You are on page 1of 11

1

Ataxyaatka

Waxaa dhigay

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM


2

‫بسم هللا الرحمن الرحيم‬


‫ وأشهد أن الإله إال هللا وحده‬،‫ و أستغفره وأتوب إليه‬،‫ أستعينه وأستهديه‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل رب العالمين‬
‫الشريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن‬
‫ اللهم صلي على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما صليت على سيدنا إبراهيم وعلى سيدنا‬،‫ذكره الغافلون‬
‫إبراهيم وبارك على سيدنا محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على سيدنا إبراهيم وعلى آل سيدنا إبراهيم‬
،‫ أما بعد‬،‫في العالمين إنك حميد مجيد‬

Ataxyaatka hore

Al Imaamu Al Nawawii\‫ اإلمام النووي‬Allaha u naxariistee wuxuu “Al Majmuuc\‫ ”المجموع‬ku


yiri:
Salaadda Duhurka, Casirka, Maghribka iyo Cishaha, labada Rakco oo hore kaddib,
adigoo fadhiya akhri ataxyaatkaan:

‫ والسالم علينا‬،‫ السالم عليك أيها النبي ورحمة هللا وبركاته‬،‫ هلل تعالى‬،‫ الطيبات‬،‫ الصلوات‬،‫ المباركات‬،‫"التحيات‬
‫ وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عليه‬،‫ أشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له‬،‫وعلى عباد هللا الصالحين‬
".‫وسلم‬

“Al ttaxiyyaatu, al mubaarakaatu , al ssalawaatu, al dh-dhayyibaatu, Lillaahi


Tacaalaa, al ssalaamu calayka Ayyuhaa Al Nnabiyyu wa raxmatu Allaahi wa
barakaatuhu, wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina, ash-
hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna
Muxammadan CabduHu wa Rasuuluhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam."

Waa Xadiithka afar boqol iyo saddex ee Muslim\‫ مسلم‬uu ka wariyay ibnu Cabbaas ‫إبن‬
\‫ عباس‬oo yiri:
"Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, wuxuu noo bari jiray ataxyaatka
siduu Suuradda Quraanka ah noo bari jiray oo kale, markaasuu wuxuu yiraahdaa:

‫ السالم عليك أيها النبي ورحمة هللا‬،‫ هلل تعالى‬،‫ الطيبات‬،‫ الصلوات‬،‫ المباركات‬،‫"قولوا التحيات‬
‫ وأشهد‬،‫ أشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له‬،‫ والسالم علينا وعلى عباد هللا الصالحين‬،‫وبركاته‬
".‫أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عليه وسلم‬
"Quuluu Al ttaxiyyaatu, al mubaarakaatu , al ssalawaatu, al dh-dhayyibaatu,
Lillaahi Tacaalaa, al ssalaamu calayka Ayyuhaa Al Nnabiyyu wa raxmatu Allaahi
wa barakaatuhu, wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina,
ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna
Muxammadan CabduHu wa RasuuluHu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam."

Al Sh-shaaficii\‫ الشافعي‬wuxuu fadli yeeli jiray ataxyaatka ibnu Cabbaas\‫ إبن عباس‬oo ka
fadli yeeli jiray ataxyaatka uu wariyay ibnu Mascuud\‫ابن مسعود‬, oo ah Xadiithka sideed
boqol kow iyo soddon ee Al Bukhaarii\‫البخاري‬, sababtuna waxay tahay inuu erayga Al
Mubaarakaatu\‫ المباركات‬dheer yahay oo aan midka ibnu Mascuud‫ ابن مسعود‬ku jirin.
3

Macnaha ataxyaatka koowaad

Macnaha attaxyaatku waa kanaa, waxaanna kasoo qaadannay kitaabka “Al Futuuxaatu Al
Rabbaaniyah calaa al Athkaari Al Nawaawiyyah\‫ ”الفتوحات الربانية على األذكار النواوية‬uuna
dhigay all caalimu al callaamah mufassiru Kalaama Allaahi Tacaalaa wa khaadima
Xadiithi Rasuuli Allaahi Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam Muxammad bin Callaan Al
Siddiiqii al sh-shaaficii al ashcarii al Makkii ‫ مفسر كالم هللا تعالى وخادم حديث رسول‬،‫ العالمة‬،‫العالم‬
\‫ هللا صلى هللا عليه وسلم محمد بن عالن الصديقي الشافعي األشعري المكي‬oo la oofsaday sanadka kun
toddoba iyo konton Hijrada wuxuuna yiri:

*Al taxiyyaatu\‫التحيات‬, waa jamaca taxiyyah\‫تحية‬, culummaduna way isku khilaafeen


macneheeda. Waxaa la yiri waa Al Mulku\‫ الملك‬oo ah Mulkiga oo ah boqortooyada iyo
hanashada, taasoo ay gooyeen inta badan ee culummadu.

Waxaa kaloo la yiri waa Al ssalaamu\‫ السالم‬oo ah salaanta.


Waxaa kaloo la yiri waa al biqaa'u\‫ البقاء‬oo ah waaridda uu Ilaahay waarayo oo uusan
weligiis dhimanayn waxaana yiri Al Nadru bin Shumayl\‫النضر بن شميل‬.
Waxaa kaloo la yiri waa al cathamatu\‫ العظمة‬oo ah waynaanta.
Waxaa kaloo la yiri waa al ssalaamatu\‫ السالمة‬oo ah fiyoobida laga fiyow yahay wax xun
iyo naaqusnimo.
Waxaa kaloo la yiri waa al xayaatu\‫ الحياة‬oo ah nolosha.

Al Muxibbu Al Dhabarii\‫ المحب الطبري‬wuxuu yiri:


"Taxayyiyaatka Ilaahay loo sugay oo uu leeyahay waxay ka kooban tahay intaasoo idil oo
macne ah, oo haddii loo fasiro inay tahay Salaan ayadaa ugu munaasabsan.
Haddii lagu fasiro bqorotooyada iyo waynaantana waxaa weeyey macneheedu
boqortooyada runta iyo dhabta ah oo taamka ah iyo waynaan kaamil ah waxaa iska leh oo
ay u sugnaatay Ilaahay oo keli ah, maxaa yeelay intaan ahayn boqortooyadiisa iyo
waynaantiisu waa naaqus zuulaya.
Haddii lagu fasiro fiyoobidana waxaa weeye qadarinta boqorrada lagu qadariyo tusaale
ahaan, Ilaahayna uu yahay Midka taas xaqqa u leh, in kastoo ghayrkiisna uu waji taas ah
loo nisbeeyo.
Hadii waaridda lagu fasirana waa wax Isaga Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬u gooni ah oo cid
ku qabsan kartaa ayan jirin. Sidoo kale waxaa ahaa nolosha uusan dhimanayn iyo
fiyoobida uu inta xun iyo naaqusnimaba ka fiyow yahay."

Ibnu Xajar Al Haytamii\‫ إبن حجر الهيتمي‬wuxuu sharaxa Al Mishkaatu\‫ شرح المشكاة‬ku yiri:
"Attaxiyyatu\‫ التحيات‬waxay koobaysaa macnooyinkaas oo idil.

Al Qurdhubii\‫ القرطبي‬wuxuu yiri:


"Hadalka taxiyyada\‫ التحية‬ku xiga oo ah Lillaahi‫ هلل‬waa ku baraarujin ikhlaaska\‫اإلخالص‬
cibaadaadka, oo ah inaan cibaadooyinka loo samaynayn waxaan ahayn Ilaahay oo uu
Isaga khaalis u yahay.
4

Ujeedada intaasoo idil waa ammaanidda Ilaahay Subxaanau wa Tacaalaa ‫هللا سبحانه‬
\‫ وتعالى‬inuu Isagu yahay Maaligga\‫ مالك‬iska leh taxiyyatka khalqigiisa." Waa intaas
warkiisu.

*Al Mubaarakaatu\‫المباركات‬, macneheedu waxaa weeye oo baraykaysan.


Barakah\‫ بركة‬waxaa weeye badashada iyo kordhinta khayrka iyo karaamada ama
daahirinta ceeb iyo naaqusnimo laga daahiriyo, ama sugnaanta intaasoo idil iyo
joogtayntoodaba oo ah in si joogta ah loo helo, oo eraygu wuxuu ka yimid "barakati al
ibilu\‫ "بركة اإلبل‬oo loo isticmaalu oo macneheedu yahay "geelu wuu fariistay", oo halkaas
kama tegin .
Isla sidaas ayaa barkadda biyuhu ku jiraan barkad loo yiraahdaa ayadoo ay biyuhu
dhexdeeda fadhiyaan.

Al Mutawallii\‫ المتولي‬oo ka mid ah kuwa ugu waawayn ee a'immadeenna wuxuu yiri:


"Saddexda erayba (oo ah al mubaarakaatu\‫ المباركات‬iyo al ssalawaatu\‫ الصلوات‬iyo al
dhayyibaatu\‫ )الطيبات‬waxay tilmaamayaan oo sifo u yihiin taxiyyaatka \‫التحيات‬, waana isku
mid inaan ku fasirno salawaatka‫ الصلوات‬cibaadooyinka oo ah macnaha muuqda ama waxa
kaleba oo nasoo maray. Marka al mubaarakaatu‫ المباركات‬waa kordhin joogto ah ee
taxayyaadka‫ التحيات‬la joogteeyo oo Ilaahay Tacaalaa\‫ هللا تعالى‬loo sugay. Wa Allaahu
aclamu\‫وهللا أعلم‬."

*Al Ssalawaatu\‫الصلوات‬. Macnaeheeda waa la isku khilaafay. Ibnu Al Munthir\‫إبن المنذر‬


iyo kuwo kaleba waxay yiraahdeen:
"Waa shanta salaadood oo waajibka ah."

Waxaa kaloo la yiri waa Salaadaha Sunnada ah. Waxaa kaloo la yiri wax intaasba ka
guda wayn oo ah salaadaha fardiga ah iyo kuwa sunnada ah ee shareecooyinka kulligood
weeye.

Waxaa kaloo la yiri waa cibaadooyinka kulligood, waxaana yiri Al Azharii\‫األزهري‬.


Waxaa kaloo la yiri waa ducada khayr lagu ducaysto. Waxaa kaloo la yiri waa raxmada
oo ah naxariista runta ah Ilaahay keli ah ayaa iska leh.

*Al Dhayyibaatu\‫الطيبات‬. Culummada badankoodu waxay yiraahdeen waa erayada fiican


oo ah Thikriga Ilaahay Tacaalaa\‫ ذكر هللا تعالى‬iyo xusuddiisa. Waxaa kaloo la yiri waa
inta fiican ee afcaasha la suubiyo ah iyo hadallada fiican iyo sifooyinka fiicanba.

Waxaa wada koobay macnooyinkaas waxaa weeye in la yiraahdo inay al taxiyyatu \‫التحيات‬
yihiin cibaadooyinka afka laga cibaadaysto oo hadalka lagu cibaadaysto, iyo inay al
ssalawaatu\‫ الصلوات‬yihiin cibaadooyinka jirka laga cibaadaysto, iyo inay al dhayyibaatu
\‫ الطيبات‬yihiin cibaadooyinka maalka xaggiisa laga cibaadaysto. Marka, intaasoo idil
waxay u sugnaatay Ilaahay Tacaalaa‫ هللا تعالى‬.
5

*Al ssalaamu calayka ayyuhaa Al Nabiyyu wa raxmatu Allaahi wa baraakaatuHu ‫السالم‬


‫عليك أيها النبي ورحمة هللا وبركاته‬:
“Markuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, Ilaahay ammaantiisa
xusay, taasna ay addoommadu ku gaareen isagoo laftiisu Sallaa Allaahu Calayhi Wa
Sallam u keenay, ayuu wuxuu na amray inaan isagana Nabi Muxammad ah Sallaa
Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xusid ku gooni yeelno lagu muujinayo
waynaanta sharaftiisa iyo badnida xaqqiisa, oo markaasaan salaamaynna. Al Ssalaamu
‫ السالم‬waa Magaca Ilaahay oo ah Al Ssalaamu‫ السالم‬korkaaga ha ahaado, ama salaani
korkaaga ha ahaato.

*Wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina ‫والسالم علينا وعلى عباد هللا‬
‫الصالحين‬.
Al Baydaawii\‫البيضاوي‬, waana saaxibu al tafsiiri\‫صاحب التفسير‬, midka kitaabka tafsiirka ah
sameeyey, wuxuu yiri:
"Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu asxaabtiisa - iyo annagoo idil - baray inay
isaga xusidda ku gooni yeelaan sharaftiisa daraadeed iyo badnida xaqqiisa uu ayaga ku
leeyahay, kaddibna wuxuu baray inay ayaguna ducaystaan - oo waa calaynaa‫ علينا‬-.

Kaddibna wuxuu baray Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam inay salaanta wada
gaarsiiyaan inta muslimiinta ah ee suuban - waana cibaada Allaahi al ssaalixiina ‫وعلى عباد‬
‫هللا الصالحين‬. oo ah addoommada Ilaahay ee suusuuban -, oo sidaas muslimiinta oo idil loo
duceeyo.

*Calaynaa‫ علينا‬oo ah salaanna annaga korkeenna ha ahaato waa inta meeshaas ku wada
tukanaysa oo imaamka iyo inta ku daba tukanaysa ah ee mu'miniinta insiga iyo kuwa
jinnigaba.

*Al ssaalixiina‫ الصالحين‬, oo ah kuwa suuban oo fiican oo waa jamaca saalix\‫صالح‬.


Saalix‫ صالح‬waxaa la yiraahdaa qofka u quma oo guta xuquuqda uu Ilaahay isaga ku
leeyahay iyo xuquuqda ay dadka isaga ku leeyihiin.

Waxaana habboon inuu meeshaas ku xusuusto oo wada gaarsiiyo salaantaas Anbiyada oo


idil iyo malaa'igta iyo mu'miniinta oo idil si ay isku waafaqaan erayaduu ku hadlay iyo
qasadkiisu." Waa intaas warka Al Baydaawii\‫البيضاوي‬.

Al Subkii\‫ السبكي‬wuxuu yiri:


"Qof kastoo muslin ah wuxuu xaq ku leeyahay shanta salaadood oo la tukado maxaa
yeelay waxaa ku jira salaan nala wada salaamayo annaga iyo addoommada Ilaahay oo
suubanba, oo markuu sidaas yiraahdo qofka tukanaya ducadaasu waxay haleeleysaa
addoon kasta oo suuban oo ku sugan Samada iyo arligaba, sida kusoo aroortay Xadiithka
ibnu Mascuud\‫ إبن مسعود‬oo ay Al Bukhaarii\‫ البخاري‬iyo Muslim\‫ مسلم‬wariyeen inuu
Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, yiri:
6

".‫"فمن ترك واحدة منها سمعت الدعوى عليه‬


"Fa man taraka waaxidatan minhaa samictu al dacwaa calayhi",
oo Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

"Qofka ka taga mid ayagaas ka mid ahna waxaan maqlaa ayadoo la habaarayo."

Al Qaffaalu\‫ القفال‬wuxuu fatwo\‫ فتوى‬ku bixiyay qofkaan salaadda tukan oo ka taga wuxuu
taas ku dhibayaa muslimiinta oo idil, maxaa yeelay qofka tukanayaa wuxuu laabudda
yiraahdaa Wa al ssalaamu calaynaa wa calaa cibaada Allaahi al ssalixiina ‫والسالم علينا وعلى‬
‫عباد هللا الصالحين‬.
Markasuu qofkaan tukani wuxuu ka gaabinaya xaqquu Ilaahay ku lahaa iyo xaqqa
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, iyo xaqqa naftiisa iyo xaqqa
muslimiinta oo idil, oo sidaasay ka tegidda salaaduu musiibo wayn ku tahay." Waa intaas
warka Al Qaffaalu\‫القفال‬.

*Kaddibna waxaa ku xiga qirashada shahaadada oo ah ash-hadu an laa ilaaha illaa


Allaahu Waxdahu laa shariika laHu, wa ash-hadu anna Muxammadan CabduHu wa
Rasuuluhu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ‫وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عليه‬
".‫وسلم‬

Ataxyaadka dambe

Rakcada saddexaad ee Salaadda Maghrib kaddib iyo Rakcada afaraad ee Salaadaha


Duhurka iyo Casirka iyo Cishaha kaddib iyo Rakcada labaad ee labada Rakco ee
Salaadda Subax kaddib, adigoo fadhiya ataxyaadkaan soo socda akhri:

‫ والسالم علينا‬،‫ السالم عليك أيها النبي ورحمة هللا وبركاته‬،‫ هلل تعالى‬،‫ الطيبات‬،‫ الصلوا ت‬،‫ المباركات‬،‫"التحيات‬
‫ وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى هللا عليه‬،‫ أشهد أن ال إله إال هللا وحده ال شريك له‬،‫وعلى عباد هللا الصالحين‬
)‫ اللهم صل على )سيدنا( محمد وعلى آل (سيدنا) محمد كما صليت على (سيدنا) إبراهيم وعلى آل (سيدنا‬..‫وسلم‬
)‫إبراهيم وبارك على (سيدنا) محمد وعلى آل سيدنا محمد كما باركت على (سيدنا) إبراهيم وعلى آل (سيدنا‬
‫ وما أنت أعلم به‬،‫ وما أعلنت وما أسررت‬،‫ اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت‬.‫ في العالمين إنك حميد مجيد‬،‫إبراهيم‬
‫ اللهم‬.‫ وقنا عذاب النار‬،‫ وفي اآلخرت حسنة‬،‫ ربنا آتنا في الدنيا حسنة‬.‫ أنت المقدم وأنت المؤ خر ال إله إال أنت‬،‫مني‬
".‫ ومن فتنة المسيح الدجال‬،‫ ومن فتنة المحيى والممات‬،‫ ومن عذاب النار‬،‫إني أعوذ بك من عذاب القبر‬

Allaahumma Salli calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali (Sayyidinaa)


Muxammadin, Kamaa Sallayta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa calaa Aali
(Sayyidinaa) Ibrahiima, wa baarik calaa (Sayyidinaa) Muxammadin wa calaa Aali
(Sayyidinaa) Muxammadin kamaa baarakta calaa (Sayyidinaa) Ibraahiima wa
calaa Aali (Sayyidinaa) Ibraahiima, fii al caalamiina Innaka Xamiidun Majiidun.
Allaahumma ighfir lii maa qaddamtu wa maa akh-khartu , wa maa aclantu wa maa
asrartu, wa maa Anta aclamu bihi minnii, Anta Al Muqaddamu wa Anta Al
Mu'akh-kharu la ilaaha illaa Anta. Rabbanaa aatinaa fii al ddunyaa xasanatan, wa
fii al aakhirati xasanatan, wa qinaa cathaaba al nnaari. Allaahumma innii acuuthu
bika min cathaabi al qabri, wa min cathaabi al nnaari, wa min fitnati al maxyaa wa
al mamaati, wa min fitnati al Masiixi Al Ddajjaali.
7

Macnaha qaybta dambe ee ataxyaatka

"Allaahumma salli calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aali Sayyidinaa


Muxammadin kamaa sallayta calaa Sayyidinaa Ibraahiima wa calaa Aali
Sayyidinaa Ibrahiima wa baarik calaa Sayyidinaa Muxammadin wa calaa Aali
Sayyidinaa Muxammaden kamaa baarakta calaa Sayyidinaa Ibraahiima wa calaa
Aali Sayyidinaa Ibrahiima fii al caalamiina Innaka Xamiidun Majiidun".

Waana Xadiithka lix kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo konton ee Al
Bukhaarii\‫البخاري‬, oo macnihiisu yahay:
"Ilaahayow ku salli Sayyidkeenna Muxammad korkiisa, oo salliga Ilaahay korkiisa waxaa
weeye: raxmad kusoo deji, una naxariiso, darajadiisa uu Agtaada ku leeyahay kordhi,
darajada uu Jannada ku leeyahayna kordhi oo sare u qaad , sidaasoo kalena qoyskiisa
yeel, sidaad ugu saaliday Sayyidkeenna Ibraahiim iyo qoyska Sayyidkeenna Ibraahiim,
Sayyidkeenna Muxammadna korkiisana barakee, oo ah u ziyaadi oo u kordhi una joogtee,
iyo korka qoyska Sayyidkeenna Muxammad, sidaad u barakeysey Sayyidkeenna
Ibraahiim iyo qoyska Sayyidkeenna Ibraahiim. Caalamiinta dhexdooda, oo Adigu
waxaad tahay Mid ay cid walba ku Xamdido oo Wayne" .

*Allaahumma ighfir lii maa qaddamtu wa maa akh-khartu‫ اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت‬:
Ilaahayow ii dhaaf oo iga cafi dambiyadaan hore u galay. Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi
Wa Sallam, hore dambi uma gelin ee wuxuu u dambi dhaaf weydiinayaa ummaddiisa, si
ummaddiisuna ugu dayato oo dambiyada ka dhacay in laga dhaafo u weydiisato oo
markaas ducadooda la aqbalo iyo tawbadoodaba. Ilaahayow waxaad kaloo iga dhaaftaa
dambiyada uu raadkoodu harayo iyo dambiyada acmaasha waajibka ahayd oo aan ka
tegay, iyo dambiyadaan geli doono mustaqbalka.

*Wa maa aclantu‫ وما أعلنت‬: iyo dambiyada ayadoo loo jeedo aan sameeyey oo la arkay.

*Wa maa asrartu‫ وما أسررت‬: dambiyada aan siraystay oo si qarsoon ku sameeyey.

*Wa maa Anta aclamu bihi minnii‫ وما أنت أعلم به مني‬: iyo dambiyadaan galay oo aad
Adigu iiga ogaal badan tahay.

*Anta Al Muqaddamu‫ أنت المقدم‬: Adigaa ah Midka qofkaad doontid u hormariya tawfiiqda
iyo gargaarkaba.

*Wa Anta Al Mu'akh-kharu‫ وأنت المؤخر‬: Adigaana ah Midka dib ugu dhiga midkaad
doontid hoojin iyo kala harid gargaarkaaga.

*La ilaaha illaa Anta‫ ال إله إال أنت‬: Ma jiro ilaah aan adiga ahayn.

*Rabbanaa aatinaa fii al ddunyaa xasanatan‫ ربنا آتنا في الدنيا حسنة‬: Ilaahayow adduunkaan
nagu sii tan suuban, oo ah barashada iyo fahamka iyo ku dhaqanka Quraanka.
8

*Wa fii al aakhirati xasanatan‫ وفي اآلخرت حسنة‬: aakhirana nagu sii tan suuban oo ah
jannada.

*Wa qinaa cathaaba al nnaari‫ وقنا عذاب النار‬: nagana badbaadi cathaabta naarta.

*Allaahumma innii acuuthu bika min cathaabi al qabri ‫ اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر‬:
Ilaahayow waxaan kaa magan galay cathaabta qabriga la isku cathaabo.

Abuu Al Faraj bin Al Jawzii\‫ أبوالفرج بن الجوزي‬wuxuu kitaabkiisa Bustaanu Al


Waacithiina wa Riyaadu Al Ssaamiciina\‫ بستان الواعظين ورياض السامعين‬bogga kow iyo
toban ku wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam, yiri:

".‫ في الغيبة والنميمة والبول‬:‫"ال يعذب أحد في قبره إال بإحدى ثالث‬
"Laa yucath-thabu axadun fii qabrihi illaa bi ixdaa thalaathin: fii al ghiibati wa al
nnamiimati wa al bawli."
Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

"Looguma cathaabo axadna qabrigiisa dhexdiisa waxaan ahayn saddex middood:


(Kow) Xan uu dad xantay.
(Laba) Namiimo uu dad isku fiican isku diray.
(Saddex) Kaadida oo uusan iska dhiqin."
Taasuu waa qofka muslinka ahaa oo isagoo muslin ah dhinta. Gaaladase qabriga
gaalnimadaa loogu cathaabaa oo waxay u tahay god ka mid godadka Jahannama, Allaha
naga magan geliyee, annaga iyo muslimiintoo idile.

*Wa min cathaabi al nnaari‫ ومن عذاب النار‬: waxaanna kaa magan galay cathaabta naarta.

*Wa min fitnati al maxyaa‫ ومن فتنة المحيى‬: waxaanna kaa magan galay fitnooyinka, waa
imtixaankee, noloshaan dhexdeeda ah, sida cudurrada iyo waxa jirka dhiba ama diinta ku
saabsan ama adduunba ee qofka ducaysanaya iyo inta dad ah oo la xiriirtaba.

*Wa al mamaati‫ والممات‬: waxaanna kaa magan galay fitnooyina dhimashada, ayna ka mid
yihiin fitnada marka la dhimanayo oo uu shaydaan dadka gaalnimada u qurxiyo oo uu ku
yiraahdo ama krishtaannimo ku dhimo ama yuhuudinnimo iyo waxa la midka ahba, sida
Axaadiith kusoo aroortay, iyo fitnada sakaraatka dhimashada, dhimasho dabadeedna
su'aasha laba malag. Fitnada dhimashadana waxaa ugu wayn cathaabta Jahannama.

*Wa min fitnati al Masiixi Al Ddajjaali‫ ومن فتنة المسيح الدجال‬: waxaanna kaa magan galay
fitnada Al Masiixu Al Ddajjaali‫ المسيح الدجال‬, fitnadiisoo kaba wayn fitnooyinka
adduunkaan. Al Masiixu Al Ddajjaalu‫ المسيح الدجال‬wuxuu imaanayaa aakhiru zamanka,
Allaha fitnadiisa annaga iyo muslimiintoo idil ka magangeliyee.
Al Masiixu Al Ddajjaali‫ المسيح الدجال‬waa nin yuhuudi ah oo ka dhashay qabiilkooda la
yiraahdo Benjamin\‫بنيامين‬, sida kutubbo kale kusoo aroortay.
9

Benjamin bin Yacquub\‫ بنيامين بن يعقوب‬Allaha u naxariistee wuxuu ahaa walaalka la


dhashay Nabi Yuusuf Calayhissalaamu oo ay isku hooyo iyo isku aabe yihiin, hooyadood
magaceeduna wuxuu ahaa Raaxiil\‫راحيل‬.

Sida Ataxyaatka hore iyo kan dambe loo fariisto

Ataxyaatka hore waxaa loo fariistaa adigoo lugtaada bidix dhulka dhiga ciribta lugtaasna
ku fariista, lugta midigna faraha foodooda ku istaajiya. Waxaana u daliil aha Xadiithka
uu Al Bukhaarii\‫ البخاري‬ka wariyay Abuu Xumayd\‫أبوحميد‬, ayadoo ay toban asxaabta ka
mid ahi goob jog yihiin oo yiri:

‫ فإذا جلس في الركعة األخيرة قدم رجله‬، ‫"فإذا جلس في الركعتين جلس على رجله اليسرى وينصب األخرى‬
"‫اليسرى ونصب األخرى وقعد على مقعدته؟‬

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Rasulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam markuu ataxyaatka u fariisto laba
rakco kaddib, wuxuu ku fariistaa lugtiisa bidix, wuxuuna cagtiisa midig ku istaajiyaa
faraheeda fooddooda.
Markuu rakcada u dambaysa dabadeed fariisto wuxuu hore mariyaa oo uu labadiisa
bawdo hoostooda mariya lugtiisa bidix, tan kalena waa taagaa, wuxuuna ku fariistaa
salkiisa.”

Fadhiga koowaad waxaa la yiraahdaa “Al Iftiraash\‫ ”اإلفتراش‬oo lugtiisuu firaash\‫ فراش‬ka
dhiganayaa oo ku kor fariisanayaa, ahna sidaan usoo sheegnay, kan dambena waaxaa la
yiraahdaa “Al Tawarruk\‫ ”التورك‬oo warak\‫ ورك‬waxaa la yiraahdaa sinta ama misigta,
waxaana loo fariisanayaa sidatan: lugtaada bidix salkaaga hoos mari oo dhinacaaga midig
kasoo bixi, lugtaada midigna fara foodooda ku istaaji, sintaada ama misigtaada bidixna
dhulka dhig oo ku fariiso.”

Sida farta loo fiiqo

Markaad ataxyaatka akhrinaysid oo aad ashahaadada gaartid fartaada suulka ku xigta ee


gacantaada midig kor usoo qaad hore iyo xagga qibladana u fiiq, hana dhaqdhaqaajin ee
sidaas ku hay ilaa aad ataxyaatka ka dhammaysid.

Farta hore u fiiqiddeedu waa tilmaan tawxiidka oo ah Midnimada Ilaahay Tacaalaa ‫هللا‬
\‫ تعالى‬iyo ikhlaas aan ilaahnimada cid kale lala wadaajinayn, waana inuu qofka taas
qalbiga gashadaa oo niyaystaa, siduu Al Imaam Al Shaaficii\‫ اإلمام الشافعي‬Allaha u
naxariistee u yiri..

Al Nawawii\‫ النووي‬Allaha u naxariistee wuxuu Al Majmuuc\‫ المجموع‬ku yiri:


“Markuu farta kor usoo qaado ma dhaqdhaqaajinayaa? Arrinkaan waxaa ka jira saddex
waji:
10

Midda saxiixa ah oo ay inta badan ee culummadu gooyeen waxaa weeye inaan la


dhaqdhaqaajin, oo in la dhaqdhaqaajiyo waa “Makruuh\‫ ”مكروه‬oo ah wax la kahdo,
salaaddiisuna buri mayso, maxaa yeelay waa camal aan fara badnayn (Oo inta salaadda
lagu jiro shaqadu waa xaaraan).

Tan labaad.: “Waa xaaraan in la dhaqdhaqaajiyo, oo hadduu fartiisa dhaqdhaqaajiyo


salaaddiisu way buraysaa.”

Tan saddexaad. “Way habboon tahay in la dhaqdhaqaajiyo”, waxayna daliil ka dhigteen


Xadiithka Waa’il bin Xujr\‫ وائل بن حجر‬Allaha raalli ka noqdee oo isagoo sifaynaya
salaadda Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:

".‫"ثم رفع أصبعه فرأيته يحركها يدعو بها‬

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Kaddibna fartiisuu kor u qaaday, waxaanna arkay isago dhaqdhaqaajinaya oo ku


ducaysanaya.”
Waxaa ku wariyay Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬silsilad saxiix\‫ صحيح‬ah. Markaasuu Al Bayhaqii
‫ البيهقي‬wuxuu yiri:
“Waxay ixtimaalaysaa inuu muraadka dhaqdhaqaajinta farta ee Xadiithku yahay oo uu ka
wado farta fiiqiddeeda iyo kor usoo qaadiddeeda oo ayan ahayn dhaqdhaqaajin lagu
celceliyo.”
Al Nawawii\‫ النووي‬Allaha u naxariistee wuxuu yiri:
“Haday sidaas tahayna waxay waafaqsan tahay Xadiithka uu wariyay ibnu Al Zubayr ‫إبن‬
\‫الزبير‬.”

Al Nawawii\‫ النووي‬Allaha u naxariistee wuxuu Al Majmuuc\‫ المجموع‬ku yiri:

“Inaan farta la dhaqdhaqaajinna waxaa u daliil ah Xadiithkuu Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬ka


wariyay Cabdu Allaahi ibnu Al Zubayr bin Al Cawwaam\‫ عبد هللا بن الزبير بن العوام‬Allaha
labadoodaba raali ka ahaadee inuu yiri:

:‫البيهقي باسناده الصحيح عن ابن الزبير رضي هللا عنهما أن النبي صلى هللا عليه وسلم‬
".‫"كان يشير ألصبعه إذا دعا ال يحركها‬
.‫رواه أبوداود باسناد صحيح‬

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam hore ayuu fartiisa u fiiqi
jitay markuu ataxyaatka ku ducaysanayo, fartana ma dhaqdhaqaajin jirin.”
Waxaa kaloo ku wariyay silsilad saxiix ah Abuu Daauud\‫أبوداود‬.
11

Al Nawawii\‫ النووي‬Allaha u naxariistee wuxuu yiri:


Xadiithka uu ibnu Cumar\‫ إبن عمر‬ka wariyay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam
inuu yiri:
".‫"تحريك األصبع في الصالة مذعرة للشيطان‬
Oo macnihiisu yahay:
“Dhaqdhaqaajinta farta marka salaadda lagu jiro waxay cabsiisaa shaydaanka.”
Al Nawawii\‫ النووي‬wuxuu yiri:
“Xadiithkaan saxiix ma aha (Oo Xadiith aan saxiix\‫ صحيح‬ahayn cibaadooyinka laguma
dhaqmo, oo cibaadadu waa wax la isku addoonsaday, marka waa in la hubo inay sidaas
Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka sugnaatay).”
Al Bayhaqii\‫ البيهقي‬wuxuu yiri:
“Xadiithkaan waxaa wariyay oo kali ah Al Waaqidii\‫الواقدي‬, waana daciif\‫ضعيف‬.”

Sidaasuu kitaabkaanu noogu dhammaaday waxaanna ku gunaanadaynnaa annagoo leh:

‫ وصلى هللا على سيدنا محمد وعلى آله الطيبين الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره‬،‫ والثناء هلل‬،‫الحمد هلل‬
.‫الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون‬

You might also like