You are on page 1of 173

1

Abla-ableynta shanta maal-adduun


__________________________________

Xoolaha nooli waa laf-dhabarta ummadda soomaaliyeed


ee dhaqan dhaqaale!

________________________
Dr: Mustafe Ahmed Dirie
(Sheybe)
“Odhaahda Qoraaga”

“Waxaan kuwa iga waa-weyn iyo kuwa iga yaryarba, u dardaarmayaa


waxa maskaxdiina ku jira tuujiya, oo dhaxal taaba gala uga taga
Dadkiina”

______________________________________

2
Copyright©by Mustafe Ahmed Dirie

Xuquuqda buuggan idilkeed waxaa iska leh oo ay u dhawran tahay


qoraaga buuga . Dib looma daabacan karo, Lama duubi karo, iyada
oo aan qoraagga buuga laga haysan ogolaansho.

3
Tusmada Buuga.

Cutubka 1aad

Hab-qaybsimeedka shanta maal-adduun…………………………………19


Xoolaha Nool…………………………………………………………………………20
Waxtarka Xoolaha Nool……………………………………………….…………22
Qaybaha Xoolaha Soomaalida…………………………………….………...…23

Cutubka 2aad……………………….……………………………………...……..24

1. Geela…………………………………………………………………………..28
1.1. Qaybaha Geela………………………………………………………31
1.2. Geela Dhedig……………………………………………….………...31
1.3. Geela lab…………………………………………………………...…..33
1.4. Xadhkaha Awr(-ta)…………………………………………..……34
1.5. Heeryada awr(-ta)……………………………………….………..35
1.6. Dhirta kooraha looga qoro geela………………………….....35
1.7. Jaadadka Kooraha Geela………………………………..……....36
1.8. Hababka loo qoro kooraha Geela………………..………......36
1.9. Midabada Geela………………………………………………….….36
1.10. Qaababka Orodka Geela…………………………………………37
1.11. Immisa hab ayaa loo maraa naasaha geela?..................37
1.12. Qaar kamida Codadka Geelu Sameeyo……………..........38
1.13. Qalabka Lagu Qoro Kooraha Geela………………………....38

2. :Heesaha Geela_____________39

2.1 Heesaha Warabka Hore…………………………………….…..40


2.2. Heesaha Rakaada Geela……………………………………..…..49
2.3. Heesaha Caraabaha Geela……………………………………...50
2.4. Heesaha geediga geela………………………………………......51
2.5. Heesaha Daajinta Geela………………………………….……...52
2.6. Heesha Salsalka Awr(-ka)………………………….…………..53
2.7 Magacyo kooxeedyada Loo Baxiyo Geela Dhedig …….56
2.8.Magacyada loo baxiyo Geela Lab……………………………..57

4
3.Murtida iyo maah mahaha geela…………………………………...58

4.Eray Furka Geela…………………………………………………….……60

Cutubka 3aad

3.Adhiga:…………………………………………………………………………………………..73

3.1-Waa maxay adhigu?...................................................................76


3.2-Riyaha…………………………………………………………………..77
3.3-Idaha…………………………………………………………………....78
3.4-Astaamaha lagu Baadi Sooco Idaha sooma.………..……79
3.5-Marxaladaha Ay Maraan Caanaha Riyihu……….……….79
3.6-Heesaha Adhiga……………………………………..………………80
3.7- Maqasha dhiga………………………………………….............….84
3.8-Heesaha Maqasha…………………………………………...……..85
3.9-Qaar kamida Cododka Adhiga………………………...………87
3.10-Maamah Maahaha iyo Murtida Adhiga……………….…88
3.11-Ereyfur(-ka) Adhiga……………………….……………...…….89

Cutubka 4aad

4. Lo’da……………………………………………………………………95
4.1 Dhaqashada Lo’da…………………………………………………………………..97
4.2 Isirada Lo’da Adduunka ………………………………………………….……...99
4.3 Astaamaha Lo’da Zebu-da Lagu Yaqaan…………………………..……….99
4.4 Jaadadka Lo’da Soomaalida…………………………………………………….99
4.5 Ujeedada loo dhaqdo lo’da………………………………………………..…...100
4.6 Qaabka Dibida Loogu Qodo Beerta…………………………………………100
4.7 Qaar kamida cododka lo’du samayso…………………………………….101
4.8 Marka Dibidda Lagu Bilaabo Qodaalka Beerta…………………..……102
4.9 Eray Fur(-ka) Lo’da……………………………………………………………....103
4.10 Heesaha Lo’da………………………………………………………..….105
4.11 Heesaha Dibida……………………………………………………....…106
4.12 Maah-Maahaha iyo Murtida Lo’da. …………………………….111

5
Cutubka 5aad

5.Fardaha …………………………………………………………………………..112
5.1 Fardaha …………………………………………………………………...116
5.2 Sheeko “ Faarax-Afcad”………………………………………..…119
5.3 Todobada jaad Ee Midabbada Fardaha S………..…............120
5.4 Sinjiyada Fardaha Soomaalida……………………………………121
5.5 Hababka Orodka Fardaha Soomaalida. …………………...122
5.6 Kala duwanaashaha Fardaha Soomaalida ………………,,…123
5.7 Maxaa Loo Dhaqdaa Fardaha…………………………….............124
5.8 Xeerkii fardaha soomaaliyeed…………………………………….125
5.9 Sii Dabar Go’a Fardaha Soomaaliyeed…………………...…....126
5.10 Qaar kamida magacyada faradaha soomaalida ugu
caan-san iyo Raggii lahaa…………………………………………..128
5.11 Erey fur(-ka) Fardaha…………………………............…129
Cutubka 6aad
1. Suugaanta Fardaha……………………………………………………………….133
6.1 Sayid .M Cabdule Xassan “Walhad”……………………………….……….135
6.3 Sayid M.Cabddule Xassan “Calanside”……………………………..…….138
6.3 Jaamac Cali Xirsi (Murtisame.) “Xamarka”………………………….….140
6.4 Sayid M.Cabdule Xasan “Xiin-finiin”………………………………….…...141
6.5 Faarax Xasan Cali (Afcad)……………………………………………….……143
6.6 Faarax Xasan Cali (Afcad) “Baroor Ubax leh”……………………….144
6.7 Maxamuud Jaamac Daallin “Xamar Seeri.”…………………………....145
6.8 Raage UgaasWarfaa”Walhad”……………………………………................146
6.9 Axmed Muuse “Ashki-reeri”………………..………………………………..147
6.10 Yuusuf Xasan Ismaacil(Sange Guur)…….……………………..149
6.11 Cabdi Fadal ” Laarriyoow”…………………………..………………….…..151
6.12 Cali Bucul “Guulwade”…………………...…………………….………...…..152
6.13 Daahir af-qayle……………………………………………………………....…..154
6.14 Geeraaro iyo Gabayo Gaagaaban………………........................…..…..154
6.15 Maah-maahaha iyo Murtida Fardaha………………………………….156

6
Cutubka 7aad

7. Dameeraha …………………………………………………………….…157

7.1. Dameeraha…………………………………………………………………..…159
7.2 Midabada dameeraha……………………………………………………....161
7.3 Qaar kamida Cododka Dameerahu Sameeyaan………………….161
7.4. Heeso Hawleedada Dameeraha……………………………………….161
7.5. Maah-maahaha iyo Murtida Dameeraha…………………………..163
7.6 Erey Furka Dameeraha…………………………………………...............163

Cutubka 8aad

Taariikho kooban oo ku saabsan xoolaha Soomaalida…….164


Xeerkii hore ee soomaalida iyo xoolaha nool………………………………...……165

Taariikhkooban Xoolaha Somaliland 1970 ilaa 2012______185…….……..167

7
Mahad-naq

M
ahadi Eebe ayey u sugantahay. Intaan hawshan faraha kula iray
dad badan baa talo iyo tusaalooyin aayatiin leh ila
garabtaagnaa. In kasta oo aan halkan magacyadooda ku wada
xusi karin haddana inaan wax ka xusaa waa lagama maarmaan. Ugu
horeyn waxaa mahad iska leh waalidkayga igu soo tabcay ee i soo
gaadhsiiyay heerkan aan maanta joogo. Sidoo kale waxaa mahad iyo xus
iga mudan

Abwaan Xasan Xaaji Cabdilahi (Xasan Ganey) oo ah abwaan caan ka ah


dhamaan degaaanada af-ka soomaaliga lagaga hadlo, ahna dhaqan yaqaan
aad ugu xeel dheer xagga dhaqanka. Waxbadana iga caawiyay xagga eray
bixinta.

Sayid Axmed Maxamed Yuusuf (Dhegay) qoraa buugaag dhawr ah sida


Socdaalkii dheeraa, Sooyaalki soomaaliland ka hor 26 Juun 1960. Sayid
waa xubin aad u firfircoon oo ka tirsan ururka qoraaga soomaaliland,
Saydku buugan waxa uu ka qaatay qaybta ugu balaadhan , wakhti iyo
jaanisna waxa uu u siiyay inu higgaada buuga saxo, talo iyo tusaalayna uu
ila garabtaagnaado.

Rashiid Maxamed Shabeele… qoraaga buuga ma dhabaa jacayl waa loo


dhintaa iyo dhawr buug oo kale. Rashiid waa shakhsiga hiregliyay
daabacaada buuggan. Rashiid ilaa tan iyo maalintii aan buuggan u sheegay
waxa uu ila garab taagnaa talo, waano, iyo taakulaba. Waxaanan filayaa
la’aantii inay igu adkaan lahayd daabacaada buugani.

Khaalid Jaamac Qodox qoraha buuga Diihal-reeb oo xilli badan u huray


hagaajinta iyo qaab dhismeedka buuga. Khaalid waa qof ku qaaliya
bulshada aadna u jecel inuu gacan qabto jiilka soo kacaaya.

Boobe Yuusuf Ducaale xeel dheere aqoon dheer u leh, taariikhda iyo af-ka
soomaaliga. Ahana qoraa Heer caalami ah, oo aqoon dheeraada u leh sida

8
wax loo qoro. Boobe waa shakhsi aad iyo aad uga duwan mihnanlayda
qalinka, waa qof jecel gacan-qabashada jiilka soo koraaya.

Axamed Yuusuf Hirad (Axmed indhoole). Oday dhaqameed ku nool


magaalada burco inbadana iga gacansiiyay xog uruurinta buuga dhanka
eray bixinta geela.

Cabdirashiid Muxumed Ibrahim. oday dhamqameed ku nool magaalada


burco aqoon fiicana u leh geela iyo qaybaha xoolaha ee kala duwan,
gacana fiicna iga siiyay qorista buuga.

Ibraahin Cabdi Jamac ( Ibraahin cabdi yare) xubin firfircoon oo ka


tirsan wasaarada waxbarashada Gobolka Tog-dheer, aqoon durugsana
xoolaha u leh.

Cabdinuur Cawil Xaashi (Cali garey) hal- abuur ku nool magaalada


Burco wakhtina siiyay inuu akhriyo buuga, kana qaybqaato.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali ( Ubaxle) hal-abuur ahna qoraa dhawr


buug degana magaalada burco, talo iyo tusaalana ka dhiibtay buuga
qoraalka buugan.

Mustafe Barkhad Cabdilahi (M.dhimbiil) hal-abuur degan magaalada


Boorama, qayb libaaxna ka qaatay xog uruurinta buugan iyo
dhiirigelintiisaba.

Maxamed siciid (Faantax) waa macalin ku xeel dheer dhaqanka iyo


suugaanta soomaaliga kana dhiga dugsiyada sare ee magaalada Burco.
Inbdana ka qay qaatay eray uruurinta buuga.

Yuusuf Xasan Ismaacil ( ina waraabe dheere) hal-abuur ahna qoraa ku


nool magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, kana qayb qaatay xog
uruurinta buuga.

9
Nagiib Saleebaan Muuse (Nagiib Hello) hal- abuur dhalinyaro ah oo
nool magaalada burco, wakhti fiicana kaga qayb qaatay soo bixitaanka
buugan.

Ibraahim X. Axmed X. Diiriye oo deggen magaalada London waxa uu


mar walba ila garab taagnaa dhiiri gelin iyo bogaadin aan kala go’lahayn.

Maxamed Xuseen Caydiid xubin ka mida dhalinyarayada iyo aqoon


yahanka gobolka tgodheer, waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka suura
geliyay inuu buugani dabacmo.

Sahara maxamed Cali (Sahra ladan) xubin firfircoon oo ka tirsan bahda


akhriska iyo qoraalka, ahna weliba xubin firfrcoon oo ka mid ah xarunta
Hidaha iyo dhaqanka Hargaysa. Mar walbana ila garab taagnayd dhiiri
gelin joogto ah, jaanis fiicana siisay akhriska buuga.

Caydaruus Maxamuud Cismaan (Caydaruus Sange) xubin firfircoon oo


ka tirsan naadiga akhriska iyo qoraalka Anfac ee maagaalada Ceerigaabo.

Dr: Axmed Cabdi Xirsi hal-abuur deggan magaalada burco gacan


libaaxna ka gaystay soo bixitaanka buuggan, iyo soo uruurintiisa intaba.

Mahad Maxamed Cabdilahi deggan wadanka Swedan kana tirsan


bahda akhriska iyo qoraalka bilawgii ilaa dhamaadkii buugana ila garab
taagnaa baraarujin iyo bogaadin kal iyo laaba.

Jamaal Cabdiraxmaan Bulaale qoraa dhawr buug xubin firfircoona ka ah


Naadiga Hal-karaan.

Xil: Rashiid Farax Cali, oo ah mid kamida golaha deegaanka magaalada


burco, waxa uu kaalin buuxda ka qaatay soo bixitaanka buugan. Isaga oo u
horay maal iyo fikirba.

10
Maamuus
Buugaan oo ka xogg iyo hawaalo waramaaya xoolaha aynu dhaqano
qaybahooda kala duwan. Waxaan ku maamuusayaa dhamaan Naadiyada
Akhriska iyo Qoraalka iyo Bulshada xiisaysa inay wax ka ogaadaan
xoolaha aynu dhaqano gaar ahaan Dhalinyarada Barata, kuwa bartay
Aqoonta Xoolaha (Veterinarians).

11
Hordhac

T
an iyo maanyta inta ogaal kayga ah, hore umaan arkin buug si
mug leh u koobsanaayana dhamaan xoolaha aynu dhaqano.
Qorida buugan iyo soo ururintiisu waxay igu qaadatay muddo
aad u dheer, ugu yaraan waxaan ku jiray hawsha buugan wakhti ku
siman shan sanadood iyo weliba bilo. Danta ii geysay buugan inaan
wakhti iyo dedaal dheer ku bixiyo qoridiisa, waxaa weeya markaan
dhugtay ee aan u kuurgalay, halka ay dhalinyarada iyo jiilka soo
kacayaa ka taaganyihiin, aqoontii xoolaha, waxaa kaloo taas igu sii
dhiiri gelisay markaan ogaaday dabar go’a ku habsaday erey bixintii
xoolaha. Intaasi iftiimin hayga ahaato.

Buugan waxa uu koobsanayaa dhamaan nimcoolayda, aynu dhaqano


qaybaheeda kala duwan. Waxa uuna si fiican u kala dhig-dhigayaa
muhiimada ay inoo leeyihiin iyo erayada meesi walba u gaarka ah.
Buugan waxaad ka baran doontaa waxbadan oo caad kaa saarnaa,
waxaadan kala kulmi doontaa cilmi ku xeel dheer xoolaha ay
soomaalidu dhaqato dhamaantood.

Buuggan gacanta kuugu jiraa waxa uu ka kooban yahay sided


qaybood (cutub). Cutub walbaabana waxa uu si mug leh uga
hadalayaa mucda ku dhex jirta. Qaybta koobaad ee buugu waxay si
guud u dulmaraysaa xoolaha nool wax-tarkooda iyo siday u kala
qaybsamaan. Wixii intaa ka danbeeya waxa uu buugu si mug leh u
dhex gelayaa meesi meesi, waxaana kuugu soo horayn doona Geela oo
ah Labeenta xoolaha aynu dhaqano. Jaran-jarada markaad hoos u sii
raacdo waxa kugu xigi doona Adhiga, Lo’da, Fardaha, Dameeraha,
Xeerkii hore ee soomaalida iyo xoolaha nool iyo Taariikhkooban
Xoolaha Somaliland 1970 ilaa 2012. Intaasi waa inta aad ugu tagi
doonto akhristaha sharafta iyo maamuuska lahoow buugan gudihiisa.

12
Falcelintii Buuga

Dhiganahan Abla-ablaynta Shanta Maal-Adduun waxaa ku


duugan erey-fur xeeldheer, suugaan dhaxalgal ah iyo murti miid
ah oo la xidhiidha dhaqankii iyo qaab nololeedkii Soomaalidii
bari-samaadkii oo ay lafdhabar u ahayd dhaqashada xoolaha
nool.

Dhiganahani wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dhammaan


bahda suugaanta, bahda saxaafada, qorayaasha, macalimiinta iyo
ardayda sababtoo ah waxay muhiim u yihiin soo nooleynta
bulsho Soomaaliyeed oo ku faanta diinteeda, afkeeda iyo
dhaqankeeda oo ka badaxbanaan fikrado soo-galooti iyo aragtiyo
shisheeye.

Aragtidayda, dhiganahan Abla-ablaynta Shanta Maal-Adduun


wuxuu kaalmaha hore ka geli doonaa diiwaanada loo raacdo
dhaqankii, suugaantii, erey-bixintii iyo murtidii hore ee
Soomaalida xoolo dhaqatada ah. Waxaan Dr: Mustafe ku
mahadinayaa in qof waliba nolosha dhacan buu ku leeyahaye uu
nolosha saaray dhacantii ay bulshadiisu ka filaysay, anigoo ku
kalsoon in uu dadaalka halkaasi ka sii laban-laabi doono,
waxaanan hubaa in dhiganahani kaalin ka geysan doono
“Baraarug” dhalinyaro oo wata yididiilooyin cusub iyo hiigsi
nololeed oo midhihiisa la mahadin doono.

Akhriste waxaan kuu rajaynayaa in aad diiwaankan ka heli


doonto murti iyo tilmaamo nololeed oo aad uga ilays qaadato
hayaankaaga geediga guusha oo ka bilaabma barashada
afkaaga, dhaqankaaga, suugaantaada iyo maalkaaga.

Waxaan ku soo gaabin lahaa meerisyada ugu dambeeya gabay


aan Gobannimo-u-dirir u bixiyay oo ka turjumaya dadaalka
13
ummadeed ee dhammaanteen ina wada saran iyo hadafka aynu
doonayno in aynu wada xaqiijino:
 Ama waynu guuleysan oo libinta, waan gaadhi
 Ama geeri sharafleynu dhiman, gocasho waa ceebe !

Nageeye Cali Khaliif


Hal-abuur, Saxafi iyo Macalin Jaamacadeed
Hargeysa

Buugga la magac baxay Abla-ablaynta Shanta maal Adduun,


waa buug aqooneed loo baahnaa. Dadka soomaaliyeed waa dad
u badan xoolodhaqato, kuna faana xoolahooda oo u ah isha
dhaqaale ee ugu mudan. Waa loo baahnaa in la helo buugaag ka
warramaysa xoolaha soomaalidu dhaqato. Buuggan oo aan
nasiib u helay in aan akhriyo, isaga oo aan weli la daabacmin,
waxa aan ka bartay wax badan. Waana hubaal in aan ku noqon
doono akhriskiisa. Waxa kale oo aan ku farxay, sida uu ugu
fikiray in uu buuggan qoro, Dr: Mustafe Xaaji Axmed “Sheybe”
oo ah nin da'yar, aqoon fiicanna u leh xoolaha soomaalidu
dhaqato. Bulsho kastaa waxa ay ku faantaa lafdhabarta
dhaqaalahooda, aqoon sarena waa ay u yeeshaan. Buuggani
waxa uu kow ka yahay, aqoon ballaadhan oo loo baahnaa in
qoraal lagu helo.

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

14
GOGOL-DHIG

D
higanahan Abla-Ablaynta Shanta Maal –Adduun waxaa
ku duuggan Cilmi-baadhsi iyo xog muhiim ah oo la
xidhiidha Xoolihii ay dhaqan jirtay Soomaalidii hore
walina la dhaqdo haba sii il-xumaadaane; sidoo kale dhiganahan
waxaad kala kulmaysaa erey-fur Af-Soomaali oo xeel-dheer,
Suugaan dhaxal-gal ah, Murti iyo Maahmaaho la xidhiidha
Xoolaha Soomaalida iyo qaab nolololeedkii Soomaalidii hore oo
ay laf-dhabar u ahayd dhaqashada Xoolaha nool.
Hadaba; si kooban hadaynu u eegno:
Cutubka Koowaad ee buuggan Shanta Maal -Adduun,
waxa uu si faahfaahsan uga waramayaa Hab-qaybsimeedka
Shanta Maal-Adduun ee Soomaalidu ay dhaqato, qaybaha
xoolaha nool ee Soomaalida, waxtarkooda iyo muhiimada
nololeed ee ay bulshada Soomaaliyeed u lahaayeen walina ay u
leeyihiin.

Cutubka Labbaad ee buuggan Shanta Maal –Adduun,


waxaad kala kulmi doontaa aqoon ku saabsan ka Shanta Maal-
Adduun Soomaalidu ay ugu jeclayd oo ah Geela; waxaad si
faahfaahsan uga heli doontaa qaybaha Geela, xadhkaha Awrta
iyo Heeryadooda, Dhirta ay Soomaalidu ka qorato Kooraha
Geela iyo hababka loo qoro, midabada Geela, noocyada orodka
Geela, maridda Geela iyo qaar ka mid ah codadka Geelu
sameeyo.
Sidoo kale, waxaa Cutubkan ku duuggan Heesaha waraabka
xoolaha siiba Geela, caraabihiisa, geediggiisa, daajintiisa iyo qaar
ka mid ah magacyada loo bixiyo Geela-lab, ugu dambayntana
waxaad Cutubkan ka baran doontaa Murti iyo Maahmmaaho ku
saabsan Geela.

15
Cutubka Saddexaad ee buuggan Shanta Maal -Adduun,
wuxuu qoraagu ku iftiimiyay mid kale oo ka mid ah Maalka
Soomaalidu dhaqashadiisa ay ugu badantahay oo ah Adhiga.
Wuxuu qoraagu Cutubkan ku qeexay qaybaha Adhiga, Heesaha
Adhiga, Heesaha gaarka u ah Maqasha iyo Murti iyo
Maahmmaaho ku saabsan Adhiga.

Cutubka Afaraad ee buuggan Shanta Maal -Adduun,


wuxuu ka waramayaa Lo’da iyo dhaqashadeeda, wuxuu
qoraagu Taariikh ahaan uga waramayaa Isirka Lo’da adduunka
ku nool ka dibna wuxuu u soo daadegayaa noocyada Lo’da
Soomaalidu dhaqato, qaababka Dibiga iyo qodaalkiisa beeraha
ayuu qoraagu ka sheekeyn doonaa inta Cutubkan aynu ku jirno,
Heesaha Dibida iyo qaar ka mid ah codadka Lo’da iyo Murti iyo
Maahmaaho ku saabsan Lo’da ayuu qoraagu ku soo afmeerayaa
Cutubkan.

Cutubka Shanaad ee buuggani wuxuu ka waramayaa


Fardaha oo ah Xarago iyo xoog-sheegadba mid ka mid ah kuway
Soomaalidii hore ugu jeclayd dhaqashadooda, ka hor imaatinkii
Baabuurta gayiga Soomaalida, Farduhu waxay ahaayeen laf-
dhabarta Bulsho badan oo Soomaaliyeed ee safarka iyo
socdaalka dheer.
Hadaba, qoraagu wuxuu Cutubkan ku soo qaadanayaa
Sheekooyin la xidhiidha Fardaha, Noocyada Fardaha
Soomaalidu dhaqan jirtay, walina ay dhaqato haba yaraadaane,
Noocyada orodkooda, sidoo kale wuxuu qoraagu iftiiminayaa
sababaha ugu waaweyn ee Soomaalidii hore u dhaqan jirtay
Fardaha, Xeerarka Fardaha Soomaalida iyo magacyada Fardaha
Soomaalida ayaa iyaguna qayb muhiim ah ka ah Cutubkan
waxaana weheliyo Fardo magacoodu caan ka ahaa gayiga
Soomaalida iyo raggii iska lahaa Fardahaasi.

16
Sidoo kale qoraagu wuxuu Cutubkan ku sharaxayaa Xeerarkii
Fardaha Soomaalida iyo dabar-Go’a maanta ee Fardaha iyo
sababaha keenay.

Cutubka Lixaad ee Dhiganahani wuxuu ka waramaya


qayb muhiim ah oo ah: Suugaanta Fardaha, wuxuu soo
qaadanayaa Suugaan ay Maansoyahano hore oo Soomaaliyeed
ku ammaaneen ama ku sifeeyeen Fardaha bari-samaadkii; waxaa
iyaguna Cutubkan qayb ka ah Googoos Gabayo iyo Geeraaro ah
oo Fardaha uun ku saabsan.
Gabagabadana Cutubkan wuxuu qoraagu ku soo afmeerayaa
Murti ku saabsan Fardaha.

Cutubka Todobaad ee buuggani wuxuu xoogga saarayaa


Dameeraha Soomaalida, midabadooda, qaar ka mid ah codadka
Dameeraha, Heeso hawleedyada Dameeraha iyo Maahmaaho iyo
Murtida Dameeraha Soomaalida ku saabsan.

Cutubka Siddeedaad ee buuggan Shanta Maal -Adduun,


oo ah Cutubka buuggan ugu dambeeye, wuxuu
xambaarsanyahay Xeerkii hore ee soomaalida iyo xoolaha nool
oo qoraagu si faahfaahsan uu u lafa-guray ka dibna wuxuu ku
soo gabagabeeyey Taariikh kooban oo ku saabsan Xoolaha
Somaliland Sanadihii 1970-2012.

Nageeye Cali Khaliif


Hal-Abuur, Saxafi iyo Macalin Jaamacadeed
Hargeysa
April 07, 2016

17
Cutubka

1aad

18
Hab-qaybsimeedka shanta maal-adduun.

Xoolo

Ishin Gammaan Adhiga

Geela Lo’da Riyo Ido

Fardo Baqlo Dameero.

Haddaan sidaa u kala qaad qaadnay xoolaha soomalidu dhaqato.


Waayadii hore kaliya waxaa la dhaqan jiray Geela, Lo’da, Fardaha iyo
Adhiga. Balse hadda waxaa shaneeyay Dameeraha, oo meel sare kaga
jira xoolaha la dhaqdo, iyaga oo noqday gaadiid fudud. Waxa aad ku
arkaysaa meelo badan oo kamida degaanada soomaalidu degto. Sidaa
awgeed Ayaan Buuggan la magacbaxay, Abla-ableynta Shanta Maal-
Adduun ee aynu dhaqano.

19
Xoolaha Nool
Xoolaha nooli waa laf-dhabarta ummadda Soomaaliyeed, ee dhaqan
dhaqaale. Nolosha dadka Soomaaliyeed 80%, waxay ku tiirsantahay
xoolaha nool. Dhaqashada nimcooleydu maaha mid dhawaan
bilaamantahay ee waa mid xilli fog jiilba jiil, la iska soo dhaxlaayay oo
facba fac u soo gudbinayay. Haddaba xoolaha waxaa laga helaa oo
laga dheefaa: Dhaqaale,Omoto, Hu iyo Gaadiidsi.

Meesiyada dalkeena lagu dhaqdaa marka koowaad waa saddex


qaybood oo kala ah.

 Ishin(-ka)
 Gammaan(-ka)
 Adhi(-ga)

Saddexda Meesi halkaa ku joogi maayaane mid walba sida ku cad


shaxda sare, waxaa hoos taga raxan isaga ka farcanta. Markaa
waxuu isku beddelayaa Shan nooc oo kala ah Geela, Adhiga,
Lo’da, Dameeraha iyo Fardaha. Waxaa ka hadhaaya adhiga oo aan
lakala qaybin iyo Baqlaha oo aan iyaga xoolaha la dhaqo lagu
darin. Laakiin fardaha iskala nool lana bah ah.

Ishinku:- Waa xoolaha afar naasleeyda ah ee la maalo


sida: Geela iyo Lo’da

Gamaanku:- Waa xoolaha loo isticmaalo gaadiid ahaan


iyo dagaal ahaanba. Sida: Fardaha, Dameeraha iyo
Baqlaha

Adhiga ama Raaf-yare:- Waa xoolaha laba naaslayda ah


ee la maalo sida: Riyaha iyo Idaha

Nooc walba oo kamida meesiyadan, aan soo sheegnay waxay ugu


fadhiyaan ummadda Soomaaliyeed qiimo gaara. Waxayna dadkeenu
mudnaanta u kala siiyaan siday u kala adkaysi badan yihin xoolaha ay
dhaqdaaan. Waxaana kaalinta koowaad kaga jira Geela oo ah kan

20
koowaad ee ay soomaalidu u hayso xushmadda iyo qadarinta gaarka
ah. Waxa aad ka hilaadin kartaa suugaanta faraha badan ee nooc walba
leh ee loo tiriyay geela.

Nooca ku soo xigaa waxa uu noqonayaa Gammaanka, balse


dhamaantod Geela way ka darajo hooseeyaan. Mid midna waynu u
dul istaagi doonaa. Soomaalidu meesi walba oo ay dhaqato, waxa ay u
samaysteen: Hees hawleeddo, Gabayo iyo Maahmaaho loo tiriyo
xilliyada ku munaasabka ah.

Waxa aynu dhammaantood ku arki doonnaa marka aynu buuga sii


gudo galno. Shanta meesi ee aynu kor ku soo xusnay Meesi walbaaba
wuu sii qaybsamayaa, wuxuuna yeelanayaa qaybo kala duwan. Balse
dhammaantood faracyadaa waxa aynu ugu tagi doonnaa qaybaha soo
socda ee buuggan gancantaada ku jire akhriste.

Sidoo kale waxaa jira magacyo iyo Weedho dhamaantood u gaara


xoolaha, ku waas oo samaynaaya macno balaadhan oo wax ku ool ah.
Nimcooleydu waxay kaalin muhiim ah kaga jiraan nolosha Ummadda
Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada xoolo dhaqatada ah ee reer
guuraaga ah. Hore ayaynu u soo sheegnay in ab-ka-ab la soo kala
dhaxlaayey oo jiilba jiil u soo gudbinayey dhaqashada xoolaha.
Taariikh-yahannada Soomaaliyeed ee ku xeesha dheer reer
guuraanimadu, waxay isku raaceen inay xooluhu jireen intay Bulsho
Soomaaliyeed jirtayba.

Halkaana waxaa ka soo baxaysa nolosha dadkeena iyo xoolaha nooli,


inay yihin laba isku lammaan oo aan sinnaba u kala maarmi karin.
Sida la ogsoon yahay xoolaha Soomaalidu waxay xagga hore kaga
jiraan xoolaha ugu fiican adduunka. Deegaanka Soomaalidana waxaa
la sheegaa inuu ka mid yahay, meelaha adduunka ugu xoolaha badan.

21
Wax-tarka Xoolaha Nool
Xoolaha nooli waxay lee yihin nafci aad u badan oo kala geddisan.
Dhammaantood waxay leeyihin manfac iyo wax tar. Waynu kala qaad-
qaadi doonnaa oo mid iyo gaarkii ayeynu u sheegi doona, wax tarka
iyo faa’iidada uu leeyahay. Waxaa jira wax yaalo ay qaar kamid ah
meesiyadu wadaagaan kana siman yihiin sida: Caanaha iyo Cadka oo
badankooda lagu qabo lagana faa’iido marka laga reebo Fardaha iyo
Dameeraha. Oo aan iyagu ahayn kuwo lagu qabo caano iyo Cadtoona.

Geela, Adhiga Iyo Lo,du iyaguna waxa ay wadaagaan Xagga Saanta


ama haragga. Waxay ka loo bahwadaag ka yihin saddexdan meesi
xagga Cadka oo ah mid la wada qasho. Halka aan Gammaanka la
qalanin. Gammaanka marka aynu Fardaha ka hadlayno waa nooca
labaad ee shanta maal- adduun ee ay Soomaalidu dhaqdaan ugu
qaddarin badanyihiin hawsha loo adeegsado daraadeed. Balse
dhamaantood waxay wadaagaan oo nafci lagu qabaa waa xagga Iibka
iyo lacagta, oo ay ka simanyihiin shanta maal-adduunba.

Waxaa jira manaafacaad badan oo kale oo ay dadka Soomaaliyeed ku


qabaan xoolaha. Haddaynu yara dul istaagno oo aynu waxooga ka
sheegno waxay ku maareeyaan, wax alla wixii la xidhiidha nolol maal-
meedkooda oo dhan. Dadka Soomaaliyeed waa Dad aad u jecel
dhaqashada xoolaha iyo daryeelkooda intaba. Sidaan kor ku soo
iftiimiyayna waa wax jiilba jiil ka soo dhaxlaayay.

Waxa aynu sheegi doona shanta maal-adduunba manaafacaadka lagu


qabo marka laga yimaado, Hilibka, Caanaha, iyo Iibka. Balse xoolaha
wixii Ishin(-ka) iyo Adhiga ah ayaa Cad iyo Caanaba laga helaa. Halka
Gaammaanka ula jeedada ugu badan ee loo haystaa ay tahay
Gaadiidsiga, Xarragada, iyo ku dagaal gelidda xilliyada colaaduhu ay
jiraan. Haddaba aan si guud u yara iftiimiyo faa’iidada lagu qabo
xoolaha aynu dhaqanno waana sidan:-

22
 Gaadiidsi(-ga)
 Ku dagaal gelida xilliyada colaadaha
 Oomoto ahaan (in la cuno)
 Yaradka
 Magta
 Is caawinta ehelka
 Marti soorka socotada
 Beerfalashada
 Gelbinta aroosyada
 In lagu xarragoodo.

Qodobbadaas kooban ee aan kor ku soo xusnay waxay ka mid yihin


baahiyaha ay dadka Soomaaliyeed, uga faa’iidaystaan dhaqashada
shanta maal-adduun. Arrimahaas ayeynu buuggan ku fallama
guridoonnaa haddii alle idmo.

Qaybaha Xoolaha Soomaalida


Reer guuraaga Soomaaliyeed xoolaha ay dhaqdaan, waxay ka kooban
yihin saddex u sii kala baxa qaybo kale geddisan. Isaga oo kala yeesha
magacyo iyo qaybo kala geddisan. Reerguuraaga Soomaaliyeed aqoon
fiican ayay u leeyihin hab daajimeedka xoolaha ay dhaqdaan, iyo
meeliba meesha ay ka daaq iyo nabaad wanaagsantahay. Meesi
walbana waxaa loo daaq geeyaa meel gaara, saddexda nooc waxay
kala yihin sidan:-

1. Ishin,
2. Gammaan
3. Adhi

23
Marka uu sii qaybsamo waxa uu isku badalayaa shan meesi Meesiyada
keliya ee aan sii qaybsamin waa Adhiga iyo Baqlaha. Baqluhu fardaha
ayay iska la noolyihin oo maaha meesi meel gaara u fooftaga. Marka
ay shanta maal- adduun u sii kala baxaan waxa ay kala noqonayaan
sidan soo socota:-

1. Geela
2. Adhiga
3. Lo,da
4. 1Fardaha iyo

5. Dameerah

1
Gammaanka (Fardo iyo Dameero) Caano iyo Cad toonna looma dhaqdo
24
CUTUBKA 2-aad

GEELA

Wiil cawayskii
Kaa cayaar guday
Adna ciil iyo
Cadhuu kugu dilay
Asna ceeb iyo
Caydh u halis noqoy.
____________
Daaduf waa adhi
dawlo waa faras
Dadna waa wiil
Duunyo waa geel.

___________

Geel waa Geel, wixii gooyaana waa Geel

___________

25
26
(Geelaa markuu dararanyahay laba nin duugtaa)

27
Geela.
Geelu waaa mudanka waana magoolka xoolaad ummmadda
soomaaliyeed ay adhaqdaan. Geel waa godol ama gaadiid. Ninkaan
geel lahayna waxaa loo yaqanay sabool! Geela badi waxaa lagu kala
qaataa Yarad-ka iyo Mag-ta

Abuurka geelu waxa uu ka mid yahay Aayadaha waaweyn,


ee iilahay bani’aadamka wax ku tusaayo. sidaa ay ina
tusayso aayada 16 naad ee suuratul Qaashiya ‫أﻓَﻼ ﻳَﻨﻈُُﺮو َن إِﻟَﻰ ا ِﻹﺑِ ِﻞ‬
ْ ‫” َﻛ ْﻴﻒ ُﺧﻠِ َﻘ‬
‫ﺖ‬
Suugaanta soomaalida lafteeda waxaa ku badan murtida
muujinaysa in abuurka geelu yahay mid la yaab leh oo wax
badan laysku tusaayo.

Waxa ay Soomaalidu aaminsanaan jireen inaanay jirin wax u dhigma


geela, oo dunida guudkeeda lagu dhaqadaa. Geela adduunka lagu
dhaqdaa waa laba nooc oo kala ah: Geela labada kurus leh(Bacterium
camels) iyo Geela halka kurus leh (Dromedary or Arabian camels.)
Haddaba dalkeena nooca lagu dhaqdaa waa nooca loo yaqaano
Arabian camels ama geela halka kurus leh.

Dhererka cabbirka ee tuluda geeela ah, waxa uu gaadhaa marka laga cabiro garabka
1.85m. Marka laga cabiro xagga kuruskana waxa uu gaadhaa 2.15m. Orodka geela
waxaa lagu qiyaasaa siday Culimada Cilmiga Xayawaanka adduunku sheegeen,
marka uu Saqlaynaanyo (xog u ordaayo) inuu saacadiiba uu jari karo 65km. Halka
marka uu durduriyo uu ordi karo 40km. Heerkulka jidh-ahaaneed ee geela waxaa
lagu sheegaa inuu yahay 43-422.

Xoolaha afar adinlayda ahi marka ay soconayaan, waxa ay qaadaan


laba addin oo is weydaar ah. Hasa yeeshee geelu marka uu soconaayo
waa uu qaadaa laba adin oo isku dhinac ah!! Marka uu geelu
fadhiisanaayana waxa uu dhulka ku horaysiiya labada jeeni ee hore ,
waxa aanu ku xigsiiyaa sinaha dambe.

2 www.wikipedia.org
28
Geelu wuxuu Sid qaadaa saddex iyo toban bilood waa kiisa dhedige
ama 390 habeen oo u dhiganta 12bilood iyo 25 habeen. Geelu wuxuu
leeyahay nafciga ugu balaadhan ee laga helo xoolo la dhaqdo,waxaana
ka mid ah

 In yarad laysku siiyo


 In magta lagu bixiyo
 In caano laga maalo.
 In cad laga cuno
 In gaadiid ahaan loo isticmaalo

Haddaba geelu waa noolaha ugu xooga weyn nimcooleyda ay


Soomaalidu dhaqato.Wuxuuna adkaysin buuxa u leeyahay:

 Ku noolaanshaha saxaaraha.
 Socodka iyo gaajada dheer
 Ku noolaanshaha buuralayda qallalan.

Geelu wuxuu ka mid yaha noolaha af-yaqaanka ah ee fahma waxa


lagula hadlaayo. Haddaynu tusaale u soo qaadno waxaa ka mid ah:
marka la fadhiisinaayo awrka waxaa loo adeegsadaa weedha ah Juu-
Juu oo macnaheedu ayahy fadhiiso. Waanu fadhiistaa isaga oo aan is
dhibin. Marka la daajinaayo geela ee uu tooreeyo waxaa loo
adeegsadaa weedha ah Wooh- Wooh! oo macnaheedu yahay jooji
socodka waanu fahmaa qofka la hadlaaya waanu iska daaqaa! Marka
loo yeedh-yeedhaayo waxaa loogu yeedhaa weedh uu fahmaayo oo
labada dibnood laysku garaacayo, waanu yimaadaa oo fahmaa in isaga
loo yeedhaayo!.

Haddaan hadana yara eegno bal dhanka awrta, marka la kaxaynaayo


waxaa loo adeegsada weedha ah Oho Oho! oo macnaheedu ayhay soco
waanu fahmaa oo waa uu socdaa. Soomaalidu geela waxay u xidhaan,
agab loo yaqaanno koor oo qoorta geela laga lulo. Si marka la arki
waayo loogu sanqadh-dhegaysto, oo loogu raadiyo. Koortaa markaad
dhan ka eegto waa mid ka mida ciidanka ilaaliya geela. Haddaba
kooraha geelu waa dhawr nooc, degaanada Soomaaliduna waa ay ku
kala duwan yihiin hababka loo qoro iyo magacyadooda. Waxa aynu
29
qaybaha soo socda ku eegi doona wixii rabi inaga garansiiyo, iyo kuwa
ugu caansan. Intaas haddaan ku dhaafo is fahanka iyo is af-garadka
geela iyo dadka oo kooban. Soomaalidu dhaqashada iyo jacaylka geela
waxay kaga doorbiday meesiyada kale, marka xagga nafciga uu
leeyahay laga yimaado. Waxaa ka mid ah qodobadan:

 Geela oo adkaysin buuxa u leh abaaraha


 Geela oo biyaha ka qadikara mudo dheer
 Geelu wuxuu adkaysan buuxa u leeyahay socodka dheer iyo
nolosha adag ee reer guuraanimada.
 Geelu wuxuu adkaysin buuxa u lee yahay ku noolaanshaha
dhulalka qalafsan

Geelu isagaa ah mudanka iyo muunada xoolaha Soomaalidu dhaqato.


Waxa uu leeyahay Heeso, Gabayo iyo Maahmaaho fara badan .
Heesaha geela loo qaadaa waxay salka ku hayaan oo lagu balaysimay
hadba hawsha gacanta lagu hayo markaas.

Waxaana halkaas kaaga soo baxaysa qiimaha iyo qaayaha, uu geelu ku


dhex leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Waxaad ka dhadhan sanaysaa
heesaha faraha badan ee geela xaddaarada iyo xeeldheerida ummadda
Soomaaliyeed. Heesaha geelu maaha qaar la tiro koobi karo mana aha
wax qalin iyo dhiganahan yar lagu soo wada uruurin karo. Balse aynu
yara milic-sanno sida loo kala qaad-qaado heesaha iyo xilliyada loo
kala tiriyo geela heesihiisa naftu jeclaysanayso.

1. Heesaha waraabka Hore ee geela


2. Heesaha rakaada geela
3. Heesaha daajinta geela
4. Heesaha carraabinta geela
5. Heesaha geeddiga geela
6. Heesaha salsalka awrta

30
1.1 Qaybaha Geela

Sidaynu ogsoonahay noole waliba wuxuu lee yahay Lab iyo Dheddig,
ay tarantiisu ka un-kanto sidaas oo kale geeluna wuxuu ka farcamaa
oo uu ka kooban yahay labadan qaybood oo kala ah Dhedig (Hal) iyo
Lab (Awr). Qayb walbaana waxay u sii kala bixi doonta jaadad badan.
Sidaan buuggeena ku arki doono.

1.2 Geela Dheddig:

Awoodaha Ilaahay ayay ka mid tahay, in noole walbaaba oo dunidan


guudkeeda saarani yeeshaan labadan jaad ee aynu kor ku soo xusnay,
(Dhedig iyo Lab). Haddaba geela dhedig waa geela dhala ee isla
markaana caanaha laga maalo. Sida qaalibka ah hashu waxay ku rintaa
da’adeedu markay gaadho 4sano jir waxaanay ku dhashaa marka ay
5gu’ ay jirsato.

Geela dheddig sidkiisu waa 13 bilood ama 12bilood iyo 25 habeen


sidaynu horaba u soo iftiiminay. Waxaana u marag ah heestan:

 Saddex boqol iyo


 Sagaashan habeen
 Oo sidkaa yahay
 Sabool sugi waa
 Oo ku soo saar
 Ana kugu simay.

Dhasha geelu saacado ka dib waa ay socotaa marka ay dhalato, isla


markaana mudo laba sano ah ayuu caano nuug yahay. Marka uu
dhasho awrku ama qaalin(-ta) yari hadday dhamays yihiin
miisaankooda waxaa lagu qiyaasaa 30kg. Waxaanu cimrigiisu gaadha
25 ilaa 40 sano.

Xagga magac bixinta inta ay yar-yar yihiin waxa ay sitaan magaca


hooyadood. Xagga magac bixinta geela waxaa ka qayb qaataa dhawr
waxyaalood oo ay ka mid yihiin qodobadan hoos ku xusani.

31
1. Midabka hasha
2. Caanaha laga liso
3. Muuqaalka hasha iyo
4. Dabeecadaha hasha.

Geela Dhedig wuxuu u qaybsamaa Gaane iyo Irmaan . Gaanaha ayaa


sii qaybsama wuxuuna u sii kala baxaa Golof iyo Rimay. Intaas oo
kaliya kuma koobnee waxa uu leeyahay qaybo ka loo badan waana
sidan hoos ku cad.

 Duq: Waa hasha dhawr da’ood dhashay ee geela ugu weyn


 Qaalmo: Waa halaha dhedig ee aan weli curan
 Nirig(-ta): Waa neefka yaree dhedig ee hasha weli jaqaaya
 Rimay: Waa geela dhalayaa ee caloosha ilmaha ku sida
 Galoof: Waa geela aan rimanayn ee uur madhanka ah
 Igadh: Waa hasha neefkedii dhintay balse lagu maalo
maqaarkii neefkeeda
 Gaane/Horweyn: Waa geela aan irmaanayn ee aan caanaha
laga maalin
 Irmaan: Waa geela la maalo ee dhalay
 Ramad: Waa geela dhalay
 Sidig: Waa hasha ku wada godlata laba neef ee lagu maalo.
 Karreeb: Waa geela dhalay ee nirgihii guriga lagaga reebay
iyana la daaq geeyay ama la ceel geeyay.

Dhamaan jaadadkan iyo magacyadan aan kor ku soo tibaaxay waa


geela dhedig. Tani waxay inoo cadaynaysaa xeeldheerida dadka
Soomaaliyeed iyo siday geela u kala abla-ableeyaan.Waxaanu geelu
laayahay heeso badan oo kala duduwan, mar walabana ku qotoma
marxalada markaas lagu sugan yahay.

32
1.3 Geela lab
Geela lab waa kan aan isagu ahayn ka caanaha laga maalo, balse waxaa
loo adeegsadaa hawlo kale oo muhiima. Wuxuuna lee yahay
manaafacaadsi kale oo badan. Waana geela qaybta loo yaqaano awrta
ama Geela (Lab).

Awrta sida qaalibka ah waxaa loo qaybiyaa Baarqab iyo Rarey, mid
walba waxaa loo adeegsadaa hawlo gaar ah. Sida geel ku darid,
Geediga, Dhaanka iyo wax yaalo kale oo badan. Baarqabka(Qoodha)
waxa uu qooqaa yaalaaba, labada xilli ee barwaaqo roobaadka ee
Gu’ga iyo Dayrta. Inta kale waa uu da’furaa (maqooqana.)

kolka baarqabku qooqo geela ayaa lagu daraa, Aminta uu geela


abaahinaayo hasha waa loo tu’iyaa(u fadhiisan) ama isaagaba
roorsada(eryasho) deedna fadhiisista. Jamalka baarqabka ahi geela
waxa uu kaga dayran yahay, cadaw fara badan oo nooc walba leh.
Waxaa loo soo joogay in badan geelal uu dhiciyay jamalkii ku
qooqanaa. Waxa kale oo uu kaga gudban yahay bahalaha cadawga u
ah geela. Sidoo kale xilliyada qaar waxaa dhici karta inuu isaga laftiisu
kuba noqdo col oo geela siduu u sheemaayo uu meel daran iyo
abataqan kala dhaco!.

Dhanka kale Rereyga oo ah kan ugu hawsha iyo dhibta badanI, ku


dhacdo, ayaa ah awr(-ka) la’aantii aanu reerku guuri karin, Biyo la soo
dhaansan karin, Raashin aan tuulada loo doonan karin. Qaybaha iyo
magacyada loo yaqaano awrta dhamaantood waxaynu ku xusi doonaa
xagga hoose waana sidan:

 Baarqabka: Waa awrka loogu talo galay in geela lagu daro si


uu u abaahiyo
 Rarey: Waa awrka loo haysto hawsha reerka sida: geediga iyo
dhaanka
 Qoodh: Waa awrka rareygana ah geelna aan lagu darsan ee
aan la dhufaaninin
 Koranka: Waa awrkala dhufaanay xeeniyihii laga saaray

33
 Layli: Waa awrkayaree hada uun loo taba baraayo in wax
lagugu raro
 Nirig: Waa awrka yaree lab ee weli hooyadii jaqaaya.
 Baarfuran: Waa awartayaryar ee aan weli gaadhin, rareyga ee
aan geelana lagu darsan.

Awrtu waxay leedahay bad dhan oo heeso ah oo u gaara awrta. Oo


aan geela kale la wadaagin. Heesahaasi waxay salka ku hayaan oo ay
ku qotomaan, hadba shaqada iyo hawsha la hayo. Waxaana heesahaas
la yidhaahdaa SALSALKA AWRTA. Waxaana loo tiriyaa looguna
heesaa xilliyada, Dhaanka iyo Geediga, oo ay awrta Rareyda ahi
dareemaan dhibta ugu faraha badan. Heesahan ayaa ah kuwo awrta
lagu ilawsiinaayo, dhibta iyo culayska saaraan.

Xilliyada qaarkood haddaad fiirsato waxaad sifiican u dareemaysaa,


inay ruuxa heesaya ee hogaanka haya iyo awrtu ay is fahmayaan.
marka aad aragto siday ula dhacsan yihiin awrtu! Hees hawleedkan
lagu maaweelinaayo. Si ayna u dareemin culayska rarka saran iyo
daalka jiidaasha dheer ee ay ku jiraan.

1.4 Xadhkaha Awrta


Awrtu waxa ay leeyihin xadhko u gaara, oo loo adeegsado isaga uun
badanaa aan loo adeegsan geela kale. Waxaana ka mid ah kuwan:

1. Hogaan
2. Seeto
3. Beydd
4. Cayn
5. Dabo gelis

34
1.5 Heeryada awrta.
Awrtu waxa ay lee dahay heeryo la saaro oo laga xigsiiyo culayska
alaabta, dusha laga saaro marka la raraayo ee reerku dhaansanaayo
ama geediga la yahay. Waxaayna ka kooban tahay heeryadu
noocyadan soo socda.

 Karbaashyada
 Abjadka
 Kooreha
 Cawsaska
 Kabedda

1.6 Dhirta Kooraha looga Qoro Geela.


Haddiiba geel dhaqasho timaado waxaa iyana aan laga maarmayn, in
la helo wixii geela lagu sanqadh iyo jabaq dhagaysan lahaa oo ah
kooraha. Haddaba waxaa jira dhir badan oo laga qoro kooraha geela,
balse way kala tayo iyo dhawaaq fiicanyihin dhirta laga qoro
koorahaasi . Dhawrkan geed ee hoos inoogu qoroni waa kuwa ugu
fiican ee laga qoro kooraha looga qoro gayiga Soomaalidu dagto
intaan xogogaalka u ahay.

1. Gooseey
2. Ontaro
3. Labi
4. Yucub iyo
5. Bisiqa

35
1.7 Jaadadka Kooraha Geela.
Kooraha geela lagu xidhaa waxay u qaybsamaan badankoodu, inta
laysla waafaqsan yahay waa saddex nooc oo kala ah.

 Boodaan
 Laba-carrableey iyo
 Alleen

1.8 Hababka loo qoro kooraha Geela.


Kooraha geela waxaa loo qoraa habab kala gedisan oo kala duwan,
degaanada Soomaalidu dagtana qaarba magac ayaa looga yaqaanaa.
Balse waxa aynu soo qaadanaynaa saddexda ugu caansan.

 Hoos u rog
 Kor ka rog iyo
 Xawaadle

1.9 Midabbada Geela:


Dadka Soomaaliyeed ee geel dhaqatada ah, isla markaana aadka ugu
xeel-dheer geelu, waxay geela ku sheegaan midabbo kala duwan inuu
leeyahay. Balse waxaan ka soo qaadan doonaa afarta ugu caansan.

1. Aydinka: Waa midabka cas


2. Madow bacadka: Waa midab is kugu jira caddaan iyo
madow,una badan madawga.
3. Caddaanka: Waa midabka caddaanka ah
4. Xaynooshka: Waa midabka caddaanka boosh ah oo neef neef
ayaa geela laga helaa

36
1.10 Qaababka Orodka Geela

Waxa aynu hore u soo sheegnay inuu geelu yahay, kan koobaad ee
Soomaalidu ay siiso mudnaanta koobaad. Haddaba geelu maadaama
uu yahay, noole waxaa lagama maarman ah inuu, ku sifoobaayo
waxyaalo badan oo noolaha kale ku sifaysan yahay. Geelu waxa uu
leeyahay qaab uu u ordo. Waxaana ka mida orodkaasi:

 Afar-qaad, Durdurin, Dhababacayn: “Waa marka tuluda geela


ahi lugaha mar wada qaado ee orodo”
 Saqlo,Baardhaqaajis,Garab-dhiibis:“Waa orodka ugu
dheereeya oroddada geela waana markay hashu kuruska
marba dhinac u tuurto.”
 Af-dhuubyaalayn, Waa orodka geelu uu ordo xiliga
barwaaqada ah. Badanaa waxaa orda qaybta aaranka ah.

1.11 Immisa hab ayaa loo maraa Naasaha geela?

Geela waxaa loo maraa qaabab badan oo kala duwan. Inkasta


oo degaanada Soomaalidu degto ay ku kala geddisan yihiin,
hababka geela looga naasa-maro nirgaha. Waxa aynu soo
qaadan doonaa inta ugu caansan.

1. Horaadayn: ”Waa isku marka hasha labada naas ee


hore”
2. Dambeedayn: ”Waa isku marka hasha labada naas ee
dambe.
3. Midig-laso: ”Waa isku marka horaadka miskeed iyo
dambeedka haaneed la isku maro.
4. Bidix-laso: Waa isku marka horaadka haaneed iyo
dambeedka miskeedka la isku maro.
5. Gayaxa-mar: Waa marka hasha afarteeda naasba la isku
maro.
6. Xag-mar: Waa marka hasha dhinac kaliya laga wada
maro oo laba naas oo isku dhinaca lamaro.

37
7. Naas-mar: Waxaa hasha la marayaa naas kaliyata,
badanana waxaa sidan loo maraa hasha gabnada ah oo
saddexda naas ee kale waxaa loo reebaa neefka yar.Si
loogu xanaaneeyo.
8. Saddex-mar: Waxaa sidan loo maraa hasha sidgta ah.

1.12 2Qaar kamida Codadka Geelu Sameeyo.

1. Cabaadka “Geelu wuu cabaadaa marka la xanuujiyo


ama bahal cunaayo.”
2. Dhuun-yeedhis: “Waa codka uu sameeyo geelu marka
naftu ka sii baxayso.”
3. Daryaamin: Baarqabku doobta ayuu kaga daryaamiyaa
4. Doobida: Baarqaabku waa uu doobyaa.
5. Dunuunuca: “Nirguhu way dunuunucaan
6. Guuxa: Awrka baarqab wuu guuxaa.
7. Mici-lisad: Awar baarqab wuu micilistaa marka uu
cartamo.
8. Olol: Geela irmaani wuu ololaa.
9. Reen: Geela irmaani wuu reemaa.
10. Yuus: Nirgaha yar-yari way yuusaan.3

1.13 Qalabka Lagu Qoro Kooraha Geela.


Qalabka lagu qoro kooraha geelu waa laba gudmood oo keliya waana
kuwan:

 Faagato (Dul ka qor): Waa ta korka sare lagaga qoro koorta.


 Jubi (Gudo qor): Waa ta gudaha xordan lagaga qoro koorta.

3
Macnekooxeeyaha Af-soomaaliga, Hormada 1aad. Jama Muse jama
38
2. Heesaha Geela

Dadkeenu meesi walba oo ay dhaqdaan, waxay u astaysteen heeso loo


yaqaano heeso hawleedo. oo dhammaantood ku saabsan hadba
hawsha lagu jiro. Haddaba geela sida aynu taariikhda ku hayno waa
noolaha ugu heesaha iyo ammaanta badan xoolaha aynu dhaqano.
Geelu wuxuu leeyahay heeso fara badan , oo weliba xalliyo kala
duwan loogu heeso. Iyaga oo salka ku haya sidaan hore u so sheegnay,
hadba hawsha gacanta lagu hayo.

Badweynta heesahan markaad sii dhexgasho, waxaad si fiican ugala


soo dhexbaxaysaa oo kaaga iftiimaya, qiimaha uu geelu ku leeyahay
ummadda soomaaliyeed dhexdeeda. Waxaana aad arkaysaa siday u
qaddarin jireen geela. Heesha geela oo farabadan awgood, haddaan
marka guud aynu dusha ka yara korkaxaadinno xilliyada loogu kala
heeso waxaa ka mid ah:

 Heesaha waraabka hore


 Heesaha rakaadda
 Heesaha carraabaha geela
 Heesha geediga geela
 Heesaha daajinta geela
 Heesha salsalka awr(-ta)

39
2.1 Heesaha Warabka Hore

(1) (6)
 Saddex boqol iyo  Hal madooweey
 Sagaashan habeen  Maalintii ceel
 Oo sidkaa yahay  Miigasho ogow
 Sac nin maaliyo  Naag madooweey
 Sabool suggi waa  Maalintii ceel
 Oo ku soo saar  Maydhasho ogow.
 Waanse kugu simi. (7)
(2)  Feedha dhiman bay
 Sidii sagal roob  Dhaami leedahay
 Oo sisin u da,ay  Ana dhabarkiyo
 Waa sugaynee  Adhaxdaasaan
 Maysa soo simay.  Dhawr is lee yahay
(3) (8)
 Wax shidaayiyo  Jeeroon laba dhidid
 Sharba nacebeey  Oo dhafoorka
 Shifo ku afsaar  Midba aan dhan u rido
 Oo sharba kuuma leh.  Kuuma dhaartoo
(4)  Kuuma dhiidhiyin.
 Seerma weydiyo (9)
 Sagaalaha dirir  Hormo inay timi
 Waanu kugu simi  Ooy horweyn tahay
 Haddaad seegtana  Hawsha korodhiyo
 Waanu kaa socon.  Habaas kaba garo
(5) (11)
 Walee maydhooy  Waa tanoo timi
 Wiil magaalada  Waana teeni
 Soo maraan maray  Markay taaliyo
 Oo mirtii xalay  Markay tuban tahay
 Mijacas helay  Waa tolaayoo
 Maalintii ceel  Looma kala tago.
 Kuu mar dhigan waa.

40
(12) (19)
 Jaw gayga maqal  Caano aan saxarleyn,
 Oo biyaha jamo  Oo si san u dhamo,
 Oo janada nuug.  Waa na siin jiray.
(13) (20)
 Geelow heestaa  Xayle guud weyn,
 Waa kun iyo halal  Xiddiggoo dhacay
 Waxse aan ka hayaa  XiI ma kuu yimid
 Aan hum humanoo  Oo ma lagu xigay
 Hubka dhiganee  Oo ma la xiI baxay.
 Inyar noo hogo (21)
 Cagta saarnaye  Afar foollaha
 Caalamiintiyo  Aabbe mooyiye
 Caadalkaw sahal.  An af kale baran
(14)  Abaydi miyaay!!
 Indha yoololow (22)
 Kiisa oomani  Kelyo-weyneey
 In lanacay mood  Kaliil aanad dhalin
 Oo il gabadhlee  Wax la kariyiyo
 Oo ilmada saydh  Kuleyl loo dhimay!
 Wase la ogyahay. (23)
(15)
 Geeridaydana,
 Waad qabooyiye
 Guryo ba'ay iyo,
 Qunyar soo soco.
 Goblan laga qaad;
(17)
 Geerida haweenna,
 Anaa qaawanoo
 Guud la fidho iyo,
 Qaylinaayee
 Guursi laga qaad;
 Inaad qalawdiyo
 Geeridaadana,
 Qadoodi ha filan.
(18)  Gaawa madhan iyo,
 Haduu duhursado  Gaajo laga qaad.
(24)
 Oo si daba maro
 Qaayib qoyska leh,
 Doob u riiray iyo
 Jeeruu qun u dhalo,
 Dagas laa shuba.
 Oo nirgaha qubo,

41
 Quulla dubadkiyo,  Dadna waa wiil
 Qiiqu kama hadho.  Duunyo waa geel.
(25) (32)
 Afarraysane,  Werdi xadhiglaay,
 Afar maashiyo,  Waaga jiilaal,
 Ilmihiisaba,  Weyrax mooyee,
 Afku ma qallalo.  Weydi kaa dheer.
(26) (33)
 Caanahaagoon,  Sabaankii dhacay,
 Calooshay tegin,  Adba sigataye,
 Yaa codwaagiyo,  Sac nin maaliyo,
 Ciidan xumadaa leh.  Sabool adhi leh,
(28)  Sidee uga baxay?
 Waa iyadiiyoo, (34)
 Bil maqnaydoo  Dayr la waayiyo,
 beer yarowdaye  Diraac dhahataba,
 baadi socotiyo  Soo durduri Dugul ,
 baylah haw qabin  Oo dadka ha layn.
(29) (35)
 Xoorki laga dhamay,  An danbaabee,
 Xaggaagi horiyo,  Danqad dabadaa
 Xusuus baa geela,  Doobi xoorliyo,
 Lagu xer geeyaa.  Dambar lama dhamin.
(30) (36)
 Madowgaagiyo,  Goodir curatiyo,
 naag magaalaba,  Haddaan garabweyn,
 Waa maqaafoo  Guga kaa dhalin,
 Waa ku meelgaadh;  Waa la go'ayoo,
 May caskaagiyo,  Waa la gubanyahay.
 Wiilki muruqlana, (37)
 Waa ma guuraan.  Wiilal habar la
(31)  Yey habtaayoo,
 Daaduf waa adhi  Hooyadood tahay.
 dawlo waa faras
42
(38) (45)
 Qawlal wayntiyo  Kuwaad saydhaa
 Qaafo dharagtee  Ma sunkaabaa
 Awr(-ka) qoodhiyo  Mise waa suruq.
 Qublahaa hadhay (46)
(39)  Faruur-dhabadkaa
 Gugii waa kaa  Nin fudfudud iyo
 Soo guduutee  Fulaa ka balbbala.
 Giraan girihiyo (47)
 Gadowda halayn  Xoolihii gabannada
(40)  Loo godlaayee
 Xaluu dhiilkii  Loo gayax marayoo
 Iga dhimayoo  Ay gartood tahay
 Ana dhabastii  Yaa ina soo galay.
 Waa kaa dhimayaa (48)
(41)
 Darkaba arkaye
 Waa u gaadhoo
 Allow dirirtaa
 Haddaan loo orin
 Duul la’aaneed
 Sooma orodee
 Haygu soo dayn.
 Way irdhawdaa.
(42) (49)
 Adoo dagal saday  Cabbi weydaye
 Oo dar yuurura  Carro mood bay
 Nin ku daba sugay  Ceelka ku ogtahay
 Looma dayrshoo (50)
 Danba wow tagi  Xaluu Gabantii
(43)  Geed la waabiyo
 Haddaan dhidibada  Guure kaga yimid
 Looga dhaantayn  Oo hadduu garan.
 Miyay dharagtaa.
(51)
(44)
 Haddaan dirirtaa
 Awr(-ka) qoodhiyo
 Rag u daba maro
 Ayro dharagtee
 Allow lay dilo
 Uur durbaanloow
 Aarankay dilay  Oo aan lay dayn.

43
(52) (57)
 Gooray wadaaddadu  Suub ninkii dhaqay.
 Wardiyeenoo  Seexan waayoo.
 Wayso qaateen  Soodh la goday iyo.
 Weehad nirig(-tii)  Siiqa la horsocay.
 Wanaagsane dhalay (58)
 Waab lagaa geli.  Birmad Xiitooy
(53)  Bir nin ka cabsaday,
 Waa nin baqayoo,
 Geel nin waayaa,
 Barya mooyiye,
 Gundhay oo gubay,
 Biidna kugu waa.
 Oo galba carrow.
(59)
(54)
 Tummaatida waran,
 Soddon magacley,
 Oon wadnaha tegin,
 Sagaal midabley,
 Wallee Tiireey
 Siddeed suulley,
 Lagaagama tago.
 Ninba si u dhaqay
(60)
 Midkood sibi gee,
 Geel nin badiyana
 Oo surmi u laa;
 Geeri baw dhow
 Ninna sarinkiyo,
 Kuu ku gaabtana,
 Siiqda webi geli,
 Gaajo wow halis.
 Oo biyaha sii,
(61)
 Oo sibra caddayd.
 Deerooy laba duul
(55)
 Aan dal wada degin
 Wiil Shabaaboo,
 Oo dab wada shidan
 Shax la jeexiyo,
 Dagaalamiyaay!
 Shirka kaa tegey,
(62)
 Caana shawliyo,
 Xarbi nimaan tegin
 Kaama shubo xoor.
 oo xabbado ridin
(56)
 Soo xereeyn waa!
 Maalin hawleed
(63)
 oo rag kala hadhay
 Haddaan dhiig quban,
 Wiil hagoogtaay
 Amaan loo dhimman,
 Waa habaar-qabe.
 Miyey dhaqantaa??!

44
(64)  Hayna kulansiin.
 Amlay danantiyo, (70)
 Dagaal mooyiye,  Awr(-ka) riixaa
 Wiil durraansaday  Asaan riminini
 Daawad ma hantiyo.  Rafan meelliyo
(65)  Ragaad uga daran.
 Haddaan curaddada, (71)
 Aanu cudur dilin,  Jiilaalkii dheer.
 Amaan cadow qaban,  Jaadsankaagiyo.
 Cosob meellaba,  Wiilkii jamalaa.
 Wallee cawleey  Jidhku ku hadhaa
 Ciyoon waad tegi. (72)
(66)  Abeerkeedaa.
 Jeeruu sacabbada  Abaar laaliyo
 Sarta kala baxo  Awr la boodda leh.
 Amuu sararrada (73)
 Suuman adag iyo  Ninna dhalashuu
 Seedo kala jaro  Kuugu dhabandhigay
 Sidaa kuma tago.  Ninna dhuunuu
 (67)  Kuugu dhaadhacay
 Wiilaan muruq iyo  Ninna dhaqashuu
 Maagis kugu helin  Kuugu dhiidhiyay.
 Maalin se u dhiman (74)
 Macnalaawuhu  Dhawr walaala ah
 Ma mag buu sugi.  Oo nin wada dhalay
(68)  Dhawratooy dhebi.
 Dab nin qaatoo (75)
 Duula mooyiyo  Gadhcadaha shubay
 Aan duceeyiyo  Ma goblan-baayoo
 Diin quraan iyo  Ma gabdhuu dhalay.
 Diiqa lagu waa. (76)
(69)  Oday wiilalliyo
 Allow Suubeey  Nin walaallaad
 Col siddeetana  Ku wanaagsantahay.
 Oo sengiyo luga
45
(77)  Garoob lama dhala
 Bayla yuusaay  Gashaanticirroole
 Nin baryaa ba’ay  Kaama geyn karo.
 An bahdi lahayn. (84)
(78)  Good habooneey
 Nin gadh madow leh  Goblin waa belo
 Oo la gawracay  Bal aan guursado
 Gashi bixiyaay.  Kolaan gabadh dhalo.
(79) (85)
 Naag la gaatiyo  Salaaddiyo suub.
 Gaari xidhataba  Salaadaha daran
 Adaa gooyoo  Suub hadday timi
 Lagaa geeyaa.  Salaad la qalee.
(80) (86)
 Baari gabadhii  Maydho weetooy
 Lagaa bixiyaa  Mulki nin u dhaqay
 Waa mid baasoo  Meel xunse u maray
 Waa mid boqor dhalay.  Maal uu bixiyiyo
(81)  Muquuno u diid
 Qaalmo diircada (87)
 Oo duqii dhalay  Gobow baan ahay
 Wiil aan daba gelin  Oo ma gada yari
 Doorka naagood  Oo ma guursado
 Dumaal mooyee  Yaadan gaabin baan
 Doonis kuba waa.  Guur isaga nacay.
(82) (88)
 Naag aan siigada  Haddaan oday dhiqin
 Ka sii simanoo  Awrse loo hayn
 Sariir dheer iyo  Abuur adageey
 Salli ka lahayn  Eebbe mooyiye
 Anna kuma siin  Yaa askumi kara
 Adna kuma samid. (89)
(83)  Wiil cawayskii
 Gosol geenyooy  Kaa cayaar guday
 Naag aan gob ahayn  Adna ciil iyo
46
 Cadhuu kugu dilay  Bila rammadan
 Asna ceeb iyo  An raggu afurin
 Caydh u halis noqoy.  Roob u da’iyo
(90)  Raaxo dooneey.
 Runtu siday tahay (97)
 Ragaad meelliyo  Halay heliddaa
 Rafan kuma galo.  Hoodo loo lehe
(91)  Yaa ku hayn kara.
 Hooyo wiilliyo (98)
 Nin haween qaba  Casar kulay tahay
 Oo hadhsaday guri  Uu cadceedsaday
 Kuuma hagar bixin.  Duul ka cararaa
(92)  Caweer laga helay.
 Wadaad weynoo (99)
 Waayo jiray iyo  Qooryareey qaalin
 Wiil yar kuma galo.  Qooray joogtaba
(93)  Qoora go’an iyo
 Jeeruu darantiyo  Qaar ragg baa yal.
 Jidhamaada tago (100)
 Jeel haduu qabo  Qaayib laba qolo
 Jeer uu buushiyo  Oo qabiilo ah
 Joogsi laga waa.  Oon wax kala qabin
(94)  Qaata qaatiyo
 Markuu suruqdiyo  Qaylo galiyaay.
 Arko saxarrada (101)
 Sanka mariyoo  Feyd nin faralaa
 Surka kor u taag  Faruurta qabsaday
(95)  Oo nin faras laa
 Wiilna murankiyo  Feedha ka eryaday.
 Maaddaguriguu (102)
 Ku milaaq yahay  Weynow nimaan hanan
 Wiilna muruqiyo  Oo hubkow dhigan
 Maalistaaduu  Hayga kaa siin.
 Ku milaaq yahay.
(96)
47
(103)  Caano kaa idlee.
 Awrkii guubiskiyo (110)
 Gabnnada dheli jiray  Geelu dhugatadu waa
 Gugana maku belo.
 Qooqan yahay geelii.  Ama dhimay ama u
(104) dhawaa.
 Jinow iyo xoor.  Amakurusku
 Jiidh iyo caddiin dhuubnaa.
 Jabdhan iyo kurus. (111)
 Jaawo mooyee  Reer abtigay iyo
 Ma wax laa jira.  Reer abtigay
(105)  Oo rug wadayaal.
 Mudka geela xayaabka.  Oo iwada raba.
 Mac-macaanka  Iigu rooney.
ricidhaha (112)
 Mandharaari  Walaallo is jecel
dubbaysan.  Wiil iyo abtigii
 Maxaan dhaax ku  Aan wax ka cunin
miigtay.  Weerar geliyay.
(106) (113)
 Nin garaado weyn.  Heesta wiilkiyo
 Oo la gawracay.  Hawda soo raac.
 Gashi bixiyaay.  Oo ku soo hiro.
(107)  Oo hakala hadhin
 Margi dheereey.
 Mag nin mooyee.
 Mus ku qarin waa.
(108)
 Geelu labi ku ladana
 Koor looga gooyaa.
 Kaambuli ka daaqya.
 Ka jiryaa u fuulyaa.
(109)
 Candha toobin luhu
 Ceelse kaama diro.
48
2.2 Heesaha Rakaada Geela  U diyaar yahay
(7)
Heesahah rakaada ama  Ayro fadal weyn
(durduurta) geela waxaa loo  Fooda keentee
tiriyaa, marka geela biyaha mar  Bal fankana dadab
labaad lagu soo dabbaalaayo. (8)
(1)  Jeer uu doqontiyo
 Haydul joogine  Duraysaha diro
 Tii durduurtiyo  Ama aan dogobbada
 Tii daftaay durug  Dacda yaalyaal
(2)  Dagaal ula tago
 Jii jaa leeyeey  Dareer ma hollado.
 Jidkii dheeraa (9)
 Waynu jeexiyo
 Haddaad wabax tahay
 Waynu jiidane
 Oo waddada mari
 Jiidadda xidhxidho
 Waxse kuu dhiman
(3)
 Adoo waaroo
 Sool inaad mari
 Aan wadba lahayn.
 Sodon inaad qadi
(10)
 Ood sidii noqon
 Sidaa biyaha ku cab  Luqma liiglow
(4)  Lugba meel saar
 Gooruu toomoo  Oo ku laafyood.
 Taahayayoo (11)
 Tii yarayd iyo  Way caddibi jiray
 Ilmihii tabay  Meel cidhiidhiya
(5)  Oo rag ka cabsaday
 Ma rakaad buu  Waygu celin jiray.
 Isu soo rogay (12)
 Anna rubadkaan  Calool weynaa
 Ka ruc lee yahay  Oo cir badanaa
(6)  Caska waagiyo
 Ma durduurbuu  Casar dabadii
 Doonayaayoo  Waa cabbaysaa.
 Ma darer buu
49
2.3 Heesaha Caraabaha  Foore baalbaal
Geela (6)
 Shaluu maajeen
Geelu wxuu lee yahay heeso  Hoosta madaw ku leh
lagu caraabiyo oo lagu xere  Maraan marayoo
geeyo habeenkii. Waxaana ka  Meelo ka hafsaday
mida ku wan. (7)
(1)  Gaane weydsane
 Caraabaha dheer  Waa gartiiyoo
 Caafimaad iyo  Sanadkaan la xergeyn.
 Caano kaa gale (8)
(2)  Nina dhaqashuu
 Hadhaagaa iyo  Kuugu dhabar jabay
 Halbaa maqanoo  Nina dhuunuu
 Hadhuub lagu tabay  Kuu dhex joogaa
 Waa habaar weyn! (9)
(3)  Qaalintaa godan
 Geelu galabtii  Ee golxada dheer
 Gaaniyo irmaan  Soo godolkeediyo
 Golof iyo rimay  Guurahaa idilay
 Maysla kala guray (10)
 Ana galabtii  Adna dhaystii
 Gaajiyo haraad  Soo dhaweysoo
 Maysla kala guray!  Kaa dhab weeyaan
(4)  Ana dhididkii
 Muxuu inamiyo  Ii dhanaanaa.
 Muxuu odoyaal (11)
 Meel abaariyo  Markuu yalusluhu
 Aaha kaga tagay  Yeedhi waayaa
 Oo ana isigay  Adna yoomay
(5)  Laguu yabaa.
 Faydan baarkii (12)
 Kuu fidhnaan jiray  Dummaagii shalay
 Kaa furfurayoo  Dayr makaa ahaa
 Ay wax feedhiyo  Diifaan hadhayniyo
50
 Dab makaa shiday  Biciidkuba waa
(13) (19)
 Habeenkay goray  Ma tukade iyo
 Guura guurtiyo  Taarig wadatooy
 Guul aroortee  Toobad xumaddan
 Gam’i maayee  Kaaga tagayoo
 Waxba gogoshii  Tiiray kugu nacay
 Galaydh hay dhigin.
(14)
 Habeenkaan gudo 2.4 Heesaha Geediga
 Aan guryaha maro Geela
 Aan garayskiyo Ku wanina waa qaar ka mida
 Guntiga furo heesaha geela loogu heeso,
 Garaad badanuhu xilligga geediga lagu jiro.
 Waygu garan jiray (1)
(15)  Waa horweyntii
 Gaari golahaan  Markuu hawdka galo
 Geed ka waabtee  Waraabaha hurdiyo
 Gaaf aroosiyo  Haada kicin jiray.
 Kaama gelin guri (2)
(16)  Waa la guuriye
 Meel xinjiri taal  Gubaad naasaha
 Oo rag ku xarbbiyay  Gahaydh Xaggatiyo
 Xayaad ololeey  Geed ka ogow
(17) (3)
 Shalay jaratoo  Waatan soogane
 Jeego xiiradu  Sawaxan tee
 Meelaan jid ahayn  Suub ma geeddada
 Joojiyeenoo  Oo ma sahan baa
 Jar ku maaleen  Oo ma socod baa
(18) (4)
 Meel burcaws leh  Goortu waa galab
 Oo biyo u dhaw  Wiilku waa gaban
 Baadi doonyoo  Kuuma sido gudin
 Baarqabkaagiyo  Guullow kaa magan
51
2.5 Heesaha Daajinta Geela (6)
 Xas jadeerliyo
Marka geela la daajinaayo ee  Haddaan Xaggar jiqa
uu dhex jibaaxayo xidh  Looga xero dhigin
gahaydha iyo geedka sare isku  Cuudku ma xasilo.
qunu baxay, waxaa loogu (7)
heesaa hahes hawleedyadan.  Meel madheedh laba
(1)  Miyaan lagu marin
 Hadba laba geed  Ammaan mayraca
 Kii hadhweynoo  Lagugu miyirin
 Hadoodilan raac  Maxaa muruqiyo
 Oo hore u soco  Mudka kaa faqay.
(2) (8)
 Sidii bahalkii  Caweereey ilmaha
 Bulbusha lahaa  Caleemada doog
 Meel banaan iyo  Cayaarsiin ogeey.
 Boodh is lagadooy (9)
(3)  Cag basarilow
 Baydidaa waa  Meel caleenliyo
 Dooxo baad weyn  Cag banana raac.
 Oo bahdaa taal (10)
 Beeg u joogsoo  Dhulka cawas ka hel
 Beyda kor u tag.  Ceela biyo ka hel.
(4)  Tolka cudud ka hel.
 Markuu himirtiyo  Carshiga allane
 Hareeriga cuno  Caafimaad ka hel.
 Habeedin ogeey. (11)
(5)  Shaluu oogada,
 Meesha adhigiyo  Anta weeroo
 Awr(-tu) daaqaan.  Uubka meersaday.
 Anaa kuu ogoo (12)
 Ayro kuma samid  Shaluu cawayskiyo.
 Caran-ceer engegay
 Caaro gooyoo
 Cadho isugu guray.
52
2.6 Heesha Salsalka Awrta. (5)
Markuu dawga
Heesaha salsalka awr(-tu) maraayo
waxay ka mid yihin, hees Daadinaayo hogaanka
hawleedka xoolaha. Waana ay Ma diyaarad sarkaaloo
fara badanyihin waxaanse ka Dagaal meel ku ogbaa
soo qaadanayna. Waxoogaa (6)
kooban. Adna caynku ku
gooyoo
(1)
Anna caato ku raagee
Allahayow Cadaawoow labadeena
xilqariyahayow Mid keena cabanaaya
Aan xamaamadu quban Cagtaa loo dabciyaa
Allahayow aan lagu (7)
qalinoo Allahayow nin laba awr
Tuke kaa dulqaaqlayn. raray
(2) Labana u ransanaysaa
Allahayow maxaa dilay Rubad gooyo weynaa.
iyo (8)
Dab la oogay kaa hay Wiiclaa waliilaayee
Yaan calaancal beeneed Waayeel macawdaa
iyo Rasanbaa raramaysee
Gaws laguugu ciidamin Rarka geelu hawl malah
(3) (9)
Nabad galaw nin laba Ma intaan raramanayaa
dumarle Reerihii dareeren
Nabadi uma soo hoyan Ma intaan ganbbada
Saliga iyo quraan kaan xidhanayaa
Kugu saaray suubane Awr(-tii) gibisha loo
(4) xidhay
Samay samay markaan (10)
ku idhaah Bacadle yaa bun kuu
Sabar kaaga foorari duba
Oo sinaha kor u qaad Bafto kugu hagoojiya
Bilcaan kugu nikaaxiya
Wan baraara kuu qala.
53
(11) Asaan Dhoob1e dhaan
Haddaan dheelli kuu wadin,
raro Gurigii dharaarma leh
Iyo dhoomo laalaad (17)
Igu dhiibis baad tahay Shaluu taagan ahaa
Oo waadan ii dhalan. Xaluu tiirka ku xidhnaa
(12) Waa tagoogocasoobay,
Oo dhulkuu
Waqaan shalow lagaa
taakinaayaa
mudin
(18)
Shillal dheer laguu
Habeen kaad baaddiyo
dhigin
Habeen kaad bukootaba
Habro kugu
Uurku way balalac-
shaloombiyin.
leeyaa
(13)
(19)
Habeenkii lay dhalay
Adna hawl nasiyahaa
Adna lagu
Haluu hawd la joogaa
dhaqaaleeyaa
Anna hawl nasiyahay
Dhib layska meel
Habartiiba lama hayn.
dhigay. (20)
(14) Yaa habarta kaa dila
Waadigaa cataabayee Oo hilayga kaa guba
Sida caynku kuu Aad horweyn hogobla
gubeybaa daaqdide,
Ana cidhibta hoosiyo Ood haleelo la miratide.
cagtu ii dalooshaa. (21)
(15) Rar xumaa ragg kaa
Irmaan golongolaayiyo reebtee
Goldheer gabadhi Raagsiinyo ceeb ma leh
nuugtiyo (22)
Gabannaa guriga kuu Dhoohane Allaa dhibay
jira Habeenkiina waa
(16) dhaxan
Haddaan dhay la Maalintiina waa dhadid
maalayn

54
(23) (29)
Nabadgalow Inaan kugu dhuftaan
naqroobaad, moodee
Oo lagu naaxay baad
Waan kugula soo
tahay
(24) dhacay.
Iyadooy kaliiI tahay (30)
Oo dadku wada Qaalin waa jibaadaaye
kadeed qabo Duq jiriidka ka reemoo
Ninkaan kebed la Jiibiyaa la larartaa.
xiimeyn (31)
Oon koran raranini waa
Allahayow negaan
ba'ay
(25) weynee
Adigana gartaa weeyoo Nabad iyo naq roobaad.
Guul oomman baad (32)
tahay Jeeruu hawd ka hilaaco.
Anigana gartay weeyoo Haradiina biyawdo
gaadiidkaygii baad Heeryada kaa
tahay. dhigimaaye
(26) Hanqaloosiga iga daa.
Ha la raro rag baa yidhi,
(33)
Anna waa ku raalliyey.
Allahayoow maxaa
(27)
dilay
Cagayare cidda
Dumar ururay ka hay,
guurataye
Allahayoow qaloo
Cidlla kuuma soo
qaybsha
qaban.
Qaad qaade kaa hay.
(28)
(34)
Dhoger- yare dhedaa
Libaax gaado ma daayo
qubatee. Geel hareeri madaayo.
Balan dhaxanta kaa Gargaaroow labadeenuna.
dedo. Habeen guure ma dayno.

55
2.7 Magacyo kooxeedyada 29. Qayraan
Loo Baxiyo Geela Dhedig 30. Shamaal
31. Tawlan
1. Dheeho 32. Good
2. Aloos 33. Gosol
3. Dawaar 34. Gorso
4. Gobaad 35. Baari
5. Maandeeq 36. Qawl
6. Xaawis 37. Gaydho
7. Xula 38. Dhebi
8. Weris 39. Weyrax
9. Xayaad 40. Werdi
10. Mahir 41. Baaryar
11. Suuf 42. Weehad
12. Baarax 43. Gooha
13. Baar 44. Beyl
14. Heemaal 45. Suub
15. Tiir 46. Sulub
16. Qaayib 47. Jaawo
17. Dhudi 48. Goodir
18. Dhaayin 49. Qiyaas
19. Caweer 50. Qaabil
20. Ayro 51. Dhoor
21. Xiis 52. Shuuro
22. Madiix 53. Daruur
23. Saruur
24. Dhamays
25. Dhuux
26. dhexyar
27. Qaabbil
28. Qadow

56
2.Magacyada loo baxiyo Geela Lab
Badanaa magac bixibta geela lab waxa ay salka ku haysaa oo lagu
sidkaa hashii dhashay awrka, oo loogu magac dara.

1. Dhooble
2. Da’arre
3. Bacadle
4. Hayin
5. Buubaal
6. Madoobe-dheer
7. Madoobe-yare.
8. Ina dhamays.
9. Ina qayraan.
10. Ina sulub
11. Ina weyrax
12. Ina qaabil
13. Ina maahir
14. Ina dhexyar.
15. Ina daruur.
16. Ina dayax.
17. Ina suuf
18. Ina dhamays.
19. Ina baar
20. Inatiir

57
3. Murtida Iyo Maah Maahaha Geela
1. Geel laba jir soo wada mar
2. Geelu xoolo kuma jiro
3. Geela duqdiisu durdurisay aarankiisana maxaad u malayn
4. Geel geel waydaartay gedo la,aanbaa leh
5. Awrba awrka hore socodkiisa ayuu lee yahay
6. Hal didaysaa geeday ku xoqoto ma weydo
7. Geel waa geel wixii gooyaana waa geel
8. Geel jire geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa
9. Hasha geela cuntee cabaada.
10. Geelba sibir godan
11. Hasha labada geed jecel dhexdooduu waraabe ku cunaa
12. Hashu maankay gadaye ma masaarbay liqday
13. Kabbo geel gelinbay ku waddaa
14. Halba wiilkay korisaa wedkeeda leh
15. Meel geel joogo gaajo looguma dhinto
16. Halay gooji ama hagoojin geela gugaan kugu tirinayaa
17. Awr xamaalkiisa waa qaadaa xadhig qaloocanse ma qaado
18. Layligu biyaha kashkiisa saranbuu ka didaa
19. Geel doono geeso dhiiglay dhashaa
20. Geel jeeni kama go’o
21. Geel wada cag weyn
22. Geel caruuri qaaday ma foga
23. Hashu laaciyo laanta aragtee laaga ma ogtahay
24. Heesta geelu way kala horaysaa
25. Geel diday dooh laguma karo.
26. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto
27. Geel waa godol iyo gaadiid
28. Halaan xoorin ma caano badin
29. Durduro geelbaa ku jaba
30. Geelu cag ku raacda iyo caana ku deeqaba isagaa leh
31. Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho.
32. Geel jiruhu iyada oo ushu u go’antahay ayuu ku yidhaadaa
teebaan goostaa.
33. Caano geel, mar waa subag,mar waa soor, marna waa sabab.

58
34. Meel hal lagu qalay,ma hilib yara, mana hadal yara
35. Hal bil qadday, beryo kuma dari weydo.
36. Hal laba iyo toban nin dhaxalkeeda kaa xigto,dagaalkeeda lama
hagrado.
37. Gaadiid ninkii ku weydiiya, ama hoggaankiisaa la siiyaa, ama
hilibkiisa ayaa la siiyaa.
38. Geel adiguna ha bixin, nin lehna ha u dayn
39. Nimaan bakhtiinin ma baxnaanin.
40. Caana geel ninkii dhaweystaa waa ka dheeraadaan.
41. Rabbi iyo Rag iyo geelba waa la tuugaa.
42. Abaal raaga rag iyo geel baa leh.
43. Hali nin iyo Eebbe ayey ku dhaqantaa.
44. Nimaan wiilkiisa hal ugadhimani,geeridiisaa waa ogaa.
45. Tol waa hal la qalay
46. Hilib geel yuu jileec kugu dilin, hilib adhina yuu adayg kugu
dilin.
47. Geeloo geedo daaqay godolbaa ku biira
48. Gaadiid la’aan reer ma guuro.
49. Dhugato hal kaama disho’e bahal ayay kaa siisaa.
50. Kor ha daaqo koorna hala haado.
51. Geel duqbaa loo tumaa.
52. Geela hud iyo gawraar ragga ku hayaa dilay.
53. Geel waxa lahelay maalin la yidhaahdo “ILA"
B)- Ila lis:oo ah in laba qof ugu yaraan lista si caana badan
looga helo.
T)- Ila waraabi:oo rag badan oo xoog iyo adkaysan leh looga
maarmi karin, si uu dhakhso ugu cabbo.
J)- Ila kaxee: oo qof keli ahi ay dhib ku tahay, una baahan dad
kale oo la kaxeeya oo meesha la rabo la geeya.
X)- Ila qal:oo qof keli ah aanu awoodi karin, laakiin laba nin iyo
ka badan ay qaban karaan.
Kh)- Ila dhac:ooah hawl xoog iyo xiribba u baahan oo qof keli
ahi aanu si wacan u fulin karin.
D)- Ila dhici:oo marka la qaado u baahan rag badan oo soo
dhiciya.

59
4. Erey furkaGeela.
Geelu waxa uu lee yahay ereyo isaga u gaara, oo loo adeegsado
dhamaantoodna macano salka ku haya. Manaha aha ereyo la soo koobi
karo, balse wixii Rabi inaga garan siiyo ayaynu, dul istaagi doonaa….

 Duq: Waa hasha dhawr da’ood dhashay ee geela ugu weyn


 Qaalmo: Waa halaha dhedig ee aan weli curan
 Nirigta: Waa neefka yaree dhedig ee hasha weli jaqaaya
 Rimay: Waa geela dhalayaa ee caloolku sidka ah.
 Galoofta: Waa geela aan rimanayn ee calool madhanka ah.
 Igadhka: Waa hasha neefkeedii dhintay balse lagu maalo
maqaarkii neefkeeda
 Gaane: Waa geelaaan irmaanayn ee aan caanaha laga maalin
 Irmaan/Qoltida: Waa geela la maalo ee dhalay
 Ramad: Waa geel badan oo dhalay.
 Sidigta: Waa labada halaad oo ku wada irmaan neef kaliya.
 Kareeb/Eeridhaban: Waa geela dhalay ee nirgihii gurigaga laga
reebay iyana la daaaq geeyay ama la orooriyay.
 Baarqab: Waa awrkageela lagu daro si uu u abaahiyo oo
geeluna u dhalo.
 Rareyga: Waa awrka loo haysto hawsha reerka sida: geediga
iyo dhaanka.
 Qoodh: Waa awrka aan la dhufaaninin
 Koranka: waa awrka la dhufaanay ee xeeniyihii laga saaray
 Layli: Waa awrka yaree hadda uun loo taba baray si loo baro
rarka, dhaanka iyo geediga .
 Nirig: Waa awrka yaree lab ee weli hooyadii jaqa
 Baar-furan: waa awarta aan rarna loo haysan geelana lagu
darsan
 Magow:- Waa marka hasha la soo godlo ee aan weli la lisin.
 Kuluulis: Waa caanaha lista ah ee kulul markaana ibta hasha
ka soo baxay.

60
 Magaabo: Waa cantuugada mar afku wada qaado ee caanaha
geela ah.
 Sidka geela:- Muddada geelu ilmaha caloosha ku sido ayaa la
yidhaadaa sidka geela.
 Gaagixin:- Waa hasha irmaan marka caanihii laga lisi lahaa
lagu badh jaro iyada oo aan laga dhamayn.
 Gaaxin:- Waa hasha irmaan marka xilligii lamaali lahaa dib loo
dhigo.
 Gulaanka:- Waa awrka aan doobta soo ridan marka uu
doobyaayo.
 Durduur/ Rakaad:- Waa marka geelu inta uu cabo haddana dib
darka loogu celiyo si ay biyaha ugu noqdaan.
 Tu'is:- Waa marka hasha awrka baarqabka ah loo fadhiisinaayo
si uu u abaahiyo.
 Abaahin:- Waa fuulida uu awrka baarqabka ahi fuulo hasha si
uu u abaahiyo.
 Abasax: Waa marka ay hashu ku jirto xilligii uu arwrku
abaahin lahaa,
 Shubaal: Waa awrka abaahinta wanaagsan.
 Shaf-saar: Waa awrka aan abaahinta wanaagsanyn, ee hasha
maraqsaarka gaadada kaga xoqa.
 Buudhis: Waa marka ay qaalintu ku jirto xiligii Abasaxa ee
aanu awr horana abaahiyin, sibiisha ayaa yara bararta
 Shubaasha geela:- Waan nooc ka mida waraabka geela
 Salsalka:- Heesaha awrtaloogu heeso marka lararaayo.
 Godol:- Waa marka hasha neefka loo soo daayo si caanaha
looga liso
 Godlasho:- Waa marka hasha candhadeeda ay caanuhu ku soo
dhacaan.
 Gomode: Marka naasaha hasha caano laga waayo.
 Tulud:- Waaneef geel ah
 Baatir:- Waa qaaalin geel ah oo si fiican u naaxday.
 So'da:- Hilibka geela ama Halka Geelu daaqo.
 Dhufaan:- Awrka xiniin yihii laga saaray
 Dhufaanid: Xiniinyo ka saarid

61
 Hayin/gur-gurshaa:- Waa awrka rarayga ah ee daganee aan
ahayn mid car carara xiliga uu raran yahay
 Buubaal ama Buub: Waa awrka didka badan ee reerka marba
daadiya weelkana jajabiya.
 Dhaan: Waa marka awrta inta haamaha la saaro biyo loogu
doono reerka.
 Dheelli:- Waa rarka awrtasaran oo dhinac u liica
 Bacadle:- Waa awrka xoogaah ee midabka cad leh
 Aaranka: Waa geela yar yar ee labka iyo dhedig isku jira ee aan
weligeela Waa-weeyn aan ka midka noqon.
 Caynka: Waa mid ka mida xadhka ha awrta waxaana lays kaga
gudbiyaa labada dhinac ee awrka (Sabarka) Xagga hoosana
laga soo dusiyaa.
 Jinow: Waa caanaha xooga u dhanaan
 Keeno:Waa xadhig gafuurka laga geliyo awrta marka la
hoggaaminayo.
 Qarqarsiga: Waa hab la isugu xidho jeenyaha hore iyo luqunta
awrta rereyda ah marka la raraayo.
 Heeryada: Waa huga awrtarareyda ah dusha laga saaro ee
culeyska alaabta laga xigsiiyo.
 Habeed: Waa uskag ku dhega lugaha dambe ee geela oo
kaadidiisu ku Reebto, waana qurxda geela u gaarka ah.
 Ragaadka: Waajab yar oo qoriya ama qodox ahoo geela ka
muda cagaha hoose.
 Sarta: Waasaanta geela
 Sibirta: Waa miskaha dambe ee geela dhexda ay ka laabmaan
ee godan
 Roorsi: Waa marka awrku hasha eryado si uu u abaahiyo
 Dooh: Waxaa loo adeegsadaa awrta marka la kala celinaayo
ama marka la rabo in gees loo duwo.
 Juu juu: Waa kal mad loo adeegsado geela iyo awrta marka la
fadhiisinaayo
 Dibingaraac/Qablayn: Waa marka awrka baarqabka ah uu
cartamaayo, ayuu isku garacaa labada dibnood markaas ayaa
la yidhaahdaa wuu dibingaraaceeyay.

62
 Toore: Waa marka geelu iswada daba galo sida marka geediga,
caraabaha.
 Jeeraaro: Waa orodka nirgaha yaryar.
 Wooh wooh: Waa weedh loo adeegsado in geela lagu joojiyo.
 Maraqsaarka: Waa miskaha dushooda halka kuruska ka yara
dambaysa waxana loogu bixiyay geel jiraha ayaa markuu hasha
lisaayo maraqa saarta.
 Maraq: Waxaa laga saara maydhaxda qansaxa. Iyo mulaaxda
qudhaca. oo geela ayaa afarta naas lagaga maraa si ayna
nirguhu u jaqin.
 Qalax: Waa laba qori oo yar yar oo si xaleefa loo qoray dhibna
aan gaadhsiinayn hasha oo dabada ay ka saalooto lagaga xidho
markay diido neefka.
 Carabdaar: Waa qori yar oo si fiican loo qoray lagana
dhameeyay xanaftii deedna nirgaha carabka dhexdiisa laga
geliyo si hasha looga gudhiyo.
 Jiil/Qalable: waa qoryo dhuudhuuban oo inta meel dhexe lays
kaga xidhay af-ka hore loo dhuubay, deedna niragaa geela ku
nuugtoba faruuryaha lagaga xidho si ayna hasha u jiqin.
 Haaneedka: Waa dhanka Bidix ee hasha uu ka galo ninka
lisayaa.
 Hirgoo: Waa weedh loo adeegsado marka laysku diraayo laba
awr waana isku carinta labada awr marka la rabo inay is
cunaan.
 Olol: Waa jaad kamida codka geelu sameeyo marka uu
nirgihiisa doonaayo,marku oomanyahay,markuu Kareebka
yahay iyo Markay hashu Foolanayso.
 Xaylka: Waa ursashada uu awrka baarqab ursado kaadida
hasha inay riman tahay iyo in kale.
 Goojoda: Waa markay hasha rimmani ay dibka kor u taagto.
Waxayna muujisanaysaa inay riman tahay oo ayna abaxsax
ahayn.
 Guul ooman: Waa habeenka geelu ceelka u sii dhaxo ee uu
jidka u sii hoydo ayaa la yidhaahda Guul-ooman.

63
 Guul cokan: Waa habeenka geelu u soo dhaxo xeradiisa ee uu
ceelka ka soo biyo cabay.
 Seeto: Waa xadhiga awrta lagaga xidho jeenyaha si aanu u
baxsan.
 Seetayn: Waa marka awrta labada jeenyood ee hore laga xidho
weliba si waafiya oo uu socon karo awrku
 Dabar: Waa marka seetadii awrka loo gaabiyo
 Dhuuxyayn: Waa marka seetadii lagu sii adkeeyo ee
awrkalabadiisa jeenyoodna laysba dulmariyo si aanu uba
socon.
 Hogaanka: Waa xadhiga awrta lagu kaxeeyo
 Hogaamin: Waa kaxaynta la kexeeyo awrta iyada oo hogaanka
lagu wado
 Edeg: Waa xerada lagu xareeyo nirgaha yar-yar
 Xero-gaal: Waa xerada lagu xareeyo geela.Intiisa waaweyn
 Gelgelinta: Meel boodh ah oo geelu isku laba rogo inta uu
jiifsado
 Gel-gelimaysi: Waa is laba rogga ay is laba roggayso hashu
marka ay gal-galimaysanayso.
 Koor: Waa qalab laga sameeyo dhirta qaarkood, waxaana
luqunta loo sudhaa geela si loogu sanqadh dhagaysto marka la
waayo ama la soo caraabinayo habeenkii.
 Dawaad: Waa ammaarad madaw oo awrta qooqan kaga dhigta
madaxa dhankiisa danbe.
 Doobta: Waa xuub awrka qooqani ku lee yahay cunaha qaybta
Qanjidhada oo uu dabadda u soo saaro marka uu cartamaayo.
waana cadka kaliya ee awrkulee yahay ee aanu geela kale
lahayn
 Hays/Quluul/Jan-jeedh: waa qalooca uu qaloocsamo kuruska
geelu
 Madi: Waa hasha caanaha badan
 Xer: Waa geela aan joogin goobta uu yaalo reerku. Balse waa
geela meel ka fog reerka ku xarooda.
 Laacdanka: Waa ciyaar iyo orod ay sameeyaan awrta yar-yari.

64
 Dhabaabaco: Waa midka mida ordka geela oo afarta addinba
mar buu wada qaadaa
 Cabaad: Waacod dheer oo geelu sameeyo marka la
xanuujiyo.Ama bahal cunaayo.
 Sheemis: Waa celitaanka uu awrkaBaarqab geela celiyo isaga
oo u diidaya cid kale.
 Toorin: Waa qori xadhko wata oo sanka lagaga xidho hasha si
loogu qasbo inay ogolaanto neef ayna dhalin ama maqaarka
neefkeeda oo dhintay.
 Geeljire: Waa ragga dhaqista iyo haynta geela u go,ay una
banbaxay.
 Dhuug: Waa mid ka mida dulinka duula wuxuuna dhiiga ka
jaqaa geela “waxaanu ku keena xanuunka loo yaqaano
Dhukaanka”
 Takarta: Waa nooc ka mida dulinka duula oo isna geela ka jaqa
dhiiga una diida inuu geelo daaqo.
 Dabahaawiye: Waa xanuun ku dhaca geela oo shuban leh
 Ah: Waa xanuun ku dhaca geela oo qofac joogto ah leh.
 Kudka: Waa fin ka soo baxa geela waana cudur halis ah oo
markiiba dila geela.
 Heenka: Waa subaga laga bixiyo lafaha geela marka la kariyo.
 Xuuko: Waa subaga laga bixiyo kuruska geela.
 Karuurka: Waa caano geel oo muddo meel la dhigay iskuna
badalay Fuud iyo Faar.
 Afar-qaad/Durdurin/ Dhabaabacayn: Waa marka neeefka
geela ahi lugaha mar wada qaado oo u cararo, waana nooc
kamida oroddada geela.
 Saqle/Baardhaqaajis/Garab-dhiibis: Waa orodka ugu
dheereeya orodada geeela
 Af-dhuubyaalayn: Waa orodka geelu uu ordo xilliga
barwaaqada, isaga oo afka kor u taagaya, waxaana laga
saadaaliyaa wanaaga roobka sanadkaa.
 Xoorka: Waa xumbada caanaha geela marka la lisaayo dusha
kaga samaysanta.

65
 Beyda: Waa xadhig luqunta lagaga soo geliyo awrta xilliga
rarka geediga la yahaym si aanu rarku hore ugu dhicin.
 Suul goroyaynta: Waa marka hasha laga xidho gomada inta
lalaabo, markay diido neefka lagu tolaayo ama ay diido in
laliso.
 Goroflegedka: Waa meesha jidhifta adag leh ee geelu dhigo
dhulka marka uu fadhiisto. Waxa ayna ku talaa labada sibrood
ee danbe.
 Gaadada: Waa shafka geela ee adag una dhaxaysa labada jeeni
ee hore.
 Hooto-nuug: Waa niriga ama nirig-ta jaqada hasha sid qaadka
ah.
 Afku xuuble/Cabaad-dheere: Waa neefka geela ah ee dhasha
isaga oo aan dhamays ahayn.
 Toojoda: Waa hasha car cararka badan ee diida marka lays
yidhaahdo lisa
 Shugle: Waa awrka bisha kaliya boqol halaad abaahiya , ee ay
hal kaliya ka rimiya:
 Mirasho: Daajinta geela habeenkii la daajiyo
 Haleelo: Waa geela dhalay ee nirgihiisii yaryarna wata
 Ammaanka: Waa cad bisil oo geela kuriskiisa ku dhaxjira. lana
cuno marka sidaaba looga soo saaro, iyada oo aan la Karin.
 Caadhka: Waa shabaqa uu ku jiro xubinta taranka ee Awrku
 Kadin: Waa geela boqol halaad gaadha
 Goray ciil: Waa awrka baarqab ee doobtiisu aanay sanqadhin,
markuu uu cartamaayo.
 Goray: Waa awrka baarqab ee aan doobta soo ridan. (Gulaan)
marka uu cartamaayo.
 Jamal: Waa awrka baarqab ee aan weligii hogaan lagu qaban.
 Banka qooq: Waa awrka isaga oo aan geelba lagu darsan iska
qooqa
 Karinle: Waa awrka jiilaalkii reerku rarto gu.giina geela lagu
daro
 Oho Oho: Waa soco, waana marka la rabo in la kaxeeyo
awrkaayaa loo adeegsadaa.
66
 Saalo geel: Waa saxarada geelu dhigo.
 Sinaha awrka: Waa qaarka danbe ee awrka
 Samay-samay: Waa kal mad awrka marka la raraayo loo
adeegsado oo looga jeedo caloosha kor u qaad si caynka looga
dhex-dusiyo.
 Sabarka awrka: Waa caloosha awrka.
 Affadhac/soofdareer: Waa marka aroortii geela badh ooda
jabsado ee uu kaa dareero xerada iyadoon laga warqabin
 Raysin geela: Waa geelal badan oo laysku daray.
 Goolka: Waa awr dhufaana oo naaxay.
 Qaanka:waa aaranka ama Nirgaha laba jirka ah,
 Dalaysimo: Waa hasha dhashay ee xerada gaarka ah loo
sameeyo.
 Baar-case: Waa markay nirgaha yar yari kobcaan
 Booli: Waa geela la soo dhacay ee xaraanta ah.
 Dac-dhebid: Waa awrka awood dareeya.
 Gablool/Gamashi: Waa marka geelu caano yareeyo.
 Geel-kiis: Waa geela magta loo bixiyo.
 Gooja bood: Waa marka hashu rinto.
 Qoolsaar: Waa marka ay hashu ku foolato meel cidlo ah, ee
ayna cidi la joogin.taasoo kicida iyo fadhiga ay marba
samaynaysaa ku keeno inuu neefkii yaraa jeeniga si qaldan
madaxa ula galo.
 Barjaysta: Waa luqunta dheer ee geela
 Gabno/ganyo: Waa hasha caanaha yar.
 Dhaqayo/ qalawle: Waa geela sii gudhaaya.
 Wiicle: Waa Awrka yaree la rarto ee aan weli adkaan.
 Ganuun:waa caano geel oo xoog u dhanaanay.
 Galxood: Waa caanaha geela laga maalo habeenka uu biyaha
ceelka dhanaha ah soo cabo.
 Hoor: Waa hasha caanaha badan
 Cadaysimo: Waa awrkaaan wax reeryo ah ayna saarnayn.
 Gurre: Waa awrka aan dhigaha la saarin xilliga geediga,waxaa
lagu qaadaa alaabada yar yar sida: raashinka.
 Haraati: Waa laadka xoog ah ee geela .
67
 Raan: Waa buur-buurka ku samaysma dibka geela,waana
waxaad moodo kuulo oo kale.
 Doobir: Waadhawaaqa lagu joojiyo geelu marka uu ordaayo.
 Rati: Waa awrka la rarto.
 Qalaan ama Qaloon: Waa xubinta taranka ee Awrka.
 Abeer: Waa hasha kal hore tuurtay ilmihii ama afku
xuublaysay.
 Ba,nan: Waa qaalimada yar-yar ee geela koonaha uga baxa
marka uu awrkabaarqabku geela ku qooqanyahay ee uu kolba
caydhsado.
 Wayrax: Waa difaaca iyo dagaalka ay samayso hasha dhashay
marka neefkeeda yar lagaga cabaadiyo ama bahal weeraro.
 Dharas: Waa xanaaqa ay hashu samayso markay godlantahay
ee neef kale soo hormaro.
 Dabardanbeed: Waa xadhiga lagu xidho hasha Toojada ah
kolka lamaalayo.
 Gaaleemo: Waa dhogorta ay iska tuurto qaalintu, kolkay isku
soo badalayso hal weyn
 Micilisad: Waa dhawaaqa ka dhasha miciyaha uu isku lisaayo
awrka qooqani.
 Faruurdhabasho: Waa dhaqdhaqaaqa iyo sanqadha wada
socda ee uu sameeyo geelu kolkuu biyaha cabaayo. Ee uu
marba kor uga tooso darka uu biyaha ku cabaayo..
 Reen/ducuunuc: Waa codka ay samayso hashu kolay
raadinayso neefkeeda ama marka loo yeedh-yeedho.
 Takardhabasho: Waa hab geelu uu is kaga duuliyo takarta
Iwm, wuxuu gomada jeenyaha midkod ku dhuftaa gaadada.
 Guubis: Waa marka qaalintu ay ku curato awrka
 Firko: Waa tuluda gees uga baxda geela ee aan dhexfadhiisan
geela kale habeenkii.
 Ilmo-dhuugto: Waa awarka hashii oo rintay/goojisay iska
abaahiya, ayaa la yidhaahdaa wuxuu yaqaan ilmo-
ilmodhuugto.
 Gaasabax: Waa marka hasha awrku ahaabiyo wiiga la sugaayo
inay rintay iyo inkale.

68
 Miskeedka: Waa dhanka midig ee hasha.
 Jallaqle: Waa maalinta geelu aroorka ayay ee uu habeenkii
noqon doono guul ooman.
 Mirdareerka: Waa marka geelu habeenkii xareda ka daato ee
uu daaqtago.
 Qaraw: Waa marka geelu uu saalada caadiga ah dhigaayo.
 Qasaal: Waa marka geelu uu dhigaayo saxaro jilisan oo aanu,
oo aanu cudur keenin.
 Raasamaal: Waa halaha laga soo reebo geela marka la
Xergeeyo, waxaana loo lisaa caruurta iyo dadka jilcsan.
 Xaas:waa geela inta irmaan iyo inta jilicsan
 Horyarid/Abi: Waa biyo yaroo ka yimaada hasha marka ay
dhali doonto .
 Guube: Waa biyaha badan ee madheerta ku jira, una
fududeeya inay soo dabbaalato oo ay ka soo dhacdo Hasha.
 Il-gabadhleyn: Waa marka geelu uu darka dabadda ka taagan
yahay ee uu marba indhaha isku qaqabto.
 Uqumin: Waa marka awrka hasha loogu beegaayo qulaanka.
 Goojo-beeno: Waa hasha aan rimayn ee iska goojisa markay
aragtu qof ama awrka
 Laylin(ta): Waa marka awr(-ka) yar loo taba baraayo in laga
dhigo raray.
 Qudhub-dhabasho: Waa cartanka iyo goolaftanka
awarkaqooqan.
 Qalwo: Waa xerada yare e loo sameeyo neefka yaree hashu
dhasho kaligii
 Waxbax taraar: Waa habeenka geelu cokan yahay ee uu ooda
jabiyo.
 Da’furid: Waa marka awrkiiqooqanaa geela ka baaydho ee uu
qooqjabo.
 Diboodka Waa marka geeelu dibjiro ee la waayo.
 Uur gulun-gulce: Waa aaranka 3jirka ah.
 Wabax/Cokan: Waa marka geelu biyaha ka fulo.
 Faruur-xidh: Waa xadhig yaroo keenada loo raaciyo oo
faruurta lagaga xidho awrkagaabiska ah si uu u dheereeyo.

69
 Dararinta: Waa marka caano badan oo ka badan xadigoodii
caadiga ahaa lagu joojiyo candhada hasha.
 Gubaddle: Waa awrka qoodha ah ee taranta liita.
 Gubi: Waa gubashada ka dhalata golcasta( cadceeda casarkii ee
kulul) iyo habeeda geelu markay isku dhacaan.
 Baroodada: Waa qaalinta aan wakhtigeedii rimin.
 Baroodada big caanoodhadii biidna laga waayo.
 In bilaawe lagu soo xafsiin ba’a e yow sheega.
 Caraysiin: Waa siinta carada iyo milixda ee geela la siiyo.
 Jeelid: Waa u baahashada geelu u baahdo carada iyo milixda.
 Cawtal-gasiir/Baraakiin: Waa geedka uu cuno awrkaBaarqab
marka uu qooqan yahay.
 Qalacid/Fijaasayn: Waa isku dhufashada ay awrtuisk dhufato
miciyaha marka ay is cunayaan,
 Qaraamadka/dhawr: Waa caano la uruuriyay oo la siiyo
masaakiinta iyo socotada
 Duudka: Waa lafaha sare e xidhiidhsan ee geela.
 Mudka: Waa hilibka geela qayb ka mida oo isugu jirta
tahar,jiidh iyo baruur.
 Dhays: Xagga sidka Geela haddii laga eego waa astaan ka mid
ah astaamaha muujiya marka hashu ay candhada soo riddo,
danbarkuna kusoo joogsado ee ay aad u dhawdahay
 Firinfirle: Waa hasha mar hore intay dhashay oo caano
yaraysay. Isla markaana aanu geel jiruhu caweysimin ee uu
fiidka hore maalo.
 Dhoobbi: Nin geela raaca oo aan isagu lahayn lacagna lagu
siiyo.
 Dhawaati: Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda
waqti dhado jirto.
 Dhabbaggal: Waddada geelu maro marka uu arooro iyo
marka caraabaayo.
 Dayrdhal: Waa Geela xilliga dayrta ah dhala.

70
 Darandoorin: Waa lisidda labada nin ay wada lisayaan hasha
 Uusmiir: Neef Geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid.
 Tayruuf: Waa Geel meel fog u daaq tagay.
 Toon: Waa Geela la qallaxo, saaladiisa isqab-qabsata ee waxa
kuusan noqota.
 Siliqle / sulsul: Waahab geela seetaysani uu u socdo
 Sangaalle: Waa Dirxri sanka gudihiisa ka gala geela.
 Saneeg: Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka samayasma
santuurka lagu sameeyo.
 Qooraar: Habka geelu u istaago marka uu kaajaayo.
 Mandharaari: Mindhicirka geela kiisa yaryar ee ay saaladu
kabaxdo, xiidmo.
 Maaquurre: Neef geela oo dhashay isagoon sid dhamaysan oo
wax yari u hadhsan yihiin.
 Luqmaliigle: Magac loogu yeedho neef geel ah oo leh luqun
qurxoon. 2. Neef geel ah, oo da' yar oo cayillan.
 Xaggaysi: Waa marka hasha nin kaliya uu lisaayo.
 Dhoorwiile: Waa awr(-ka) baarqabka ah
 Darayo/Surmo: Waa qaab iyo farsamo ay isku dilaan awrtu,
iyaga oo luquntooda dheer isku maraaya.
 Kolguur: Waxaa la yidhaahdaa awrka saaka la raray ee galabtii
la furo. “Waa maalin guur”
 Dhagax-saar: Waa hasha qabriga (aaska) lagu dulqasho ee lagu
cuno.
 Dhuumato: Waa lafta ugu dambaysa lafaha dhabarka ee
xidhidhsan ee geela.
 Dhiriftan: Waa xanaaqa uu xanaaqo iyo cartanka awrka
baarqab ee jamalka ah
 Ruquus: Waa cudur ku dhaca qaloonka awrka sababana inuu
dabada u soo baxo.

71
 Doolaalo: Waa marka awrku geelisii ka kato ee uu geel kale oo
an rimanayn uu qabto.
 Xero-deegaanle: Waa xerada geela ee guriga ka yara durugsan.
 Dharaqsi: Waa marka neefka irmaan lagu badiyo xigashadan.
 Xammadh: Dhogorta Geela ayaa la yidhaahdaa xammadh.
 Qumud: Waa seedaha ama jidhka aan wax baruura lahayn.
 Hormasaarto: Waa hasha orodka badan, kolka geelala horaayo
ee marba dadka jiidha.
 Gaddaan dhaban: kolka geelu iska daadinaayo shilinta.
 Cayib: Waa awrka hor iyo daba diidka ah.
 Maggayno: Waa hal caano badan.
 Dhibi-shaxanayaa: Waa kolka awrka qoodha ahi uu intuu
lugaha danbe kala fogeeyo, kaadida intuu dibka ku soo qaado
dhabarka. Iskala dhaco.
 Xagal-dhabasho: Waa kolka geelu Dhuuga iska daadinaayo,
isaga oo jeenyaha isla dhacaaya.
 Xaas-deeq: Waa hal caano badan oo qoys ku filan.
 Furin: waa maraqa yare e naas kalyaalaha ama labada naas
lagu maro.
 Gojox/ Shafka: waa meesha yaree buuran ee ku taala labada
jeeni ee hore dhexdooda geeluna dhulka dhigo.

72
Cutubka 3aad

Adhiga

Daylo foorara
Adoo foorara
Foorihii guga
Oonad filahayn
Feedha kaa qabay
____________

Garoy maadahaa
Waa maalin dhaw
Oo midi dhashaa
Dhiil loo culaa
Laga dhiijiyaa
Laga dhaashadaa
____________

Dayla foorara
Allaw fad u curi
Oo nakala furo.
____________

73
74
24-09-2015. Waa liishaan iyo origigeedii yaraa.

75
3.1 Waa Maxay Adhigu?
Adhigu waa meesiga labaad ee ugu badan kaa oo ay dhaqdaan reer
guuraaga Soomaaliyeed. Raaf yaruhu4 waxa uu u qaybsamaa laba
qaybood oo waa weyn. Waxa ayna kala yihin: Riyo iyo Ido. Labadaba
dhashooda ay dhalaan waxaa laysku yidhaahdaa Maqal. Balse
haddaan midba kiisa gaar u sheego waa sidan. Dhasha Riyaha waxaa
la yidhaahdaa Waxaro. Dhasha Idahana waxaa la yidhaahdaa Naylo.

Adhigu waxa uu sid qaadaa muddo shanbilood ah. Balse wax aan
sidaa u weynayn ayaa u dhexeeya sidka Riyaha iyo Idaha.

Idaha sidkeedu waa 150 habeen oo u dhiganta 5bilood. Riyahana


Sidkeedu waa 145 habeen oo u dhiganta 4 bilood iyo 25 habeen. Sida
halkaa inooga muuqata wax yar oo aan sidaa u badnayn ayaa u
dhexeeya.

Adhigu waxa uu leeyahay Cad, Caano Iyo Iib. Sida qaalibka ah


adhigu biyaha waxa uu ka qadi karaa 4 ilaa 8 maalmod inta u
dhaxaysa. Balse mar walba waxay ku xidhantahay inta uu qadayaa
daaqa uu haysto iyo deegaanka uu ku sugan yahay sida uu yahay.

Raaf yaraha waxa raaca oo daajiya haweenka gaar ahaan hablaha.


Waxaana adhiga loo daaq geeyaa meel aan guriga kambalkiisa ka
fogayn. Haddiiba la gaadho xilliga aroorka ee ceelka laga soo
waraabinaayo, Waxaa arooriya Rag iyo Dumar hadba kii ku soo
hagaaga. Balse nin uun ayaa biyaha u shuba oo xoolaha waraabiya.
Adhiga waa lamaalaa waxaana lisa haweenka , Maqasha yaryar waxaa
guriga kanbalkiisa la jooga oo ilaaliya caruurta. Sida halkaa inoo cad
adhiga cida ugu badan ee gacanta ku haysaa waa haweenka.

Raaf yaruhu waxa uu ka mid yahay meesiyada, sida fiican u af-garta


dadka dhaqanaaya. Waxa uu leeyahay heeso iyo maahmaaho isaga u
gaara.Sidaan hore u soo sheegnay waxa uu u qaybsamaa laba qaybood.
Qayb walba waxay leedahay heeso u gaara waxa aynu ku arki doonaa
qoraaladeena soo socda waxaynu ka gaadho.

4 Raafyare: Waa magac kale oo loo yaqaan adhiga


76
3.2 Riyaha
Riyuhu waa qaybta ugu weyn ee adhiga la dhaqdo, dhaqashadoodana
dadku aad ayay u jecel yihiin oo miyi iyo magaalaba, waad ku
arkaysaa dadku iyaga oo ku haysta. Riyuhu waxa ay jecel yihin geedka
sare, oo badanaa kuma tarmaan meelaha banaanada ah. Riyuhu waxay
jecel yihin meel ay ka helayaan geed sare iyo mid hoosaba. Caanaha
riyaha waxaa laga sameeyaa oo lagala baxaa subaga loo yaqaano
Sixinka. Caanaha riyuhu waxa ay maraan marxalado kala duwan
marka laga liso riyaha.

Riyuhu waxay ka kooban yihin Lab iyo Dhedig sida noolaha kalaba,
labadaas uga kooban yahay. Riyaha asal ahaan geyiga Soomaaliyeed
caanka ku yahay waa riyo cad cad oo midabkooda badanaa aan midab
kale ku qalddanayn. Balse waxaa jira midabbo aan sidaa u badnayn oo
laga helaayoo riyaha Soomaalida. Ku waas oo la sheego inay yihin
kuwo inagaga soo talaabay xudadaha dalalka aynu jaarka nahay.

Heer kulka jidhka riyaha waxaa lagu saameelaa inuu yaha 38.5-39.7 .
Dhanka kale marka uu wadnaha riyuhu ku jiro xaalada caadiga ah ee
aanu kacsanayn ama aanu dhacsanayn, garaaciisa waxaa lagu cabiraa
70-80bpm. Haddaan yara eegno dhanka neefsiga sanbabbada riyaha,
siday Culimmada Cilmiga Xawaanka adduunku sheegeen waxay
neefsadaan 16-34/min (daqiiqadiiba waxay neefsadaan 16 ilaa 34 jeer
inta u dhaxaysa.)

Sidoo kale riyuhu waxa ay ka mid yihiin xoolaha aadka u feejigan ee


dhegtoodu taagan tahay. Haddaanay ahaynba kuwa ugu feejigan.
Waxay ka loo si habsami leh u qataan waxa la baro magacyo ayaa loo
bixiyaa midba ay midda kale kaga duwantahay. Iyada oo magac
bixinta lagu sargoynaayo midabka ri’da, dabeecada ri’da, Muuqaalka
ri’da Iwm.

77
3.3 Idaha:-
Iduhu waa qayb ka mid ah adhiga la dhaqdo. Iduhu waxa ay jecel
yihin cawska oo maaha iyagu sida Riyaha oo ma jecla geedka sare.
Waxa ayna badanaa ku tarmaan meelaha banaanada ah iyo
dooxooyinka cawska iyo baadka badan leh. Caanaha Idaha sida
qaalibka ah waxaa iska jaqa uun naylaha yaryar ee ay dhaleen, oo
lagama maalo. Balse meelo ka mida degaanada Soomaalida waa laga
yabaa in lagu arko dad idaha caanaha ka maalaya. Iduhu waxay ka
unkamaan oo ay ka kooban yihin Dhedig iyo Lab. Iduhu sida
dhigooda riyaha maaha kuwo aad u feejigan.

Iduha sidkeedu waa 150 habeen oo u dhiganta 5bilood. Waxa ay isku


sid yihin oo ay mar wada dhalaan ugaadha loo yaqaano Cawsha.
Idaha Soomaalida oo ah kuwan aynu halkan ku fallama guri doono
waxaa baadi-sooc u ah oo adduunka looga yaqaanaa magaca “Somali
black –head sheep.”( idihii madaxa madoobaa ee soomaalida.)

Iduhu waa xoolaha laba naasalayda ah (Candhadooduna maaha mid


aad u weyn). Balse indhuhu sifiican ayay u qabanayaan. Laxdu marka
ay ku jirto xilligii uu Sumalku saaran lahaa, waxaa la yidhaahdaa way
(Osleysaa) oo Sumalka kama fogato, kamana cararto!. Sumalku marka
uu rabo inuu kala ogaado laxadu inay Osloonayso iyo in kala, waxa uu
Ursadaa kaadideeda ama sibiisha laxda ayuu uradaa. Iyaduna (laxdu)
marka ay Sumalka aragto ayay Miskaha danbe kala fidisaa oo aay
kaadi u hollataa! si uu Sumalku halkaa uga sahamiyo xilliga ay ku
jirto. Marmarna iyada oo iska taagan inta uu Sibiisha ka ursado ayuu
ka sahamiyaa xaaladda ay ku jirto.

Idaha summalka mar walba laguma daro balse waxa ay leeyihin xilli
cayiman, markaana waxaa la yidhaadaa Haysimo. Sidoo kale magacan
Iduhu waxa ay qaataan marka ay gu’gii mar wada dhalaan. Mar-mar
waxaa dhacda in ay Iduhu Sumal xadaan oo uu Sumalku idaha saarto
xilli aan ahayn kii loo baahnaa. Waana marka la yidhaahdo, Idihii way
Sumal xadeen. Macnuhuna waxa uu u dhacayaa xalli an loo baahnayn,
ayuu wankii idihii saartay oo tallabay.

78
Waxaa jira Wan la yidhaahdo Malooli oo tuman(xiniiyihii laga saaray)
wankasi Idaha ayuu iska saartaa balse waxba dhali maayaan Iduhu.
Waxaa isna jira wan la yidhaado Woodhaq! waana Wan xiniinyo dhaa-
dheer oo dhal iyo taran xun mana aha wan firi wanaagsan. Xoolo
dhaqataduna marka ay arkaan Wanka noocan oo kale ah, markiiba
way tumaan(Xiniinyo ka saarid) si aanu ugu dhalin ido xun oo taran
ahaan iyo tayo ahaanba liita. Balse hadday sidaa samayn waayaan,
waxa ay ka dhaxalayaan in uu adhigu ka xumaado. Oo uu wankaasi u
dhalo ido aan fiicnayn.

3.4 Astaamaha lagu Baadi Sooco Idaha Soomaalida.


 Badhi weyn (Fat Rump)
 Qoor madaw (Black neck)
 Madax madaw (Balck head)
 Jidh wada cad (White body)
 Macal weyn (Large dewlap)

Idaha Soomaalida miisaanka jidhkoodu waxa uu gaadhaa 30-45kg,


kuwooda waaweyn ee qaan gaadhka ah. Halka uu heer kulka jidhka
Idaha lagu saameelo inuu yaha 38.3-39.9ċ. Dhanka kale marka uu
wadnaha Iduhu ku jiro xaalada caadiga ah ee aanu kacsanayn ama
aanu dhacsanayn , garaaciisa waxaa lagu cabiraa 70-80bpm. Haddaan
yara eegno dhanka Neefsiga Sanbabbada Iduhu waxay Neefsadaan
siday Culimmada Cilmiga Xayawaanka adduunku sheegeen 16-34/min
(daqiiqadiiba waxay neefsadaan 16 ilaa 34 jeer inta u dhaxaysa.)

3.5 Heerarka Ay Maraan Caanaha Riyihu:

1. Dhay: Waa caanaha markaa adhiga laga liso


2. Dhito: Waa caanaha habeenkii laga liso adhiga ee
subixii la lulo si Subag looga saaro.
3. Gadhoodh: Waa caanaha adhiga ee aan la lulin
subagiina laga saarin ee sidooda lagu cabo.
4. Ciir : Waa caanaha adhiga ee inta la lulay subagii lagala
baxay.

79
3.6 Heesaha Adhiga.
Heesahan aan halkan ku soo gudbinaynaa waa kuwo ay
caruurtu lab iyo dhadig kay doonaanba ha noqdeene, ay ugu
heesaan Adhiga marka ay la joogaan. Iyada oo xigmadda ka
dambaysaana ay tahay, inay wakhtiga dheer, iyo gaajada isku
dhaafiyaan! dhanka kale waxaa ay ku cabsigelinayaan
Habardugaaga dharaartii Xoolaha cuna, iyo weliba Tuugta
xadda Adhiga oo la dareen siinaayo in lala joogo adhiga.
Heesahan lama yaqaan cidda curisay balse waa heeso jiilba jiil
ka soo dhaxlaayay uun .

(1) (5)
 Garoy maadahaa  Xalay goodeey
 Waa maalin dhaw  Goohii kaa baxay
 Oo midi dhashaa  Gami waayoo
 Dhiil loo culaa  Xalaan gogoshii
 Laga dhiijiyaa  Gaar isaga dhigay.
 Laga dhaashadaa. (6)
(2)  Kaminta riyaha
 Garoy garo daa  Kadla farasiyo
 Oo garbo cas daa  Ka yaad moodo.
 Adna giirooy (7)
 Ka gu’ weynide  Tallo gumara ah
 Gooxa hoosiyo  Aan godlee qabow
 Gardarada daa  Aan gahaydha iyo
(3)  Gaydhaheeniyo
 Yaanay giiriyo  Manka guranee
 Gees biciid iyo  Hayna digo gubin.
 Goolka naaxiyo  Gob colodaa
 Qaalma goos imane  Wey gumawdaa
 Hayna digo gubin. (8)
(4)  Soodigii shaylay
 Qoroofo orgigu  Cawsha socotiyo
 Meel qadhoonliyo  Sakaarada dilay
 Qarfo kugu leged.  Waa la soconoo
80
 Safay wadatiyo (16)
 Seenyo ma hadhgelin.  Aroor xaadleba
(9)  Adaa Xaggayoo
 Galaallo ilmaha  Adaa xaabsaday
 Gosha galiyoo (17)
 Geed hadh weyniyo  Dayla foorara
 Galool u hadh gee.  Allaw fad u curi
(10)  Oo nakala furo.
 Dayloolay dixidii (18)
 Dareemadii hawd  Xeexey xeey
 Laysku diidyoo  Xeyo nuuroow
 Laysku dacaree  Xeeye nabad gale
(11)  Allaw guurnaye
 Ido waa miyiree  Allaw guri roon
 Madaxa haka qoyn. …………………..
(12)  Xeexey xeey
 Xasan waa kane  Awruhu dhacaan
 Yuu ku xawdhine  Oo dheeliyaan
 Xasiloo daaq.  Oo dhigo rogtaan
(13)  Oo naag la dilo
 Laba dalaaliyo  Waan daalaye
 Laba dirir dhexdood  Aan dawanee
 Daylooy wan dhala  Oo aan dagnee
(14)  Xeexey xeey
 Daylo foorara (19)
 Adoo foorara  Dhurwaa adhiga Eeba
 Foorihii guga leh
 Oonad filayn  Eebe iyo ustaadbaa leh
 Feedha kaa qabay  Oo niman dableeyaa
(15) leh.
 Nagaan calameey  Oo niman ku dilayaa
 Caanaheeda dhamin leh.
 Oo cadkeeda cunin  Gaaciye iyo mataanbaa
 Ciil u nooleey leh.
 Yaa cayilin kara.
81
 Niman Darwiish baa  Waa runtaa oo waa la
leh. moodaa.
 Cabddule oo suldaan ………………………
leh.  Dudumooyinka duul
 Cabdi galacya dheeraa baa la moodaa!
leh.  Waa runtaa oo la
 Inantii casaydbaa leh. moodaa.
 Cawraloo ku dilibaa leh. (22)
 Suuban aan samrayn  Wallee Jeeni-halaq
baa leh.  Haddaad hayshiyo
 Samawada oo ka  Horaaddada lulin
daranbaa leh.
 Wallee la hadhyoo
 Goblamow iska roor
dheh….  Wallee la hallow
…… iska roor dheh. (23)
 Adhyo subax tegey
Heestan waxaa curiyay  Oo salaad kacay
Xuseen Dhiqle.  Sariiran ogeey.
(20)
(24)
 Tuugoow mareegaale.
 Sidii dogob dhacay
 Adigoo laxdii daylo
 Dabadeeda gaadaaya.  Oo duleed yaal
 Qoodhaha mas kaa  Hay dingiigini
goosay.  Daylo dululubo
 Oo qumayo ka  Galaalo is dadab
xaggatay.
 Oo is giringiri
(21)
 Oo garbaha jebi
 Goroyada geel baa la
moodaa!  Dhuubo dhalan dhool
 Waa runtaa oo waa la  Oo dhabbada qaad
moodaa  Oo dhag dhag u soco
………………………  Dharow nayshii
 Xuunshada xoolaa la  Dhaneegaataye
moodaa
 Dharaarnimo hoyo,

82
 Habaar qabihii  Waan ku xarragoon.
 Hooyadaa diley (28)
 Yuu ku heerine  Walwaliicdaye
 Horay uga carroow.  Wiilashaydii
(25)  Wan ma loo qalay,
 Maalin dayr-waa’  Looma qalinoo
 Oo dabaylo leh  Waa la quudhsaday.
 Oo dadba is nacay (29)
 Allow daylooy  Ayro ayrooy
 Ha ku dilinoo  Ayrooy odayadu
 Ha ku dabargoyn  Ood ma gooyaan
(26)  Hadday gooyaan
 Siigo walanwalo  Way la luudaan
 Sanqaroor godan  Oo la liicaan.
 Caano saxansaxo (30)
 Sal waraarido  Gahaydh maanyada
 Siniinta udgoon  Geelu kuu nacay
 Way na saaqdaye  Ha gawdh gawdhine
 Maadigaa sida  Garooy gura’oo
 Oo sibraha ku leh  Aayar googoo.
 (27) (31)
 Naa garooy garooy  Ri’yeey qalabooy
 Naa garooy garbaha  Wax ma qaaddido
 Iyo labada gees  Wax ma qabatide
 Ma lagaa hayaa,  Qaloonbiga daa.
 Laygama hayee (32)
 Xaashaa lillee

83
3.7 Maqasha Adhiga
Maqasha uu adhigu dhalo waxa ay iskugu jirtaa marka la leeyahay
maqal, maqashii Riyihu dhaleen (Waxaro) iyo kuwii Iduhu dhaleen
(Naylo). Labadii qayboodba way ka kooban tahay Maqashu. Waxaana
guriga kanbalkiisa la jooga oo ilaaliya Caruurta. Maqasha iyo Adhiga
waa la kala reebaa in mudo ah oo layskuma daro inta ay kala
gudhayaan. Sidoo kale Maqasha iyo Adhiga waaweyn waa lakala
xareeyaa ee layskuma xareeyo habeenkii.

Xerada Maqashu waxay soo martaa heerar kala duwan sida Qalwo,
Qaadh iyo Edeg. Laba waxaa la wadaaga Nirgaha Qalwada iyo
Qaadhka. Xeryuhuna waxay ku xidhanyihin hadbba da’a Maqashu
jirto. Marka ay ka soo gudbaan marxaladda Edega waa marka ay
noqdan caano dayska. Waxaana lagu daraa adhiga waaweyn oo ay
racaan.

Maqashu waxay leedahay hees hawleeddo ay caruurta la joogtaa ugu


heesto. Si ay u illoobaan gaajada iyo Cidlada Maqashana ay uga
weeraan cadawga ku gadaaman ee ugaadhsanaya. Sida :- Dawacada,
Tuuga, Jiifaaga, Iwm. Maqashu maalintii oodhan markay gurigi
duleedkiisa iska daaqdo, habeenkii ayaa loo dhigaa adhiga oo la
jaqsiiyaa ka dibna xeradooda ayaa lagu xareeyaa.

Aroortiina inataana dhiga la sii dayn ayaa loo dhigaa maqasha, ka


dibna adhiga ayaa la sii hordayaa si uu uga fogaado guriga agtiisa.
Waxaa sidan loo samaynaa in la kala fogeeyo adhiga iyo maqasha yar-
yar si ayna isu raacin.

84
3.8 Heesaha Maqasha.
Carruurtu marka ay la joogaan guriga kambalkiisa Maqasha, ayaa
waxay ugu heesaan heeso madaddaalo ah. Dhinaca kalana ka ah cabsi
gelin ay ku bajinayaan, bahalaha cunaaya Maqasha gaar ahaan,
Dacawada oo ah ta ugu halisaysan. Waxa ayna ugu heesaan.

(1)  Ina gabali goohaay.


 Naa hooy dayooy  Ina galaalo carwooy.
heedhe  Hooyadeed nuugtooy.
 Dayo faaraxeey heedhe,  Hooyo kale ku xadooy.
 Wa lay dilayaaye  Loo xalaaleeyey.
 Waa lay dabayaayee.  Looma xalaaleeyeey.
(2) (6)
 Xaashiyay naylay.  Waxay ku daba
 Xaal gobaadeey. weyntahay
 Xeedho subageey.  Waxay ku dashanaysaa
 Xididka loo loogyeey.  Caanihii deylo iyo
(3)  doogaan daaqsiiyay.
 Waadigan qolmane,  Damal hadhweyn
 Qawdhiidayee hurudooy,
 Xalay ma qatanayd?  Dixida mayracatooy.
 Xalay waan qadoo (7)
 Qool baan galoo  Edegsadaan idhi bay,
 Qumanyooyinkii.  Soo abraareen oo
 Way qarinayeen.  Soo olkeeyeen oo
(4)  Oo ooda jabiyeen oo
 Naysha naysheedaay.  Umal wareereene.
 Naysha guuleedeey. (8)
 Guullaheed dhawryeey.  Hoobey hoobey hawlo.
 Guul la soo hoyatooy.  Naa hawlo naa hawlo
(5)  Na hawlo reerkeenu,
 Ina huryo heecow.  Waa reer gooboo geele,
 Ina habar moogaw.

85
 Waa reer gamaan (10)
farasle  Sumalow darbani
 Waa reer aroosyo cade,  Naylaha dudduuc
 Waa rer umulo wiile,  Oo dooxa gee
 Waa reer hadduu  Oo damal hadhgeli
guuro,  Oo dawacadii
 Geenyada cad  Dabadahumbulnayd
mooyaane,  Yay kaadaldalan
 Aan garabsi lagu  Oo kula dulmarin.
gaadhin. (11)
………………………  Maqaleey warlaay
 Waxa hawlo loo  Malaguu waramay
yidhaah  Waxa jira arlada
 Waa hawl daraadeed’e  In waa baryoo
 Iyo inan yar di’liddeede.  La waraabshay beer
 Iyo kaga digsiinteede.  Malaguu waramay
………………………  In wax lays taro
 Reeraha gudee guuray,  La walaalo yahay
 Ee aqaladii goostay,  Malaguu waramay
 Hawlay iga soo reebtay,  Maqaleey warlaay
 Hawlooy lugta horuu
dhig,  Malaguu waramay
 Waad hoombinaysaa.  In cali ladilay
 Hawlooy lugta horuu  Oo cumar la dilay
dhig,  Oo waran dhul galay
(9)  Oo dhiig qulqulay
 Naylaha yar yari  Oo cidi maqnayn
 Waa wiil dhashee  Oo ciirsi hadhin
 Maa loo wan qalo  Jawaabtii maqasha.
 Edegso edegso  Yaa ii waramay
 Laba labooba  Ma walaalkaybaa
 Laba jirooba  Weli hoosiyo
 Cawska daaqa  Waaleed ka yimi.
 Caano daaya (12)
 Adhiga raaca  Saawiri muddoow
86
 Solay lagu wadhyoow (14)
 Dumar saafayoow  Waxaraha yagoow
 Raggu sahayayoow  Baqaye idin laa
 Sumalkii dhalaa  Idin laba labee
 Sida loo socdiyo  Labadayda iyo
 Socod yaal aqoon.  Laba kale ka reeb!
(13)
 Naa Hawlo Hawlo
 Naa Hawlo reerkeennu
 Waa reer goboo geel leh
 Waa reer hadduu guuro
 Aan geenyo mooyaane
 Aan garabsi lagu
gaadhin
 Hawlooy ha heet heetin
 Hawlooy horaa doog
leh
 Hawlooy lugtaa horaw
dhig

3.9 Qaar kamida Cododka Adhigu Sameeyo.5


1. Riyuhu way Ciyaan.
2. Iduhu wayciyaan …Macaac… Macaac
3. Riyuhu Way Ee’adaan (marka la xanuujiyo)
4. Orgidu way Qalaadaan
5. Orgidu way Qaloonbidaa.
6. Ceesaamuhu way Maraaciyaan.

5
(macnekooxeeyaha Af-soomaaliga-Hormada 1aad) Jama Muuse Jama.

87
3.10 Maamah Maahaha iyo Murtida Adhiga.
1. Adhi qulux kama ilbaxo
2. Adhi jiri makala abaal waydo
3. Adhi magantii ma bariyo
4. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo
5. Lax weliba shilkay is dhigtaa lagu qalaa
6. Lax dhunkani abaar ma oga.
7. Wan weyn ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan.
8. Riyo haday dib lee yihiin dabadooday ku qarin lahaayeen
9. Nin is faashay waa ri is nuugtay
10. Riyo iyo naago toona looma dhutiyo
11. Birin birqo waxarood xansasbay qodxeebay kula gashaa,
12. Adhijiri xil bay wadaagtaa
13. Dhicisku inta birta loo soo situu dhintaa
14. Hilib idaad iyo hadal sokeeyaba waa la qaboojaa.
15. Ridu Laba ragay ka matashaa, Labana Dumarkay ka matashaa,
Labana Geelay ka matashaa, Labana Fardahay ka matashaa,
Labana Lo’day ka matashaa…
 Laba raggay ka matashaa Gadhka iyo Reenka.
 Laba dumaray ka matashaa qooraansiga iyo naasaha.
 Laba geelay ka matashaa xoorka iyo laaca
 Laba fardahay ka matashaa gurdanka iyo shaashka.
 Laba lo’day ka matashaa geeska iyo giirka (dhogorta)

88
3.11 Erey fur(-ka) Adhiga.
1. Ri: Waa rida weyn ee wax dhashay.
2. Riyo: Waa riyaha badan
3. Ceesaan: Waa rida yar ee aan weli curan
4. Waxar: Waa neefka yaree dhedig welina jaqaaya ridii
5. Ugayb: Waa orgacda yar yar iyo ceesaamaha aan weli gaadhin
adhiga waaweyn.
6. Orgood: Waa marka Ridu ku jirto xiligii orgigu orgayn lahaa
7. Orgaynta: Waa marka orgigu uu rida ku qalaadayo ee uu rabo
inuu Tallabo.
8. Gordan: Waa riyaha meel kamida jidhkooda midabka ku leh.
9. Sogob: Waa orgiga weyn ee tuman.
10. Qalaad: Waa dhawaqa uu sameeyo orgigu marka uu rida
Orgaynaanyo.
11. Seenyo: Waa rida ama orgiga aan geesaha lahayn
12. Garmaamayn: waa orodka ay sameeyaan maqasha adhigu.
13. Tallab: Waa marka uu orgigu ama wanku ku baado midba
midkiisa.
14. Xawawar: Waa marka meesha la yaalo daaq looga waayo
riyaha , dabadeedna laba meelood lo kala daajiyo idaha iyo
riyaha.
15. Cariska Waa marka adhigu soo cadhaynaayo, ee ay muqato
inay dhalayaan.
16. Qaadhka: Waa meel yaroo dusha ka dadan oo lagu guro
naylaha iyo waxaraha yar-yar
17. Kolmo: Waa laba dacalood oo ka laa laadsama luqunta hoose
ee riyaha qaarkood iyo Idahaba.
18. Qabad: Waa origa yaree aan tunayn welina aan gaadhin orgi
qoodh.
19. Saloolasho: Waa marka riyuhu labada jeenyood ee hore sare u
qaadaan iyaga oo tiigsanaaya geed sare.
20. Digo-xaadhka Waa qalab yaroo ka samaysan qori balaadhan,
oo adhiga digada lagag xaadho.
21. Waadaal: Waa neefka ku cusub adhiga aanu hore ugu jirijirin

89
22. Goosan: Waa xayn yar oo adhi ah oo luntay ama meel
qaadaysa.
23. Dalandalsi: Waa codka dhac-dhacu ku jiro ee neefka yaree
dhashay socdo.
24. Biif: Waa calaamad ay isku af-gartaan Riyuhu marka ay
dareemaan dhib ama cadaw
25. Heeco: Waa neef(-ka) yaree hooyadii dhimatay badanana
waxaa loo is ticmalaa dhasha idaha.
26. Qabaal: Waa qalab laga sameeyo sagxadda geed baladhan oo
adhiga milixda iyo carada lagu siiyo.
27. Qoolka: Waa inta yaree wareegsanee neefka yar madaxa loo
galiyo,
28. Mareeg:waa waxaa xadhiga ay ku taxan yihiin qoolalku.
29. Mayracasho: Waa marka fiidkii adhigu guriga duleedkiisa iska
daaqaayo.
30. Dalqo-haadle: Waa neefka yaree ayna isku furnayn calooshiisa
iyo dhuunmareekiisu, canaha uu jaqana ayna calosha gaadhin.
31. Duur kumalable: Waa neefka yaree adhiga ah ee dhasha isaga
oo aan dhamays ahayn balse naftu ku jirto.
32. Ahmin: Waa orgacda iyo wananka tuman ee loogu talo galay
in la iibgeeyo.
33. Adhi-dammaan: Waa adhyaha badan ee ay shirkadi iibsato..
34. Daabax: Waa adhiga dhedig(Riyaha iyo Idaha) ee iibka loogu
talo galay.
35. Maqasha: Waa dhasha yar yare e adhiga.
36. Harag: Waa maqaarka sare ee adhiga
37. Raaf: Waa jeeniga inta hoose ee uu dhulka dhigo adhigu
38. Qanjaafilo: Waa faraari xagga dambe ee raafka kaga taala
adhiga, oo aan waxba u tarin badanaa.
39. Xaysimo: Waa idaha mar wanka lagu wada daro, ama idaha
guga mar wada dhala.
40. Hooraamiya: Waa iduhu marka ay bilaabaan inay dhalaan,waa
iba furka dhalmada idaha.
41. Edeg: Waa xerada lagu xareeyo maqasha marka ay ka soo
gudbaan Qaadhka
42. Sumalka: Waa wanka lagu daro idaha si uu saarto.
90
43. Sumal-xadka: Waa marka idaha uu sumalku saarto iyada oo
aan loogu talo gelin.
44. Caal-madow: Waa laxda ama idaha inta gaadada ee hore
madaw
45. Malooli: Waa wanka tuman ee idaha iska saarta.
46. Quble: Waa qorgiga tuman ee hadana riyaha ka dhex qalaada
uun
47. Ido-dhabe: Waa orgiga idaha saarta.
48. Rimow warow: Waa marka laxdii dhalaysay inta ay abaari
hesho ay isku dhimato
49. Barqin: Waa marka aroortii adhiga la daajinaayo.
50. Barqo-dherag: Waa marka adhigu joogo meel barwaaqo ah ee
barqadaba iska fadh-fadhiisto inta uu baadka ka dhargo.
51. Galaal: Waa laxda madaxeeda badh cadyahay.
52. Gabbal: Waa laxda dhibicda yare ee cad ku leh madaxa
dushiisa.
53. Dharo: Waa laxda madaxa wada cad.
54. Dhaaqoda: Waa neefka adhiga ah ee neef walbaaba iska jaqo.
55. Waxaro: Waa maqasha yar yar ee ay Riyuhu dhalaan
56. Naylo: Waa mashaqa yar yar ee ay dhalaan Iduhu
57. Digo: Waa saxarada adhiga.
58. Dhiriqda: Waa marka digada adhigu ay qoydo.
59. Laxda: Waa laxda dhedig ee qaan gaadhka ah ee wax dhashay.
60. Laxo: Waa ido badan ama laxo badan
61. Sabeeno: Waa idaha dhedig ee aan weli curan
62. Wanka: Waa labka idaha.
63. Saarasho: Waa marka wanku uu idaha uu tallabayo
64. Oslood: Waa marka laxdo ku jirto xiligii wanku saran lahaa.
65. Sibiisha: Waa xubinta taranka ee adhiga,
66. Kawkab: Waa marka adhigu biyaha ay ku miyir beelaan iyaga
oo ooman ee ay habeenkii xerada ku dhintaan.
67. Xeey-xeey: Waa weedh adhiga loo adeegsado marka la rabo
inuu joogsado oo uu daaqo.
68. Susumid: Waa marka ay iduhu isddaba galaan sida: aroorka,
iyo geediga oo kale.

91
69. Baraarka: Waa labka iyo dheddiga idaha oo lasku daray
laakiin aan weli waaweynan.
70. Aroorinta: Waaa marka adhigu uu u biyo doonto ceelka ama
berkada.
71. Kaaley-kaaley: Waa dhawaaq la micno ah kaalay kaalay oo
loogu yeedho riyaha.
72. Xoolo-hunay/beerdarab: Waa qofka xoolaha dayaca ee aan
sida fiican u raacin
73. Garo: Waa rida qaarka hore cas ama madaw
74. Gocoro: Waa rida caanaha yar .
75. Yabadh/Goyn: Waa xoolaha marka inanku guursado aabihii
siiyo.
76. Sadho: Waa nooc kamida cudurada faafa ee ku dhaca adhiga
77. Soof: Waa xoolaha la dhaqdo.
78. Sibraar: Waa harag lagu shubto biyaha iyo caanaha.
79. Hulunbe: Waa cudur ku dhaca idaha oo ay keento shilintu.
80. Darato: Waa cudur ku dhaca riyaha oo laaya
81. Qablan: Waa marka adhigu soo biyo cabaan ee ay cawsna
wayaan.
82. Qabaan: Waa neef soo gudhaaya oo canayareyay.
83. Bashiish: Waa neefka meesha cidlada ah ku dhala.
84. Dubaax: Waa hilibka neefka la qashay ee aan cudur dilin.
85. Shillal: Waa laamo yaryar oo la saaro hilibka xolaha marka la
qalaayo.
86. Bidhe: Waa dhiil yar oo adhiga lagu maalo
87. Woodhaq: Waa wanka dhasha xun ee xiniiyaha dheer.
88. Buqulka: Waa dhiil yar oo lagu maalo adhiga.
89. Walanqo: Waa baruurta.
90. Tiro adhi ah: Waa marka adhigu gaadho 100 neef.
91. Quluxda: Waa daasad yar oo inta dhagaxaan lagu guray loo
tumo adhiga si loogu kaxeeyo sanqadheeda..
92. Shidhaysi: Waa adhiga reerku iskii u qasho.
93. Loogid: Waa hilibka martida loo qalo habeenkay soo hoydaan.
94. Daabasho: Waa marka neefka yaree dhashay caanaha danbarka
ah uu xoog u jaqo dabadeedna uu xaaro.

92
95. Xab-bururis: Waa biyaha ka yimaada neefka adhiga ah mara
uu dhalaayo.
96. Weetayn: Waa celcelinta adhiga lagu cel-celiyo Kob ama meel
keliya ee loo diido inuu iskii u daaqtago.
97. Sacbul: Waa kalmad loo adeegsado wanan(-ka) marka la
baraayo da-dilka, inta gacmaha madaxa laga saaro ayaa lagu
yidhaahdaa sacbul sacbul.
98. Cisil: Waa xubinta taranka ee Orgiga.
99. Qurud: Waa xubinta taranka ee Wanka
100. Xayeesh: Waa adhiga
101. Labeen: Waa lakabka dusha kaga samaysma caana
dhayda ah marka ay cabaar yaalaan.
102. Buq-buqo: Waa dhay iyo ciir laysku daray.
103. Xanto: Waa xunbo dusha ka soo marta subagga sixinka
ah marka la shiilaayo oo la cuno.
104. Dhito: Waa caanaha adhiga ee inta habeenkii la liso
deedna la dhigo si beri loo lulo.
105. Dano: Waa caano yaroo dhanaan oo lagu daro caanaha
adhiga ee dhayda ah si ay u gadhoodhaan.
106. Gadhoodh: Waa canaha adhiga ah ee fadhiga ah ee aan
subagii laga saarin.
107. Ciir: Waa caanaha adhiga ee la lulay subagiina laga
saaray.
108. Xamil: Waa maro adag oo Wan(-ka)sumalka ah lagaga
xidho sakaarka ilaa xubinta taranka si aanu idaha u saran.
109. Dhaylaysi: Waa neefka adhiga ah ee yaraanta lagu
qasho.
110. Cuud: Waa xoolaha la maalo.
111. Yiblasho: Waa xoolaha cabay ee aan daaqa helin.
112. Bir-solid: Waa gawracida neefka sii dhimanaaya.
113. Saalimo: Waa idaha sibiisha iyo hareeraheeda madow.
114. Daylo: Waa idaha qaarka hore madow.
115. Gabarrey: Waa Idaha dhabarka madow.
116. Malooti: Waa qoriga laga dhextaago xerada adhiga ee
qofka loo ekaysiiyay si uu waraabuhu uga baqo.

93
117. Seel: Waa ciid dhanaan leh oo adhigu jecelyahay marka
uu jeelana u leef leefo.
118. Rogobo/Dulbaax: Waa baruurta haraga idaha xagga
hoose hilibka xigta kaga dahaadhan.
119. Codod: Waa subaga laga shiilo idaha marka la qalo.
120. Geesleey: Waa riyaha iyo lo’da
121. Maalxeed: Waa meesha adhiga laga soo horo marka
darka lagu soo daynaayo.
122. Mari: Waa Idaha laga ilaalinaayo sumal xadka.
123. Shugux-shugux: Waa daasad inta dhagxaan yaryar
( Quruurux) lagu guray afkana layskaga garaacay, adhiga loo
tumo si loogu kaxeeyo.
124. Xiniin: Waa labka sida:- Awrka, Wanka, Orgiga iwm, ee
xiniinta kaliya ku dhala, waxna ku rimiya.
125. Xiniin shakal: Waa labka sida:- Awrka, Wanka, Orgiga
iwm, ee marka la tumo (Xiniiyo ka saarid) xiniin kaliye sii
shaqayso, tii kalana dhimatay.
126. Bohon: Waa labka leh, xiniinyihii oo samayskoodii
dhamaystiranyahay balse haddana aan waxba dhalayn.

94
Cutubka 4aad
Lo’da

Haddaan kaa xaragoodo


Xodha kaa laban laabto
Halkeen xoolo u doonan.
________________

Dhiinow raggu waa bir laduubay


Waana bilaawe afaysan.
Intay naago mooska hurdaan.
Ragg mahiidan ogaa.
________________

Sidii naag dhali weydayoo


Dhawaan Eebbe wax siiyayoo
Dhabta wiil la haleeshay
Dhabankaaga sokeeyiyo
Ma afkaan dhunkadaa
________________

95
Sawirkan kuu muuqdaa waa lo’da dalkeena ee kuruska leh, waxayna afka ku
haysaa goob nabaadka iyo doogu qunu baxay. Waana xilli barwaaqo ah…..

96
Dhaqashada Lo’da

Dhaqashada lo’du waa mid laga helo dalal badan iyo qaarado badan
oo dunida ah. Hababka lo’da ay u dhaqdaan dadyawga adduunku
waa ay kala duwan tahay qaar ka mida dalalka qaarada Africa iyo
qaybo badan oo dunida kale ah, waxay ku dhex dhaqdaan beerahooda.
Qaabka noocaasana waxaa la yidhaahdaa“Xero ku hayn”. Halka ay
qaar kalana foofiyaan si ay calafkooda u soo cunaan.

Haddaba lo’da Soomaalidu dhaqato labadan qaab ee aynu kor ku soo


sheegnay waxay ka tirsan tahay qolada la foofgeeyo, ee daaqtagta calaf
keedana soo cunta. Mana laha Soomaalidu beero lagu kaydiyo laguna
hayo lo’da. Waxaase jirta tiro aad u kooban oo goobo cayiman laga
heli karo qaabka “Xero Ku Haynta”. Soomaalidu dhaqashada
meesigan lo’da aad uguma badna sida geela iyo adhiga oo kale,balse
waxaa jira Gobolo ka mida Degaanada Soomaalida oo xoog looga
dhaqdo lo’da.

Lo’du waxay ka mid tahay xoolaha uu ku fadhiyo dhaqaalaha


ummadda Soomaaliyeed. Sannad walbana waxaa dakadaha
Soomaalida laga dhoofiyaa malaayiin lo’ ah. Halkaa waxaad ka garan
kartaa inay ka mid tahay xoolaha laf-dhabarta dhaqan dhaqaale u ah
ummaddeena.

Lo’du waxa ay ka tirsantahay Qoyska af-ka Soomaaliga lagu


yidhaahdo Ishinka ee afar naaslayda ah. Waxa ayna ka kooban tahay
Lab iyo Dhedig sida noolaha ka laba labadaa uga kooban yahay.
Waxayna sid qaadaa 270 habeen ama 9 bilood. Labkeeda waxaa
layidhaahdaa Dibi halka Dhedigana layidhaahdo Sac. Dhasha yaryar
ee lo’da waxaa la yidhaahdaa Weylo iyo Aalo.

Lo’du waxay ka mid tahay noolayaasha loo haysto, Hilib, Caano, Saan
iyo weliba ka manaafacaadsiga Xoogeeda. Beeralayda Soomaalidu

97
waxay Labka lo’da ee Dibiga ku qotaan kuna fashaan beeraha. Dibigu
wuxuu ka mid yahay noolayaasha Binu-aadamka af-qayaan xilliga
qodaalka beerta ee uu faaga marinaayo. Waxa aanu leeyahay is
afgarasho u gaara oo dhexmarta isaga iyo ninka beer qodaha ah!.

Lo’du maaha noole in badan ka qatanaankara cawska iyo Biyaha.


Maah maah Soomaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa ( Lo abaari waxay u
jirtaa inta dabadeedu dhulka u jirto). Oo looga jeedo waa ay u
nugushahay abaaraha iyo xaalufka. Murti kale ayaa waxay tahay:
lo’du waa caws iyo biyo ku nool. Halkaa waxa aynu ka fahmaynaa
lo’du inay ku taranto banaannada, Caws leeyda ah oo biyana ayna ka
fogayn. Balse ayna ku dhaqmi karin meeshaan baad iyo biyo toona
lahayn ama ay ku yaryihiin.

Lo’da Soomaalida miisaanka jidhkoodu waxa uu gaadhaa 400 kg


Kuwooda waaweyn ee qaan gaadhka ah. Halka lo’da waaweyn uu
heer kulka jidhkooda lagu saameelo inuu yaha 38.5-39.5°C. Dhanka
kale marka uu wadnaha lo’du ku jiro xaalada caadiga ah ee aanu
kacsanayn ama aanu dhacsanayn, garaaciisa waxaa lagu cabiraa
48-84bpm. Haddaan yara eegno dhanka hawo qaadashada iyo hawo
soo saarintaanka ee lo’da waxay neefsadaan siday Culimmada
Cilmiga Xayawaanka adduunku sheegeen 26-50/pmin (daqiiqadiiba
waxay neefsadaan 26 ilaa 50 jeer inta u dhaxaysa.)
Lo’da waxaa kale oo laga faa’iidaystaa Saanteeda, oo reer miyigu
waxyaalo badan ayay u adeegsadan Saanteeda. Waxaana ka mida sida
Gogol ahaan in laga dhigto, halka dadka qaarna ay ku xidhaaan
guryahooda aqal Soomaaliga ah. Dibidu marka beeraha lagu qodaayo
waxay leeyihiin Hees-hawleeddo u gaara oo dhibta lagu ilawsiiyo
loona qaado xilliga qodaalku socdo. Halka lo’da kalana ay iyana sidoo
kale leedahay Hees-hawleedyo lagu madadaaliyo.

98
Isirada Lo’da Adduunka

Waxaa jira laba sinji oo ay kala lee dahay, Lo’da adduunka lagu
dhaqdaa. Waxa ayna kala yihin sidan:-

1. Bos Taurus ama European Cattle


2. Bos Indus (Zebu) waana nooca ay dhaqato Soomaalidu.

Labadan qaybood ee aynu kor ku soo xusnay waxa aynu si gaara uga
hadli doonaa qosyka Bos Indus (Zebu.) Oo ah nooca ay Soomaalidu
dhaqato sidoo kalena aad ugu badan dalka aynu Jaarka nahay ee
Itoobiya. Waxaa jira 75 jaad oo ay ka kooban tahay lo’da Zebu. Oo
iyada hoos taga kana sii farcama. Qoyska loo yaqaano Zebu.

Astaamaha Lo’da Zebu-da Lagu Garanaayo.

 Waxay leedahay Kurus (Fatty Humped)


 Dhago dhaadheer (Large Ear)
 Macal weyn (large dewlap)
 Sid keedu waa 270 maalmood ( Gestation period)

Jaadadka Lo’da Soomaalida.

Lo’da Soomaalida waxaa loo yaqanaa: “East Africa short Horns”


(Zebu.) Haddaba qaybaha zebu-da ee dhulka Soomaalida laga helaa
waa afar qaybood mid kastana waxa aynu sheegi doonaa waxa ay ku
fiican tahay iyo magacyadooda ay leeyihiin. Sababta oo ah qaar ayaa
Caanaha ku fiican halka qaarna Hilibka ku fiican yihiin, kuwo ka lana
labadaba ay ku fiican yihiin Waana sidan:-

1. Dawaara: Waxay ku fiican tahay caanaha wayna Subag


badan tahay.

99
2. Gasaara: Labadaba waa ay ku fiican tahay Caanaha iyo
Hilibkaba.
3. Surqo: Labadaba waa ay ku fiican tahay Caanaha iyo
Hilibkaba.
4. Booran: Waxay ku fiican tahay Xagga Hilibka.

Ujeedada loo dhaqdo lo’da.

Ujeedada loo dhaqdo Lo’du waa ay badan tahay balse, marka horeba
waxaad xiskaaga ku haysataa inaan la dhaqan waxaan u jeedo laga
lahayn, ama aan faa’iido laga helayn. waana kuwan ujeedooyinka loo
dhaqdo Lo’da in laga helaa:

Caano
Hilib
Saanteeda in la manaafacaadsado
Ku qodoshada beeraha
Ganacsi ahaaan si lacag iyo adduun looga helo.

Qaabka Dibida Loogu Qodo Beerta

Markaan ka hadlayno qaabka dibida loogu qodo beerta waxa ay


noqonaysaa sidan soo socota. Marka koobaad waxaa haboon inaan
ogaano qalabka dibida lagu xidho marka beerta la qodaayo. Inta badan
waxaa qodaalka beerta loo isticmalaa dibida, balse mar mar waxaad
arkaysaa iyada oo dadka qaarkii ay Hal, awr ama laba dameer u
isticmaalayaan qodaalka beerta. Waxaase ugu haboon uguna fiican
qodaalka beerta waa Dibida.

100
Intaan qodaalka beerta la gaadhin waxaa shardi ah in la soo diyaariyo
qalabkii lagu xidhi lahaa dibida oo loo yaqaaano “Harqood(-ka)”. Kaas
oo laga soo gooyo dhirta. Waana sidan qalabku:-

1. Harqoodka
2. Nugida
3. Kootarka
4. Irfiga
5. Minaaqyoda
6. Birta gooshida

Intaa waxaa dheer dulaha dibida, lagu kexeeyo oo isna ka samaysan


Harag. Oo si ballaadhan oo suun oo kale ah loo sameeyay. Xagga
danbana gacan qabad loo sameeyay, si dibida loogu kaxeeyo. Beerta
waxaa lagu qodaa laba dibi oo loo yaqaan “Qindi”. Haddii aad
maqasho ama lagu yidhaahdo beerta waxaa ku jira hal Qindi waxaa
loo jeedaa beerta waxaa lagu qodayaa hal Dibi. Hadii lagu yidhaahdo
beerta waxaa ku jira laba Qindina waxaa looga jeedaa beerta waxaa
lagu qodayaa Laba dibi. Dibigu marka uu qodaalka si fiican u qodaayo
ee uu in muddo ahna shaqaynayey, waxaa la yidhaahdaa dibigaas waa
Xaraash. Marka uu ku cusub yahay beer qodaalka beertana waxaa la
yidhaahdaa waa Layli. Oo sanka ayaa xadhig lagaga xidhaa loo
yaqaano Fiinyo.

Qaar kamida Codadka lo’du Sameyo.

1. Lo’du way Araasidaa.


2. Lo’du way Banaaxidaa.
3. Dibidu way Dinnaahyeysaa.6

6macnekooxeeyaha Af-soomaaliga Hormada 1aad) Jama Muuse Jama.

101
Marka Dibida lagu bilaabo Qodaalka Beerta.

Marka qalabka dibida la diyaariyo ee beerta la geeyo dibida iyo


qalabkaba, qalabka ayaa Dibidda lagu xidhaa. Waxaana la yidhaahdaa
dibida “Meerara” waxaana loola jeedaa uun halagu xidho qalabka
Qodaalka dibida si loo bilaabo beer qodaalka. Intaa ka dib waxa dibidii
lagu bilabayaa Qodaalka Beerta. Halka laga bilaabana waxa la
yidhaahdaa “Faag”, faaga ayaa la jeexaa ilaa hadba inta aad dhul iyo
cabir haysato. Marka dibida la soo celinaayo waxaa la yidhaahdaa
“Arooray” oo ah Leexo. Waanu leexdaa isaga oo amarka si fiican u
qaadanaya, fahmaayana waxa lagula hadlaayo. Dibigu hadduu ka
leexdo Faaga, waxaa la yidhaahdaa “Dacay Geed”oo ah ku leexo
faaga. Waad baydhee markiibana waxa uu ku noqdaa faagii ilayn wuu
af-garanayaa baaqan lagula hadlaayee.

Dibidu sidaynu hore u soo sheegnay waxay ka mid yihin, noolaha af-
yaqaanka ah. Waxa ay yaqaanan baaqa lagula hadlaayo. Waxa ayna si
fiican u qadaanayaan hadba amarka la siiyo. Waana af caan ka ah
beeraleyda qodaalka dibida wax ku qodata. Meel kasta oo ay ka jiraan
degaanka soomaalida oodhan.

102
Erey Furka lo’da

1. Harqoodka:- Waa qoriga dheer ee isku xidha labada dibi si ay


beerta u wada qodi karaan. waanu kala xakameeyaa oo midna
mid uma durki karo xaggiisa.
2. Minaaqyoda: Waa laba qori oo is ku haya harqoodka iyo dibiga
ee uu qalabka intiisa kalana ku sii xidhinyahay.
3. Indhal: Waaxadhigga labada minaaq laysugu xidho.
4. Kootarka: Waa qori dheer waxaanu isku xidhaa nugida iyo
harqoodka.
5. Nugida: Waa qori dheer oo lagu xidho kootarka ka dibna lagu
sii wada xidho Harqoodka saaran labada dibi. Waana xilliga
loo yaqaano in dibidu “Meeraran yihiin”
6. Irfi: Waa qoriga qofka dibida beerta ku qodayaa gacanta ku
qabto waana qoriga ay ku xidhan tahay Birta Maraashida loo
yaqaanaa.
7. Maraashida: Waa birta uu ku xidhan yahay Qoriga Irfigu ee
Dhulka ama Beerta Qodda, waxaana hareeraha ka haya
Digirinada iyo Suuman ka samaysan harag adag.
8. Birta gooshida: Waa birta isku haysa qoriga Nugida iyo birta
Maraashida loo yaqaano ee dhulka jeexda.
9. Qindiga: Waa labada dibi ee beerta wada qodaaya ayaa la
yidhaahdaa Qindi
10. Xaraash: Waa marka uu dibigu si fiican beerta uu u qodaayo.
11. Layli: Waa marka uu dibigu ku cusub yahay qodaalka beerta.
12. Fiinyo: Waa xadhig dibiga lagaga xidho sanka marka uu
layliga yahay kuna cusub yahay qodaalka beerta.
13. Arooray: Waa marka dibiga dib loo celinaayo xiliga uu
qodaalka beerta ku jiro.
14. Dacay-Geed: Waa ku leexo faaga waxaana la adeegsadaa
marka dibigu faaga ka baydho.

103
15. Meerara: Waa dibida qalabka hallagu xidho.
16. Kudis: Waa marka Dibigu uu ku boodo saca
17. Oofasho: Waa marka sacu ku jiro xaaladuu dibigu kudi lahaa.
18. Fadhi lo’a: Waa lo’ badan oo meel wada joogta.
19. Qaraf-qaraf: Waa baaq la adeegsado marka loda milixda loogu
yeedh-yeedhaayo.
20. Digirta: Qori yar oo loo kala dhexay-siiyo marashida iyo
nugida si aanay u leexsamin.
21. Boor: Waa saca ilmihiisa diida ee sibiisha wax lagaga xidho si
loo ogolaysiiyo neefkiisa
22. Joxor : Waa Dibiga filka weyn
23. Uladeg: Waa marka Sacu uu ku jiro xilligii uu dibiga kudi
lahaa.
24. Banaaxis: Waa mid kamida codadka ay samayso lo’du.
25. Qaalin: Lo’da dhedig ee aan weli curan.
26. Qaan: Waa wadar lo’ ah oo yar weliba marka naaska laga
gudhiyay.
27. Caday dacay: Waa lo’da yar yar ee markaas uun dhalatay.
28. Qoodh: Waa dibiga lo’da kuda.
29. Urure: Waa dibiga qoodhka ah ee lo’da oo aan xilligii
oofashada ku jirin daandaansada.
30. Dammaan: Waa dibiga iib galka ah.
31. Xanaaf: Waa dibiga dhuldiidka ah ee beerta qodi waaya.
32. Gal-gaal: Waa saca oofashada soo celceliya ee aan gudhin.
33. Nasab: Waa saca dad ogolka ah ee aan dhibta badnayn.
34. Dharaq: Waa marka lo’da candhada laga mariyo digada si ayna
weyluhu u jaqin.
35. Fiigo: Waa saca dhibta badan ee aan la lisi karin.
36. Xoodaamin: Waa salaaxista iyo sabaalaynta saca lagu sameeyo
si aanu u cararin.

104
37. Baarax: Waa neefka lo’da ah ee didmada badan wax katoo
sanqadhana ka carara.
38. Ganddaal: Waxaa weeyaan maqaarka lo’da, marka uu ka dhinto
neefka yari

Heesaha Lo’da.

(1)
 Abuurinidaa  Xay cadkaagiyo
 Ardaa guriyada  Naagtii xaasana
 Uun horaa degay  Feedhahaa Xaggan.
 Isna ku idlaa  Oo xayuubsamay.
 Adna ku ogow (5)
(2)  Cirku mayaybuu
 Meel burcawsa leh  La madaw yahay
 Oo biyo u dhaw  Baduna maal bay
 Baadi doonyoo  La madaw dahay
 Biciidkuba waa.  Ana murugiyo
(3)  Maxay mudanbaan
 Wanaagsane waris  La madoobahay.
 Weyl uu xalay dhalay (6)
 Wiil la moodyoo  Doo haydaley
 Loo wanqali gaadh.  Oo horraan dhalay
(4)  Oo ilmii huray
 Sacii dhiiniyo  Hagoogane roob
 Naag dhabeeli  Kuu hillaacyoo
 Way dhalaalaan  Kuu hoglo hoglee
 Sacii booriyo (7)
 Naag basariye  Dhiinow dheydaa
 Bawdadaa weyn.  Naag dhadhamisaa
 Oo bogaa shilis.  Ma dhinnaatee
105
 Way ku dhaqataa. Heesaha Dibida
(8)
 Geesi lama dilo Dibida marka beerta lagu
qodaayo, waxay lee yihin hees
 Gaari lama furo
hawleedyo u gaara. ku waas
 Gosha lama dego
oo lagu dhaafiyo wakhtiga
 Geesi kii dila
qodaalka. Waaxana ka mida ku
 Gaadis fara badan
wan soo socda.
 Iyo gawrac waw halis
 Gaari kii fura (1)
 Guur la’aan iyo  Marka beertu bislaato
 Goblan waw halis  La baaq-baaqo
(9) hadhuudhka.
 Xiix wanaagsane  Ayaan kuu badhi goyn.
 Biyo xoorliyo  Har-hariiryo biciidloow
 Xareeddii buu  Hakabooyin libaaxle
 Xoolo ku ahaa  Ma hadhkaad galab
mooday.
(2)
 Lo’jirkii dhagaraale
 Hadduu dhuunta ku
gooyo.
 Maxaan dhuunyahan
lahaa
 Dhulku jeexi lahaa
(3)
 Haddaan kaa xarkoodo
 Xodha kaa laban laabto
 Halkeen xoolo u
doonan.

106
(4)
 Marka beertu bislaato  Hadhkood hurudaaniyo
 Balka kuu gurayaaye  Haddaad hawl yari
 Boorow beerta hagaaji. doonteen
 Igadh haan laga
 Bariiska reer magaale buuxshiyo
 Badda looga talaabay  Maad haween noqotaan
 Waa kan oo (7)
labudleeyay  Bismilaahi layeene
 Bushihii laga saaray  Bisinkii nin bilaabay
 Boorow beerta hagaaji.  Ilaahayna baryaaya
(5)  Balayo uma timaado!
 Markuu geedka ku
joogo  Ilaahay idankiisa
 Geel bariisan la mood  Arbacuunka Quraanka
 Gammaan kooraysan la  Alif looxa ku yaala
mood  Udgoonow Nabigii iyo
 Gabadh heego dheeer la  Awliyoy na gargaar
mood. (8)
(6)  Ma ku maaweeliyaayoo
 Waadigii cararayayee.  Madaddaalo nin weyn
 Car yay itaaban iyo
lahaayee.  Maad ma ku mariyaa!
 Dulaha caradiisiyo  Milaygu waa milaygii
 Baguu caynku kuu  Rag maleeganayey
gooyay.  Naagana mooska
 Waadigii salalaalyee hurdeen!
 Sabadaha miranaayee. (9)
 Lo’da suulasha gooyee.  Labadeennani mooyee
 Bagood gaajo sureerteen  Labadeer kale mooyee
 Sabarkiinuu yaraaday.
107
 Rag muraadkii (13)
dhamaysay!  Sidii naag humbaniyoo
(10)  Hadhuudhkii ka
 Sida qaalmaha geela xumaaday
 Oo qoryo laysugu  Maxaad ii hadimayneed
dhaabay  Hoosta iiga habaari
 Amba qoor-yar  Ma aniga
gabadheedoo hadhimeeyayoo
 Qalab aada la saaray  Halkii kaaga
 Maxaa kaa qalam lahee dambeeyayoo
 Qoorta kuu galiyeen?
 Dhaldhalaalkiyo  Hiraabtii dabadeed
dhiinka  Hooyaday wax i siisay!
 Ma dhiilaad lulateen?  Harqoodkaad gilgilayso
 Mise waa dhaladkiin  Hornagaad jabinayso
 dhalanteedna lahayn?  Hawli kuu
(11) madhximaysee
 Taltalaabsin  Iga dayso hantaaqada!
gabadheedlow (14)
 Tagoogooyin  Sidii guunyar
haldhaalow gabdheedoo
 Taftaa wiilalbaa lehe  Dhulkii guursi ka
 Iska tiiri xamaanta weyday
(12)  Waan galliin tagyaa iyo
 Haybow hadhkii weeye  Is guunguun badnidaa!
 Habeen weli weeye (15)
 Hawshii dhiman weeye  Lo'da dooxyada daaqda
 Hor-horee socod weeye  Darandooriga weynle
 Hagradaa doqon weeye  Qoodhu diida ka hayso
 Cagta hoosta ka qaad.  Waxba kaaga dan
maaha!
108
 Anna geedka duleedka  Waay ina
 Haddaanan diin quudhsanayaane
dhiganaynin  Way ina quudi hadhaw!
 Daabacaynin Quraanka (17)
 Waxba iiga dan maaha!  Waa casar gaabanoo
 Waa cadceed dabadeed
 Haddanan  Carraabeyna sugaayee
gabgableeyow  Cawlow toosoo ha
 Guradaada ka yeedhin leexan
 Waa haddaan  Ceebtana inaga ilaali!
gabadhoobayoo (18)
 Gosha lay qabanaayo.  Cagta rays ha la waayin
(16)  Carrabka doog ha la
 Sidii naag dhali waayin
weydayoo  Caadilkii ku abuurayna
 Dhawaan Eebbe wax  Caafimaad ha ka
siiyayoo waayin!
 Dhabta wiil la haleeshay (19)
 Dhabankaaga sokeeyiyo  Sidii dooni shiraac
 Ma afkaan dhunkadaa lahoo
 Kol hadday shinni  Shimaalkii badda joogta
gaadho  Shaanshaan
 Shansho dheerow garabkeediyo
gammaan iyo  Sheeddaa laynaga
 Gabadh shaaximan daawan!
mooyee (20)
 Shan halaad kuma  Indho cawri yaqaaniyo
siisto!  Calool goono taqaanna
 Carrab naada yaqaanna
 Kuwa qaaliyo joogee  Caadbaan kaaga
 Qadaw geela ku eega hagoogay!
109
(21)  Waana bilaawe afaysan.
 Walee hayboow  Intay naago mooska
 Hooge inaad tahay hurdaan.
 Oo hadhaa tahay  Ragg mahiidan ogaa.
 Oo lo’da hirdiyo. (26)
 Oo hortaa cabtana  Anigu kuu tudhi
 Side isugi heli. maayee
(22)  Taladii Rabbigaa iyo
 Geeso waa weyn,  Tagooggaaga wax mood
 Geelu kulama leh  Iska tiiri xamaanta!
 Goga subaga  Dhayal kuuma koorayn
 Geelu kulama leh.  Bilaashna kuu
 Gabadh subagiyo dhibimaayee
 Gaari dhaashana  Dhulkaan dhuuni ka
 Geeli kulama leh. dooni!
(23) (27)
 Saaka waad barqateen  Haleelooyinka geela
 Biyona waad kabateen.  Habeen noolba la maalo
 Ee ma balaa idin haysa.  Haaneedkaa la baraa
(24)  Hablo weynta
 Ayaa roora oo roora gabwdayna
 Oo reerkii noogu  Haasaawa la baraayoo
wargeeya.  Hoosbaa loola hadlaa
 Raaliyadii rugta  Dibigii hooyo
joogtay. Wanaagsanna
 Rag ma noolo yidhaada  Harqoodkaa la baraa
(25)
 Dhiinow raggu waa bir
laduubay

110
Maah-Maahaha iyo Murtida Lo’da.

1. Lo’ inta dabadeedu dhulka u jirto ayay caydhi kuu jirtaa.


1. Lo’ abaar kama baxdo kaamana saarto.
2. Gees lo’aad kulaylkaa lagu jaraa.
3. Dibi bey waa u dhintaa
4. Marka weylaha la helaa lo’da la malaa.
5. Giir lo’aad iyo giris ayeeyo midna lama huro.
6. Carab lo’aad caws looma tilmaamo.
7. Sac geeska lahayo hadaad aragto mid dhagta la hayuu dhalaa.
8. Waysha gaywrac Dibigu haku quustee.
9. Lo’da caws u hay ama ceel u hay.
10. Sacba naagtii sal-sallow oo sideeda u socoy.
11. Lo’du labada hore caws hakula jirto labada dambana biyo
hakula jirto.
12. Lod’da nimanka hawd geeyee ku haraadiyaa dilay.

111
Cutubka 5aad

Fardaha

Wafka uu lalminaayo
Dabaduu walfinaayo
Wisil baarka ku yaal
Waras noocii miyaa?
Sayid .M Cabdule Xassan “Walhad
____________
Weehadow orodkiisu.
Wadhaf dayn lagaxooriyo
Taarka layska warqaadiyo.
Ma wayeenka shukaantoo
Wanaag loogu qabtaa?
Raage Ugaas “Walhad”
___________
Geela hawd iyo doolo iyo
Laan hareeri ka foofa.
Haddeeray cali muuse iyo
Rag kaleetaan hubaa.
Hadalka is hayaane.
Huri mayo duqayga!
Axmed Muuse “Ashkireer”
___________

112
113
114
115
Gamaan(-ka.)

Gammaanku waxay ka mid yihiin bahda loogu yeedho nugulka, ee


aan ka qadi karin biyaha. Marka gammaan la yidhaahdo waxa soo
hoos galayaa, oo qoyskan ka tirasan Fardaha, Dameeraha iyo Baqlaha.
Qormo qoraalka dhaganaheenan waxa aynu ku fallama guridoonaa
Fardaha iyo Dameeraha. Baqasha waxaa iska dhala Faraska iyo
Dameerta. Mana aha mid sida gammaanka kale u tiro badan, oo xoog
looma dhaqdo. waxna ma sii dhasho oo ma taranto.

5.1 Fardaha

Farduhu sida noolayaasha kale ee ilahay abuuray waxa ay noloshoodu


salka ku haysaa, oo ay ka bilaamantaa Lab iyo Dhedig. Labka Fardaha
waxaa la yidhaahdaa Sange halka dhedigana la yidhaahdo Geenyo.
Farduhu waxay sid qaadaan oo ay caloosha ku sidaan uur jiifka mudo
dhan 9 bilood oo u dhiganta 270 habeen. Farduhu waxay ka mid yihin
xoolaha qaybta la yidhaado nugulka ee aan u adkaysan abaaraha iyo
biyo la’aanta. Haddaba waxa aynu foolka saaraynaa qoyska Fardaha,
oo ah kuwo ku qaaliya Ummadda Soomaalida. Farduhu waxay
waayadii hore ugu jireen dadka Soomaaliyeed kaalin wax ku oola oo
aan la malayn karin. Taas oo ka qayb qaadanaysay kuna xidhnayd
hanaanka iyo geedi socodka nololshooda ee xiligaas lagu jiray. Waxay
ahaayeen Tiknikada iyo Gawaadhida gaashaaman ee xilligaasi lagu
Dagaal galo. Meel dheer ayeey wax ka maqlaan. Taas oo ay uga
faa'iidaysan jireen Soomaalidu inay kula socdaan wax kasta oo aagga
soo gala. Gaar ahaan habeenkii xilliga la mirayo iyo Maalintii markay
daaqayaanba.

Farasku marka uu daaqayo madaxa ma qaado goynta geedaha iyo


calalintana wuu isku wadaa. Sida uu u daaqayo ayuu maqlayaa jabaq
meel fog ah, markaas ayuu goynta iyo calalinta nabaadka joojiyaa isaga

116
oo aan madaxa kor u aqaadin! Judhadiiba ninkii la jooga ayaa
garanaaya in uu wax dareemay Farasku. Muddo yar kadib ayuu
markale sidii oo kale samaynaya. Waayo! wuxuu wax ka maqlayaa
meel aad u fog oo aan araggiisu gaadhayn. Waa uu dhegaysanayaa ilaa
uu ka soo dhowaado marka uu is yidhaahdo allaylehe soo dhowow, oo
waad arki kartaa ayuu hal mar si deg-deg ah madaxa ula boodayaa.
Oo dhanka laga soo galay dhuganayaa! sidoo kale ninka la jooga ayaa
isna la dhuganaya. Waa garasho iyo awood ilahay ku ilhaameyay
Fardaha inay masaafo aad u fog ay wax ka dareemaan.

Fardaha Cad iyo Caano toono lagama helo balse waxaa laga helaa, oo
laga manaa facaadsadaa wax yaalo aad u badan. Ku was oo nolosho
aasaasi u ah. Sidaaan kor ku soo tibaaxnay waxay lagama maarmaan u
yihin farduhu colaadaha sidaaan dib ka arki doonana waxaaba lagu
kala qaadan jiray guurka hablaha qaaliga ah.

Farduhu Soomaalida waxay u ahaayeen kuwo Xagga xaragada


nolosha kaalin muhiima uga Jira. Taas oo aan ahayn uun qurux iyo
bilicda tax-taxaashka nolosha. Waxa ayse xaragadaasi ay ahayd wixii
la qiimanaayo in lagu bixiyo oo la dhaafsado. Sida:- Haweeney
Qurrux, Karti, Sharaf, Dhaqan, garashiyo Diinba isku darsatay. Kana
dhalatay qoys faracoodu wanaagsan yahay ayaa marka inanta la
doono ee la soo ardaa dhigo, ayaa yaradka gabadhaas laga bixiyo lagu
dari jiray Faras qiimo badan. Waxaa sidoo kale lagu weyneyn jiray
laguna maamuusi jiray qof mahuraana ah. Ha ahaado Xidid ama
qarabadaba. Waxaana taas inooga markhaatiya Sooyaal Suugaaneedkii
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan(AUN). Markuu Sayid Maxamed
doonay “Faadumo Suldaan Aadan” oo la dhalatay Suldaan Faarax
Aadan oo madaxda degmada Mudug ka Mid ahaa. Sayidku xoolo
badan oo Geel iyo Fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey Faadumo
Suldaan, xurmo iyo Xididtinimo wanaagsan isagoo muujinaaya.
Wuxuu sidoo kale Sayidku bixiyey Faraskuu aadka u jeclaa ee “Xiin-

117
finiin”. Markuu Suldaan Aadan ka dalbaday inuu siiyo Faraskaas.
Waana tuu Sayidku ku geeraarayay:-

 Intii aniga lay xaman lahaa,


 Xil iga soo meerye
 Aduu galabta kuu xoolo yahay,
 Xamarkii dheeraaye
 Waa Xiin Finiin neefka aad,
 Xadhigga haysaaye
 Xayawaanka oo idil naftey,
 Kala xaroodaane
…………………………..

Ammaaanta iyo suugaanta laga tirshay fardaha, maaha mid qalin iyo
qoraal lagu soo koobi karo. Waxaana ay lee yihin geeraaro aad u tiro
badan, balse qaybaha danbe ee Buugeena ayaynu ugu tagi doonaa,
Suugaanta ugu hal-doorsan ee Fardaha. Waxa aynu soo sheegnay in
Soomaalidu ay aad u jeceshahay Fardaha iyo dhaqashadooda, ayna
yihiin jawharado lays kugu faano. Ninka Fardaha leh way adkaan
jirtay in Dirir lagaga guulaysto.

Haddaba waxaa is weydiin mudan waa kee Faraska ay kugu jecelyihin


Soomaalidu lahaan-shihiisa. Iyaga oo ku dooranaya astaamo iyo
calaamado uu kaga fiican yahay Fardaha kale. In kasta oo ay Fardaha
dhamaantood tixgeliyaan, qadarin aadana u hayaan. Haddaba Faraska
afar midablaha lagu tilmaamo ama (Baroorka) oo ah midaan lagu
sheegi karin, hal midab kana kooban dhawr midab oo is galay, ayaa ah
kan ay Soomaalidu ay ugu jecelyihiin. Dhaqashadiisa iyo
haysashadiisaba, waxa ayna ku doorbideen asaatamahan.

 Adkaysanka
 Orodka iyo
 Xooga

118
5.2 ” Sheeko” Faarax-Afcad
Nin la odhan jiray Faarax-Afcad, ayaa waxa uu ka soo sadcaalay
gobolada dhexe ee Soomaaliya. Waxaanu u soo Fardo doontay gayiga
Dooxada Nugaaleed, oo ka mid ah deggaanada Soomaaliyeed meelaha
ugu dhaqashada fardaha badan. Markuu deggaankii yimi ayuu yidhi
“waxan doonayaa Faras aan jeclahay”. Markaas ayaa fardihii oo dooxo
daaqaya oo dhaleydii iyo sangoodkii is dhex yaacayaan. Ayaa inta
laysku soo di-diyay lagu yidhi adigu faraska aad rabtid ka dhex xulo.

Ninkii faraskii uu doonayay waxa uu ku cabiray Suugaan. Maadaama


oo ay Soomalidu tahay dad hodan ku ah Suugaanta. waxaanu tiriyay
geeraarkan.

Nin ugaadhsadaa xamarka jacel, Orod dambeedkiise


Usha iyo dhawaaquu sugaa, Yuusan ii imaanin
Ashkir orodkii waa maalintuu, Oofo weyn yahaye
Ololaha nin jacel baan ahee,Yuusan ii imaanin

Afadayg bullalan ku nacay, Aar ha soo rido e


Niman urursan buu kuula galaa, Yuusan ii imaanin
Ma irdhoobo oo caynab, Waa faras Ogaadeene
Oday baa ubbada loo sudhaa, Yuusan ii imaanin

Haduu oomo boosaygu. Naftay, kala aguugaane


Aroorkii maqnaa kuma simee, Yuusan ii imaanin
Qaajaha indhaha diiran lihi,Waa inkaar qabo e
Oodda iyo qodaxda kama gudee,Yuusan ii imaanin

Addin-gaab awaaraha horuu, Igigif leeyaaye


Uur-yacay abaar kama galee, Yuusan ii imaanin
Afar midab le oofta iyo fanka ,Adhaxdu weynaatay
Isha waxa aan la raacaa.Fardaha ka u ilwaad roone.
Oogada madoobow, Baroor ubaxle baan doortay

119
5.3 Todobada Jaad Ee Midabbada Fardaha soomaalida
Farduhu waxay leeyihin sida qaalibka ah todoba midab oo kala
duwan. Balse marka hoos loogu sii dhaadhaco waxaa jira midabbo yar
yar oo iyagu hoos yimaada todobadan midab ee caanka ah. Ku waas
oo ay isla waafaqsanyihiin Fardoolayda Soomaaliyeed. Waxa aynu
sheegi doonaa halkana ku sharaxi doonaa todobada midab ee ugu
caansan midabada Fardaha Soomaaliyeed. Balse dhiganahan waxaad
ku arki doontaa iyana kuwa ka sii baal baydhaaya todobadan midabee
waaweyn waana sidan Todobada midab ee caanka ahi.

1: Bulaale: Waa Fardaha iskugu jira caddaanka iyo midabka


Caddayska ah. Waxaana u dheer timaha iyo jilbahaba waa ay
madawyihin.
2: Caynab ka: Waa Fardaha mad-madaw ee sida tukaha aan lahayn,
bar kaliya oo midba kale ah oo jidhkooda ku dhex jirta.
3: Ashkirka: Waa Fardaha wada Cas-cas. ee Saynta, Timaha, iyo
midabkiisuba, isku wada midka yihiin .
4: Boodka: Waa Fardaha midabkoodu yahay Caddaan cawlaan
xigeenka ah .
5: Qaaje: Waa Fardaha wada Cad-cad ee baliga ah. Mana jiro meel
jidhkooda midab kale kaga darsamo. Oo ilaa timaha kaga yalaa
Indhaha ayaa cad-cad .
6: Xamarka: Waa Fardaha Cas-cas. Hasa yeeshii ashkirka waxay kaga
duwan yihin Gammeha iyo sayntuba waa ay madawyihin.
7: Baroorka: Ma jiro midab lagu timaami karo oo lagu sargoyn karaa.
Waa Faraska ay iska galaan midabbada badni. Ragga Fardaha aadka u
bartay waxa ay yidhaahdaan waxa uu u badan yahay Caddan
midabyo kale ku dhexjiraan.

 Xamarku:- Waxa uu u sii kala baxaa laba qaybood, oo kala ah


Xamar madaw iyo Xamar cad.

XAMAR MADAW : Waa Faras midabkiisu u eegyahay Bunka(Coffee).


Waxaadan moodaa madaw casaan ku jiro, timuhuna waa madaw taas
oo ay ka midaysan yihiin Xamar cadka .
XAMAR CAD: Waa Faras Midabkiisu yahay Casaan uu Cadaati ku
120
jiro huruudina ay ka dhex muuqato. timuhuna waa madaw taas oo ay
ka midaysan yihiin xamar madawga.

5.4 Sinjiyada Fardaha Soomaalida

Deegaanka dadkeenu ay ku dhaqan yihiin, ee Fardaha lagu dhaqdo,


sidaan guud-cirooleyaal Fardo dhaqad ah kaga sheeko qaatay intaan
ku gudo jiray qoritaanka buuggan. Dalkeena waxaa laga heli jiray
waayadii hore hal nooc oo ah Fardaha ugu qiimaha badan adduunka.
Waxaana la odhan jiray (Sunaari). Balse hadda waxaa ku soo biiray
Fardo soo galooti ah oo inooga soo talaabay dhanka Itoobiya iyo
Kenya. Waxa ayna kala yihin:-

1. Suunaari ama Qoobyar: oo ah Fardihii asalka ahaa ee ay


Soomaalidu ku caano maashay. Ab ilaa ka ab ayna dhaqan
jirtay.
2. Qoob-weyn : Waa Fardo soo galooti ah. inagagana soo biiray
dhanka Itoobiya. Taran tooda iyo tayadoodu toona ma
fiicnayna.
3. Wajeeri: Waa Fardo qoobka ku leh bul-bul weyn. Oo sida qoob-
weynta ah fardo aan Dirir iyo xarago toona ku fiicnayn.

121
5.5 Hababka Orodka Fardaha Soomaalida.
Noole kastaaba waxa uu leeyahay qaab iyo hannaan uu u ordo. Marka
uu orod baranaayo ilaa marka uu bislaado iyo weliba marka xaalado
Dirireed lagu jiro ee cid lays hayo. Haddaba Farduhu waxay leeyihin
saddex orod oo mid walbaaba sadex ka sii kooban yahay. Wadartooda
guudna isku noqonaya sagaal orod waana sidan:-

 Kadle:
 Harddaf:
 Kacdin:

1. Kadle: Waa orodka uu ordo marka la jarabarayo


Farasku. Waxaanu ka sii kooban yahay intan hoose.
Fandhaqaajis.
Koose:
kabti
2. Hardaf: Waa marka uu afar qadaayo Farasku. ee uu
jarihii la qabsaday. Intan hoose ayaanu ka kooban
yahay.
Harddaf Ciddilaab
Harddaf
Harddaf weerar.
3. Jeefad: Waa orodka ugu dheereeya oroddada Fardaha,
haddaad dhawr kiiloo Mitir ku orodo madaxa ayaa ku
qalalaaya. Sidaan ka xaqiijiyay rag Fardoolay ah.
Kacdin
Gaaddo buur
jeefad

122
5.6 kala Duwanaashaha Fardaha Soomaalida Xagga
“Quruxda,Riiqda,Xaragada,Madax adayga iyo Tayo xumida”

Marka aynu leenahay kala duwanaashaha fardaha Soomaalida ka eegi


mayno isirka iyo midabbada toonna. Balse waxa aynu ka
sahaminaynaa oo aynu ka eegeynaa dhanka, Quruxda, Adkaysinka,
Xarragada, Tayada iyo Madax adayga. Waxa ayna kala yihin sidan:-

 Fardaha dhanka quruxda, ugu roon waxaa ka mida


kuwan:-
1. Ashkir:
2. Caynad
3. Bood
 Fardaha xagga riiqda( adkaysinka), ugu waxaansan waxaa
kamida:-
1. Baroor Ubax leh
2. Baroor Jilbo madaw
3. Baroor Oogleh (salaanta cad)
 Fardaha xagga xaragada, ku wacan waxaa kamida:-
1. Xamar Madaw
2. Xamar Cad
 Fardaha xagga tayada ugu liita, waxaa kamida:
1. Qaaje
 Fardaha xagga madaxa adag , ugu daran waxaa kamida:-
1.Bullaale ( Jareqadiid )

123
5.7 Maxaa Loo Dhaqdaa Fardaha.

Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen dad xoog u dhaqda una


xanaaneeya fardaha. Isla markaana ku dagaal gala xilliga colaadaha,
sidoo kale kuna xaragooda xilliyada barwaaqda iyo munaasabadaha
waxa wacan iyo biri magaydadana ku maamuusa. Deegaano badan oo
ka mida meelaha ay Soomaalidu dagto ayaa aad ugu caan ahaa
dhaqashada fardaha.

Haddaba fardaha waxaa loo adeegsadaa ama ay u adeegsan jireen


Soomaalidu, qaybo badan oo kala duwan ku waas oo salaysnaa
noloshooda iyo hadba baahida ay u qabaan. Waxa aynu isku dayi
doonnaa in aynu waxii Ilaahay innaga garansiiyo ka tilmaanno,
qaybtay farduhu kaga aadanaayeen nolosha dadka dhaqda. waxaana
ka mid ah baahiyaha ay Soomaalidu fardaha u dhaqan jirtay:-

1. Way ku baadi-doon tagi jireen.


2. Way ku sahan tagi jireen.
3. Way ku dagaal gali jireen xilliga colaadaha. Waxayna ugu
jireen farduhu halka imika gawaadhida gaashaamani ugu jirto
dagalkadduunka.
4. Way ku xarragoon jireen.
5. Waxa ay ka bixin jireen hablaha qaaliga ah ee la qiimaynaayo.
6. Waxay ku maamuusi jireen dadka lama huraanka ah, ee
magaca iyo milgahaba leh.
7. Waxa ay u bixin jireen samirsiis iyo in lagu xaal mariyo qof
lagu xad gudbay.
8. Waxa ay ku soo galbin jireen aroosyada iyaga oo ku
qurxinaaya.
9. Waxa ay ku kala joojin jireen dagaal socda, oo loogu gurman
jiray

124
5.8 Xeerkii Fardaha Soomaalida.

Farduhu waxay ahaan jireen kuwo Soomaalidu qiimo weyn ugu


fadhiya sida aynu ku arkidoono Suugaantooda. Wax badan oo ka
mida sababaha loo dhaqdana waxaynu kaga soo sheekaynay kuna soo
faah-faahinay bogoga sare ee dhiganahan gacantaada ku jira. Fardaha
Soomaaliyeed waxay ku badnaan jireen, Gobolka Nugaal, Waqooyi
Bari iyo Sanaag. Deegaanka Soomaali-galbeed iyo meel kale oo ayna
sidaa ugu badnayn. Waxaana lagu iibsan jira (lagu gadan jiray) faraska
wanaagsan ugu yaraan shan halaad oo geel7 ah.

Fardaha oo Soomaalida agteeda ku lahaan jiray sharaf weyn. Waxaa


lagu dhaqi jiray Xeer ama xeerar u gaar ah. Waxaana kamid ahaa
xeerarkaas :- Xeer ku saabsanaa kala amaanaysiga fardaha iyo dagaal
ku galka. Haddii col soo weeraro degmada faduhu ku noolyihiin, waxa
dhici jirtay in fardaha laga difaaco colka iyo cadaawaha soo weeraray.

Haddii colkaasi xoolo la tagaan, waxaa lagu raacdeyn jiray fardaha.


Mar hadday sidani dhacdo, oo gurmad loo baahdo lama odhan jirin
yaa leh faraskan , ee waa la qabsan jiray lana fuuli jiray fardaha kii la
soo gaadho.! Cidda fardahaas lahina ma odhan jirin “maxaa
fardahayga loogu duulay”waayo? Waxay ahayd xeer mar hore la
dhigtay.

Ciddii fardaha ku duushay ee ku soo dhacsaday xoolahoodii, waxaa


xeerku ahaan jiray inay ciddii fardaha lahayd u geeyaan. Iyaga oo u
Subkay , oo Baad iyo Biyo waxay u baahnaayeenba siiyay.

____________________________________

7Xeerkii Soomaalidii hore “Axmed sheikh Cali Axmed (Buraale)”

125
5.9 Sii Dabar Go’a Fardaha Soomaalida.
Dhaqidda farduhu waxay ahayeen qaar, ay ku kala tilmaamanyihiin
deggaanada Soomaalidu ay degaan. Waxaana inta badan ka mida
meelaha ay ku dhaqmi jireen farduhu, ee lagu yaqaanay, Dooxada
Nugaal, Gobolka Sanaag, Gobolada Bariga inta aan xeebaha loo
dhaadhicin, Gobolada dhexe, Deegaanka Soomaaligalbeed iyo Meelo
kale oo ayna sidaa ugu badnayn. Fardaha Soomaalidu waxa ay
ahaayeen kuwo aad u tiro badan. Isla markaana la arki jiray iyaga oo
Wagan-wagan u wada socda. Balse hadda waa kuwo la waayay oo sii
dabar go’aaya siina wiiqmaaya. Waxayna ku socdaan qiyaastii halkii
uu maray Gumburigu.

Waxaana jira, dhibaatooyin aad u badan oo sababay in ay yaraadaan


fardihii aadka u badnaa. Waxyeelo aan laga soo waaqsan karina,
gaadhsiiyay noloshii iyo tarantii fardaha Soomaaliyeed. Waxaana ka
mida aafooyinkaas dhabar jabka ah ee haleelay noloshii kumanaan
fardood oo ku noolaa deggaankeena.

1.Haraadka:- oo ah wax aanay u adkaysan karin farduhu, maadaama


oo ay ka mid yihiin qaybta nugulka. Waxaa la sheegaa in ay farduhu
48 saacadood wax ka badan ayna ka qatanaan karin biyaha.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ah “Fardo guul ma horbaa mise waa


dib” waxaana looga jeedaa farduhu markay u aroortagaan meel fog oo
loo dhaxaayo, ma horay u socdaan mise waa soo socdaan oo dibay u
soo noqdeen. Taasina waxa ay inoo cadaynaysaa in ayna farduhu laba
maalmood wax ka badan biyaha ka qadikarin.

2. Daaq-yari: Farduhu hadday waayaan daaq iyo baad ku filann, waxa


ay noqonayaan kuwo u nugul oonka. Isla markaana aad u tabar-
darreeya, oo uu ugaadhsado waraabuhu kana ladaabto hilibkooda.

3.Abaaraha iyo Roob la’aanta: ayaa iyaguna ka mid ah, Aafooyinka


sababay inay dabar go’aan farduhu. Ka dib markay waayeen Biyo iyo
Calaf ku filan oo ay cunaan.

126
4. Xanaanayn la’aan: Waxaa yaraaday dadkii xanaanayn jiray, ee ka
ilaalin jiray dayaca, baylahda iyo dhibaatada.

5.Xaalufinta deegaanka: ayaa iyana ka mida dhibaatooyinka soo


wajahay noloshii fardaha,

TALO:

Si loo soo celiyo haybaddii iyo noloshii fardaha geyigeena ay la


haayeen, waxaa lagama maar-maan ah in la sameeyo dhawe doqob oo
muhiim u ah nolosha iyo badbaadada fardaha. Dhawrkan qodob ee
aan xaga hoose ku sheegi doonaa, waa ku waan anigu is idhi malaa
haddii la soo celiyo oo la samaeeyo wax badan ayaa siday maanta
yihiin iska badali lahaa. Waayo! Wax walba waxay noloshoodu ku
tiirsantahay haddii loo ilaaliyo oo loo daryeelo, waxaa biyo kama
dhibcaan ah oo marag iyo markhaati madoon ah in ay noloshoodu
saxmayso. Gaahdaysana barta ugu wanaagsan ee ugu saraysa.

1. Waxaa wanaagsan in la soo celiyaa bilicdii deeggaanka lahaa.


2. Waxaa wanaagsan in la helo dad garanaya qiimaha iyo sharafta
ay farduhu lee yihiin.
3. Waxaa wanaagsan in la sameeyo Harooyin iyo Baliyo ay ka
cabaan xilliyada abarahu dhacaaan.
4. Waxaa wanaagsan in la joojiyo xaalufka lagu hayo dhulkii ay
ku dhaqnaayeen farduhu. Si uu u soo noqdo Daaqii iyo
Baadkii ay cunayeen farduhu.

127
5.10 Qaar kamida magacyada faradaha soomaalida ugu caan-san iyo
Raggii lahaa.

1. Xiin_faniin :- S.M.cabdulle xasan


2. Dhoodi-meer: S.M.Cabdule Xasan
3. Dab latuuray: Aadan galaydh
4. Maadays:- S.M. Cabdulle Xasan
5. Xamar-Dawaaf :-Faarax xasan cali( faarax afcad)
6. Wayrax:- Garaad Wiilwaal
7. Walhad:- Raagge Ugaas
8. Sac-waal:- Ina aadan jugle
9. Looshane:- Ismaaciil Mirre
10. Ina qooqan:- Ismaaciil Mirre
11. Qaabil: -Ismaaciil Mirre
12. 8Xamar dhidin :- Xariir mire

13. Haad weerar:- Siciid Samakaab


14. 9Maydhane:- Cabdi maacuun

15. Tuurre:- Ismaaciil Mirre


16. Qadaw caalimeed:- Ismaaciil Mirre
17. 10Salaan:- Ducaale Cali Looge

18. Dhaayo_tiix:- Cali Duullane


19. Qalow_taliye:- Boos Iley
20. Roor_godan:- Aadan Galaydh
21. Ashki-reeri: Axmed Muuse
22. Guulwade: Cali Bucul.
23. Laarriyoow: Cabdi Fadal
24. Xamar Seeri: Maxamuud Jama Daalin.
25. Jiidhe: Maxamuud Jaarig
________________________
8Xamar dhidin: Waa faraskii qaaday tarrankii Xudur lagu qabtay
sanadkii 1969kii.
9Maydhane: Waa faraskii qaaday tartankii filinkii daraawiishta ee

lagu qabtay Magaalada Shiikh sanadkii 1983kii.


10Salaan: Waa faraskii qaaday tartankii lagu qabtay magaalada Gara-

adag sanadkii 1969kii.

128
5.11 Erey fur(-ka) Fardaha.
1. Wuquuf: Xadhigga afka laga sudho faraska si loogu kaxeeyo.
2. Wegerad: Waa suunka laysugu adkeeyo kooraha faraska iyo
bogiisa.
3. Geenyo: Waa dhediga fardaha.
4. Sange: Waa laboodka fardaha ee Xiniinyaha laga saaray.
5. Sirib: Waa laboodda fardaha ee Qoodha ah.
6. Nadi: Jeedalka ama shaabuuga fardaha lala dhaco si ay xoog
orodka ugu badiyaan.
7. Danan: Cida fardaha
8. Jare qadiid: Waa faraska aan jaraha qaadan, ee iska tuura
marka uu ninka wadaa fuulo.
9. Wagan: Waa kooxo kooxo fardo ah.
10. Qoofal: Waa marka xadhiga ama suun ka fardaha loogu xidho
geed ama meel.
11. Shakaal: Waa marka faraska jeeni iyo lug is dhaafa laga xidho.
12. Jare: Waa xadhiga uu hayo ninka faraska saarani ee uu marba
dhic ugu duwaayo.
13. Xakame: Waa birta jaraha lagu xidho ee faraska afka laga
geliyo, si maamulkiisa gacanta loogu hayo.
14. Maydal: Waa faras suulasha madaw
15. Magaan: Waa faraska orodka gaabiya.
16. Darmman: Waa fardaha yarar ee aan weli waaweynaan, Qeyla
aan ahayn.
17. Gaamme: Waa giirka fardaha.
18. Koore: Waa fadhi ka samaysan jirrid geed weyn oo dusha laga
saaro fardaha si loogu fadhiisato.
19. Heense: Waa kooraha faraska la saaro.
20. Shalmad ama dhidar-dhawr: Waa maro faraska iyo kooraha
loo dhaxaysiiyo,si aanu qoriga kooruhu dhib ugu keenin
faraska.
21. Rakaabo: Waa meesha ninka kooraha faraska ku fadhiyaa
cagta hoose geliyo.
22. Sitaac: Waa qalab ka samaysan duno kala duwan oo midabbo
qurxoon leh laguna qurxiyo qoorta faraska.

129
23. Food-saar: Waa dun la qurxiyay oo la saaro faraska madaxiisa.
24. Leedo-fool: Waa marka faraska lagu fuulo bilaa koore.
25. Xarraan: Waa marka ay farduhu xiiqaan ee ay daalaan.
26. Kadle: Waa nooc kamida orodka fardaha waana marka la jaro
baraayo.
27. Hardaf: Waa nooc kamida orodka fardaha waana marka uu
afar qaadaayo.
28. Kacdin: Waa nooc kamida orodka fardaha wanaa orodka ugu
dheeraya fardaha.
29. Moqotin: Waa marka ninka faraska fuushani uu faraska ku
badhi-kaco isaga oo iska dhigaaya sidii wax taagan oo kale.
30. Qoob-raac: Waa marka faraska hadda uun la jaro baray, lagu
daro faras jara ka baxay.
31. Fulaan-ganaax: Waa marka faraska qof walbaaba iska fuulo, ee
ay shimbirtu ka dhacdo ee uu xumaado farasku.
32. Qeyl: Waa dhasha fardaha
33. Gomad: Waa marka ninka faraska fuushan badhidu xoqonto.
34. Degg: Waa kal mad loo is ticmaalo marka faraska la is
taajinaayo.
35. Suunaari: Waa fardihii asalka ahaa ee soomaalida. Waana
fardaha qoobyarta ah.
36. Wajeeri: Waa fardo soo galooti ah oo Xaggan Ethiopia naga
soo galay.
37. Qoone-yeedhin: Waa sanqadh ay sameeyaan xiininyaha
fardaha fiicani, xilliyada dagaalka ee ninka geesiga ahi saran
yahay. Iyo marka inta xoog loo soo eryay uu xiiq tironaayo.
38. Shimbir: Waa astaan lagu garto faraska fiican ee feejigan,
marka aad gacantaada ka saarto oogadiisa ayuu giir iyo
jidhiidhico isku jabinayaa.
39. Kudis: Waa marka faraska Lab uu Geenyada riminaayo.
40. Dhalley: Waa geenyo dhashay oo is wadata
41. Qoodhqab : Waa faraska lab ee geenyooyinka loogu talo galay
inuu kudo, ee la socda. Faraska qoodhqabka ninka jaraeeya
waxaa laga qaadi jiray xaal. Ceeb ayay ahayd in jare lagu
qabtaa, marka uu dhalleyda wado ee uu geenyooyinka ku jiro.

130
42. Geenyo qodban: Waa geenyada sibiisha lagaga xidhay harag
yar oo khafiifa si aanu farasku u kudin.
43. Sangooti: Waa fardo labood iyo dhidig ah oo aan iskudi karin.
44. Qol ku jire/baxdow: Waa faraska uu iska leeyhay hogaamiahya
beeshu. Ee aan cid kale fuulin.
45. Reer-beeday: Waa nimanka daweeya farduha marka ay
xanuusadaan
46. Darfac: Waa mid ka mida xanuunada ku dhaca fardaha.
47. Wadh-wadh: Waa ruxitaanka iyo dhaq-dhaqaajiska uu farasku
ku sameeyo jeenyaha hore xilliyada dirirta iyo damaashaadka
uu ku jiro.
48. Sayn-gargoor: Waa saynta fardaha
49. Qanaan: Waa dabada danbe ee fardaha ee ay saynuna ku taal.
50. Fan: waa qanaanka iyo halka kooraha la saaro meesha u
dhaxaysa (miskaha dushooda).
51. Sulaaco: Waa boodada ugu horaysa ee uu boodo farasku marka
la fuulo.
52. Biyo-booli:- Waa faras qoodha xadid
53. Beedel: Waa geenyada rabta inuu faraskii kudo.

131
Cutubka -6aad

Suugaanta Fardaha

Haddaan xeebta ka fuulo


Ximan reeraha yaal
Xigsintuu u tagaaye
Xanfar duuli miyaa?
“Sayid Maxamed Cabdulle Xasan “

Werisow midabkiisuna .
Cirka oo wadhanaayoo.
Wahabkii laga qaadiyo
Wirriilaa aan caddaaniyo.
Ma waagoo sagliyaa?.

“Ragaae Ugaas Warfaa”

Almis Goodiyadeediyo
Bulaxaar Guduunkeediyo
Golihii Harawaad iyo
Gureys Reeraha Yaala
Galab Buu isku Maraaye
Ma Daruur Gudgudaa ??

“Cali Bucul”

132
Suugaanta Fardaha
Faradaha haddaynu soo sheegnay inay kaalin muhiima ugu jireen
nolosha ummadda Soomaalida. Waxaan mesha ka maqanayn in ay lee
yihin badweyn Suugaan ah. Taas oo lagu ammaanayo, qurux dooda,
adkaysan kooda, sharaftooda, iyo farasba faraska uu ka sito. Haddaba
waxa aynu is yar dultaagi dooonaa Gabayada, Geerarada iyo Hees
hawleedada ay leeyihin farduhu. “Waxaa iga xusuusin ah inaynaan
halkan ku soo wada koobi doonin Suugaanta fardaha. Balse waxyar oo ka
mida ayaynu soo qaadan doonaa. Innaga oo badhka hadhay iyo baaqigana u
reebi doona, Buugaagta danbe ee soo bixi doonta. Kana faaloondoonta Fardaha
oo kaliya.” Gammaanku wuxuu ka mid yahay kuwa ugu ammaanta iyo
kool koolinta, badan xoolaha ay Soomaalidu dhaqadaan gaar ahaan
fardaha.

Waxa aynu qaybtan Suugaanta fardaha ku soo qaadan doonaa


abwaano iyo dad magacyo ku leh shucuubta ummadda Soomaaliyeed.
Isla markaana ahaa fardoolay oo ammaanaya una gabyaaya
faradahoodii caanka ahaa ee ay jeclaayeen. Fardaha waxaa loo geeraari
jiray ama loo gabyi jiray dhawr marxaladood maraka lagu jiro.
Badanaa ninka faraskiisa ammanayaa waxa uu la eegan jiray marxalad
dagaal iyo goob colaadeed. Waxaanu isaga oo baanaya sharaxaad iyo
faahfaahin ka bixin jiray, geesinimada iyo adkaysinka faraskiisa. Iyo
siduu xaaladaha qalafsan ee rag gorodda is geliyay uu uga samato
saaro.

Halka ragga qaarkiina markay arkaan faraskoodii oo dhashiisii iyo


sengoodkii dooxada la daqaya. ayay aad ula dhici jireen uguna
ildoogsan jireen quruxdiisa iyo sida uu u tax-taxaashaayo. Kolkaas
ayay geraar la muunsoon jireen oo sida haro biyo wadhanyihiin dusha
ugaga qubayn jireen faraska. Sidoo kale waxa aynu ku arki doonaa
hees hawleedka ay lee yihin farduhu iyo Maah-maahaha loo

133
adeegsado. Ku waas oo aad u gudo balaadhan una mucweyn inoona
hogo tosaalaynaya qiimaha iyo jacaylka fadaha.

134
6.1 Walhad
Sayid .M Cabdule Xassan

Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo ahaa boqorka ammaanta fardaha


soomaaliyee, isaga oo ammanaaya faraskiisii Walhad waxa uu yihdi
sidatan:

Col haddii la wacaayo Haddaan guuro waddiidno


Lugi waa wantacoowe Walliilkii dhaxantii iyo
Walhadow guradiisa Wahabkuu celiyaaye
Walluu ii goglayaaye Ma dhar lagu wadhaa?
Ma naagtay wacanbaa? Wiido meeley ka fooftay
Haddii weerar la tooxo
Sibraar caanaha weeto Wegenbuu ka baxaaye
Wabax looga dhergaayo Ma wajaaf la ridaa?
Koorihii weshirraa iyo
Wareersiyo muquuskiyo Wax hadduu qabsanaayo
Maqaanii widhwidhaayiyo Jeenyuhuu wadhwadhaaye
Sitaacuu walcinaayiyo Wax ku haabadka qoobka
Wiyilkii shaqlanaa iyo Ma aar soo wahwahlaa?
Waa feerow nadigii iyo
Warmahaygakan dheer iyo Meel walaabiyo qaad iyo
Waaxidkaygan hadlaaya Rasaas laysku wirfaayuu
Intaasuu wadwadaayoo Ka waldhaban hayaaye
Waraarkuu ku sitaayoo Ma wakiila Allaa?
Arba waalan sidiisa
Wagwag buu u socdaayoo Haddaan weecsho rogaalka
Wahsi loogama yaabee Wiliftuu rogmanaayo
Wal-cafaari miyaa? Wadhfiskuu anbanaayo
Ma wirriile didaa?
Haddii waaga la fuulo
Wanahaarka boqoole Nin weyn buu waddaraayoo
Wahdi weeye qabowe Geesibuu waf jaraayoo
Walwaal laydha miyaa? Waallee yuu dhacsadaaye
135
Wed miyaa kululaa? Waageerkuu ku jiraaye
Geela weeta irmaan iyo Ma wasiir gacalbaa?
Weristii rimanaydiyo
Wadaal buu eryadaaye Afartuu ku walgaaftiyo
Wabar xoogle miyaa? Waqaafaha shulluhiisiyo
Meel waaceen laga waayoo Waaxyihiisa garaanta
Dadkii gaajo la wiiqmuu Ma sheekh waysa qabaa?
Webxiyaaa dhergiyaaye
Ma wajiina da’aa? Walwaaleynta raqlaynta
Laafyuhuu walqinaayo
Afartii warhayaad iyo Is waraaari ruxiisu
Waqiil laysku gargaariyo Ma wallays kibraybaa?
Waxtarbaan ku qabaaye
Weli kheyr leh miyaa? Afku waa waradh jeexanoo
Biro laysku wakaabaa
Walax duunyo ka roonoo Walam loogu ridaayee
Waalid layga abuuriyo Walaa-xawli miyaa?
Walaal baan ka dhigtaaye
Ma wasiir gacalbaa? Arraguu wax ku dhowro
Wiriqdiisa bu’diisa
Waayadaan arki waayoo Indhuhuu ka wacsiiyo
Walbahaarka adduun iyo Ma hillaac walaclaa?
Welwel baan u dhintaaye
Wadnahayga miyaa? Shinbiraha widhiftoodiyo
Walax meel ka dhaqaaqday
Diracahaa wacdigooda Widhwidh buu ku arkaaye
Wanan baan u qalaayoo Ma damuumis walaa?
Walanwaan u jaraaye
Ma wadaad martiyaa? Waawarayda dhawaaqa
Haddii uu wax dareemo
Waldhacooyinka hoosiyo Dhagihiisa waryoonsan
Waraaqiisa sudeenkiyo War dhegaysi miyaa?
Wejigaan u subkaaye
Ma wiilaan dhalaybaa? Meel aan wuuw lala gaadhin
Weligay kama maarmoo? Haddii wiirsi ka yeedho
Wariirtii aqalkaygiyo Waqtibuu maqlayaaye
136
Ma taarbaa waddanaa? Naafo waarrin miyaa?
Waddo jiidka socdaalka
Wafka uu lalminaayo Dib ii weyricin maayee
Dabaduu walfinaayo Waylay waaltamayaayee
Wisil baarka ku yaal Wan kaalali miyaa?
Waras noocii miyaa?
Hadduu meel ku warmaayo
Qoortu waa xusul waara Webiyaasha tallaabo
Walcan weeye fankiisu Waxyar kaama maqnaadee
Dushu waaleed bannaaniyo Waa kaneey ma jinbaa?
Welga xaadhan miyaa?
Wijiwaaji qalaad iyo
Haddaan ruugag wadhaansho Waaleed Eebbe balaadhshuu
Wadaaga gilgilaayo Soo waraari ciyaaye
Wayruxuu cartamaayo Ma dabayl wahadbaa?
Wiyil qooqan miyaa?
Hadduu weerar ku raago
Wanqarkuu hardafaayo Walqas dhoobo madow iyo
Watigluu u socdaaye Watabiirka ma qaatee
Waylo raadis galbeed iyo Warac caaggan miyaa?
Maa waayeel culusbaa? Wiyeerkuu ka cabbaayo
Hadduu soo wafwafleeyo Waabka uu hadhsanaayo
Wabwabtuu gurdamaayo Shirku waw waddamaayee
Onkad waadi ka yeedhiyo Waali duuban miyaa?
Cir wanaanyi miyaa? Wanaajoo iska dhaafaye
Ammaantiisu wujuubiyo
Haddii aan wegdihiisa Watirkii ratibnaa iyo
Waydaar xoog leh ku dhaado Wardigayga miyaa?
Waantis buu u socdaaye

137
6.2 Calanside
Sayid M.Cabddule Xassan

Sayidku waxa uu aad ugu fogaaday amaanta fardaha. Waxaa ka mid


aha ammaanta uu ammaanay fardaha geeraarkan soo socda. Oo
Sayidku ku ammaanayo faras la odhan jiray Calanside. Waxaana laga
qoray geeraarkan Aw-Cabdille lbraahim. Wuxuuna Sayidku yidhi:

Xay guduudan la moodyow Dusha xaarad bannanoo


Xamar weeye korkiisu Xasil loogu fariisto
Waa xiddaayad sideedee Xagna looga dhacaynoo
Ma xariir cusub baa? Xukumaysan miyaa?
Afku waa xolxolkaasoo
Ilka loo xanafeeyuu Fanku waa xaraf weynoo
Xakamaa la dhacaayee Xawaal weeye korreysee
Ma xandaad bir tumaa? Gumburkii Xalimeed1 iyo
Xaaridheer miyaa?
Bacaarka xolkiisiyo Qanaantuu xarfinaayoo
Sanka xiifta ka yeeri Xiisaddeeda lulaayo
Wiyil loo xanafeeyoo Xin xabbaas ka karaayiyo
Xaryamaaya miyaa? Xusur dheehan miyaa?

Hadduu qaylo xakaaraa Haddaan xeebta ka fuulo


Xaryankeeda dhegaysto Ximan reeraha yaal
Dheguhuu xukinaayo Xigsintuu u tagaaye
Xawdh la taagay miyaa? Xanfar duuli miyaa?

Surka xaafadda weynluu Anna lay xaradhaami


Xulkiyaa hojiyaa Usna xerya ballaaran baa
Xaddii weeye dhexaade Xariir loogu shubaaye
Xakab loola miyaa? Xilka-dhawrsi miyaa?
Geedku waa xaasoowgaasoo
Waa xayaaba galbeedoo Haddaan qoofal xigoodaa
Waa xareed midabkeede Xaafidaad ugu dhaado
Xinni tay ah miyaa? Xurguftuu dhutiyaayo
138
Naafo xuurrin miyaa? Waa xufoo lama gaaree
Ma dhashii Isxal4 baa?
Haddii layga xubeero
Xididdow bixin maayaan Hadduu xoolo gelaayo
Xabeebtiisa ku raagiye Magaan waa xannibaado
Xabbadkayga miyaa? Xarraan waa isxiraaye
Xiddig duusha miyaa?
Xaya waaga salaadda
Haddaan oodda ka xaydo Taxaabaa ima xiisoo
Xareedkuu gurxamaayo Dibna iima xabbaasoo
Ma Iiddoor xuja laa? Horuu ii xorxoraayee
Ma xayuunta baraa?
Haddaan guuro xabiirro
Xawaadeenka dhacaayuu Goortuu soo xaryamaayo
Xijaab iiga dhigaaye Xayigii daba jooguu
Xuddur awdan miyaa? Xalqadeen ku dilaaye
Ma wad loo xukumaa?
Haddaan xuurto baqoollo
Xor dallaala sideeduu Hadduu soo xallinaayo
Xanfigiigga ceshaaye Xiiso aan u qabnaa baan
Xaaxi layra miyaa? Loogu xeebanayaaye
Ma xays noo da'ay baa?
Xiito meelay ka fooftay
Haddii weerar la xuubsho

139
6.3 “Xamarka”
Jaamac Cali Xirsi (Murtisame.)

Abwaan Jaamac Cali Xirsi (Murtisame.) isaga oo ka hadlaaya jaad ka


mida fardaha waa nooca loo yaqaan Xamarkee waxa uu ku ammaanay
gabaygan qiimaha badan.

1. Xamar weeye faras oo nin lihi, Daajey xamashkiiye


2. Xarfo soo baxduu daaqay, Iyo xera ugbaad-wayne
3. Xidigaale iyo buu hirqaday, Xooshka geedaha-e
4. Xareedii da'aysuu wabxoo, Xaabshay ubixiiye
5. Xayskii curtuu doogsadoo, Xiinkii baa helaye

6. Xaysimuu guyaal daaqayoo uu, Mudkuna xoodmeye


7. Farawga u xardhoobaad ka garan, Xaaladu yahaye
8. Xusuus baad i galisiyo, Fardaha ku xaragood-koode
9. Xoodaamin tii niman aqoon, Waa xanibayaaye
10. Markaad jare kusoo xidhatidee, Koore u xambaarto
11. Xakamaha markaad gelisidee, Jeedal ku xaluufto
12. Xiisaanka goortaad sudhuu, Orodka xiimaaye
13. Goortuu xubnaha kala baxshee, Xawliga u boodo
14. Xabad aake laga tuuray baad , Moodi xafarkiiye
15. Xiisaha markaasaad is oran, Xoola ma ahayne

16. Ma xaraamo neefkii nin lihi, Xadhiga haystaaye


17. Inaad xeer fardood Iyo taqaan, Dhaqanka xaalkiisa
18. Oo aad xeryaha geela dhalay, Sebena xoodh jiiday
19. Horaan kuu xaqiiqsaday ilaa, Xamasho waa ceebe

140
6.4 “Xiin-finiin”
Sayid M.Cabdule Xasan

Sayid Maxamed Cabdule Xasan, markuu doonay “Faadumo


Suldaan Aadan”. Oo la dhalatay Suldaan Faarax Aadan,kana mid
ahaa madaxda degmada Mudug. Sayidku xoolo badan oo geel iyo
fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xidid-tinimo
wanaagsanna isaga oo muujinaaya. Wuxuu sidoo kale Sayidku bixiyey
faraskuu aad u jeclaa ee “Xiin-finiin”. Markuu Suldaan Aadan ka
dalbaday inuu siiyo faraskaas. Waa tuu sayidku ku geeraarayay, isga
oo ammanaaya faraskiisa xiin-finiin.

1. Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye


2. Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne
3. Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
4. Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
5. Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
6. Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
7. Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
8. Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
9. Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye
10. Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye

11. Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye


12. Nin kalaan xafiilaba adaan, xaayda kaa rogaye
13. Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
14. Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
15. Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye
16. Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
17. Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefad
18. Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye
19. Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
20. Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
21. Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
22. Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
23. Isagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu loge
141
24. Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
25. Xayskaa da'aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
26. Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
27. Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode
28. Xujey-reebta Reer Hagar anoon, xabashyadii ruubin
29. Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
30. Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin

31. Xiddaysane ma dhiibeen anoon, xaaladday bogane


32. Xaaraami unbaa arlada, xula abidkiise
33. Wax unbay xushleeyaan sidii, Xabashi-Iidoore
34. Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane
35. Xaashaa Lillaahiye nin gob ah, xamasho waw ceebe
36. Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
37. Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
38. Aduu galabta kuu xoolo yahay, Xamarkii dheeraaye
39. Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye
40. Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane
41. Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay
42. Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

142
6.5 Xamar Dawaaf
Faarax Xasan Cali (Afcad)

Faarax Xasan Cali (Afcad), ayaa waxaa ka dhintay faraskiisii Xamar


Dawaaf. Haddaba si uu u helo faras u dhigma ama ka qiimo badan
kiisii, waxa uu u faras u doontay niman ay xagga hooyo ka walalo
ahaayeen. Markuu u tagay ayuu gabayo badan oo kani ka mid yahay,
ku sharaxay faraska uu rabo ee uu doonaayo.

1. Garaadow bil labo kawsatay yaan, Bay ka soo kacaye


2. Boqonkaygu waa soo rognaa, taniyo Baarguune
3. Dhulku wuxuu ballaarnaa fariyo, baabacaan dhigaye
4. Waxba baatir geel lo’ iyo, baarqab hay siine
5. Baasaar-la-mood cawl-galool, waw baahnahaye
6. Barqomaalka xoolaha haddii, bawdka la ag keeno

7. Neefkii bagaasiya ishaa, laga basaasaaye


8. Barrimaha haldhaa uga ekow, buulal ha lahaado
9. Barta calawga bawdada tafaha, bey ha ku lahaado
10. Goortii gugiisii bartamo, hays baxaa doorsho
11. Bafto iyo sidii xaashiyeed boor, ha ka caddaado
12. Ha bidhaamo bayrow sidii, maro la boodeeyay
13. Sida baarqabbada Maalinguur, buur ha le’ekaado
14. Sida naagihii Bah Hararsame, haw bog laalaado
15. Birta laga rakaabsado hadday, bidixdu miisaanto
16. Baashaali maayee haddaan, balow idhaah fuulmo
17. Aan labada baabaco ku dhago, luqunta baaceeda
18. Sida bahalka aaroo wax dili, booddo ha lahaado
19. Booraan hadduu igula dhaco, boholo saysaaban
20. Meeshii barkood jiifi jiray, bawne ha ahaado

143
6.6 “Baroor Ubax leh”
Faarax Xasan Cali (Afcad)

Faarax Xasan Cali (Afcad), markii uu ka dhintay faraskiisii Xamar


Dawaaf, ee uu yimi gayiga Nugaaleed. Waxaa ka mid ahaa gabayadii
uu tiriyay gabaygan.Markii la dhex keenay fardihii oo dhalaydii iyo
sangoodkiiba ay is dhex qadayaaan. Ayuu gabaygan tiriyay, isaga oo
si cad u sifaynaaya faraska uu doonaayo.

1. Nin ugaadhsadaa xamarka jacel, Orod dambeedkiise


2. Usha iyo dhawaaquu sugaa, Yuusan ii imaanin

3. Ashkir orodki waa maalintuu,Oofo weyn yahaye


4. Ololaha nin jacel baan ahee,Yuusan ii imaanin

5. Afadaygg bullalan ku nacay, Aar ha soo rido e


6. Niman urursan buu kuula galaa,Yuusan ii imaanin

7. Ma irdhoobo oo caynab, Waa faras Ogaadeene


8. Oday baa ubbada loo sudhaa,Yuusan ii imaanin

9. Hadduu oomo boosayga Naftay, kala aguugaane


10. Aroorkii maqnaa kuma simee,Yuusan ii imaanin

11. Qaajaha indhaha diiran lihi,Waa inkaar qabo e


12. Oodda iyo qodaxda kama gudee,Yuusan ii imaanin

13. Addin-gaab awaaraha horuu,Igigif leeyaaye


14. Uur-yacay abaar kama galee, Yuusan ii imaanin

15. Afar midable ooftiyo fanka,Adhaxdu weynaatay


16. Isha waxa aan la raacaa,Fardaha ka u ilwaad roone.
17. Oogada madoobow Baroor ubaxle baan doortay.

144
6.7 “Xamar Seeri.”
Maxamuud Jaamac Daallin

Maxamuud Jaamac Daallin oo ku jooga Xamar seeri. Ayaa Ismaciil


Mire tilmaamay oo yidhi ”Faraskaasi meel uu ka yimiba waa dhashii
Isxal oo cid u tegeysaa ma jirto ninka saaranna uma dhalan”.
Maxamuud oo ka diiray diidayna hadalka Ismaaciil Mire ee ah "Uma
dhalan" ayaa geeraarkan mariyay.

 Neefkani waa xamar  Saldhig neef ka


Seeri wanaagsan
 Waadhashii Saxardiid  Socod neef ka horreya
 Seyidkii amranaa  Sinaba loo arki mayo
 Yaa Sinjigiisa lahaa  Haddiiqayla Sannaadho
 Waa ina Seeri wareegan  Nadigu seetadu gooyo
 Samaduu u baxaayoo
 Gabadh laygama siinin  Wax salbbaa ma jiraan
 Sidig geela ma siisan
 Si kaleetana maahee  Oday waa sal kacaa
 Meel saraaya ka duulay  Fule waa salsalaa
 Ragga haadku sarriigay  Gabanna waanu
 Baan sooyanow la saxayne
wareegnay  Siigga wuu la ordaa
 Saryan waa genbiyaa
 Sabadii Balanbaal iyo  Haldhaana waa sababaa
 Suugaaluu Ku dhashay  Sifihiisa bal eegoo
 Waa Siddeed jir da'diisu  Bal sidaan idhi eega

145
6.8 Weehadoow Faraskayga
Raage Ugaas Warfaa

Gabyaagii Raage Ugaas Warfaa, isaga oo ammanaya farskiisii Walhad.


Waxa uu mariyay geerarkan cajiibka ah, ee uu ku kala dhig-dhigay
ammaanta qaaliga ah ee uu faraskiisa u ku ammaanay.

Geeraar waa nin wanaajiyo. Dadka waabinayaa?.


Ninuu waraar kaga oodmiyo
Nin sidayda warkiisiyo Werisow midabkiisuna .
Wacdigiisa yagaanee. Cirka oo wadhanaayoo.
Walhadow faraskayga. Wahabkii laga qaadiyo
Weedh yar oon ku amaanay Wirriilaa aan caddaaniyo.
Wowga maan ka bilaabo Ma waagoo sagliyaa?.
Gamaan waa kala waare. Meel waylaaqtan col joogoo
Warmaa laysku ridaayana
Weehadow orodkiisu. Wadnahaan ku kabaaye .
Wadhaf dayn lagaxooriyo Wiil uu Eebbe ku siiyiyo.
Taarka layska warqaadiyo. Ma walaalkay rumaa?.
Ma wayeenka shukaantoo Wajigiisa arsaaqduna .
Wanaag loogu qabtaa? Wax haddaan ku eryaayo.
Ma wadooyinka ceelkoo .
Weyraxow camalkiisuna Roobku aad u warmeeyiyo
Waraab aan u kaxeeyo. Waadigoo rogmadaa?.
Isagoon wada laacin . Hadaan heega ku weedhan .
Anigoo wada mooyee. Ka wareeji idhaahdana
Ninkii haanta ka waabshiyo Wajaquu ambadaaye.
Wallayskaa garabjoogaba Madaxuu kor u waaliyo .
Widhiidhuu kudilaaye. Indhuhuu ka wig siiyey.
Wiyic waayac curaaf iyo.
Wiyil qoodh ah miyaa? Ma wax sheeg sixiraa?.
Weedhaan shaw dhakhsihiisu
Ma wareega libaaxoo. Warran waaxyaha gooyiyo
Intuu neef ka wab siiyay. Wayab qaarka madow iyo
Wid hadii layidhaahdo Ridda soo widh-widhlaysiyo
Wankallaadi u boodka. Wajaafkeeda rasaastuu.

146
I waydaarinayaayee. Waddankaan ku shakaalo .
Ma wadaad layaqaanoo Ma waydaaran yaqaanee.
Wanaagii arbacuunka Ma wanaagsan gabdheedoo
Waligiisba yaqiinoo. Waalli kuu gogoshoo
Wan intaad u qashay Wareegaysa dushaadoo
Waduxaada quraankiyo Wacdigaad ku lahayd iyo
Walleyl kuu akhrinaayaa Waanadii aqbashaa?
Dadka oo wada seexday
Hadaan ooda ka weecshana

6.9 “Ashki-reeri”
Axmed Muuse

Axmed Muuse oo ahaa nin Suugaanyahan ah, lana sheego inuu ka soo
jeeday deegaanka Caabud-waaq. Ayaa waxa uu ahaa sida la sheegay
nin aad ugu fogaaday Jacaylka faras uu lahaa. Oo la odhan Jiray Ashki-
reeri. Axmed Muuse gabadh ayuu doonay inuu guursado. Markuu
gababadhii doonay ayaa shardi lagaga dhigay, hadduu rabo inuu
gabadhaa xilo ka dhigto inuu golo keeno, faraskiisa Ashkireeri oo uu
aad u jeclaa.

Ninkii odayga ahaa talo way ka baraahsatay. Wayna ku cadaatay,


tolkiina waxay kula taliyeen inuu faraska iska bixiyo. Si uu gabadhaa u
helo. Balse gabadhan la isma arag oo weli la isma baran, balse
faraskiisa. waa uu yaqanaa aqoonina uguma laabna. Inta uu banaan u
baxay ayuu yidhi “waan soo tashanayaa”, markii uu soo noqday ayaa
uu tirshay geeraar aad u cajiiba, oo uu kuba sheegaayo hadduu
faraskiisaa bixiyo, inuu Diintaba shaki geliyay ku sii jiritaankeeda.
Waana kan geeraarkii Axmed Muuse,oo dhamaystiran.

147
Gabadh heenso wanaagsanoo, Qurux laysku habeeyay
Hibo eebe u siiyay, Aqal weyn hadhsanaysa
Hodan aabe tidhaadaan,Haddii haatan la keeno.
Huri mayo duqayga!

Geela hawd iyo doolo iyo, Laan hareeri ka foofa.


Haddeeray cali muuse iyo, Rag kaleetaan hubaa.
Hadalka is hayaane, Huri mayo duqayga!

Wiilal haayir u duulay, Inaan hoosada jiifo.


U habeeno tirshaana, Waa hadalaanan jeclayne.
Huri mayo duqayga!

Haddaan ashkireeri, Hooya dhici idhaahdo.


Muslim haybtii ma sheegto, Nabigiina haleeyay.
Wiilashii haysadkiisiyo, Hinjintiisa yaqaanaa.
Arintiisa habawshee, Huri maayo duqayga!

148
6.10 Sange Guur
Yuusuf Xasan Ismaacil

Gabaygan qiimaha badan ee soo socda waxaa curiyay, gabyaa


dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle. Magaciisuna
yahay Yuusuf Xasan Ismaacil (ina waraabe dheere). Buuhoodle waxa
uu kamida meelaha saldhiga u ah taranta fardaha. Waxaanu kaga
faaloonaya abwaanku gabaygan fardaha. Waxa uu abwaanku tiriyay
gabayga markay taariikhdu ahayd 12/7/2012. Waana kan gabaygii oo
faah-faahsani.

1. Inta saban adduun soo jiriyo siibaxdiyo maalmo


2. Sakalaha wakhtigu keeno iyo saacaddiyo laylku
3. Sooyaalka diliqlay qoraan kuu sawirayaane
4. Sax u dhaca waxaa lagu gartaa suurihii lumaye.

5. Sinji waxaad ulayd iyo haddii sarac ku weydaarto


6. Siireeban taaluu qalbiga kaaba sudhayaaye
7. Suufi waxaad ku noqotaa halkii loo sedgayn jiraye
8. Maxaa salabo wegenkay safnayd saaka bahal jooga.
9. Suurka gaadhay sangihii badnaa siidhka laga waayey
10. Sakatiyo layaab baa saldhigay seerahoo idile
11. Soonkiyo darkii baan lahayn sayn ku dhabadkiise
12. Masaxaabka duulaa la tagay saydhmay bahalkiiye!.
13. Sayid Maxamed seeftuu wetiyo sulubkii uu qaatay
14. Saancadaaga gaalkaa markuu suuqa gelinaayey.

15. Sarartiisa weynbuu arliga saararayn jiraye


16. Masaxaabka duulaa la tagay saydhmay bahalkiiye!.
17. Sohda laaso sabarkaa nugaal sinaha eyl joogo
18. San u dhaqan sabuulbuu ahaa seemanoo taxane
19. Sibaaq iyo wuxuu soofin jiray sogobta waaweyne

149
20. Masaxaabka duulaa la tagay saydhmay bahalkiiye!.
21. Afbakayle sarreefkii ka dhacay sababtii ruug keentay
22. Salaq weedhankii beerdhigiyo saaqdii daratoole
23. Saxariir jidbaaliyo ka dhacay siriq cagaarweyne
24. Sahalkii fardhidin loo go’iyo subaxdii daad raaca
25. Isagaa saqaafaha ahaa saymo wadihiiye
26. Masaxaabka duulaa la tagay saydhmay bahalkiiye!.
27. Soomaalidu libtay seexatiyo sidigtii ay maashay
28. Khayrkeed sinnaantay agtimid siriqdii ay dhaaftay
29. Siqiirkiyo markuu oday samyidhi sarey ilaah tuugay.

30. Samihii xorriyadeed markii sadaqo aan loognay


31. Sasabiyo walaalow ma’odhan saahidkii go’aye
32. Suufkuu u soo laaban jiray geenyo suuriya’e
33. Masaxaabka duulaa la tagay saydhmay bahalkiiye!.
34. Kol haddaan sah muuqdiyo xanuun siibin xididkiisa
35. Ama aan sarfayn loogu shubin sun iyo waabeeyo
36. Ama aan suwiidh iyo lagayn saba kaloo meersan
37. Ama aan dhurwaa sarey ka yimid seedda wada goynin
38. Ama aan dabayl siigo iyo saxarro ay qaadin
39. Sow waxaa sunnaahada ka dhigay silic guddoon maaha.!
40. Socod dhuukuf laan laga sugayn qurux samayskeede.
41. Suudiga hadhkii buun tagayn saaxan kuu wadhane

42. Sumac iyo colbuun kaa rawayn salal amuurtiise


43. Sarsar iyo xeruun kaa mudhayn seesanoo tolane
44. Sifo iyo aqoon buun kasayn suuradaad tahaye
45. Taariikh sarreysuun lahayn siiro iyo cayne
46. Sadhageena eebow kalaa saamaxaad tahaye
47. Saaquunka haystana ku tuur wayna sahaydeene
48. Oo yaan sifaalaha adduun laguba soo qaadin

150
6.11” Laarriyoow”
Cabdi Fadal

1. Midabkaagu Geydhoow
2. Sidii Goray ma laaceene
3. Gaaddada iyo Feedhuu
4. Baruur kuma gammuurmeene
5. Cir godladay gufaaciyo
6. Mayay gelinba cayn keenay
7. Goortay Gammaankii
8. U naceen Gooxa iyo Roobka
9. Ninka goodan gaaridu
10. Halkay gacal samayneysey
11. Legga kuguma geliyeen
12. Halkay gogoshu ii tiille

13. Labadaada gobol goor walbaba


14. Subag ma gaadheene
15. Goonyaha intaan kaaga shubay
16. Gego ma qaadeene
17. Guuraha habeenkii
18. Kolkii Goda la doonaayo
19. Hadba gees an kaagama
20. Dayeen gelengel laydheede.

151
6.12 “Guulwade”

Cali Bucul

Cali Bucul oo Abaanduule Ciidan ah, ayay Sayyid Maxamed Cabdulla


Xasan kulmeen. Sayidku Wuxuu Yidhi “Waxaan doonayaa inaan Bal
maqlo geeraar Faras, Cali Buculoow waad ku wanaagsantihin ayaan
maqlee. Cali Bucul ayaa Hadalka u baxay siina raaciyay “Anniga ayaa
kuu tirinaya.” Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Wuxuu yidhi “Haddii
aan kaa geeraar fiicnaado qudhaan kaa Jarayaa.” Cali Bucul ayaa ugu
Jawaabay “Haddii aad eray aan idhi iga daba tidhaahdo anigana
warankaygu kaa dambayn Maayo ee la soco”. Cali geeraarkii ayuu
bilaabay, waxaanu yidhi sadatan.

Gabangoodi Abaaroo
Gamaan Waa Magac Guudoo Dadku Guunyo ka Quustay
Sanga aan Gabanayniyo Geel Buu soo Tu’iyaaye
Magaankii Godanaa iyo Ma gob reera Dhacdaa
Geenyadii Dhadigayd baa Goluhuu Miranaayay
Gabigood ka Dhaxaysoo Gurxan Dhowrta Fogeeyiyo
Haybta way isku Gartaane Gooh Wayn Baa ka Baxayee
Guulwadaw Faraskaygu Ma Aar Goosan Wataa ??
Haddii aan Galadiisiyo
Gedahiisa Tilmaamo Golihii ku Xidhnaa
Waa Gal Maaxanayoo Nacab soo Gardaraystiyo
Gaadhi Mayno Xogtiisoo Gaas Laxaadliyo Guutiyo
Waan ka Gaab-Sanayaaye Guluf Weerar ku Qaadiyo
Rag allow Gaf Miyaa ?? Gaado Goonya Wareegiyo
Guhaad Buu ku Xijaaboo
Almis Goodiyadeediyo Rugtiisa Ma Gaydoo
Bulaxaar Guduunkeediyo Aad baa loogu Gamaaye
Golihii Harawaad iyo Ma Ganuun Nin Dhamaa ??
Gureys Reeraha Yaala
Galab Buu isku Maraaye Gudcur Roob Gibil Saarayoo
Ma Daruur Gudgudaa ?? Gufaacadiisiyo Caydhka
Naftaydii Gilgilaysa

152
Tuuga soo Gabanaaya Ma Sayruuq la Ganaa
Laydhiisuu ka Gartaaye Afartiisa Cagood iyo
Ma guhaan Garab daar loo Cududaa Dib u Laabiga
Faalka Guun ku Noqdaa ?? Ma Camoodiga Haadoo
Hal’garaadka Guntiisiyo Samadaa ku Carceerayoo
Guudka buu ka Cadaadee Meel casaanle Arkaayo
Ma Galool Ubaxlaa ?? Hoos U Caaridayaa ?

Fanku suu u Dhitoobay Halka Lowgiyo Laabtiyo


Ma aroos Dhumuc Waynoo Ladanow Badhi Dhawrkiyo
Duleedkuun Dhacandiidoo Leemaaduhu iska Galeenbaa
Dhiinle Loo Alyayaa ? Ladnaan Loogu Gamaaye
Ma Aroos Ladan Baa ?
Tagoogaa Dhanbacaada
Ma Libaax Dhalanteedoo Helmiyay oo Helmiyay oo
Cad Geel Dhuunyanayaa helmiyay
Dhasalaalaq Ciyaarka Oo ammaantiisii Heli Waayee
Ma dhalaan Rugtii Joogaa Hoosiisow Midabkaagu
Soo Dhaandhaansada Uurkoo Ma Habeynkiyo Waagoo
Dhibic Roob Helaybaa ? Kala Haayirayaa ?????

Sayntiisuu ka Cisiine

153
6.13 Daahir af-qayle

Daahir af-qayle waxa uu yidhi, isaga oo sharaxaya qiimaha fardaha iyo


siday muhiimad u lee yihiin. Dhanka kalana ka hogo tusaalaynaya,
siday u sii dabar go’ayaan. waxa uu yidhi sidan.

1. Inbadan baan darmanaha godgodan,Geel ka iibsadaye.


2. Inbadan baan dhal geed ugu xidhay,Ay iga dul gooheene.
3. Inbadan baan gabaati u baxshoo,Naag ku guursadaye.
4. Wax badan bay gadhkaa iyo nugaal,Galab caraabeene.
5. Wax badan bay biciid geeso weyn,Gegi ku jiidheene.
6. Wax badan bay raggay gawraceen,Haadku geylamaye.
7. gasabkoodu waa tuu ahaa geedka saynta lehe.
8. Sidii hore ka gaabtoo gaag yarbaa hadhaye.
9. Allahayow hanaga gooyn,Lug waa lagu gumoobaaye.

6.14 Geeraaro iyo Gabayo Gaagaaban

Nin reer sool ah oo fardo dhaqad ah, isaga oo amaanaya fardaha.


Sifaynayana xoogooda iyo siday u kala awood badanyihiin. Waxa uu
yidhisidan.

1. Fardahaba xawaaraha,Marka laysku xarakeeyo.


2. Xagga shamista boosadu,Markay kuu xamiliweydo
3. Ashkir xooga kuma siiwado,Dhidid markuu xiismo

4. Goortay buladu xuudhato,Caynab yare xiiqo


5. Xamar iyo barood waa ,Marka lagu xareeyaaye
6. Xakamuhu ma hayn karo,Haddaan wiil xejaa wadin.

7. Xareed muguc gashay iyo,Laasku waa bil iyo waxoogaaye


8. Xayaabada wiyeera, Ayay biyuhu ku xasilaan
9. Afarta aaxaas iyo woowga,Iyo xaraf yadaydii dheh

154
Marlabaad isaga oo faanaya, kuna baanaaya siduu gammaanka u
dhaqdo. waxa uu yidhi ninkii reer Sool.

1. Waxaan ahay gammaanka iyo, Farduhu nimay gaboojeene.


2. Waxaan ahay gabyaa joogi jiray, Geedka saynta leh.
3. Waxaan ahay guyaal iyo , Guyaal gabankii taagnaye.
4. Goodiga xajiimeed ninkii Geel ku faafsaday.

Geeraarkan oo isna kamida, geeraarada ammaanta ah ee fardaha waxa


uu odhonayaa sidan

1. Gammaan waa magac guudiyo.


2. Sange aan gabbanaynoo
3. heerrimaadka gigtiisiyo
4. magaankii gudanaaye.
5. Waayeelka uu ku gargaariyo

6. Geenyadii dhadigaydee
7. Gidigoodka dhexaysiyo
8. Haybta way isku gartaane
9. Habkooda kala gaariyo
10. Kala gooni kalyeelayoo
11. Midab heerka u goosta
12. Geedka looga qirayaaye
13. Gabay sow ma ahaan.

Heestanina waxa ay ka midtahay, heesaha loogu heeso fardaha. Waxa


ayna ina tusaysaa, in ninka faraska kaxaysanayaa, uu faraskiisa u sii
sheegayo in beri la safri doono.

1. Waar bullaalow
2. Bayna bayniyo
3. Beeni dhimataye.
4. Waa bari iyo socod.

155
heestan waxay ka turjumaysaa, faras geelisii laga dhacay oo haddana
dib u soo dhacsanaaya. waxa ayna lee dahay sidan.

1. Haddii gelin hore


2. Geela lala tago
3. Oo warku is galo
4. Gabalgaabkii
5. Gar nugaaleed
6. Gabbac yeeyooy

6.22 Maah-maahaha iyo Murtida Fardaha.

1. Koore la qaayaaba shalmadi allag.


2. Fardo guul ma horbaa mise waa dib
3. Nin faras dabadii ka dagey meel u dhaantuu waayay
4. Baqal fardo la miraday ka mid bay is moodaa.
5. Fardo laysu hayo maxaa lays kugu faani.
6. Faras aanad lahayn fuulimaadkiisa futo qarar ayaa laga
qaadaa.
7. Lugtu faraska lama loolanto.
8. Jeedal faras looma qariyo.
9. Faraska jeedalka waxaa loogu dhuftaa inuu orodka ka sii
badiyo.
10. Farasow heedaada iyo kadladaada isla sug.
11. Fuulimaad faras waa fara ku hayn.
12. Faras nimaan huudo aqoonoo iska halabsadaa dilay.

156
Cutubka -7aad

Dameeraha:________139

 Dameerahayagu
 Waa dir kow kow
 Waa dir kabala cad.
_____________

 Kabaal dhiica leh


 Oo mid dhebi yahay.
 Midna dharas yahay
 Ku dhukayatooy.
____________

 Jilib gaabane
 Jaawo geelbuu
 Jees u dhamaa.
____________

157
158
7.1 Dameeraha
Qoyska dameeraha oo aynu hore u soo sheegnay, inaan xilliyadii hore,
aan xoog loo dhaqan jirin. Balse hadda ka mid noqday xoolaha la
dhaqdo. Waxay ka tirsanyihin qoysweynaha la isku yidhaahdo
gammaanka. Dameeruhu sida noolaha kale, ayay ka tarmaan oo ay ka
farcamaan lab iyo dhedig. Dadka Soomaaliyeed dameeraha laba hab,
ayay u gaadiidsadaan oo ay u manafacaadsadaan.Dadka
magaalooyinka dageni, inta ay foostooyin la kala jeexaan oo ay
balaadhiyaan. Markaasay laba taayir iyo candho gaadhina ku xidhaan
oo ay dusha ka saraan dameerka. Dabadeedna ciida iyo ooda ayay ku
soo guraan. Halka dadka miyiga deganina, ay sida awrta ugu soo
dhaansadaan inta ay kabaalo iyo caagag saaraan. Labadaa hab ayaa
badanaa dameeraha loogu manafacaadsadaa

Dameeruhu maaha sida gamaanka kale, ee Fardaha iyo Baqlaha. Oo


dagaalada laguma galo. Lagumana xaragoodo, hadyadana layskuma
siiyo. Kaliya waxaa loo haystaa in xoogooda la manaafacaadsado. Sida
qaalibka ah waxaa la raraa oo xoogiisa ayaa la manaafacaadsadaa
dameerka lab. Balse xilliyada qaarkood hadday dantu tidhaahdo,
waad arkaysaa badanaa meelaha miyiga ah iyada oo Dameerta
dhedig, lagu soo dhaansanaayo ama Xaabada lagu soo guranaayo.

Sidoo kale waxay lee yihin, sida xoolaha kalaba ay u lee yihiin heeso
hawleedo, maah-maahaho iyo Suugaan. Ku waas oo loo tiriyo xilliyada
ku munaasabka ah. Dameeruhu muuqaal ahaan way ka gaa-gaaban
yihin fardaha iyo baqalaha. Noocyada midabadoodu sidaa uma sii
badana. Balase waxay yeeshaan Madow, Caddan iyo Sibidhi
Caddaati Xigeen ah.

Dameerka lab marka uu arko dameero kale, waa uu ciyaa isaga oo afka
kala waaxaaya. Dameeruhu way is cunaan sida awrtu ay isu cunto.
Badanaa ninka dameerka wataa xilliyada qaarkood, waxa uu
sameeyaa, si aanu dameerkiisu u arkin dameeraha kale, ee hareerihiisa
maraaya labada indhood hareerahooda ayuu ka geliyaa laba kartoon.

159
Dameeruhu waxay kamid yihin, xoolaha ay Soomaalidu dhaqato ku
wooda ugu sidka dheer.Waxaa la sheegaa inay sid qaadaan, mudu
dhan 14 bilood oo u dhiganta 420 habeen. Dhasha dameeraha waxaa
la yidhaahdaa qayl. Dameeraha Hilib iyo Caanto toona lagama helo oo
lagama manaafacaadsado. Saantoodana waxba laguma falo, oo cidiba
ma qalato.

Qoyskan dameeruhu maaha sida meesiyada kale, meesi meel gaara u


fooftaga una daaq taga. Balse reerka ugu badan waxa uu haystaa laba
dameeer. Sida xoolaha kale xero laguma xareeyo oo lagama soo daayo.
Balse guriga duleedkiisa ayay iska mirtaan, oo ay ka ciyaan kana
buruuf leeyaan habeenkii oodhan. Sida ay sheegaan dadka aadka ugu
xeesha dheer gammaanku, dameeruhu meel fog ayay wax ka maqlaan,
waxna ka dareemaan. Waxay sheegaan dameerku marka uu meel fog,
ka maqlo sanqadh inuu dhegta xigta xagga uu wax ka maqlay, inuu
kor u taago. Isaga oo si fiican u dhuuxaaya una dhagaysanaaya
sanqadhaa. Taas oo sababta cidda markaa dul joogtaa in ay fahmaan
inay wax jiraan.

Dameerka lab marka uu dameerta dhedig, uu riminaayo ee uu ku


boodo, waxaa la yidhaahdaa wuu kuday dameertii. Waana marka uu
ku boodo. Dameerhu marka ay wax iska celinayaan sida dadka,
Aadunka iyo Iwm, labada lugood ee danbe ayay la dhacaan oo ay ku
dhufataan. Waxaana la yidhadaa Dambaanidho. Qofka ay ku
dhuftaan waaba ay jabiyaan. Oo maaha wax sahlan.

160
7.2 Midabada dameeraha
1. Madow
2. Caddaan
3. Sibidhi caddaati

7.3 Qaar kamida Cododka Dameerahu Sameeyaan11

1. Dameeruhu way Danaaniyaan.


2. Dameeruhu way Ciyaan.
3. Dameeruhu way Qururufleeyaan,
4. Dameeruhu way Sandhaadhiyaan.
 Xuquuqda: (macnekooxeeyaha Af-soomaaliga-Hormada 1aad)
Jama Muuse Jama.

7.4 Heeso Hawleedada Dameeraha.

(1) (3)
 Jilib gaabane  Hagi hagi dameeraadeey
 Jaawo geelbuu  Haasaawe malableeyeey
 Jees u dhamaa.  Geelu waa jilbiibaayeey
(2)  Joog lagu rartaydiiyeey
 Dameerahayagu  Geelu waa
 Waa dir kow kow cabaadaayeey
 Waa dir kabala cad.
……………………..  Ma cabaadadaydiiyeey
 Dameerahayagu  Geelu waa
 Waa walaaloo dhukaamaayeey
 Wax la siiyaba  Ma
 Wixii loo dhigo dhukaamadaydiiyeey
 Way wadaagaan.  Geelu muxuu ku dheer
yahay
 Galow galowda baas
mooyiy
______________________________
11 macnekooxeeyaha Af-soomaaliga Hormada 1aad) Jama Muuse Jama.

161
(4)
 Kabaal dhiica leh
 Oo mid dhebi yahay.
 Midna dharas yahay
 Ku dhukayatooy.
(5)
 Hagi hagi dameeraadeey
 Haasaawe malableeyeey
 Ma haddaa dhallaankeennii
 Dhacamaha ku joogaan
 Ma haddaa wadaadkeennii
 Weysooyda ku hayaa

 Ma haddaa wadaad kale


 Weysadu u taallaa
 Ma hadday ummulaheennii
 Oonoowda ku hayaan
 Ma haddaa ummulo kale
 Aagaamuhu u yaalliin.
(6)
 Gaabeeya gaabeeyaay
 Gaabeeya geel dhaaneey
 Ma goblame adeerkay baa
 Gaabeeya ii dhaqay.
(8)
 Ninka awrta leh
 Aan ku orinee
 Adimada fidi.

162
7.5 Maah-maahaha iyo Murtida Dameeraha.
1. Dameeri isku halaynbay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
2. Dameeri waa wada sancad
3. Dameeri dhaan raacday
4. Nin dareer wataa dad la tooyasho maaha
5. Dameeri geela hayga didisee qurufteedaa igaga daran.
6. Dameero kirbay u wada dhago tagaan.
7. Dameertu inta ayna cida baran ayay dhuusada barataa,
8. Dad iyo dameeraba nin leh bay u daaqaan.
9. Dameer buushe diiday dantii kaa og.
10. Dameero awdalan ninkii ooda ka rogaa isagaa aroorsha.
11. Dameereey dudada joog ama dugsiga joog waraabaa ku leh.
12. Dameeray kac ama kuur kuurso ama kaadida qub.
13. Naaso dameeraad ma horaadaa mise waa dambeedo.

7.6 Erey Furka Dameeraha


1. Qundul: Waa xubinta taranka ee dameerka lab
2. Kudis: Waa marka dameerka lab ku boodo dameerta dhedig
3. Dambaabidho. Waa marka dameeruhu ay labada lugood ee
dambe ay la dhacaan waxa soo weerara wuxuu doonaba ka
noqdeem
4. Qayl: Waa dhasha yar yare e dameeraha.
5. Darfac: Waa cudur kamida cudurada ku dhaca dameeraha
farduhuna way la wadaagaan.

163
Cutubka -8aad
“Taariikho kooban oo ku saabsan xoolaha Soomaalida”

164
Xeerkii hore ee Soomaalida iyo xoolaha nool11.

Xoolaha waxaa loola jeedaa oo quseeyaa Geela, Lo’da iyo Adhiga.


Dadka xoololayda ah waa dadka reer guuraaga ah. Waxaa biyo kama
dhibcaan ah, siday wax walba xeer hoosaad ugu samaysteen reer
guuraagu, inay xoolahana ugu samaysteen xeer hoosaad u gaar ah.
Fardaha horaan buuga ugu soo sharaxnay xeerkooda. Imikana waxa
aynu xeerkooda ka sheekayn doonaa, saddexda meesi ee kor inoogu
xusan. Oo ah Geela, Lo’da iyo Adhiga.

Waxaa ka mid ahaa, xeerarkaas ay Soomaalidu u dhigatay xoolaha:

1. Xeerka baadida xoolaha luma iyo ninka hela


2. Xeerka irmaanaysiga.
3. Xeerka gaadiid celiska.
4. Xeerka kala qoodhaysiga iyo
5. Xeerka kala shidhaysiga xoolaha.

Haddaba xeerarkasi, waxa ay ahaan jireen xeerar ay degsan jireen reer


guuraaga Soomaalid. Oo iyaga u gaar ahaa ayna ku dhaqmi jireen.
Haddaan tusaale ka bixino xeerarkani waxay fuli jireen, marka ay
timaado baahida qodobadaa aan kor ku soo xusnay. Waana sidan:-

1. Xeerka kala Qoodhaysiga

Xeerkani waxa uu iman jiray oo fuli jiray, marka nin beesha


ama deegaanka ka mid ah, uu geelisa u waayo awr baarqab ah
oo geela u abaahiya. Marka ay sidaasi ku dhacdo waxa uu
samayn jiray, nin ka mida deegaanka oo haysta awr jamal ah
ayuu ka soo qaadan jiray. Xeerkuna waxa uu dhigayaa inaan
ninkaa loo diidin qoodhaa uu rabo. Balse xeerka waxaa ka mida
haddii qoodhaa ninku rabaa, ay kali u tahay reerka oo uu
yahay mid la rarto , xeerku waxa uu dhigayaa in awr reray ah

165
oo reerku rarto loo keeno. Qoodh oo dhan xeerkeedu waxa uu
ahaa, haddii ay si caadi ah u lunto ama u dhimato, inaan la
magdhabin oo aan wax mood iyo noola midna aan laga
qaadan.
2. Xeerka Irmaanaysiga.
Xeerkani isna waxa uu iman jiray oo fuli jiray, marka nin uu nin
kale ka irmaansado xoolo, si uu caruurta iyo reerka ugu maalo!
Xeerku waxa uu dhigayaa inaan wax loo dhaafiyaa aanay jirin
xoolihiisa. Waxa kale oo uu dhigayay xeerku inaan loo
magdhabin haddii uu si caadiya u lumo ama uu u dhinto.

3. Xeerka Gaadiid celiska.


Xeerkani isna waxa uu iman jiray oo fuli jiray, kolka beeshu
guurto ee geedi la galo isla markaana meel la dago. Ayaa
waxaa awrta rarayda ah loo celiyaa dadkii iyo reerihii iyagu
waayay waxay ku soo guuraan, isla markaana beesha ka
hadhay.

Xeerarkaas aan tusaalaha ka bixinay iyo kuwa aynaan ka bixinba,


waxay ahaan jireen,xeer gaar u ah xoolalayda ummadda soomaaliyeed.
Waxayna ahaayeen xeerarkaasi dhaqan. Markaynu aynu xusuusano,
inay u kala bixi jireen dacwaduhu dhiig iyo dhaqan.

11
Xeerkii hore ee Soomaalida iyo Xoolaha nool, waxaan ka soo min guuriyay
oo aan ka raadracay buuga “Xeerkii Soomaalidii hore“ Muqdisho 1977 oo uu
qoray Axmed sheikh Cali Axmed (Buraale)

166
Taariikhkooban Xoolaha Somaliland 1970 - 2012

Bariga dhexe intiisa badani waa saxare engegan, kaas oo aan saacidayn
taranka xoolaha nool. Sidaas darteed Gobolada Somaliland Waxay
ahaan jireen isha xoolaha nool kumanaan sannadood. Qarnigii labaad,
xidhiidh ganacsi ayaa si fiican uga aasaasmay gobolada Somaliland ee
dheraran xeebaha.

Xajku waa tiirka islaamka ilaa xilligii la aasaasay, dhaqanka gawraca


(hadyiga). Xooluhuna inta xajka lagu guddo jiro waxa ay salka u
dhigtay, dalab joogto ah oo sannadle ah. Oo ay Boqortooyada Sacuudi
Carabiya ay u qabaan xoolaha. Laga soo bilaabo ilaa qarnigii 7aad.

Qisadii Nebi Ibraahim lagaga codsaday inuu sadqeeyo inankiisii


Ismaaciil. Laakiin uu ilaahay kaga furtay wanka madaxa madow ee
Somaliland caanka ku tahay. Dhaqanka gawrucuna waa ka joogto
dhamaan wadamaa muslimka. Sidaas darteed, nooca Somaliland ee
loo yaqaan maxali ahaan Berberaawi ayaa ilaa hadda laga jecelyahay
waddamada Muslimka. Gaar ahaan inta Xajka lagu gudo jiro.

Dekadda Berbera waxa ay ka mid ahayd safka hore ee dhoofinta,


xoolaha nool ee dunida ilaa horaantii iyo badhtamihii 1970 –kii. Si
kasta ha ahaatee sannadii 1976 waxa meesha ka saartay Ustaraaliya.
taas oo safka hore sii ahayd ilaa 34-kii sanno ee ku xigay. Ustaraaliya
waxa ay tartamaa wayn kula tahay suuqa xoolaha somaliland ee
Wadamada Gacanka Carabta. Gaar ahaan suuqa faa’iidada leh ee
Boqrtooyada Sucuudi Carabbiya. Si kastaba ha ahaatee, 2012 waxay
ahayd markii ugu horaysay ilaa 1976-kii ee ay wadarta tirada xoolaha
Somaliland, ka sareeyaan ta Ustaraaliya ee suuqa Wadamada gacanka
Carabta.

167
Qiimayntii FAO Ee 1998
Xooluhu hadda waa waaxda hogaaminaysa dhaqaalaha Somaliland.
Wax soo saarka xoolaha waxa lagu xisaabiyaa in ay yihiin 60-65% ee
wax soosaarka Guud (WSG). Iyada oo uu sal u yahay qiimayntii FAO
ee 1998 iyo heerka kordhka ee hore. Waxa ay Somaliland leedahay
qiyaas dhan 1.69 milyan oo geel ah, 0.40 milyan oo lo’ ah, 8.4 milyan
oo riy’o ah iyo 8.75 milyan oo ido ah sannadkii 2011. Xoolahaasi 75%
waxa ay ku nool yihiin gobolada Sool, Sanaag, iyo Togdheer.

Xoolaha ugu badan ee ay Somaliland dhoofisaa waa idaha iyo riyaha.


Kuwaas oo noqda 91% dhamaan xoolaha la dhoofiyay. Sannadkii 2010
dhexdiisii waxa dekeda Berbera laga dhoofiyay wadar dhan 2.352
milyan oo adhi ah (kuwaas oo ay ku jireen xoolo ka yimid Itoobiya).
Wadartan, 1.612 milyan (69%) waxa la dhoofiyay intii u dhexaysay
Sebtembar iyo Noofambar oo ahayd moosinkii xajka. Qiyaas ahaana
celceliska qiimaha dhoofku waxa uu ahaa $ 70 doolar, qiyaasta
wadarta qiimuhu waxa ay ka saraysay 160 milyan oo doolar. Iyada oo
ay la socoto cashuurta dawladu oo qiyaas ahaana ah $ 3.60 doolar
neefkiiba, taa macnaheedu waa dakhli cashuureed oo qiyaas ahaan ah
$ 8.5 milyan doolar, ama 10% wadarta dakhli ee dawlada Somaliland
ka hesho.

Somaliland, ilaa xad iyo dhoofiyayaasha kale ee Geeska Afrika, waxa


ay ku tiirsan yihiin wadamo yar oo keliya oo ay u dhoofiyaan
xoolahooda. Tusaale ahaan 2.352 milyan ee ahaa idaha iyo riyaha laga
dhoofiyay Dekada Berbera 2010-kii, qiyaas ahaan 78% waxay tegeen
Sacuudi Carabiya, 20% Yeman iyo baaqigii kala oo tegay Masar iyo
Cumaan.

Ka Timid: Wasaarada Xannaanad Xoolaha

http://somali.somalilandinvest.net

168
Shaxda 1: Tirada Xoolaha (Neef) ee laga dhoofiyay Berbera u dhoofay
Dawladaha Gacanka Carabta laga bilaabo 2004-2012

169
Raad Raaca Buuga!
170
Axmed Cali Abokor” SUUGAANTA GEELA…Printed in Sweden byMotala
Grafiska, Motala 1986…..

Aw-Jaamac Cumar Ciise “Diiwaanka Gabayadii


Sayid Maxamed Cabdulle Xasan” URURINTII KOOWAAD. (Mashruuca
Iskaa-U-Samee)..

Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ Mohamoud H. Nugidoon “Qalabka


iyo Suuganta Qodaalka.. Ponte Invisibile Edizioni, REDSEA-ONLINE.COM
Publishing Group Noofember (2005 )– daabaciddii 1aad – Pisa.

Axmed Maxamed Xasan “manhajka akhriska adardayda iyo dadweynaha


.. Hidaha iyo Dhaqanka.

Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi( Jiheeye)…Sama-Doon… Eclipse


Pvt.Ltd.com Ethiopia(2010).

Maxamuud Xaaji Ibraahim”Habka Soomaalidu Geela U


Dhaqato…(2004)

Cabdalle Xaaji Cusmaan ….Qalin Ma-Koobaan.Diiwaanka Maansada Cali


Mooge Geedi…. Hargaysa Somaliland June 2015.

Aamina Xaaji Aadan..Suugaanta Dhalaanka ..Hargaysa Somaliland


(2015)

Jaamac Muuse Jaamac.. .. Macane Kooxeeyaha Af-Soomaaliga- Hormada


1aad.

Maxamed shiikh Daahir Qaalib.. Habka Beer Qodaalka.. Hargaysa


Somaliland…

Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Ubaxle)…Maguuraan.. Diiwaanka Hidaha


Iyo Dhaqanka…Burco Somaliland October (2013)

171
Axmed sheikh Cali Axmed (Buraale) .. Xeerkii Soomaalidii hore
Muqdisho 1977

Maxamed Baashe Xaaji Xasan…. Guri Waa Haween…. Kartida


Haweenka Soomaalida (Somali Woman and Her Potential Role)

Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-Ganey)…. Bad Macaan…. Murtidii


iyo Miidddi Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-Ganey) Hargaysa
Somaliland 2015.. Sagal-Jet

Maxamed Baashe Xaaji Xasan…. Hal-AAN TEBAYEY……… Baal-


taariikheedkii iyo Suugaantii…. X.A Af-qalooc… (Stockholm 2015)

172
Qoraga Buuggan.

Buuggan waxaa qoray Dr: Mustaf X Axmed Diiriye (Sheybe). Waxa uu


Mustafe ku dhashay hawdka magaalada burco. Dugsi Qur’aankii waxa
uu ka bilaabay magaalada Yucub-yabooh. Dusisgii hoose, Dugsigii
dhexe iyo kii Saraba waxa uu ka bilaabay kuna dhamaystay magaalada
Burco 2011kii . Mustafe waxa uu xubin sare oo fir fircoon ka yahay
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Hal-karaan. Sidoo kale waa xubin
ka mida dhalinyarada ugu fir fircoon magaalada burco. Waxanu
wakhtigiisa inta ugu badan ku bixiyaaa horumarinta dhalinyarada
Soomaaliland. Iyo Hawlaha Iskaa wax u qabsada ah.

Hadda waxa uu arday ka yahay oo sanadkii ugu danbeeyay ku jiraa


Jaamacadda Burao University. Waxa uu dirinayaa shahaadada
Koowaad (Digree-ga) ee kuliyada Xannaanada xoolaha. Mustafe
waxa uu aqoon durugsan u lee yahay culuunta xoolaha. Waxa uu in
badan oo ku siman dhawrsano uu daba gal ku hayay, siduu Buugan
uga diyaarin lahaa cilmiga xoolaha ummadda soomaaliyeed. Mustafe
noloshiisa bilawgeedii waxa uu ku soo qaatay Baadiyaha, hal
kaasuuna ku soo indho dilaacsaday oo magaalada isaga oo barbaara
ayuu soo galay.

173

You might also like