiga iyo soo gaabintana loo
Xaraf
Xaraf: astaan u taagan codka ugu yar ee af leeyahay. Wadarta astaamaha
codadkaas (xarfo) ayaa aasaas u ah qoraal kasta waxaana la dhahaa
higgaad.
Xarfaha higaadda af Soomaaligu waa 26 u qaybsan Shibanayaal iyo
Shaqallo
Shibbanayaal: Bb Tt Jj Xx KHkh Dd Rr Ss SHsh DHdh Cc Gg Ff Qq Kk Ll
Mm Nn Ww Hh Yy
Shaqallayaal: Aa Ee Ii Oo Uu oo leh laba nooc:
- Shaqal dheer: AAaa EEee IIii OOoo UUuu
- Shaqal gaaban: Aa Ee Ii Oo Uu
Codadkaas wixii ka soo hadhaa Soomaali ma aha. Tus: Zz, Vv, Pv
Erey I
Unugga ugu yar ee hadalka ama qoraalka ee macno la isla garanayo
sidiisa/keligiis u sameeya.
Ereygu waxa uu ka samaysmaa laba xaraf iyo wax ka badan
Kala horraysiinta iyo tirada xarfaha ereygu waxay jaangoysaa aqoonsiga
ereyga.
Tusaale:
Ubax cad. Caad baa indhaha ka fuulay. Cad ayuu cunay
Axmed. Axme, Faarax, Farax
Sida aan laguu fahmaynin haddii xarfaha hadalka aad wax ka bedeshid,
ayaa qoraalkana loo aqoonsanayn haddii wax laga bedelo.
Erey II
Ereyada leh xarfaha labanlaabma

Xarfaha qaar ayaa macnahoodu isbedelaa iyada oo ku xidhan hadba


adayga/adkaynta ama jilayca uu dibnaha kaga soo baxayo.

Tusaale: Carab (qof Carab ah), Carrab (xubintii jidhka) Dhamaan (caanaha
dhamaan/cabbaan) Dhammaan (giddigood - ragga dhammaantood)

Xarfahani waa: Bb Dd Rr Gg Ll Mm Nn

Barre, Adduun, Baarri, Higgaad, Sallaan, Lammaane, Sannad

Ereyadan si macnahoodu u sugnaado waa in la labanlaabaa xarfka


labadhacaya ee codka adag ku soo baxaya
Erey III
● Ereyada qaar waxa ay ka samaysmaan ereyo isu tegay oo kamid ah
qaybaha hadalka. Ereyo iskudhafan ama lammaan ayaa la dhahaa.
● Tus: madaxweyne, togdheer, timoweyn, Laascaanood, waayo’arag,
dhagaxtuur, waxsoosaar. Baardheere, abbaanduule
● Ereyadani waxay leeyihiin macno gaar ah oo ka duwan macnayaasha
ereyada ay ka samaysan yihiin - sidaas darteed waa erey aan kala go’in
karin.
● Ereyadan waxaa loo qorayaa iyaga oo iskudheggan. La ma na kala
jarayo.
● Marka ereyga labaad ee ereyga iskudhafan uu ku bilaabmo shaqal,
calaamadda hamsada ayaa loo dhexeysiinayaa labada qaybood ee
ereygu ka kooban yahay.
● Tus: Hal+abuur = hal’abuur, waayo+arag = waayo’arag, la’ +aa= la’aan
Ereyga IV

● Xeer: Erey kasta waxaa loo qoraa isaga oo keligii ah. Waxaana lagu
xejiyaa (space) u dhaxeeya isaga iyo ereyga ku xiga.
● Tus: kamid ah ✅kamida ⌧ khayr mooyee ✅ khayrmooyee ⌧
● Xeerkaas waxaa laga soo reebayaa qaybahan soo socda ee hadalka:
○ Qodobka: waa siddeed cod oo magaca xagga danbe ka raaca (ka,
ga, ha, a, la, da, dha, sha)
○ Tilmaamaha lahaanshaha: dalkayga, dalkeenna, dalkeeda, iwm
○ Tilmaamaha tusmo: ninkan, ninkaas, gabadhaas, iwm
○ Tilmaamaha su’aalaha: ninkee, gabadhee, fartee, iwm
○ Magac’uyaalka lahaansho: inankayga, intayda, gabadhayda, iwm
○ Magac’uyaalka noqosho: waa ereyga “is” ismoodsiis, isdhiibid, iwm
Ereyga V
● Xarafka ugu horreeya ee ereyga waa la weyneeya marka la qorayo
xaaladahan soo socda:
● Marka ereygu ugu horreeyo jumlad.
○ Magaalada Hargeysa waxa ka dhacay shir lagaga hadlayo amniga
dalka
● Marka ereygu yahay magac gaar ah (magac qof, magaalo, xil, dal, iqk)
○ Cabdiraxmaan Axmed Ciise, Burco, Koonfur Afrika, Madaxweyne
Kuxigeen, Guddoomiye
● Marka uu cinwaan ku jiro ee ay qaabka meheradda u gaarka ahi yahay in
la weyneeyo xaraf kasta oo ugu horreeya ereyada caadiga ah
○ Shirka Wadatashiga Qaranka ayaa ka Qabsoomay Magaalada
Muqdisho
Jumlad I
Jumlad waa ereyo wada socda oo bixinaya macno faa’ido leh oo la garanayo
(Shiraac, 2012)
Shil ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Shiikh. Cali waxa uu tegay
miyiga
Jumlad kasta oo af Soomaali ah waxuu ugu yaraan leedahay fale (faacil) iyo fal
Cali ayaa kaqaybgalay shirka madaxweynayaasha
Jumladdu waxay dhammaystiran tahay marka aan qofka maqlyaya ama
akhrinaya aanu isweydiinayn ‘hee/haye’?
Madaxweynaha oo sii wata safarkiisi gobollada bari oo ay ku wehelinayaan
saraakiil xukuumaddiisa kamid ah la na kulmaya qaybo kamid ah shacabka iyo
waxgaradka deegaanadaas.
Hee?
Jumlad Ib
Madaxweynaha oo sii wata safarkiisi gobollada galbeed oo ay ku
wehelinayaan saraakiil xukuumaddiisa kamid ah la na kulmaya qaybo kamid
ah shacabka iyo waxgaradka deegaanadaas ayaa sheegay in uu dhakhso
ugu laabanayo caasimadda.
Ama

Madaxweynaha ayaa sii wata safarkiisi gobollada galbeed oo ay ku


wehelinayaan saraakiil xukuumaddiisa kamid ah la na kulmaya qaybo kamid
ah shacabka iyo waxgaradka deegaanadaas.
Jumlad II
Jumladaha Soomaaligu waa laba nooc:

Jumlad Faleed: waxa ay awoodda saartaa falka, waxayna ka jawaabtaa


‘maxaa dhacay’?

Ciidanka Qaranku waa uu sugay amniga dalka


Duqa magaaladu waa soo saaray xeernidaamiye cusub

Jumlad Magaceed: Waxa ay awoodda saartaa cidda falka samaysay.

Ciidanka Qaranka ayaa sugay amniga dalka


Duqa magaalada ayaa soo soosaaray xeernidaamiye cusub

Jumladdu halka ay awoodda saarayso waxa xaddida qodobyo saddex ah oo


la dhaho diiradeeye (Shiraac, 2012). Qodobada waa (jumlad faleed), baa iyo
ayaa (jumlad magaceed) weeyaan qodobadaasi.
Jumlad III

Xarafka ugu horreeya ee kalmadda ugu horreeya ee jumlad kasta waa in la


weyneeyaa.

Jumlad kasta marka ay dhamaato waa in lagu soo xidhaa joogsi haddii ay jumlad
caadi ah tahay.

Jumlad kasta marka ay dhammaato waa in lagu soo xidhaa calaamatu su’aal
haddii ay jumlad su’aaleed tahay.

You might also like