You are on page 1of 7

War Ganacsi Cayaaraha Muuqaal Barnaamijyada Idaacadda Barnaamijka Baafinta

Arrinta Coldoon: Wasiir iyo Sheekh isaga


jawaabay munaasabad ka dhacday Hargeysa
9 Daqiiqadood ka hor

COLDOON FACEBOOK

Cabdimaalik Muuse Coldoon

Waxaa soo kordhaya dhawaaqyada codadka kala duwan ku darsanaya xadhigga Cabdimaalik
Muuse Coldoon oo dhowaan lagu xidhay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu
dhawaaqday ee Somaliland.
Cabdimaalik, ayaa la xidhay laba toddobaad ka hor mana ahan markii u horraysay ee xabsiga la
dhigo.

Dadka dhaliila ayaa ku eedeeya in uu badanaa soo bandhigo "dhaliilo iyo eedaymo aan caddayn ku
filan lahayn", badanaana uu ka hadlo "wax aan khusayn."

Halka kuwo kale ee taageeraana ay u arkaan "shakhsi xaq u dirir ah oo difaacaya diinta Islaamka iyo
dhaqanka wanaagsan".

Coldoon ayaa dhowaan barihiisa bulshada ku baahiya dad uu sheegay "in ay dhaqan xumo ku
faafinayaan gudaha Somaliland".

Shiikh Cabdirisaaq Cabdillaahi oo ku magacdheer 'Jenaraal Jiir', ayaa ka mid ah dadka ka hadlay
kiiska xadhiga Coldoon.

Sheekh Jenaraal Jiir, oo ka safray Kenya, wuxuu ka mid yahayculimada maalmihii u danbeeyeyna
booqashada ku joogay Somaliland, wuxuuna ka mid yahay Culimo ka kala timid meelo kala duwan
oo caalamka ah, kuwaas oo kulan diineed weyn kaga qayb gelayey magaalada Hargeysa.

Shiikh Cabdirisaq Jiir ayaa ka codsaday madaxweyne Muuse Biixi in la cafiyo Cabdimaalik. "Waxaan
ka codsanayanaa madaxweynaha Ilaahay dartii, in uu sii daayo ninkaa Ina Coldoon ah, diin buu
qabsadaye," Ayuu madal ka yidhi Shiikha.

Sheekh Cabdirisaaq ayaa hore uga mid ahaa culimo dhowr ah oo madaxtooyada Somaliland kula
kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Sheekha ayaa soo hadal qaara sababta dhowr goor culimada loogu eedeeyay in aysan ka hadlin
arrinta Coldoon.

"Waa nala dhibay annagoo khayrkaa wadnay. Waxaa nagula maagay social media-ha. Waxaana nala
leeyahay 'maxay uga hadli waayeen ninkii Coldoon?'," ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Jiir oo sii watay jawaabta uu ka bixiyay eedaha loo jeediyay wuxuu yiri: "Annagu ma lihin
waa sax iyo waxaa, mana aannaan jeclaysanin sidaa uu isu soo qotomiyey, dadkiina waxay meel
kasta ku soo qoreen 'waa la kulanteen [Muuse Biixi] lacag iyo boorso ayuu idiin dhiibay'."

Wuxuu intaa ku daray: "Ilaahay dartii baa na loogu yeedhay, annana ilaahay dartii baannu u
qaabilnay."
"Annaga oo ku hadlayna afkii culimada, in aad ina coldoon iyo wixii diinta loo xidhay, noo sii daysid
ayaanu kaa codsanaynaa. Waa nala maagaye, oo maxaad uga hadli weydeen ayaa nalagu
qabsadaye," ayuu sii raaciyey hadalkiisa Shiikh Cabdirisaaq Jiir.

Maxaa mar kale loo xiray Cabdimaalik Muuse Coldoon

Madaxweynaha Somaliland oo guddi culimo ah magacaabay

Isla madashaas waxaa joogay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi
Axmed, oo isna dhankiisa ka jawaabay codsiga sheekh Cabdirisaaq jiir, wuxuuna sheegay in diinta
ilaalinteeda uu madaxweynuhu u dhaartay, kiiskaasina uu maxkamad ku jiro.

"Madaxweynaha wuu balan qaaday in uu diinta Ilaahay ilaalinayo, laakiin qofka hadii uu qaldamo
yaan la xidhin dee meelna kuma taalo", ayuu yiri.

"Xadhiga caqli celinta ayuu ka mid yahay. Imika maxkamad baabu taagan yahay oo kiiskiisa wuxuu
yaallaa maxkamadda, cadaalad baanu ka rajeynaynaa Insha Allah. Laakiin ma nalagu bahalo
galinanayo wadaad baad xidheen," ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Dhanka kale Wasiir Khaliil ayaa sheegay in aan diinta loogu soo gabbanin. "Haddi aynu nahay
culimo iyo dawlad, illeen dad walaalo ah aynu nahaye, in wixii xun dalkeenna aynu ka qabanno
iskuma khilaafsanin, laakiin wixii ujeeddo kale leh ee siyaasad leh, waxaannu leennahay la is
khiyaamayn maayo."

"Diinta cid walba annagaa uga lexjeclo badan, waxaanu idiin hubnaa in aannaan ogolayn oo
dastuurkeennuna uu mamnuucay in wax diinta Islaam ahayn aan lagu faafin, waana danbi."

"(Anigoo ka jawaabaya) kelmaddii uu yidhi Shiikh cabdirisaaq, madaxweynuhu wuu ballanqaaday in


la ilaaliyo diinta, laakiin yaan la xidhin qofka khaldama diinta meelna kagama taallo," ayuu sii
raaciyey hadalkiisa Wasiir Khaliil.

Coldoon ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago, muddooyinka soo aaddan sida ay baahiyeen
warbaahinta gudaha ee magaalada Hargeysa.

Mowduucyada la xiriira

Soomaaliya Diin

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan


Somaliland: Maxaa mar kale loo xiray Cabdimaalik Muuse
Coldoon
21 Agoosto 2021

Qoyska wariye Coldoon oo ka hadlay xukunkii maxkamadda


9 Abriil 2017

Somaliland oo fasaxday wargayska Haatuf


8 Luulyo 2018

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan: Sida Somaliland ay uga


careysiineyso Shiinaha
13 Abriil 2021

Wararka ugu waaweyn


Min Muqdisho illaa Kabul, muxuu Maraykanka ugu jabaa dagaal kasta?
Saacad ka hor

TOOS Taalibaan oo la wareegtay ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul

Askarigii u danbeeyey ee Maraykan ah oo ka baxay Afghanistan iyo Taliban oo u dabbaal degtay


7 Saacadood ka hor

Xul
Maxay salka ku haysaa colaadda Canfarta iyo Soomaalida?
26 Agoosto 2021
Madaxweynaha Tanzania : Dumarka kubbadda ciyaara ma lahan
qurux lagu guursado
23 Agoosto 2021

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee Taalibaan la


soo tababartay
20 Agoosto 2021

Maxaa ka dhashay booqashadii Erdogan ee Soomaaliya 10 sano


ka hor maanta oo kale?
19 Agoosto 2021

Waa maxay go'aanka ay Ilhaan Cumar ka qaadatay Afghanistan?


20 Agoosto 2021

Maxay kooxaha jihaadka ka wada Afrika ugu dabbaaldageen


guusha Taalibaan?
22 Agoosto 2021

Saddexda nin ee ku loollamaya Hiiraan


23 Agoosto 2021
Sida Soomaaliya ay ugu noqotay Turkiga albaabkii uu ka galayay
Afrika
20 Agoosto 2021

Ninkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda u shaqeynaya


Taliban
23 Agoosto 2021

Ugu akhris badan

1 Maxaa ku dhici kara qofka haddii uusan helin hurdo ku filan?

2 Min Muqdisho illaa Kabul, muxuu Maraykanka ugu jabaa dagaal kasta?

3 Ninka ugu awoodda badan dunida ee aadan ka warheynin

4 Askarigii u danbeeyey ee Maraykan ah oo ka baxay Afghanistan iyo Taliban oo u dabbaal


degtay

5 Faruuryaha oo la weynaysto: Ma qurux mise khatar iyo kharash beel

Sababta aad ku aamini kartid BBC News

Shuruucda isticmaalka Cookies

Ku saabsan BBC La xiriir BBC


Shuruucda xogta gaarka ah AdChoices / Do Not Sell My Info

© 2021 BBC. BBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda. Akhri xogta ku saabsan sida aan u
abaarno bogagga dibadda.

You might also like