You are on page 1of 3

1

Khudbadii Dr. Cabduraxman Baadiyow


Xuskii sanadguuradii 67 aad ee asaaska SYL
Nairobi, May 15, 2010.

Somaalidu isticmaarka intii ka horeysay waxey yaqaaneen labo nooc urur: ururka
dabiiciga ah ee beelnimada iyo ururka magaca dareeqooyinka diinta. Hase yeeshee,
markii isticmaarku yimida, shabiga Somaaliyeed oo aan la hayn dawlad ay ku
mideysanyihiin waxey uqayb sanayeen boqortooyin beeledyo, maamullo yar-yar iyo
magaalooyin-xeebeed. Dawlad ka dhexeysa oo isku xirtay ma jirin maamuladaas.
Jirid la’aanta dawlad Somaaliyeed waxey sababatay iney kala goosteen dhulka
Somaaliyeed dawlado reer yurub ah sida Talyaaniga, Ingriska, Faransiiska.
Boqotooyada Itoobiya oo ayaduna daris la ah Somaaliya waxey goosatay cadkeeda.

Halgankii ayey la galeen dadka Somaaliyeed isticmaarka waxaa horseed u noqday


culimada dariiqooyinka oo qaarkood ay la galeen isticmaarka halgan hubeydsan,
kuwa kalena halgan aan hubeysneeyn. Waxaa ugu caansan culimada qorayga
qaadatay halgankii daraawiishta ee uu horseedka u ahaa Sayid Maxamad Cabdulle
Xassan ee Ingriiska iyo Itoobiyaanka uu la galay iyo kii Biyamaalka ee koonfurta
Somaaliya oo ay la galeen Talyaaniga.

Haseyeeshee, halgankaas hore waa looga adkaaday Somaalida, waxaana ugu


dambeysay madaxbanani Somaaliyeed 1927kii markii Talyaanigu madaafiic ku
garaacay magaalada Baargaal ee ku taalla Puntland. Qabsashada Baargaal waxey soo
afgartay 100 sano oo dawladaha reer Yurub ay u googol xaarayeen iney qabsadaan
Somaaliya oo bilaabatay 1827 markii ugu horeysay oo heshiis ganacsi dhex maray
Ingriiska iyo madaxdii magaalada Berbera.

Qiyaastii muddo 15 sano ah oo udhexeysay 1927 iyo 1943, shabciga Somaaliyeed


wuxuu lumiyay hogaankii hore, mana helin hogaan cusub. Sidaas ayaana
dhallinyarada Somaaliyeed xaabo looga dhigay dagaal kasta sida kii Talyaaniga iyo
2

Itoobiya 1935tii iyo dagaal weynihii 2aad (ayada oo ah ciidan talyaani ah, Ingriss ah,
Faransiis ah). Waxeyn ka galeen daglaaka meello badan ee dunida ka mid ah.

Asaaska Naadiga Dhallinyarada Somaaliyeed 1943 wuxuu bilaw u noqday marxalad


cusub ee halganka ummada si ka bedelan qaabkii hore. Wuxuu bilaw u noqday
sameynta ururo bulsho iyo ururo siyaasadeed oo casraga la jaan-qaadi kara. Sida la
ogyahay, koonfurta Somaaliyeed marxaladii xukunka Fashiistada Talyaaniga, lagama
ogoleyn uraro bulsho iyo kuwa siyaasadeed, laakiin markii Ingrissku qabsaday
Somaaliya 1941 wuxuu dhiiri geliyay iney sameysmaan ururro. Sidaas ayaa waxaa ku
sameysmay SYC oo noqday ururkii ugu horeeyay ee magaca Somaaliya ku
sameysma, xambarasana himilo Somaali-nimo.

Naadiga Dhallinyada Somaaliyeed wuxuu isku bedelay afar sano dabadeed, 1947
Xisbi wadani ah oo kor u qaaday wacyigelinta ummada ee xagga wadaniyadda,
waxeyna horseed u noqdeen gobonimadda Somaaliyeed. Waxaa ku daysaday SYL
ururo kale oo dhamaan isku bedelay xisbiyo, kuwaas oo dhamaatood isku cod ka
noqday gobanimada 1950s. Sidaas ayaa himilada Somaaliyeed ee madaxbanaanidda
iyo gobonimada waxey suuragashay 1960s.

Dawladnimada iyo siyaasadu waxay ahaayeen arin ku cusub dhaqanka Somaalida,


sidaas darteed, maamulkii dawladnimada ee 9kii sanno ee uu hogaaminayay xisbiga
SYL, kulligiis wanaag ma wada aheyn oo waxaa galay qalooc weyn oo ay sabab u
tahay aqoon la’aan, faqri, qabyaalad siyaasadeed, musqmaasuq, xukun boob iwm.
Sidaas darteed, markii la leexiyay himiladdii dhallinyadii SYL ku bilaabatay, waxaa
dheeliyay dalka oo dhan, waxaana xukunkii gacanta u galay Ciidamada Qalabka sida
1969.

Ku dhawaad 40 sano ayaa Somaaliya inteeda badan lagu xukumayay qabyaalad iyo
qoray caaradiis. Waxaa waddadaas ka leexday Somaaliland iyo Puntland oo ka
gudbay marxalladii qorayga la isku maquuninay oo ku bedeshay wada hadal in lagu
3

xalliyo khilaafaadka. Waxey mudanyihiin labadaas maamul ku dayasho xagga


xallinta khilaafaadka iyo sameynta maamulladda dalka.

Haddaba xaaladda sidaas u murugsan maxaa dhallinyarada Somaaliyeed maanta la


gudboon? Waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo in xaalladii dhallinyaradii SYL wax
weyn iska bedeleen. Hadalka caadifada ku dhisan oo ah in la soo celi karo waqitigaas oo
kale, sax kuma disna. Laakiin, waxaa laga qaadan karaa SYL daruus fiican oo lagu dhisi
karo mustaqbalka Ummada. Sidaas darteed, waxaan usoo jeedinayaa dhallinyarada
Somaaliyeed lixda qodob ee hoos ku qoran.
 Dhallinyaradu haka leexdaan waxyaabihii hore loogu fashilmay sidda siyaasad
qabyaaladeysan, xukun boobka, dagaaladda iwm. ( wadda cusub ayaan
qaadeynaa)
 Dhallinyadu haka dhigtaan shicaar “waa la wada leeyahay Dalka, Diinta, iyo
Dawladnimada (DDD)”, hana diidaan kuwa mid ka mid ah sedexdaas shirkada
lagu yahay boobaya.
 Dhallinyaradu ha diidan dagaladda, hana horseedaan nabadda. “ maya dagaalka”
 Dhallinyaradu ha sameystaan ururro siyaasadeed oo ku dhisan himilladii SYL ee
dawladnimada oo horseeda dhaqangelinta Shareecada. (Inta isku aragtida ah ha
israaceen).
 Dhallinyaradu ha bartaan, hana dhawraan akhlaaqda Islaaamka. (Cilmi iyo
akhlaaq).
 Dhallinyaradu qawaaniinta ha dhawraan, urur ama dawladu majiri karaan
qaanuun la’aan. Waxaana fashilinaya arimahaas qaanuunka oo la jebiyo.

You might also like