You are on page 1of 10

Qaabka ugu fudud

Ee qur'aanka loo xifdiyo

DR, Cabdul Muxsin Al-Qaasim


Imaamka masjidka Nebiga.

W\T: Maxamed Ibraahim

1
.Qaabka ugu fudud ee Qur'aanka lagu xifdiyi karo
Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh, Nabad gelyo iyo
naxariisina korkiisa ha ahaato nebigeennii Muxammad scw,
:iyo ehelkii iyo asxaabtiisii oo dhan. Intaa ka dib
Qur'aanka oo la xifdiyaa waa hanti qaaliya oo ay u kala
dheereeyaan dadka hanka leh ee dedaalaa, waayo waa
hadalkii Allaah SW, ee u ergeynayay maalinta qiyaame qofka
.la saaxiiba
Qur'aanka siyaabo kala duwan ayaa loo xifdiyaa ama loo
qaybaa, waxa aynu halkan ku soo bandhigaynaa qaah cajiiba
oo aad u fudud, ciddii raacdanaana ay si fudud qur'aanka u
dhamaynayso, qur'aankuna uu qalbigiisa degayo
.
Haddaba qaabkan fudud ee aad qur'aanka ku qaybi karto
waxa aynu ku tusaalaynaynaa suuradda Al-jumucah.
Tallaabooyinkan soo socda ayaad mari oo aad u qaybi
doontaa halkii bog ee kastaba.

1: Aayadda kowaad ku celceli (20 jeer) oo dusha aad ka


akhriyayso. ۡ ۡ ۡ ِ ۡ ۡ ۡ
‫ﱡوس ٱﻟ َﻌ ِﺰﻳ ِﺰ ٱﳊَﻜِ ِﻴﻢ‬ ِ ‫ض ٱﻟﻤﻠ‬ ِ ‫ﻳﺴﺒِﺢ ِﱠِ ﻣﺎ ِﰲ ٱﻟ ﱠ‬
ِ ‫ﻚ ٱﻟ ُﻘﺪ‬ َ ِ ‫ﺴ َٰﻤ َﻮٰت َوَﻣﺎ ِﰲ ٱﻷَر‬ َ ُ َّ ُ
1: Aayadda
ۡ labaadna ku celceli (20 jeer) oo korka ah.
‫ﺐ‬ ٰ
‫ﺘ‬ ِ
‫ﻜ‬ ‫ٱﻟ‬ ‫ﻢ‬ ‫ﻬ‬‫ﻤ‬ِ
‫ﻠ‬
ّ ‫ﻌ‬‫ـ‬ ‫ﻳ‬‫و‬ ‫ﻢ‬ۡ ‫ﻫﻮ ٱﻟﱠ ِﺬي ﺑـﻌﺚ ِﰲ ۡٱﻷ ُِۧﻣﻴِﻦ رﺳﻮﻻ ِﻣ ۡﻨـﻬ ۡﻢ ﻳـ ۡﺘـﻠُﻮا ﻋﻠ َۡﻴ ِﻬ ۡﻢ ءاﻳٰﺘِﻪِۦ وﻳـﺰﻛِﻴ ِﻬ‬
َ َ ُ ُ ُ َ ُ َ َّ ُ َ َ َ َ ْ َ ُ ّ ُ َ َ ّّ
ۡ ۡ
َ ََ َُ
ٰ ِ ۡ ِ ِ
.‫ﺿﻠَﻞ ﱡﻣﺒِﲔ‬ َ ‫َوٱﳊﻜ َﻤﺔَ َوإِن َﻛﺎﻧُﻮاْ ﻣﻦ ﻗَـﺒ ُﻞ ﻟَﻔﻲ‬

2
‫‪3: Aayadda saddexaadna (20 ۡmar)oo‬‬ ‫‪ۡ korka‬‬ ‫‪ah.‬‬
‫ۡ‬
‫ِ‬ ‫ِِ ۡۚ‬ ‫وءاﺧ ِﺮ ِ ۡ ۡ‬
‫ﻴﻢ ‪.‬‬ ‫ﻜ‬ ‫ٱﳊ‬ ‫ﻳﺰ‬‫ِ‬
‫ﺰ‬
‫َ َُ َ ُ َ ُ‬‫ﻌ‬‫ٱﻟ‬ ‫ﻮ‬‫ﻫ‬‫و‬ ‫ﻢ‬ ‫ا‬
‫ْ‬‫ﻮ‬‫ﻘ‬‫ُ‬ ‫ﺤ‬
‫ﻳﻦ ﻣﻨـ ُﻬﻢ ﻟَ ﱠﻤﺎ ﻳَـ َ‬
‫ﻠ‬ ‫ََ َ َ‬

‫‪.4: Aayadda afraadna (20 jeer) oo korka ah‬‬


‫ۡ ۡ ۡ‬ ‫ۚ‬ ‫ۡ‬ ‫ۡ‬
‫ﺸﺎٓءُ َوٱ ﱠُ ذُو ٱﻟ َﻔﻀ ِﻞ ٱﻟ َﻌ ِﻈﻴ ِﻢ ‪.‬‬
‫ذﻟﻚ ﺿ ُﻞ ٱ ﱠِ ﻳـُﺆﺗِ ِﻴﻪ َﻣﻦ ﻳَ َ‬

‫‪5: ka dib afartaa aayadood ayaad isku xidhaysaa, 20 jeer‬‬


‫>‪ayaanad korka ka akhriyaysaa‬‬

‫‪6: Aayadda‬‬ ‫‪ۡ 5aad‬‬ ‫‪ku celceli (20 jeer) oo korka ah‬‬
‫ِ‬ ‫ِ‬ ‫ۡ‬ ‫ِۡ ِ ۡ ِ ۡ ۢ ۚ ِ ۡ‬ ‫ۡ ۡ‬ ‫ۡ‬ ‫ﻣﺜَﻞ ٱﻟﱠ ِﺬﻳﻦ ُِ‬
‫ﻳﻦ‬ ‫ﱠ‬
‫ﺲ َﻣﺜَ ُﻞ ٱﻟ َﻘﻮم ٱﻟﺬ َ‬
‫ﺎرا ﺑﺌ َ‬ ‫ﲪّﻠُﻮاْ ٱﻟﺘـﱠﻮَرﯨٰﺔَ ﰒُﱠ َﱂ َﳛ ِﻤﻠ َ‬
‫ُﻮﻫﺎ َﻛ َﻤﺜَ ِﻞ ٱﳊ َﻤﺎر َﳛﻤ ُﻞ أَﺳ َﻔ َ‬ ‫َ ُ َ‬
‫ِ‬ ‫ٰ‬ ‫ۡ‬ ‫ِۡ ۡ‬ ‫َﻛ ﱠﺬﺑﻮاْ َٔﺑِﺎﻳ ِ ِۚ‬
‫ﲔ‪.‬‬ ‫ِ‬
‫ٰﺖ ٱ ﱠ َوٱ ﱠُ َﻻ ﻳَـﻬﺪي ٱﻟ َﻘﻮ َم ٱﻟﻈﱠﻠﻤ َ‬ ‫ُ َ‬

‫‪7: Aayaddaۡ 6aad ku celceli (20 jeer) oo korka ah‬‬


‫ت إِن ُﻛﻨﺘُ ۡﻢ‬ ‫ۡ‬ ‫ﺎدٓواْ إِن َز َﻋ ۡﻤﺘُ ۡﻢ أَﻧﱠ ُﻜ ۡﻢ أ َۡوﻟِﻴﺎٓء ِﱠِ ِﻣﻦ ُد ِ‬ ‫ﱠِ‬ ‫ۡ‬
‫ﱠﻮاْ ٱﻟ َﻤﻮ َ‬ ‫ون ٱﻟﻨ ِ‬
‫ﱠﺎس ﻓَـﺘَ َﻤﻨـ ُ‬ ‫َُ‬ ‫ﻗُﻞ ََٰٓﻳـﱡ َﻬﺎ ٱﻟﺬ َ‬
‫ﻳﻦ َﻫ ُ‬
‫ﲔ‪.‬‬ ‫ٰ ِِ‬
‫ﺻﺪﻗ َ‬‫َ‬

‫‪8: Aayadda 7aad ku celceli (20 jeer) oo korka ah.‬‬


‫ﲔ‬ ‫ِ‬
‫ﻤ‬ ‫وَﻻ ﻳـﺘﻤﻨـ ۡﱠﻮﻧَٓﻪۥ أَﺑ َۢﺪا ِﲟَﺎ ﻗَﺪﱠﻣ ۡﺖ أ َۡﻳ ِﺪﻳ ِﻬ ۡۚﻢ وٱ ﱠ ﻋﻠِ ۢﻴﻢ ﺑِﭑﻟﻈٰﱠﻠِ‬
‫َ‬ ‫َ َُ ُ‬ ‫َ‬ ‫َ ََ َ ُ َ‬

‫ۡ ‪9: Aayadda 8aadۡ ku celceli (20 jeer) oo korka ah.‬‬


‫ۖ‬
‫ت ٱﻟﱠ ِﺬي ﺗَ ِﻔ ﱡﺮو َن ِﻣ ۡﻨﻪُ ﻓَِﺈﻧﱠﻪُۥ ُﻣ ٰﻠَ ِﻘﻴ ُﻜ ۡﻢ ﰒُﱠ ﺗُـ َﺮدﱡو َن إِ َ ٰﱃ َٰﻋﻠِ ِﻢ ٱﻟﻐَ ۡﻴ ِ‬
‫ﺐ َوٱﻟ ﱠﺸ َٰﻬ َﺪةِ ﻓَـﻴُـﻨَـﺒِّﺌُ ُﻜﻢ‬ ‫ۡ‬
‫ﻗُﻞ إِ ﱠن ٱﻟ َﻤﻮ َ‬
‫ۡ‬
‫ۡ‬
‫ِﲟَﺎ ُﻛﻨﺘُ ۡﻢ ﺗَـﻌ َﻤﻠُﻮ َن‪.‬‬

‫‪3‬‬
10: shanta aayadood ee dambe isku xidh oo 20 jeer korka
ka akhri

11: Mar kale bogga bilow illaa dhammaad isku soo xidh,
.20 jeer na korka ka akhri

Sidaa ayaad ku qaybaysaa bog kasta oo aad doonayso in


aad korka ka xifdidid.

Haddii aan doonayso in aan bog cusub qaybo berri,


maxaan samaynayaa?

Inta aanad bogga cusub bilaabin waxa aad 20 jeer korka


ka akhridaa boggii shalay, si uu maskaxda ugu fadhiisto
xifdigiisu, ka dib ayaad bilaabanaysaa bogga cusub adiga oo
maraya qaabkaa an soo sheegnay.

Sidee ayaan isugu wadaa qaybista bogga cusub iyo


ilaalinta qur'aankii hoose ee aan soo dhaafay?
Waxa aad ogaataa xifdigu waxa uu kuugu sugmayaa
marka aad qur'aanka hoose mar walba ilaalisid ee aad
muraajacaysid, haddii aanad dib u muraajacayn waxa aad is
arkaysaa adiga oo iska illaabay qur'aankii aad ku soo tacabtay
ee aad soo xifdiday.
Qaabka ugu fiicani waa in aad isku waddid hore u
socodka iyo ilaalinta qur'aanka hoose adiga oo samaynaya
qaabkan:
4
Saddex qaybood u qaybi qur'aanka, 10 kii jisba waa
qayb.
B: 10ka jis ee hoose oo ku eeg illaa dhamaadka suuradda
Cankabuut.

T: 10ka jis ee dhexe oo ku eeg illaa dhamaadka suuradda


Yuunus.

J: 10ka jis ee sare oo ku eeg illaa dhamaadka suuradda


Al-Baqrah.

2: Haddii aad maalin walba qaybtid bog ama laba bog oo


cusub, waa in aad qur'aankii hoosena muraajacaysaa afar bog
illaa inta aad 10 jis ka dhamaynayso.

3: Marka aad 10ka jis ee u horreeya dhamayso, waxa aad


iska joojisaa casharkii cusbaa muddo bil ah, waxa aanad
muraajacaynaysaa 10ka jis ee aad xifdiday, adiga oo maalin
walba 8 bog akhrinaya oo muraajaco ah.

4: Marka ay bishaasi dhamaato waxa aad sii wadataa


casharkaagii bog ama laba ka aad awooddid maalin walba ,
sidoo kale waxa aad maalin walba muraajacaysaa 8 bog oo
qur'aankii hoose ah.

5: Marka aad qaybtii labaad dhamaysid ee suuradda


Yuunus aad dhamaysid waxa aad joojinaysaa casharka muddo
5
laba bilood ah si aad u muraajacayso 20ka jis ee aad xifdiday,
maalin kasta 8 bog akhri.

6: Marka ay labada bilood dhamaadaan waxa aad sii


wadataa casharkaagii illaa aad ka dhamaynayso qur'aanka,
sidoo kale waxa aad muraajacaysaa qur'aankii hoose maalin
kasta 8 bog.

7: Marka aad qur'aanka dhamaysid waxa aad ka soo


bilaabaysaa muraajaco 10ka jis ee hoose muddo bil ah,
maalin kasta jis badhkii xifdi.

8: Waxa aad ku xigsiinaysaa 10ka dhexe maalin kasta jis


badhkii, sidoo kale 10kii hoosena 8 bog maalin walba ka
muraajacee, muddo bil ah.

9: Waxa aad ku sii xigsiinaysaa 10ka sare, maalin walba


jis badhkii, iyo hal jis oo 20kii hoose aad maalin kasta ka
muraajacaynayso.

Sidee ayaan qur'aanka oo dhan u muraajeceeyaa


marka aan dhameeyo?

Maalin kasta waxa aad akhridaa laba jis oo qur'aan ah si


aad labadii toddobaadba mar u dhamayso, muddo sannad ah
sidaa joogtee waxa aad is arkaysaa adiga oo qur'aankii sugay si
fiicanna u xifdiyay.

6
Maxaan sameeyaa sanadkaa ka dib?

Marka uu Allaah kugu guuleeyo in aad qur'aanka


xafiddo, waxa aad ku dedaashaa in aad wardi samaysato
maalinle ah, wardiga ugu fiicani waa wardiga toddobaadlaha
ah, waana wardigii asxaabta, waayo toddobadii maalmoodba
mar ayay dhamayn jireen.
Aws Binu Xudayfa waxa uu yiri: Waxa aan waydiiyay
asxaabtii rasuulka, sidee ayaad u qaybisaan wardiga qur'aan
dhamaynta?
Waxa ay ku jawaabeen: Saddex suuradood, iyo shan
suuradood, iyo toddoba suuradood, iyo sagaal suuradood, iyo
kow iyo toban suuradood, iyo saddex iyo toban suuradood,
iyo suuradaha gaagaaban ee Qaaf laga bilaabo illaa
dhamaadka.

Haddii aynu si jadwal oo kale ah u dhigno waa sidan soo


socota, maalinta kowaad illaa maalinta toddobaad jadwalkan
.raac
1: Faataxada illaa dhamaadka suuradda Nisaa'.
2: Bilowga Maa'idah illaa dhamaadka suuradda Tawbah.
3: Bilowga Yuunus illaa dhamaadka suuradda Naxli.
4: Bilowga Israa' illaa dhamaadka suuradda Furqaan.
5: Bilowga Shucaraa' illaa dhamaadka suuradda Yaasiin.
6: Bilowga Saafaat illaa dhamaadka suuradda Xujuraat:
7: Ugu dambayn bilowga Qaaf illaa dhamaadka
qur'aanka.
7
Sidaa ayaad ku khatimaysaa toddobadii cishaba hal mar.

Waxa ay culimada qaar ku soo ururiyaan wardiga


saxaabada ee noocan ah weedha
(‫)ﻓﻤﻲ ﺑﺸﻮق‬.
Waxa ay weedhani ka koobantahay toddoba xaraf oo kala
ah,
‫ف–م–ي–ب–ش–و–ق‬
Xaraf kastaa waxa uu u taaganyahay suuradda laga
bilaabayo wardiga maalintaa.
1: Xarafka u horreeyaa waxa uu u taaganyahay bilowga
faataxada illaa dhamaadka suuradda Nisaa' .
2: Xarafka labaad waxa uu u taaganyahay bilowga
Maa'idah illaa dhamaadka suuradda Tawbah.
3: Xarafka saddexaad waxa uu u taaganyahay bilowga
suuradda Yuunus illaa dhamaadka suuradda Naxli.
4: Xarafka afraad waxa uu u taaganyahay bilowga
suuradda Israa' illaa dhamaadka suuradda Furqaan.
FG: Suuradda Israa' mageceeda labaad ayaa ah "Banii
Israa'iil", sidaa awgeed ayaa astaan looga dhigay xarafka Ba'.
5: Xarafka shanaad waxa uu u taaganyahay bilowga
suuradda Shucaraa' illaa dhamaadka suuradda Yaasiin.
6: Xarafka lixaad waxa uu u taaganyahay bilowga Saafaat
illaa dhamaadka suuradda Xujuraat.
7: Xarafka toddobaad waxa uu u taaganyahay bilowga
suuradda Qaaf illaa dhamaadka Qur'aanka.

8
Laakiin qaabkan aynu maanta u naqaanno ee xisbiyada
qur'aanku u dhiganyahay waxa dejiyay Xajaaj binu Yuusuf.

Sidee ayaan u kala gartaa aayadaha isku eegeeg?

Qaabka ugu fiican ee aad ku kala saari kartid aayadaha


isku eegeeg waa in aad Masxafka kala furtid, ka dib aad
labada aayadood ee isku eeg fiirisid, farqiga u dhexeeyana
adigu aad si kuu gaar ah u kala garan kartid, mar wal oo aad
muraajacaynaysidna aad xusuusnaatid farqiga, ugu dambayn
maskaxdaadu si fiican ayay u sugaysaa kala duwanaanshaha
.labada aayadood

Qaacidooyin ku saabsan xifdiga.


1: Qur'aanka ka dhigo macallin, si uu kuugu saxo qaab
akhriskiisa.
2: Maalin kasta qayb laba bog oo qur'aan ah, bog
salaadda subax ka dib, bogga kalena Casar ama Maqrib ka
dib, haddii aad sidaa samaysid muddo sanad ah ayaad ku
dhamaynaysaa qur'aanka, laakiin haddii aad isku badisid
bogagga aad qaybayso waxa macquul ah in uu kaa kala tago
qur'aankii aad soo xifdiday.
3: Marka aad doonayso in aad qur'aanka xifdido ka
bilow xagga hoose ee jis Camma, sidaa ayaa kuu fudud,
laakiin marka aad wada xifdidid qur'aanka waxa habboon in
aad xagga sare ka soo bilowdid muraajacada, ama wardigaaga.
9
4: Waxa lagugula talinayaa in aad ka qaybtid qur'aanka
hal masxaf, waayo haddii masxafyo kala duwan aad ka
akhridid uma fiicna maskaxdaada iyo sida ay u soo
xasuusanayso bilowga bogagga iyo dhamaadkooda, sidoo kale
sawirashada bilowga aayadaha.

5: Qof kasta oo qur'aanka xifdiya waxa dhacda in uu


qur'aanka kala illaabo labada sano ee hore, laakiin haka
murugoon hana u jilcin shaydaanka, si aanu kaaga niyad
jabin muraajacaynta qur'aanka iyo tacabkii aad u soo gashay,
u samir oo u adkayso waqtiga kooban ee uu qur'aanku
maskaxdaada ku sugmayo, runtii waa hanti aan la dayici
karin e.

Allaah waxa aan kaaga baryayaa in uu kaa dhigo mid


qur'aankiisa xifdiya isla markaana ku dhaqma.

Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato nebigeennii


Muxammad scw, iyo ehelkii iyo asxaabtiisii oo dhan.

Allaa mahad leh


10

You might also like