You are on page 1of 32

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

TUSMADA WARGEYSKA

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah TELESOM oo ZAAD


Ku Soo Kordhisay Adeegga Shilling Somaliland-ka

Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Daladda


Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO

Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Guddida


Waddada Alaybade

Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawyan ah u Samaysay


Hogaanka Sare ee SOLJA

Qaarka Mid ah Shaqaalaha Telesom oo La Siiyey


Tababar Gaar ah

10

Telesom oo Lacag ugu Deeqday Guri Laba Dabaq ah oo


Loo Dhisayo Dawladda Hoose ee Gabiley

11

Shirkadda Telesom oo Si mugle uga qaybqaadatay


Bandhiga Carwadda ganacsiga

12

Telesom oo Qabatay Xafladda Abaal-marinta 12-aad


ee Shaqaale Weynaha Shirkadda

17

Telesom lacago Tabarucaad ah Ku Bixisay Wadooyin Ku


Yaala Magaalada Hargeisa Ka Tirsan

18

Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mashruuca


Caruurta La Nool Cudurka Macaanka

20

Wargayska Caalamiga Ah ee New York Times Oo Wax


Ka Qoray Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca
Dhaqaalaha

21 BANGIGA DARA SALAAM MUXUU KUU HAYAA?


22

Shirkadda Telesom oo Si Weyn uga Qayb qaaday Ololaha


Nadaafada Dalka

23

Telesom oo Qalab Koombuutaro ah Ugu Deeqday Ururka


Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

23

Telesom oo Maal-galisay Tartanka Quraanka Kariimka


ee Televisionka Universal

24

Hayadda Geeska Afrika oo Dadweynaha Degmooyinka


Magaalada Hargeysa u Qaybisay Sakadda Telesom

25

Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigka?

26

Gabayga Hiddo-san

28 TECHNOLOGY-YADA IYO XAWAALADA CASRIGA AH


29

Tababaradda Shaqaalaha Shirkadda Telesom La siiyey

30

Baro Mid ka mid ah Shaaqaalaha Shirkadda Telesom

31
2

Maqaalka Adeega Facebook-ga

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

WEEDHA TIFATIRAHA

arka hore waxaa Mahad balaadhan iska


leh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin
badan oo aan la soo koobin karin. Naxariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaato
Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqa
iyo baadilka.

Maxamed Ibrahim Abdilahi


Tifatiraha Guud

Kalkaaliyayaasha

Yaasin Nuur Moge


La Taliye

Intaaska dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla


waddaagno cadadkii 22-aad ee Wargayska Shirkadda
Telesom. Waa Wargays soo baxa Afartii bilood bahal mar.
Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan doonaa warbixino ku saabsan waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu
qabatay, Barnaamijyo caafimaad, sugaan iyo adeegyadii
ugu dambeeyey ee shirkadu soo kordhiso sanaadkan.

GUDDIDA TIFATIRKA

Eng. Faarax Sugaal

Cabdiwahaam Maax

Maxamed Cabdi Darbo

Cabdisalaan Ismaacil

Cadnaan Daahir

Cabdisamad Yasin
Nashqadaynta Boga Hore

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah T


Adeegga Shilling

Adeegga ZAAD Oo Noqda

Hargeysa (Telesom-27.04.2015)
Shirkadda Isgaadhsiinta casriga
ah ee Telesom ayaa maanta daahfurtay Adeega ZAAD Shilling
Somaliland-ka, adeeggan ayaa ka
garab shaqayn doona Adeegga
hore
ee
ZAAD
Dollarka.
Shirkadda Telesom ayaa shir
jaraaid oo ka dhacday xarunteeda
waxay ku daahfurka Adeegga
ZAAD Shilling Somaliland-ka,
munaasibadda
daah-furankan
waxaa ka soo gayb-galay Wasiirka
Maaliyadda Somaliland Marwo.
Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru
Dawlaha Maaliyadda Cismaan
Cabdilaahi Saxardiid Cadaani,
Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse
Qaasim, Gudoomiyaha Baanka
Somaliland Cabdilaahi Xaaji
Jaamac, Gudoomiye ku-xigeenka
Baanka Cumar Yuusuf Buux,
Agaasimaha Guud ee Baanka
Cabdilaahi Xasan, Xildhibaan
Maxamud
Axmed
Oobsiye,
Gudoomiyaha
Shirkadda
4

Telesom, Masuuliyiinta Sare


ee Boodhka Shirkadda iyo
maasiliyiinta kale ee shirkadda.
Ugu
horayn
munaasibadan
Daahfurka
Adeegga
ZAAD
Shilling Somaliland waxaa ka
hadlay Gudoomiyaha Shirkadda
TELESOM Md. Cabdikariin
Maxamed Iid waxaanu shaaciyey
in Shirkadda Telesom Adeeggi
ZAAD-ka Dollarka lagu soo
kordhiyey
qayb
cusub
oo
Somaliland Shillings Somalilandka lagu Isticmaalo doono,
waxaanu yidhi, Runtii waxaa
maanta farxad noo ah khaasatan
shirkadd ahaan, caam ahaanna dal
ahaan inoo ah in aanu halkan ku
soo bandhigno daah-furka ZAAD
Shilling Somaliland. Sida laga
wadda warhayo waxtar weyn oo
aan la soo koobi karayn u wadda
yeelan doona bulshaddeena iyo
dalkeena. Waxaa iyadduna xusid
muddan in adeegyadda Lacagta
Mobayladdu inoo keeneen Aqoonsi

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

ganacsi iyo Mid tiknoolajiyadeed


oo aynu maanta bahda aduunka
hormuud ka nahay. Sidaasi
Waxaa
yidhi
Gudoomiyaha
Shirkadda
TELESOM
Md.
Cabdikariin
Maxamed
Iid.
Gudoomiyaha
TELESOM
wuxuu bandhig-muuqaaleed ugu
sharaxay masuuliyiintii dawladda
ee ka soo qayb-galay bandhigan
qaabka
ZAAD
Shillings
Somaliland-ka loogu isticmaalayo
adeegan, waxaanu sheegay in
adeeggan bulshadda dalka oo
dhan loogu firi doono muddo
dhawr todobaad guddaheed ah.
Gudoomiyaha Baanka Somaliland
Cabdilaahi Xaaji Jaamac ayaa
soo dhaweeyey Adeegga ZAAD
Shillings Somaliland waxaanu
yidhi, Waxaa maanta sharaf
weyn noo ah in xafladdan lagu
daah-furaayo Adeegga ZAAD
Shillings Somaliland ay hawsha
u galeen Shirkadda TELESOM
aad iyo aad baan shirkadda ugu

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

TELESOM oo ZAAD Ku Soo Kordhisay


g Somaliland-ka

ay Laba Lacagoodle
mahadnaqayaa inay samayso
adeegg kale oo kii hore ee jirijaray
barbar socda oo Somaliland
Shillings ah oo u fududaynaya
dadkeena siday ugu macaamili
jireen kii hore ugu macaamilaan.
Waa arin soo dhawyn leh, waa
arin sharafteeda leh maanta in
shilling-kii Somaliland uu helay
sharciyadiisii uu ka mudnaa
ummaddiisa oo uu noqdo lacagta
la aqoonsan yahay ee dalkan ka
socon karta. Sidaasi waxaa yidhi
Gudoomiyaha Baanka Somaliland.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland
Dr. Muuse Qaasim ayaa shirkadda
Telesom uga mahadnaqay adeegan
cusub ee Somaliland Shillings
ee lagu soo kordhiyey adeeggii
hore u jiray ee ZAAD-ka, Wasiir
Muuse ayaa yidhi, Runtii waxan
aad ugu mahadnaqayaa shirkadda
TELESOM dadaalka badan ee
ay sameeysay juhdiga badan
ee ay samaysay ee ay ku furtay
adeegan Somaliland Shillings aad
iyo aad baan ugu mahadnaqayaa
waanay ku mahadsan yihiin waana
Adeeg kor u qaadaya isticmaalkii
shilling-keena
Somaliland.
Wasiir Ganacsiga Somaliland
ayaa waxa
ganacsatadda kale
ugu baaqay in ay badeecadahooda
ku iibiyaan lacagta Somaliland
maadaama ZAAD-kiina loogu
soo
kordhiyey
Somaliland
Shilling. Wasiirka ayaa ku
tilmaamay isticmaalka lacagta
Somaliland
shilling-ka
inay
ka
mid
tahay
astaamaha
jiritaanka
dawladdnimadda.
Xildhibaan Maxamud Axmed
Obsiiyey oo ku hadlaayey afka
Guddida Dhaqaalaha iyo ka Golaha

Wakiiladda Somaliland ayaa


isaguna ka hadlay adeegan cusub
ee lagu soo kordhiyey Adeeggii
ZAAD ee hore u jiray waxaanu
yidhi, Adeegan cusub ee shirkadda
TELESOM ay ku soo kordhisay
adeegyaddeeda waa mid aad iyo
aad aanu u soo dhawaynayno Gole
ahaan, horena runtii shirkadda
aanu ka wadda hadalnay markii
aanu kulan la qaadanay sanadkan
hortaantiisa. Runtii ayaguna
waxaa weeye kuwii ugu horeeyey
ee hirgaliyey aadna waanu ugu
mahadnaqaynaa.
Shacabkana
waxaanu ku boorinaynaa inay
talaabadaa ka faaiidaystaan oo
adeegaa isaga ah sidii loogu talo
galay u isticmaalaan oo la hirgaliyo
maadaama ay astaan qaran u tahay
dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Astaantaa qaran waxaa la rabaa
in la xoojiyo, lacagta
Somalilandna
ay
noqoto lacag dalka
ka shaqaynaysa
oo wax lagu
iibsanaayo
waxna lagu
badalanaayo.
Waa aasaaska
q a r a n i m o
sidaasi daraadeed
shirkadda aad iyo aad
baan uga mahadnaqayaa. Sidaasi
waxaa yidhi Xildhibaan Obsiiye.
Ugu dambayntii waxaa xafladdan
daah-furka
Adeegga
ZAAD
Somaliland Shilling soo afmeertay
wasiiradda Maaliyadda Somaliland
Marwo Samsam Cabdi Aadan
waxaanay hadaladeedii ka mid
ahaa, Waan idiin mahadnaqayaa
madaxda TELESOM, wasiiradda

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

iyo Xildhibaanka Jooga inaynu


maanta daah-furayno ZAAD-kii
Somaliland oo runtii wax weyn ka
tari doona, waayo waxaan anigu
ku rajo weynahay TELESOM
Gudoomiyaheeda iyo team-kaa la
shaqaynayaa inay ka mid yihiin
tiirarka Somaliland oo ay Inoo
keeneen inuu aduunku ku faano
horumarka Technologiyadeed ee
ay gaadhsiiyeen dalkeena oo uu ugu
horeeyo ZAAD-kaa inta badan
lagu shaqaynaayey, runtii waxaan
isleeyahay kan Somalilandna
hadday sidii ugu hawl-galaan sidii
oo kale ayuu u shaqayn doonaa.
Innaga ahmiyadeenu waxaa weeye
waxay dadkeenu ku faraxsan yihiin
oo ay xoolahoodii ku aaminayaan
oo ay ku shaqaynayaan oo qofka
aan dollar haysani uu doonayo
intuu dollar sarifto inoo dollar
ku diro oo uu
Somaliland-tii uu
haystay uu ku
i s t i c m a a l ayo
waxay inoo
tahay wax
tar weyn.
Waxaan aad
iyo aad ugu
kalsoonahay
inay TELESOM
hirgalin
karaan
inay qofka miiga jooga iyo ka
magaalada jooga siday markii
horeba u gaadhsiinayeen lacagaha
inay imikana Somaliland-ta u
gaadhsiin doonaan, annaguna
aanu kula shaqayn doono wixii
ay nooga baahdaan runtii
aanan diyaar u nahay in aanu
kala shaqayno. Sidasi waxaa
tidhi Wasiiradda Maaliyadda
Somaliland Marwo. Samsam.
5

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay


Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo

argeysa

(Telesom-03.03.2015)Shirkadda Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom
ayaa
gudoonsiisay
guddida
dhismaha waddada Alaybadey
deeq lacageed oo ay kaga qaybqaadatay dhismaha waddada
Alaybadey ilaa iyo Arabsiyo.
Munaasibadan
gudoonsiinta
lacagta ayaa ka dhacday Xarunta
guud ee Telesom waxaaanay
shirkaddu $20,000 oo dollar
gudoonsiisay Guddida Waddada
Alaybadey
ilaa
Arabsiyo.
Waddadan oo cabirkeedu dhan
yahay 50 km. Wajiga koowaad ee
waddadan ayaa ilaa hadda carotuul la dhigay sideed kilo-mitir.
Maamule ku-xigeenka Waaxda
Suuq-gaynta
iyo
xidhiidhka
Dadweynaha
ee
Shirkadda
Telesom Maxamed Cabdi Darbo
ayaa ugu horayn ka hadlay
deeqdan shirkadda Telesom kaga
qayb-qaadatay wajiga hore ee
Waddada Alaybadey ilaa Arabisyo,
isagoo arintaasi ka hadlaya waxa

uu yidhi, Waxay shirkaddu had


iyo jeer u heelan tahay inay ka
qayb-qaadato horumarka dalka
iyo qaybaha lagu horumarinaayo
dalka. Gobol kasta oo wax
qabsanaaya oo horumar ka
muuqda shirkadu qaybteeda way
ka qaadataa iyadoo faaiidadii ay
ka heshay dadka ay dib wax ugu
celiso. Shirkaduna qayb laxaadle
ayey ka qaadataa horumarka
dalka waana arimaha shirkaddu u
aasaasan tahay ee laf-dhabartada
u ah. Shirkadda oo ah shirkad ay
ummadda Somaliland oo dhan
wadda leeyihiin cid walbaana ay
ku jirto
Maxamed Cabdi darbo oo ku
hadlaayey afka shirkadda ayaa
gudoonsiiyey guddida waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo lacag
dhan $20,000 lacagtaasi oo qayb
ka noqon doonta wajiga kowaad
ee dhismaha waddadan.
Ibraahin
Xuseen
oo
ah
Gudoomiyaha Guddida Waddada
Alaybadey ilaa Arabsiyo ayaa

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

shirkadda Telesom ka gudoomay


lacagtan deeqda ah mahadnaqna
u soo jeediyey shirkadda waxaanu
yidhi, Waanu ka gudoonay
shirkadda
lacagtaa
$20,000
ee dollar ah oo aad kaga qayb
qaadanaysaa waddada Alaybadey
ilaa Arabsiyo oo muhiimad weyn
dalka ugu fadhida. Waddadani waa
waddo ummadda Somaliland oo
dhami wadda leedahay aad baan
idiinka mahadnaqaynaa Sidaasi
waxaa yidhi Ibraahim Xuseen.
Waxaa sidoo kale munaasibadan ka
hadlay Muuse Yusuf Muxmumed
oo ka mid ah xubnaha Guddida
Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo
waxaanu
yidhi,
Shirkadda
Telesom waa halbowlaha dalka
waa halbowlaha ummadda waa
udubadda waaweyn ee ay ku
taagan tahay. Horumarka dalka
qayb weyn bay ka qaadataa meel
kasta oo laga waddo wadooyinka
dalkoo dhan iyo horumarka
kaloo dhan. Umadduna abaalka
shirkadda way celisay shirkaddu
abaalka umadda way celisay

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Oo $20,000 Gudoonsiisay


Daladda Dhalinyaradda Heer
Qaran ee SONYO

argeysa

( Te l e s o m - 0 3 . 0 3 . 2 0 1 5 ) Shirkadda
Isgaadhsiinta
casriga ah ee Telesom ayaa
gudoonsiisay Daladda dhalinyaradda
ee
SONYO deeq lacageed oo ay
shirkaddu kaga qayb qaadatay
dhismaha loo sameeyey daladan ee
magaalada Hargeysa.

dalka ugu fadhido maadaama ay


tahay dalad heer qaran ah oo magacii
dhalinyaradda ay huwan tahay

Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay


dhibaatooyinka
dhalinyaradda
Somaliland haystaa, kaalinta ay
shirkadda Telesom ka qaadato

ku hambalyeynayaa in baahidii
aanu dhalinyaro ahaan u qabnay
ee dhismahan iyo qalabayntiisa,
quruxintiisa iyo dhaqaajintiisaba ay
ka jawaabeen Sidaasi waxaa yidhi
Agaasime Siciid.
Ugu dambayntii waxaa isaguna
kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha
Dalada Dhalinyaradda SONYO
Siyaad Cumar Cali waxanu yidhi,
Farxad bay noo tahay in anaga
oo ah boodhkii todobaad ee
SONYO inaanu ka gudoono soo
dhawayno hambalyeyna shirkaddaa
Telesom. Aad iyo aad baanu ugu
mahadnaqaynaa. Markastoy ururada
SONYO ku jiraa ay shaqadoodu
balaadhato dhalinyaro bay camal u
abuurayaan. Markastoon dadaalno
markastoon shaqo abuur samayno
macmiil baa u soo kordhaya. Markaa
aad iyo aad baad u mahadsan tihiin,
siyaabo kala duwan baanu idiinku soo
celinaynaa waxaad nagu taageertaan.

Wehelka dhalinyaradda
Somaliland

Munaasibadan oo ka dhacday
xarunta dalada SONYO. Ugu horayn
waxaa munaasibadaasi ka hadlay
Maamule ku-xigeenka Waaxda
Suuq-gaynta
iyo
xidhiidhka
Dadweynaha ee Shirkadda Telesom
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu
sheegay doorka ay shirkadda Telesom
ka qaadato horumarka dalka waxaanu
yidhi, Horta marka hore waxaa mahad
gaar ah u dirayaa boodhka todobaad ee
SONYO run ahaantii sidii ay u xaliyeen
khilaafkii. Telesom iyo SONYO xidhiidh
weyn baa ka dhexeeya. Maadaama
shaqaalaha TELESOM 85% ay yihiin
dhalinyaro annaga muhiimad gaar ah
ayey SONYO noo leedahay
Maxamed Darbo oo hadalkiisa sii
wata ayaa yidhi, Waxaanu kaloon
dareensan nahay qiimaha ay SONYO

shaqaalaysiinta
dhalinyaradda,
waxaanu ugu dambayn gudoonsiiyey
maamulka SONYO lacag dhan $20,000.
Kulanka waxaa isaguna ka hadlay
Agaasimaha fulinta daladda SONYO
Siciid Maxamed Axmed waxaanu
mahadnaq u soo jeediyey shirkadda
Telesom waxaanu ka hadlay sida
shirkadda Telesom u garab joogto
dhalinyaradda Somaliland waxaanu
yidhi, Waxaa mahad aan la soo koobi
karin leh shirkadda Telesom oo runtii
aad iyo aad qayb laxaadle uga qaadata
dhismaha iyo kobcinta dhalinyaradda
iyo ta qarankaba. Telesom waxaanu

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Gudoomiyaha Daladda SONYO Siyaad


Cumar Cali ayaa sheegay in daladda
SONYO ay u aqoonsatay shirkadda
Telesom in ay tahay Wehelka
dhalinyaradda Somaliland

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawayn ah u Samaysay


Hogaanka Sare ee SOLJA

argeysa (Telesom0 5 . 0 2 . 2 0 1 5 )

Shirkadda
TELESOM
ayaa
casho-sharaf
ku maamustay
hogaanka cusub ee dhawaan
loo doortay ururka suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA. Xafladan
ayaa ka dhacday hoteel Maansoor
ee magaalada Hargeysa.

sida ay tahay, dhibaatooyinka


haysta saxaafadda Somaliland iyo
sidii loo tayeyn lahaa saaxaafadda
Somaliland.
Cabdisalaan
Ismaaciil
Nuur,
Cabdiwahaab Muxumed Maax,
Maxamed Cabdi Darbo oo
ku hadlaayey afka shirkadda
TELESOM ayaa ka hadlay
xidhiidhka Shirkaddu la leedahay
saxaafadda Somaliland waxanay
sheegeen in shirkadda Telesom
ay ururka SOLJA ka caawin
doonto xaga dhismaha xafiiska
iyo tababaradda Saxaafadda si kor
loogu qaado aqoonta saxaafada,
sidoo
kale
masuuliyiinta
TELESOM ayaa sheegay in loo
baahan yahay in saxaafaddu ay
noqoto mid bulshadda wax ku
soo kordhisa loogana faaiidooyo
dhismaha qaranka.

Casho-sharaftan waxaa ka qaybgalay maamulka iyo masuuliyiinta


Qaybta
Suuq-gaynta
iyo
Xidhiidhka
Dadweynaha
ee
Shirkadda
TELESOM,
maamulaha
Qaybta
Iibka
TELESOM, Hogaanka cusub ee
SOLJA, Gudoomiyaha SONSAF,
saxafiga rugg cadaaga ee Yoonis
Cali Nuur, iyo Aadan Xaaji Cali
oo ka Mid ah Garyaqaanadda sida
dhow ula shaqeeya saxaafadda
Somaliland
iyo
shirkadda
Yoonis Cali Nuur oo ah saxafi
Telesom-ba.
rug cadaaya oo muddo dheer ka
Shirkadda Telesom, hogaanka shaqaynaayey Idaacadda BBC-da
cusub ee SOLJA iyo saaxibadda tababaro badan siiyey saxafiyiin
kale ee ka soo qayb-galay badanna oo Somaliland ah ayaa
kulankan ayaa halkaasi isku sheegay in saxaafadu tahay awood
dhaafsaday hadalo ku saabsan samayn badan leh loona baahan
xaaladda Saxaafadda Somaliland yahay in looga faaiidaysan karo

inay bulshadda wax weyn ku soo


kordhiso. Wariye Yoonis Cali
Nuur ayaa sidoo kale sheegay in
haddii saxaafadda si khaldan loo
adeegsado in ay keento burbur
baaxad leh. Waxaanu soo jeediyey
in loo baahan yahay in la sameeyo
Komishan Saxaafadeed oo madaxbanaan kaasi oo ilaalinaaya
xoriyadda saxafiga sidoo kalena
saxafiga ka ilaalinaysa inuu si
khaladan u adeegsado mihnada
Saxaafadda.
Gudoomiyaha cusub ee SOLJA
Maxamed Cabdi Xuuto, Xoghaya
SOLJA Xuseen Kurdi, Saynab
Maxamed Cabdi oo ah xubin
SOLJA
ah,
Gudoomiyaha
SONSAF Mustafe Sacad iyo Aadan
Xaaji Cali ayaa dhamaantood
soo
dhaweeyey
taageeradda
TELESOM u hayso saxaafadda
Somaliland waxay sheegeen in
saxaafadda Somaliland ay u baahan
tahay in la dhiso aqoontooda,
sidoo kale ay shirkadda wadda
yeeshaan
wadda-shaqayn
maadama Tiknoolajiyadii noqotay
udub dhexaadka saxaafadda.
Masuuliyiinta ayaa shirkadda
Telesom u soo jeediyey in
masuuliyiinta goboladu ay si gaar
ah ula shaqeeyaa wariyayaasha
ka hawl-gala goboladda dalka
maadama ay ka duruufo iyo
baahi badan yihiin kuwo ku nool
caasimadda Somaliland.
Kulankan dhex maray shirkadda
Telesom iyo hogaanka sare ee
SOLJA ayaa ku dhamaaday waji
farxadi ku dheehan tahay waxaana
kulankani uu ogogol xaadh u
noqon doonaa in la sii dardargaliyo xidhiidhka iskaashi iyo
wada-shaqayneed ee u dhexeeya
shirkadda Telesom iyo Saxaafadda
Somaliland oo ay ku midaysan
yihiin ururkan SOLJA.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Jaamacadda Badar oo Tababar Siisay Shaqaalaha


Telesom
argeysa

(Telesom-11.02.2015)
Markaas shirkadaha waxaan ku dhiiri galin lahaa

Jaamacadda Badar ayaa u soo gabogabaysay 18 shaqaalaha


shirkadda
Telesom oo muddo saddex maalmood
ah ku tababaraysay hogaaminta iyo maamulka.
Munaasibadda gabo-gabada tababarkan waxaan
ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Beder
waxaanu si mug leh uga hadlay faaiidada
ku duugan tababaradda noocan oo kale ah.

in ay bixiyaan aqoon korodhsiyo shaqaalaha ay


Tayadooda kor ugu qaadayaan.
Shirkad Kasta hadda waxa ay
ka fikiraysaa, dhaqaalaha kaga
baxaya Aqoon-korodhsigaas ay
u dirayso shaqaalaheeda lakiin
taas ayaa uga munaafaac badan
oo wax badan ayuu u qabanayaa.

Aqoon-korodhsiga badan ee la siiyo shaqaalahu


Gudoomiye Mubaarik Aar ayaa waxa uu ku tilmaamay aqoonyahan Mubarik
yidhi, Waxaan maanta halkan uga Ibraahim Aar in tahay Muhiimada ugu wanaagsan
mahad naqayaa dhamaan shaqaalaha ee shirkadahu ku helaan kobacooda dhaqaale.
shirkadaha, kolay ka Jaamacada
ahaan markasta waanu raadinaa Shirkadba Shirkada ay ka tababar badan tahay
dadka aanu aqoonta bidayno kuwaas way ka wax soo saar badan tahay. Sanadkasta
oo aanu ku soo casuuno Jaamacadda, haddii uu qofku qaato shahaado gaar ah waata
nin shaqaale ah ayaa la waydiiyay sahlaysa inaanu qofka shaqaalaha ahi ka tagin
Mubaarik Aar imisa sano ayaad shaqadan waday, shirkada uu leeyahay, madaama waxa uu ogyahay
markaas ayaa uu ku jawaabay dhaqaalaha ay ku bixisay, sidaasi waxaa yidhi
labaatan sano, markaas Labtaankaas sanaba waxa uu gudoomiyaha Jaamacada Badar Mubaarik Aar.
ku cel-celinayay hal Shaqo oo kaliya, markaas hadduu
tababaro heli lahaa uu aqoonto ku korodhsado shaqo Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee
badan ayuu u qaban lahaa shirkadaas uu la Joogo. Beder Mubarik Ibraahim Aar ayaa shahaadooyin
gudoonsiiyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee
Intaas waxa uu ku dary Guddoomiyaha Jaamacadda dhamaystay tababarkan saddexda maalmood u
Beder Mubaarig Ibraahin Aar waxaana uu yidhi, socday oo ay ku barteen hogaaminta iyo maamulka.

Telesom oo Abaal-marin Qaaliya Gudoonsiisay Mid Ka Mid ah


Hablaha Ugu Hawl-karsan Shaqaalaha Shirkadda

hikadda Telesom ayaa abaalmarin qaali ah gudoonsiisy Sahra


Cali Xirsi oo ka tirsan Waaxda
Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Somaliland.
Sahra ayaa la gudoonsiiyey Mobile smartphone ah oo Qaaliya ka dib markii ay
noqotay inantii ugu saraysay ee u adeegta
macmiishii ugu badnay lixdii bilood ee
ugu dambeeyey sanadkan 2015.

Abaal-marintan Waxaa Sahra Cali Xirsi


Gudoonsiiyey maamulka iyo Masuuliyiinta Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha
iyo Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha &
Bidix: Sahra Cali, Ismaacil Aadan, Mustafe Asker, Maxamed Giire,
Suuq-gaynta.
Maxamed Darbo
Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Xoolo
Ugu Deeqday
Maxabiista
Jeelka Wayn
Burco

Telesom oo Lacag ugu


Deeqday Guri Laba Dabaq
ah oo Loo Dhisayo Dawladda
Hoose ee Gabiley

urco - (Telesom-11.04.15)
- Shirkadda isgadhsiinta
Telesom ayaa Toban Neef
oo adhiya ugu deeqday
Maxabiista ku Jirta Jeelka wayn
ee Burco. Munaasiban wareejinta
deeqdan xoolaha ah ayaa ka dhacay
isla jeelka.

abiley (Telesom-04
Feb, 2015) Kulan
kooban oo ka dhacay
xafiiska
Maayarka
Gabiley ayaa lagu kala gudoomay
lacagta
tabarucaad
ah
oo
shirkadda Telesom ugu deeqday
dawladda Hoose ee Gabiley.

ayaa
sheegay
in
shirkadda
Telesom ay ka qayb qaadato
horumarinta gobolka, waxaanu
xusay
in
shirkaddu
ay
taageero ka gaysato xarumaha
waxbarashadda sida dugsiyadda
ka
jira
magalaada
Gabiley
iyo
Jaamacadda
Tima-cadde.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen
maayarkii hore ee magaalada
Gabiley
Shucayb
Maxamed
Muuse, Xildhibaanka Golaha
deegaanka ka tirsan Xildhibaan
Cabdi
Xabeeb,
maamulaha
Telesom Gabiley Sheekh Maxamed
Muumin iyo Madaxa Iib-gaynta
Telesom Gabiley Maxamed Dayid.

Ugu dambayntii waxaa uu sheegay


maamule Maxamed Muumin in
shirkadda Telesom ay ka qayb
galays0 tabarucaadka dhisme loo
waddo dawladda Hoose ee Gabiley.

Maamulaha
Telesom
Gabiley
Sheekh
Maxamed
Muumin
ayaa
gudoonsiiyey
$6,000
Maayarka Gabiley lacagta noo
shirkadda Telesom kaga qayb
qaadanayso dhimse laba dabaq
ah oo loo dhisi doono Dawladda
Hoose ee magaaladda Gabiley.
Maamulaha Xarunta Telesom
Gabiley oo ka hadlay kulankaasi

10

Maayarkii hore ee magaalada


Gabiley
Shucayb
Maxamed
Muuse oo ka hadlay kulankan
ayaa shirkadda Telesom uga
mahadnaqay deeqdan ay kaga
qayb gashay dhismaha loo waddao
Dawladda Hoose ee Gabiley
waxaanu yihdi,
Shirkadda
Telesom ee Gabiley waxaanu
ka gudoonay deeq lacageed
oo ay kaga qayb qaadanayaan
horumarka ka socda degmadooda.
Runtii
waxanu
leenahay
waad ku mahadsan tihiin.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Maamule Ku-xigeenka Xarunta


Burco ee shirkadda Telesom
Md. Kayse Maxamed Cabdi oo
matalaayey shirkadda Telesom ayaa
ku wareejiyey deeqdan xoolaha
ah Taliyaha ciidamada Asluubta
Gobolka Togdheer Gaashaanle
Jaamac Baadi Cawad. Taliyaha
ayaa shirkadda Telesom uga
mahad-celiyey deeqdan xoolaha
ee ay shirkaddu ugu talo gashay
maxaabiista ku jira jeelka Burco.

Kayse Maxamed Cabdi


maaule Ku-xgeenka Telesom Burco

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Telesom oo Si
Mugle Uga Qayb-qaadatay
Bandhiga Carwadda
Ganacsiga Boorama

oorama
(Telesom-07.02.15)Shirkada Isgaadhsiinta
casriga ee TELESOM
q a y b t e e d a
gobolada Awdal
iyo Selel ayaa
wacdaro
ku
soo
bandhigtay
carwada ganacsi
oo ka dhacday
magaa l ad a
Boorama waxaana
ay soo bandhigeen
adeegyo casri ah
oo ay dadweynihii
ka soo qayb galay
ay ka mabsuudeen.

Maxamuud
Jaamac
Iyo
Madaxa iibgaynta xarunta
Telesom Borama Sheekh Deeq
Cabdi Xasan ayaa ka hadlay

sida adeegga Internet Wirelesska ah,


flashyadda Internet
xambaraara iyo Semicards
Bilaashah, sidoo kale waxa ay
masuuliyiintan sheegeen in
adeega Zaadka oo bilaash
ah la iska diiwaan galinayo
inta carwadani socoto iyo
adeegyo kale oo casri ah
oo noocyo kala duwan ah.

Masuuliyiintan ayaa ugu


baaqay bulshada Gobolka
iyo gaar ahaan degmada
in ay ka faaiidaystaan
maalmahan ay carwadu
socoto iyaga oo sheegay in
ay ku soo kordhindoonaan
adeegyo
kale
oo
adeegyadda casriga ah ee ay ku
Maamule ku-xigeenka Telesom soo bandhigeen adeegyadayo raaligalin doono bulshada.
Boorama Md. Cabdiraxmaan noocyadiisa kala duwan yihiin

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

11

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Xafladdii Abaal-marin

argeysa (Telesom19.03.2015) Shirkadda


isgaadhsiinta
casriga
ah ee TELESOM ayaa
abaal-marin qaaliya gudoonsiisay
shaqaalihii haldoorka ahaa ee
sanadii 2014-ka hawl-kaarnimada
dheeraadka muujiyey. Xafladan
Abaal-marinta 12-aad oo si heer
sare ah loo soo agaasimay ayaa
ka dhacday hoteel Ambassador
ee magaalada Hargeysa iyo guud
ahaan xarumaha ay shirkaddu ku
leedahay gobolada dalka oo dhan.

Md.
Cabdiqaadir
Maxamed
Sahal waxaanu sharaxaad dheer
ka bixiyey kaalinta shaqaalahu
horumarka shirkadda uu kaga
jiro iyo qaabka loo qiimeeyo
qofka shaqaalaha waxaanu yidhi,
Shaqaalaha la abaal-marinaayo
waxay ka kooban yihiin Telesom
Xafladan Abaal-marinta 12-aad ee guud ahaan kun iyo kow iyo
shaqaalaha shirkadda oo ahayd labaatan qof (1021) shaqaalaha
mid wax weyn laga badalay qaabkii
loo qiimayn jiray iyo noocyadda
hadyaha la bixin jiray sanaddii hore
waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey
shaqaale tiradoodu dhan tahay
Munaasibadan oo ahayd mid u gaar kun iyo kow iyo labaatan (1,021
ahayd maamulka sare ee shirkadda qof) oo shaqaale ah oo isugu jiray
iyo Shaqaalaha weynaha Guud shaqaalaha ka hawl-gala xarunta
ee shirkadda TELESOM waxaa guud ee magaalada Hargeysa iyo
ka soo qayb-galay Gudoomiyaha shaqaalaha xarumaha waaweyn ee
Cabdiqaadir Maxamed Sahal
Guud
Shirkadda
TELESOM shirkaddu ku leedahay gobolada
Maamulaha Shaqada & Shaqaalaha
Md. Cabdikariin Maxamed Iid, dalka oo dhan. Abaal-marinta ayaa
Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda inteeda badan la gudoonsiiyey abaal-marinta ka helaaya waanan
Maxamud Xaaji Aadan (Xadeed), shaqaalihii keenay darajadda A+, isla naqaanay shaqaalaha A+,
masuuliyiinta kale ee hogaanka A iyo B+.
A iyo B+. 22 qof ayaa gobolada
sare ee shirkadda, Masuuliyiinta
shaqalaha sanadka ka ah. Xarunta
Guddida Fulinta oo uu hormuud Munaasibadan
Abaal-marinta Hargeysna waxaa ka ah 18 qof
u yahay maamulaha hawl-galinta 12-aad ee Shaqaalaha oo xafiiska qaybaheed kala duwan intaasi
Md. Ciise Maxamud Faarax, Shaqadda iyo Shaqaaluhu uu si waa qolada sanadkan calanka
Gudoomiyaha Baanka DAARA weyn u soo agaasimay noocyada inoo sidda. Insha Allaah haddii ay
SALAAM Md. Maxamed Ibraahim, Abaal-marinta shaqaalaha la sii haysan karaana way sii haysan
Gudoomiyaha Shirkadda SOMGAS siinaayo ayaa ugu horayn waxaa haddii kalena waynu ku daba
Md. Cabdikarin Xaaji Muuse ka hadalay xafladan maamulaha
Muruq-liqqe,
Gudoomiyaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha
Eeg Bogga 11-aad

12

Shirkadda Laydhka ee Telesom


Electricity Company (TEC) Eng.
Muuse Cali Cige, maamulayaasha
iyo masuuliyiinta kale ee Qaybaha
iyo Waaxaha Shirkadda iyo
Shaqaalaha weynaha kala duwan
ee shirkadda.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda


jirnaa. Sidaasi waxaa yidhi Md.
Cabdiqaadir Sahal.

Maamulaha hawl-galinta Shirka


Md. Ciise Maxamud Faarax ayaa
mahad balaadhan u jeediyey
shaqalaha shirkadda Telesom ee
hawl-karinimada iyo dadaalka
dheer muujiyey sanaddii 2014.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale
ka waramay adeegyadii ugu
muhiimsanaa
ee
shirkadda
Telesom soo kordhisay sanadkii la
soo dhaafay waxaanu ku amaanay
guud ahaan shaqaalihii adeegyada
sida hufnaanta ah uga shaqeeyey,
hadaladkiina waxaa ka mid
ahaa, Waxan jecelahay in aan u
mahadceliyo shaqaale weynaha
shirkadda Telesom madax iyo
mijaba meel kastow joogaanba
waajibaadkii iyo shaqadii loo

Koowaad waxaanu tafaasiil dheer


ka bixiyey adeegyadii ugu horeeyey
ee shirkadda Telesom dalka ku
soo kordhisay isagoo arimahaasi
sharxayanna waxaa uu yidhi,
Shirkaddu waxay lahayd halku
dhag ah Telesom is first, waxaynu
ahayn shirkaddii ugu horaysay
ee moobayl waddanka keena,
waxaynu ahayn shirkaddii ugu
horaysay ee internet waddanka
keena, waxaynu ahayn shirkaddii
ugu horaysay ee EVC dalka keena,
iyadoo scratch kaadh la xoqo baynu
keenin in EVC-ga lacagta lagaga
shubto, waxaynu ahayn, waxaynu

Maxamud Xaaji Aadan


Gudoomiye Ku-xigeenka Telesom

ahayn, waxaynu ahayn way tiro


badan yihiin runtii, waxaynu
ahayn shirkaddii ugu horaysay ee
ZAAD keenta, haddana waxaynu
keenay inay xawaaladu ZAADCiise Maxamud Faarax
ka ku soo dhacdo Sidaasi waxa
Maamulaha Hawl-galinta
yidhi Gudoomiye Ku-xigeenka
igmaday iyagoo quudka
iyo Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan.
risiqooda Ilaahay subxaanahu
watacaala u qadaray ka doonanaya, Gudoomiyaha Baanka DAARA
haddana si hufnaana, kartinimo SALAAM Md. Maxamed Ibraahim
ah, wadda shaqayna walaaltinimo oo ka mid ah marti-sharaftii
ah, kalkacaltooyo ah u wadda xafladan kaga soo qayb-galay
shaqeeyey uga wadda dhabeeyey TELESOM GROUP ayaa sheegay
ujeedooyinkii shirkaddu lahayd in Baanka DAARA SALAAM uu
inay wadda xaqiijiyaan , Sidaasi yahay Baan ay shirkadda TELESOM
leedahay waxaanu ka hadlay
waxaa yidhi Md. Ciise Faarax.
adeegyada baanku bixiyey iyo
Gudoomiye Ku-xigeenka Guud ee fursadaha qaaliga ah ee Baanka
shirkadda TELESOM Md. Maxamud Salaam uu siiyo shaqaalaha
Xaaji Aadan (Xadeed) ayaa ka shirkadda Telesom. Gudoomiyuhu
hadlay sida shirkadda Telesom oo ka hadlaya arimaas waxaa
u tahay markasta shirkadda uu yidhi, Shirkaddu shirkadaha
Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

ay dhashay waxaa ka mid ah


Bangiga Daarasalaam Baank.
Bangiga Daarasalaam waa bangi

Maxamed Ibrahim
Gudoomiyaha Daarasalaam Bank

ay leedahay shirkadda TELESOM


oo laga yaabo inaan dad badan
hore u ogayn ama maqalkiisa uun
maqlayeen. Haddii aanu dib ugu
noqon Bangigu labaatan cisho ka
dib uu shan jir sanayaa, waxaa
laga yabaa inaan shantaa sano
malaha dad badani ay caawa uun
ugu horayso magaciisa iyo in loo
sheego in shirkaddu shirkaddaha
ay leedahay uu ka mid yahay
bangigu Sidaasi waxaa yidhi Md.
Maxamed Ibraahim
Waxaa isaguna munaasibadan ka
hadlay Gudoomiyaha Shirkada
SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse
(Muruq-liqe)
oo
sharaxaad
ka bixiyey adeega shirkadda
SOMGAS bixiso. Gudoomiyaha oo
la dhacsay shaqaala tiradda badan
ee ka soo qayb-galay xafladan
ayaa shaqaalaha TELESOM ugu
baaqay in ay wadda Isticmaalaan
shoolada cuntada lagu karsad ee
shirkadda SOMGAS iibiso.

Cabdikarin Xaaji Muuse


Gudoomiyaha SOMGAS

Eeg Bogga 12-aad


13

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom Xafladdii Abaal-marin

Gudoomiyaha Guud ee Shirkadda


TELESOM
Md.
Cabdikariin
Maxamed Iid oo soo gunaabaday
qudbadihii laga jeediyey madasha
ayaa hadalo badan oo isku jira
mahadnaq, dhiiri-galin, amaan iyo
dardaaran u jeediyey guud ahaan
maamulaha iyo Shaqaale weynaha
TELESOM, waxaanu sidoo kale
ku booriyey shaqaalaha inay la
yimaadaan hal-abuurnimo iyo
currin wax weyn ku soo kordhisa
horumarka shirkadda. Gudoomiye
Cabdikariin ayaa yidhi, Maxaynu
hiigsanaynaa maxaynu
doonaynaa
inaynu

gaadhno.
W a y n u
ognahay
halkii
aynu ka soo bilaabnay ee ahayd
inaynu moobayl iyo fixed line
shirkadd ahaan shaqadeena ku
bilownay, maantana halkaynu
joogno waa dareensanahay.
Cloude service oo ah inaynu
adeeg
dhamaystiran
u
qabano bulshadeena waa mid
qorshaheena inoogu jirta sanadkan
insha Allaah oo dhismihii, Waaxdii
iyo shaqaalihii hawshaa hanan
lahaa ay u dhamaystiran yihiin iyo
qalabkiiba Insha Allaahna aynu
gaadhi doono Haddii uu Allah
yidhaahdo. Waxaanu kaloon ku
talo jirnaa inaynu moobaylka
horumar fara badan ku samayno
iyadoo dhinacyadda caafimaadka,
waxbarashadda, dhaqaalaha iyo
saxaafada aynu uga faaiidaysan
doono biidni laahi tacaalaa. Waxaa
kale oo aynu iyana horumar ku
14

samayn doonaa sidaynu u qaybin


lahayn adeegyadda kala gadisan
ee aynu koox ahaan leenahay in
aynu meel iskugu keeno oo aynu
midayno insha Allaahu haddii
Ilaahay yidhaahdo Sidaasi waxaa
yidhi gudoomiyaha Shirkadda
Telesom.

Xafladan
Abaal-marinta
Shaqaalaha ayaa si habsami ah
mar qudha uga wadda dhacday
gobolada dalka oo dhan waxaanu
maamulayaasha shirkadda ee
gobolada dalku ay iyaguna
dhinacooda si toos ah
ugala socdeen
qudbadihii
k a l a

gadisanaa
e
e
masuuliyiintu
ka
jeediyeen
xafladdii Abaal-marinta
Shaqaalah ee ka socotay Hoteel
Ambaassador ee magaalada
Hargeysa.
Maamulka Waaxda Shaqaada iyo
Shaqaalaha iyo Qaybta Maamulka
ayaa si wadda jir ah Abaal-marino u
gudoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha
hore ka galay Qaybaha iyo Waaxa
Shirkadda. Hadyadahaasi oo isku
jiray lacago, laptop-yo casri ah,
tablets, moobaylo Smartphone
ah, Shahaadooyin iyo hadyado
kale waxaana la gudoonsiiyey
dhamaan shaqaalihii kaalmaha
sare ka galay qiimayntii shaqaalaha
ee ka kala tirsanaa xarunta guud
ee magaalada Hargeysa iyo
xarumaha guud ee shirkaddu ku
leedahay gobolada dalka oo dhan.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

15

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

16

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom lacago Tabarucaad ah Ku Bixisay Wadooyin Ku Yaala


Magaalada Hargeisa Ka Tirsan

argeysa - (Telesom-27.03.2015) - Shirkadda


Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa
$10,500 oo Dollar ugu deeqday saddex waddo
oo ku kala yaala degmadda Axmed Dhagax,
Degmadda Ibraahin Kood-buur iyo Degmadda Gacan Libaax.
Shirkadda TELESOM ayaa ugu horayn gudoonsiisay Guddida
Dhismaha Wadda Xaafadda Aw-aadan lacag dhan $4000 oo
dollar. Munaasibada lacag bixinta waxaa ka hadlay Madaxa
Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey
kaalinta shirkadda TELESOM kaga jirto horumarka dalka waxaanu
yidhi, Sidaad la wadda socotaan shirkadda TELESOM waxay
xoogga saartaa xagga horumarinta, waxbarashada, wadooyinka,
tababarucaadka kale,
Jaamacadaha, madarasadaha,
masaajidada wax Alla wixii khayr ah., Sidaasi waxaa yidhi
Maxamed Darbo, isagoo hadlkiisa sii wata waxa uu intaasi
raaciyey, Shirkadda TELESOM waxay ka qayb qaadanaysaa
wajiga koowaad ee waddadan la bilaabaayo, waxanay ugu

doono waddada soo hor marta Hoteel Mount Royal soona gasha
Dugsiga sare ee Ilays. Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha
ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ku

hadlayaa afka shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkadda


Telesom ay goorkasta u heelan tahay inay qayb ka noqoto
horumarka dalka waxaanu sharaxaad ka bixiyey sida shirkadda
Telesom uga qayb qaadato tabarucaadka waxbarashadda.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay maamulaha
Dugsiga sare ee Ilays Sh.Cabdiraxmaan Axmed Sh. Cabdi
waxaanu shirkadda Telesom uga mahad-celiyey sida ay uga qayb
qaadato barnaamijyadda khayriga ah waxaanu yidhi, Aad iyo
aad waxaanu ugu mahadnaqaynaa una ducaynaynaa shirkadda
balaadhan ee qiimaha badan ee waddaniga ah ee dalku iyo
dadku runtii wadda leeyahay sidaa uu sheegay Maxamed. Aad
baanu ugu faraxsanahay aad baanu ugu ducaynaynaa Ilaahay
inuu u barakeeyo, Sidaasi waxaa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.

talo gashay inay $4,000 ay ku wareejiso dhismaha waddadaas,


wadadaas oo ay baahi weyn u qabaaan bulshadu qiimo
badanna ugu fadhida magaalada isku socodka dadweynaha.
Gudoomiyaha Guddida Waddada Xaafada Aw-aadan oo
ka hadlay munaasibadaas ayaa yidhi, Aniga oo ku hadlaya
magacayga iyo magaca Guddida Dhismaha xaafadda Awaadan iyo Guddida xaafadda waxaan halkan kaga gudoomay
shirkadda Telesom oo uu hormood ka yahay Maxamed
Darbo $4,000 oo ay ugu tabaruceen waddo hal kiiloomitir
iyo badh ah (1.5km) oo ka socota xaafadda Aw-aadan.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo bixisay deeq tabarucaad oo


dhamayd $3,000 waxaanay gudoonsiiyey maamulka iyo
masuuliyiinta dugsiga sare ee Ilays. Lacagtaasi oo lagu dhisi

Shirkadda TELESOM ayaa ugu dambayntii waxay deeq lacageed


oo dhan $3,500 ugu deeqday Dhismaha Buuntada xaafada
Maandeeq ama Ex-Libaaxyadda halkaasi oo ay ku ooli jirtay
Buundo la dhisay labaatan sanno ka hore dhibaato badanna ku
haysay dadka degan xaafadaasi gaar ahaanna xiliyadda roobabka.
Goobta lacagta lagu kala gudoomaayey waxaa ka hadlay Madaxa
Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md.
Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay in shirkadda Telesom
ay biirashkan kaga qayb qadan doono lacag dhan $3,500.
Gaashaanle Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii hore ee
Laanta Socdaalka Somaliland oo ka mid ah Guddida dhismaha
waddadan
ayaa
shirkadda Telesom
uga mahad-naqay
tabarucaadkan
ay kaga qaybqaadanayso
d h i s m a h a
buundadan,
waxanu
ka
w a r a m a y
dhibaatadda
ay
xaafada Maandeeq
ku qabtay intii uu burbursanaa biriijkani. Gaanshaale Dayib
ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ugu soo dheeraysay
dalabaadkii ay guddidu u gudbiyeen meelaha kale.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

17

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mas

argeysa (Telesom-06.04.15)
Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga
ah ee Telesom ayaa daah-furtay
wajiga labaad ee Mashruuca
Caruurta la nool Cudurka Macaanka.
Mashruucan oo ay fulinayso Xarunta
Daryeelka Caruurta Macaanka Qabta ee
Global Polyclinic ee magaalada Hargeysa.
Shirkadda Telesom waxay Mashruucan
bixin doontaa daawooyinka la siin doono
120 caruur ah muddo hal sanno ah.
Xafladan Daah-furka wajiga labaad
ee mashruucan oo ka dhacay huteel
Summer Time ee magaalada Hargeysa
ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir
Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland
Marwo. Shukri Xariir, Gudoomiyaha
Guddida Dhakhaatiirta Somaliland Dr.
Cabdirashiid Axmed Xaashi, Agaasimaha
Daladda
Dhalinyaradda
SONYO
Siciid Maxamed Axmed, Maamulka
Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda
Telesom, Maamulka Cusbitaalka Global
Polyclinic iyo qaar ka mid ah Waalidiinta
caruurta la nool cudurka Macaanka.

haynaa 120 caruur ah markaa waxaan


odhan karaa waa arin aad u weyn
waana firkir anaga naga yimid anaga oo

Dr. C.risaaq Yuusuf C.laahi


Agaasimaha Global Polyclinic
halkan aad iyo aad ugu mahadnaqeyna
Shirkada Telesom oo naga haqab tirtey
dhamaan wixii daawooyin iyo wixii kale
ay u baahneyeen caruurtani, waxaa
kale oo iyaduna farxad leh in maanta
ay Shirkada Telesom ay mar kale noo
fidisey in mar labaad muddo sanad ah
ay hawshaasi halkeedi ka sii socoto
sidaai waxaa yidhi Agaasimaha Guud
Global PolyclinicDr. Cabdirisaaq Yuusuf.
Madax
Waaxda
Xidhiidhka
Dadweynaha Shirkadda TELESOM
Maxamed Cabdi Darbo waxaana ayaa ka

Ugu horayn xafladan waxaa ka hadlay


Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka
Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf
Cabdilaahi Axdar waxaanu ka hadlay
mashruucan taakulaynta caruurta la nool
xanuunka Macaanka waxaanu sidoo kale
mahadnaq u jeediyey Shirkada Telesom,
hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, In
muddo ah waxaanu wadney hawshan in
la taakuleeyo Caruurta qabta cudurka
Maxamed Cabdi Darbo
macaanka ee ka soo jeeda qoysaska aan
Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynah
tahli kareen in ay helaan dawooyinka iyo
waxii ay u baahan yahiin. Waxaa aanu ku hadlay kaalinta shirkadda ku leedahay
bilowney 50 caruur ah maantana waxaa mashruucan samafalka waxaanu yidhi,
aanu diwaan galinay oo aynu gacanta ku Waxaan odhan lahaa bulshadeenu waa

18

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

qaar baahiyo badan qaba arintan caruurta


yaryar ee maacanka qabtaana waa mid
anaga haddii aanu nahay Telesom aad
noo damaqdey markii uu noo yimid
Dr. Cabdirisaaq maamulaha Cusbitalka
Global nagana codsadey in arintaasi wax
kala qabano ayaanu hadii aanu nahay
Shirkada Telesom goaansaney in aanu
wax ka qabano waxaan halkan aan maanta
ka cadeynaaya in mar labaad Shirkada
Telesom iyada oo rabta shacbigeeda in
ay wax ku soo celiso in ay mar labaad
bilaabeyso Wajiga labaad ee dawo siinta
iyo kaafalo qaadashada caruurtaas
yaryar ee macaanka la nool, Sidaasi
waxaa yidhi Md. Maxamed Cabdi Darbo.
Md. Darbo ayaa intaasi raaciyey in
shirkadda Telesom ay markastaba u
heelan tahaay bulshadeeda waxaanu
shirkaddu kharashaka waxbarashadda
ka bixiso sanad kasta 10 arday oo wax
ka dhigta Jaamacadda Hargeysa iyo 10
arday oo wax ka barta dugsiga Sare ee
SOS oo ka soo jeeda dadka dhaqaalaha
qoyskoodu hooseeyo. Waxa kale oo
uu sheegay in Shirkadda Telesom ay
sidoo kale kafaalo qaaday 35 caruur ah
oo aan lahayn aabaha iyo hooyadda
kuwaasi oo ay shirkaddu guri uga iibisay
xaafadda Xawaadle ee Degmadda
Kood-buur. Shirkadda Telesom ayaa
caruurtan wax kasta oo ay baahdaan
noloshooda siin doonta ilaa inta ay ka
gaadhayaan 18 jir noloshooda ku filan.
Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda
Somaliland ee SONYO Md. Sicii Maxamed
Axmed ayaa tilmaamay in daladda SONYO
ay ka qayb-qaadan doonto caawimadda
caruurta qabta macaanka waxaanu
yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya,

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

shruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka


Shirkadda Telesom waxaan isleeyahay
waxay ku suntan tahay halgankaa dib
u dhiska dalka Ilaahayna waxaan ka
baryahaa inuu shirkaddaasi ka dhigo
mid runtii jirta oo waarta, sidaa ay imika

Siciid Axmed Maxamed


Agaasimaha SONYO
ugu mashquulsan tahay` horumarinta
bulshadeedana runtii joogtaysa aad iyo
aad bay shirkadda Telesom ugu mahadsan
tahay. Cabdirisaaq iyo saaxibkay Dr.
Bashiir iyo dhakhaatiirtaasina waxay
geesteen wax weyn oo aan Ilaahay
uga baryaaho inuu ka jasaaI siiyo.
Sidaas waxaa yidh Agaasimaha SONYO
Siciid Maxamed waxaanu intaasi
ku daray in Daladdda SONYO
ay
garab joogsan doono cusbitaalka
samayna doonaan shirar hawleedyo
ay ku taageeri doonaan cusbitaalkan.
Dhinca kale munaasibadan ayaa waxaa
ka hadley Gudoomiyaha Dhakhatiirta
Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi
ayaa shirkadda Telesom iyo maamulka

Dr. Cabdirashiid Xaashi


Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta
cusbitaalka Global Polyclinic uga mahad
celiyey kaalinta ay u istaageen waxaanu
xukuumadda ugu baaqay in sida
shirkadda Telesom oo kale ay sanadkii ay
miisaaniyadda ugu daraan sidii caruurta
macaanka qabta loogu heli lahaa in
daawo ku filan loo helo. Waxa uu sidoo
kale ugu baaqay bulshadda qaybaheeda
kale in ay u istaagaan sidii ay dadkooda
xanuunsanaya u gacan siin laayeen.
Dr. Cabdirashiid Xaashi ayaa tusaale u
soo qaatay in dad gaalo ahi oo maalqabeen ahi ay dadka ku nool waddama
dunidda saddexaad ay ugu deeqaan

xoolahooda. Dhakhtarka ayaa bulshadda


ugu baaqay in xoolaha ay uruurinayaa
iska daayaan oo ay bulshadooda kuwa
baahan wax ugu qabtaan, maadaama
xabaal laga wadda galaayo oo qofka
xoolihiisu aanay qabriga u raacayn.
Dhanka kale waxaa iyaguna madasha
ka hadlay qaar ka mid ah
waalidiin
caruurtoodu
qabaan cudurka macaanka
waxaanay si wayn ugu
mahadnaqeen
shirkadda
Telesom
iyo
maamulka
Cusbitaalka
Polyclinic.
Waalidiinta ayaa qaarkood
sheegeen in caruur ay
dhaleen ay hore ugu dhinteen
cudurkan macaanka taasi
oo ay ugu wacnayd aqoon
laaan ka haysatay cudurkan
iyo sida loola tacaalo. Waalidiinta ayaa
ka sheegeeyey muddadii lixda bilood
ahayd ee cusbitaalka Global Polyclinic
ay ku xidhnaayeen inay wax badan ka
barteen sidoo kalena ay awoodeen
in ay xakameeyaan
joogtaynta heerka la
ogol yahay in heerka
dhiiga
macaanka
Ilmuhu
joogo.
Ugu
danbeyntii
waxaa madasha ka
hadashay wasiir ku
xigeenka wasaarada
Wa r fa a f i n t a
Dhaqanka iyo Waciyi
Galinta
Somaliland
Shugri
Xariir
Ismaciil
waxaana
ay
tilaamantey
in arintani ay tahay mid ku dayasho
muddan looga baahan yahay shirkadaha
waaweyn ee Somaliland ka jira in ay

mahad naqeynaa cida iska xil saartey


arintan iyada ah ee ay ugu horeeyaan
Dr. Cabdirisaaq Iyo Dr. Bashiir oo ka
socda Cusbitaalka Global waxaa kale oo
iyaduna aanu aad ugu mahad celineynaa
Shirkada Telesom oo iyadu markasta
ka dhex muuqata sidii loo dabooli
laha baahiyaha ay qabaan bulshadeen

Jicilcsan. Waxaan idin leeyahay wax kasta


oo bulshadiina u qabteen waa wax idinka
horeeya Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha
idinka siiyo. Barnaamijkani waa mid ah
sidii loo tageeri lahaa waxna looga qaban

lahaa cudurkaas bulshadeena aafeeyey


ee macaanka. Cusbitaalka Global Ilahay
khayr ha ka siiye waxaa ay iska xil saareen
sidii ay arintaasi ina wada taabatey wax
looga qaban lahaa Sidaa waxaa tidhi
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada War
Faafinta Dhaqanka Iyo Waci-galinta
Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaciil.

Shukri Xariir Ismaaciil


Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta
arintan gacan ka geystaan waxaanay
tidhi, Waxaan filayaa kulakan maanta in
uu yahay kulankii labaad ee aynu iskugu
nimaadno aad iyo aadna waxaa aynu ugu

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Dr. Bashiir

19

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Wargayska Caalamiga Ah ee New York Times Oo Wax Ka Qoray


Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca Dhaqaalaha

aweenku
waxay
udub
dhexaad u yihiin maamulka
dhaqaalaha qoyska, waxaanay
kaalin laxaadle kaga jiraan
dhaqaalaha bulshooyinka guud ahaan
marka laga eego dhinacyada qorshaynta
iyo maamulidda dhaqaalaha qoyska, ka
qaybqaadashada kobcinta dhigaalka
qoyska.
Kaalintaasi ay haweenku ku jiraan waxa
dhiirigelin weyn siiyay, una noqday
hanaan xisaabeed oo ay dhaqaalahooda
ku maamulaan adeegyada maaliyadeed ee
electrniga ah ee moobilka, waxana tusaale
fiican loo soo qaatay Adeegga Shirkadda
Telesom ee ZAAD Services, sida lagu
sheegay Maqaal ay 1-dii April, 2015
Wargeyska New York Times ku qortay
Melinda Gates oo ah xaaska maalqabeenka,
mulkiilaha shirkadda Microsoft ee Bill
Gates, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa:
Cellphones for Women in Developing
Nations Aid Asent from Poverty Iyadoo
horena uu Bill Gates adeegga ZAAD ee
Somaliland ka amaanay shir caalami ah.
Maqaalku waxa uu sawir fiican ka
bixinayaa muuqaalka nolosha dhaqaale
ee haweenka dunida soo koraysa ku
nool ee aan lahayn Bangiyada, kuwaas
oo lacagtooda ku kaydsada barkimada
hoosteeda ama meelo aan aamin ahayn,
warwar badan ayaa xilli kasta ka haysta
in uu tuug ka qaato ama xitaa cid kamid
ah qoyskeeda oo aan masuul ahayn.
Arrintaasi waxay muujinaysa cid kasta oo
aan adeeg maaliyadeed lahayn inay nolol
adag ku nool yihiin, maadaama aanay si
hufan u maamulan karayn dhaqaalohooda,
mustaqbalka noloshoodana aanay kayd u
samaysan karin.
Maqaalku waxa uu sheegay in adeegyada
maaliyadeed ee mobile-ka ku dhisani ay
suurta galiyeen in dad 2 bilyan oo qof oo
dunida soo koraysa ku nooli inay Baan
yeeshaan, malaayiin qoys oo faqri ku
noolaa inay ka baxaan iyo in dhaqaalaha
dalalkaasi uu horumar la taaban karo
sameeyo maadaama adeegyada maaliyadeed
ee Moobilka, sida ZAAD-ka oo kale, ay si
isku mid ah u taabanayaan qaybaha kala
duwan ee bulshada dhaqaalaha doorka

20

wayn ka ciyaara, gaar ahaan Haweenka.


Melinda Gates waxay xustay in
teknoolajiyadda Mobile-ka lacagta loo
adeegsadaa in uu si wayn u korayo,
waxaanay tusaale u soo qaadatay
adeegyada ZAAD ee Somaliland Iyo
BKASH ee Bangladesh.
Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom
waxa uu kamid yahay tusaalayaasha
dunida ee dhinaca horumarka adeegyada
Mobile-ka lagu isticmaalo lacagta, sida
in la isu diro, wax lagu iibsado ama lagu
kaydsado; iyada oo bulshada Somaliland ee
uu ka dhex shaqeeyaa ay in badani yihiin
qaar aan waxba qorin waxna akhriyin isla
markaana aanay hore uga jirin adeegyo
maaliyadeed oo bulshadu ku tiirsan tahay.
Kaalinta uu ZAAD ka qaatay u fududaynta
Haweenka Somaliland inay helaan adeegyo
maaliyadeed iyo qaababka ay shirkadda
Telesom ugu bixisay fekerka habka
haweenka loogu fudadayn karo ayaa ah mid
dunida si wayn uga dhex muuqatay, taas
oo saamayn toos ah ku leh koboca dhaqaale
ee dalka waana sababta ay Melinda Gates
ugu soo qaaday maqaalkeedan NY Times
ay ku qortay. Adeegga ZAAD waxa
fursad u siiyay haweenka Somaliland inay
yeeshaan Baan oo Mobile-koodu u noqdo si
ay dhaqaalahooda ugu maamulan karaan
si hufan, ugu kaydsan karaan lacagtooda
islamarkaana si hawl yari iyo kharash ah

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

ay danahooda dhaqaale u fushan karaan.


Faaiidooyinka ZAAD uu Bulshada u soo
kordhiyay waxa ka mid ah in uu yareeyay
kharashaad badan oo kaga bixi jiray in ay
dadku u safraan si ay lacag isugu tebiyaan.
Waxa kale oo uu bulshada miyiga &
magaaladaba u suurtogeliyay in uu ka
qaaday werwerkii ka haystay ilaalinta
lacagta, waxana uu u noqday aalad u
keentay in ay ka gamaan lacag ka lunta
ama laga xado. Waxa kale oo uu shirkadaha
& ganacsiyada u suurtogeliyay in uu ka
dhigo nidaamyadooda xisaabeed mid hufan
oo leh qoraal sugan oo ay tixraacaan.
Adeegga ZAAD uu wax weyn ka beddelay
nidaamkii xawaaladaha Dibadda, iyada oo
qofka leh ZAAD uu si fudud moobilkiisa
ugu helayo lacagaha looga soo diro daafaha
Dunida.
Ugu dambayntii, maqaalku waxa uu
qeexayaa mustaqbalka dhaw in dhaqaalaha
dunida soo koraysaa uu si wayn ugu
xidhnaan doono adeegyada maaliyadeed
ee electronig-ga ah (Digital Financial
Services) bulshooyin-kuna ay ku kala
tagi doonaan sida ay u maalgashadaan
adeegyadaas
ugana
faaiideeyaan
adeegyadaasi maaliyadeed qayabaha kala
duwan ee bulshada ee kaalinta wayn ku leh
koboca dhaqaalaha oo ay haweenku kamid
yihiin.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

BANGIGA DARA SALAAM MUXUU KUU HAYAA?

angiga Darasalaam waxaa laga furay Hargeysa 12


April 2010, wuxuu soo maray marxalado kala duwan,
iyadoo magacii u horeeyey ee loogu wanqalay uu ahaa
SALAAM REMITTANCE, muddo ka dib waxuu
magacii isku bedelay SALAAM FINANCIAL SERVICES. Ugu
danbayntii Bishii April ee 2014 ayaa si rasmi ah mar kale loogu
wanqalay DARA SALAAM BANK.
Bangigu wuxuu bixiyaa Adeegyada ay bixiyaan bangiyada
Islaamiga ahi sida: furista xisaabaadka socoda iyo kuwa kaydka
ah, dirista lacagaha iyo helitaankooda meel kasta iyo noocyada
kala duwan ee Maalgalinta.
HIIGSI BANGIGA
Bangigu wuxuu higsanayaa inuu noqdo horseedka bixiya adeeg
maaliyadeed oo casri ah isla mar kaana waafaqsan shareecada
Islaamka
UJEEDOOYINKA BANGIGA
Inuu bixiyo adeegyada maaliyadeed ee waafaqsan
shareecada Islaamka
Inuu macaamiisha siiyo adeegyo hal abuur leh oo
faaiido u leh macaamiisha
Inuu ka qayb qaato horumarka dhaqaalaha ee dadka
iyo dalka
BARO NOOCYADA KALA DUWAN EE MAALGALINTA
EE UU BIXIYO BANGIGA DARA SALAAM
1. MURAABAXA: Waa nooca uu macmiilku dalbanayo
in loo soo iibiyo alaab, sida gaadiidka, guryaha, qalabka
dhismaha, bagaashka, beeraha iwm.
Sidoo kale, waxuu bangigu kaa iibinayaa Laptop-yo
aad ku bixinayo muddo 6 bilood ah.
2. MUSHARAKA: Waa nooca Bangiga iyo macmiilku ay
wada yeelanayaan mashruuc
3. MUDAARABA: Waa nooca macmiilka keena fikrad
ganacsi oo faaiido leh uu Bangigu ku maalgalinayo
MAXAAD KA TAQAAN ADEEGYADA BANGIGA DARA
SALAAM?
XISAAB SOCOTA: Waa Xisaabta markaad furato
lagu siin doono Cheque, isla mar ahaantana laguugu
xidhi doono Adeega KAAFI

PAYROLL PAYMENT: Waa hab la jaanqadaya


nidaamka caalamiga ah ee bixinta mushaharooyinka,
la xidhiidh xarumaha Bangiga si shaqaalahaga uu u
gaadhsiiyo mushaharooyinka bil walba
Web surfur card: Waa kaadh si online ah aad waxaad
doonto uga iibsan karto Internetka.
Master card: Waa kaadh uu Bangigu bixiyo oo ATMka aad u adeegsan karto caalamka oo dhan.

WAA MAXAY KAAFI? Waa adeega kuu sahlaya in
la isku xidho Xisaabtaada kaaga furan Bangiga Dara
Salaam iyo Xisaabtaada ZAADka.
Adeegani wuxuu kuu sahlayaa inaad si fudud ugu
wareejiso lacagtaada kuugu jirta Zaadka Xisaabtaada
Bangiga kaaga furan, isla mar ahaantaana aad kala soo
bixi karto lacagta kuugu jirta Bangiga oo aad ku soo
wareejisan karo Xisaabtaada ZAADka.
WAA MAXAY E-BANKING: Waxaad kala socon
karta dhaqdhaqaaqa xisaabta, waxaad ka dheehan
kartaa Websiteka Bangiga
TELEX TRANSFER (TT): Waxaad lacag u diri
kartaa Bangi kasta oo aad hayso macluumaadkiisa, isla
mar ahaantana waad ka heli kartaa.
E- DEPOSIT: Waa habka aad ugu shubi karto lacagta
kuugu jirta Xisaabtaada ZAADka ama Xisaabta aad
ku leedahay Bangiga, Xisaab kale oo ka furan Bangiga
Dara Salaam.
SARRIFKA: Adeega Sarifka ee lacagaha kala duwan
ayuu Bangigu u sameeyaa macaamiishiisa.
XARUMAHA BANGIGA DARA SALAAM
XARUNTA HARGEYSA: 522500/522515
GOBONIMO HARGEYSA: 522511/522513
QUDHAC DHEER HARGEYSA (Dhawaan ayaa la
furayaa)
WAAHEEN HARGEYSA (Dhawaan ayaa la furayaa)

XISAAB KAYD AH: Waa Xisaabta kuu kaydan,


waxaana lagu siin doonaa Passbook aad kula bixi karto
lacagtaada

BURCO: 710009/710010/710011

L/C: Waa adeeg uu bangigu kuu hayo, waana heshiis


aad kula macaamili karto ganacsi aad ka dalbanayso
soo saare (Supplier) adigoo adeegsanaya Bangiga,
faahfaahinta la xidhiidh xarumaha Bangiga.

BORAMA: 618000/618001

L/G: Waa warqad Damaanad ah oo Bangigu bixiyo,


caddaynaysana in Bangigu damaanad kaa bixinayo,
faahfaahinta kala xidhiidh xarumaha Bangiga

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

BERBERA: 742002/742005

WAJAALE: 644744/644745
Ama booqo website-ka www.darasalaambank.
com
Email:

Jan - April 2015

info@darasalaambank.com/admin@
darasalaambank.com

21

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Shirkadda Telesom oo Si Weyn uga Qayb qaaday Ololaha


Nadaafada Dalka

argeysa (Telesom07.04.2015) Shirkadda


Isgaadhsiinta
Casriga
ah ee Telesom waxay
si weyn uga qayb qaadatay
ololaha nadaafadda qaranka
waxaanay
dhamaan
shirkaddu ka fulisay
ololahan
goboladda
dalka
oo
dhan.

bilicda magaalada wax weyn ka


tari kara, waxaanu ku baaqay in la
joogteeyo arimaha sidan oo kale
ah ee bulshaddu ay sida wadda
jir ah uga qayb-qaadanayso.

Shirkadda
Telesom
ayaa
dadweynaha
magalaada Hargeysa
kala qayb qaadatay
nadiifinta
xaafada
State House oo ah
xaafada isku raran ah
oo ay ku nool yihiin
dadka danyarta ah.
Shirkadda
Telesom
ayaa
dadweynaha
u
xaafada State
House ugu Waxaan
deeqday
Kaaryoonayaal, madaxweynaha
majarafado iyo faralay waxaanay
si fudud oo dhakhso badan uga
nadiifiyeen xaafada State House.
Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha
ee shirkadda Telesom Maxamed
Cabdi Darbo ayaa ka hadlay hawlgalkan shirkadda Telesom kaga
q a y b qaadatay
maalinta
ololaha
nadaafada,
waxaanu
sheegay
i n a y
muhiim
tahay
in
shirkadda
Telesom ay
bulshadeeda kala qayb qaadato
dhamaan dhinacayada horumarka
dalka, waxaanu ku tilmaamay
hawsha ololaha nadaafadda ee
xukuumaddu ku dhawaaqday inuu
yahay wax weyn oo saxafadda iyo
22

mahadnaqayaa
Jamhuuriyadda

Somaliland
Axmed
Maxamed Maxamuud
Siilaanyo oo runtii arkay
baahida nadaafadu iyo
qiimaha ay dalka ugu
fadhido oo maanta
iclaamiyey
in
laga
wadda qayb qaato oo aan loo
kala hadhin, Shirkadda Telesom
iyadoo ka jawaabaysa dareenkaa
madaxweynaha waxay olole ka
qaaday xaafadda Statehouse
oo dad danyar ahi dagan yihiin

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

oo muruq maala isla markaan


xashiish badan leh inay shirkadda
Telesom ka qayb qaadato uguna
deeqdo qalabkii Sidaasi waxaa
yidhi Maxamed Cabdi Darbo
M a d a x a
Xidhiidh
Dawladda
ee Shirkadda
Telesom Cali
Maxamed
Saalax (cajab)
oo isna ka
hadlay kaalinta
ay shirkadda
Te l e s o m
ku
lahayd
ololahan
nadaafada
Qaranka ayaa
sheegay in shirkadda Telesom
ay olole nadaafadeed ka fulisay

xaafada State House oo u baahnayd


in aad looga shaqeeyo. Muddane
Cajab ayaa u mahadnaqay
dhamaan dadka ka qayb-qaatay
ololahan nadaafada ee dalka.
Guddidda
Haweenka
ee
xaafadda State House-ka ayaa
si weyn uga mahad-celiyey
shirkadda Telesom qalabka ay ku
caawisay ee lagu nadeefinaayo.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Telesom oo Qalab Koombuyutaro ah Ugu Deeqday


Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

argeysa - (Telesom01.04.2015) - Shirkadda


Isgaadhsiinta
Casriga
ah
ee
Telesom
ayaa ugu deeqday Ururka
Suxufiyiinta Somaliland SOLJA
qalabka koombuyuutaro ah

oo
dhamaystiran.
Qalabkan
ayaa
ka
koobnaa
toban
koombutar oo ay la socdaan
miisaskoodii iyo kuraastoodo.

SOLJA Maxamud Cabdi Jaamac


(Xuuto), Xidhiidhiya warbaahinta
Shirkadda
Telesom
Yaasiin
Nuur Mooge iyo madaxa
Warbaahinta Telesom Maxamed
Ibraahin uu shirkadda Telesom
uga wakiil ahaa gudoonsiinta
qalabka
ururka
SOLJA.

Qalabkan waxaa si rasmi ugu


wareejiyey
gudoomiyaha

Telesom oo Maal-galisay Tartanka Quraanka


Kariimka ee Telafishanka Universal

argeysa
(Telesom23.03.2015) - Shirkadda
Isgaadhsiinta Casriga ah
ee TELESOM ayaa ka qayb
qaadatay
maal-galinta
tartanka
Quraanka kariimka ah oo ka socda
Telafishanka Caalamiga ah ee
UNIVERSAL. Tartankan oo ay ka
qayb galeen dhalinyaro ka socday
madarasadaha magaalada Hargeysa.
Tartankan ayaa todobaadkii laba
maalmood lagu qabtaan xarunta
Telafishanka Caalamiga ah ee
UNIVERSAL waxaana iska kaashada
Talafishka
Universal,
Shirkadda
Telesom iyo Wasaaradda Diinta iyo
Awqaafta Somaliland.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

23

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Hayadda Geeska Afrika oo Dadweynaha Degmooyinka


Magaalada Hargeysa u Qaybisay Sakadda Shirkadda Telesom

argeysa
(Telesom-09.04.2015)
Hayadda Geeska Afrika
ayaa u qaybisay 605
danyar ah oo ka soo kala jeeda
shanta degmo ee caasimadda
H a r g e y s a
ka
kooban
tahay lacagta
Sakadda
ah
ee
shirkadda
Telesom
ay
sanadkii dadka
danyarta
dib
ugu
celiso.

Darbo, Gudoomiyaha Hayadda


Geeska Afrika ee Sh. Maxamed
Cali Geedi iyo masuuliyiin kale.
Gudoomiyaha Hayadda Geeska
Afrika ee Sh. Maxamed Cali Geedi

Munasibadan
lacagta
lagu

gudoonsiinaayey dadka danyarta


ah ayaa ka dhacday dusiga
Xamdaan ee magaalada Hargeysa.
Waxaana ka soo qayb-galay madaxa
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee
shirkadda Telesom Maxamed Cabdi

24

ayaa sheegay in Haydda Geeska


Afrika ay lacagta sakadda ee
shirkadda TELESOM ay gudoonsiin
605 qof oo dan yar ah kuwaasi
oo iskugu jira dumar caruur
agoona haysta iyo rag waayeel
iyo dhalinyaro ah oo dan yar ah.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa


shirkadda Telesom uga mahadceliyeday lacagtan sakadda ah ee
ay ugu deeqday dadka danyarta ah.
Dhanka

kale
waxaa
isagua
madasha ka hadlay
Madaxa
Xidhiidhka
dadweynaha
ee
shirkadda
Teleosm
Md. Maxamed Cabdi
darbo waxaanu si
kooban uga hadlay
kaalinta
shirkadda
Telesom ka ciyaarto
horumarka dalka iyo
taakulaynta
dadka
danyarta ah. Waxaa
uu xusay in shirkadda
TELESOM
ay
ka
caawiso dadka iyo
dalka
dhinacyadda
waxbarashadda,
caafimaadka,
dhismaha
wadooyinka,
dhismaha
Jaamacada iyo barnaamijyadda
danta guud ah ee bulshadda
iyo dawladdu ay shirkadda
sida gaarka ah uga codsadaan.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigkarka?


Waxaa
maanta
adduunku
isku
raacsan
yahay
in
xanuunka
Dhiigkarku
13% ku dhaco
hooyooyinka
uurka leh taasi
oo
xaaladeedaa
caafimaad ku keeni Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axdar
karta halis ama
dhimasho ama ilmaha uurka ku jira oo koriinkiisu
gaabiyo ama uurka ku bakhtiya. Lama yaqaano
sababa keena in hooyooyinka badhna uu ku dhaco
badhna aanu ku dhicin. Waxaase la tilmaama in
ilmaha uu dheecaano sii daayo kuwaasi oo bedela
habsami u shaqaynta jidhka hooyada gaar ahaan
wadnaha iyo xididada dhiiga kuwaas oo ay ku
timaado iney cidhiidhi geliyaan ama ay yareyaan
dhiigi marayaayey dabadeeda ay timaado
calaamadaha ama xanuuno ku yimaado xubno
kala duwan oo jidhka ah.
Si loola socdo iney khatartani timaado waxaa
muhiima hooyo kastoo uur leh in la cabiro heerka
uu taagan yahay isla marka la xaqiijiyo inuu
uur jiro. Hooyooyinka aan hore u lahaan jirin
dhiigkarka waxaa uu bilaabma kala badh uurka oo
ah 20 week halka ay muddada uurku ku dhamaado
40 todobaatanaad.

3. Kaadida oo haddii la baadho ay protein la socdo.

Haddii xalaada hooyada lala socdo la xakameeyo


waxay sahashaa in xanuunka laga badbaadiyo
khatarihii ku iman lahaa.

Haddiise taasi ay dhici weydo waxay keentaa


in xaaladu kasii darto 5 calaamadoodna ay soo
ifbaxaan.
1. Madax xanuun daran oo hooyada yeelato oo
kiniinada madax xanuunka lagu daweeya aanay
waxba ka tarin.
2. Indhaha ama araga oo daciifa ama hooyadu
waxna arki weydo.
3. Labxada oo xanuunta

4. Kalyaha oo istaaga iyo kaadida oo lawaayo.


5. Yalaalugo iyo matag badan.

Xaaladaasi waxaa la yidhaahda xaalada dhiigkarka


khatarta ah haddii aan talaabooyin oo degdeg ah
xaalada dhiiga hoos loo dhigayana aan la qaadin
waxay keeni karta in hooyada ay gariir yeelato
ama xiskeeda oo luma waxaanay u baahan tahay
maarayn degdega.
Maareeynta degdega ah ee dhiigkarka.

Xubnaha ay dhibaatadu ku timaado waxaa ka mida

1. Maskaxda oo uu ku yimaado faalik (Stroke)


kaasi oo keeni kara inay kala dhantaalanto
laxaadkii hooyada
2. Indhaha oo daciifa ama indho beel
3. Beer xanuun iyo calool xanuun.

4. Kelyo Xanuun iyo kaadida oo la waayo.


5. Wadno xanuun iyo laabta oo cuslaata.

Calaamada lagu garan karo waxaa ka mida ee


marka ugu horeysa ay hooyadu dareento:
1. Barar jidhkoo dhanna
lugaha.

aadna uga muuqda

2. Haddii la cabiro dhiiga oo ka sarreeya 140/90


haddii aanay hooyadu dhiigkar u lahayn.
Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

1. Haddii heerka dhiigkarku uu yar yahay


ama meel dhexaad yahay waxaa ku filan in
xaaladeeda lala socdo iyadoo la sameynayo
Cabiraad joogto ah.
2. Haddii ay xaaladu aad u adag tahay waxaa
xalku yahay in ilmaha sida ugu dhakhso badan
looga umuliyo ee suurtogalka inuu dhiigkarka
sareeyaa dego ama yaraado waxay ku xidhan
tahay in lmaha ka soo baxo uurka hooyada.

3. Waana in hooyada ay muddo 6-8 saacadood ah


lagu dhameeyo in ay hooyadaasi dhasho.

4. ka dib markay hooyadu dhasho waxay weli halis


ku sii jirtaa xaalad khatar ah 48 saacadood oo
loo baahan yahay in cusbitaalka lagu sii hayo.
5. Muddadaa ka bacdina waa iney weli sii
qaadataa dawadii dhiigkarka ilaa inta xaalada
ku soo noqoneyso halkeedii.

Jan - April 2015

25

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Abwaan: Axmed Awgeeddi


Ammin-khayrtii ayaan dhaayaha furay
waxaan hoohaamiyey qorraxdii oo hal
fadhigeed dhulka ka goday ood moodo
gaari indho-kuulatay, cabbaar baan ku
dhaygayay saa qorraxdiiba maahee
waa Hiddo-san oo muusooneysa!
Cagahaan boorimeystey, waxaan ku
tibadey kobtey iiga gacan haadisay,
mase helin! Bogox baan u jeestey
mise waa gabadhii oo bil noqotey oo
hoggeedii madaxa la gashay, saw talo
igagama ururin inaan baadi-goobo oo
buuraha dhaadheer dhaladooda koro!!
Talaa la haloosiyaa
Hanaayaa la hojiyaa
Haraa lagu oon baxaa
Hoobaan baa laga dhergaa
Horweyn baa lagu tabcaa
Hantaa weel loo cushaa
Sengaa lagu hawl galaa
Hootaa lagu aarsadaa
Hor-fule waa lagu hirtaa
Hilbaa aqal lagu ridhaa
Hurgumo waa loo dhintaa
Hirwaa gaaf loo tumaa
Hubsiimo halbay jartaa
Hoo iyo deeq baa macaan
Markay hor illaahay tahay
Haween iyo geel dirkaba
Hiddaa lagu soo xushaa
Adduunyadu waa hillaac
Hadhkaa labadiisa gelin
Hashii gelgelmaysatiyo
Habeen iyo waa dharaar
Waayuhu ways daba hayaan
Naftana hammi baa ku ladhan
Jacaylkuna waa hawoo
Marbuu kugu hoorayaa
Haamaha cishqigeen gudhayn
Dharaarba ninbay habaan
Siduu boodheri u helay
Ayuu anna ii hayaa

26

Hiddo
Sidii hayinkuu i raray
Hoggaan buu ii tidcaday
Hayaan buu ii lalabay
Heeryuu igu qaaday culus
Sidii heemaasha lalay
Sidii habasta u gabaday
Sidii fulaha u habraday
Sidii geesiga hammiyey
Sidii heeraa cartamay
Sidii hunufaa gurxamay
Sidii heeshiga bulxamay
Sidii mawjadaha hirdamay
Hoobaan baan jirinayaa
Indhuhu laacay hayaan
Midhaha heegada ku yaal
Ayaan u halaan halaa
Inaan duulaa habboon
Daaloo hamashawdayoo
Intuu mayey soo hirdiyey
Hanjalas googoosa iyo
Daruuruhu hoganayaan
Cadceed haaneeday iyo
Libdhay gacan haadisoo
Hummaageedaan arkaa
Haddana way dhuumataa
Hareerteydey fadhiday
Haddana way iga maqneyd
Hadalkay iga gurtaa
Jawaabteedana ma helo
Hadhkeedaan fiiriyaa
Bidhaanteedana ma hedo
Hadhuubay ila dhantaa
Rugtana soomay hadhgelin
Horteydey taagan tahay
Indhuhu kuma hawl-baxaan
Haloosey ila wadaa
Hawraarsana lagama helo
Heshiis baa noo xidhnaa
Haddana himiladi ma fulin
Hilbiyo gacal baanu nahay
Misana waan kala hulleeley
Hiraabtay ila faqdaa
Hiirtii bay iga gudaa
Danteyday hoga tustaa
Hormood bay ii ahayd
Guushay ila haybisaa
Hiyiga waan kala socdaa
Dushaasaan kala hayaa
Riyaan kala haadiyaa
Cidlaan ka halaan-halaa
Hillaacaa biliglahiyo
Habkii gaaraa bidhaanka
Ayey hadba meel ka baaqday
Maqaar bay i horsidaaye
Talaabaan daba hashleeyey.
Inaan helo waan jecla

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Hayeeshee hubanti maaha


Haddaan hiddo-samo bilcamo
Hurdada waan bogan lahaa.
Daauusoow halalacdaada
Markaad heegada mushaaxdo
Indhuhu way kugu haftaane
Maruun maad soo hilowdid
Waxaan harareemayaa
Amaba aan iga hadheyn
Bishaan hoomaayayee
Hagaag anigoon u bogan
Hogeedii iga daf tidhi
Habeenkaa iga qarshaye
Buurtii Harawiyo Gurays
Haddaan Himalaayo koro
Malaa waan heli lahaa
Waxaan la hudeecayaa
Kalgacal ay igu habtoo
Cishqaan la hidhaan hidhaa
Hingaar lama naawilee
Hanaankeediyo hubqaadka
Gashaantidan heemanaysa
Markaan helmiyeen hubsaday
Anaa soo haabo idhi
Maxaa helay heego qurux
Hibaaq sawtaan ku idhi
Habdhabo oo hawl ha sheegan
Illeyn gorgor haad ka weyn
Hareerina geed ka dheer
Gamaan kala heenso wacan
Haldhaa kacay baan qarsoomin
Haddaan asaraar la haynin
Horyaal weeyaan Gobaad
Salaan hambalyaan u diray
Hiddiyo waa gabadh qoxdiiya
Falaadkii hooyadeed
Jidkii bay haysataa
Huluulaha kuma caweyso
Habeen-qurux kuma habsaanto
Hugii dhaqankaw xideysan
Hagoog bay caan ku tahay
Magaan iyo hooto maaha
Haraayuubaan nirguhu
Hadduu aflahaar holodo
Haraatida way taqaan.
Marbaan sida haatufkii
Daruuraha halabsadaa
Marbaan hindisaha tagaa
Hulkii dayaxiyo mariikh
Marbaan hudiyaa badweyn
Marbaan hoonbaro dirtaa
Marbaan haada u faraa
Inaanaan kala hadhayen

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

san
Marbaan halo iga maqnaa
Ka doonaa hawd guntii
Marbaan geel soo horaa
Uqaadaa hees walwaal
Marbaan hoobali bilaash
Hirwiyo dhaanto u tumaa
Marbaan haasaawiyaa
Hanaankey gobi lahayd
Shaxdiyo hindisaha degnaa
Illey hawo beenahiyo
Marbaan hinjiyaa aroos
Halqigu ii soo shiraa
Marbaan ku hawaawiyaa
Inaan telefoon ku heley
Marbaan hoosaha magaalo
Ka badhaa dul iyo hoos
Marbaan reer soo hayaamay
Wareystaa hiimse hiimse
Marbaan bahalaha hunduda
Dhammaantood habar dugaag
Marbaan heel kula shiraa
Marbaan harimacad boqraa
Marbaan hoy daya idhaa
Haddaad hebla soo heshaan
Halbaan qalayaa dubaaxa
Halawdaye meedey Haybis
Halkay jirto way ogyiine
Dadkaan ii hagar baxayn.
Darbaa igu yidhi haddeyn
Dedaal waa lagu hodmaaye
Darbaa igu yidhi hidiid
Inay habratana u dhawe
Darbaa igu yidhi hafsii
Haween waa dhabar garaace
Darbaa i yidhi lama huraan
Hotmaylada kala xidhiidh
Darbaa igu yidhii ka hoyo
Ma hayside hays haleyn
Darbaa yidhi hays hawirin
Hankaagaa buur koraye
Darbaa yidhi lama hadree
Ka toos hurdo yoomal kahaf
Darbaa yidhi kuma habanid
Wadaadoow hoodo-badan
Darbaa yidhi hadal nacoo
Waxaad maal hidin kartiyo
Aduun iyo halabo keen
Darbaa igu yidhi ku hiil
Midii hoos uga yarayd
Habaar waa debed ku idhi.
Habluhu way badan yihiine
Tolow inantaan holodo
Maxaa loo hadal hayaa
Darteed qaar baa hengelen

Darbuu habayaa wadnuhu


Darbaa hononoay saq dhexe
Darbaa hoorsaday gacmaha
Darbaa hililiqey ilmada
Darbaa hanaq goay jarmaad
Darbaa halabsaday fardaha
Dabaa u habsoobay ciil
Darbaa hindiwaasayoo
Darbaa habarwacasho yimi
Darbaa halacsaday bidhaan
Darbaa hadrayoo dhadhabay
Naftooda darbaa hawirey
Darbaa haahida sunsumay
Darbaa hoohlaha dhunbahay
Hadeyti darbaa dhanqalan

Hacoo bay ii qabaane


Marbaan heegmaa difaac
Marbaan hootada rogtaa
Marbaan hankakoobsadaa
Mageyno raga igu haysta
Marbaan hadateediyaa
Marbaan haansaab idhaa
Marbaan huudha u qoraa.
Hibatiyo uur-guluuluc
Hinfaadhay kugu dilaan
Hilaab oy waxa lahaa
Ninkii libin laga hayaa
Hanuun waa laga qarshaa
Ninkii hilin waaq ka luma
Malaa hadimooy nin falay
Hoobaaq kama baaqsan karo
Hagaas baan moodey faras
Hayeys baan moodey roob
Haadaan baan moodey daw
Hawaan dabaq moodey dheer
Halaanjaan moodey warac
Gabnana maxaan moodey horey
Illeyn dhalanteedku hogol
Humaaguu uga egyahay
Sidee baan hagal abaar
Hirdoogleh u moodayaa
Wixii mar la halacsadaa
Hubsiimo u baahanaa
Waxaan halka uga socdaa
Raggii ii hiilin laa
Ayaa igu gabay halkooda
Badhbey hoosaasinaaya
Badhbaa i habaabinaaya
Badhbaa haaheey igu saba
Badhbaan ila hayn wadaanta
Badhbaa hagarbiga iska jecel

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

Badhbaa i hal gaadayoo


Hinaase badhbaa ku maqan
Haweenba midaan suntaday
Badhbaa heensaha u xidhan
Badhbaa hindisahaba moog
Ciyaayir inaan u heesay
Badhbaa huuhaa u qaba
Halyeeyadii ila safnaa
Hoheey saaxiibaday
Sidee baan ugu hungoobay!
Darbaa xididkood hagrada
Darbaa hiifoo dagaala
Huroow gabadhay qabaane
Haddii hibo lay nikaaxo
Hilaan furi laa amaana
Xariir baan huwin lahaa
Haleeley maali leyd
Hansaan ka ilaalin laa
Hadh-qoodaarkiyo duleedka
Ayey hooshaari leyd
Habkii wiil curad sidii
Haboo soo daadah baro
Ha dhicin baan odhan lahaa
Naftaan u hibeyn lahaa
Xajkaan u hawalin lahaa
Hafriin iyo harag shabeel
Huf iyo been kuma qabeen
Qalbiga may ka halwateen
Hinaasana may dudeen
Hanfade waa xilo bilaale
Huudh iyo qaariyo budh weyn
Hangoolada lama dhaceen
Huq iyo ciil lama derseen
Asaageed kama hadheen
Cadaawana muu holeen
Haydaarana may qabteen
Wadeecana may hesheen
Holoobana muu jireen
Warkaba aan kala hufee
Wuxuu ku hakaday goaan
Hadday hanadadi janteen
Amaba lagu wada hirdamay
Bilaash baa loo huqdaye
Hoobaan waa gumaradey
Haddeer iyo shalay haddaa
Illaa meeshiyo habtii
Intaan haabiilba dhiman
Caynaanka anoow hayoo
Foolaad mugga waan hantiyi
Hibada eebaa baxshee
Ninkii hungureynayoow
Hannee lama jaariyee.

27

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

TECHNOLOGY-YADA IYO
XAWAALADA CASRIGA AH
(Adeegga ZAAD Ee Shirkadda Telesom Iyo Kaalintiisa Xawaaladda Dibadda)

Qore: Cabdisamad Xasan Hirad


Daraasad uu sameeyey Baanka
Aduunku ayaa waxay hoosta ka
xariiqday mugga xawaaladda
bulshada aduunka iyagoo ku
qiyaasay 582 billion inay gaadhay
sanadkii 2014. Bulshooyin-ka
lacagta ugu badan isu diraa
waxa ka mida Afrikaanka ka
shaqaysta wadamada horumaray
oo soomalidu qayb muhiima ka
tahay.
Hadaba, qaabka ay dadku
lacagta isugu gudbiyaan oo ah
qaabkii hore
traditional
ayaa waxaa
in
badan
laga fakaray
sidee
ugu
fudud ugu
dhakhso
b a d a n
u g u n a
aaminsan ee
lacagta loo
gaadhsiin
k a r a a
macmiilkii
l a h a a

(Beneficiary)?
Suaashaas in la iswaydiiyo waxa
qayb muhiima ka qaadatay
Technology-ga casriga ah ee
maanta aduunku haysto iyadoo
kolba loo isticmaalo baahida
taagan ee muhiimka ah oo
ay ka mid tahay adeegyada
lacag isu-dirista maadaama
xawaalada traditional-ka ah
dadka dhib badani ka haysatay
dhanka u doonashada meel ka

28

fog oo lacagtii loo soo diray ay


u doontaan, kuyuu dheer oo ay
galaan iyo wakhti badan oo kaga
luma.
Hadaba, dalkeena waxa ka hana
qaaday adeegyada dunida soo
koraysaa sida wayn ugu nasatay
dhinacyada dhaqaalaha oo loo
yaqaano ZAAD Services kaas
oo casriyeeyay qaabka ehelka
isjeceli ay isugu diri karaan
lacagta
xawaalada
dibada.
Adeegga ZAAD ee Xawaaladda
dibaddu waa nidaam casri ah oo
lacagta xawaaladaadu ay kuugu

imanayso goobkasta oo aad ku


sugan tahay iyadoo kuugu soo
dhacaysa MOBILE kaaga.
Hadaba macmiil ka faaiidayso
oo hadii aanad ZAAD lahayn furo
hadii aad leedahayna u sheeg
ehelkaaga dibada in kuyuugii
laga raystay oo Mobile ka lagu soo
diri karo lacagta laguu soo dirayo
arintan waxay xataa faaiido
u tahay dadka dibada jooga
oo lacagta markay dirayaan

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

ka warwar laaanaya oo si ay
hubaan u gaadhaysa ehelkoodii
ay u wadeen lacagta sidoo kale
waxaa jira shuraakooyin ku
shaqaysta nidaamkan oo ay ka
mid yihiin xawaaladaha TAAJ
Express, TAWAKAL, World Remit
iyo BAKAAL.
Sidoo kale waxaad Mobile-kaaga
ka diri kartaa lacag xawaaladeed
oo dalka iyo dibadaba ah adigoo
isticmaalaya
adeega
ZAAD
waxay faaiido u tahay dhamaan
waalidiinta ardayda lacagta u
dira oo muddo badan ay qaadato
inay gaadho
ardaygii iyo
ganacsatada
wadamada
dibada wax
ka
iibsada
dhamaan
shaqadan
w a x a a d
qabsanaysaa
a d i g o o
gurigaaga
i
y
o
xafiiskaaga
jooga marka
Z A A D kaaga lacagi
kuugu jirto
adeegani
w u x u u
amaan ka yahay khatar kasta
oo lacageed maadaama qofka
lacagtu ku soo dhacayso aqoon
fiican loo leeyahay maadaama
uu ZAAD leeyahay.

Jan - April 2015

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

Tababaradda Shaqaalaha Shirkadda


Telesom La siiyey

afiiska Shaqadda iyo Shaqaalaha


oo heegan ugu jira kor u
qaadidda aqoonta shaqaalaha
ayaa tababaro kala duwan siiyey
54 shaqaale ah. Tababaraddan oo ahaa
shan tababar waxaana la bixiyey intii u
dhexaysay bishii January ilaa April 2015.
Qaybahan hoose waxaanu ku soo
qaadan doonaa tababar kasta oo la
siiyey shaqaalaha kala duwan iyo nooca
tababaradda la siiyey waxaana ka mid ah
tababaran:
1. Tababarka CISCO
Tababarkan waxaa loo qabtay shaqaale
ka tirsan xarumaha Boorama iyo Burco;
gaar ahaan qaybaha IT-ga. Tababarkani
waxaa uu socday ilaa 10 maalmood
waxaana la soo gabageeyey 11 February
2015 waxaana lagu qaatay Duruus ay
ka mid yihiin: Sida looga shaqaysiiyo
qalabka CISCO, Sida loo rakibo, Sidaa loo
cilad saaro loona dayactiro.
2. Tababarka Xadhkaha Laydhka iyo
Landline-ka
Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka
tirsan Waaxda Landline-ka. Tababarku
waxa uu socday muddo 5 maalmood.
Waxaana ka qayb
galay
shaqaale
tiradoodu
dhan
tahay 7 shaqaale
ah.
Tababarkan
waxa lagu qaatay
casharo la xidhiidha
Horumarinta
Xadhkaha landlineka sida: Xadhka
Landline la iskugu
xidhxidho
si
heersare ah iyadoo
la adeegsanaayo
qalab cusub waxaa
sidoo kale lagu tababaray shaqaalahan
qalab casri ah oo lagu ogaanayo halka uu
ka ciladaysan yahay Xadhiga Landline-ka.

Xidhiidhka
Dadwenaha,
Xidhiidhka
Caalamiga ah, Internet-ka & Horumarinta
Ganacsiga. Tababarku waxa uu socday
muddo saddex maalmood ah waxaana
la soo gabogabeeyey 11 February 2015.
Tababarkan waxaana ka qayb galay
shaqaale tiradoodu dhan tahay 19
shaqaale ah. Waxaa lagu qaatay duruus
la xidhiidha Aragtidda Hogaaminta,
Maamulka iyo Hogaaminta, Astaamaha
Hogaaminta toosan iyo noocyadda
Hogaaminta.
4. Barnaamijka Lagu Sameeyo Odoraska
(SPSS):
Tababarkan waxa lagu qabtay xarunta
Hargeysa waxa ka
qayb galey shaqaale
tiradoodu
dhan
tahay 27 Xubnood
oo
dhammaantood
ka
tirsan
xarunta
Hargiesa. Tababarkani
waxa uu soconayaa
mudo
todoba
maalmood waxaanu
bilaabmay 31 March,
2015 ilaa 07 April
2015. Waxaana ka qayb qaatay Shaqaal
ka socday Waaxaha kala ah Xidhiidhka

Dadweynaha,
Suuq-gaynta,
Iibka,
Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda iyo
Shaqaalaha,
Xidhiidhka
Caalamiga
ah, C/W, Sahaysiinta iyo Horumarinta
Ganacsiga.
5. Qaababka Ugu Wanaagsan ee Wax Loo
Suuq-geeyo iyo Isbadaladda Maamaulka
Tababarkan
waxa
lagu
qabtay
xarunta Hargeysa waxa ka qayb galey
shaqaale tiradoodu dhan tahay 23
Xubnood oo dhammaantood ka tirsan
maamulayaasha
xarunta Hargeysa.
Tababarkani waxa uu soconayaa mudo
laba maalmood (17 March 2015 ilaa
18 March 2015). Waaxaha kala ah

Xidhiidhka Dadweynaha, Suuq-gaynta,


vvIibka, Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda
iyo Shaqaalaha, Xidhiidhka Caalamiga
ah, C/W, Sahaysiinta, Ilaaladda, Internetka, Hanti-dhawrka, Landline-ka, TNI iyo
Horumarinta Ganacsiga.

3. Tababakra Hogaaminta
Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka
tirsan Waaxaha Sahaysiinta , Shaqadda
iyo Shaqaalaha, Xisaabaadka,
TNI,
C/W, Iibka, ZAAD-ka, Suuqgaynta iyo

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

29

Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

BARO MID KA MID AH SHAQAALAHA TELESOM

eeq Cabdisamad Xasan Waaberi waa


mid ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee
xarunta Telesom Boorama. Md. Deeq
waa madaxa Iibgaynta iyo ZAAD ee
xarunta shirkadda Telesom ku leedahay magaalada
madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

Waxbarashadda
Sh. Deeq Cabdisamad
waxaa uu Degree kowaad
ka qaatay Shareecadda
Islaamka Jaamacad ku
taalo magaalo madaxda
Pakistaan ee Islamabad
sanaddii 2002. Sidoo kale
Deeq waxaa uu Degree
culuunta Koombuyuurta ka
qaatay Jaamacadda Eelo
ee magaalada Boorama
waxaanu ka qalin-jabiyey
sanaddii 2011. Sh. Deeq Cabdisamad waxaa uu
sidoo kale Postgraduate Qorshaynta iyo maamulida
mashaariicda ka qaatay Jaamacadda Camuuud.

Shaqadda

30

Sh. Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waxaa intii


u dhaxaysay 1985 ilaa 1999-kii ka soo shaqeeyey
ganacsiyo kala gadisan oo isku jiray meherado uu
lahaa iyo kuwo uu shaqaale ka ahaa. Sh. Deeq
waxaa uu shirkadda Telesom ku soo biiray 2002-dii
waxaanu noqday Lacag haye iyo
Lacag uruuriye.
2005-tii waxaa uu madax qaybeed
ka noqday GSM-ka xarunta
Boorama. 2009-kii waxaa loo
magacaabay khasnajiga guud ee
xarunta Boorama. Sanaddii 2012kii ilaa hadda waxaa uu yahay
Madaxa Iibka iyo ZAAD-ka ee
xarunta Boorama.
Sh. Deeq Cabdisamad Xasan
Waaberi waa shakhsi dadaal iyo
daacanimo badan, sidoo kale waa
shaqsi hawl-karino leh, sidaasi daraadeed waxaa
u sanaddii 2011 ku guulaystay shaqaalaha ugu
wax qabadka badan xarunta shirkadda Telesom ku
leedahay magaalada Boorama, waxaan Sh. Deeq
Cabdisamad Xasan Waaberi la gudoonsiiyey shahaado
sharafta shirkaddu ku maamuusto shaqaalaha ugu
dadaalka badan shirkadda.

Telesom Newsletter | Issue 22-aad |

Jan - April 2015

You might also like